SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SUNTA -  SOOMAALIYA


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo Caariyey Xeebaha Soomaaliya...


Sawirad oo waaweyn ha daalaco halkan... GUJI...

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta DBG Daryeel Bulsho Guud lagu soo bandhigay wax qabad ay sameeyeen tababarayaal ay Hay’addaas u tababartay ka hortagga Haamanka Sunta xanbaarsan ee ku soo caariya Xeebaha Soomaaliya., waxaana halkaa lagu daawaday shan iyo toban haamood oo ku soo caariyay xeebaha Soomaaliya, laga soo bilaabo 2004 ilaa 2006 kuwaasoo ku soo caariyay Xeebaha Kismaayo, Cigo, Warshiikh, Jamal, Faax, Xiin Dawaco, Gaan iyo Degaano kale, waxayna Hay’addu sheegtay in ay ku guuleysatay inay wax ka qabto qaar ka mid ah haamankaasi kuwa kalena waxay hay’addu sheegtay in ay u baahan yihiin hawl intaa ka sii baaxad weyn.

Cumar Colaad wuxuu sheegay in Haamankaasi ay yihiin kuwo halis ku ah Ummadda Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah dadka soomaaliyeedna ay ka qaadeen cuduro la garan waayay. Hay’adda oo haysata qalab lagu ogaado waxa ku jira haamanka ayaa waxa uu Colaad uu sheegay inay sii wadi doonaan hawlaha ay uga hor tagayaan Haamankaas isagoo ummadda Soomaaliyeedna ka codsaday in hay’adda ku soo wargeliyaan haddiiba wax haamo ah ay ku arkaan Xeebahooda isagoo dhinaca kalena ka codsaday Xukuumadda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga inay gacan ka geystaan sidii looga hor tegi lahaa Maraakiibta Sunta ku daadisa Xeebaha Soomaalia, sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Ibraahin Maxamuud Jileey oo madax u ahaa Kooxdii hawl galka samaysey isagoo sheegay in illaa iyo 4 haamood inay wax ka qabteen isagoo intaa ku daray in illaa 11ka haamood oo harsana si deg deg ah wax looga qaban doono.

 

(Warbixin faahfaahsan oo ku saabsan haamaha sunta hoos ka akhri)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


HAY'ADDA DARYEEL BULSHO GUUD (DBG) OO WALAAC KA MUUUJISAY HAAMO LOO MALEEYAY IN KU JIRAAN HARAAGA NIYKLEERKA OO KU SOO CAARIYAY XEEBAHA SOOMAALIYA...

Muuse Maxamuud Jiisow
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Xiriiriyaha Hay'adda Daryeel Bulsho Guud, ayaa warbixin dheer ka soo saaray arintaani wuxuuna faahfaahin ka bixiyay dhinacyo badan taabaneyso, isagoo sheegay inta u dhaxeeyso Jaziiradda Juulo Jawaay ilaa Garacad lagu arkay haamo gaaraya ilaa iyo 15 haamood oo wada qafilan kuwaas oo maraakiib Ajaanib ah ay ku soo daadisay deegaanadaasi.


Sawirad oo waaweyn ha daalaco halkan... GUJI...

"Daryeel Bulsho Guud kaligeed waxba kama qaban karto dhibaatooyinka baaxadda leh eee ay geysan karaan haamankaas qafilan ee laga yaabo inay ku jiraan sunta haraadiga nuclearka iyo qashinka warshadaha, waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed, maxkamadaha Islaamiga, Ganacsatada, hay'adaha dowliga ah iyo dowladda KMG ah inay gacan ka geystaanssidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka baaxadda leh ee ay haamankaasi ku hayaan bulsho weynta Soomaaliyeed" ayuu yiri Dr. Cumar Colaad Axmed, xiriiriyaha hay'adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) oo saakay xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa'id.
Sunta ku Duugan Jidka u Dhexeeya Garoowe & Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player

Yuusuf Baribari: Talyanigu uu Soomaaliya u soo dirayo khubaro .
Dhegeyso
waraysi uu siiyey radio dalji

Bashiir Sh. Maxamed ee noocyada sunta halista ah  Dhegeyso
Waraysigii Radi Dalmar

Warbixintii VOAa Dhegeyso

2005: MUNAASABAD LAGU MAAMUUSAYAY MAALINTA DHIRTA ADUUNKA OO KA DHACDAY GALKACYO

"Deegaano dhowr ah ayaan ka soo shaqeynay, waxaana hadda ammaankooda sugnay ilaa afar haamood, waxaana gacan ka geystay shaqaale ay tababartay hay'ad lagu magacaabo Green Peace oo tababar baaxad leh siisay koox Soomaali ah si ay uga hortagaan dhibaatooyinkaas ay sababi karaan haamankaas sumeysan" ayuu yiri Dr. Cumar Colaad oo sheegay in afartii haamood ee ay qafileen ay waxyeello geysan karin ilaa boqol sano oo hadda dhiman haddii aan la farafareyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dr. Cumar Colaad in ay sababeen haamankaasi ku daadsan xeebaha Soomaaliya cudurro aan horay looga arag Somaaliya oo ay ka mid yihiin: Cudurka Kansarka iyo Cudurka kaduudiyaha oo uu sheegay Dr. Cumar Colaad inay sababtay haan taal inta u dhexeysa Ceelmacaan iyo Warsheekh oo meel ka duleeshatay.

Dr. Cumar Colaad Axmed waxa uu sheegay in koox Soomaali ah oo si wanaagsan loo tababaray ay haatan hay'addu u direyso haaman cusub oo lagu arkay deegaano dhowr oo dalka Soomaaliya ah oo ay ka mid tahay deegaanka Xiin-dawaco oo gobollada dhexe, wuxuuna sheegay in ay halkaasi shaqaalaha ka soo qaban doonaan howlo ay ugu kuurgalayaan haamanka halkaasi yaalla, wuxuuna sheegay in inta karaankooda ah ay wax weyn ka qaban doonaan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in aysan hay'adda Daryeel Bulsho Guud kaligeed ku filneyn wax ka qabashada haamankaas faraha badan ee lagu soo daadinayo mar walba xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in qalabka ay shaqaalahooda ku howl galaan ay ka helaan dalka Jarmalka oo isagu ka taakuleeyay hay'adda Daryeel Bulsho dhinacyada tababarada iyo qalabka lagu baaro haamankaas.

Muuse Maxamuud Jiisow
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD