SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XABASHI IYO DAMEERABA OODDA  U DHOW BAY CUNAAN !!

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Dec 9, 2006


    Markii uu dhacay shirqoolkii Gurdumi ee la rabay in Sayid Maxamed lagu dilo ayuu isagiina ka aarsaday oo ku sameeyay dhacdadii ”Gondo-gooye”. Gonda-gooyena wuxuu keenay inay colaadii Sayidka iyo Ogaadeenka sii korodho, oo ay gaadho meel aad iyo aad u fog. Odayaashii Maxamed Subeyr waxay go'aan ku gaadheen inay Sayidka u raadsadaan cid ka celisa oo dawlad ah, maaddaama oo aysan iyagu iskacelin karin. Waxayna u tageen xabshi oo dameero saaran oo xittaa aan heli karin Baqalo iska daayee Fardo, oo markaa joogtay meel Adari “Harar“ wax yar ka sokaysay.

   Xabashidii markii loo tagay, arrintaas aad ayay u soo dhowaysay, sababtoo ah waaba waxay rabtay inay sii durugto oo dhulka Soomaaliyeed ee muddada laga hortagnaa ay gasho. Waxayna shuruud uga dhigtay inay bixiyaan Gibir(Canshuur) ah xoolo ay ciidamada Xabshida ee difaacaya cunaan, taasna Ogaadeenkii way la ogolaadeen. Caqliga Alle idinka qaad! Maalintaas ayaa ugu horraysay Xabashi hoos u soo dhaafta magaalada Jigjiga. Sidii bayna illaa iyo hadda u joogaan.

 Haddaba nimankii Xabashida u yeertay ee kula heshiiyay inay canshuur siiyaan ciidamada Xabashida, waxay xabashidii kala kulmeen wax aad iyo aad u fool xun iyo gumaysi kan ugu xun adduunka. Waliba waxay la kulmeen markii uu Sayid Maxamed dhintay ee ay Daraawiishtiina burburtay.

   Waxayna shacabkii ku billaabeen inay xidhxidhaan oo iska laayaan, hubka iyo xoolahana ka dhacaan, iyagoo degmo kastaa u sameeyay nin madax ah oo iyaga raacsan. Waa caadadeed oo kama guurtee waxay dhibki iyo rafaadkii kula kacday oo uguba horraysiisay raggii madaxda ahaa ee iyada markii horeba keensaday.

    Waxaa magaalada Qabridahar ka dhacday arrin taariikhda gashay oo aan marnaba la illaawin, waxayna waliba ku biirtay diiwaanka murtida. Arrintaasu waxay ahayd;- Nin ka mida raggii odayaasha ahaa ee Xabashida keensaday ayay maalin waxay ku qoonsattayba, suuqa Qabridahare badhtankiisa ku garaacday, iyadoo waliba aad iyo aad suuqa loo buuxo.

   Markii ay ushii ku billaabeen ayaa afka ma uu yaqaanee, wuxuu mid ka mida dhalin-yaradii magaalada oo iyagu afka dhaqso u bartay siday u dhex galayeen Xabashida, ku yiri war igala hadal... War igala hadal...... War igala hadal... adigaa afka yaqaanee. Wiilkii oo ahaa mid aad iyo aad u maskax badan kana xumaa gumaysiga ay odayaashu keeneen ayaa ku yiri;-“Afkaad Harar kaga keentay kula hadal!!“.

   Allaylahay abaalkooda ayaa helay. Iyaga kaligoodna ma ahaynee cid kastoo Xabashi soo wadata aakhirkii iyada uun bay dishaa. Taasna waxaa inoo caddaynaya, markii ururka SSDF ay soo kaxaysteen Xabashida si ay xukunka Siyaad Barre uga tuuraan, waxay u diideen awooddii jabahadnimo, is faham xumi weynna uu ka dhex abuurmay. Sababtoo SSDF waxay rabtay inay xukunka Siyaad burburiso, Xabashidana ay arrintaas u kaashato. Xabashiduna waxaya rabtay iya waddanka Soomaaliyeed inta ka maqan qabsato iyadoo SSDF ugu dhuumanaysa.

     Taasna waxay aad u muuqattay markii ay SSDF-tu magaalo qabsataba oo ay rabto inay calankooda ka taagtaan ayay Xabashiduna intay kan SSDF ka siibto keeda ka taagi jirtay. Waxay kaloo u diidday inay iyagu maamulaan, magaalooyinkii la qabday sida, “Gol-dogob iyo Balanbal“. Khilaafkaasuna wuxuu markii danbe ku danbeeyay in guddoomiyihii SSDF C/Laahi Yuusuf lagu tuuro Xabsiga Xabashida, kaasoo ahaana ninkii ugu horreeyay ee Xabashi inta u galay la soo safray. 

    Waxaa kaloonu ognahay in jabhadda SNF ee uu guddoomiye u ahaa Cumar Xaaji ay u yeerteen 1996kii iyagoo kula dagaalamayay ururka Al-itixaad ee gobolka Gedo. Hadaba maxay iyaguna ku danbeeyeen?!. Waxay ku danbeeyeen fool-xumo nooca ugu daran, waxayna gaareen saraakiishii iyo jananadii ururka SNF inay suuqaqa gobolka Gedo dhexdiisa ku garaacaan wiilal yar yar oo injir leh.

      Waliba waxaa taas kaba sii darraa in maamulkii iyo hawlihii socdayna waxba aan looga ogolaan, illaa markii danbe uu Cumar Xaaji intuu cararay uu Baar-dheere kaga khudbeeyay:-  

 “Cadaw aan Xabashi ahayn ma lihin“,  

 Shalayna wuxuu lahaa:-

  “Cadaw aan Itixaad ahayn ma lihin“.  

 Waxaa kaloonnu ognahay in xilligan hadda lagu jiro ay wali sidii u haysto iyadoo ururkii SNF laba garab  ay u kala jabeen, waxayna ka dhistay maamul raacsan dawladda Xabashida. 

 Waxaa kaloo iyadana jirta in jabhadihii Bay iyo bakool raggii xukumay oo uu ka mid ahaa Shaati Guuduud iyo Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe aysan maanta faraha ku hayn degaankii ay ka dhasheen ee ay iyagu ku amarku-taaglayn jireen. Maantana meel kastoo muhiim ah ay xabishidii ku maamulayso. 

   Maanshe Soomaalidu tiri:- 

 “Xabashi iyo dameeraba oodda u dhow bay cunaan”!   

 Wallee waa run, saa ruux aan u dhowayn ama aan soo dhowaysan waxba ma yeeshee. Horaase loo yiri,:- 

 “Sooaamlidi been way sheegtaa, laakiin been ma maahmaahdo“.  

 Waxay kaloo Soomaali horay u dhaneen, iyagoo hees ku sheegayay, 

       Nin Abeeso koriyoow

       Adigaa u aayiyee

       Axdi malahan Xabashida

       Lagu aaminaayee.  

 Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
 Chairman of  The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
 Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD