SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARBIXIN

Warbixin Gaar ah: Itoobiya

Isniin, November 27, 2006  

Hirut Semu
Waqtiga shaqada: Hirut Semu, oo 25 jir ah, waxay qodaa dalagyo lagu beerto Rugta Daryeelka cudurka AIDS/HIV- Caateeye

Halbowlayaasha ganacsiga ee Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha kuwa xambaara kheyraadka aadka loogu baahan yahay-kaas oo inta badan ka taga dalka intuu soo geli lahaa-ee waxay kale oo uu si korodh badan u fududeeyaan fididda cudurka AIDS-ka Itoobiya. Warbixinta labaad oo ah mid ka mid ah shan warbixinood oo loogu talagaley in la soo bandhigo Jimcahan oo ku began Maalinta AIDS-ka Adduunka, ayaa wariyaha Metro ee Aidan Radnedge wuxuu ku safrey Dariiqa Halbowlaha u ah faafinta cudurka HIV/AIDS (Africa's 'high corridor of HIV') ee Afrika ilaa uu ka gaaro Magaalada labaad ee Itoobiya ee Nasareed.

Waddada wayn ee soo gasha Nasareed waa mid aad mashquul u ah, dayac badani ka muuqdo, oo khatar badan-laakiin magaalada laf ahaanteedu ayaa intaasba kulansatey oo kana sii daran.

Nasareed waa magaalada Afrika looga yaqaan “Halbowlaha qaybiya cudurka HIV ee Afrika.” Waa meel ganacsi uu quusad keeney ku lamaanisey adeeg la’aan ba’an oo halis ah oo ka jirta dhinaca caafimaadka aas aasiga ah.

Naagaha jirkooda iibsada iyo macaamiishood iyo beeraleyda iyo shaqaalaha warshadaha ayaa dhammaantood u wada aroora magaaladaas Nasareed si ay nafta u quudiyaan.


Gaari Faras maraya isgoyska Addis Ababa iyo Diridhaba ee magaalada Adama oo loo yaqaan Nasareed.
Sawirka: 
wikipedia.org

Laakiin marar badan waxay dadkaas arooraya la kulmaan meel uu cudurka HIV/AIDS diloodey oo ku gaamurey meeshii ugu darneyd ee gobalka.

Ugu yaraan, shaqaalaha gargaarka ayaa halkan waxay ka hirgaliyeen Rug Daryeel oo ay dowladdu oggoshahay rugtaas oo ku taal magaalada bannaankeeda. Magaaladan Nasareedna waxay AdisAbaba 100 km ka xigtaa dhinaca koonfur-bari. 

Laakiin markaad bari u sii socdaashidba dalkan Itoobiya, waxaa sii yaraada wixii adeeg iyo kaalmo ahaa-Qorax ku gubeysa iyo waxaad la kulmi wax laga warwareego iyo Bulshooyin Muslimku ku badan yahay oo aad u kala jab jabay oo deggen meelo hay’jad ah oo cidina aysan galin.

Magaalada Nasareed, hawl-wadeenno isugu jira Kirishtaan iyo Muslim ayaa si wadajir ah waxay uga shaqeynayaan in ay wax ka qabtaan baahida dad badan oo ay isu kaashadeen Faqri iyo cudurka HIV.

Dumarka oo ah kuwa ka soo guura tuulooyin yar yar oo beeraley ah oo u soo doola magaaladan ayaa iyaga waxaa khasab ku noqda in ay la tartamaan ragga xamaalatada ah.

Waxaase aad u badan, in dumarkan loo jiido waxa ay Quruumaha Midoobey iyo shaqaalaha kale ee gargaarka si yax yax leh u yaqaannaan shaqada ka ganacsiga jirka (Dhilleysi).

Dumarkan waxay helaan macaamiil joogta ah oo ay ka dhex helaan shaqaalaha warshadaha, darawallada baabuurta xamuulka u kala daabbusha Adisababa iyo dekedda Jabbuuti.

Nasareed waxay kale oo ay hoy u tahay ugu yaraan boqol kun oo qaxooti ka kala yimid Suudaan, Eriteriya iyo Soomaaliya.

Biyaha kulul ee magaalada iyo magaalada Sodere (Soodare) ee caanka ku ah is-duugidda (Spa) ayaa waxay tilmaan u tahay in wax kasta meeshaas aysan ahayn wax qallalan sidaa darteed waxaa magaaladu soo jiidataa durdur dalxiisayaal ah.

Laakiin dhibaatada ka muuqata adeegyada dadweynaha waa mid aad meel kasta ku arkeysid. Ariga, dammeeraha iyo fardo caato la il-daran ayaa dariiqyada iska dareeraya iyagoo iska hormaraya cad cad darbaal aad u ducfey oo darbiyada ka soo jeeda. Marka uun aad si dhow u sii eegto ayad arki in waxaasuba yihiin guryo dad ku jiraan.

Tiiyoo Nasareed ay weli sidaas ku sii tahay meel loo soo wada shaqo tago oo soo jiidata fuqurada iyo reer baaddiyaha Itoobiya. Selmawit Benti waxay aheyd agoon isaga tagtey dugsiga iyadoon dhammeysan sidaa darteedna aqoon yar iyo rajo yar kulansatey.

Waxay soo lugeysey 300 oo km oo ay ka soo lugeysey tuuladeedi Dredor iyadoo u soo dooshey dhal-dhalaalka nalalka Nasareed. Shaqada kali ah ee ay heli karteyna waxay noqotey in ay jirkeedu ku gadato guryaha dhillooyinka. 'Ma aqoonnin wax kale, wax kale oo aan qaban kareyna ma jirin” ayey tiri gabadhaas iyadoo aad u murugeysan.

Waxaa dhacdey in gabadhaasi ay qaaddo cudurkii HIV. Sida kuwo kale oo badan oo cudurka qaba ku dhacdaba, waxay marka hore u baahatey in laga daaweeyo TB waxayna isbitaal ku jirtey muddo laba shano ah.

Sidoo kale, Hirut Semu waxay iyana ogaatey in ay qabto cudurka HIV ama caateeye oo ay ogaatey ka gadaal markuu dhintey ninkeedii oo isla cudurka u dhintey iyadoo isla markaana uur ah wiil ay haatan haysato oo afar jir ah.

Waraysi: Gabar Som oo Qabtey AIDS

MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...
aids
File photo::  Eeg halkan


Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Prof. Yusuf Hersi Ahmed  


AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA
Faarax Axmed Muuse |  M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi

“waan qarracmey. Waxaan runtii rabey in aan is-dilo” ayey leedahay gabadhaas. Si marka ay isu dishana waxay cabtey suntan jiirka lagu dilo, laakiin dariskeeda ayaa ka gaarey oo ula cararey isbitaalka.

Hirut iyo Selmawit, oo labaduba jira 25 sano waxay ka mid yihiin 70 kale oo dumar ah oo qabta cudurka HIV oo loo diinwaan galiyey in ay beero iskaa wax u qabsa ah beertaan waxaana taageera koox diimeed loo yaqaan Kale Heywet oo iyana kaalmo ka hela Tearfund Charity iyo Medan Acts Project.

Kooxahaasi waxay ka caawiyaan dumarkaas dhinaca waxbarashada iyo in ay ka yareeyaan rafaadka iyagoo markaas ka shaqeeya ilaa 25 dugsi iyo 23 kaniisadood.

Dumarka qaba HIV ee weli awooda in ay shaqeeyaan ayaa u yimaada shaqada aroortii horeba subax kasta si u qotaan dhul loo gooyey in ay wax ku beertaan.

Tani waxay u oggolaaneysaa in ay sii heystaan xooggooda, niyaddooda iyo in ay naftooda qaddariyaan iyagoo isla markaana beeranaya oo suuq geynaya khudaar iyo geed miroodba.

Hirut waxay iyadu leedahay: 'marka aan shaqeynayo oo aan ka shaqeynayo beerteyda, waan illoobaa wixii xanuun i hayey. Rajo ayaan yeeshaa.’

English/SOURCE: www.metro.co.uk/news/article.html?in_article_id=26887&in_page_id=34

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com

Digniin ka timid Ururka dersa Mushkiladaha Caalamiga ee (ICG)
Nairobi/Brussels, 27 November 2006: Qaraarka qabyada ah ee ay dowladda Marekanku soo hordhigi doonto golaha Ammaanka ee quruumaha midoobey marka ay taariikhdu tahay Nofeembar 29, wuxuu keeni karaa dagaal ba’an oo ka dhaca Soomaaliya iyo in ay xasilloonidu ka dhunto dhammaan dalalka Gobalka geeska Afrika taasoo sii keeni karta in ay sii kacdo xiisadda colaadeed ee u dhexeysey dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya iyadoo ay khatarta ka dhalan karta dagaalkaasna ay gaari karto heerar cusub oo halis ah.... AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2006

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD