SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  UN

November 2006

Soomaaliya:

Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com
_____________________________
______________
_____

Waxaa la filayaa in Ergeyga gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mudane Francois Lonseny Fall, uu bisha Nofeember warbixin kooban u soo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Sida wadamada gobalka ee Itoobiya iyo Eriteriya ugu dhax larban yihiin arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayey u badan tahay in ay noqdaan warbixintaas qayb muhiim ah oo ka mid ah. Waxaa markaa soo bixi karta in madaxweynaha golaha ammaanku soo saaro go’aan si toos ah u abbaaraya waddamada Itoobiya iyo Eriteriya. Oo markaas waxaa dhici karta in loo sheego Itoobiyo iyo Eriteriya in ay arrimaha Soomaaliya faraha kala baxaan.

Waxaa kale oo Golaha Ammaanku uu eegi doonaa codsiga uga yimid Ururka Midnimada Africa iyo IGAD. Codsigaas oo ku saabsanaa in qayb ka mid ah cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya la qaado si ay ugu suurto gasho in ay ciidamo nabad ilaalin ah u soo diraan Soomaaliya (IGADSOM). Tallaabo arrintaas la xariirto oo uu goluhu qaado waa wax haatan aan u ekeyn in ay suurtoobeyso, sababtuna tahay iyadoo xubnaha goluhu ay aad uga walaacsanyihiin in haddii cunaqabateynta la qaado ay markaas keeni karto dhibaato sii murjisa xaalka haatan ka taagan Soomaaliya.

Kooxda Dabagalka ee Cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa soo gudbin doono warbixin ay ka soo diyaariyeen Soomaaliya iyagoo u soo gudbin doono warbixintan guddiga Cunaqabatooyinka ee Golaha bishan Nofeember dhammaadkeeda. Waqtiga shaqo ee Kooxdan Dabagalka waxay ku egtahay Bisha Diseember seddexdeeda, waxaana la filayaa in Goluhu u sii dheereeyo waqtiga oo loogu daro ilaa lix bilood oo kale.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Dhawaan Soomaaliya ku soo kordhey:

Is jiid jiidka u dhexeeyey Golaha Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah wuu sii xoogeystey marka la eego bishii Oktoobar ee aynu soo Dhaafney.  

Taariikhdu marka ay ahayd Sebteember 25 Golaha Maxkamadaha Midoobey waxay qabsadeen iyagoon dagaallamin Magaalada Kismaayo iyo gobalka Jubbada Hoose oo ah gobal ku yaallo meel leh ilo dhaqaalo oo muhiim ah. Tallaabadan waxay keentey in Golaha Maxkamadaha Midoobey uu gacanta ku dhigo dekedaha ku yaallo dhammaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, dowladda ku meel gaarka ahina ay ku go’doonsanaato magaalada Baydhaba. Waxaaba jira warar dhawaan soo baxay oo sheegay in Baansiinkii laga jarey Magaalada Baydhabo. Dowladda federaalka ahi waxay ku dacwootaa in Golaha Maxaakiimtu ay jabiyeen heshiiskii 5-ta Sebteember ee ahaa heshiiskii xabbad joojinta.

Si haddaba looga jawaabo arrintaan cirka iskusii sharereysa iyo iyadoo la raacayo guubaabada Golaha Ammaanka ee aheyd in si firfircoon loo wajaho arrimaha Soomaaliya ayaa Lonseny Fall wuxuu kulamo la qaatey madaxda waddamada Itoobiya, Eriteriya, Jabbuuti, Masar, Suudaan, Yugaandha iyo Yaman.

Bisha Oktoobar 9-keedi ayaa dagaal oogayaal la safan Dowladda Ku meel Gaarka ah ee fadhigeedu yahay Baydhabo oo taageero ka helayo ciidamo Itoobiya leedahay ayaa waxay la wareegeen Buurxakaba oo ah magaalo u dhaw Baydhaba oo ah halka ay fadhido dowladdu. Dowladda Itoobiya markii hore way inkirtay in ciidamadeedu ay ku lug leeyihiin arrimaha Soomaaliya, laakiin dhawaan dowladda Itoobiya waxay qiratey in ay ciidamadeeda ay u dirtey Soomaaliya iyagoo ah kuwa wax tababaraya. Maxkamadaha midoobey waxay iyagu sheegteen in ay qabteen sarkaal Itoobiyaan ah waxayna ka digeen dagaal in ay la galayaan ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay ciidda Soomaaliya.  

Taariikhdu Markey aheyd Oktoobar 13, 2006 IGAD waxay soo gudbisey qorshaha IGADSOM oo faah faahsan oo ay soo ansaxiyeen Ururka Midnimada Afrika iyo Golahiisa Ammaanka iyo nabadgalyada. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyana waxay bisha Oktoober lixdeedii soo gudbisey qorshaha xasilinta iyo ammaanka qaranka (NSSP = National Security and Stabilisation Plan).

Warbixinta Xogayaha Guud ee Soomaaliya ee uu soo gudbin doono aakhirka bisha Oktoobar ayaa waxay sheegeysaa in soo bixidda Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliya ay aad u wiiqdey Dowladda Ku Meel Gaarka ah Ee Soomaaliya. Waxay warbixinta Xoghayuhu soo bandhigi doontaa in Ammaanka meelaha ay xukumaan maxkamaduhu in uu soo hagaagey.

Kooxda Wadatashiga Caalamiga ayaa iyana kulmey Oktoober 19-keedii iyadoo ay jirtey walaac isa soo taraya oo ku wajahan falalka ay wadaan dowladaha Itoobiya iyo Eriteriya.

Tallaabooyinka mudan in la qaado

Goluhu wuxuu haystaa in uu sameeyo mid ama ka badan waxyaabaha hoos ku qoran:

  • In uu cusbeeneysiisyo jiritaanka iyo howsha Kooxda Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya iyagoo waqtiga loogu darayo ilaa lix bilood oo hor leh.
  • In loo jawaabo codsiga ka yimid IGAD iyo Ururka Midnimida Afrika si loo qaado qayb xayiraadda hubka ah si loo fuliyo qorshaha IGAD.
  • In la soo saaro go’aan ku qeexan oraahda Madaxweynaha Golaha Ammaanka taas oo farriin adag u noqota dalalka Itoobiya iyo Eriteriya farriintaas oo ah mid aad u cad oo loogu digayo dalalkaas in ay joojiyaan faragalintooda Soomaaliya.
  • In la sii xoojiyo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ayadoo la isticmaalayo xannibaado mucayin ah iyadoo la oggolaanayo  in dowladda ku meel gaarka ah loo fasaxo qayb qalab aan waxba dilin oo ay u isticmaalaan dhismaha ciidan qaran oo ammaanka suga.
  • In la faah faahiyo xaaladaha ay IGADSOM ku soo geli karto Soomaaliya, sida in oggalaansho laga helo labada qaybood ee is haya iyo in heshiis loo dhan yahay ay leeyihiin waddamada IGAD iyo weliba in la dammaanad qaado in IGADSOM ay caawin doonto wax ka qabashada siyaasadda Soomaaliya.
  • Iyo in la dardar galiyo in la sii dhiiri galiyo in ay xukunka wadaagaan Dowladda iyo Maxkamadaha.

Arrimaha Muhiimka ah:

Iyadoo Goluhu uu aad u xiiseynayo in la taageero wadahadallada Khartuum ee u dhexeeyo Maxkamadaha iyo Dowladda ayaa arrintu waxay tahay in taageeridda IGADSOM iyo in qayb xayiraadda hubka la qaado ay mijixaabin karto wadahadalka Khartuum. Waxaa dhab ah in xataa haddii qayb xayiraadda hubka la qaado ay markaasi dhici doonto in la carqaladeeyo wadahadalladii nabadda.  


xoojinta xayiraaddaas hubka weli miiska ayey saarantahay....

Kooxda Dabagalku, iyaga qaybtooda, waxay rumeysan yihiin in IGADSOM ay tahay carqalad meesha ku jirta; iyo in xitaa in qayb xannimaadda hubka la qaado ay si khatar ah u kordhin karto militiriyenta dalka Soomaaliya iyo in cunaqabateyn cayiman ay iyana tahay wax aan suurtoobeyn oo aysan dhici Karin in qolo Soomaalida ah loo furo hubka qolana laga xannibo.


Daabaco Boggan | Print
WARBIXINTA QARAMADA MIDOOBEY

Warbixin dheer oo Qaramada Midoobey ka qortay Soomaaliya... Ka akhri halkan (PDF)
[Waa fayl culus oo dhan 1.97MB]
Faylka PDF waxa uu u baahan yahay in lagu akhriyo adobe (kasoo rogo halkan)
::: WARBIXINTA UN :::


Warbixintii Qaramada midoobey ay ka qortay Soomaaliya Oct 5, 2005, oo ka kooban 60 bog oo ku qoran Af Ingiriisi..
[PDF]


Tarjumaada qoraaladan waa soo dhoweyneynaa..
::: WARBIXINTII I.C.G:::


Warbixintii Ururka "Crisis Group" ay 11kii July 2005 ka qoreen Soomaaliya oo ka kooban 28 bog oo ku qoran Af Ingriisi
[PDF]




Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar.

Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Waxaa arrintaas kore la xariirta mid kale oo ah in haddii wadahadallada nabaddu burburaan in ay markaasi dhici doonto in dowladduna burburto Maxkamaduhuna dalka oo dhan la wareegaan. Tan markaas waxaa ka dhalan karta in dowladda Itoobiya ay ka carooto oo ay sii kordhiso khatarta in dagaal ballaarani dhaco dagaalkaas oo ay ka qaybgali doonaan Itoobiya iyo laga yaabe Eriteriya. Sidaa darteed, xujada hor taalla Goluhu waxaa weeye in ay sii wadaan in ay taageeraan Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah iyo hay’adaheeda iyagoo ka dhigaya hay’adaha xaqa ah ee Soomaaliya ka jira, iyagoo qorshahana ku darsanaya Maxkamadaha iyo Siyaasadda dhabta ah ee Soomaaliya ee aan la inkiri Karin.  

Xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya waa mid aad loo burburiyey oo ay ku tunteen Dowladda, Maxaakiimta iyo dowladaha kala taageera. Marka arrintu waxaa weeye xoojinta xayiraaddaas hubka weli miiska ayey saarantahay. Khubaro badan waxay rumeysan yihiin in farsama ahaan aysan suurta gal aheyn in cunaqabateyn kala qaybsan oo cayiman laga hirgalin karo Soomaaliya. Haddaba, in cadaadis badan la saaro waddamada iyagu jabiya xayiraaddaan ayaa ah arrinta ugu muhiimsan.  

Arrin kale ayaa waxa ay tahay xubnaha ay ka koobnaan doonaan IGADSOM. Qorshaha dowladda (NSSP) wuxuu ka reebayaa ka qayb qaadashada waddamada deriska ah. Marka Suudaan iyo Yugaandha ayaa ah kuwa la filayo in ay keenaan ciidamada nabad ilaalinta, laakiin waa in la sugo sida ay suurta gal u tahay in ay labadan waddan ciidan u yaboohaan una keenaan. Sidoo kale wax daliil oo cad ma jiraan oo tilmaamaya in Maxkamaduhu oggolaan doonaan ciidamo shisheeye.

Waxaa iyana meesha ku jirta, la’aanta wax la isku raacey oo ka dhexeeya IGAD qudheeda oo la xariira IGADSOM. Xubnaha IGAD ee Jabbuuti iyo Eriteriya way diidan yihiin wax la yiraa IGADSOM. Goluhu wuxuu rabaa taageera buuxda oo IGAD u dhantahay inta aysan taageerin IGADSOM.

Waxaa taas uga sii hooseysa Golaha Ammaanka in Goluha arrinta ugu weyni tahay in haddii la hir galiyo Awood qaybsi ka dhex dhaca Maxkamadaha iyo Dowladdu uu keeni karo in Maxkamaduhu sii helaan Qiil aay ku carqaladeeyaan gobalka.

Xurgufta socod-is-beddelka badan ee Golaha Ammaanka dhexdiisa

Dowladda Shiinaha ayaa hoggaanka u haysa arrimaha Soomaaliya waxayna aad gadaal uga riixeysey waayahanba in IGADSOM la keeno Soomaaliya iyo in xannibaadda hubka qayb laga qaado Soomaaliya iyadoo taas ku raacsan Ururka Midnimada Afrika. Tanzaaniya ayaa arrintan taageersan laakiin waddamada kale ee xubnaha ka ah Golaha arrintan aad uguma dhiirranayaan.

Dowladda Ingiriiska ayaa iyana hindisayaal la timid. In kasta oo ay taageersantahay dowladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, haddan dowladda Ingiriisku waxaa ay sheegtey in ay ka walaacsantahay faragalinta ciidamo shisheeye oo Soomaaliya loo diro. Sidaa darteed, dowladda Ingiriiska hindisahoodu waa in la xoojiyo dhammaan xannibaadda hubka ee saaran Soomaaliya. Bisha Nofeember, dowladda Ingiriiska waxaa laga yaabaa in ay soo bandhigto qaraar ka turjumayo mowqifkooda. Laakiin, waxaa dhici karta in la isku raaci waayo qaraarkaas waayo waxaa jirta in waddamada Afrika qaarkood ay taageerayaan qorshaha la xariira IGADSOM.

Ruushka, Mareykanka iyo xubnaha Yurub ee Golaha iyagu aad ayey uga taxaddarayaan in la qaado xannibaadda hubka iyo qorshaha IGADSOM. Waxaad mooddaa in ay sidaas door bidayaan tan iyo inta ay jirto colaadda Soomaaliya oo aysanba jirin nabad la ilaaliyo. Waxay taageersan yihiin in Goluhu ka taxaddaro in la dhiiri galiyo in Ciidamo shisheeye loo diro Soomaaliya.

Mowqifka dalka Mareykanka si wacan uma qeexna. Mowqifkoodu wuxuu yahay iyagoo isku dayaya in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Maxkamadaha ayey weli sii wadaan taageerada ay u hayaan dowladda federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha intooda badan waxay garowsteen in Maxkamaduhu yihiin xoog aan la inkiri Karin oo Soomaaliya maanta ka jira. Laakiin su’aasha ayaa ah intee in la eg ayaa habboon in la aqoonsado Maxkamadaha marka la bar bar dhigo dowladda. Jawaabta su’aashaas kuma cadda hindisayaasha kala duwan ee is beddelaya ee ay wadaan xubnaha golaha. Iyadoo ay jirto in Maxkamaduhu yihiin xaqiiqa jirta oo dhulka taalla, ayaa qaar xubnaha golaha ka mid ah waxay u arkaan in Maxkamaduhu yihiin khatar dihan oo ku soo fool leh maaddaama qaar ka mid ah madaxda Maxkamadaha Midoobey lagu sheego in ay xiriir la leeyihiin shabakadaha argagixisada. Haddaba, waxaa jirta caga jiid la xiriira in si cad loo aqoonsado doorka Maxkamadaha Midoobey, taageeridda fikradda ah in awoodda la qaybsado, iyo in tallaabo laga qaado faragalinta shisheeye. Waxaa intaas sii dheer iyadoo Maxkamaduhuna aysan laheyn Ajenda cad taas oo markaas shakiga sii kordhineysa.

Kooxda Dabagalku, iyaga qaybtooda, waxay rumeysan yihiin in IGADSOM ay tahay carqalad meesha ku jirta; iyo in xitaa in qayb xannimaadda hubka la qaado ay si khatar ah u kordhin karto militiriyenta dalka Soomaaliya iyo in cunaqabateyn cayiman ay iyana tahay wax aan suurtoobeyn oo aysan dhici Karin in qolo Soomaalida ah loo furo hubka qolana laga xannibo.

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com

Isha: http://www.securitycouncilreport.org

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006

ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee Dimuquraadiga ee Itoobiya... Akhri....



CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD