SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Baydhabooy Yaa Ku Leh!!??

allmanW/D:- Maxamed Macallin Cismaan {Allman}
Emeil:- fatxumaalik@hotmail.com
Emeil:- fatxumaaliky@yahoo.com


Qormadaan aan ugu magacdarnay Baydhabooy yaa ku leh, oo ah su’aal hadda taagan, waxaan Akh’ristayaasha qiimaha  leh aan ugu soo bandhigaynaa Taariikhada Maamul xiliyadii hore, waqtiyadii degmo ahaan iyo Gobol ahaan loo magacaabay Magaalada Baydhabo, xaalada ay hada ku sugan tahay xiligaan la joogo. 

Waxa kaloo aan ku soo qaadanaynaa arrimaha siyaasadeed guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhacdooyin kooban ah iyo aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho. Dadkaasoo aan kula kulanay goobo kala duwan, waxay ka hadlayaan  Mar hadii Hogaamiye kooxeedyadii 16-ka Sano burburiyey dalka guud ahaantiisa, isla markaana ay kala qaybiyeen guud ahaan wadanka oo dhan, oo intoodii badnayd laga ceyriyey Xarumihii ay ku sugnaayeen, ayna ku soo hareen Magaalooyinka Baydhabo, Hargeysa, Gobolada Woqooyi Bari iyo Mudug, iyagoo qaarkood sheeganaya inay ka mid yihiin DFKMG, halka qaar kale ay sheeganayaan inay ka go’een dalka intiisa kale iyo kuwo kale oo iyagana sheeganaya inay dhisteen maamul Goboleed madax banana, ayna soo baxeen Maxkamado Islaami ah oo Koofurta dalka intiisa badan gacanta ku haya, iyagoo doonaya inay dalka ku soo rogaan Xukun Islaami ah, qaybo ka mid ah dalka Soomaaliyana  ay ku sugan yihiin Ciidamo Ajnabi ah oo ka socda Dowladaha deriska, lagana yaabo inay soo socdaan kuwo kale oo dunida, shacabka Soomaaliyeedna uu qarka u saran yahay in mar kale uu la kulmo dagaal waqtiyo hore laga soo gudbay inuu dib ugu noqodo, iyadoo Gobolada qaarkood shacabkii ku noolaa ay uga barakeceen Fatahaada Wabiyada Shabeele iyo Jubba, oo walina aysan jirin Maamul laysku raacsan yahay oo ka hirgelay dalka oo wax u qabta shacabka, hadaba maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inuu sameeyo!!?. 

Ugu horeyn Hadii aan soo qaadano,  Magaalada Baydhabo waxay ka mid tahay Magaalooyinkii ugu caasanaa dalka Soomaaliya, xiligii dowladii Militeriga waxaa lagu sheegi jiray Caasimada seddexaad ee Soomaaliya, Juquraafi ahaan waxay ku taalaa dhinaca Galbeed ee Magaalada Muqdisho oo ah  Xaruntii Soomaaliya, waxayna u jirtaa 247KM.  Dhinaca Woqooyi ee Magaalada Baydhabo waxay xuduud la leedahay Gobolka Bakool, Bari Gobolka Shabeelaha Hoose, Galbeed Gobolka Gedo, Koofur Gobolka Jubada dhexe, waxay keloo xuduud la leedahay dhinaca Woqooyi Bari Gobolka Shabeelaha Dhexe. 

Magaalada Baydhabo waxay caan ku tahay dhulbeereer aad u weyn iyo dhaqashada xoolaha, dhulkeeda wuxuu isugu jiraa dhul Beereed, Buuraley, Banaan iyo Daaqsin, dadka ku nool Magaalda Baydhabo tiro ahaan xiliyadii hore waxaa lagu qiyaasi jiray  ugu yaraan 800,000, inkastoo aan tirada rasmiga ah ee hada ku nool aan si rasmi loo  sheegi-karin,  mudadii dowlad la’aanta dalka ka jirtay waxaa soo baxay  Ganacsato waaweyn oo awood u yeeshay inay hogaamiyaan arimaha siyaasada iyo guud ahaan arimaha Bulshada ee Gobolka. 

Gobolka Baay Degmooyinka hoos yimaad marka laga reebo Xarunta ay ku taalo waa 4- Degmo oo kala ah Degmooyinka Buur-hakaba, Qansax dheere, Diinsoor iyo Berdaale, Duqii Magaalada Baydhabo ee ugu dambeeyey markii dowladii militeriga ay dhaceysay oo aan  waraysi gaar ah kula yeeshay Magaalada Baydhabo Md,Cabdullaahi Macallin Maxamed ayaa wuxuu iiga waramay Taariikhdii maamulada kala duwanaa ee ay soomartay iyo xiligii loo aqoonsaday Magaalo ahaan wuxuuna yiri isagoo arimahaasi ka hadlaya iyo kuwo kale “Magaalada waxaa deegaan ahaan loo aqoonsaday 1913-kii, waxaana soo maray maamulo kala duwan oo isugu jira Gumaysi, Daakhili iyo kuwa markii Xoriyada la qaatay.  Tirada inta maamul ee soomartay waxaa la sheegaa 12 Gudoomiye Gobol iyo 5 Duq-Magaalo oo aan aniga ka mid ahay ayuu yiri  isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku daray. 

“Gudoomiyihii Gobolka Baay ee ugu horeeyey wuxuu ahaa Axmed Raage, waxaana ka dambeeyey Cali shido, Axmed Xaaji, Munye Qaasim, dhamaantood waxay xilka soo qabteen intii uusan Kacaankii Militeriga dhalan, markii uu Kacaanku dhashay waxaa xilkii Gudoomiyaha Gobolka Baay  qabtay Axmed  Ismaaciil Boqor oo ka mid ah sarkaal ka tirsan Ciidamdii XDS, wixii intaas ka dambeeyey waxaa isku bedbedelayey saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Sokor, Ismaaciil Suldaan, nin kale oo magaciisa aan hilmaamay oo u dhashay Beesha Isaaq, waxaa isna ka dambeeyey Xasan Xaaji Cilmi, sidoo kale waxaa ku xigay nin lagu naaneysi jiray Daboole, Gudoomiyihii ugu dambeeyey ee Gobolka Baay wuxuu ahaa Maxamuud Geele Cabdi. 

Mar uu ka hadlaayey inta duq-magaalo ee soo martay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku sheegay in Duqii Magaalihii ee ugu horeeyey uu ahaa Maxamed Yaroow, Cali Caliyoow ayaa ku xigay, sidoo kale waxaa ku xigay Cumar Hindi, Aadan Cabdi Axmed {Aadan Waraabe} iyo aniga oo ahaa ninkii ugu dambeeyey Duq-Magaalada  ee Gobolka Baay Markii dowladu ay dhacaysay. 

Sidoo kale waxaa uu iiga waramay  xarumihii dowlada ay lahayd ee ugu muhiimsanaa  kuna yaalay Magaalada Baydhabo waxaana ka mid ahaa xarumahaasi, Xaruntii Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta, Wakaalada Biyaha, Xooga Korantada Ummada, Isbitaalkii weynaa ee Magaalada Baydhabo, Goobo Wax-barasho oo isugu jiray Dugsiyo hoose, dhexe iyo sare, 2 waxay ahaayeen dugsiga sare, 4 dugsiga dhexe ayey ahaayeen, 4-ta kalena waxay ahaayeen Dugsiga Hoose, sidoo kale waxaa ku yiilay Xaruntii Wasaarada Maaliyada, Bangiga dhexe oo qaab Birifaati ahaan ku shaqeyn jiray, Xabsi Gobol oo weyn, Maxkamad Gobol, Saldhig Booliis, Qaybta Booliiska Gobolka, Xarun Guulwadayaasha Ummada, Saldhig Weyn oo ay lahaayeen Ciidamadii  XDS iyo Xaruntii Madaxtooyada Gobolka Baay ayuu hadalkiisa ku soo koobay Duqii hore ee Magaalada Baydhabo C/llaahi Macallin Maxamed. 

Magaalada Baydhabo waxay lahayd seddax Suuq mid xoolaha lagu iibiyo, mid kale oo kuwa Bagaashka lagu gado oo degmadoo dhan ay lahayd iyo mid yar oo ku yiilay Woqooyiga Magaalada Baydhabo iyo Kawaan weyn oo gudihiisa u baahan yahay xiligaan in la nadiifiyo oo la dayactiro, dhamaan xarumahaan uu sheegay Md, C/llaahi Macallin iyo kuwa kale ee ku yaalaba, waa kuwo burbursan marka laga reebo kuwo ay dhowaan dayactirtay DFKMG iyo kuwo ay degan yihiin dadweyne ka soo hayaamay goobo kala duwan oo ku hareerays-naa Magaalada iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka, kuwaasoo u dhashay deegaanka, waxayna u muuqdaan in gebi ahaan lala wareegay dhismooyinkaasi, waxaana adkaandoonta qaabkii looga rari lahaa dadkaas. 

Waxaa Magaalada Baydhabo ka socda dhismooyin kala duwan oo  aan hore loogu arki jirin iyo kuwo hore oo la dayactirayo, waxaa qaali noqday kirada Guryaha iyo jiifka Hoteelada intii DFKMG ay soo degtay, waxaa sare u kacay qiimaha cuntada ee Baararka, waxaa bedelmay qiimaha iyo Baabuurtii ay raaci jireen dadweynaha gudaha iyo Gobolada kale ee dalka, waxaa burbursan wadooyinkii Magaalada gudaheeda, waxaa batay Hoteeladii Magaalada oo noqday 67, waxaana wali socda kuwo kale oo la dhisayo, halka hore ay ku yiileen 13- Hoteel, intii burburku  dalku ka jiray waxaa  ka  hanaqaaday  Is’gaarsiin Caalami ah, waxaana intaa dheer kuwo taararka hallow halowga oo iyaguna qayb weyn ka soo qaatay isku xirka dadweynaha intii aysan ka hirgelin wadanka shirikadaha Is’gaarsiinta, waxaa kale oo ka hanaqaaday shirkado xawaaladeed oo tiradoodu gaarayso, ilaa 13 shirkadood, waxaa laga sameeyey 3 goob Caafimaad oo aan hore loogu sameyn, waxaa la hirgeliyey goobo wax-barasho oo cusub oo isugu jira kuwo hoose, dhexe iyo sare oo aan dadka intooda badan wada awoodin qiimaha lagu dhigto Dugsiyadaas. 

Waxaa kale oo Magaalada ka hirgalay Ururo wadani ah oo isugu jira kuwo dhalin-yaro, Haween, kuwo xuquuq aadane iwm, waxaa shaqeeya Garoonkii Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, inkastoo uu si xeeladaysan uu u xiran yahay, ilaa iyo intii ay isku dheceen ilaaladii hore ee Garoonka iyo kuwo ka amar qaata DFKMG,  kuma soo degaan diyaaradaha UN-ka, mar mar dhif ah maahee, ma jiraan wax weyn oo ay ku soo kordhisay DFKMG intii ay soo degtay Magaalada Baydhabo,  marka laga reebo daddka halkaasi isugu yimid ee shaqo doonka ah, amaanka Magaalada inta badan waa ay wanaagsan tahay marka loo fiiriyo xiliyadii dagaalada sokeeye, inkastoo mararka qaar ay dhacaan shilall yar yar, kuwaasoo intooda badan ay geystaan iska hor imaadyo dowlada iyo Kooxo maleeshiyo deegaanka oo dhibaatooyin  dhimasho iyo dhaawac leh. 

Marka loo fiiriyo awooda wax qabad ee dowlada, lama dhihi karo Maamul iyo kala dambeyn lagu kalsoon yahay ayey ka hirgelisay Degmada Baydhabo oo marka laysku celceliyo dhan 5-KM oo isku weer ah, sababtoo ah Dowlada waxay ku jirtaa dhismo iyada dhexdeeda ah oo ku salaysan nidaamka 4.5-ka, min Raysul-wasaare ilaa Biitooni, lagamana sugaayo xiligaan inay dal iyo dadd wax u qabato, xubintii la magacaabo oo aan waafaqsanayn nidaamka 4.5-ka xalinteeda waxay qaadataa ugu yaraan Bill, hadii kale jiritaanka dowlada ayaaba halis la geliyaa,  amaanka Magaalada Baydhabo waxaa la wareegay Ciidamada Ethobia oo in mudo ah lagu soo gurayey, iyagaana amarka maamulkeeda bixiya, wixii ay rabaan ayey sameeyaan, intii ay ku sugnaayeen Baydhabo waxaa lagu dilay dadd badan oo deegaanka u dhashay, waxaana lagu xirxiray xubno wadaado ah iyo Wariyeyaal deegaanka u dhashay, qaarkoodna waa ay isaga soo carareen, dadka deegaanka waxay ka daaleen dhibaatooyinka dagaaladii sokeeye, oo waxay ka baqayaan in  isku dhacyo kale ay ka dhacaan deegaanka, mana jecla dagaal inuu ka dhaco deegaankooda, waxayna siweyn u doonayaan iyadoo aan dagaal ka dhicin in dowladu ay is’bedel sameyso, hadii ay sameyn weyso  Is-bedel ay gebi ahaanba isaga guurto maadaama ay ku guulaysan weyday, nidaamkii iyo kala dambeyntii laga sugaayey, qaar ka mid ah dadd weynaha waxay leeyihiin ma ahan wax la qaadankaro, anigoo jooga dalkayga Hooyo inaan ka baqo Ethobia inay i xirto, Halka qaar ka mid ah wariyeyaasha ay leeyihiin xoriyadii hadalka waxaa naloogu bedelay Xarig waa yaab. 

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii wixii ka dambeeyey Magaalada Baydhabo waxay noqotay goob dagaal oo ay isku hardinayaan maleeshiyooyin Urur iyo kuwo Beeleed,  ku wasoo ka yimid deegaano kala duwan oo dalka ka mid ah iyo kuwo ku hareeraysnaa Gobolka Baay, waxaana loo bixiyay Magaaladii Moowdka, kadib markii ay ka geeysteen dil, dhac,  kufsi iyo barakac aan la qiyaasi Karin, waxaana dhacday dhibaatadii ka dhalatay hardankaasi in dad weynihii ku noolaa dhexdeeda iyo kuwa ka ag dhowaaba ay u dhintaan Gaajo, Oon,Cudur iyo Colaad, dadkuna waxay u dhimanayeen tarab tarab, waxaana la waayey Nidaam wax kala haga. 

1992-dii ayaa dalka waxaa soo gaaray Hay’ado gargaar, kuwaasoo isku dayey inay badbaadiyaan dadkaas macluushu ay haleeshay, 1995-tii ayaa ciidan uu hogaaminayo Gen, Caydiid waxay qabsadeen Magaalada Baydhabo oo markaa u muuqatey inay ka soo kabanayso diiftii dagaalada sokeeye ee ka qarxay Soomaaliya 1991-dii, waxaana maamulayey markaasi Gudi ka mid ah dadka deegaanka iyo Hay’adaha gar-gaarka, waxayna mar labaad noqotay goob dagaal . 

1999-kii ayaa Ururkii {RRA} oo marar badan isku dayey inuu ka saaro, ku guulaystay  hanashada Magaalada Baydhabo, iyagoo garabsanaya Ciidamadii Ethobia, Ururkii {RRA-da} markii uu ka saaray Magaalada Baydhabo ciidamadii Gen, Caydiid, wuxuu dhisay maamul adag, wuxuuna ahaa Ururka keli ah ee deegaankii uu gacanta ku hayey ka hirgeliyey nidaam iyo kala dambeyn ee ka jiray Gobolada Koofureed, waxayna soo celiyeen nabad-gelyo laysku halayn karo, laakiin ma sii waarin. 

2003-da waxaa mar seddexaad ka dhacay dagaal ay isaga soo horjeedaan mas’uuliyiinta Ururkaasi ugu sareysa, aakhirkiina waxay noqotay in Ururkaasi u kala jabo labo garab oo midkood laga soo saaray deegaanka. 

Shirkii dibu-heshiisiinta lagu qabtay Magaalada Nayroobi ee dalka Keynia, wuxuu isu soo dhaweeyey kala qaybsanaantii ku dhex jirtay Mas’uuliyiinta RRA-da, markii la dhisay Baarlamaankii  iyo DFKMG, hase ahaatee markii ay shireen Golihii Baarlamaanka shirkoodii ugu horeeyey ee ay ku yeesheen dalka dibadiisa wixii ka dhacay waa laysla ogaa oo saxaafada in badan bay ka hadashay. 

Magaalada Baydho oo ahayd meelaha sida weyn laysku qabtay in dowladu ay sii degto, ayaa ugu dambeyntii is-jiid jiidkii labada garab Baarlamaanka, waxay Baydhabo nasiib u heshay in dowladu si ku meel gaar ah u sii degto Magaalada Baydhabo, waxayna Magaalada Baydhabo isu bedeshay mid soo ceshan rabta magaceedii hore, laakiin taasi dadd badan oo arimaha Soomaaliya si weyn wax uga qora ayaa waxay ka  muujinayaan sheki, waxayna leeyihiin Baydhabo waxay qayb ka tahay  Magaalooyinkii hore Soomaaliya u lahayd , waxayna hormuud u tahay bay leeyihiin kuwo kale oo laga cabsi qabo inay gacanta ku dhigaan ciidamada Ethobia oo hore u haystay qaybo ka mid ah dhulkii weynaa ee Soomaaliya. 

Dhinaca kale waxaa socda diyaar garoow dagaal oo dhinac kasta ah, oo ay wadaan qaybaha kala duwan ee dowladaha dunida qaarkood iyo NGo’syada caalamiga qaar ka mid ah, mana jiro xal aan dagaal ahayn oo muuqda, marka laga reebo arintaan diyaar  garowga ah, shacabka Soomaaliyeed kuma baraarugsana hawlahaan socda, sababtoo ah waxaa jira siminaaro kala duwan oo ay qabanayaan qaar ka mid ah Ngo-yada Dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, waxaana si lama filaan ah u baaqday dagaal weyn oo dhici lahaa Roobabkii dayrta iyo fatahaad-yo ay geysateen labada Wabi Jubba Iyo Shabeele, dowlada FKMG dhexdeeda waxaa ku jira khilaaf, isagoo wajiyo badan leh, taasina waxay mustaqbalka luminaysaa wax qabadkii laga doonayey Beesha Caalamka iyo is’fahamkii guud ee Bulshada Soomaaliyeed, inkastoo Allihii na uumay awoodiisa laga gudbi Karin, Laakiin bulshada ku nool inteeda badan  ma taageersana DFKMG, maadaama ay dowladu ay la timid Ciidamo ka socda dowladaha deriska  iyo dilka dadka deegaanka ay geysanayaan. 

Magaalada Baydhabo hada waxay u muuqataa mid lahaan shaheeda uu mugdi ku jiro, maadaama ay ku sugan yihiin Ciidamo Ethobian oo aan tiradooda  si rasmi ah loo sheegi Karin, isla markaana dadka deegaanka wax xurmad ah kuma laha, oo xuquuqdii ay ku lahaayeen deegaankooda ma helaan, maadaama DFKMG lagu soo dhisay nidaamka 4.5-ka, halkii laga rabay in dowladu ay u deyso arrimahooda gudaha dadka deegaanaka, waxay ku haysaa faragelin toos ah, taasina waxay inta badan keentaa isku dhacyo soo noqnoqda. 

Maamulka Gobolka Baay iyo kan deegaanka ee hada ka jira Magaalada, waxaad moodaa in dadweynu aysan ku qanacsanayn, sida uu wax u maamulayo, sababtoo ah Maamulka gobolka isagoo aan wax digniin, waanooyin iyo talo celin u soo gudbin dadweynaha ayey isku deyaan inay wax fuliyaan, sida duminta buushashka ku yaala hareeraha jidadka soo gala Suuqa weyn ee Magaalada Baydhabo, iyadoon dadweynaha loo sheegin halka iyo sababta loo rarayo.  Dadkaas laga burburinayo Buushashka waxaa ku jira Haween Agoomo haysta oo aan haysan meel kale oo ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan iyo kuwo kale  oo u badan dad danyar ah. 

Deegaan ahaan Magaalada Baydhabo waxaa iska leh Beelaha Digil iyo Mirifle, khaas ahaan  beelaha sideed iyo sagaal, gaar ahaan beesha sideed, dadka ku nool Magaalada Baydhabo waxay is-weydiinayaan maadaama ay in mudo ah dagaalo soo noqnoday ay ka dheceen Magaalada Baydhabo, horta Baydhabooy yaa ku leh ??!!, ma Dagaal oogayaasha dalka Soomaaliya  ayaa iska leh, mise dowladaha deriska ayaa ku loolamaya oo doonaya, mid kasta inay  gacan ku haynta magaalada ay la wareegto, mise dadkii iska lahaa ayaa doonayaa in ay iska wareejiyaan deegaan ahaanteeda iyo magaceeda maadaama ay hanan waayeen Maamulkeeda iyagoo isku duuban, mise Ethobia ayaa iska leh, mise Ciidamada ka yimid Punt-land, mise dadkii deegaanka lahaa ayaan sida wax loo maamulo iyo nabad-gelyada loo sugo aqoon iyo su'aalooyin kale, runtii waa su’aal muhiim ah marka loofiiro waxyaabaha dhacaya, sababtoo ah Ciidamada ku sugan Magaaalada Baydhabo waxay isugu jiraan kuwo laga keenay Gobolada dalka qaarkood haba ugu badnaadeen kuwa Punt-land laga keenay iyo kuwa Ethobia. 

Laakiin su’aalahaasi  ka jawaabistooda waxay u taalaa in badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa, balse anigu waxaan leeyahay wali arintaasi waxay leedahay jawaab dhow in Soomaaliya ay ka mid tahay Magaalada Baydhabo, isla markaana ay iska leeyihiin dadka deegaanka ku magacaaban inta kale waxaan u arkaa in arintu ay tahay hadal tiro aan tayo lahayn. 

Dhinaca kale tan iyo markii kalsoonida loo qaaday Dowlada Prof; Cali Maxamed Geedi ee uu Raysul-wasaaraha ka ahaa islamarkaana lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi ee  dalka Keynia kana koobanayd 100-ka xubnood  iyo dheeraadka, ayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka waxaa maalinba maalinta ka dambeysaa ay sii noqonaysay mid gebi dhaclaynaysa, waxaana soo baxay dhacdooyin kala duwan. 

Dhacdooyinka kala duwan ee ka dhacayey dalka waxaa ka mid ah in Wasiiradii uu soo dhisay Prof; Cali Maxamed Geedi  intooda badan ay is’casilaan, kadib markii ay heshay kalsoonida Baarlamaanka Xukuumada Prof, Geedi, taasoo in badan la hadal hayey sidii kalsoonida loogala noqon lahaa dowlad Prof,Geedi, waxaa si lama filaan ah u kala fogaaday Mas’uuliyiinta dowlada ugu sareysay, waxaa si hal haleel ah ugu soo gurmaday Mas’uul ka mid ah Dowladaha deriska, oo kalsooni weyn ku qabay Madaxda sare ee DFKMG. 

Mas’uulkaan ka socday dowladaha dersika wuxuu ku guulaystay inuu xakameeyo khilaafkii markaa jiray, waloow aakhirkii waxyaabihii lagu heshiiyey ay isu rogeen khilaaf ku faafay dhamaan xubnaha DFKMG intooda badan. 

Waxyaabaha laysku af-gartay ayaa waxaa ka mid ahaa, in dowlada gebi ahaanba la kala diro, isla markaana uu Raysul-wasaaruhu uu soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh, hase ahaatee arimahaan ayaa waxay keeneen in dhismaha xukuumadu uu waqti badan qaato, waxaana soo baxay hadal hayn fara badan oo ku saabasan dhismaha xukuumada cusub, taasoo ay ka mid tahay in Mas’uuliyiinta sarsare ee dowlada ay isku qabtaan qaabka loo soo xulayo xubnaha Golaha Wasiirada DFKMG, inkastoo markii dambe arintaasi ay ka soo wajahday culaysyo caalami ah iyo kuwo gudaha  sida aan ka helayney ilo wareedyo hoose. 

Ku dhawaaqista dhismaha Golaha Wasiirada cusub ee Dowlada Prof; Cali Maxamed Geedi kadib, waxaa soo baxay mucaaradad xoog badan oo dhinaca xubnaha Baarlamaanka ah, sidii ay kalsoonida u heli lahayd Xukuumada cusub ee uu soo dhisay Raysul-wasaare Prof; Cali Maxamed Geedi, iyadoo aan taasi lagu guulaysan ayaa dowlada waxay ka qayb gashay shirkii labaad ee dibu’heshiisiinta Magaalada Khartuum oo dhowr jeer lagu hungoobay qabsoomidiisa, waxayna labada dhinaca DFKMG iyo Maxkamadaha isla soo saxiixdeen heshiis ka kooban 11-qodob. 

Intii uu shirka socday waxaa safaro kala duwan dalka dibadiisa ku aaday Mas’uuliyiinta sare ee Dowlada iyo Maxkamadaha, iyagoo si gooni gooni u tagay Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya,  iyagoo kala qabayna fikrado kala gedisan, hase ahaatee Urur Goboleedka IGAD oo ku shiray isla bishaas ayaa waxay soo saareen go’aano lagu doonayey sidii Ciidamo shisheeye oo ka socda IGAD loo geyn lahaa dalka Soomaaliya. 

Go’aamadan ayaa waxaa si weyn ugu soo horjeestay Madaxda sare ee ee Maxkamadaha Islaamiga, xubno ka mid ah Urur Goboleedka IGAD oo ay ku jiraan dowladaha deriska qaar ka mid ah, waxaa jawaab aan la filaynin ka bixiyey Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Col/Barre Aadan Shire wuxuuna yiri “in Ciidamo shisheeye  dalka la keeno ma ogolin, waxaana ku filan ciidamadii XDS”, wuxuu keloo ku dhawaaqay in maamul Goboleed Jubba Land uu dhisayo oo ka kooban labada Jubba iyo Geddo. 

Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka wuxuu noqday mid dhaliyey khilaafyo fara badan oo uusan filaynin, waxaa ka daba hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira madaxda Dowlada, Siyaasiinta deegaanadaasi, Hogaamiye dhaqameedyo iyo Ururo bulsho oo ka jiray deegaanadaasi, waxaa Magaalada Baydhabo ka bilowday dibad baxyo looga soo horjeedo hadalka Wasiirka. 

Magaalada Baydhabo oo ahayd xaruntii Dowlada FKMG daddweynihii deganaa waxay isu diyaariyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan, laakiin markii la gaaray xiligii isu soo baxa, wax yar ka hor waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ka bilowday is rasaasayn ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan,  kadib markii ay isku dhaceen Koox ilaalo hore uga ahayd Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo iyo Ciidamo ka amar qaadanayey Taliyaha Ciidamada Booliiska DFKMG Gen, Cali Madoobe. Oo gacan ka helaayey Ciidamo kale oo hore u joogay agagaarkaasi. 

Is rasaasayntaan ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin fara badan oo isugu jira Siyaasiinta deegaanka, Wagarad iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada, waxaana soo baxay mawjado hadal ah oo wata caro kala duwan, waxaa khal khal galay Amaankii Magaalada Baydhabo, waxaa la qaaday Baandowgii saarnaa Magaalada Baydhabo in mudo ah, iyadoon cidina lagu wargelin in la qaaday, Ciidamadii Booliiska waxay maalmo ku xeroodeen Xeryahoodii, waxaana dhegaha daddweynaha nabada jecel ku soo dhacaayey in la ugaarsandoono qaybaha kala duwan Ciidamada DFKMG siday u dhan yihiin, hadii lagu arko iyagoo dirayskooda wata Habeenkii Magaalada Baydhabo, waxaa dhibaatadii dhacday,  dusha laga saaray Sarkaalkii ugu sareeyey Ciidamada Booliiska DFKMG. 

Iyadoo arintaasi daddweynaha iyo Mas’uuliyiinta kala duwan ee ku sugan Baydhabo aysan ka qaadan mowqif midaysan oo la wada og’yahay ayaa waxaa dhacay Qarax geystay khasaaro naf iyo maal leh oo la doonayey in lagu dilo Madaxweynaha DFKMG Col/C/llaahi Yuusuf Axmed. 

Qaraxaan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Irida Xarunta Baarlamaanka DFKMG ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa daqiiqado gudahood Indhaha iyo Dhegaha Caalamka ay ku soo jeesteen sawirada Qaraxa, Xaalada Siyaasadeed, tan Nabad-gelyo iyo waxa ka dabeeya, Qaraxaan oo ahaa mid aan Soomaaliya waligeed lagu arag, laguna maqlin, waxay keentay in ay hadlaan dadd in mudo ah aamusnaa, ayna naxaan dadd aan diyaar u ahayn inay naxaan, waxaa farxay dadd aan farax ku haboonayn, waxaana dhashay Maalin dareen kala duwan wadata, waxaa sii furmay Al-baabkii shekiga iyo Fowdada, waxaana ruux kasta ka lumay koontaroolkii, waxaana la galay saacado wata cabsi badan. 

Qaar ka mid ah ilaalada Mas’uuliyiinta kala duwan ee dowlada waxay ii sheegeen markii uu Qaraxu dhacay, daqiiqado kadib waxaa hoolka Baarlamaanka isugu soo uruuray wax alle wixii ilaalo ahaa ee la socday Mas’uuliyiinta ku sugnaa Hoolka, waxaana qadar daqiiqado ah khal khal galey amaanka, iyadoo laga cabsi qabay in halkaas uu ka dhaco dagaal Af-saar ah, waxaa goobtii yimid Ciidamada Booliiska. 

Saacado kadib waxaa soo baxay in lays-weydiiyo cida ka dambeysay Qaraxaan, waxaana laysla dhexmaraayey horta Qaraxaan yaa ka dambeeya, Ma Qabiil baa leh, mise Qaran baa leh, arimahaasi iyo kuwo kale oo badan, waxaana la xiray dadd badan oo wadaado ah, islamarkaana lagu sheegay inay qayb ka ahaayeen dadkii ka dambeeyey Qaraxa, waxaa la adkeeyey amaanka goobihii kala duwanaa ee ay joogeen Mas’uuliyiinta dowlada, iyo guud ahaan Xarunta ay ku sugan tahay dowlada, waxaana soo baxay is’bedelo aysan dadku si guud u wada fahmaynin, kuwaasoo ay ka mid yihiin in marka mas’uuliyiinta dowlada qaarkood xarumahooda ay kasoo  baxayaan la dhigo ilaalo gaar ah oo isugu jira kuwo wata qoryo iyo kuwo nabad-sugid ah goobaha ay marayaan, waxaa Hoteelada Magaalada lagu wargeliyey in ay diiwaan geliyaan dadka cusub ee soo seexda. 

Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxaa mar seddexaad dib laysugu soo noqoday shirkii dibu-heshiisiinta Khartuum oo ay Jaamacada carabta soo qaban qaabisay, midkaasoo aakhirkii lagu guul dareystay inuu si habsami leh u furmo, oo waa lagu soo kala dareerey, waxaana Magaalada Muqdisho yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan Sh, Aadan iyo wafdi xildhibaano oo uu hogaaminayo, arintaan ayaa waxay dhalisay dareen weyn oo cabsi leh, waxaana durbadiiba soo baxay khilaaf xoog leh, waxaa hadalo isu burinaayo ay ka soo yeereen Xubno ka tirsan Mas’uuliyiin dowlada, waxaa imaashiyaha Gudoomiyaha baarlamaanka soo dhaweeyey dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida dacaladeeda, halka qaarkood ay ka digeen inuu imaashiyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Magaalada Muqdisho keeno khilaaf hor leh. 

Waxaa layaab iyo amakaag ah ciidamada dowlada u xareysan lama siiyo Mushaar iyo nolol maalmeed ku filan, isla markaana waxaa maalin walba la furaa tababaro is-daba joog ah, waxaana loo diyaarinayaa inay xabada isu dhigaan si ujeedooyinka dowlada loo fuliyo, waxaana intaa usii dheer in lagu maslaxo waxyaabaha maanka dooriya sida Jaadka, waxaa Magaalada dhexdeeda aad ku arkaysaa, qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka dowlada u xareysan oo ay horjoogayaashooda   jaad ugu qaybinayaan Magaalada dhexdeeda, hase ahaatee qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta dowlada marka ay jago doonayaan waxaan hadalo hoose ku maqalnaa in lacago fara badan la bixiyey, waa yaab kale oo u baahan in wax badan laga ogaado.

Qaar ka mid dadka aqoonyahanada, wax-garadka iyo siyaasiinta hawlgabka ah oo arimahaan siweyn ula socda arkeyna ,  isla markaana  ah xeel dheereyaal dhinaca sharciga iyo Militeriga  ayaa waxay ka muujiyeen wal wal weyn, sababtoo ah iyadoo saraakiishii hore ee dowladii militeriga qaarkooda isticmaali jiray balwada loo caal waayey dhaqaalaha ku baxaayey iyo sida lagu xukumidoono kuwaan doonayaa in lagu hubeeyo jaad.

Xiligii aantegay Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxaan tegay laga soo bilaabo 26-kii Febraayo 22-kii Oktoobar 2006-da, marka laga reebo laba bilood oo aan ku sugnaa Marko iyo Muqdisho oo aan hawlo shaqo u joogay, mana ahayn waqtigii iigu horeysay oo aan tago magaalada Baydhabo.

Markii tageyaayey Magaalada Baydhabo iyo markii aan ka soo tegayeyba waxaa u dhexeeyey farqi aad u weyn, hadii aan soo koobo, Hoteelkii iigu horeeyey ee aan ku degay markii aan seexaday habeenkii subaxii waxaa lagu bilaabay dayactir, taasina waxaa keenay waxay ahayd jiif la ‘aanta ka jiray xiligaas, waxaana ku soo ququlaayey dadd kala duwan.

Qiimaha Hoteelku wuxuu ahaa mid hoose, maalmo kadib wax baa lagu daray heer uu gaaro inta kuwa kale lagu seexdo, Nolosha Magaalada xiligaasi waxay ahayd mid aad u liidata, xitaa hadii aad lacag wadatay, ma heleyn waxa aad rabto, ma jirin Baabuur la raaco, magaalada waxaa gees walba Qoryo  la dhexmaraayey maleeshiyooyinka deegaanka, inkastoo xiligaas aan cabsida hada jirta aysan ka jirin, Mas'uuliyiinta xiligaas joogay waxay ahaayeen kuwo la yaaban nabad-gelyada Magaalada Baydhabo sida hada  loona yaaban yahay Muqdisho, laakiin Mas'uuliyiintii xiligaas la arkayey waqti walba hada lama arko, hadii aad aragto waxaa la socda koox qoryo wadata, taasina way kuu cadahay waxa ka jira. 

Sidoo kale sida Magaalada ay uga dhaceen qaraxyadii iyo dilka mas'uuliyiinta waxaa jira kooxo u xilsaaran wax kasta oo ku soo kordha magaalada, ha ahaado ruux iyo wixii la mid ahba, waxaana jira dabagal aad u balaaran, laakiin sidaas ay tahay dowladu ma awoodo inay fuliso hashii ay doonayso marka laga reebo wax-yaabo yar yar oo iska caadi ah oo dadka deegaanka ay ogol-yihiin, iyadoo waliba waqti badan qaadata ka dhaadhicintooda arimahaas, dadka soo gala Magaalada ee saaran baabuurta kala duwan qaarkood waxaa lagu reebaa Barkoontaroolada ama waxaa loo gudbiyaa baabuurta saldhiga Booliiska halkaas oo su'aalooyin lagu weydiiyo, Magaalada dhexdeeda waxaad ku arkaysaa ciidamo Ethobia ah oo wata Baabuurta dagaalka iyagoo gashan dharka lagu yaqaano maleeshiyooyinka Soomaalida, waxa keli ah oo lagu kala saarikaro ayaa waxay tahay qaabka Hubka ay u wataan iyo feejignaanta ay qabaan, qaarkood waxaad moodaa Soomaali, waxayna la bexeen Gar weyn, isla markaana waxayna qaateen Cimaamado guduudan, qofka ku cusub deegaanka wuxuu u malaynayaa inay wadaado Soomaali yihiin. 

Dhinaca kale Markii ay qabsadeen Maleeshiyooyinka Maxkamda Islaamiga  Magaalada Muqdisho ayna sugeen ameenkeeda waxaa taageeray qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed  oo ku kala nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa, waxaana safaro kala duwan oo aan kala go’ lahayn dalka ku yimid inta badan aqoon-yahanadii qurbo jooga ahaa, waxayna la shireen Mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamiga, iyagoo u gudbinaya talooyin wax ku ool ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba, balse taasi waxba laga ma soo qaadin marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah mooyaane, taasina waxay muujinaysaa inay kala mid yihiin Hogaamiye Kooxeedyadii 16-ka sano ku hardamaayey hogaanka dalka iyo Magaalada Muqdisho, kadib markii shirar badan  loo qabtay iyo fariimo lagula talinayo loogu soo gudbiyey Warbaahinta dalka iyo dibadba, hase ahaatee taasi waxba kuma qaadan hogaamiye kooxeedyadii oo haroogoodii wuxuu hada ku sugan yahay Magaalada Baydhabo iyagoo qaarkooda DFKMG ay ka mid yihiin, halka kuwa kale iyaguna ay wadnka isaga haajireen. 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ugu horeeyey ee dalka ka jiray  in mudo ahna dagaal ugu jiray sidii talada dalka uu gacanta ugu dhigi lahaa. 

sida uu warbaahinta ka sheegay qudbadiisii ugu horeysay ee uu jeediyo markaad dib u dhuuxdo waxaa laga dhadhansan karaa mid is burinaysa wuxuuna yiri “ Aniga waxaa laygu xantaa inaan ahay nin dagaal, laakiin wixii maanta ka dambeeya waxaan ahay nin nabdeed, xilka aad ii dhiibteen ama waa laygu dilayaa, ama waan iska dhiibayaa, hadii kale wax baan dalka ka qabandoonaa”. 

Hadaladaan waxay muujinayaan inuusan ka tanaasulin waxa uu sheegayey, sababtoo ah dalka hada waxaa ku sugan Ciidamo shisheeye oo aan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed lagu keenin, ciidamadaan ayaa waxay ka soo jeedaan dowladaha deriska oo in mudo ah dagaal kala dhexeeyey dalka Soomaaliya, codsashada ciidamada shisheeye iyo in dalka Soomaaliya cunaqabataynta hubka laga qaado, dhamaan hadaladaan iyo kuwo kale oo fara badan waxay ku tusinayaan inaan wali dagaaladii sokeeye laga bixin, lama oga in madaxweyne C/llaahi Yusuf uu hilmaamay iyo in kale hadaladaan iska soo horjeeda, dagaalkuna dhibaatooyinkiisa isagaa hore u sheegay oo wuxuuna yiri “Jabhadnimo waa Jahano oo wax fiican ma ahan”. 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wali kuma quus qaadanin sida loo galay saaxiibadiisa oo qaarkood hada la jooga, halkii laga rabay inuu wax badan daweeyo, waxaa dhibaataysan ciidamadii isaga ciidan u ahaa oo ma haystaan wax mushaar ah, wuxuuna jecel yahay inay xabada ka difaacaan, waa yaabka yaabkiis. 

Waxaa gacan ku haynta degmada Diinsoor la wareegay Maamulka Maxkamadaha Islaamiga maalmo dhow, waxaa maalmo la xiray Isgaarsiintii Degmada, taasoo ganacsatada degmada iyo shacabkii ku nolaa laga dhigay xuquuqdoodii mid aan jirin, waxaa idaacadaha qaarkood ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho laga siidaayey in ay la wareegeen gacan ku haynteeda DFKMG, taasoo aysan ka haysan warar xaqiiqo, sida la og’yahayna ay tahay in Tikniko iyo Ciidamo ku sugnaa deegaanka Unfuroow oo ay la haayeen Beelaha dega deegaankaasi, markii ay maqleen in maxkamadaha Islaamiga ay qabsadeen Degmada Diinsoor oo u cararay laga dhigay wax gacan ku haynta degmada ay la wareegeen DFKMG, si isku dhacyo looga abuuro deegaankaasi, mana ahan markii ugu horeysay oo warar aan la hubin ay ka soo tabiyaan Idaacadaha Qaarkooda, inkastoo aan la ogeyn wax ay uga danleeyihiin. 

Dhowaan waxaa afaafa hore ee Magaalada Baydhabo ka dhacay qarax labaad oo ay ku dhinteen sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska iyo qaar ka mid ah shacbi  Soomaaliyeed oo saarnaa baaburta kala duwan ee lagu baarayey halkaasi, lama oga sababaha qaraxaasi iyo Cida ka dambeysay, balse warar soo baxayey waxay sheegayeen in Gaari Market Two ah oo ay saaran yihiin haweenay iyo laba rag oo mid uu yahay darawalka Gaariga oo magaciisa la iigu sheegay Abukar Eelaay u ahaa gaariga qarxay.

daauud
C/llaahi Sh, Maxamed Daa’uud
diyeeshe
Maxamed Maxamuud Rooble (Diyeeshe)
Maye
Xaaji Maxamed Xaaji Maye

Darawalka gaariga ayaa la iigu sheegay in markiisa hore laga kexeeyey Magaalada Muqdisho, isagoo qaab makaaniko ahaan loo waday, markii uu gaariga sameeyeyna lagu yiri inoo gee Magaalada Baydhabo, isagoo aan waxba kala socon wax gaariga ku rakiban iyo goorta la qarxin rabo.  

Hadaba :-

Hadaba iyadoo ay og’yihiin waxaas iyo wax ka badan shacbiweynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhamaan Bulshoweynta Caalamka ayaa waxaan qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Magaalada  Muqdisho wax ka weydiinay aragtidooda ku aadan, Mar hadii Hogaamiye kooxeedyadii 16-ka Sano burburiyey dalka guud ahaantiisa, isla markaana ay kala qaybiyeen guud ahaan wadanka oo dhan, oo intoodii badnayd laga ceyriyey Xarumihii ay ku sugnaayeen, ayna ku soo hareen Magaalooyinka Baydhabo, Hargeysa, Gobolada Woqooyi Bari iyo Mudug, iyagoo qaarkood sheeganaya inay ka mid yihiin DFKMG, halka qaar kale ay sheeganayaan inay ka go’een dalka intiisa kale iyo kuwo kale oo iyagana sheeganaya inay dhisteen maamul Goboleed madax banana, ayna soo baxeen Maxkamado Islaami ah oo Koofurta dalka intiisa badan gacanta ku haya, iyagoo doonaya inay dalka ku soo rogaan Xukun Islaami ah, qaybo ka mid ah dalka Soomaaliyana  ay ku sugan yihiin Ciidamo Ajnabi ah oo ka socda Dowladaha deriska, lagana yaabo inay soo socdaan kuwo kale oo dunida, shacabka Soomaaliyeedna uu qarka u saran yahay in mar kale uu la kulmo dagaal waqtiyo hore laga soo gudbay inuu dib ugu noqodo, iyadoo Gobolada qaarkood shacabkii ku noolaa ay uga barakeceen Fatahaada Wabiyada Shabeele iyo Jubba, oo walina aysan jirin Maamul laysku raacsan yahay oo ka hirgelay dalka oo wax u qabta shacabka, hadaba maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed inuu sameeyo!!?. 

Ugu horeyn C/llaahi Sh, Maxamed Daa’uud oo hore uga mid ahaan jiray Xildhibaanadii TNG-ada Carta oo hada ka mid ah Ganacsatada yar yare e Suuqa Daawada ee Barkaaro oo aan kula kulmay goobtiisa shaqo ayaa qaba fakir ah “ Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa xaalad Tiih ah, taasina ilaahay baa waqti u sameys’tay oo inagu ma ogin xiliga laga baxayo, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed wuxuu u kala qaybsan yahay DFKMG, Maamulka isku magacaabay Somaliland, Puntland iyo Maxkamadaha Islaamiga, intaasina waxay ku haystaan Qori caaradiisa, taasina waxaa looga gudbi karaa, waxaan la helaynin oo aan ula jeedo in faragelinta shisheeye laga daayo arimaha Soomaaliya, isla markaana layska daayo qabiilka, sababtoo ah Soomaalidu way is fahmeysaa oo waa isku Af, Diin,Dhaqan iyo isku Sinji, hadii arintaasi la waayo Soomaaliya waxay gelaysaa Maxmiyad, waxaana ka faa’iidaysanaya Dowladaha waaweyn ee dunida, waxayna dib ugu noqonaysaa gumaysigii hore, waayo ma hayno tabar aan wax is kaga difaacno ayuu hadalkiisa ku soo koobay”. 

Maxamed Maxamuud Rooble oo ka  mid ah raga ku hawlan hawlaha Gawaarida ee Gobolka Baay aada, islamarkaana ka mid ah dadka degan Magaalada Muqdisho ayaa qaba fakir ah “ Shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan waxaa la gudboon, inay mar kale ay kacaan, sababtoo ah waxaa maqan xuriyatul qowl-koodii, waxaana laga dhigay mid cabursan, xalkuna wuxuu ku jiraa, in kuwa hada sheeganaya Mas’uuliyiinta kala duwan iyo Hogaamiyeyaasha shacabka in ay  si toos ah u wada kulmaan, maadaama ay luntay kalsoonidii dowladii dhexe ee Soomaaliya isu keeni lahayd, hadii arinkaasi la waayo wadanku wuxuu halis ugu jiraa inuu maxmiyad galo, marka shacabka Soomaaliyeed waa inay ka fekeraan maslaxadooda”. 

Sidoo kale Xaaji Maxamed Xaaji Maye oo ka mid ah Beeralayda ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan kula kulmay Boosteejada Baabuurta aada qoryoolay ayaa isana qaba fakir ah “Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay raacaan Maamulka Maxkamadaha Islaamiga, sababtoo ah 16-Sano dhibaato socotay ayey mudo 3-Bilood gudahooda ku soo Af-jareen, hadii dadka shabeelaha hoose ahaana u hadlo waxaan taageer-sanahay in maamulkii hore uu inoo jiro, hadii shacabka Soomaaliyeed uu taageeri waayo Maxkamadaha Islaamiga, waxaa ku imaandoona dhibaatooyin hor leh oo dhiig badan uu ku daato, xalka keliya ee dalka iyo dadka  lagu dhaqi karo waa  Kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga {NNK} ha ahaatee iyo in la helo Madax u shaqeysa dadka, diinta iyo Dalka”. 

W/D:- Maxamed Macallin Cismaan {Allman}
Emeil:- fatxumaalik@hotmail.com
Emeil:- fatxumaaliky@yahoo.com

Adigoo jiran haygu soo noqonin...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD