SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne

Tarjumadii: www.SomaliTalk.com  | Email:  somalitalk@gmail.com
Linkiga boggan: http://www.somalitalk.com/oil/oil2.html 


Qaybta 2aad:
Degaannada maxalliga iyo Lahaanshada Batroolka...
Qoraalkani waxa uu ku xiriirsan yahay qaybtii 1aad

Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka : Nigeria, Chiapas, Amazon

Aagga ugu muhiimsan ee uu ka soo shaac baxayo batroolka wadaagga ah ee siyaasad ahaan aan la dhayalsan karin waa gobolka Niger Delta (ee dalka Nigeria). Aaggaasi waa ubucda sayladda adduunka. Saddex qarni ka hor gobolkaasi laga bilaabo Escarvos ilaa Calabar[13] waxa uu ahaa meesha ugu weyn ee la isugu soo ururinjirey dadkii la addoonsanayey ee Afrika isla mar ahaantaasna halkaas laga sii daabuli jirey si loogu taxaabo Qaarada Ameerika. Ganacsigii addoonsigu waxa uu xilligaas sumeeyey xiriir dhaqameedkii dadkii degaanka Delta. Maanta dadka degaanka Delta waxa ay ku dhex lumeen shirkadaha adduunka ee shidaalka oo dadkaas sumeynaya ficil ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo sidoo kale dhaqan ahaanba. Waxana ay arrimahaas kala hortageen halgan ay ku dheehan tahay geesi-nimo iyo asal-nimo, iyagoo qaadanaya waddo siyaasadeed oo ka bilaabaneysa in la soo gudo (ama magdhaw laga bixiyo) dhaawacii ay hore u geysteen shirkadaha batroolku, waxayna si tartiib-tartiib ah (ama tadawur ah) isugu bedeleen ku dhawaaqidda wadaagga batroolka dad-u-dhexeeyaha ee Delta.

Nigeria waxa uu ka mid yahay dalalka Afrika ugu soo saarka badan batroolka. Waxaana la rajaynayaa in gobolka Niger Delta maalin kasta laga soo saaro labo (2) million oo foosto  oo shidaal ah.

Niger Delta, ama delta ee webiga Niger River waa gobol ka tirsan dalka Nigeria, waana gobolka ugu dadka badan dalkaasi.  Sida ay qeexday dowladda Nigeria, gobolkaasi waxa uu ku fadhiyaa bed dhan 70,000 Km2. Aagga Delta waxaa ku nool dad tiradooda lagu qiyaasay 20 million oo qof kuwaas oo ka kooban in ka badan 40 qabiil, waxana ay ku hadlaan 250 luqadood. Dadka degaankas ku dhaqan badankoodu waa kalluumaysato iyo beeraley.

Webiga Niger River waa webiga ugu weyn dhanka galbeed e Qaarada Afrika, dhererka webigaasi waa 4000 km (2500 miles) Waxana uu sidii qaanso ahaan u maraa dalalka Guinea, Mali, Niger, xadka Benin, kaddibna waxa uu dhex maraa Nigeria. Webiga Niver River waa webiga saddexaad ee ugu dheer Afrika, waxaa ka dheer webiga Nile iyo Congo River. Sawirka: www.wikipedia.org
Sheekadani waxa ay bilaabatay horraantii sannadihii 1990-naadkii, markii ay dadka Ogoni ay go'aansadeen in la soo gaarey waqtigii ku haboonaa ee is-bedel lagu sameeyn lahaa arrin muddo dheer lagu soo dagaalamayey laakiin aan si weyn loogu baraarugsanayn, waxayna galeen halgan (falsafadeed) ay kaga soo horjeedaan dowladda Nigeria iyo shirkadaha adduunka ee shidaalka baara, halgankaas oo noqday mid caalamku aqoonsaday. Dadka Ogoni waa qabiil tiro ahaan aan badnayn oo ku dhaqan dalka Nigeria (tir ahaana ka yar hal malyuun), laakiin waxa ay ku soo dhex jireen soo saaridii batroolka ilaa bilowgiisii laga soo saaray dalka Nigeria, waxana ka soo gaarey dhibaato xoog leh. Qaar ka mid ah reer Ogoni waxay garwaaqsadeen in haddii ay la dagaalamaan shirkadaha adduunka ee shidaalka -- oo iyaga marka laga hadlayo ah shidkadda  Royal Dutch Shell[14] -- si ay u helaan magdhaw, waa in ay iyaguna noqdaan kuwo caalami ah. Laakiin sidee ayaa qabiil yar oo faqiir ah oo ku dhex nool "meel dahsoon" oo ka mid ah Afrika ay "isaga dhigi karaan caalami"?

Siyaasadda ku dheehan falsafada beesha waxay si xeel ah ugu caddeeyeen kana dhaadhiciyeen reer Ogoni in halganku uu qayb ka yahay halgan ballaaran oo adduunka oo dhan ah oo la xiriira deegaanka, kaas oo looga soo hor jeedo shirkadaha waaweyn ee shidaalka. Horraantii halgankii "Maya Dhiig loo Qubayo Batroolka" ee looga soo horjeedey dagaalkii hore ee Maraykanka iyo Ciraaq, reer Ogoni waxa ay farta ku fiiqeen in iyagana ay dhibaato ka soo gaartey faa'iidada ay heleen shirkadda Shell iyo wershedaha Yurub iyo Maraykanka. Markaasna ayagoo garabsanaya hoggaamiyayaashoodii, qoraagii Ken Saro-Wiwa[15], kaas oo qoraalkiisa ku kasbaday in caalamka oo dhan laga barto, dhambaalka la gudbinayey waxa uu ahaa isku xirka kooxaha bey'adda (deegaanka) ee daafaha adduunka.

Dhaqdhaqaaqii Badbaadada Dadka Ogoni (MOSOP)[16] waxa uu ka qayb qaatay "dib u abaabul" looga soo horjeedey nidaamka "keli u lahaanshada", ilaa markii dhaqdhaqaaqaas la sameeyey reer Ogoni waxay magdhaw weydiisteen shirkadda Shell burburkii ay u geysatey deegaankooda taas oo dulucda weydiisashadoodu ay ahayd in si caam ah loo weydiisanayo qiime horumarineed oo la garwaaqsanayo, oo ay bixinayaan shirkadahu meel-kasta (oo dunida ka mid ah). Sannadkii 1995 ayaa la xiray Saro-Wiwa isla-mar ahaantaasna la daldaley asagoo lagu soo eedeeyey dacwad been ah oo ah dilid, waxaana arrintaas fuliyey xukunkii militariga ahaa ee Nigeria ee uu hoggaaminayey Gen. Sani Abacha -- waxa uu ahaa ficil ay shirkadda Shell indhaha ka rogatey. Ururka Greenpeace[17] iyo ururrada kale ee deegaanka oo arrintaas jawaab ka bixinayey ayaa waxay sameeyeen abaabul ay ku guulaysteen oo ah in adduunka oo dhan laga qaadacayo Shell, ayadoo laga mudaharaadayey dhiiga sida xanuunka badan loogu bedeshey batroolka ee Nigeria iyo sidoo kale Bariga Dhexe. Ken Saro-Wiwa waxa uu naftiisa u huray in uu reer Ogoni ku xiriiriyo dhaqdhaqaaqa deegaan-yahannada adduunka, laakiin hab-agaasinka nidaamkiisii waxaa marar badan-oo-badan adeegsadey kooxo yaryar oo ah beelo kale ee daafaha adduunka oo dhan.

Dhaawaca weyn ee reer Ogoni ka soo gaarey halgankoodii waxaa ka tusaale qaatay kooxaha kale ee hubaysan ee gobolka Niger Delta, kuwaas oo aan xoogga saarin halganka caalamiga ah, balse waxa ay xoogga ama jaaha saareen la gorgortanka shirkadaha shidaalka iyo dowlada Nigeria, ayagoo taas ku salaynaya awoodda ay u leeyihiin in ay hakin karaan ama curyaamin karaan soo saaridda batroolka ama dhoofintiisa. Si kastaba ha ahaatee, kooxahaasi waxay halgan-koodii gaarsiiyeen heer cusub -- Halkii ay weydiisan lahaayeen magdhaw sidiii ay sameeyeen dhaqdhaqaaqii MOSOP, waxa ay sheegteen in ay iyagu leeyihiin batroolka ku hoos jira dhulkooda, kaas oo ah maal ka dhexeeya (Batroolka Wadaagga).

Sidaas daraadeed dhaqdhaqaaqa Qabaa'ilka Ijaw ee loo yaqaan MOSIEN[18] ayaa noqday kan ugu caansan ee Delta kaddib isku daygii dhaqdhaqaaqii MOSOP. Qabaa'ilka Ijaw waxa ay ka mid yihiin qabiilooyinka ugu tirada badan ee deggan Delta (tiradoodana waxaa lagu qiyaasaa siddeed million), halgankooda badankiisu waxa uu diidey rabshad-la'aanta, waxayna boorka ka jafeen calaamadihii dagaal-yahanka iyo xusuusihii iyo waayo-waayihii hore ee ka dhexeeyey. Firqada Egbesu, summaddooda dagaal-dhaqameed, ayaa ahayd asaaska lagu dagaal geliyo maleeshiyada da'da yar kuwaas oo hoggaamiyayaashooda ka xoreeyey xabsiyada dowladda, oo la wareegey goobaha batroolka laga qodo, isla mar ahaantaasna afduubay shaqaalaha batroolka.

Ururka MOSOP waxa uu markii hore ahaa mid ka soo horjeeda rabshadaha. Ken Saro-Wiwa iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Ogoni waxay aaminsanaayeen in ay caqli xumo tahay in lagu fikiro in koox beeleed oo yar ay si toos ah uga hor tagaan Nigeria militarigeeda xoogga weyn -- kaas oo xilligaas ay hoggaaminayeen ciidamada militariga ee dowladda. Laakiin garabka hubaysan ee reer Ijaw tallaabadaas waa ka hor yimaadeen, inkasta oo ay soo wajahdey burburin xooggan oo kaga timid ciidamda militariga Nigeria-- oo ay kamid ahayd xasuuqii argagaxa lahaa ee sannadkii 1999 oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Odi oo lagu diley 2,000 qof. Isbedelkaas xeeladaysiga (taaktikada) waxa uu su'aal geliyey taageeradii caalamiga ahayd ee halganka reer Ogoni iyo qadiyadii uu aabaha u ahaa Saro-Wiwa ee halganka gobolka Niger Delta.

Waxaa kale oo dhacay isbedelo muhiim ah, marka laga soo tago in loo xuub-siibto ka hortaga hubaysan ee lagaga hortagayey dowladda iyo shirkadaha batroolka. Waxaana isbedeladaas ka mid ah Baaqii Kaiama (ee dhallinyarada reer IJAW ee gobolka Niger Delta ay soo saareen 11kii December 1998), kaas oo si rasmi ah u sheeganayey in batroolka ku jira dhulka Ijaw in uu yahay maal ka dhexeeya jaaliyadda Ijaw. Fikradaan ah in batroolku yahay maal dadka u dhexeeya ayaa noqotay arrinta salka u ah hadalada jabhadaha hubaysan ee aagga Delta. Tusaale wanaagsan waxaa arrintaas u ah jawaab uu weriye ka socda jariidada Financial Times uu siiyey Alhaji Mujahid Dokubo-Asari[19] oo ahaan jirey madaxweynihii hore ee Ururka Dhallinyarada Ijaw, haddana ah abbaanduulaha maliishiyada, mar uu weriyihu weydiiyey immisa nin oo raggiisa ka mid ah ayaa wax ka soo qaata khadka ay tuubooyinka shidaalku maraan, waxa uu ku jawaabey "intii aan awoodno, waa bilaash". [ Alhaji Mujahid Dokubo-Asari waa magac uu labaxay markuu soo Islaamay]. Waxa kale oo tusaale ah, kaddib markii uu dhacay xasuuqii Odi in askartii weerarka soo qaaday ay derbiyada ku xardheer erayada sida: "Hadda Batrool ayaa hesheen? Dadkii Doqomada ahaayow." (Batroolka ma idinkaa leh? Dadkii Doqomada ahaayow.")

Arrinta kale ee siyaasadeed ee carcarta lahayd ee soo shaac baxday waxay ahayd markii ay ururada dumarku ka qayb qaateen halgankii wadaagga batroolka dad-u-dhexeeyaha. Dumarka qabaa'ilka Ijaw iyo Istkeri waxay soo xusuusteen xirfadda qadiimka ah ee ah in askarta la ceebeeyo marka dumar badani ay dharka iskaga dhigaan askarta hortooda -- habkaas oo la adeegsadey si raad loogu reebo "dagaalkii Dumarka reer Aba" ee sannadkii 1929 ay kaga soo horjeedeen British-ka. November 2002 kaddib markii waardiyayaasha shirkad Batrool ay si naxariis darro ah u garaaceen ayaa koox dumar ah oo deggan Delta waxa ay ku hanjabeen in "10 cisho gudahood oo maanta ka bilaabaneysa, haddii aan la bixin lacagtii cisbitaalku nagu daaweeyey iyo magdhaw, annagoo kooxo ah oo dhammaan dharka iska dhigay ayaan soo bixi doonaa, albaabadooda oo keliyana ma fariisan doono'e, waxa kale oo buuxin doonaa meelaha shidaalku u soo maro ee dhammaan Niger Delta."

Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha batroolka iyo dowlada Nigeria waxaa uga hanjabaad kulul kumayaal dumar ah oo dharka iska dhiga oo soo buuxiya goobaha batroolka laga qodo, waa xaqiiqadii dumarka ka imanaya qaybo kala duwan oo ka soo jeeda qabiilooyin iska soo hor jeeda, kuwaas oo dhammaantood midoobaya. Kala qaybinta kooxahaas dhexdooda ayaa ah hubka ugu xoogga weyn ee dowaladda iyo shirkadaha batroolku si ay uga fakadaan qaan-bixinta iyo aqoonsiga jaaliyadaha gobolka Niger Delta loo aqoonsado in ay leeyihiin batroolka ku jira dhulkooda. Xaqiiqada ah in ay hal wax ku midoobaan dumarka ka kala imanaya qabiilooyinka kooxaha inta baddaan is-dagaalama ee Itsekiri, Ijaw, Ilaje iyo Urhobos waxa ay muujineysaa ugu yaraan in ay fahmeen sirta xoogga. In midowgoodu uu asaas u noqon doono dhaqdhaqaaqa wadaagga batroolka dad-u-dhexeeyaha ee gobolka Delta waa arrin weli su'aal ka furan tahay.

Horraantii sannadihii 1990-naadkii ayey ahayd tallaabadii ugu horeysey ee isbedelka wadaagga shidaalka dad-u-dhexeeyaha ee gobolka Niger Delta, xilligaas waxaa kale oo la arkay ururro dadka degaanada ah oo weydiisanaya dalabaad kuwaas la mid ah sida Mexico, Ecuador iyo Colombia. Waxaan ognahay in waqtigaas ay  Zapatista[20] isu agasimayeen in ay noqdaan jabhad hubaysan oo laga hirgeliyo gobolka Chiapas (Mexico), jabhadaas oo lagu dhawaaqay Maalinita Sannadka Cusub ee 1994--Isla waqtigii uu dhaqan galay NAFTA[21] oo ah heshiis dhaqaale oo mideeya dalalka Canada, USA iyo Mexico. Sida uu hoggaamiyaha Zapatista, Subcommendante Marcos, marar badan farta ku fiiqay, marka dadka dhulka asal ahaan u deganaa ay soo jaranayaan xaabada (qoryaha) ay dabka ugu shidanayaan guryahooda waa la xirxiraa, waana la ganaaxaa. Laakiin markii shirkadaha batroolku ay jarayaan dhirta si ay kaynta uga banneeyaan aag ay wadooyin dhigtaan, miinadoodana ku qarxinayaan dhirta, waxaa loogu hambalyeeyaa horumarintooda/wax-soo-saarkooda!

Laakiin sida qadartu ay ku ahaatay, jabhadayntii-kaddib jaaliyadaha Zapatista waxaa badanaaba la dejiyey meelo u dhow ama ku dul fadhiya dhulka shidaalku dhex ceegaago. Waxaa taas ku xigey qaraarkii "San Andres Accords"[22] -- oo ahaa dukumiintigii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wadahadaladii nabadda ee u dhexeeyey jabhadda Zapatistas iyo dowladda Mexico --  waxana lagu aqoonsaday jaaliyadaha asal ahaan dhulka deganaa. Waxaana qaraarkaas ka mid ahaa qodobka ah: "Xuquuqda dadka, si loo qiimeeyo qorshaha dawlada dhexe iyo gobolka, si loo qaabilo baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee ku jiro gobolkooda, si loo qiimeeyo qorshahaas raadka uu ku yeelanayo dadka dhulka asal ahaan u deganaa." Qodobkaasi waxa uu jaaliyadaha asal ahaan dhulkaas deggan siinayey awoodda codka diidmada qayaxan (veto) ee ay saari karaan baaritaanka shidaalka, waxana uu noqday qodob la isku mari waayey kaas oo qaraarka ka dhigay mid aan la ansixin.

Arrin taas la mid ah waxay ka dhacday dalka Ecuador horraantii sannadihii 1990-naadkii. Inkasta oo baaritaanka iyo soo saarida batroolku uu ka bilowday kaynta Amazon ee dalka Ecuador sannadihii 1960-naadkii, haddana waqti ayey ku qaadatay inay is abaabulaan jaaliyadihii dhulkaas degganaa ee ay saamaynta tooska ah ku yeelatay dhikhowga[23] ay wershedeyntu u geysatey degaankooda iyo carqaladaynta noloshii hab-dhaqankooda: Ugu horayn waxay weydiisteen in la nadiifiyo (degaanka), isla mar ahaantaasna la siiyo magdhaw, kaddibna waxay sheegteen in batroolku uu yahay khayraad wadaag dad-u-dhexeeye ah oo soo saaridiisa ay ku xiran tahay ogolaanshahooda, ee aysan ku xirnayn dowladda iyo shirkadaha shidaalka-- waxaana taas ka mid ah "Xuquuqda in ay dhehi karaan 'MAYA.'"

Xuquuqda dhehidda "MAYA" waxaa laga dhigay mid xag-jirta halganka ay dadka reer U'wa ee Colombia ay kaga soo horjeedeen shirkadda shidaalka Occidental Petroleum (OXY)[24] isku daygeedii in ay shidaal ka baarto dhulkooda bilowgii sannadkii 1993. Reer U'wa waxa ay ku hanjabeen in ay si jamac ah naftooda u dili doonaan haddii dhulkooda (oo ay aamminsan yihiin in uu yahay dhul muqas ah) ay shidaal ka qodo shirkadda Occidental Petroleum, oo ay dawladda Colombia u ansixisay heshiiska lahaanshada xuquuqda shidaalka looga baarayo dhulka U'wa. Shirkadda batroolku waxa ay ku qiyaastay in halkaas ay ku jiraan in ka badan hal billion oo foosto oo batrool ah, taas oo ay aad u danayneysey in ay qiyaastaas xaqiijiso. Laakiin isku darka dacwado madani ah oo ka dhacay maxkamadaha Colombia iyo kuwo caalami ah, xeerarka saamiyada, mudaharaadyo lagu hor dhigay xafiisyadooda California iyo guriga agaasimaha guud ee shirkadda oo ay sameeyeen dadka reer U'wa iyo jaalkood -- iyo weliba hanjabaada ah in gebi ahaanba jaaliyadda Uwa ay is khaarijin doonaan -- hadana si ay ku dhacdayba si layaab leh ayey shirkadu "u qarisay" qodista shidaalka oo ay gaartey. Kaddib shirkadda Occidental Petroleum iyadoo aan samayn isku dayga labaad oo ah nidaamka caadiga ah ee la maro marka shidaalka la qodayo ayey iskaga baxday dhulka reer U'wa.

Arrin aan lala yaabin waxaa noqotay in markii ay shirkada Occidental ku guul daraysatay in ay dhex jibaaxdo iska caabinta reer U'wa in ay ku xigtey shidaal baaristii ay samaysay shirkadda Ecopetrol[24] oo ah shirkad ay leedahay dowladda Colombia -- taas oo ay ka hor timid iska caabin lamid ah iyo guul darro la mid ah (tii ay la kulantay shirkadii hore Occidental).

Reer U'wa waxay ka mid yihiin in badan oo kunool degaanno maxalli ah ee daafaha adduunka, kuwaas oo ka hanqal dheer (ama ka gudbey) in ay si gacan hoorsi ah u weydiistaan magdhaw laga siiyo shirkadaha Batroolku dhibaatada ay geystaan marka ay soo saarayaan shidaalka. Kororka jilayaasha aan ahayn shirkadaha waaweyn ama dowladda, kuwaas oo sheeganaya laahaanshada jaaliyadeed ee batroolka waa arrin aad u xiiso badan, waxana ay raad la taaban karo ku yeesheen baaritaanka shirkadaha (wershedaha) shidaalka. Gaar ahaan arrintani waxay run tahay ku baahidda (fiditaanka) shidaal baarista ee "geesaha"-- aaggaga markii hore ka fogaa xudunta dhexe ee wershedaha shidaalka. Waa halkaas meelaha xaqiiqo ahaan ay shirkadaha batroolku si joogto ah ugala kulmaan dad ka hor imanaya, dadkaas oo weli aaminsan dareenka lahaanshada (wadaagga/dad-u-dhexeynta), maadaama ay sida caadiga ah leeyihiin maal ka dhexeeya sida deegaanka, iyo sida ay u maarayn lahaayeenba. Arrintaas cawaaqibkeedu waxa uu noqday in dowladda iyo xeerarka sayladaha (suuqyada) ee lahaanshada batroolku ay is herdiyaan iyaga iyo dhawr dersin oo ah dhaqdhaqaaqyo maxalli ah iyo jaaliyado yaryar, kuwaas, oo marka ay ku midoobaan daafaha dunida, ay ka bilaabaneyso raad ay ku reebayaan xaaladda sharciyeed ee lahaanshada batroolka.

Akhri qaybta 3aad: oo ku saabsan "Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Morocco ilaa Indonesia."

Talo, tusaalayn, iyo xog la xiriirta shidaalka ee looga faa'iideynkaro ummaadeena, fadlan kusoo hagaaji: somalitalk@gmail.com

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 26, 2006

 


Fure/Tixraac:

[13] Escarvos & Calabar: Waxa ay ka tisan yihiin gobolka lagu magacaabo Niger Delta ee dalka Nigeria, halkaas oo ahayd meeshii la isugu keni jirey dadkii addoonsiga looga soo kaxaystay qaarada Afrika, kaddibna halkaas laga sii dhoofin jirey si loo geeyo qaarada Ameerika.

[14] SHELL : Shirkadda SHELL (oo ah shirkad laga leeyhay boqortooyada Holland) waxa ay dowlada Nigeria la gashay wadaag ah "joint venture" oo shidaalka lagag abaarayo dalka Nigeria. Sannadihii 1990-naadkii, Ken Saro-Wiwa oo madax u ahaa ururka MOSOP ayaa waxa uu hoggaamiyey olole aan rabshado lahayn oo looga soo horjeedey dhibaatada degaanka dhulka reer Ogoni ee Niger Delta ka soo gaartey shirkadga shidaalka qoda oo ay k amid tahay shirkada SHELL iyo BRITISH PETROLEUM. Bishii Janaayo 1993 ururka MOSOP waxa ay soo abaabuleen qiyaastii 300,000 oo qof oo ah in ka badan kala bar dadka reer Ogoni kuwaas oo isugu yimid afar meelood oo ah dhulka Ogoni, si uu ay indhaha caalamka ugu soo jeediyaan dhibaatada dadka reer Ogoni. Sannadkaas ayey shirkada Shell joojisey in ay shidaal ka baarto dhulka reer Ogoni. Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Royal_Dutch_Shell_Environmental , sidoo kale eeg: http://www.shell.com/

Sani Abacha

Saro-Wiwa

[15] Ken Saro-Wiwa:  oo magaciisa rasmiga ahaa waxa uu dhashay October 10, 1941. Waxa uu ahaan jirey qoraa caan ka noqday dalka Nigeria. Waxa uu ahaa fikradii ka dambeysey dhaqdhaqaaqa la magac baxay MOSOP oo ahaa dhaqdhaqaas aan rabshad-doon-ahaayn oo loog asoo horjeedey dhibatada ay shirkadaha shidaalku gaarsiinayaan degaanka Ogoniland. Waxaana la abaabulay kacdoon dhan ka ahaa shirkadda SHELL oo heshiis shidaal baaris ah la gashay dowladda. Dawladda Nigeria oo uu markaas madaxweyne ka ahaa Sani Abacha waxay xabsiga u taxaabtay Saro-Wiwa, laakiin waxaa la sii daayey bil ka dib. Markale ayaa bishii May 1994 waxaa la xiray Saro-Wiwa, waxaana lagu soo oogey dacwad ah "khiyaano Qaran", dacwadaas oo uu sheegay in wax lagu soo oogey aan waxba ka jirin, waxana uu xabsiga ku jirey muddo sannad ah, waxaana markii dambe dowladu sheegtay in maxkamad gar ah ay ku heshay "dembigaas". Sidaas ayaana November 10, 1995 waxaa dal-dalaad lagu diley Ken Saro-Wiwa iyo siddeed kale oo ka tirasanaa hoggaankii dhaqdhaqaaqii MOSOP - waxaana arrintaas loo bixiyey "sagaalkii reer Ogoni". Ken Saro-Wiwa hadaladiisii intii uu xabsiga ku jirey waxaa kamid ahaa: "Waxaa maxkamada saarani waa qaranka Nigeria, iyo inta hadda xakunta iyo inta gacan siisa. Ma ahi mid ka gabada ka hor imaanshaha caddaalad darida iyo caburinta. Militarigu arintan keligood kuma dhaqaaqin, waxaa gacan siiyay in badan oo siyaasiyiin ah, qareeno ah, xeer beeg ah, aqoon yahano ah iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood isku qarinaya ayagoo sheeganaya in ay hawshooda gudanayeen, waa rag iyo dumar aad uga baqaya in ay surweeladooda ka dhaqaan kaadidooda...". Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Ken_Saro-Wiwa

[16] MOSOP: oo laga soo gaabiyey "Movement for the Survival of the Ogoni People" waa dhaqdhaqaaqii uu asaaskeeda lahaa Saro-Wiwa (sida kor ku xusan).

[17] Greenpeace:  Waa urur u dhaqdhaqaaqa dhawrida deegaanka adduunka. Waxana ay qoraal xiriir ah ka qortay xabsigii iyo dilkii Ken Saro-Wiwa. Eeg: http://archive.greenpeace.org/comms/ken/murder.html . Tixraac: http://www.greenpeace.org/

[18] MOSIEN: Waxaa laga soo gabiyey "Movement for the Survival of Ijaw Ethnic Nationality" waana dhaqdhaqaaq ay lahayeen reer Ijaw.

Alhaji Mujahid Dokubo-Asari

[19] Alhaji Mujahid Dokubo-Asari: oo sida caadiga ah logu yeeraa Asari- waxa uu dhashay sannadkii 1964. Markii uu dhamaystay dugsiga sare waxa uu galay Jaamacadda "University of Calabar" (kulliyada Sharciga), saddex sano markii uu dhuganey ayuu sannadkii 1990 iskaga tegey isagoo aan dhamaystirin isagoo sabab taas uga dhigay in dhibaato uu kala kulmay maamulka Jaamacada. Markale ayuu isku deyey in waxbarashada ka dhamaystirto jaamacada Rivers State University, laakiin dhaqdhaqaaqa uu ku jirey ayaa u suurta gelin waayey in uu dhamaysto. Markii uu ka tegey Jaamacada ayuu Islaamay, waxana uu la baxay magaca Mujahid Dokubo-Asari. Sannadkii 1998 markii la asaasay ururka dhallinyarada Ijaw ee IYC (Ijaw Youth Council) waxa uu noqday madaxweyne xigeenka ururkaas, Markii ururkaasi uu 1998 soo saaray "Bayaankii Kaiama" ee ku saabsanaa shidaalka dhulka Ijaw in ay leedahay jaaliyadda Ijaw, markaas ayaa dowlada Nigeria waxay bilowday in ay ururkaas cagta mariso. Asari waxa uu madaxweynaha ururkii IYC u noqday sannadkii 2001. Sannadkii 2004 ayuu Asari waxa uu galay kaynta si uu ula dagaalamo dowalada, waxana uu asaasay jabhadda lagu magacaabo NDPVF (Niger Delta People's Volunteer Force), taas oo ah jabhad ka dagaalada Delta. Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Alhaji_Mujahid_Dokubo-Asari . Websiteka Jaamacadaha: http://www.unical.edu.ng/ , http://www.rsust.edu.ng/

[20] Zapatista: Waa urur hubaysan oo ka jira gobolka  Chiapas oo ah gobolka ugu saboolsan dalka Mexico. Jabhaddaas magaciisa oo dhamaystiran waa: Zapatista National Liberation Army (EZLN). Waxaana si rasmi ah loogu dhaqaaqay 1dii January 1994, maalintaas o kubeegnayd markii uu dhaqan galay heshiiska NAFTA Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Zapatista_Army_of_National_Liberation

[21] NAFTA: Waxaa laga soo gaabiyey " North American Free Trade Agreement" - waana heshiis dhaqaale/suuq ay ku midoobeen dalalka Canada, USA iyo Mexico. Waana nidaam ku salaysan habka reer Yurub ee hadda loo yaqaan midowga Yurub (European Union). NAFTA waxaa December 17, 1992 saxiixay hoggaamiyayaasha saddexeda dal: Madaxweyne  Bill Clinton (USA), madaxweyne Carlos Salinas de Gortari (Mexico) iyo ra'iisul wasaare Brian Mulroney (Canada), waxana uu heshiiskaasi dhaqan galay January 1, 1994.

[22] San Andres Accords: Waxa uu ahaa heshiis ay 16kii of February 1996 isla gaareen dowladda Mexico iyo ururka Zapatista National Liberation Army (EZLN), heshiiskaas oo ka hadlayey dhawrida degaanka iyo xuquuqda dadka dhulka asal ahaan u deganaa. Eeg: http://www.globalexchange.org/countries/americas/mexico/SanAndres.html

[23] Dhikhow: (ama Dikhow) Marka uu deegaanku, sida hawada, biyaha, iwm, ay wasakhoobaan ayaa la adeegsadaa kelmeda dhikhow. [Deegaanku waa wasakhoobey in la yoraahdo waxaa kaga haboon 'degaankii waa dhikhoobey' taas oo macne ballaaran xambaarsan.

[24] Occidental Petroleum Corporation ("Oxy"): waa shirkad caalami ah oo shidaalka baarta, xarunteeduna tahay Los Angeles, USA. Eeg: http://www.oxy.com/

[25] Ecopetrol: Waa shirkad shidaalka baarta oo ay leedahay dowladda Colombia. Eeg: http://www.ecopetrol.com.co/english/

Sawirada: Tixraac:
http://en.wikipedia.org/wiki/Petroleum_in_Nigeria
http://en.wikipedia.org/wiki/Niger_River
http://en.wikipedia.org/wiki/Niger_Delta
Google Images.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD