SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QARAMADA MIDOOBEY
Maanta waa:

29 November 2006

Golaha Ammaanka
SC/8880

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com


Waaxda Warfaafinta • Wararka iyo Waaxda Idaacadaha •  New York

Golaha Ammaanka
Kulankii 5575 aad oo dhacay galab (PM)  

Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa "Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia, 

Wuxuuna ku baaqayaa in dib loo unko kooxda kormeerayaasha cunaqabateynta hubka ee saaran soomaaliya. 

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 1724 (2006) waxaa la aqbaley oo la ansixiyey si aqlabiyad loo dhan yahay ah; soo jeedinta cusub ee ka timid Kooxda kormeerayaasha cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, soo jeedintaas oo ujeeddadeedu tahay sidii loo xakameyn lahaa mowjadda xoogga leh ee u dhaqaaqdey dhinaca "Halaag Milatari oo dhaca." 

      Iyadoo uu cambaareynayo "Hubka "sida aadka ah" ugu sii qulqulayo ama u sii dhexmaraya dalka Soomaaliya taas oo ah mid ku xadgudbeysa cunaqabateyntii hubka ee 1992 la saarey Soomaaliya, ayaa Golaha Ammaaku maanta ka codsadey Xoghayahay Guud in uu dib u unko, muddo 30 casho ah si ay u howl galaan muddo lix bilood ah, Kooxda Kormeerayaasha Cunaqabateynta Hubka si ay u sii wataan kormeerkooda cidda ku xadgudbeysa cunaqabateyntaas.  

      Iyadoo la cuskanayo jabtarka VII ee Xeerka Qaramada Midoobey iyo ansaxinta buuxda ee Qaraarka tirsigiisu yahay 1724 (2006), ayaa Goluhu wuxuu ka codsanayaa Kooxda, oo waajibaadkoodu maanta dhammaadey, in ay sii wataan shaqadii lagu aaminey, oo ay ku jirto baaritaanno lagu sameeyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee Saaran iyagoo Kooxdu ay tahay in ay baaraan meelaha hubku ka soo galo Soomaaliya sida dhulka, hawada ama badda.  

      Sidoo kale, Kooxdu waa in ay sii waddaa in ay u keenta Guddiga ,  guddigaas oo dhismihiisu uu daba socdey Qaraarkii Golaha ee 751 (1992) si uu ula socdo fulinta Cunaqabateynta Hubka, liiska kuwa iska sii wata in ay ku xadgudbaan cunaqabateynta ha ahaata Soomaaliya dhexdeeda ama dibaddeeda e iyo taageerayaalkooda firfircoon, si markaa ay u suurta gasho mustaqbalka in tallaabooyin uu Goluhu ka qaado. Waxaa kale oo Goluhu ka rabaa Kooxda Kormeerayaashu in ay keenaan soojeedimo iyagoo ku salaynaya wixii ay kala kulmaan baaritaankooda.

      [Iyadoo la tixraacayo baaragaraafka labaad ee Qaraarka Golaha ee 1519 (2003) ee la gaarey lix iyo tobankii Diseember 2003-da, ayaa Xogayaha Guud wuxuu unkey Koox Kormeerayaal ah oo ka kooban afar khabiir loona qabtey muddo lix bilood ah. Xaruntooda oo ah Nayroobi, Kenya, ayaa Kooxdan waxaa waajibaad looga dhigey in ay isku howlaan ogaanshaha xadgudubka iska socda ee lagu sameynayo cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya- Cunaqabateyntaas oo uu Goluhu saarey Soomaaliya markii uu soo saarey qaraarkii 733 ee bishii Jannaayo 23-deedii 1992-dii iyo Kooxdan oo waajibaadkooda loo cusbooneysiiyey muddooyin lix biloodle ah oo ku xigey lixdii bilood ee ugu horreysey markii cunaqabateyntani billaabatey.] 

      Waxaa wehliya Qaraarkan maanta la ansaxiyey, in Goluhu ka codsadey Xogayaha Guud in uu sameeyo isuduwidda maaliyadda lagama maarmaanka u ah sidii Kooxdu u gudan laheyd howsha loo direy. Waxaa kale oo laga sugayaa Guddiga Golaha u Qaabilsan Cunaqabateyntan in uu eego wixii soo jeedin ah ee ka yimaada Kooxda Kormeerayaasha iyo in Guddigu talo ka siiyo Golaha siyaabaha lagu horumarin karo fulinta iyo in la dhaqan galiyo cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya. 

      Warbixintoodii ugu danbeysey (document S/2006/913), Kooxda Kormeerayaashu, iyagoo eegaya "Xaaladda amniga ee sii dan-qaneysa ee u cakiran si ba'an oo aan horey loo arag" ee ka jirta Somaliya, ayey waxay soo qaddimeen talooyin cusub oo si isku xiran ah isula xariira kuwaas oo loogu talagaley in lagu yareeyo heerka qalalaasuhu gaarey iyo "in uu dhimo mowjadda xowliga ku socota ee u socota dhinaca hoog milatari." Talooyinkaas waxay ku baaqayaan: Kordhinta awoodda cunaqabateynta hubka iyadoo loo marayo in ilaalo la dhigo dhammaan xuduudaha iyo in la keeno dadaal looga caagginayo hubka Soomaaliya ka soo gala dhinaca cirka, badda, iyo dhulkaba iyo iyadoo cunaqabateyn dhaqaale lagu soo rogayo shirkadaha waaweyn ee ganacsi ee Soomaalidu leedahay iyo in dadaal dhinaca diblumaasiyadda ah oo sarreeya oo ka imanaya beesha caalamka lagu dhaqaaqo si loogu dhiiri geliyo rabitaanka waddamada gobalku in ay ka hortagaan in dagaal dhaco.  

      Kulanka oo billowdey saacadda Markey aheyd 12:50 galabnimo.,waxaa la dhammeeyey 12:54 galabnimo. 

      Qaraarka 

      Qormadii Qaraarkii 1724 (2006) oo buuxda waa sidan soo socota: 

      "Golaha Ammaanku

      "Isagoo dib u ayidaya wixii qaraarra ahaa ee hore iyo oraah wixii ka soo baxay Madaxweynayaashiisa ee khuseeyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qaraarka tirsigiisu yahay 733 (1992) ee 23-dii Jannaayo 1992-dii, qaraarkaas oo salka u dhigey cunaqabateynta in hub loo diro iyo wixii qalab milatari ahba dalka Soomaaliya (oo haatan wixii ka danbeeya aynu oran doonno "Cunaqabateynta Hubka"), qaraarkii 1519(2003) ee Diseembar 16, 2003, qaraarkii 1558 (2004) ee 17-kii Agoosta 2004, qaraarkii 1587 (2005) ee 15-ka Maarso 2005, qaraarkii 1630 (2005) ee 14-ka Oktoobar 2005, iyo qaraarkii 1676 (2006) ee 10-ka May 2006, 

      "Isagoo dib u ayidaya muhimmadda qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada dhulka, iyo midnimada Soomaaliyeed,  

      "Isagoo Goluhu xoogga saaraya baahida loo qabo in dowladda federaalka ah ee ku meel gaarka ah ay sii waddo ka shaqeynta in ay unugto dowlad qaran oo karti leh oo ka talisa dalka Soomaaliya,  

      "Isagoo Goluhu ku celinaya baahida deg degga ah ee loo qabo in dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalidu ay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo horey loogu sii wadayo wadaxaajood siyaasadeed,  

      "Isagoo Goluhu ku ammaanaya Ururka Midnimada Africa, IGAD, Waddamada ku bahoobey Jaamacadda Carabta, howsha ay sii wadaan ee ay ku taageerayaan dib-u-heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, iyo ku boorrinta ay ku boorriyaan in dowladda iyo maxkamadaha midoobey ay dib ugu soo laabtaan go'aannadii ay isla gaareen bishii June 22-keedii ee ay ku gaareen magaalada Khartuum oo ay ka soo saareen bayaan iyo heshiisyadii la gaarey 2-4-tii Sebteember markii lagu kulmey Khartuum iyo in ay dib isugu soo noqdaan oo u kulmaan wareegga kale ee wadahadallada iyadoon dib loo sii dhigeyn, 

      "Isagoo Goluhu ku celinaya sida xooggan ee ay u taageersanyihiin ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud,  

      "Isagoo Goluhu garowsanaya warbixinta ay soo diyaariyeen Kooxda Kormeerayaasha ee ay soo gudbiyeen bisha Nofeembar 22-keeda, 2006 (S/2006/913, annex) iyagoo tixraacaya baaragaraafka seddexaad ee Qaraarka 1676 (2006) iyo soo jeedinta iyo caddeymaha ku dhex jirey warbixintaas, 

      "Isagoo Goluhu cambaareynaya rasaasta iyo hubka sida xowliga leh ugu qul qulaya Soomaaliya iyo hubka sii dhex maraba, kaas oo ah mid jabinaya cunaqabateyntii hubka iyo mid khatar galaniya nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,  

      "Isagoo Goluhu ku celinaya sida uu ugu adkeysanayo in dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaraamada Midoobey, gaar ahaanna kuwa gobalka, in ay ka dhowrsadaan in ay qaadaan wax ficil ah oo ka hor imaanaya cunaqabateynta hubka iyo in dhammaan kuwa ku xad gudba cunaqabateynta in la qaado dhammaan wixii tallaabooyin ah ee u muhiimsan ee lagula xisaabtamayo, 

      "Isagoo Goluhu ku celinaya iyo isagoo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in horey loo sii dhigo kormeeridda cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo hab joogta ah iyo baaritaan foojigan oo lagu sameeyo kuwa ku xad gudba qaraarka, iyadoo la xasuusnaanayo in marka si adag loo fuliyo cunaqabateynta hubka in markaa taasi ay hor-u-marin doonto xaaladda ammaan ee guud haan Soomaaliya ka jirta,  

      "Isagoo Goluhu xaqiijinaya in xaaladda Soomaliya ay tahay mid khatar u keeni karta nabadda caalamka iyo ammaanka gobalka,  

      "Isagoo Goluhu cuskanaya jabtarka VII ee Xeerka Qaraamada Midoobey (Fiiro gaar ah: xeerkan waa midka faraya Qaraamada Midoobey in ay isticmaasho xoog si ay Qaraar u fuliso),  

      "1.  Ayaa Goluhu wuxuu adkeynayaa waajibka saaran dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaraamada Midoobey in ay u hoggaansamaan, si buuxda, tallaabooyinka lagu soo rogey qaraarka 733 (1992),  

      "2.  Ayaa Goluhu wuxuu sharxayaa rabitaankiisa ah, markii uu eegey warbixinta Kooxda kormeerayaasha ee taariikhdeedu aheyd Nofeembar 22, 2006 9S/2006/913, annex), in uu eego tallaabooyin cayiman oo la qaadi karo si loo horumariyo fulinta iyo dhaqan galinta tallaabooyinka uu soo rogayo qaraarka 733 (1992); 

      "3.  Ayaa Goluhu ka codsanayaa in Xoghayaha Guud, isagoo la tashanaya Guddiga loo dhisey in uu dabagalo qaraarka tirsigiisu yahay 751 (1992) ee bishii Abriil 24-keedii, 1992 (oo haatan ka dib aynu oran doonno "Guddiga"), uu dib u soo dhiso (unko) Kooxda Kormeerayaasha muddo 30 cisha gudaheed ah oo ka billaabaneysa taariikhda la asnsixiyo qaraarkan, iyo in muddo lix bilood ah loo kordhiyo waqtiga Kooxdan Kormeerayaasha ah ee lagu xusey Baaragaraafka seddexaad ee qaraarka 1558 (2004) iyadoo la siinayo waajibaadka soo socda:  

      (a)   In la sii wado howsha lagu qeexay baaragaraafka seddexaad (a) ilaa (c) ee qaraarka 1587 (2005);  

      (b)  In la sii wado in la baaro dhammaan howlaha ay ka midka yihiin maaliyadda, bad mareenada, iyo qaybaha kale ee dhaliya dakhliga loo isticmaalo in lagu galo ku xadgudubka cunaqabateynta hubka iyadoo lala kaashanayo hay'adaha caalamiga ah ee arrintan ay khuseeyso; 

      (c)   In la sii wado in la baaro wax kasta oo sahlaya dawalidda, jidadka, dekadaha, garoommada diyaaradaha iyo dhammaan tashiilaadka kale ee loo isticmaalo in lagu jabiyo cunaqabateynta hubka;  

      (d)  In la sii wado in la sii turxaan bixiyo lana sii hagaajiyo warbixinta la xariirta liiska la soo gudbiyey ee ah shakhsiyaadka iyo kuwa urursan ee jabiya tallaabooyinka ay fuliyeen waddamada xubnaha ka ah Qaraamada midoobey iyagoo raacaya qaraarka 733 (1992), marka la eego gudaha iyo dibadda Soomaaliya iyo weliba kuwa taageera shaqsiyaadkaas iyo kuwaas urursan, si marka ay suurta gasho mustaqbalka uu Goluhu tallaabooyin uga qaado kuwaas, iyo in warbixinaha noocaas ah loo soo gudbiyo Guddiga markasta oo ay u arkaan in ay munaasib tahay;  

      (e)   In la sii wado soo saarista talooyin ku saleysan wixii baaritaannada ka soo baxay, ha ahaadeen warbixinnihii hore ee khubaradu soo bandhigtey (S/2003/223 iyo S/2003/1035) kuwaas oo la magacaabey iyadoo la tixraacayo qaraarada 1425 (2002) ee 22-ka Luuliyo, 2002 iyo 1474 (2003) ee 8-da Abriil, 2003, iyo warbixinnada kale ee hore ee ay soo saareen Kooxda Kormeerayaasha (S/2004/604, S/2005/153, S/2005/625, S/2006/229 iyo S/2006/913) oo la magacaabey iyadoo la tixraacayo qaraarada 1519 (2003) ee 16-ka Diseember 2003, 1558 (2004) ee 17-ka Agoosta 2004, 1587 (2005) ee 15-ka Maarso 2005, 1630 (2005) ee 14-ka Oktoober 2005, iyo 1676 (2006) ee 10-ka May 2006; 

      (f)  In si diirran loola shaqeeyo Guddiga iyagoo lagala shaqeynayo talooyin cayiman oo ku saabsan sidii loo sii qaadi lahaa tallaabooyin dheeri ah si loo sii horumariyo u hoggaansanaanta guud ahaan cunaqabateynta hubka; 

      (g)   In la caawiyo in la qeexo meelaha u baahan in laga gar gaaro dhisidda xamliga dowladaha gobalka si ay markaa awooddoodu u korodho si ay markaas u fuliyaan cunaqabateynta hubka;  

      (h)   In loo soo gudbiyo Golaha, iyadoo loo soo marinayo Guddiga, warbixin qabya ah muddo ku siman 90 cisho gudohood oo ka billaabaneysa marka la dhiso Kooxda, iyo in warbixin ku saabsan hadba halka wax marayaan loo soo gudbiyo Guddiga bishiiba mar;  

      (i)   In loo soo gudbiyo Golaha Ammaanka, iyadoo loo soo marinayo Guddiga, warbixin buuxda oo kama dambeys ah taas oo xambaarsan dhammaan howlaha kor ku xusan iyadoo warbixintaas la soo gudbinayo muddo aan ka danbeyn Karin 15 maalmood ka hor inta waqtiga Kooxda Kormeerayaashu uusan dhicin;  

      "4.   Wuxuu Goluhu codsanayaa oo kale in Xoghayaha Guud uu sameeyo isuduwidda maaliyadda  muhiimka u ah in lagu taageero shaqada loo direy Kooxda Kormeerayaasha;  

      "5.   Goluhu wuxuu dib u sugayaa baaragaraafyada 4, 5, 7, 8 iyo 10 ee Qaraarka 1519 (2003); 

      "6.   Goluhu wuxuu codsanayaa in Guddigu, iyadoo la dhowrayo waajibaadkiisa iyo iyadoo lala tashanaya Kooxda Kormeerayaasha iyo Hay'adaha kale ee Qaraamada Midoobey, uu qiimeeyo talooyinka ku jira warbixinnada Kooxda Kormeerayaasha ee taariikhdoodu tahay 5-ta Abriil iyo 16-ka Oktoobar 2006 iyo in Guddigu talo siiyo Golaha oo uu ka taliyo siyaabaaha kala duwan ee loo horumarin karo fulinta iyo in la dhaqan galiyo cunaqabateynta hubka si looga jawaabo ku xadgudubka joogtada ah ee lagu hayo;  

      "7.   Goluhu wuxuu go'aansanayaa in uu arrintan si fir fircoon ugu sii dhex jiro (lug lahaado ama wax uga qabto)."  

      Raad Raac (Background) 

      Maanta markuu Goluhu kulmey, waxaa hor yaalley warbixintii ugu danbeysey ee Kooxda Kormeerayaasha Soomaaliya (document S/2006/913).  Warbixinta waxaa ku jirey dalaa'il iyo war ku saabsan sida loogu xadgudbey cunaqabateyntii hubka ee 1992 iyo walxa kale oo la xariireyba, marka la eego waxyaabaha ka dhacaya Soomaliya laga soo billaabo bishii Maajo 5-teedii.  

      Warbixintu waxay sheegtey in Golaha Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliya ay noqdeen cududda kaliya ee milatari ee aan la loodin Karin goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Iyadoo ay dhiirri galiyeen si xoog ah toddoba waddan ayaa Maxakamaduhu waxay sii adkeeyeen haysashadooda dhinaca milatari iyo awooddooda siyaasadeed iyo midda kaabayaasha dhaqaalaha meelaha hoos yimaado xukunkooda. Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah ee iyadu aadka u taagta daran balse haysato kaalmo xad dhaaf ah oo uga immaadda saddex waddan ayaa iyaduna isku dayeysa in ay ku sii dhaggenaato awoodda iyadoo saldhig ay u tahay Baydhabo.    

      Warbixintu waxay tilmaameysaa in ay jirto qul qul hub oo aan loo meel dayin oo ku socda dowladda iyo maxkamadahaba taas oo ay u sii dheer tahay iyagoo kaalmo milatarina ka helo waddamadaas.  Warbixintu waxay si qoto dheer uga hadashey taageerada ka soo gaarta maxaakiimta waddamada Jabbuuti, Masar, Eriteriya, Iran, Libiya, Suuriya, iyo Sacuudi Carabiya iyo weliba Xisbullaahiga Lubnaan- iyadoo warbixintu taabatey in maxkamaduhu u direen Lubnaan ciidan gaaraya 720 askari si ay uga garab dagaallamaan Xisbullaahi bishii Luuliyo 2006. Marka la eego dowladda iyadu waxay taageero ka heshaa Itoobiya, Yugaandha, iyo Yaman. Labada dhinacba waxaa taageeraya ciidamo dagaallama, kuwo wax taba-bara iyo la taliya-yaal milatari intaba kuwaas oo ka kala imanaya waddamada qaar sida Eriteriya, Itoobiya, iyo Yugaandha oo dhammaantood ah waddamo ka tirsan ururka IGAD.  

      Dhammaan waxii ay u baahneyd in ay colaad aad u baahsan iyo iska hor imaad milatari oo dheer in uu ka dhaco Soomaaliya way jiraan oo muuqdaan. Marka la eego warbixinta, waxaa iyana jirta in Maxkamaduhu ay si cad u sheegeen in ay dagaal kala hortagayaan ciidan kasta oo ka socda IGAD ama Afrika. Waxaa kale oo jirta arrin aad suurta gal u ah oo ah in mowjaddan xoogga badan ee u socota dhanka xalka milatari ee Soomaaliya dhexdeeda in ay isu rogi karto dagaal dhex mara labada waddan ee Itoobiya iyo Eriteriya iyadoo ay taas sii dheer tahay in ay dhici karto in falal argagixiso ah lala beegsado waddamada nugul ee gobalka (MA CID SOOMAALI KA RAFAAD IYO NUGUL BAA GOBALKA DEGGEN!!!!!!!!!!! YAAB!!).  

      Si ay jawaab uga helaan dhammaan inta ay khuseysey arrinta cunaqabateynta iyo ku xadgudubkeeda, ayaa Kooxda Kormeerayaashu waxay waxay direen ilaa 54 warqadood oo ay u direen dowlado, shirkado ganacsi iyo ururo jira, waxaana Kooxda soo gaarey ilaa 26 jawaabood (oo lagu lingaxay/lifaaqay warbixinta). Dhammaan inta soo jawaabtey waxay inkireen in ay wax lug ah ku leeyihiin ku xadgudbidda cunaqabateynta hubka, laakiin sida ay warbixintu qortey dhisidda militariga ee aan xakameysneyn ayaa iska socota.  

      Iyagoo eegaya "xaaladda ammaanka ee Soomaaliya ee sii dan qaneysa si aad u sarreysa oo aan horey loo arag", ayaa Kooxda Kormeerayaashu waxay soo jeedinayaan talooyin cusub oo si isku xiran ah isula xariira kuwaas oo loogu talagaley in lagu yareeyo heerka qalalaasuhu gaarey iyo in uu dhimo mowjadda xowliga ku socota ee u socota dhinaca hoog milatari. Talooyinkaas waxay ku baaqayaan: in la kordhiyo awoodda cunaqabateynta hubka iyadoo loo adeegsanayo dhammaan ilaalo iyo sahan laga qabto xudduudaha iyo in la keeno dadaal looga caagginayo hubka Soomaaliya ka soo gala dhinaca cirka, badda, iyo dhulkaba iyo iyadoo cunaqabateyn dhaqaale lagu soo rogayo shirkadaha waaweyn ee ganacsi ee Soomaalidu leedahay iyo in dadaal dhinica diblumaasiyadda ah oo sarreeya oo ka imanaya beesha caalamka lagu dhaqaaqo si loogu dhiiri geliyo rabitaanka waddamada gobalku in ay ka hortagaan in dagaal dhaco iyo in waddamada la siiyo sabab ay uga haraan in ay ku biiriyaan militari dhisowga soda.  

      Waxaa turjumey: Wali Faarax, Ottawa, Canada
      wfarah@rogers.com 
 
ISHA:  Link:
http://www.un.org/News/Press/docs//2006/sc8880.doc.htm 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2006

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD