SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne

Tarjumadii: www.SomaliTalk.com | Email: somalitalk@gmail.com
Linkiga boggan: http://www.somalitalk.com/oil/oil4.html


Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha...

  • Qore: Athar Jamil (21 July 2001) | Tarjumadii: SomaliTalk.com (19 March 2007)

Qoraalkani waxa uu dhexyaal u yahay qormadii taxanaha ahayd ee Wadaagga Batroolka. Sida aan qormadii hore kusoo xusnay, inta aynaan u gudbin qaybta afraad ee taxanaha Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha, waxaan ku hakan doonaa Qormadan oo uu sannadkii 2001 qoray Athar Jamil, kaas oo isbarbar dhig ku sameeyey hoggaamiyayaasha Caalamka Islaamka ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee dunida Islaamka u horseeday horumarka iyo sharafta muddo qarniyaal ah. Waxana uu qoraagu si gaar ah uga hadlayaa sida ay hoggaamiyayaasha Dunida Islaamka ee maanta ay u khasaariyaan hantida ummadda iyadoo bulshadii hantidaas lahayd ay ka gaajaysan yihiin. Qoraalkaas oo aan qayb ka soo tarjumney waxa uu u qornaa sidan:

Hoggaamiyayaasha Maanta ee Muslimiinta:

Tobanka hoggaamiye ee adduunka ugu taajirsanaa (markii qoraalka la qoray 2001) toddoba ka mid ah waxay ahaayeen madax Muslimiin ah, arrintaas oo jirta haddana qiimaha batroolku waxa uu ahaa mid aad riqiis u ah, isla mar ahaantaasna ay gobolka (dhulka Muslimiinta) ka jirto xaalad cakiran. Xilligaas waxaa la qiyaasay in laga soo bilaabo sannadkii 1998kii ay aad u siyaadey taajirnimada hoggaamiyayaasha dalalka Carabtu. Tusaale ahaan waxaa loo soo qaatay Saddam Hussein, kaas oo malaayiinka doolar ee uu kasbaday ay timid xilli ay aad u siyaadey saboolnimada dadweynaha Ciraaq.


Boqorkii Sucuudiga
King Fahad bin Abdul Aziz
Noolaa: 1921 - 1/8/2005
Lacag:
$30 billion

Suldaanka Brunei
Haji Hassanal Bolkiah
Dhashay: 15/7/1946 -
Lacag: $16 ilaa $36 billion

Hoggaamiyihii UAE:
Sheikh Zayed bin Sultan
Noolaa: 1918 - 2/11/2004
Lacag:
 $23 billion

Amiirkii Kuwait
Sheikh Jaber Al-Ahmad
Noolaa: 1926 - 15/1/2006
Lacag:
$18 billion

Hoggaamiyihii Dubai
Sheikh Maktoum Rashid
Noolaa: 1943 - 4/1/2006
Lacag: $12 billion

Madaxweynihii Ciraaq
Saddam Hussein
Noolaa: 1937-30/12/2006
Lacag:
$7 billion

Amiirka Qadar
Sheikh Hamad Bin Khalifa
Dhashay: 1950 -
Lacag: $5 billion

Madaxweynihii Suuriya
Hafez Al-Assad
Noolaa: 1930 - 10/6/2000
Lacag: $2.3 billion
Hoggaamiyaha ugu taajirsanaa (Haddiiba uusan ahayn ninka u taajirsan) adduunka oo dhan waxa uu ahaa Suldaanka dalka Brunei[34] oo maalkiisa lagu qiimeeyey $16 billion, laakiin taajirnimadiisu waxay hoos uga soo dhacday $36 billion oo uu haystey dhawr sano ka hor, waxana uu 2001 noqday hoggaamiyaha labaad ee ugu taajirsan. Hoggaamiyaha saddexaad ee ugu taajirsanaa waxa uu ahaa Sheikh Zayed-kii dalka Imaaraadka Carabta (Abu Dhabi) oo haystey $23 billion. Amiirkii dalka Kuwait, Jaaber Al-Axmed Al-Sabaax, waxa uu galay kaalinta afraad isagoo haystey $18 billion. Sheikh Maktoum Bin Rashid Al Maktoum ee Dubai waxa uu galay booska lixaad isagoo haystey $12 billion oo uu ka helay batroolka. Kaalinta toddobaad waxaa galay madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen. Jariidada Forbes waxa ay sheegtay in lacagta Saddaam Xuseen oo ahayd $7 billion ay ka timid batroolka, halka wiilkiisii Uday lagu eedeeyey in uu maamuli jirey shidaalka sida dhuumaalaysiga ah looga gudbin jirey xadka Ciraaq. Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani ee dalka Qatar waxa uu haystey $5 billion oo uu ka helay batroolka, waxuuna galay booska siddeedaad. Ugu dambaynta waxaa liiska tobanka hoggaamiye ee 2001-kii ugu taajirsanaa buuxiyey madaxweynahii dalka Suuriya, Hafez Al-Assad, oo haystey $2.3 billion oo uu ka helay batroolka iyo beeraha.

Laakiin kan dhammaantood ugu taajirsanaa, oo booska koowaad galay, waxa uu ahaa Boqorkii Sucuudiga Fahad, oo maalka uu haystey lagu qiyaasay $30 billion. Sucuudigu waa dalka koowaad ee ugu badan soo saarida batroolka, waxaana lagu tilmaamay in qaniimada shidaalka dalkaasi ay ku milantay ama aan laga sooci karin qaninimada qoyska reer Boqor ee Sucuudiga.


Alwaleed Bin Talal Alsaud
Maalkiisa waxaa 2005 lagu qiyaasay $23.7 billion
Eeg: www.forbes.com
Wiilka reer boqor, Boqor-suge al-Walid ibn Talal, ayaa si fudud ku noqonaya kan labaad ee ugu taajirsan guriga reer Aala-Sacuudi, waxana maalkiisa lagu qiyaasay $15 billion (sannadkii 2001), waxana uu maalgashi badan ku sameeyey suuqyada aaladaha casriga ee Maraykanka iyo Yurub iyo Hoteelo.

Qoyska Boqortooyada Sucuudigu ma aha qoys yar. Waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin 3,000 ilaa 4,000 oo ah boqor-sugayaal, (Waxaana lagu qiyaasay in bil-kasta ay 30 ilaa 40 wiil u dhashaan boqortooyada), wiilashaas oo mid kasta sannadkii loo qoondeeyo miisaaniyad dhan $500,000 iyadoo weliba ay intaas dheer tahay tixgelino gaar ah oo la siiyo sida tikidhada diyaaradaha oo loo xagliyo iyo dhul la siiyo si loo hagaajiyo magacooda.

Sucuudiga waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin macaamiisha ugu badan ee nidaamka hubka casriga ah, waxaana militarigooda lagu qiyaasaa in ka badan 150,000. Waxaana Sucuudigu hub ahaan ku soo iibsadey kharash dhan $14 billion ilaa bilowgii dagaalkii Khaliijka. [Dagaalkii koowaad ee Khaliijku waxa uu dhacay Jan.-Feb. 1991].

Qoyska reer Boqor ee Sucuudiga waxaa lagu yaqaan in ay si fasahaad ah u muujiyaan taajirnimada. Sannadihii 1980-naadkii waxaa boqortooyada Sucuudiga lagu eedeeyey in ay batroolka ku iibineysey suuq degdeg ah oo furan, taas oo lacagta dheeraadka ah ee kasoo baxda oo malaayiin doolar ah ay ka weecinayeen khasnadda dadweynaha.


Abdul Aziz bin Fahd Al-Saud,
 waxa uu dhashay sannadkii 1971. Waxaana Sawirkan laga qaaday markii da'diisu ahayd 14-sano-jir.
Mar uu Boqor Fahad booqasho ku tegey magaalada London oo uu la socdey wiilka uu wiilashiisa ugu jecelaa oo ah Cabdul-Caziiz (oo markaas da'diisu ahayd 14-sano-jir), boqor Fahad waxa uu weriyayaasha u sheegay "Wiilka yar ee Casiisiga ah (عزّوزي) lacag intii loogu talo galay ka badan ayuu kharash gareeyey, laakiin Allah (swt) ayaa na siiyey qaninimo, waxaana ku faraxsanahay in aan la qaybsano wiilkanaga. Waxaan hadda khasnadiisa (akoonkiisa) gaarka ah ugu xawiley $300 million si ay ugu daboosho baahidiisa!".

Boqor Fahad waxa uu ku faani jirey in uu lahaa ugu yaraan 12 qasri oo boqortooyada, kuwaaas oo u dhexeeyay qasriga al-Yameemah ee $2.5 billion oo ku taal magaalada Riyadh ilaa guriga ku yaal Marbella Spain ee cabbirkiisu le'eyahay aqalka Cad ee Maraykanka. Waxa uu lahaa dhawr diyaaradoood iyo dhawr doonyood oo dhammaantood ay ku dhex yaaliin musqulo dahab ah. Doontiisa ugu weyn waxaa lagu xardhay farshaxan qiimihiisu dhan yahay $60 million, waxaa intaas dheer xayn gawaari ah oo ku qalabaysan qaboojiyaal, gawaaridaas oo ah Rolls-Royces, Cadillacs iyo Mercedes.

Sidaas oo ay tahay dhaqaalaha soo gala muwaadiniinta Sucuudigu waxa uu hoos uga dhacay $14,600 oo uu ahaa 1982 ilaa uu ka noqday $6,800 (markii qoraalkan la qoray sannadkii 2001). Waxaa taas dheer in dhaqaalaha guud ee dawladda Sucuudigu uu hoos u dhacayey 17-kii sano ee ugu dambeeyey.

Dalka Sucuudi Careebiya oo ah dalka adduunka ugu qanisan (marka laga hadlayo Khayraadka dabiiciga ah ee dhex jiifa), oo mar lagu qiyaasay in kaydkiisu uu gaarey 140 billion, ayaa haddana waxaa (2001) dalkaas Sucuudiga lagu yeeshay deyn dhan $28 billion. Waxaana la qiyaasay deymaha maxalliga ah in ay kor u keceen ilaa $100 billion, waxaa kale oo qiyaas la sameeyey lagu ogaadey in shaqo la'aanta dadka Sucuudiga ee Iskoolada dhammeeyey ay ahayd 25%.

Arrimahaas oo dhan waxaa ka fool xun in qaninimada qoyska reer Fahad iyo hab-noleedkooda fasahaadka ah uu ku dhisan yahay cashuurta laga qaado foosta kasta oo batrool ah oo la iibiyo. Sucuudi Careebiya waxaa kujira 25% kaydka batroolka adduunka, taas oo dalkaas ka dhigeysa mid qani ah.

Si kastaba ha ahaatee, Islaamku waxa uu batroolka ku qeexaa in uu yahay hanti ka dhexeysa dadweynaha taas oo aysan yeelan karin shakhsiyaad gaar ah.

Xaqiiqadii, taajirnimada mid kasta oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Muslimiinta hadda waxa uu ku salaysan yahay arrimo la mid ah kuwa kor ku xusan oo si muqus-maasuq ah looga soo leexiyey maaliyadda iyo kaydka dadweynaha, sida batroolka/gaaska, khayraadka macdanta, beeraha iyo wixii la mid ah. Taas waxaa siyaado ka ah in deyn badan oo bangiyada laga qabey laga dhigo mid la saamaxo iyo in kharash badan oo laga helo laaluushka iyo bakhshiiska mashaariicda wershedaynta, sida mudane 10% Asif Ali Zaradari (sowjka ra'iisul wasaaradii hore ee dalka Pakistan, Benazir Bhutto).

Marka aan eegno qaybaha kale ee Dunida Islaamka, waxaan arkeynaa arrimo kuwaas la mid ah oo si khaldan loo adeegsanayo maal Islaamku ku qeexay hantida dadweynaha. Dalalka Turkey iyo Pakistan, hay'adda IMF [International Monetary Fund] waxay dusha ka saartay deyn sabab u noqotay in dhammaan goobihii dadweynaha ka dhexeeyey iyo hantidii dadweynaha oo dhan laga dhigo kuwo gaar loo leeyahay (Privatisation)[35]. Tusaale ahaan dalka Pakistan, dawladdu waxay qorsheyneysey (2001) in ay iibiso oo hanti khaas loo leeyahay ka dhigto: Waaxda Shidaalka Qaranka Pakistan, Wakaaladda Xoogga Korontada ee magaalada Karachi, Mashruuca Hurumarinta Batroolka & Gaaska, Shirkadda Caalamiga ah ee Diyaaradaha Pakistan (PIA), iyo laamo kale oo dadweynuhu leeyahay si ay dawladdu u hesho lacag ay iskaga bixiso deynta.

Wasiirka Pakistan u qaabilsanaa in maalka qaranka laga dhigo kuwo gaar loo leehaya, oo magaciisa la yiraahdo Altaf Saleem, waxa uu sheegay in maalka dadka ka dhexeeya (ama maalka dadweynaha) marka la iibiyo in laga heli doono lacag dhan $3 billion oo doolar. Laakiin xaqiiqo ahaan cidda arrintaas ka faa'iideysa ma aha Ummadda, ee waa shirkadaha shisheeye (ee Galbeedka). Lacagta laga helo maalka dadweynaha oo la iibiyo waxaa lagu wareejinayaa hay'adda IMF si loo bixiyo deynta dibadda oo hadda gaareysa $40 billion oo doolar. Sidoo kale, faa'iidada laga helo dakhliga ka soobaxa xarumahaas waxaa qaadan doona mulkiilayaasha cusub ee shirkadahaas. Waxaa taas dheer in mulkiilayaasha cusub ay awood u yeelan doonaan in ay soo rogaan cashuur/dulsaar aysan kala tashan dawladda, sidaas daraadeedna uu siyaadi doono sicir-bararku, taas oo shirkadaha maxalliga ah ka dhigeysa kuwo dhibaato kala kulma sidii ay ula tartami lahaayeen waxyaabaha soo gelaya dalka.

Dawladda Militariga ee Pakistan waxay ku guul daraysatay in ay fahamto in xarumaha dadweynahu aysan ahayn isha dakhliga ee uu gaarka u leeyahay Musharraf oo uu u isticmaali karo sida uu doono, ayuu yiri qoraagu. Sidoo kale khayraadka batroolka iyo gaaska ee Bariga Dhexe ma laha kuwa aan la dooran ee ah boqorrada iyo keligood-taliyaashu, kuwaas oo nagu soo rogey xeerarkooda sharci darrada ah. Xaqiiqadu waxay tahay khayraadkaas waxaa leh Ummadda maadaama Islaamku ku qeexay maal dadweyne.


Imaam Abuu Daawuud (202-275 Hijra oo ku beegnayd taariikhda 817-888):
Abuu Daawuud waxa uu sannadkii 202-Hijrada ku dhashay magaalada Sajistan oo ahayd magaalo caan ah oo ka tirsan Khurasan (bariga Persia), waxana uu ka dhashay qabiil Carbeed oo la yiraahdo Azad. Inkasta oo uu ku dhashay Sajistan haddana in badan oo noloshiisa ah waxa uu ku qaatay magaalada Basrah oo ahayd magaalo Islaami ah oo cilmiga laga raadsan jirey xilligaas. Waxa uu in badan u safray magaalada Baqdaad. Waxa kale oo uu tegey Xijaaz (oo ahaa Woqooyiga-galbeed ee Sucuudiga), Masar, al-Jazirah, Nishapur (oo ah gobol ka tisaranaa Khurasan), Suuriya iyo Isfahan (magaalo taariikhi ah oo ka tirsanayd Beershiyadii hore). Axaadiista uu soo ururiyey waxa uu isugu keenay Sunan Abuu Dauawud, waxayna ka kooban yihiin 4,800 oo xadiis, kuwaas oo uu ka soo xushay 50,000 xadiis oo uu soo ururiyey. Waxana uu Sunan Abuu Dauawud ku dhamaystiray magaalada Baqdaad sannadkii 241 hijrada-kaddib. Imam Abuu Daawuud waxa uu dhintay maalin Jimce ah 16kii Shawaal ee sannadkii 275 Hijrada-kaddib, markaas oo da'diisu ahayd 72 jir.

Nebi Muxamed (NNKH صَلّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّم) waxaa laga weriyey in uu yiri: "Muslimiinta waxay wadaagaan ama shuraako ku yihiin saddex shey: Biyaha, dhul-daaqsinka, iyo dabka." (Abuu Daawuud).

"Dabka" waxaa soo hoos gelaya aaladaha dadka u sahlaya in ay cuntada ku karsadaan, guryahoodana kaga dhigaan kuwo qandac/diirimaad ah, sida aaladaha korontada ee gaaska ku shaqeeya, iwm. Maalka dadweynaha waxaa lagu qeexaa in uu yahay aaladaha aysan dadka oo dhammi ka maarmi karayn si ay hawl maalmeedkooda u gutaan, kuwaas oo xaaladdu ku adkaaneyso haddii la waayo khayraadkaas, sida, tusaale ahaan, biyaha.

Rasuulka Allah (NNKH) Axaadiis laga soo weriyey ayuu ku sharraxay, kuna caddeeyey aaladahaas/ashyaashaas. Abi Qurash waxa uu yiri: qaar ka mid ah saxaabadii Nebiga (NNKH) waxay yiraahdeen, Rasuulka Allah (NNKH) ayaa yiri: "Muslimiintu waxay wadaagaan saddex (shey): Biyaha, Daaqsinka, iyo dabka." Si kale oo xaddiiskaas loo weriyey ayaa ah: "Dadku waxay shuraako ku yihiin saddex: Biyaha, daaqsinka iyo dabka." Abuu Hurayra waxa uu soo weriyey in Rasuulku (NNKH) yiri: "Saddex waa in aan la xaniban: Biyaha, dabka iyo daaqsinka" [Daaqsinku waa dhulka xooluhu daaqaan]. Waxa kale oo la soo weriyey in Rasuulka (NNKH) yiri: "Muslimku waa walaalka Muslimka, waxana uu midba kan kale kusoo dhoweeyaa biyaha iyo dhirta." Biyaha, Dabka iyo Dhul-daaqsinku waxay ahaayeen waxyaabihii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKH) u ogoladay dadka oo dhan, waxana uu ka dhigay kuwo dadka u dhexeeya, waxana uu ka reebay in ay xirmeeyaan/xakameeyaan ama goof ay gaar u leeyihiin ka dhigtaan qayb ka mid ah ayagoo ka reebaya in ay Muslimiinta kale adeegsadaan.

Arrintani kuma koobna saddexda shey ee lagu xusay Axaadiista sare. Waxaa soo hoos geliya shey kasta oo ah hantida dadweynaha ka dhexeeya. Waxaa arrintaas daliil (ama caddayn) u ah, in markii Rasuulkii Allah (NNKH) yiri: "Dadka waxaa ka dhexeeya saddex: Biyaha, Daaqsinka iyo dabka", ayuu dad ka mid ah reer Khayber iyo Taif u ogolaaday in ay yeeshaan ceelal gaar ahaan ay u leeyihiin oo ay biyaha ka cabaan, lo'adooda iyo xoolahooda kale iyo beerahoodana ka waraabsadaan, kamana reebin in ay yeelan karaan. Ceelashaasi waxay ahaayeen kuwo baaxad ahaan yar oo baahida guud ee dadweynahana aysan xiriir la lahayn.

Si la isu waafajiyo labadaas xadiis, waxaa si cad u muuqaneysa in marka ay biyuhu yihiin kuwo la xiriira baahida bulshada in ay noqonayaan hanti dadka ka dhexeeya, waxaana markaas ka reeban in ay noqdaan maal gaar loo leeyahay ama dad gaar ahi leeyihiin. Halka marka baahidaasi aysan la xiriirin dadweynaha, waxay markaas noqon karaan hanti gaar loo yeelan karo, sidaas daraadeena ay shakhsiyaad yeelan karaan.

Marka Macdantu tahay mid xaddi ahaan (ama baaxad ahaan) aad-iyo-aad u yar, waxay noqon kartaa mid gaar loo leeyahay, waana loo ogolaan karaa in ay dad gaar ah yeeshaan sida uu Rasuulkii Allah (NNKH) uu Bilal ibn Al-Xaarith al-Muzni u siiyey macdanta Qabaliya aagga Al-Far'a ee Xijaaz. Bilal ayaa Rasuulka Allah (NNKH) waxa uu weydiistey in uu isaga (Bilaal) u qoondeeyo macdantaas, sidaas ayaana Rasuulku ugu ogolaaday in uu Bilaal yeesho. Sidaas daraadeed kaydka dahabka iyo qalinka iyo noocyada kale ee macdanta, kuwaas oo aad u yar oo aan ganacsi ahayn waa noqon karaan maal gaar loo leeyahay. Dad gaar ahna waa loo ogolaan karaa in ay yeeshaan, sida ay dowladu ugu qoondayso dadka.

Marka macdantu ay xaddi ahaan aad u badan tahay, oo aysan jirin tiro cabirkeeda soo xadideysa, markaas macdantaasi waa maal/hanti ka dhexeeya dadweynaha, waxaana leh Muslimiinta. Waxaana ka reeban in lahaanshadeeda la siiyo qofna ama dad gaar ah. Sidoo kale, waxaa reeban in shakhsiyaad ama shirkado heshiisyo lagu siiyo si ay u qotaan. Waa in ay ahaadaan kuwo lahaanshadoodu u dhexeeyo dhammaan Muslimiinta, waana in dawladda oo dadweynaha meteleysa ay hoggaanka u qabataa soo saaridda, safaynta, hagaajinta, suuq geynta iyo iibinta macdanta, waana in qiimaha lagu iibiyo kharashkii kasoo baxay lagu shubo ama lagu kaydiyo Khasnadda Beyt-ul-Maal-ka Muslimiinta - si ay u adeegsadaan Muslimiinta oo dhan si siman oo caddaalad ah.

Macdanta baaxadda badan in ay tahay hanti dadweynaha u dhexeeya waxaa daliil ama cadayn u ah: in Abyadh b. Hammal al-Mazini laga soo weriyey: "in uu Rasuulka Allah (NNKH) weydiistey in uu u qoondeeyo Cusbada (aag cusbada ama milixda laga sameeyo ama laga qoto), Rasuulkana waa u qoondeeyey. Laakiin, markii uu nin kale oo madasha joogey yiri: Ma ogtahay (Rasuulkii Allahoow) waxa aad u qoondaysay? Xaqiiqadii waxaad u qoondaysay biyo aan gurayn", ayaa markaas Rasuulkii Allah (NNKH) waxa uu Abyadh kala noqday qoondayntii Cusbada." Arrintaas ah in Rasuulkii Allah (NNKH) uu Abyadh b. Hammal ka soo celiyey Cusbadii uu u qondeeyey, markii Rasuulku ogaadey in ay ahayd mid aad u baaxda weyn, waxay daliil u tahay in macdan aad u baaxad weyn, oo aan dhammaanayn, in aan loo ogolayn in ay yeeshaan shakhsiyaad gaar ah, balse ay lahaanshadeeda yeelanayaan dhammaan Muslimiintu, Arrintaasi khaas kuma ahan Cusbada, waxa ay caam ku tahay dhammaan macdanta noocii ay doonto ha noqotee, waxaana shardi u ah in ay xaalad ahaan la mid yihiin biyo aad u baaxad weyn (sida Macdanta Cusbada), oo aan dhammaanayn.


"Wixii Rasuulku idin faro qaata, wuxuu idinka reebana ka reebnaada" [Qur'aan 59:7] |
Halkan ka dhegeyso
Haddaba, Waa taas sida uu Islaamku ka yiri arrintaas, ayuu yiri qoraagu. Waxana uu qoraagu markaas xusay hadal uu nuxurkiisa ula jeedey hoggaamiyayaasha ama madaxda Caalamka Islaamka ee maanta, waxana uu hadalkiisa ku adkeeyey sida ay dembi u tahay haddii la banaysto arrin uusan Rasuulkii Allah (NNKH) u ogolaan Saxaabadiisii, waxana uu Muslimiinta xusuusiyey in ay raacaan wixii rasuulku faray, wixii uu ka reebayna ay ka haraan, isagoo daliil u soo qaatay Qur'aanka kariimka ah, Suurada Al-Xashr, qayb kamid ah Aayadda 7aad "Wuxuu Rasuulku dadka faro waa in ay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan" [Qur'aan 59:7].

Waxaa ceeb aad u weyn iyo waji-gabax ah, ayuu yiri qoraagu, in aan la is-bar-bar-dhigi-karin hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee Muslimiinta ee Ummadda u adeegi jirey, waxana uu tusaale u soo qaatay dhawr ka mid ah hoggaamiyayaashii hore:

Hoggaamiyayaashii Hore ee Muslimiinta:

Abuu Bakar as-Siddiiq[36] markii uu jiifay gogoshii uu ku dhimanayey waxa uu gabadhiisii ku yiri: "Awrka biyaha ii soo dhaamiya iyo adoonka Nubian-ka waa hanti dadweyne. Dharka aan hadda gashanahay waxaa laga iibiyey mushaharkii la ii qararay, Marka aan dhinto dharkaas u celi Cumar". Waxaana xusid mudan in Abuu Bakar uu haystey 40,000 dirham markii uu Islaamka soo gelayey.

Cumar bin Al-Khattab[37], oo Khaliifadii uu hoggaaminayey ay la wareegtay dhulkii Roomaaniyiinta iyo Persian-ka, markii uu dhimaneyey waxa uu hanti ka haystey hal joog oo dhar ah iyo shan diinaar. Waxa uu cuni jirin rooti cusbo la mariyey, timir qallalan iyo saliida Seytuunta, umana ogolayn in qoyskiisu intaas ka badan ku noolaadaan. Dharkiisa waxaa laga samayn jirey aaladda ugu tayada liidata, meelo badan ayuuna dharkiisu ka toltolaa.

Khalid bin Waliid[38] oo ahaa jeralaalkii ugu qiimaha badnaa ee u dhasha Muslimiinta waxa uu adduunka kaga tegey hal faras iyo hal seef. Waxana xusid mudan in Khaalid uu ahaa kii jebiyey Roomaanka dagaalkii Yarmuk[39].

Salaaxudiin al-Ayuubi[40], oo sida weyn u xoreeyey Al-Qudus, wax maal ah uu ka tegey ma jirin markii uu dhintay. Aaskiisii waxay noqotay in lacag loo soo deymiyo.

Khaliifkii Cumar bin Cabdul Caziz[41], maalin ayuu xaaskiisa inta uu u yimid waxa uu ku yiri: "Faadumooy, ma haysaa hal dirham si aan ugu soo iibsado cinab", waxay ugu jawaabtey, "Maya, laakiin yaa Amiir Al-Mu'miniin miyaadan haysan hal dirham oo aad cinab ku iibsatid?" Waxa uu ugu jawaabey, "Tan ayaa iiga sahlan halkii aan ciqaab ku mudan lahaa cadaabta."

Hishaam Ibnu Cabdel Maalik[42] ayaa mar waxaa wiilkiisu weydiistey in uu siiyo baqal (dameer) waayo waxa uu wiilku ahaa mid aad u taag daran. Hishaam jawaabtiisii waxay ahayd in uu wiilkiisa tusay sidii uu xayawaanka u xanaanayn lahaa si uu u noqdo mid xoog weyn, waana u diidey wixii uu wiilkiisu weydiisanayey maadaama uusan ka siin karin hantida qaranka (Ummadda). Taasi waxay ahayd Khaliifadii ciidankeedu markaas ka dagaalamayey dhanka Woqooyi ee Byzantine[43].

Tusaalayaashaa quruxda badan ee kor ku xusan waxaan ka arki karnaa in Hoggaamiyaha Muslimka khaaliska ah in uu yahay mid hantida/maalka Ummada u tixgelinaya Ammaano, lagu ammiiney in uu ummadda u hayo. Mid aan wax mushahar ah la siinayn laakiin loo gudayo wixii uu faa'iidi lahaa ee ka lumay. Khaliifadu weligeed ma noqoneyso mid qani ah ayadoo ummaddu, muwaadiniintu, ay gaajaysan yihiin. Halka, Hoggaamiyayaasheena maanta ay yihiin kuwo ku taajirey maalka ay ka xadeen ummadda, laakiin Muslimiintii ay fakhri yihiin. Taasi waa inkaar, waxaana taasi waajib ka dhigeysaa in kuwaas lagu bedelo Khaliifo daacad ah.

Qoraagu waxa uu kusoo gabgabeeyey:

Dhaqaalaha Islaamku waa nidaam dhammaystiran oo ku jihaysan in sida ku habboon bulshada loogu qaybiyo qaninimada. Waxa uu nidaamkaasi si xeel dheer u faahfaahinayaa arrimaha la xiriira cashuurta, qaanuunka minishiibiyada, iyo xeerarka la xiriira lahaanshada alaadaha/hantida. Islaamku waxa uu si cad u mamnuucay waxyaabaha ay sameeyaan hoggaamiyaasha Muslimiinta ee maanta ee ku aadan maalka dadweynaha, taas oo ay shardi tahay in Ummaadu cambaarayso.

Cumar (R.C.) waxa uu yiri: "in haddii dameer ku turunturoodo Shaam (waa dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq/Suuriya) ay tahay in uu ogaado." Bal eeg xanaanada uu u muujinayo Ummadda, ayuu yiri qoraagu, taas oo ka duwan maanta sida ay kooxaha tuugada iyo dembiilayaasha ah oo aan wax dan ah ka lahayn dhibaatada haysata ummadda. Waxay ahaan jireen (hoggaamiyayaashii hore ee Islaamku) ilaalada rasmiga ah ee ummadda, kuwaas oo ku sifaysnaa sida xaddiiska uu weriyey Cabdullah bin Cumar: "Xaqiiqadii, qof kasta oo idinka mid ah waa mas'uul (ilaaliye) waxana uu mas'uul ka yahay wixii la raaciyey: Immaamka/hoggaamiyaha dadku waxa uu ilaaliye ka yahay inta uu mas'uulka ka yahay." [Tixraaca hoose ka akhri qaar ka mid ah waqtigii hoggaamiyayaashii hore ee Muslimiinta.]

  • Qormadii: Athar Jamil (21 July 2001) | Tarjumadii: SomaliTalk.com (19 March 2007)

Akhri Qaybtii 3aad ee: Nidaamka Islaamiga iyo Lahaanshada Batroolka...

La soco qaybta 4aad, insha Allah.

Talo, tusaalayn fadlan kusoo hagaaji: somalitalk@gmail.com

 


Fure/Tixraac:

[34] Brunei: waa dal ku yaal Koonfurbari qaarada Aasiya, waa dal deris la ah dalka Malaysiya iyo badda Koonfureed ee Shiinaha. Waa dal leh khayraad dabiici ah oo isugu jira Batrool iyo Gaas. Batroolka uu dalkaasi dhoofiyo maalin kasta waa 192,700 bbl/maalintii (2005). Tirada dadka ku nool dalka Brunei waxaa lagu qiyaasay 379,444 (July 2006). Waxaa dalkaas xukuma Suldaan dhaxaltooyo xukunka kula wareegey.

[35] Privatisation Pakistan:  September 28, 2000 ayaa dowladda Pakistan waxay samaysay guddi hawshiisu tahay sidii ay hantida dadweynaha ka dhexeysa oo ay dowladdu maamusho loogu wareejin lahaa dad gaar ah ama shirkado gaar ah - Sidaasna ay hantida guud ee dadweynuhu ku noqoto mid dad khaas ah leeyihiin. Laamaha ama hay'adaha u qorsheysnaa in dad/shirkado gaar ah lagu wareejiyo waxaa ka mid ahaa: Waaxda Shidaalka Qaranka Pakistan (PSO) [Pakistan State Oil], Wakaaladda Xoogga Korontada ee magaalada Karachi (KESC) [Karachi Electric Supply Corporation], Mashruuca Hurumarinta Batroolka iyo Gaaska (OGDC) [Oil and Gas Development Corporation], Shirkadda Caalamiga ah ee Diyaaradaha Pakistan (PIA) [Pakistan International Airlines], iwm.

[36] Abuu Bakar Asiddiiq: Allah haka raali noqdee, waxa uu noolaa intii u dhexeysey (573634). Abuu Bakar waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey oo soo gala Diinta Islaamka. Waxa uu ahaa saaxiibkii iyo soddogii rasuulka (NNKH) - Markii uu Nebi Muxamed NNKH guursadey Caa'isha (oo noolayd intii u dhexeysey 614678) oo ahay gabadhii Abuu Bakar waxaa sii xoogeysey xiriirkii Rasuulka NNKH iyo Abuu Bakar. Waxa uu Abuu Bakar hoggaanka u qabtay Khaliifadii koowaad ee Islaamka sannadkii 632 markii uu geeriyoodey Rasuulka (NNKH) [Rasuulku wuxuu noolaa intii u dhexeysey 570-632] - Doorashadii Abuu Bakar in uu noqdo hoggaamiyaha Muslimiinta waxaa qayb weyn ka qaatay Cumar Bin Khaddaab. Labadii sano ee uu hoggaaminayey Khaliifada Islaamka waxa uu guulo xooggan kasoo hooyey carabtii ka soo horjeedey, waxana uu qayb weyn ka qaatay in Diinta Islaamku ku faafto caalamka. Waxaa Khaliifada uga dambeeyey Cumar.

[37] Cumar Bin Khadaab: Allah haka raali noqdee wuxuu noolaa intii u dhexeysey (581644) - Waxa uu ku dhashay magaalada Makka. Waxa uu Islaamka soo galay sannadkii 618, waxana uu hoggaanka u qabtay Khaliifadii Labaad ee Islaamka sannadkii 634, oo uu ku xigsadey Abuu Bakar Sidiiq. Intii uu hayey hoggaanka Muslimiinta waxaa islaamku gaarey Suuriya, Masar iyo dhulkii boqortooyadii Beershiya. Waxa uu dib u furay kanaalka Mesopotamia iyo biya-mareenka Webiga Nile ilaa Badda Cas. Cumar waxaa diley addoon beershiyaan ah oo aan Islaam ahayn oo magaciisa la oranjirey Abuu Lu'lu'ah. Waxaana markaas Muslimiinta in uu hoggaamiyo loo doortay Cusmaan Bin Cafaan.

Cusmaan Bin Cafaan: Allah haka raali noqdee waxa uu noolaa intii u dhexeysey (574656), waxa uu qabtay hoggaanka Khaliifadii saddexaad markii la diley Cumar sannadkii 644 oo uu hayey ilaa 656. Cusmaan waxa uu ka soo jeedey qoyskii magaca dheeraa ee Umayyad [Ummawiyiinta oo markii dambe noqotay dowladii Islaamka intii u dhexeysey 661750]. Intii uu hayey hooggaanka Islaamku waa sii fiday waxana uu gaarey ilaa Cyprus (Qubrus) iyo Bactria (oo ah qayb ka mid ahaan jirtey dhanka woqooyi-galbeed ee Afghanistan iyo Tajikistan). Waxana uu amray in Quraanka lagu soo ururiyo Matxafka oo Kitaabka la isugu keeno. Sannadkii 656 ayaa kooxi kusoo weerareen gurigiisa halkaasna ku dileen Cumar. Waxaana markaas Khaliifada kaga dambeeyey Cali.

Cali Bin Abii Daalib: Allah haka raali noqdee waxa uu noolaa intii u dhexeysey (598661), waxa uu qabtay hoggaanka Khaliifadii Afraad ee Islaamka markii la diley Cumar sannadkii 656 . Cali waxaa dhalay Nebi Muxamed (NNKH) adeerkiis, waxana Cali Xaaskiisa ahayd Faadumo oo uu dhalay Nebigu NNKH. Cali waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey oo rasuulka raacay. Intii uu Khaliifada hoggaaminayey waxaa Muslimiinta soo kala dhex galay muran xooggan. Hoggaanka Cali waxaa ka soo hor jeestey Caa'isha oo ahayd xaaskii Rasuulka (NNKH) iyo Mucaawiya. Waxa kale oo hoggaanka Cali ka soo horjeestey Khawarij-tii, kuwaas oo markii dambe ku guulaystey in ay dilaan Cali sannadkii 661.

[38] Khaalid Bin Waliid: oo noolaa intii u dhexeysey (592-642), waxa uu ahaa Jeneraaladii ugu qiimaha badnaa ee adduunka soomara, waxana uu ahaa dadkii ugu geesinasaa ee weligood soo mara Muslimiinta. Waxa uu hoggaamiyey ciidamada Muslimiinta xilligii uu Noolaa Rasuulku NNKH, iyo xilligii Khulafaa'u Raashidiintii: AbuuBakar Sidiiq iyo Cumar Bin Khaddaab. "Waa addoonkii Allah oo aad u wanaagsan: Khaalid Bin Al-Waliid, oo ah mid ka mid ah Seefaha Allah, ayaa xooggiisii ooda kaga qaaday kuwo aan Allah rumaysnayn" Waxaa hadal sidaas u dhigma laga weriyey Nebi Muxamed [NNKH], oo ay weriyeen Tirmidhi iyo Axmad ayna ka weriyeen Abu Hurayrah, kuna sugan Saxiix Al-Jaamic Al-Saqiir No. 6776. Khaalid Bin Waliid, SEEFTII ALLAH: Dagaalkii Mu'ta ayaa waxaa la diley saddex ka mid ah saraakiishii hoggaaminayey Muslimiinta, Markaas ayaa Khaalid (r.c.) waxa uu qabtay hoggaaminta ciidankii dagaalamayey. Khalid (r.c.) waxa uu wadey dagaalkii xataa iyadoo xaaladu aad u sii xumaaneysey. Waxa uu u dagaalamay si geesinimo dhaaf ah, waxaana jabay sagaal seefood oo uu ku dagaalamayey. Laakiin wuxuu ogaa haddii uu dagaalkaasi sii socdo in la laynayo dhammaan ciidankiisa, markaas ayuu ciidankii uu watey dib uga saaray goobtii dagaalka. Waxana uu ku celiyey Madiina. Markaas ayaa dadkii waxay ku eedeeyey in uu baqdin darteed uu Khaalid dagaalka uga soo cararay. Laakiin Rasuulku (NNKH) waxa uu dadkii u sheegay in uu Khaalid sidii saxda ahayd sameeyey. Waxana uu Rasuulku (NNKH) yiri Khaalid iyo ciidankiisu waxa mar kale u dagaalami doonaan magaca Allah (s.w.t). Waxana uu Rasuulku (NNKH) Khaalid bin Waliid (r.c.) siiyey cinwaanka Seeftii Allah (Sayfullah). Khaalid muddo badan ayuu rasuulka ag joogey si uu uga barto diinta Islaamka. Waxa uu ahaa geesi wacdaro ka soo hooyey dagaaladii uu galay. Si dadka loo tuso in guushu ay ka timid xagga Allah (swt) oo keliya, ayaa xilligii Khaliifada Cumar (r.c) waxa uu Khaalid (r.c) u sheegay in uu iska dhiibo hoggaaminta Ciidamidii Muslimiinta ee ku sugnaa Suuriya. Khaalid (r.c) waa aqbalay arrintaas ay go'aansatay Khaliifada, laakiin waxa uu sii wadey in uu dagaalka ku jiro isagoo Askari caadi ah. Khalid bin Waliid (r.c.) sannadkii 642 ayuu u dhintay xanuun. Wixii uu haysteyna waxa uu ku wareejiyey Khaliifadii Cumar (r.c.) - Waxaan ahay halyey dagaal yahan ah; Waxaan ahay Seeftii Allah, Khaalid Bin Waliid!.

[39] Yarmuk: Dagaalkii Yarmuuk waxa uu ka dhacay dalka Suuriya (Syria) markey taariikhdu ahayd August 636, waxana uu dagaalkaasi socdey lix maalmood. Boqorkii Byzantine, Heraclius, waxa uu isu keenay ciidan isugu jirey Greek, Syrian, Mesopotamian iyo Armenian oo tiradoodu ahayd 200,000. Safka hore ayuu keenay ciidamo uu isugu xirxiray silsilado si aysan uga cararin seefta Muslimiinta. Askarta tiradaas le'eg waxa ay ka hor tegayeen Musliinta oo tiraduudu dhamayd 24,000. Waxaana Guushii Allah siiyey Muslimiinta, waxaana taariikhyannadu sheegaan in goobta Al-Yarmuk oo ah Webi lagu diley 70,000 oo ah ciidankii Giriiga iyo xulufadoodii ee boqor Heraclius, Muslimiintiina halkaas ay ku raacday guushii ugu weyney, guushaas oo sabab u noqotay in Suuriya ay kusoo wareegto gacanta Muslimiinta.

[40] Salaaxu diin Al-Ayuubi: oo noolaa intii u dhexeysey (11371193), waxana uu ku dhashay magaalada Tikrit (Ciraaq), waxana uu ka dhashay qoys ah Kurdish, waxaana yaraantiisii waxbarasho loo diray magaalada Dimishiq (Suuriya). Sannadkii 1187 ayey ahayd markii uu dib ula wareegey magaalada Jeruslam. Taas oo dhalisay in ay dagaal soo qaadaan saliibiyiintii intii u dhexeysey (119192) oo ay hoggaaminayeen Philip II ee reer  France iyo Richard (I) ee England, kuwaas oo inkasta oo ay dhaawac garsiiyey ciidankii Salaaxu-diin, haddana waxay saliibiyiintii loodin waayeen ciidankaas Muslimiinta. Salaaxu-diin xitaa kuwa ka soo horjeedey waxay u tixgelinjireen in uu yahay dagaal-yahan, tixgelin badan - aad u qadarin badan, Daacad ah, oo ah Caadil. Maamulkiisii waxa uu hagaajiyey isku xiriirinta dhulka, sida waddooyin iyo kanaalo badan oo la dhisay, iyo qalcado xooggan oo la dhisay.

[41] Cumar ibn Cabdul Caziz: Waxa uu noolaa intii u dhexeysey (682-720). Waxana uu Khaliifada Islaamka hoggaaminayey intii u dhexeysey 717 ilaa 720. Cumar ibn Cabdul Casiis waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu qaalisanaa uguna qiimaha badnaa taariikhda Islaamka. Muddadii uu hoggaanka u hayey Muslimiinta waxa uu iska caabiyey weerar kaga yimid Turks oo soo weeraray meesha la yiraahdo Azerbaijan. Waxa kale oo uu damiyey kacdoonadii Khawaarijta. Waxana uu sannadkii 720 ku dhintay magaalada Aleppo (ama Xalab oo ku taal Woqooyiga Suuriya).

[42] Hisham ibn Cabdi al-Malik: Waxa uu noolaa intii u dhexeysey (691743), waxana uu qabtay hoggaankii Muslimiinta sannadkii 723 ilaa uu ka dhintay sannadkii 743. Waxa uu aad u dhiiri geliyey waxbarashada, isagoo dhisay Dugsiyo/Iskoolo badan. Waxaana in badan oo cilmi ah, sida Sayniska, lagu tarjumey luqadda Carabiga. Xagga militeriga waxa uu guul ka soo hooyey dhinaca Hindiya kaddib markii uu ka hortegey hujuumkoodii waxaana la diley hoggaamiyihii Hidnida, Jai Singh. Dhanka Spain dagaalkii sanadihii hore waa istaagey, waxana uu isku holliyey dhankaas iyo France. Xukunkii Spain waxa uu kusii jirey gacanta Muslimiinta. Dhinaca Afrikada Woqooyi guulo badan ayuu ka soo hooyey.

[43] Byzantine: (Bytantine waa magac Greek ah): Waxay ahayd boqortooyo samaysantay markii ay labo u kala jabtay Boqortooyadii Roomaanku - Galbeed oo sii ahayd Roomaan iyo Bari oo noqotay Byzantine. Taariikhdu waxay xustaa in boqortayadaas Byzanine ay soo bilaabaatay sannadkii 330 taariikhda miilaadiga. Waxayna xoog ku lahayd dhulka hadda loo yaqaan Balkaniska, caasimadeeduna waxay ahayd magaalada Constantinople (oo hadda loo yaqaan Istanbul). Waxaa boqortooyadaasi dhacday markii ay caasimadoodii Constantinople ay qabsadeen Cusmaaniyiintii sannadkii 1453. [Macluumaad dheeraad oo ku saabsan Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ka akhri halkan: www.somalitalk.com/oil/oil3.html#ottoman

TIXRAAC:

Isha Qoraalka: http://islamicsydney.com/story.php?id=30 [Muslim Rulers Squander Public Wealth]

. Khaalid Bin Waliid: http://www.swordofallah.com/
. Samaynta Cusbada: http://www.curezone.com/foods/saltcure.asp
. http://www.thefreedictionary.com/
. http://www.somaliatalk.com/islam/islam.html
. http://www.somalitalk.com/islam/xijaab.html
. Taariikhda Suldaanka Brunei: Haji Hassanal Bolkiah http://en.wikipedia.org/wiki/Hassanal_Bolkiah

. Taariikhda: Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan http://en.wikipedia.org/wiki/Sheikh_Zayed
. Taariikhda Madaxweynihii Ciraaq: Sadda Xuseen: http://en.wikipedia.org/wiki/Saddam
. Taariikhda Boqorkii Sucuudiga: Fahad http://en.wikipedia.org/wiki/King_Fahd
. Wiilka uu dhalay Boqor Fahad: CabdiCaziiz: http://www.geocities.com/saudhouse_p/abdul1.htm


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD