SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

    بسم الله الرحمن الرحيم 

Gobanimo: Wixii Hore Ka Soo Gudub
Inj. C/Qani Qorane Maxamed
Aarhus Denmark
abdiqanim@hotmail.com

Maansadan waxay soo baxday 27.11.2006 waxaana curiyay Inj. C/qani Qorane Maxamed oo deggan magaalada Aarhus ee dalka Denmark, ahna arday cilmiga (Constructing architect) ka barta jaamacadda Vitusbering University ee magaalada Horsens ee isla dalkaas Denmark.

Arar ku saabsan inay maansadan guubaabo u tahay inta heeganka u ah soo celinta sharafta ummadda, iyo digniin ku wajahan inta dabadhilifka u ah cadowga kadib, waxay maansadu tilmaan kooban ka bixineysaa, kacdoonka jira in uu yahay camal Alle loogu dhowaanayo, laguna soo af-jarayo xasillooni darradii ay sababeen dagaalladii sokeeye ee halakeeyay dalka muddada 15ka sano ah.

Waxay maansadu ka jawaabeysaa shub-hooyinka ay kamid yihiin, shubhada oraneysa, “qabiil baa shaati diineed noo soo gashaday oo doonaya inay na qabsadaan” iyo tan oraneysa, “koofurta Soomaaliya is beddelka nabadeed ee ka dhacay waa wax wanaagsan, laakiin meeshiisa yuusan soo dhaafin oo annaga noo iman”. Maansadu waxay shubhooyinkaas ku tilmaameysaa inay yihiin garasho yari iyo kuwo salka ku haya reer necbeysigii iyo qabyaaladdii na gaarsiisay heerka liita ee ay ummaddeennu gaadhay, waayo wixi aynu raadineynay waa xasillooni ku timaada isku xukunka kitaabka Alle , haddii la heleyna yeysan isoo gaadhin oo ii iman waa uun iska maan li’i. 

Maansadu waxay xusi doontaa qaar kamid ah dhibaatooyinkii   qabqalayaashii arxanka darnaa ee muddada 15ka sano ah dadka iyo dalkaba u diiday nasiinada, iyadoo ka tala bixin doonta sida mudan in laga yeelo qabqablayaashaas meel ay joogaan, darajadey doonaan ha sheegteene.

Intaa kadib maansadu waxay wax ka sheegi doontaa sida ku habboon in loola macaamilo gaalada waddankeenna xoogga ku joogta, iyadoo sheegeysa xabashida timid inaysan aheyn,wax weyn oo aad loola walwalo, iyo in loo fahmo qalabkey wataan in uu yahay gurmad aan laga maarmin oo Ilaahay noo soo dhoweeyay, una baahan in bisinka loo qabto Ilaahayna la talo saarto, isla markaana xoogaa dadaal ah lala yimaado si loogala wareego. 

Taana waxaa kuu caddeynaya, kadib Markii ay midowga maxaakimta islaamiga ee Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ka kiciyeen calooshood u noolayaashii ka ganacsan jiray hilbaha culimada,waxaa la saadaalinayay, dowladihii soo maal gelin jiray is-beheysigaas sheydaan oo uu Mareykan u weyn yahay inay  dagaal u soo xeyd-xeydan doonaan,ama ugu yaraan dagaalka u wakiilan doonaan dowlado Itoobiya itaal dhaama. Hadaba marka la eego wixii laga filayay gaalo maqashaydad muslimiin ah baa islaamnimo isku xukumaya, xabashida isa soo miidaamisay waxay ka dhigan tahay bey maansadu tilmaameysaa, sidii Sagaarkii isku sirqiyay dabinkii Goodirka loo dhigtay oo kale. 

Maansadu waxaa kale oo ay tilmaameysaa, inay jiraan dad walaalaheen ah oo wax ay haba yaraatee nooga duwan yihiin uusan jirin oo kibir iyo is yeel-yeel si xaqdarro ah loogu dhejiyay naaneyso aanan u qalmin oo lagu durayo nasabkooda iyo sharafkooda.

Maanta marxaladdan taariikhiga ah ee lagu jiro waa middii ugu munaasabsaneyd ee lagu kala sooci lahaa “yaa gob ah, yaase gun ah?”, iyadoo iftiimin doonta, hadiiba ay gunnimo jirto inay xaq u leeyihiin dadka gaalada hoos ordaya har iyo habeen, xagna ku faana reer hebel baan ka dhalanna. Maansadu waxay ishaari doontaa sharafta gobannimada iyo gunnimadu inay yihiin dhaqan ee aysan aheyn wax loo dhasho oo la kala dhaxlo. 

Maadaama ay maansadu xustay xabashida xoogga ku heysata qeybo kamid ah dalkeenna, waxaa iyadana ay wax ka sheegi doontaa haddii Alle idmo waxa laga yeelayo kooxda markii xabashi la maqlo inta badan lasoo xasuusto ee soori qaaddayga ah, ee aaminsan in arsaaqdooda ay ku jirto inay waddanka xabashi u gacan geliyaan.

Gabagabadii maansadu waxay la dardaarmeysaa dadkaas magaca iyo diirka Soomaalida uga eg, qalbigana dugaagga ka ah ee caadeystay hagardaamada ummadda, waxayna ugu baaqeysaa ineysan dusha u ridan dambi aysan taariikhdu ka cafin doonin iyo fursaddan inay tahay tii ugu dambeysay ee ay isku dabaqaban lahaayeen. 

  1. Gabaygaan ujeedada
  2. Gun dhiggiisu wuxu yahay
  3. Shacabkaan gadoodaye
  4. Ka gilgishay xumaatada
  5. Halgankay galaayaan
  6. Sharaf geesigii wada
  7. Guubaabo inuu faro
  8. Kii kaalintiis gabay
  9. Geestiis banneeyayna
  10. Intey goori goor tahay
  11. Geeddigu intuu tegin
  12. Ku yiraahdo soo gaar  
     
  13. Gabaygaan ujeedada
  14. Gun dhiggiisu wuxu yahay
  15. Inta aan samuhu gelin
  16. Sheydaan guruubkiis
  17. Gaaggii kasoo haray
  18. Inta mici gamaar ehe
  19. Ashadaad giriifka ah
  20. Gumeysiga u dirirka ah
  21. Garwadeenka xabashida
  22. Xaalufiyay geyigoo
  23. Sun ku duugay gobollada
  24. Goob kastoo ay joogaan
  25. Gardarraday wadaan baan
  26. Gumac lagu ridaayiyo
  27. Madfac guba ka yeeliye
  28. Guulle inu hagaajoon
  29. Ula jeedka gaarnoo
  30. Garnaqsigeyga toosiyo
  31. Aamiin ku garab gala 
     
  32. Hadal lala gabbado iyo
  33. Guryan aan waxtarahayn
  34. Sheekadu ka gudo weyn
  35. Waa waajib gudashoo
  36. Waxa loo gol leeyahay
  37. Oo  geeddi loo yahay
  38. Raalli gelinta Eebbiyo
  39. Garsoorkii shareecada
  40. Guud ahaan dalkeennii
  41. Inay gaadho daafaha
  42. In la helo guddoon dhaba
  43. Garanaayo baahida
  44. Oon aheyn ku meel gaar  
     
  45. Gar Ilaahay shacabkeen
  46. U horseeda gobonimo
  47. U gargaara maatada
  48. Gumeysiga shisheeyaha
  49. Gayigeynu leenahay
  50. Gardarrada ku soo galay
  51. Ka xoreeya gaalada 
     
  52. Adna ruux garaad low
  53. Islaam loo gargaaraa
  54. Marti soo galootiyo
  55. Ha ka noqon nin gooniya
  56. Geestaada ka adkee
  57. Daad yuu ka soo gelin
  58. Geesinimo amaanteed
  59. Giddi aynu jecel nahay
  60. Deeqsinimo ka daba gee 
     
  61. Shacab gadooday idilkii
  62. Shareecada guddoonsaday
  63. Ninna guulitaan iyo
  64. Gaangiistar baan ahay
  65. Geesh lasoo kireystiyo
  66. Gaalo kuma cabsiin karo
  67. Waa hebel guntaday oo
  68. Shaati kale gashaday iyo
  69. Gumeysi bey rabaaniba
  70. Goortan aynu joognaa
  71. Ma galeyso maankee
  72. Haddii uu garaad jiro
  73. U garrama si uun kale 
     
  74. Gar kalaa wuxuu yiri
  75. Maxaakimtu guul iyo
  76. Sharaf inay gardaadsheen
  77. Looga marag garruudnimo
  78. Ha yeeshee ha gaabsheen
  79. Dadaalkey godlaayaan
  80. Yuusan gaarin meel kale
  81. Caku fiiro gaabnida
  82. Caqli gudhan hadaaqii
  83. Maskax goroftayoo maran
  84. Hadalkeed is galay iyo
  85. Geesaasin aan jirin
  86. Kasoo qaad geddoodii 
     
  87. Bal nin  kheyrka garan oo
  88. Goor hore ogaadoo
  89. Ku leh yuu isoo gelin
  90. Ama nin oon u go’ayoo
  91. Xooluhu ka guran yiin
  92. Ka xumaaday guga da’ay
  93. Gabadhuu calmaday iyo
  94. Nimay  gacalo haa tiri
  95. Guurkeedna aan rabin
  96. Midka gabanku dhalayee
  97. Hilibkiis ka soo go’ay
  98. Ku leh garac xun baad tahay
  99. Ummad gabi ahaanteed
  100. Ogsoon ruuxii gubay oo
  101. Gurbaannada u sii tumi
  102. Googaale weeyee
  103. Soomaaliyeey garo? 
     
  104. Guuldarrada na haysiyo
  105. Waxa sidatan noo galay
  106. Markaan waayo gooboon
  107. Hadba gees ka fiiriyay
  108. Garashadu waxay tiri
  109. Garaadkeynu suufniyo
  110. Maqalkaan gedaafnoon
  111. Ku gufeynay reer hebel
  112. Araggaan gab ina yiri
  113. Diintaan la garab maray
  114. Ciqaabkii la galabsaday
  115. Godolkoodi weeyaan  
     
  116. Geedkii colaadaha
  117. Laga beeray gasariir
  118. Gunuus lagu waraabshee
  119. Jirri aan giriirixin
  120. Duqow wada gardiid oo
  121. Jahli uu ku gaamuray
  122. Qalbigoodu galayaxay
  123. Naxariis ka golongolay
  124. Mirey gaasa-bixiyeen
  125. Dalaggaan ka guranniyo  
  126. Wixi nooga soo go’ay   
  127. Cudurkay na geliyeen   
  128. kasoo qaad geddiisii 
     
  129. Ruuxii garaad leen
  130. Caqligiisu gurinow
  131. Gadaal u fiiri waayaha
  132. Gondahaaga hoostood
  133. Geestaada midig iyo
  134. Garabkaaga bidix eeg
  135. Oo gorfee timaaddada 
     
  136. Gobolleysigaan baas
  137. Gelgelinteynu naalliyo
  138. Gaala raac midiidina
  139. Godkey nagu rideeniyo
  140. Sidey noo galeen eeg 
     
  141. Waayeel gu ’weynoo
  142. Araggii gab yahay iyo
  143. Waxa gurbood la laayiyo
  144. Ama geesi la daldalay
  145. Gabar lagu kufsaday meel
  146. Sharaf guurka dhacay eeg 
     
  147. Guyaalkii lasoo maray    
  148. Gulufkii colaadeed
  149. Tolla’aydii la garabsaday
  150. Goobtuu na dhigey eeg 
     
  151. Garaad laaweyaashii
  152. Ganacsigooda uu galay
  153. Inay maata gawiyaan
  154. Culimada garaacaan
  155. Indheergaradka gaabshaan
  156. Arligey gubeen eeg 
     
  157. Gobolladii dalkeennana
  158. Googo’a ku yimid iyo
  159. Laba degmoo is garab taal
  160. Aan laysaga gudbeynoo
  161. Lama galaay dhexdooda ah
  162. Dantu ruuxay geysaa
  163. Geeri lagu xisaabshiyo
  164. Kala guurka dhacay eeg 
     
  165. Ehelkeys gumaadiyo
  166. Darisyada is gaadiyo
  167. Geeridaan tirsamin eeg
  168. Goonyaha adduunyada
  169. Geeskaad istaagtaba
  170. Kuwa tuban gidaarkoo
  171. Gaweetada ku tuugsada
  172. Geeddigaan dhamaan eeg 
     
  173. Galayuuska maatada
  174. Dhallaankeey gadeen ee
  175. Loo iib geeyay dibadaha
  176. Gaaladu aruursatay
  177. Gobolladada dalkeennaa
  178. Iyagaa ka gura oo
  179. Giniyaal ku ibshee
  180. Godobtey galeen eeg 
     
  181. Gaalleef mindiya iyo
  182. Gamuunnada mariidka leh
  183. Waxay nagu ganeen iyo
  184. Gumaadkey dhigeen iyo
  185. Dumar wada garoobba ah
  186. Waayeel gablamay iyo
  187. Intey gowraceen iyo
  188. Ummaddaan gam tiri eeg 
     
  189. Goor ay habeen tahay
  190. Goobtu koofur ay tahay
  191. Dadku gama’san yahayoy
  192. Gogoshooda jiifaan
  193. Hillaac galalac soo yiri
  194. Gugac uu u dheer yahay
  195. Oon aheyn gu’ iyo dayr
  196. Madfac weeye gabaxsaday
  197. Xawli ba’an ku soo guday
  198. Soo gamuuman oo yimid
  199. Oonan gaalo timid iyo
  200. Gardarraale loo wadin
  201. Xaafadaha ku soo ganan
  202. Oo mar qura gab soo yiri
  203. Gurigaaga soo galay
  204. Gurboodkiyo dhallaankii
  205. Gudaha aqalka jiifaan
  206. Ubadkaas la gubay ee
  207. Dhiiggood la galay ee
  208. Goobtaas ku baaba’ay
  209. Haddaan cidi u gubaneyn
  210. Bal garaaddo lagu helo
  211. Baarlamaanka lagu galo
  212. Xaajadaa garowsada  
     
  213. Goob kaloo halkeeto ah
  214. Gurigaan  lahaynee
  215. Guulle nagu barbaarshee
  216. Gogoshuna inoo tiil
  217. Gaaraayacuun baa
  218. Geyigeenni iib geyn
  219. Markay guudkii laasteen
  220. Dhul guntiis wixii jiray
  221. Hantideen ma guurta’a
  222. Maafiya ka gada oo
  223. Ugu gura maraakiib
  224. Geesna may hambeynine
  225. Godadkey qodeen ee
  226. Ka gurteen barwaaqada
  227. Sun geeri iyo halisley
  228. Geliyeen salkoodee
  229. Dambigey galeen eeg 
     
  230. Siduu geyiga leeyahay
  231. Gafuurraxun Tigree baa
  232. Hadba goortey doonaan
  233. Iska soo galoo baxa
  234. Markii ay gigilashiyo
  235. Gaashaandhig celiyiyo
  236. Rag guntada ay waayeen
  237. Intuu gudaha soo degay
  238. Guutooyinkiisii
  239. Iska gaardisiistoo
  240. Gumaadaaya culimada
  241. U gudbiya Imriikaan
  242. Goobahay ka taliyaan
  243. Kutubtey gubeen eeg
  244.          
  245. Soomaali gibilkeed
  246. Magac xumada gaadhiyo
  247. Fool dhaca na galay iyo
  248. Waji gabaxa jira eeg
  249. Mooryaan gadoodsani
  250. Inta ay gumaadeen
  251. Geesiyaal tagsiiyeen
  252. Rasaas ugu gabraarteen
  253. Ka badan laanta geedaha 
     
  254. Godobtaa raggii dhigaye
  255. Gumeystuhu rakuubsado
  256. Caga gubad ka dhowroo
  257. Garbaha iyo dushoodii
  258. Ka sameystay guradiyo
  259. Meel gabbaada iyo hoos
  260. Laga galo dabeylaha 
     
  261. Inta guluf ku naaxa ah
  262. Inta gacan ku dhiigle ah
  263. Waagii guduutaba
  264. Dambi ugub ah naga gala
  265. La jarmaada geerida
  266. Ka dul geeya reer dhaqan
  267. Soomaali guudkeed
  268. God inay u hoyataa
  269. Go’aankoodu uu yahay
  270. Intay gudaha joogaan
  271. Una guurin dibadaha
  272. In la gaaro weeyaan
  273. Wixi ay galeen shalay
  274. Waa in aan ka goynaa
  275. Si  loo gooni baaraa
  276. Ha loo galo dadaal adag 
     
  277. Gobol waliba kii dhibay
  278. Ha geeyeen maxkamadaha
  279. Garsoorkii islaamkiyo
  280. Nabsigey guraayeen
  281. Godolkiis ha maaleen
  282. Haku fulo ganaax adag
  283. Ha gareysto uunkuna
  284. Haddii weyl la gowracay
  285. In uu dibi wedkii galay 
     
  286. Raggan gubay dalkeennee
  287. Noo keenay gaalada   
  288. Garab yaanan loo noqon
  289. Gurbaan yaanan loo tumin
  290. Gogol casaana loo dhigin   
  291. Gambarkooda loo deyn
  292. Gujo hoos dhirbaaxa ah
  293. Gacan duuban iyo feedh
  294. Garka xiiranee mudan
  295. Gig intaad ka siisaan
  296. Galalaati kaga dhiga
  297. Kor u gana sidoodaba 
     
  298. Wixi hore kasoo gudub
  299. Waxa haatan jira gaar
  300. Danta guud usoo dega
  301. Geeddi baa la sahansaday
  302. Waxa loo gol leeyahay
  303. Gu’ aaranliyo reys
  304. Ha u noqon gadaal iyo
  305. Gudcurkii lasoo maray 
     
  306. Goob waliba xeer lehe
  307. Goortay dagaal tahay
  308. Guusha loo tartamayaa
  309. Guulle ruuxu siiyaa
  310. Gurigiisa ula hoyan
  311. Go’aan loo dhanyahay oo
  312. Laysu garabsanaayiyo
  313. Calooshoo la giijiyo
  314. Gegsi lagu abaadiyo
  315. Gargaar Eebe kiisa’aa
  316. Libin lagu guddoomaa
  317. Geeridana loo siman 
     
  318. Dib u guradku waa ceeb
  319. Dambi guun ah weeyaan
  320. Hor usocodku waa guul
  321. Gobanimana lagu helo
  322. Daasado ku gabashada
  323. Giirku uu ku muuqdaa
  324. Waa xaajo gorayaad 
     
  325. Ninkii giijay dabinkee
  326. Is yiri goodir baad heli
  327. Madax gaab sagaarkii
  328. Jeenyaha gahsaday ee
  329. Goobta loogu yimid bey
  330. Tigrahan gudboon yihiin 
     
  331. Fursadaha ku soo gala
  332. Haddii aanan goor hore
  333. Gacan adag an lagu hanan
  334. Mar ay kaa gaddoomeen
  335. Duul kale u guureen
  336. Gunuunucu itaal ma leh
  337. Gocashana sideedaba
  338. Guul ku dhaaftay waa hore
  339. Laguma gaaro sharafkeed 
     
  340. Guutooyinkaan yimid
  341. Geyigeenna soomaal
  342. Xaq darrada ku soo galay
  343. Belaayo fiid gudeysiyo
  344. Ciqaab soo galbaday iyo
  345. Biriq maahan soo ganan 
     
  346. Gawaarida dagaalkiyo
  347. Hubkan ay galbinayaan
  348. Nin gartaa yaqaanna’e
  349. Gallad nalala maagiyo
  350. Gurmad weeye noo yimid
  351. Gadaal yeysan ula tegin
  352. Guryahooda ula noqon
  353. Goosan weeye fakad oo
  354. Gudcur dumay ambadayoo
  355. Usoo habaabay geeriye
  356. Ha gobo’leeyo dhiiggood 
     
  357. Geysh qafaal ku yimid iyo
  358. Soo galooti mirir liyo
  359. Galti weeye indhoxiran
  360. Gaadaaya meel dagan
  361. Caqligiyo garaadkaba
  362. Ay ka galeen caloolaha
  363. Nafta meeshey geeyeen
  364. Halisteeda aan garan
  365. Qalbigoodu waa gubad
  366. Guul kuma haminayaan
  367. Gaajo-keentay weeyaan 
     
  368. Gacan culeys qaarkii
  369. Yoolka laguma gaaree
  370. Geedaha intayn baran
  371. Gobolladey dhex joogaan
  372. Ku garaaddo goyn wali
  373. ``O’’ intaad dhex gelisaan
  374. Go’doon aad ka yeeshaan
  375. Gees kastaba ka weerara 
     
  376. Hayska gubina qalabkoo
  377. Hadiyad gaar ah weeyee
  378. Gaalada ugaarsada
  379. Gardarrada ha eedeen
  380. Soomaali ruux galay
  381. Inuu godol ka maaleyn
  382. Caano geel ka dhamaheyn
  383. Adduunyadu ha garatee
  384. Noo dhaliya goolkaas
  385. Muslim gadooday oo kacay
  386. Waxay sharaf gayaan iyo
  387. Maamuuskey gudaaniba
  388. Adduunyadu ha garatee
  389. Noo dhaliya goolkaas 
     
  390. Guullow Allahayoow
  391. Madluum laga gardaran yahay
  392. Garabkiis adaa ehe
  393. Eebbow gargaariyo
  394. Galladdaada soo deji
  395. Gaaladaan inoo timid
  396. Nasri gaar ah naga sii
  397. Garabkeenna sare mari
  398. Diinta ay giriifeen
  399. Darteed noo galaayaan
  400. Gaashaankeenna ku adkee
  401. Iyagana guhaadkiyo
  402. Magligey galaayaan
  403. Waa galabsigoodee
  404. Gacmeheenna ku cadaab
  405. Guul darrana ka raacsii 
     
  406. Garaad xumaha liitiyo
  407. Midaan garan ujeedkoo
  408. Na gaaf meerayaa badan
  409. Hoos u guuxayana abid
  410. Gorgorinaayo jaaheen
  411. Gaalo-madow ka ganacsada
  412. U gudaayo fiidkoo
  413. Habeen guura-bahalleyn
  414. Garaabada aruursada
  415. Gabal haasha ii dhiib
  416. Ku garrama dharaartii 
     
  417. Reer muskii gandoodoo
  418. Hunguri goobayoon helin
  419. Sharafkaan gaboobeyn
  420. Xaraash geynayaa jira
  421. Haddii uu gesiin heli  
  422. Wax an maanka gelinoon
  423. Mareeg goynin beeceed
  424. Magaceen ku iib geyn
  425. Go’aankuna wuxuu yahay
  426. Gunnimada mid qaayibay
  427. Laabtuna gawaan tahay
  428. Inuusan na gabawarin
  429. Gaar inaan ka heynoo
  430. Gadhka ciidda noo darin 
     
  431. Good iyo abees laba
  432. Iyo gool yaxaaseed
  433. Lama laaco giirkoo
  434. Guudkiyo sankoodii
  435. Lama taabto goonyaha
  436. Gacantaada wow halis
  437. Inay kaa gaw siiyaan
  438. Mici kugu gumaadaan
  439. Sababteeda lama galo
  440. Inay kaa gagabiyaan
  441. Ruuxdaada gooyaan
  442. Leysuma geliyo halis
  443. Lafahaaga lama gabo
  444. Tab haddaadan garaneyn
  445. Lama doonto geerida
  446. Malaggaa hadduu galay
  447. Ha galaafan qeyrkaa 
     
  448. Murti guun ah baa tiri
  449. Aar libaax nin ganay iyo
  450. Ruuxii galladay iyo
  451. Kala garay nin gees maray
  452. Gisi maahin xoolo ah
  453. Godobteennu waa qaan
  454. Ruux waliba tuu galay
  455. Waa laga abaal gudi 
     
  456. Gooryaan sidiisii
  457. Kuwa uurka noo galay
  458. Inta guufanneysya ah
  459. Gaalada indhaha u ah
  460. Sirta teenna gaarka ah
  461. U gudbiya shisheeyaha
  462. Geesiyaal dadkeenna ah
  463. U iib geeya bahallada
  464. Kool bokis geddiisii (call box)
  465. Hadba shilinka kii gelin
  466. Ka gudbisto farriimaha
  467. Goor ay ahaataba
  468. Waa gar-adag xaajadu
  469. Goleheeda wey tegi
  470. Gefkan ay sameeyeen
  471. Ganaaxiisa  oo milan
  472. Geydhashana u dheer tahay
  473. Wey guddoomi doonaan
  474. Sidii gaal riddoobiyo
  475. Ruux gacan ku dhiigle ah
  476. Giirka laga bireeyaa
  477. Ama xabis la geliyaa
  478. Basaas gude godkiisey
  479. Biyo ugu galaayaan
  480. Taana galabta iga qora. 
     
  481. Ha is dhihin gumaadiyo
  482. Kala gaabis weeyaan
  483. Xaq u dirir gartiisiyo
  484. Guubaabo weeyaan
  485. Sharaf geesigii wada
  486. Ku gargaarid weeyaan
  487. Gardaraansho kii wada
  488. Iga gaabso weeyaan
  489. Waa la gaari yoolkee
  490. Haysku deyin dariiq goyn
  491. Haddii kalena geerida
  492. Waa gunaanadkaadee
  493. Gogosheeda sii dhigo
  494.  
  495. Gacal wada walaala ah
  496. Gardarriyo is yeel yeel
  497. Kibir loo gumeeyaa
  498. Geyigeen ku tiro badan
  499. Xaq darraana laga galay
  500. Ma aheyn gar taasuye
  501. Maantey gudboon tahay
  502. Shareecada nin garab galay
  503. Iyo kii ka gudo baxa
  504. Nin waliba wuxuu gudo
  505. Hala guddoonsho maantaba
  506. Ninka gaala raaca ah
  507. Yaan la dhihin gob baad tahay
  508. Midkey diintu gar u tahay
  509. Yaan la dhihin gun baad tahay 
     
  510. Qabiil gooniyaan nahay
  511. Gobannimaannu leenahay
  512. Gaar ayey inoo tahay
  513. Laga gudub waswaaskaas 
     
  514. Xujuraad gadaasheed
  515. Diiwaanka waxa galay
  516. Dadku midab guduudiyo
  517. Kii uu madow galay
  518. U gudboon insaannimo
  519. Ninna geedo kama dhalan
  520. Giddigeen abtiriskeen
  521. Nebi Aadam buu geli (C.S)
  522. Sharaf gaara waxa helay 
  523. Qalbigiis nimay gashay
  524. Taqwo aan gureynoo
  525. Gudihiis ku weyn tahay  
     
  526. Inta sharafka aan geyin
  527. Maalin gelin ku nooloow
  528. Garaadkoodu uu yahay
  529. Oon garan wixii tegay
  530. Mugdi gab´a habeenkii
  531. U guureeya xabashida
  532. Ka wargeeya ehelkiis
  533. Gaalada ku soo haga
  534. Gowdiida surinada
  535. Guranaayo laaluush
  536. Ku gumaada gacalkiis 
     
  537. Saqda dhexe gudaayoow
  538. Guulle weyne idankii
  539. Gugu waa inoo di'i
  540. Haddey gaarto noloshuna
  541. Waynu gaari hadafkeen
  542. Gaajaduna wey bi’i
  543. Raggi goomanaan jiray
  544. Gammaantoodu way curan  
     
  545. Intayn gaarin kala guur
  546. Sidii googo´ lacageed
  547. Sarrif aan la kala gelin
  548. Guruubaad la kala noqon
  549. Gacalku uusan kala tegin
  550. Godobtaad dhigteeniyo
  551. Waxad galabsateenaad
  552. Godolkiisa dhiiqsanin
  553. Nabsigaad gurteeniyo                                        
  554. Godkan ad qodeysaan
  555. Gunta hoose ugu dhicin
  556. Ceebtu dhuuxa ay gelin
  557. Sharaf inaad u guuxdaan
  558. Shalay bey gudbooneyd
  559. Maanta waa gabaabsiye
  560. Guullahiin ka yaaboo
  561. Ka gaabsada dhibaatada
  562. Dantiinnii garowsada
  563. Xaqa yaan la gees marin
  564. Ama inaad gumowdeen
  565. Gobonimo ka dhimateen
  566. Ha la geliyo diiwaan 
     
  567. Taariikhda guunka ah
  568. Giraan weeye socotee
  569. Godob yaanan laga gelin
  570. Yaan la galabsan ceebaal
  571. Waxaan kaa go’eyn abid
  572. Guudka yaanan loo dhigan 
     
  573. Geeraarka maansadan
  574. Haddaan soo gunaanado
  575. Gabal dhacay habeenkiis
  576. Ajal gashiyo ruuxeed
  577. Haddii ay gaddoomaan
  578. Gadaal noqod ma yeelaan
  579. Gocashiyo dadaal xumo
  580. Gumeysi kaama kiciyaan
  581. Haddey nala gudboon tahay
  582. Oo la gaari karayaa 
     
  583. Ceeb gaamurtaa iyo
  584. Sharaf xumida gabalkeed
  585. Shallay kaama goyn karo
  586. Garowshiinyo iyo maan
  587. Gundhigguna damiir yahaa
  588. La garwaaqsan karayaa 
  589. Waa hadduu garaad jiro
  590. Gobanimadu dhaqan tahay 
     
  591. Nabad gelyo iyo ammaan, nabigeennii Muxammad ahaa dushiisa ha ahaato. 

DHAMMAAD 

Inj. Cabdulqani Qorane Muxammad
abdiqanim@hotmail.com 

Qoraaladii hore ee Inj. Cabduqani Qorane... Akhri...

Afeef: Aragtida Gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD