SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne

Tarjumadii: www.SomaliTalk.com | Email: somalitalk@gmail.com
Linkiga boggan: http://www.somalitalk.com/oil/oil3.html


Qaybta 3aad:
Nidaamka Islaamiga iyo Lahaanshada Batroolka...
Qoraalkani waxa uu ku xiriirsan yahay qaybtii 2aad

Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia.

Dowlad ama Qaran kale ee wadaagga batroolka ayaa ilaa sannadihii 1970-naadkii ka soo shaac baxay hab-siyaasi-dhaqaaleedka Islaamiga. Waxana uu nidaamkaasi sheegayaa in batroolka laga helo dhulka Muslimiinta uu yahay wadaag ka dhexeeya ummadda Islaamka ee dhammaan geesaha adduunka, mana aha hanti dowladeed ama maal khaas loo leeyahay. Waxana uu qoraagu yiri: Fikradaasi waxay caqabad ku ahayd xiriirrada dhex marayey shirkadaha batroolka iyo dalalka Islaamka ah ilaa Dagaalkii Koowaad ee Adduunka[26].

Arrinta ama xaaladda furaha u ahayd soo shaac-bixiddii shirkadaha shidaalka waxay ahayd burburkii Khaliifadii ugu dambeysey, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta[27], ee dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Khaliifadaasi waxay u baahatay nidaam militari-siyaasadeed oo ah cilmaani[28] oo ku yabooha difaacidda jaaliyadda Muslimiinta ee adduunka oo dhan, hawshaas difaacidda diinta oo ay markii hore soo wadeen Cusmaaniyiintii Turkigu laga soo bilaabo qarnigii shan-iyo-tobnaad. Dhulka boqortooyadaasi xakuntey waxa ka mid ahaa Ciraaq, Kuwait, iyo qaybo ka mid ah Sacuudi Careebiya -- Dhulkaas oo xuddun u ah batroolka ku kaydsan adduunka. Haddaba, Shirkadaha batroolku si ay u hir geliyaan nidaam gebi ahaantiisuba ku salaysan keli u lahaanshada (waa nidaamka hanti-goosiga),  markaas shirkadahaas waaweyn ee shidaalka iyo dalalka ugu xogga weynaa ee rumaysan nidaamka xoog-ku-muquuninta (US, Britain, France) waxay burburiyeen Khaliifadii Cusmaaniyiinta dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waxayna abuureen tiro dalal ah kuwaas oo badankoodu iyaga xukunkooda hoos yimaada.

Waxaa aad u fudud in la arko kala duwanaantaas u dhaxayasa Khaliifada iyo hawl-gallada faa'iido doonka ee batroolka. Khaliifada Islaamku waxay aqoonsadeen nidaam saldhiggiisu yahay qaybinta dhaqaalaha (oo uu ku jiro qaranka batrool-wadaagga ah ee ay leedahay ummaddu, dhammaan Jaaliyadda Islaamka), arrintaas waxay caqabad ku tahay nidaamka keligood xukunka ah ee shirkadaha waaweyn ee ay ku hamiyayeen asaasayaashii shirkadaha batroolka ee Bariga Dhexe intii u dhexeeyey 1918kii ilaa 1945kii. Khaliifada dhabta ah waxay ahaan lahayd mid maal-gashiga u dejisa nidaam ka dhigaya mid ka madax bannaan ammarrada awoodaha nidaamyada xoogga wax ku muquuniya (oo ah dowladaha ama shirkadaha waaweyn). Ugu dambayntii, Khaliifada dhabta ah waxay ahaan lahayd mid adduunka oo dhan gaarta, taas oo ballan qaada in ay wax ka qabato xaaladaha meelaha ay deggan yihiin jaaliyadaha Islaamku. Meelahaasi waxay badanaa ahaayeen qaybo muhiim u ah boqortooyooyinkii Britain, Faransiiska iyo Holland. (Tusaale, sida: India, Algeria, iyo Indonesia).

Arrinta loogu yeero Islaamiga, siyaasadda Islaamka, ama Nidaamka Islaamiga, waa isku day soo noolaynta Khaliifadii Islaamka hal qarni kaddib dhammaadkeedii. Waana taas arrinta dhaqdhaqaaqyadaas bulshada ka dhigta "kuwo gaarsiisan caalamka oo dhan," ayagoo sheeganaya midnimada iyo "difaaca" jaaliyadda Islaamiga ah -- Jaaliyaddaas Islaamka oo xilligan la joogu ku baahsan laga soo bilaabo Morocco ilaa Indonesia iyo ilaa xuddunta Yurub iyo Woqootiga Ameerika, ayagoo sii maraya dariiqa laajinimada.

Kama dambaysta, noocan siyaasadaha ee raggu hogaanka u hayaan iyo waxkasta oo dabaqado ah oo ay ka kooban yihiin, in taasi ay jid u noqoto Khaliifada waa arrin xaqiiqo ahaan muhiim ugu ah shirkadaha batroolka maadaama ay labaduba (fikirka Khaliifada iyo shirkadaha batroolku) ay ka hawl-galaan ubucda uu adduunka kaga kaysan yahay shidaalka ugu badan.

Xaqiiqadii, wadamada xubnaha ka ah ururka ay Muslimiintu ku midoobeen haddii la barbar-dhigo batroolka lagu qiyaasay in uu ku kaydsan yahay dhulkooda, waxaa la arkayaa in ku dhowaad saddex-meelood-oo-laba-meelood (2/3) oo batroolka adduunka in uu yahay mid Islaami ah [ama ku jira dhul Islaamku leeyahay]. Arrintaasi, haddaba, waa "mid la mala awaalay"-- laakiin haddana, waa tuma jaaliyadda fileysa arrinta ugu dhow iyaga in aysan ahayn mid la mala awaaley?


Imaam Abuu Daawuud (202-275 Hijra oo ku beegnayd taariikhda 817-888):
Abuu Daawuud waxa uu sannadkii 202-Hijrada ku dhashay magaalada Sajistan oo ahayd magaalo caan ah oo ka tirsan Khurasan (bariga Persia), waxana uu ka dhashay qabiil Carbeed oo la yiraahdo Azad. Inkasta oo uu ku dhashay Sajistan haddana in badan oo noloshiisa ah waxa uu ku qaatay magaalada Basrah oo ahayd magaalo Islaami ah oo cilmiga laga raadsan jirey xilligaas. Waxa uu in badan u safray magaalada Baqdaad. Waxa kale oo uu tegey Xijaaz (oo ahaa Woqooyiga-galbeed ee Sucuudiga), Masar, al-Jazirah, Nishapur (oo ah gobol ka tisaranaa Khurasan), Suuriya iyo Isfahan (magaalo taariikhi ah oo ka tirsanayd Beershiyadii hore). Axaadiista uu soo ururiyey waxa uu isugu keenay Sunan Abuu Dauawud, waxayna ka kooban yihiin 4,800 oo xadiis, kuwaas oo uu ka soo xushay 50,000 xadiis oo uu soo ururiyey. Waxana uu Sunan Abuu Dauawud ku dhamaystiray magaalada Baqdaad sannadkii 241 hijrada-kaddib. Imam Abuu Daawuud waxa uu dhintay maalin Jimce ah 16kii Shawaal ee sannadkii 275 Hijrada-kaddib, markaas oo da'diisu ahayd 72 jir.

Xoogga siyaasadda Islaamka waxaa garab socda soo shaac bixidda "Dhaqaalaha Islaamiga"[29] kaas oo leh arrimo ku salaysan diin kuwaas oo khuseeya shirkadaha shidaalka. Tan koowaad, maadaama batroolku yahay khayraad dabiici ah oo ku hoos jira dhulka, waxaa loo arkaa marka arrinta laga fiiriniyo xagga Islaamiga in (batroolku) yahay deeq ka timid xagga Allah, sidaas daraadeedna uu yahay maal ay leedahay jaaliyaddu (oo ummaddu wadaagto). Inkasta oo dhaqaalaha Islaamigu uu xushmeeyo maalka gaarka loo leeyaha-- taas oo uu Islaamku yahay diin ku salaysan baayacmushtarka/ganacsiga-- waxa kale oo uu aqoonsan yahay maqaamka khayraadka u dhexeeya dadweynaha. Dhaqaalaha Islaamigu waxa uu aqbalsan yahay aragtida caadiga ah ee lahaanshada maalka gaarka ah, maalka dowladda iyo maalka dadweynaha u dhexeeya. Batroolkuna xaqiiqo ahaan wuxuu ku jiraa qaybta maalka ay wadaagaan dadweynuhu. Marka arrintaas laga hadlayo waxaa caadi ah in lagu soo celiyo xaddiiska caanka ah ee Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha-ahaatee (NNKH صَلّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّم) ee uu weriyey Abuu Daawuud[30] ee ah: "Dadka waxaa ka dhexeeya saddex shey: Biyaha, dhul-daaqsimeedka iyo dabka" - [dabku maanta waa batroolka, sida uu yiri qoraagu - Sidoo kale waxaa dabka lagu fasiray: batroolka, gaaska, korontada iyo aaladaha aan looga maarmi karin nolol maalmeedka, sida aad ku arki doontid qoraalka "Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha"]. Aqoonsiga batroolka ka dhexeeya Islaamka waxaa loo arkay tallaabada koowaad ee xaqiijinta dhaqaalaha Islaamiga ah.

Dabcan waxaa run ah in qaar ka mid ah maalka la wadaago ay shardi tahay in dhulka laga soo qodo (sida batroolka, dahabka, qalinka, iyo birta), laakiin macdanaha qudhoodu waxay ahaanayaan maal u dhexeeya dhammaan Muslimiinta. Waxaa dhici karta in macdanahaas ay Khaliifadu dhulka ka soo qodo ama qandaraas ku bixiso sidii loo soo ururin lahaa, laakiin dhammaan dhaqaalaha laga helo iibinta khayraadkaas waxaa shardi ah in lagu xafido Beytul-Maalka ama Khasnadda Ummadda -- oo la mid ah sida loo maamulo Sakada.

Tan labaad ee asaaska u ah dhaqaalaha Islaamiga waa si siman u qaybinta. Islaamku, isagoo tixgelinaya maalka gaarka loo leeyahay, waxaa uu bilowgiisa salka u ku hayaa sii gudbinta dakhliga oo dadka si siman loogu qaybiyo. Xitaa dadka aan Muslimka ahayni waa ogyihiin Sakada, laakiin waxaa kale oo jira qaabab badan oo ku saabsan qaybinta (Tusaale: Mamnuucidda dulsaarka - ribada) taas oo kuwa aaminsan hab-fikirka xorriyadda-cusub ka dhigeysa kuwo ka baqaya nidaamka Islaamiga. Khaliifada iyada hawsheedu waa in la maal geliyo ama hanti la siiyo faqiirka, dadka baahan, socdaalayaasha/musaafirka, kuwa deynta qaba iyo jihaadka, kharashkaas oo ka imanaya khasnadda Beytul-Maalka. Tani waxay sii xaqiiqoobeysaa maalka laga helo soo saaridda batroolka, maadaama kharashkaasi toos uga imanayo iibinta maalka dadweynaha u dhexeeya. Sidaas daraadeed eedaynta ay Islaamiyiintu dusha uga tuurayaan ru'asada Sacuudi Careebiya waa arrin khaas ahaan si qoto dheer u kulul, maadaama ru'asada Sucuudiga qaabkooda ka badbadiska-fasahaadka ah ee ay u noolyihiin uu rootiga iska hor taagaayo afafka carruurta Muslimiinta ah, carruurtaas oo Allah maal-kaas ugu deeqay.

Tan saddexaad ee asaaska u ah dhaqaalaha Islaamiga waa mid ku salaysan mamnuucidda wax khasaarinta iyo ka welwelida sidii loo dhawri lahaa khayraadka gabaabsiga ah. Xaqiiqadii, haddii la joojiyo cirweynida xad-dhaafka ah iyo nafsad-gaar-ah-kudifaacidda kharashka lagu bixinayo aaladda militari ee ru'asada hadda jirta, waxaa muuqata in ay dhici lahayd in batrool badan loo deyn lahaa in uu ku kaydsanaado dhulka hoostiisa. Dhaqaalaha noocaas ah wuxuu raad weyn ku yeelan lahaa qiimaynta batroolka, maadaama batroolka aan loo tixgelin lahayn maal ay leeyihiin dowladda ama shirkadaha waaweyn oo laga iibinayo qofka bixinaya lacagta ugu badan; wuxuu ahaan lahaa maal dadka u dhexeeya kaas oo dhawritaankiisa ku kaydsanaanta dhulka ay qudheedu ahaan lahayd qiime.

Xagga akadeemiga caadiga ah marka laga hadlayo dhaqaalaha Islaamka, waxaad arkeysaa in aan xoog la saarin maalka dadka-u-dhexeeya ee dhaqanka Islaamiga, halkaas bedelkeeda waxaa galay oo lagu faanaa waa Sakada iyo nidaamka bangiyada mamnuuca dulsaarka/ribada.

Qoraalladii ay qoreen mufakirkii nidaamka bulshada ee reer Pakistan, Sayyid Abul-Ala Mawdudi (1903-79)[31], mujaahidkii Islaamiga ahaa ee reer Masar, Sayyid Qutb (1906-66)[32], iyo qoraagii reer Ciraaq Muhammad Baqir al-Sadr (1931-80)-- Aqoonyahanadii saldhigii Dhaqaalaha Islaamiga -- waxaa badanaa lagu meeleeyaa in ay isku deyayeen in ay caqabado aan macquul ahayn dusha laga saaro nidaamka keli-lahaanshada ee loo yaqaan "HANTI-GOOSIGA" in uu ka soo shaac baxo dalalka Islaamka, halkii tixgelin gaar ah laga siin lahaa xigmada suuqa-furan ee Frederick Hayek![33], ayuu yiri qoraagu. Laakiin halka ay kuwa wax dhaliila ay xusaan Sakada iyo mamnuucida dulsaarka, haddana xaqiiqo ahaan hab-fikirka ku aadan batroolka dad-u-dhexeeyaha ah ee bulshadu wadaagto xaqiiqo ahaan raad weyn ayuu ku yeelanayaa dhaqaalaha adduunka, haddii xaqiiqo ahaan looga hir gelin lahaa dhammaan Dunida Islaamka.

Hab-u-fikirkaan batroolku waa mid sheeko ahaan ku salaysan qorsheynta dhaqaalaha Dunida Islaamka oo ka kooban in ka badan hal billion oo qof - [Qiyaasaha ugu dambeeyey waxay tirada Muslimiinta Adduunka ku sheegeen 1.6 billion oo qof]. Haddii tiro dalal Islaam ah ay xaqiiqo ahaan khayraadkooda batroolka ugu bedeli lahaayeen mid dadka (Muslimiintu) wadaagaan, markaas waxaa ku xigi lahaa saddex isbedel oo muhiim ah, kuwaas oo wax weyn bedelaya, oo kala ah:

Koowaad: Waxa uu gogol dhig u noqon lahaa in la yareeyo xawliga soo saaridda batroolka iyo rabitaanka ku dhaqanka "Xuquuqda in la dheho 'MAYA'," taas oo sabab u noqon lahayd qiime sare ee batroolka.

Labaad: Dhaqaalaha dheeraadka ah ee ka soo baxa maalka la wadaago waxaa markiiba loo weecin lahaa mashaariicda Dunida Islaamka ee si siman u qaybinta (oo maalka la gaarsiinayo Muslimiinta), ee kuma leexan lahayn nidaamka maaliyadeed (ama Bangiyada) ee reer Yurub iyo Maraykanka.

Ugu dambayntii, dabcan, dhammaan habka ku salaysan barnaamijka nidaamka furfurnaanta-cusub ee Bariga Dhexe (sida lagu qeexay qorshaha George W. Bush ee natiijada ka soo baxda dagaalka Ciraaq) xaqiiqo ahaan waa la tirtirsiin lahaa.

Halkaas waxaan ku joojineynaa qaybtii saddexaad ee qoraalkii taxanaha ahayd, haddaba inta aynaan u gudbin qaybta afraad, waxaan ku hakan doonaa Qoraal faahfaahsan oo uu sannadkii 2001 qoray Athar Jamil, kaas oo isbarbar dhig ku sameeyey hoggaamiyayaasha Caalamka Islaamka ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee dunida Islaamka u horseeday sharaf iyo horumarka muddo qarniyaal ah. Waxana uu qoraagu si gaar ah uga hadlayaa sida ay hoggaamiyayaasha Dunida Islaamka ee maanta ay u khasaariyaan hantida ummadda iyadoo bulshadii hantidaas lahayd ay ka gaajaysan yihiin. Qoraalkaas oo cinwaankiisu yahay: "Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha..." ka akhri  Bogga Xiga.... GUJI.....

Talo, tusaalayn fadlan kusoo hagaaji: somalitalk@gmail.com

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Mar 19, 2007

 


Fure/Tixraac:

[26] Dagaalkii Koowaad ee Adduunku: waxa uu dhacay intii u dhexeysey 1914-1918, waxana uu xooggiisu ka dhacay Yurub. Xooggagii wadajirey ee ay hoggaaminayeen France, Russia, iyo boqortooyadii British-ka, oo ay markii dambe kusoo biireen Italy iyo Maraykanku waxa ay jebiyeen xooggagii loo aqoonjirey Awoodda Dhexe oo ahaa: Austria-Hungary, Jarmalka, Bulgaria iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa dagaalkaas ku dhintay malaayiin qof, waxaana la jeexay khariidado cusub.

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta:::


Dhulkii ay ka talisay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu
[27] Cusmaaniyiintii: Boqortooyadii Cusmaaniyiintu waxay ahayd Dawlad Islaami ah oo xuddunteedu ahayd Turkiga, waxayna jirtey intii u dhexeysey 1299 ilaa 1922. Meeshii ugu xoogga weyneyd waxa ay gaartey qarniyadii 16aad iyo 17aad, xilligaas oo taliska boqortooyadaasi uu gaari jirey saddex qaaradood, waxayna xakuntey inta badan Koonfurbari Yurub, Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, iyadoo dhinaca galbeedka ka soo bilaabeyney khooriga Gibraltar (oo loo yaqaan buurta Jebel at-Tariq)*, Dhanka Barigana ilaa Badda Caspian-ka (oo u dhexeysa Ruushka iyo Iiraan) iyo Gacanka Persian, Dhanka Woqooyina ilaa cirifka Austria iyo Slovakia iyo daafaha Ukraine, Dhanka Koonfureedna Suudaan iyo Yemen. Waxayna boqortooyadiisa muddo lix qarni ah ahayd tan isku xiriirisa Bariga iyo Galbeedka Adduunka. Caasimadeeduna waxay ahayd Constantinople (oo dagaalkii 1aad kaddib loo bixiyey Istanbul). Xilligii ay meesha ugu sareysa mareysey boqortooyadii Cusmaaniyiintu waxa ay ahayd dawladda adduunka ugu xoogga weyn, taas oo si joogto ah ugu siqeysey Yurub gaar ahaan dhulka loo yaqaan Balkan-ka oo ah Koonfurbari Yurub ilaa 1683. Ciidamada Badda ee Cusmaaniyiintu waxay ahaayeen kuwa xooga ugu weyn ku laahaa Badda Mediterranean-ka, Badda Madow, Badda Cas, Gacanka Beershiya, Badweynta Hindiya, iyo marmarka qaarkood Badweynta Atlantic Ocean intii u dhexeysey 1501-1631 .


Calankii Khaliifada
*Buurta Jebel at-Tariq waxaa loogu magac daray jeneraalkii Berberi-ga ahaa ee Ummawiyiinta, Tariq ibn-Ziyad, oo sannadkii 711 qabsaday Hispania (dhulka hadda loo yaqaan Portugal iyo Spain). Ummawiyiinta oo xukunkoodu jirey intii u dhexeysey 661-750 waxay ahaayeen dawladdii ka dambeysey afartii Khaliifo -  (أمير المؤمنين) . Khaliifadii Abuu Bakar As-Siddiiq oo ahayd 632634, Khaliifadii Cumar Bin Khaddaab oo ahayd 634-644, Khaliifadii Cusman Bin Cafaan oo ahayd 644-656, Khaliifadii Cali Bin Abii Daalib oo ahayd 656-661.

Dhimashadii Cali kaddib waxaa hoggaanka la wareegey Mucaawiya oo uu dhalay Abuu Sufyaan oo ahaa Qureysh. Mucaawiye waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyey ee dawladii Ummawiyiinta, dowladaas oo jirtey intii u dhexeysey (661750). Waxaana xusid mudan in Abd ar-Rahman ad-Dakhil oo ka soo jeeda qoyska reer Ummayad uu gaarey Cordoba (Spain), oo uu dib usoo celiyey xukunkii Ummawiyiinta (7801031) ee dalkii Spain ee Muslimka ahaa. Ummawiyiintii waagii hore waxay ahaan jirey kuwo ku adag xukunka shareecada, muddo kadib waxaa taariikhyahanadu xusaan in ay noqdeen kuwo aad ugu dhow hab fikirka "Secular-ka" sidaasna ay dawladoodii ku dhacday. Ummawiyiinta waxaa xukunka kaga dambeeyey Cabbaasiyiinta, kuwaas oo caasimadii Dimishiq ee Ummawiyiinta usoo raray magaalada Baqdaad. Cabbaasiyiintii uu xukunkuudu wuxuu jirey intii u dhexeysey 750-1258 (Taariikhda qaar ayaa sheegta in dowladaasi ay soo bilaabatay 749). Cabbaasiyiintu waxa ay magacaas ka soo qaateen Cabbaas oo ahaa Nebiga NNKH Adeerkiis. Waxaana la xusaa in cabbaasiyiintu ay Islaamkii ka leexiyeen jidkii uu ku socdey oo ay u iisheen dhanka Beershiya iyo Iiraaniyiinta. Waxaana Jirey Ummawiyiin weli ku harsanaa SPAIN kuwaas oo ka soo horjeedey Cabbaasiyiinta. Waxaana Cabbaasiyiinta xukunkoodii dhammaaday sannadkii 1258. Markaas kaddib ayey ahayd markii ay soo shaac baxday Boqortooyadii Islaamka ahayd ee Cusmaaniyiinta oo talineysey intii u dhexeysey (12991922).  Dhulkii ay Cusmaaniyiintu ka talinayeena hadda waa 39 dal. Markii Boqortooyadaasi dhacday waxaa la sameeyey Bariga Dhexe ee Casriga ah iyo Jamhuuriyadda Turkiga. Dalalkii Dagaalkii Koowaad ku guulaysteyna waxay kala qaybsadeen qaybo ka mid ah dhulkii Cusmaaniyiintu ka talin jireen, sida France oo qaatay Suuriya iyo Lubnaan, iyo United Kingdom oo qaatay Ciraaq iyo Falastiin. Qayb ka mid ah dhulkii Cusmaaniyiinta ee ku yaal Gacanka carbeed waxa ay noqdeen qayb ka mid ah Sucuudi Careebiya iyo Yeman. Boqortooyadaas oo sida aan kor ku xusanay markii ay ugu xoogga weyneyd oo ahayd (1683- 99) ka talinsey dalalka hadda loo yaqaan: Hungary, Yugoslavia, Croatia, Bosnia, Albania, Macedonia, Greece, Romania, Moldova, Bulgaria, southern Ukraine, Turkey, Georgia, Armenia Iraq, Kuwait, Cyprus, Syria, Lebanon, Israel, Palestine, Jordan, bariga & Galbeedka Saudi Arabia, Oman, Bahrain, Bariga-Yemen, Egypt, Woqooyiga-Libya, Tunisia, iyo Woqooyiga-Algeria. Waxaana Cusmaaniyiinta la jebiyey dagaalkii Koowaad ee adduunka, sida aan kor kusoo xusnay. Sida qoraalka sare ku xusan Cusmaaniyiintu waxay jabeen kaddib markii ay difaaca Muslimiinta u dhiibeen nidaam "Secular" ah.  

[28] Cilmaani ama Calmaani = Secular: Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)

[29] Dhaqaalaha Islaamka: Waa mid ku salaysan shareecada Islaamka, waxaana sal u ah in maalka/hantida dadweynaha ka dhexeeya lagu kaydiyo Khasnadda Beytul-Maalka. In maalka lagu kasbado si xalaal ah, sakadana laga bixiyo, lagana dheeraado ribada, iyo khiyaanada. Sida Allah ku caddeeyey Quraanka, Suurada Al-Baqarah, Aayadda 275: "Wuu baneeyey Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xannimay Ribada". Aayadaha kale oo ku saabsan beeca waxaa ka mid ah, Suurada Ash-Shucaraa', Aayada 181: "Oofiya (Dhamaystira) Beegidda hana ka mid noqonina kuwa Nusqaamiya." iyo Aayada 182: "Una miisaama Cadaalad Toosan." Sakada in la bixiyo lana siiyo fuqarada iyo dadka baahan, si simana loo qaybiyo dhaqaalaha. Dhaqaalaha Islaamku waxa uu ummada ka dhigaa mid siman oo aan ku kala tegin xagga dhaqaalaha, ama aysan soo bixin kuwo aad u taajirey iyo kuwo aad faqiir u ah (sida ka dhacda nidaamka Hanti-Goosiga). Khaliifadii u horeeysey waxay caddeeysay hadalkii Rasuulka NNKH kaddib markii ay Muslimiintu Sakadii u bixiyeen siday ahayd, ilaa markii dambe la waayey qof u bahan in uu Sakada qaato.  Waxa kale oo uu dhaqaalaha Islaamku dhiiri geliyaa in lala baxo Waqafka, sida in la dhiso Masaajid, meelo lagu barto tacliinta, goobo lagu xanaaneeyo agoonto, iyo in la dhiso Cisbitaalo.  Dhaqaalaha Islaamku waxa uu aad u dhiiri geliyaa in wax laga bixiyo maalka Allah kuugu deeqay. [Khayraadka Allah ku manaystay aadamiga oo aan xadka lahayn, ka daalaco aayadaha: 41:10, 50:11, 55:10, 56:73, 79:33, iyo 80:32]. Qoraa faallo kabixiney sababta keentay in laga leexdo nidaamkii qiimaha badnaa ee Dhaqaalaha Islaamka ee Rasuulku ogaa in ay ka soo bilaabatay markii ay qaar kamid ahaa hoggaamiyayaashii Ummawiyiinta iyo Cabbaasiyiintu ay abuureen nidaam keli-talisnimo oo ay ugu magac dareen shareeco, nidaamkaas oo ahaa in Muslimiinta la marin habaabiyo, kuwaas oo marka hore awoodii la wareegey kaddibna magacawday imaamyo iyaga soo magacaaba.

[30] Abuu-Daawuud: magaciisa oo buuxa waa: Abu-Daawuud Sulayman bin Al-Aash'ath Al-Azadi as-Sijistani, waxana uu dhashay sannadkii 202 Hijrada-kaddib, wuxuuna uu dhintay 275 Hijrada-kaddib (oo ku beegnayd taariikhda: 817-888). Waxa uu ka mid ahaa culimadaa aadka u safray si ay u soo ururiyaan Axaadiista. Dhulkii uu u safray waxaa ka mid ahaa Sacuudi Careebiya, Ciraq, Khurasahn, Egypt, iyo Syria. Waxa uu soo ururiyey ilaa 50,000 xadiis oo uu ka xushay 4,800 xadiis, waxana uu xoogga saaray axaadiista la xiriirta xagga sharciga ama qaanuunka.

 Sayyid Abul-Ala

Sayyid Qutb

[31] Sayyid Abul-Ala Mawdudi: Waxa uu dhashay 25 September 1903, waxana uu ahaa mid ka mid qorayaashii Islaamka ugu caansanaa qarnigii 20aad. Waxa uu qoray joornaalo badan iyo buugag badan. Waxaana lagu tilmaami jirey mufakir xeel dheer oo ku dadaali jirey soo noolaynta Khaliifadii Islaamka, waxana uu safray dalal badan. Waxa uu September 22, 1979 ku dhintay magaalada Buffalo, New York, waxaana meydkiisa loo qaaday Pakistaan halkaas oo lagu aasay magaalada Lahore. Waxaa da'diisu ahayd 76-jir.

[32] Sayyid Qutb: Waxa uu dhashay 9 October 1906, waxana uu yarantiisii kusoo barbaaray tuulada Musha ee dalka Masar, waxana uu dhallin yaranimadiisii waxkubartay magaalada Qaahira. Markii la isku deyey in la dilo madaxweynihii Masar, Nasser, sannadkii 1954 ayaa la xiray Sayyid Qutb isaga iyo dad badan oo ka mid ahaa ururkii Walaalaha Islaamka. Muddadii tobanka sano ahayd ee uu xabsiga ku jirey waxa uu qoray labo buug oo ka mid ah qoraaladiisii ugu muhiimsanaa. Sannadkii 1964 ayaa Qutb xabsiga laga soo daayey kaddib markii uu arrinta xabsi ka soo deynta ka qayb qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul Salaam Caarif, laakiin siddeed bilood ka dib ayaa markale xabsiga lagu celiyey Qutb bishii August 1965. Waxaana markaas maxkamad la soo taagey Qutb, daacwada lagu soo oogeyna waxaa inta badan laga soo qaaday buuga uu xabsiga ku qoray ee "Caalim Fil Dariiq". Waxaana isaga iyo lix ka tirsanaa ururka Walaalaha Islaamka lagu xukumay dil. 29 August 1966 ayaa Sayyid Qutb lagu diley daldalaad.

[33] Frederick Hayek: Waxa uu ku dhashay dalka Austria, waxa uu noolaa intii u dhexeysey (1899-1992), waxana uu noqday dhaqaale yahay British ah iyo siyaasi Filosoofor ah, waxana uu aad u difaaci jirey dimoqraadiyada furfuran iyo dhaqaalaha loogu yeero xorta ah - Hantigoosiga, waxana u kasoo horjeedey hanti-wadaagga.

 TIXRAAC:

. Dagaalkii 1aad: http://en.wikipedia.org/wiki/World_War_I
. Cusmaaniyiintoii: Eeg: http://www.wsu.edu/~dee/ISLAM/CALIPH.HTM , Eeg: http://www.osmanli700.gen.tr/english/engindex.html , sidoo kale Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Ottoman_Empire. Farsamada Dhismayaashiia ee Islaamka: Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Islamic_architecture 
. Dhaqaalaha Islaamka: Eeg: http://www.parvez-video.com/islam/economy/page1/index.asp
. Abuu Daawuud: Eeg: http://www.usc.edu/dept/MSA/fundamentals/hadithsunnah/abudawud/ , iyo http://www.sunnah.org/history/Scholars/imam_abu_dawud.htm
. Abul-Ala Mawdudi: Eeg:  http://en.wikipedia.org/wiki/Sayyid_Abul_Ala_Maududi
. Seyid Qutb: Eeg: http://en.wikipedia.org/wiki/Sayyid_Qutb
. Khaalid Bin Waliid: http://www.swordofallah.com/

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD