SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | NAGALA SOO XIRIIR | Allah Is Great  
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
GOOGOOS - DHAB-KA-HADAL

Ing. Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com


(Q.1aad): Wax kastaa waa macaan !!!


Inj. Maxamed Cali Cibaar

Hordhac

 

Dhab-ka-hadal, waa googoos lagu lafagurayo dhacdooyin xiiso leh, iyadoo la iftiiminayo xaqiiqooyin biyo-kama-dhibcaan ah. Waa taxane Hal-abuur ah oo ka warramaya duruufaha ay ku sugantahay Ummadda Soomaaliyeed , iyadoo la abbaarayo marba arrimaha mudnaanta  leh.

 

Qaybta 1aad ee googooska oo la magac-baxday; Wax kastaa waa macaan!! Waxay ku saabsantahay kulan qado sharaf ah, oo uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf u sameeyay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Federaalka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya, taariikhdu markay ahayd 22 Diseembar 2004-ta. Kulankaas oo sida  la sheegay  qeyb ka ahaa ololihii kalsooni u raadinta Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.


 

Googooskan  Hal-abuurka ah, waxaa jilaya labo xildhibaan oo magacyadooda la kala yiraahdo, Xildhibaan Qasaaye iyo Xildhibaan Cunaaye, oo iyagu ka mid ah xildhibaannada ka qaybqaadanaya qado-sharafeedka ujeeddo badanta ah. Doodda sheekada ayaa  waxaa furay xildhibaan Qasaaye oo aan  ku faraxsanayn  qorshaha meesha ka socday. Isagoo su'aal weydiinaya Xildhibaan Cunaaye oo markaa qadadii bisinka u qabtay, ayuuna  hadalkiisii ku billaabay:

 

Qasaaye: Maanta akhyaartii meesha way ku dhantahay. Iska warran?

 

Cunaaye oo afkii buux-dhaafiyay, aysanna u suurtagali karin inuu hadlo!, ayaa isagoon bariidintii si fiican u maqlin indhaha ka salaamay Qasaaye. Waxaa hadana hadalkii qaatay Qasaaye oo salka ku hubsaday kursi ka soo horjeeday, halkii uu xildhibaan Cunaaye fadhiyay.

 

Qasaaye: Maanta hadal ma jiro miyaa, maad bariidinta iga qaadid?

Cunaaye: Maxaad i waydiisay?

Qasaaye: Xaaladda ka warran?

Cunaaye: mmmmmm, waa macaan!

Qasaaye: Maxaa macaan?

Cunaaye: Wax kastaa waa macaan !

Qasaaye:  Wax waliba waa macaan aa?

Cunaaye: Ma maqalkaa kugu liitaa?

Qasaaye: Mayee kuma fahmin.

Cunaaye: Wax kastaa waa macaan, fahamkeeda miyaa kugu adkaaday?

Qasaaye: Oo wax qaraariba ma jiraan miyaa?

Cunaaye: Inta aan ka warhayo, wax qaraar su'aalahaada ayaan ka ogahay.

Qasaaye: Maxaa su'aalahayga qaraareeyay?

Cunaaye: Quudkii ayaa laga cuni la'yahay.

Qasaaye: Ragna  ma sidan baa u dambaysay!. Wax kastaa waa macaan, cajiib!!.

Cunaaye: Adigu sideed u aragtaa cuntadan aad laba-canlaynayso. Sow ma macaana?

Qasaaye: Aad iyo aad. Laakiin waxaan la yaabbanahay wax kastaa waa macaan !

Cunaaye: Intii soo macaanaysay, iyaguna sow ma macaana?

Qasaaye: Ma odayaasha ayaad ula jeeddaa ?

Cunaaye: Kulli, intii ka soo shaqaysay. Madaxweyne, Ra'iisul-Wasaare, Igad iyo Adduunkaba.

Qasaaye: Haddaan ku gartay. Waxaan is lahaa Xildhibaanka sidey wax ka yihiin.

Cunaaye: Oo fudayd miyaad igu ogayd?

Qasaaye: Mayee jawaabtii ayaad meel aanan filayn ka soo qabatay.

Cunaaye: Miyaan dambaabay haddaan si fudud kuugu jawaabay?

Qasaaye: Waxaan rabay inaan ka doodno saamaynta ay qadadani nagu yeelan karto.

Cunaaye: Saxiib aan wax kaa cuno. Mise miiska ayaan kaaga kacaa?

Qasaaye: Wax yar iga raalli ahow, hal su'aal ayaan ku waydiinayaaye.

Cunaaye: Dhaqso soo daa, soona koob.

Qasaaye: Maxay ahayd ujeeddada qadadani?

Cunaaye: War qadada cun, qaaddada ku margee! Wuxu hadal badanaa?

Qasaaye: Saaxiib, ha igu xanaaqin. Su'aal ayaan ku waydiiyaye.

Cunaaye: Waxaasi ma su'aal baa? Haddaadan ujeeddada qadada aqoonin, maxaad soo doontay?

Qasaaye: Iga raalli ahow haddaad xanaaqday.

Cunaaye: Ma xanaaqine waan kugu xiiqay. Wax cunid miyaan meesha u nimid, mise waraysi ?

Qasaaye: Ok. Gaajaa kugu dhaggan oo waan ku arkaa. Bal horta miyirso, iskana ilaali lafaha mallayga!!

Cunaaye: Waayahaye bal xoogaa ii kaadi, nin maqaayad soo maray ayaad u egtahaye.

 

Waxaa si fiican loo sii guda galay cunidda qadadii saddexda qaybood ahayd (1aad, 2aad iyo 3aad). Xildhibaan walba waxaa hoos yaallay  cuntooyin kala nooc ah, oo haddii kharash ahaan la qiimeeyo( qadada hal Xildhibaan) quutul-daruuri ugu filnaan lahaa boqollaal danyar ah, amaba seexin kartay kummannaan caruur ah oo  hooyooyinkood saq dhexe caano la'aan kula dul cabaadaya.

 

Si aad ah ayaa loogu mashquulay qadadii. Sawaxankii iyo buuqii hore uga  baxayay goobtii la fadhiyayna waxay mar kaliya  isku rogeen shanqar ka soo yeeraysay qalabkii wax lagu cunayay sida, qaaddooyinka, saxamada, mindiyaha, koobabka iwm. Walow ay xubnaha jirka ee howsha hayay ugu firfircoonaayeen afka iyo gacmuhu, haddana indhaha ruuxoodu ma howl la'ayn oo dhanka xiriirka iyo salaanta ayay qaabilsanaayeen!. Waxaa laga soo jeestay qadadii, iyadoo Xildhibaannada qaarkood ay xitaa qaybtii hawada ee caloosha raashin ku cabbeeyeen. Sheekadii Cunaaye iyo Qasaayana halkii ayay ka sii socotay mar kale. waxaana hadalkii qaatay  xildhibaan Qasaaye:

 

Qasaaye: Hadda ma wada-hadli karnaa?

Cunaaye: Maxaan ka wada hadallaa, ma annagaa col ah?

Qasaaye: Col ma ahin, heshiisna ma ahine, su'aashii iiga jawaab.

Cunaaye: Su' aashee? Ma tii aad lahayd, waligaa cunto sidaan u macaan ma cuntay?

Qasaaye: War cuntaa lagaa raacaye, maxay tahay ujeeddada qadadani?

Cunaaye: Su'aal ay calooshaadu kaaga jawaabi karto, cidna lama waydiiyo!

Qasaaye: Wali waad xanaaqsantahaye, miyaadan dhargin ?

Cunaaye: Waan dhargay, waxna way ii dhimmanyihiine, maxaa qadadeenna kugu salliday?

Qasaaye: Sow dad siyaasiin  ah ma nihin. Waa in aan wax walba ogaannaa?

Cunaaye: Saxan miis kor saaran iyo siyaasad waxa iska  soo galay ayaanba la yaabbanahay!

Qasaaye: Laakiin Baarlamaan ummadi soo dooratay sow ma nihin?

Cunaaye: Baarlamaan iyo bariis-cunid shaqo iskuma laha !

Qasaaye: Waxaan maqlay in Madaxweynaha iyo Ra'iisul-Wasaaruhu ay qadada noo qaadeen.
Cunaaye:
Oo haddeey noo qaadeenna?

Qasaaye: Malaha waxay rabaan inaan kalsoonida siinno Ra'iisul-Wasaaraha?

Cunaaye: Haddaad sidaas u ogtahay, maxaad ii daalinaysay maanta oo dhan?

Qasaaye:  Laakiin Madaxweynaha iyo Ra'iisul-Wasaaruhu kharashka xagey ka soo dhuraan?

Cunaaye: Ma madaxdii jeebabkooday  haddana su'aashii gashay?

Qasaaye: Madaxda aad sheegaysaa illaa ay afka laf noo galiyaan miyaysan nala hadli aqoon?

Cunaaye: Dadka qaarba si baa loola hadlaa! Amaaba sidaan laysku fahmi ogyahay?

Qasaaye:  Laakiin in mar walba raashin la isku dul waraysto waa foolxumo.

Cunaaye: Maxaa la sameeyaa haddii aan dhuunta ka falannahay, ceebta Alle ha asturee.

Qasaaye:  Xoogaa in ay si kale wax u farsameeyaan ayay ahayd. Sidani waa naga xishooda!

Cunaaye: Afkii inuu wax cuno raba, inuu xishoodana diiddan, isagaa cirka roob ku og!

Qasaaye: Waayahee dowladda iyo xildhibaannadu ma makhaayadahay wax ku go'aaminayaan?

Cunaaye: Makhaayadaha haddii aan lagu feertamayn, iyagaaba naloo qaatay!..

Qasaaye:  Laakiin sidan kharash badan ayaa lagu galayaa, lagamana bixi karo.

Cunaaye:  Dhib ma leh waxaasi, beesha caalamka ayaa bixinaysa.

Qasaaye: Waa  yahee, ma is qabqabsi iyo isla qadayn ayaan  meesha u joognaa?

Cunaaye:  Waxaad u joogto adaa og! Meeshan ninba maalin ayuu yimid!

Qasaaye: Wallaahi waa layaab!

Cunaaye: Maxaa layaab ah?

Qasaaye: Dad ummad dhan wakiil ka ah, oo sidan u dhaqmaya!

Cunaaye: Dhaqanka dadka u kaadiye, yaa ku soo wakiishay?

Qasaaye: War waa nala soo wakiishaye, aan sidaan isku dhaanno!

Cunaaye: Si baad u kacsantahaye ma teebkaa kaa booday? Liiska ma aragtay?

Qasaaye: Wallaahi ma yeelayno in xaqii ummadda lagu tunto.

Cunaaye: Ummaddu ha noo dambaysee, su' aasha iiga jawaab.

Qasaaye: Liiska la sheegsheegayo ma aha mid sharci ah, mana waafaqsana Dastuurka.

Cunaaye: Oo xaggee Dastuurka ku qilaafsanyahay?

Qasaaye: Kuma salaysna nidaamka 4.5, beeshaydana waa la qadiyay.

Cunaaye: War Allahaaga ka baq. Beeshaada waliba jufadaada dheeri ayaaba la siiyaye.

Qasaaye: Maya, maya, maya. Haddii beeshayda dheeri la siiyay anaa lay magacaabi lahaa.

Cunaaye: Adigu ma Dastuur iyo Afar-dhibic-shan ayaad u doodaysaa, mise Aniga-dhibic-shan?

Qasaaye: Afar-dhibic-shan, aniga-dhibic-shan iyo eber-dhibic-shan, midna meesha laguma hayo!

Cunaaye: Oo  waayahaye, maxaa lagu hayaa?

Qasaaye: Af-miishaarnimo iyo Amxaaro u adeeg!

Cunaaye: Haddey sidaas tahay maad iskaga tagtid, maxaad meelaha la habhab leedahay? 

Qasaaye: Calaa kulli xaal, caddaalad darro iyo waxa la wado shacabku yeeli maayaan.

Cunaaye: Haddaadan adigu yeelayn, annagaa yeelaynee indhaha faraha ha iga gelin.

Qasaaye: Adigu ma liiskaad ku jirtaa, mise qareen baad u tahay  xarfaanta?

Cunaaye: Waliba waan ugu horeeyaa. Ma nin laga maarmi karo ayaan  ahay?

Qasaaye:  Haa, illayn ninkan aan ku daalayo, waa nin bariis iyo ballanqaad la isugu daray.

Cunaaye: Annagu waxaan rabnaa Qaran Soomaaliyeed oo madixiisa ku taagan!

Qasaaye: Qaran  madaxiisa ku taagan, mise Qaran lugihiisa ku taagan !

Cunaaye: Madax iyo mijo, meeshuu doono ha ku istaago. Muhiim waa inuu istaago!.

Qasaaye: Waxaan ka baqayaa adoo sidan u jaqjaq leh, in saacadaha u dambeeya liiska lagaa tiro.

Cunaaye:  Khadka magacayga lagu qoray mid tirtirmaya uma ekayn.

Qasaaye: Loo wada joogee. Wallee rag badan gadaal waa laga masixi !

Cunaaye: Een … laakiin haddii liiska la bedelo, kollay ummaddu kuma qanci doonto.

Qasaaye: Sow adigii  hadda lahaa umadda warkeedu ha noo dambeeyo. Taada ka hadal.

Cunaaye: Madax ballamo ka bax badan shacbigu kalsooni ma siin doonaan.Wayna eedayaan!

Qasaaye: Ku fahmaye ka gudub. Raggu isku doon ayuu saaranyahaye!

 

Qadadii ka dib, markii xildhibaannadii  ay si gooni-goonni  ah cabbaar uu sheekaysteen, ayaa lagu wargeliyay in la gaaray qaybtii ugu muhiimsanayd kulanka, waxaana laga codsaday in ay buuqa yareeyaan si habsami lehna ay wax u dhagaystaan. Xildhibaan Cunaaye oo aan markan saxan ku foorarin, afkiisuna cabbaysnayn, ayaa isku dayay inuu aamusiyo xildhibaan Qasaaye oo garabkiisa fadhiyay,gunuunuc aan kala go' lahaynna waday, wuxuna yiri:

 

 

Cunaaye: Aamus, aamus Qasaaye, khudbaddii Madaxda ayaa billaabanaysee!

Qasaaye: Madaxdaa dhacday! Ma adeegayaasha Itoobiyaanka?

Cunaaye: War afkaada  qabso, Itoobiya waa loo wada  adeegaaye!.

Qasaaye: Laakiin kuwani guuxooday ka dheereeyaan!

Cunaaye: Waxay yihiinba, waa nin aad dooratay iyo nin uu soo doortay!

Qasaaye: Anigu ma dooran, adiga iyo wax kula mid ah ayaa doortay.

Cunaaye: Af ku taagga Itoobiya waad eedi doontaaye, maad iska daysid.

Qasaaye: Amxaaro addoon u noqon maayo, waxay wadatana ma aaminsani.

Cunaaye: Haddaadan Itoobiya aaminsanayn yaa Baarlamaanka kugu soo daray?

Qasaaye: Aniga Itoobiya ima soo qorin!

Cunaaye: Laakiin nin ay soo qortay, ayaa ku sii qoray sow maaha?

Qasaaye: Liiskii Ma-naxe ayaan ka mid ahaa!

Cunaaye: Miskiin garab lagu soo qoray miyaad ahayd, mise kursiga waad u soo halgantay?

Qasaaye: Halgan sidee ah? Hub ma leedahay miyaad ula jeeddaa?

Cunaaye: War hub kaliya wax laguma noqdee, wax ma hurguftay ( dad ma leysay)?

Qasaaye: Idaacadaha miyaadan dhageysan?! In aan garab wax ku raadiyo, Allaa iga koriyay!.

Cunaaye:  Madaxda aan wax yar dhagaysannee bal sug.

Qasaaye:  Haye, xariifiintii miyaa daldalmaya!,

Cunaaye:  Fadlan, wax yar samir

Qasaaye: Maxay ku qudbadaynayaan, Af-tigree, ma Amxaari, mise Sawaaxili?

Cunaaye: Af-Yuhuudna ha  ku qudbeeyeen! Maxaa kaa galay, maba dhagaysanayside.

Qasaaye: Kolley hadday Shiineys aqriyaanna, sacab iyo Soomaaliyeey toosoo waa u diyaar!

Cunaaye: Maxaad ku diiddantahay, hadday wanaag la yimaadaan?

Qasaaye: Wanaag!.hi .. Sammeyn iska daaye, horta waligood wax wanaagsan ma niyaysteen?

Cunaaye: Waran waran ku taag waa laga fiicanyahay.

Qasaaye: Laakiin niman la haysteyaal ah, maxay ummad u qaban karaan?

Cunaaye: Nimanka culays badan ayaa saaran!, waanan wada ognahay, ee cagta dhulka dhig.

Qasaaye: Culasyka ma annagaa saarnay? Sow iyagu gacmahooda kuma soo duudsan?!

Cunaaye: Oo waayahaye, adigu ma dhaantaa?

Qasaaye:  Kolley Annigu qayrkeey uma dhaamiyeen.

Cunaaye:  Kuwan aad dhaaminta ku xukuntay, kuwo u dhaamiya, aamaadba u sii dhaamisaa?

Qasaaye: Wallaahi kuwaan, waa wixii lagu foorin jiray! Yaa mataatacooda naga aamusiiya!

Cunaaye:  Foori !, ii bannee, laguma ag fadhin karee, ii bannee….. iga wareeg..!

Qasaaye: Raalli ahow, nin jadbaysan ayaad iila muuqataaye.Waanan kaa aamusayaa,waa ballan.

Cunaaye: War raalligaadana ma naqaaannee rabshada naga yaree!

 

Waxaa hadlay Raggiii la sugayay. Khudbaduhu sidii loogu talogalay ayay u dhaceen. Dhagaysteyaashuna ujeeddadii qadada laga lahaa, si wanaagsan ayay u fahmeen. Walow ay wajiyada Xildhibaannada badankooda  farxadi ka muuqatay, haddana Xildhibaan Qasaaye xaalkiisu ma dagganayn. Waqtiga intiisa badan socsocod iyo musqul aad ayuu ku dhamaystay, wuxuuna kurisgiisii mar kale  salka soo saaray goor dabme oo ay howshu gabogabo ahayd. Halkii ayuuna sheekadiisii ka sii watay:

 

Qasaaye: Qoladaas safka hore isku ciriirinaysaa, sacabka kama daalaan miyaa?

Cunaaye: Ma kuwaas dhuunta iska soo marjiyay? Oo sidey maanta cuntadii uga degtay?

Qasaaye: Malaha jaakadaha qaaliga ah iyo in ay  labbisan yaqaaniin ayay  muujinayaan.

Cunaaye: Laakiin waaban ka shakiyaye, xaggeey u boorsooyin waaweynyihiin?

Qasaaye: Ha iska boorsooyin waaweynaadeene daa, berri iyagoo budad wata anigaa ku tusayee.

Cunaaye: Wallaaahi waa la yaab, raggii shalay garruumada watay ayaa maanta guulwadaynaya!

Qasaaye: War kuwan warkooda iigu kaadiye, maxay kuwii waaweynaa yiraahdeen?

Cunaaye: Dharagtii miyaad la dhego beeshay, sow nimanku Af-Soomaali kuma hadlayn?

Qasaaye: Mayee xogaa waan isi soo fududaynayay.

Cunaaye: Waxaan ka maqlayay, kalsoonidiinna na siiya.

Qasaaye: Oo haddey  baryootamayaan, maxey markii hore isku waalayeen?

Cunaaye: Uma malaynayo in  kuwa la baryayo aad adigu ku jirto.

Qasaaye: Maxaa kale oo mataatacoodii ka mid ahaa?

Cunaaye: khaladaadkoodii ayay ka cudurdaarteen, si fiicanna way u hadleen.

Qasaaye: Waxaan ku waydiiyay, haddii ay towbad keeneen Itoobiya ma ka hareen?

Cunaaye: Ma inaad u dabamarto ayaad rabtay? Ha degdegin wali way isku fiicanyihiine!

Qasaaye: Laakiin xaq ma aha in dowlad cadow noo ahi ay golihii wasiirrada noo soo xusho!

Cunaaye: Oo haddaa, ma in ay  Baarlamaanka soo xusho, Dastuurna noo qorto  ayaa xaq ah?

Qasaaye: Waxoo dhan inay iyadu gacanteeda ku samaysato, waa xishood darro!.

Cunaaye: Waxaagu waa la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.

Qasaaye: Wallaahi waa yaabka yaabkiis!

Cunaaye: Iska yaab-yaab, aduuba yaab kugu haraye!

Qasaaye: Hadda maxaa talo ah ?

Cunaaye: Ma talaa naga dhaxaysa?

Qasaaye: Oo hadda ma sidaas ayaadba wasiir ku tahay? War hooy wax hubso.

Cunaaye: Dowlad aan weli la magacaabin ninka mucaaradaya ayaa wax hubsi u baahan.

Qasaaye: Soomaali Ilaah ayaa u maqan.

Cunaaye: Waa runtaa, laakiin ummad Ilaah naxariistiisu u soo socoto uma ekin!.

Qasaaye: Haddana  ma naxariistii Ilaah ayaad isbaaro u dhiganaysaa?

Cunaaye: Anigu runtaan sheegay. Illaa ay ummadi isbedel la timaado, Alle ma bedelo.

Qasaaye: Hadda shacabku annaguu na sugayaaye, maxaa noo talo ah?

Cunaaye: Warmooge! Yaa ku yiri shacab ayaa wax kaa sugaya?

Qasaaye: Maxay noo sugi waayeen, sow madaxdii taladooda haysay ma nihin?

Cunaaye: Nin tiisii talo u la' cidina talo ka sugimaysee, horta aan teenna meel saarno!

Qasaaye: Oo haddaa yay wax ka sugayaan?

Cunaaye: Waxbaba ma sugayaan. Maxaa ka maqan?

Qasaaye: Oo shirkii labada sano socday miyaan waxba laga rajaynayn?

Cunaaye: Haa, waxay dadku rajo ka qabaan in wixii Kiinya ka soo baxaa ay annaga nagu filnaadaan, bulshadana aan baroominta iyo barakicinta ka dayno.               

Qasaaye: Oo iyagana ( shacabka)?

Cunaaye:  Deeq iyo darajaba annagey nooga hareen, walina waxba way na deeqi la'yihiin!.

Qasaaye: Iima muuqdaan dad ay wax deeqaan. Meel ayaan ka habaarannahay. Allaa kariim!

Cunaaye: Maxaa Allaa kariim ah, adoo kalaa nagu jiree?

Qasaaye: Oo anigu maxaan bi'iyay?

Cunaaye: Labo sano iyo ka badan ayaa dhul shisheeye lagugu biilayay. Dhaqaale masaakiin kaa mudani u dhibbanyihiin ayaad marba hoteel ku tamashlaynaysay. Waxaa lagaa  dhigay xildhibaan aadan xaq u lahayn, iyadoo dad kaa mudan oo cilmi iyo caqliba kaa horreeyaa ay buuxaan. Waxaad u ololaysay oo kuu meelmartay, in cid aan annaga (Baarlamaanka) ahayni aysan xil muhiim ah qaban karin. Waxaad haysataa ballanqaadyo badan oo bariiskaadu meel ayuu saaranyahay, adigoo ogsoon in Barafasoorro  badani ay beerka bacaadka ku  hayaan. Haddana weli ma qanacsanid oo iimaanku kuma gelin. Haddii aan Wasiir muhiim ah lagaa dhiginna xaalku waa bannad (gow iyo gish ma leh). Sidee wax ku waddaa? Waa maxay dawadaadu?. Rag aad ka mid tahay markaan arko waxaan soo xusuustaa, durdurkii harraaday ee la sheegi jiray. War maxaa idin deeqa?. Waa su'aal da'wayne , sidee laydiin dabiibaa ?!

 

Qasaaye: Cajiib!, Cunaaye miyaa maantana aniga  i wacdinaya?! Waxaan ka marag kacayaa in cuntada macaani  ay caqliga soo celiso. Aniga daawadaydu ha kuu dambaysee, horta taadi ma la helay? Miyaadan ahayn ninkii laga subxaanalaysan jiray ee iimaanka iyo akhlaaqdaba  ka arradnaa? Dadkan aad leedahay aqoon iyo caqli bay leeyihiin, sow kuwaad ugaarsan jirtay ma aha? Oo aad lahayd ama iyaga ayaa tolka u haraya ama aniga ? goormaad isku rogtay Ugaas, Amnesty iyo hay'ad xuquuqul insaanka u doodda?

 

 Cunaaye: Oo haddaan ku iri waa ceeb iyo  ayaan darro in  wixii Soomaali manfac iyo mansab loogu talo galay ay afartankeennaas deeqi wayaan, miyaan dambaabay? Waa maxay aflagaaddadu? Mise anaa jagooyinka qaybiya maxaad iigu xanaaqaysaa? Waxaa xaqiiqo ah haddii aan sidan ku soconno wax  Soomaalidu leedahay iska daaye in aan berri  dadkan aan martida u nahay woxooda kula dhegdhegi doonno. Markaas ayaana naloo yaabaa,  illayn cagtii joosan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye!.

 

Qasaaye: Ma aha wixii xadgudub aan samaynay inaad aniga dusha iga saarto, aadna ii canaanato sidii carruur aad dhashay, adna aad ceebkasaliim iska dhigto. Waad ogtahay waliba  in aan siyaasadda kaaga soo horeeyay, oo aan ahay nin culus. Teeda kale, annaga kaliya nalama biilee Soomaali oo dhan ayaa la biilaa!.Rag ayaa sodddon sano la biilayay annagu shalay ayaanba billownaye, sow ma maqal lacagta Cayrta!. Waxa kale oon ku waydiiyay, xaggeey joogaan dadka maanta na dhaama ee ummadan u maqan? Mise kuwa aqoonyahannada isku sheegsheega ee ajnabiga  daba carcarara  ayaad aamminsantahay?. Maxaad iskaga dhigaysaa nin jaahil ah!. Meeqa jaamici oo boorso iyo buugaag waaywayn ayaa turjubaan kuu ah, oo wax ay yihiin aan la arag!. Saaxiib karti iyo indha-adayg ayaa loo baahanyahay!.

 

Cunaaye: Calaa kulli xaal raalli ahow haddaad kululaatay. In aan is eedayno waa laga  fiican yahay. Rag si fiican isku yaqaanna ayaanan nahay oo Xildhibaanno ah. Waana runtaa oo waxaan nahay  siyaasiyiin waaweyn oo goobaha fadhi ku dirirka caan ka ah. Siyaasadduna sideedaba waa in mar la is-baroomiyo, mar la is-caayo, mar la is-canaanto, marna la heshiiyo!.Waxaa igu maqaalo ah in waddamada Yurub ay hadda ka hor dagaallameen oo ay  hadana heshiiyeen!!. Ayaan dhowayd xitaa waxaan maqlay Falastiin iyo Yuhuuddii way is cafiyeen! Ameerika iyo Ruushkuna way isku darsamayaan. Waxaa kale oo aan maqlay in Ururkii Jaamacaddii Carabta la baabi'inayo oo loo badelayo yurubiyan waxaas!(Europian  Union).

 

Qasaaye: War waxaas ka gudub, haddaan xanaaqay saacaddaan isbitaal ayaad ku jiri lahayde! . Xildhibaan xanaaqay in uusan kaftamayn adba waad ogtahay!. Waxaanse xoogaa dhibsaday in aad naga dhigto dad aan cidna mas'uul ka ahayn oo meesha dano gaar ah u jooga, adigoo og in  dowladaha deriska ah iyo bulshada caalamkuba cid aan annaga ahayn aysan waxba waydiin, xitaa kalima!, waddanka Soomaaliyana ay teennu ka socto! Adigaas Ameerika, Yurub, Carab,  Ruush iyo wax kastoo adduunka ka dhacaya sidaa ula socda, waa kuma ninka kaa siyaasisan ee Soomaaliga ahi?. Waxba ha ka welwelin in aadan waligaa iskuul dhiganin, waxaad leedahay  waayo-aragnimo iyo geesinnimo aad Jaamacado Macallin uga noqon karto!!.

 

Cunaaye: Waxaan ogaaday in aysan siyaasiinta Soomaalidu siyaasad aqoonnin!

Qasaaye: Siyaasiyiin aan siyaasad aqoonnin?!

Cunaaye: Waxan ka wadaa wax-qaybsi ma yaqaanaan, mid walbana isagaa wax isla raba!

Qasaaye: War wax-rabiddu maba  xumee, waxaan rabno xitaa ma naqaanno.

Cunaaye: Haddii aniga layla tashanayo, is qaqabsiba ma dhaceen!.

Qasaaye: Miyaad na sixri lahayd?!

Cunaaye: Mayee, Xildhibaannada  Baarlamaanka oo dhanba Wasiirro iyo Safiirro  ayaan ka dhigi lahaa. Kuwii  maalin dhowayd sakiimaha soo qaadtayna waaban  u hormarin lahaa! Yaa markaa juuq dhihi kara? Ninka waalan oo bariiskiisa iska ciidaynayaa waa kee?

 

Qasaaye: Laakiin maxaad ka samaynaysaa, waxa jira  dad aan rabin in cid aan  iyaga ahayni  ay wax noqoto? Tan kale, Wasaaradaha dhacdhaca laga helo iyo kuwa  Tol-hubayntu  ma badna ee yaad u dhiibaysaa, illeyn nin waliba kuwaas ayuu dhufays ugu jiraaye?

Cunaaye:  Waa runtaa, waa arrin u baahan farsamo iyo siyaasad aad u culus.

Qasaaye: Haye,  bal soo daa waxa aad hayso, farsamo iyo faralaab !

Cunaaye: Horta, Wasaaradaha sidoodaba maxaa loo sameeyay?

Qasaaye: Dib-u-heshiisiin iyo in beelaha lagu qanciyo!újc

Cunaaye: War beel cidina ma qanciisee, hoggaamiyeyaasha soo halgamay dheh!

Qasaaye: Waa runtaa, waa hoggaamiyeyaasha kuwa xilalka  muhiimka ah u doobbinaya

Cunaaye: Shaqada  wasiirraduna sow ma aha in ay qabiilkooda Madaxwenaha ku soo xiraan?

Qasaaye: Haa, Wasiirrada oo dhami waa isku shaqo, Wasaaradaha ayaase kala duwan!

Cunaaye: Taasi waa caddaalad darro! Wasaaraduhuna waa in ay muhiim wada noqdaan.

Qasaaye:  Sidee muhiim looga wada dhigayaa Wasaaradaha?

Cunaaye: Dhib ma laha, Wasaaradaha oo dhan magacyo muhiim ah ayaan siinayaa, waxaana loo kala saarayaa; Kow Wasaaradaha Dhacdhaca oo kala ah: Lacagta, Dhaqaalaha, Maaliyadda, Bangiyada, Mucaawinada, Xisaabaadka, Hantida, Qorshaynta, Canshuuraha, Iskaashiga, Dibadda, Tahriibinta iyo Diyaaradaha, Jaad-soo-dejinta iyo Dabagalka Daroogada  iyo wixii soo raaca. Labo, Wasaaradaha  Tol-hubaynta iyagana waxaa ka mid ah: Gaashaandhigga, Ciidamada, Ammaanka, Argagixiso la dagaallanka, Hub-ka-uruursiga, Qalabaynta milititeriga, Hub soo dejinta ,Tababarka maleeshiyooyinka , Dabargoynta …,  iyo wixii soo raaca. Halkaas  sow boqol iyo xogaa Xildhibaan Wasaarado muhiim ah kuma helin?

 

Qasaaye: Nacam, anigaa kaaga marqaati ah. laakiin Wasaarado kale ayaad illowday!

 

Cunaaye:  Ma illoobine i sug. Wasaaradaha aan muhiinka ahayn ee xitaa beelihii aan hubaysnayn ay diideen, kulligood waa in la baabi'iyo sida: Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare, Horumarinta reer miyiga, Daryeelka haweenka iyo caruurta, Caafimaadka, Badbaadada deegaanka,  Biyaha, tamarta, isgaarsiinta,Garsoorka, Diinta, Caddaaladda, Awqaafta, Gurmadka musiibooyinka, Quudka Beeraha, Xoolaha, Jaalliyadaha dibadda, Horumarinta xirfadleyaasha, Dastuurka iyo federaalka, Dhallinyarada iyo ciyaaraha  iyo wixii soo raaca. Waxaas jajabka iyo jaabojaabada ah oo dhan waa in aan magacooda mar dambaba la maqal. Waayo beel ku qancaysaa ma jirto.

Qasaaye: Laakiin ku dhowaad boqol Xildhibaan ayaadan weli meelayn!

Cunaaye: Isug, isug . Xisaab ayaan ku socdaaye. Sow ma ogid in baarlamaanka ay ka buuxaan Xildhibaanno badan oo qaxooti dibadda ku ahaa?

Qasaaye:  Waa runtaa tiro ku dhowdhow inta kuu dhimman, ayaa qurbaha qaxooti ku ahaa!.

Cunaaye:  Haaa.., afkaada caano lagu qabay!. Haddaan nin walba waddankii uu qaxootiga ku ahaa isagoo safiir ah u dirno, oon  baabuur  uu calankii shanta xidigood lahaa ka babanayana farta ka saarno, caruurtii iyo islaantiina uu u laabto, maxaa kale oo uu rabaa.

Qasaaye: Laakiin giddigood Ameerika iyo waddamo muhiim ah ayay rabaan.

Cunaaye: Haddii ay ku heshiin waayaan, baqtiyaanasiib ayaa loo samaynayaa! Haddaan Wasaaradihii kuwo muhiim ah iyo kuwo aan muhiim ahayn u qaybinnay, oon qaar baabi'innay, haddana ma dowladihii ayaan muhiim iyo midaan muhiim ahayn u kala saari karnaa?!

Qasaaye: Haddaad sidan siyaasi u tahay, in aan adiga ku dooranno ayayba ahayd.

Cunaaye: Afrika dadka wax fahmayaa in ay xukumaan looma ogola!

Qasaaye: Waa runtaa, Geeska Afrikana haba sheegin.

Cunaaye: Ka warran berri iyo kalsooni siinta Ra'iisul-wasaaraha?

Qasaaye: Sow taan ku ballannay su'aalaha ay calooluhu ka jawaabi  karaan in aan la is weydiin!

Cunaaye : Haddii aan berri Ra'iisul-Wasaaraha ansixinno, dowladdiisa ma taageeraysaa?

Qasaaye: Arrinkaas qadada dambe ee Wasiirro-ansixinta ayaan kaaga jawaabi doonaa.

Cunaaye: Waad maqashay sow maaha in hadhow xoogaa mushaar ah la isi siinayo?

Qasaaye: Ma taas oo kale ayaa la maqli waayaa!. Maanta maalin ay dhaantaba nama soo marine.

Cunaaye: Laakiin haddii mushaar nala siinayo, maxaa hore naloogu siin waayay?

Qasaaye:. Hadal yar iyo hawl badan saaxiib!. Ka soco.

Cunaaye: War meesha lagu kala dareerye waa inoo berri. Allana khayrka hana waafajiyo.

Qasaaye: Qadada wasiirro-ansixinta miiskaan ayaa noo ballan ah.

Cunaaye: Waa haddii la ogolaado in ay wasiirrada iyo xildhibaannadu isla fadhiisan karaan !.


La soco qaybta xigta iyo Googooska Dhab-ka-hadal      

 

Aragtidaada ku saabsan Goosgooskan, waxaad ku hagaajin kartaa cinwaanka hoose.

Dhabkahadal@yahoo.co.uk

 

W/D Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec30, 2004


AKHRI MAANSADII DOOD WANAAG:::

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
 



HTML CD