Somali Center for Development Research waxay soo
bandhigaysaa
MAALINTA
DEGAANKA ADDUUNKA IYO SUNTA SOOMAALIYA
WARBIXIN
SHIR-CILMIYEED KA DHACAY HOLLAND 4/6/2005
English version.. Click here
Maalintii
Sabtida ee taariikhdu ahayad 4/06/2005,
kuna beegnayd maalin ka hor taariikhda adduunka looga
dabbaaldego arrimaha degaanka la xiriira, ayaa waxaa la
isugu yimid xarunta shirarka ee Hoog Barabant ee ku taal
bartamaha magaaalada Utrecht ee dalka Holland shir-cilmiyeed
loogu ballansanaa in lagu lafo-guro mid ka mid ah
dhibaatooyinka ugu waaweyn ee manta soo waajahay bey’ada
Soomaaliyeed, taasoo la xiriirta Sunta aadka halista u ah ee
dunida warshadaha horay uga martay ay si arxan-darro iyo
axmaqnimaba leh ugu daabulaysay Dalka Soomaaliyeed
tobanaankii sano ee ugu dambeeyey, suntaasoo si aad ah loogu
shubay berriga iyo badahaba.
Urur cilmi-baariseed oo ay
asaaseen qaar ka mid ah oonyahanaka Soomaaliyeed oo dhawaan
laga yagleelay dalka Holland lana yiraahdo Somali Center for
Development Research (SCDR) ayaa shir-cilmiyeedkaas isku soo
dubbariday iyagoo la kaashanaya urur kale oo Soomaaliyeed oo
isla dalka Holland ka hawlgala lana yiraahdo African Sky.
Shir-cilmiyeedkaas oo ciwaankiisu ahaa “The
Export of Toxic Wastes from Western Countries to Africa: The
Case of Somalia”, waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf
badan oo u badnaa dadweynaha Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka
Holland, aqoonyahanno, Ururrada Jaaliyadda Soomaalida iyo
kuwa Afrikada kale ee halkaas ka hawlgala. Waxaa kaloo
joogey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida.
Kulanka
ayaa waxaa ugu horrayn furtay Istarliin Ismaaciil Huguf oo
ka socotay African Sky oo soo dhaweysay marti sharaftii una
sheegtay ujeeddada looga gol lahaa shirka iyo sida
jadwalkiisaba. Intaa kadib waxay ku soo dhaweysay Bashir
Sheikh Mohamed oo ka socday hay’adda SCDR oo soo diyaariyey
soona bandhigay seminarka. Seminar-ka oo socday muddo saacad
iyo bar ah, intaan su’aalaha iyo dood-wadaaggu bilaban, ayaa
macluumaadkii lagu soo bandhigay waxaa loo kala qaybin karey
labo qaybood oo kala ah mid guud oo diiradda saarayey dhibka
Sunta halistaa asalkiisa iyo waxa keenay iyo waxyaalaha
sahlaya in loo waarido Dunida saddexaad iyo Afrika. Qaybta
labaad ayaa iyadu si toos ah u abbaaraysay sida aafadani u
saamaysay Soomaaliya. Qodobbada shir-cilmiyeedku iftiimiyey
ayaa waxaa ka mi ahaa:
- Guud ahaan
dhibaatooyinka degaanka Soomaalida haysta, ha noqdeen
kuwo dabiici ah ama kuwa ka falmay dhaqanka aadanaha
(man-made problems);
- Asalka ama halka uu ka
soo jeedo dhibta Sunta Halistaa (Hazardous Wastes) iyo
halaka eelku ka soo unkamay;
- Macnaha Sunta Halistaa,
waxay ka koobantahay iyo astaameheeda;
- Dhibaatooyinka
caafimaad, deegaan iyo dhaqaale ee ay keeni karto
waqtiga dhaw iyo kan dheer-ba;
- Duruufaha keenay in
Suntan Halistaa loo waarido wadamada siyaasad ahaan,
dhaqaale ahaan iyo wacyi ahaan-ba looga horreeyo sida
Soomaaliya marka laga eego dhanka danaha dalalka Suntan
soo saara;
- Duruufaha fududeeya
ama dhiirrigeliya in Dunida Saddexaad ee dhibkan loo
waaridaa ay aad ugu adkaato inay iska difaacaan;
- Duruufo kale oo
caalami ah oo labada qoloba (dhoofiyayasha iyo
loo-dhoofiyayaasha) ka madax banaan arrintana aad uga
qaybqaata;
- Shuruucda iyo
Qawaaniinta caalamiga ah ee adduunyadu isku waafaqday
looguna talogalay inay arrimahan xakameeyaan heer kasta
ama xaaraantinamaynayaba;
- Khiyaanooyinka kala
duwan ee loo adeegsado waaridda Sunta Halista ah;
- Sida arrinta Suntani u
saamaysay guud ahaan qaaradda Africa, tusaalayaal taas
la xiriira iyo sidii qaarkood loo xalliyey;
- Xaqiiqooyinka la
xiriira sida suntu u saamaysay Soomaaliya, ilaha laga
helay xogtaas iyo taariikh ahaan, inta la ogyahay, siday
arrintu u soo jiitantay laga soo bilaabo bilowgii
sideetanaadkii ilaa maanta iyo bad-gariirkii Tsunami-ga;
- Tusaalayaal la xiriira
Mashruucyo khaas ah oo dibedaha laga maleegay oo
ujeedadodu ahayd sidii suntaas Soomaaliya loogu waaridi
lahaa;
- Iyo xiriirka dhow ee
ka dhexeeya arrimahan, hubka loo dhoofiyo Somalia,
qalalaasaha siyaasadeed, Qaran la’aanta iyo colaadda
sokeeye ee laga hurinayey Soomaaliya tobanaankii sano ee
ugu dambeeyey.
Waxaa
kale oo shir-cilmiyeekaas hoosta looga xarriiqay sida aysan
arrintani ku-tiri-ku-teen u ahayn ee xaqiiqooyin dhab ah loo
hayo oo ay ka mid yihiin dadkii arrimahan ka qayb-qaatay oo
ka warramaya (dad shisheeye ah) iyo weliba sida Soomaalidu
marti uga tahay inta arrimahan laga ogyahay oo ama Dawlado
shisheeye ahi xogteeda haystaan ama hay’ado caalami ah iyo
sida baahi deg-deg ah loogu qabo cilmi-baaris iyo raad-raac
ay Soomaalidu leedahay. Waxaa kale oo aad loogu baahanyahay
wacyi gelin heer kasta ah iyadoo si gaar ah shirku ugu
jeeday Jaaliyadaha Soomaalida ee dibeddaha ku dhaqan iyo
kaalinta fir-fircoon oo ay arrintan ka qaadan karaan iyo
sidii ay weliba ugu ololayn lahaayeen iyo sidii warbaahinta
Soomaalidu dadweynaha ugu baraarujinlahayd iyo weliba dadka
siyaasadda ku jira oo ay laftoodu wax uga ogaanlahaayeen
arrimahan maadaama ay iyagu Ummadda masuul ka yihiin iyo
ilaalinta xuquuqdeeda. Arrintan oo aan aad looga sooci karin
dhibaatooyin kale oo badan oo Ummadda Soomaaliyeed iyo
Dalkoodaba la soo gudboonaaday ayaa in badan eersanaysa
Dawlad la’aanta baahday iyo jahliga iyo dad yar oo dareenkii
ka lumay danna aan ka lahayn degaanka iyo daryeelkiisa.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa
waxaad mooddaa inaan dadka intiisa kalana ku baraarugsanayn
dhibka arrintani leedahay. Ujeedooyinka shir-cilmiyeedkan
loo agaasimay ayayna ka mid ahayd, aqoonn-is-weydaarsiga ka
sokow iyo soo bandhigidda daraasadda ay samaysay Somali
Center for Development Research, in dadka soomaaliyeed lagu
baraarujiyo (awareness raising) cawaaqib xumada ay arrimahan
iyo kuwa kale ee aan ka yaraysan sida xaalufinta badda iyo
berrigaba ay msutaqbalka dhaw iyo kan dheerba u keenayaan
Ummadda Soomaaliyeed iyo aayeheedaba.
Intaas
kadib, nasiino yar kadib, waxaa bilowday su’aalihii iyo
dood-wadaaggii oo loo furay marti sharaftii shirka ka soo
qaybgashay, kuwaasoo dareenkooda aad ugu muujiyey sida ay
uga maqsuudeen macluumaadkii ay ka kororsadeen, ugana
xunyihiin dhibka na haysta, islamarkaasna soo jeediyey
su’aalo badan iyo weliba talooyin aad wax ku ool u ah oo ay
ka mid ahayd sidii jaaliyadaha dibedda oo ay horkacayaan
Ururradooda iyo gaar ahaan aqoonyahanku ay ugu ololayn
lahaayeen xuquuqda Ummadda Soomaaliyeed korna ugu qaadi
lahaayeen wacyigooda.
Dadka qaar ayaa waxay
isweydiiyeen sidee ku dhici kartaa in shisheeyuhu badaha
soomaalida xaalufinayo oo khayraadkii badda la kala boobayo,
si weliba aad u ba’an, islamarkaasna ay sun ka buuxiyaan?
Waxay isweydiiyeen, armaa Soomaalida la rabaa inay dhulka
iskaga soo qaxaan oo deedna qolo kale dhaxashaa? Armay
jiraan qorshayaal inta ka weyn? Si kastaba, waxay u ekayd in
inkastoo aan meesha laga saarin inay jiraan qorshayaal
caalami ah dhulka iyo degaanka Eebbe ku manaystay Soomaalida
asii dadkiisii ka gaabiyey (ama gabay?) la doonayo in lagaga
intifaacsado si weliba aan sharciga caalamigaa waafaqsanayn
oo dhac bareer ahi ku jiro (eeg boqolaalka markab oo xeebaha
ku jira oo kalluumaysatadii soomaalidana iminka madaafiicda
kula dagaallamaya) haddana waxaan shaki ku jirin in
qorshayaasha Suntu yihiin bad iy berriba kuwa xaqiiqo cad
loo hayo. Teeda labaadna, waxyaalihii aqoon-is-weydaarsigan
lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa khiyaamooyinka loo
adeegsado arrimhan ay ka mid-tahay waxa loo yaqaan
‘mislabeling” oo tusaale ahaan kalluunka ama malaayga
Soomaaliya laga soo jillaabto isagoo aalaaba la soo xaday
aan lagu suuq-geyn inuu ka yimid badaha Soomaaliya ee meelo
kale inuu ka yimid lagu qoro taasoo dadka suuqyada caalamka
ka gadanayaa aanay wax shaki ah ku abuurayn.
Sidoo kale, waxaan meesha
ka maqnayn in inta badan ay qolyaha Sunta ka dheefsada oo
halkaas u waarida iyo kuwa badaha xaalufiyaa aan xiriir
sidaasihi ka dhaxayn oo aan ka ahayn inay ka ahayn inay u
bahoobeen ku-xad-gudubka xuquuqda Soomaalida iyo shuruucda
caalamiga ahba. Waxaa intaas sii dheer in ashkhaasta iyo
shirkadaha khiyaamooyinkan caalamiga ah maleegayaa aanay
ahayn kuwo sidoodaba kala jecel arrimaha la xiriira wixii
aan ka ahayn faa’iidada aan xadka lahayn oo ay dhibkan ka
dheefayaan oo aysan wax xil ah iska saarin waxa loo yaqaan
“moral and ethics” tiiyoo aysan jirin su’aalo baadan oo ay
isweydiiyaan intaysan arrimahan ku dhaqaaqin. Tani waxay
tilmaan u tahay inaanay xitaa haddii kuwa suntan badda ku
shubaya iyo kuwa kuwa khayraadka badda xaalufinayaa isku mid
ahaan lahaayeen ama xiriir lahaan-lahaayeen aysan wax farqi
ah taasi ugu samayseen oo shacabka reer galbeedka oo ay ka
soo jeedaan iyo kan African-kaba wixii dhib ah soo gaaraya
ay kala weyntahaymarkasta faa’iidada dhaqaale ee xad-dhaafka
ah ee ay ka soo xasilinayaan hal shixnad oo sun aha ama
kahyraadka badda oo sharci darrada lagu boobayo ah.
Dood-wadaagii shirku intuu
socday waxaa kale oo soo baxay arrimo runtii muhiima oo ay
ka mid ahayd ka dib markii marti sharaftii madasha joogtay
qaarkood oo dhawaan Soomaaliya ka soo noqday ay sheegeen
arrimo ay ka mid yihiin:
- In dhib weyn oo jiraa
uu yahay dhaqaalo xumo iyo faqri dadka soomaalidaa so
wajahay kaasoo keenaya tusaale ahaan inay adagtahay in
kalluumaysatada lagu qanciyo badda ama xeebaha waa la
baarayaa oo sun baa lagu shubay waayo waxay u arkayaan
arrintaain ay halis galayso jiritaankoodu iyo noloshooda;
- Taasi inay keentay,
sida uu sheegay nin ka mid ah marti sharaftii madasha
joogtay oo arrintaas isagu u soo joogey, in xitaa
haddiiba ay yimaadaan ururro caalami ah oo ay daacad ka
tahay inay baaraan arrimahan ay dhacdo in marar badan
laga weeciyo meeshii suntu tiil ama iyadoo badda ka soo
caariday lagu arkay taasoo loola jeedo in aan shaki la
gelin fayada khayraadka halkaas lagaala soo baxo;
- Dad badan sida la
sheegay wax badan kama fekerayaan mustaqbalka dambe iyo
aayaha jiilasha dambe ee maalintaas siduu qofkaasi wax
ku soo geli lahaayeen ayaa la sheegay inay muhimadda
koowaad siinayaan. Waa arrin aan sahlanayn oo xal mug-weyn
oo dhinacyo badan u baahan (xag siyaasad iyo xag
dhaqaalaba).
Si kastabase, iyadoo aan
loo daymo la’ayn wel-welka dadka danyartaa ee ku nool waxay
badaha kala soo baxaan, ayaan waxaan la dhayalsan karin
dhibka weyn iyo aafooyinka arrimaahan ookale laga dhaxli
karo. Sidoo kale, waxay u egtahay inaan kalluumaysatadaa
danyartaa ee Soomaaliyeed aysan aad ula socon in
adduunweynuhu ogyahay in badaha soomaaliyeed qashin-qub laga
dhigtay oo weliba dawlado badani sir iyo xog badan ka hayaan
oo aysan inta badan sheegayn.
Ugu dambayn Ururradii
Soomaaliyeed oo madasha joogey waxay ballan qaadeen inay
agenda-dooda ku darsanayaan dhibaatooyinkan iyagoo qaybta
kaga aaddan ka qaadan doona.
Sidaas
ayaana markay saacaddu ahayd 18.00 ama lixdii maqribnimo
lagu soo gunaanaday shir-cilmiyeedkaas. Somali Center for
Development Research waxaa ka go’an, ujeeddooyinka loo
asaasayna ka mid ah, inay sii ambaqaaddo arrimaha
cilmi-baarista oo istraatiijiga u ah danaha Ummadda
Soomaaliyeed asii aan cid daryeelaysaa iminka muuqan iyadoo
gacan laga geysanayo kor u qaadidda wacyiga Umadda (shacabka,
Ururrada Bulshada, Xarumaha Waxbarashada, Siyaasiyiinta, iwm.)
iyo sidii aqoonta iyo aqoonyahamiintu kaalintooda uga soo
bixi lahaayeen, guud ahaan dhibaatooyinka Dalka iyo dadka
Soomaaliyeed haystana u darsi lahaayeen, islamarkaasna talo
aqoon ku salaysan uga soo saari lahaayeen taasoo ay adeegsan
karaan hadba ciddii masiirka Umadda masuul ka ah heer kasta
(Qaran, Gobol, Degmo, iwm.).
Macluumaad dheeri ah oo
arrimahan la xiriira waxaa laga heli karaa:
Waraysi uu seminarka ka dib
qaaday Radio Dalmar (Holland):
ka dhegeyso halkan
Ama shabakada
Somalitalk
http://www.somalitalk.com/sun/
Wixii faah-faahin dheeri ah fadlan kala xiriir
Bashir M Hussein
Somali Center for Development Research
The Netherlands
Email:
somacent@gmail.com ama
shakiib@hotmail.com