SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 8, 2006

  • DGPL: Culimadu haddii laga maqlo kelmeda Jihaad waxay mutasanayaan xabsi....
  • Maamulka Soomaliland oo lagu eedeeyey inay u Adeegaan Xukuumada Ethiopia
  • Walaal Soomaaliyeed oo ku Cadilan Queta - Equador (Latin America )

Bosaso: Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Booliska Boosaaso iyo Dad ku jiray masaajid kahor khudbadii salaada jimcaha ee maanta - Dec 8, 2006.

Iska hor imaad hubaysan ayaa maanta ku dhexmaray ka hor inta aan khudbadii salaadii jimcaha laga akhrin magaalada Bosaso ciidamo ka tirsan Booliska magaalada Bosaso iyo Dad ku tukanayay masaajid ka mid ah masaajidada ugu waawayn magaaladaasi oo lagu magacaabo masaajidka Arashiid.

Booliska ayaa yimid masaajidka ka hor inta aan la khrin khudbadii salaada jimcaha waxayna waydiisteen in la tuso khudbada nooca ay tahay iyo in khudbada laftigeeda la soo mariyay wasaarada cadaalada oo iyadu, waa wasaradee, malintii shalay ahayd sheegtay in aan la akhrin karin khudbad aan la soo marin wasaarada cadaalada DGPL guud ahaan masaajidada puntland oo dhan.

Ilaa iyo hada macada khasaaraha halkaasi ka dhacay in kasta oo la sheegayo in ay halkaasi isku soo xoomiyeen dadwayne aad u badan oo iyagu ka caraysan xaalada ay Boolisku kula dhaqmayaan masaajidka taasina ay markaasi keentay in rasaas la is huwiyo in kastoo aysan gaysan khasaare kadibna ay Boolisku ka tageen markii danbe masaajidka.

Xaalada ayaa la sheegayaa hadii ay sidan ku sii socoto ay wax badan isbedeli doonaan iyada oo la hadal hayo kacdoon ka dhan ah xukuumada Cadde Muuse in uu ka bilowdo guud ahaan puntland hadii ay sidan ku sii socoto xaaladda ay la soo baxeen waayadan danbe madaxda puntland ee lagu kantaroolayo khudbadaha masaajidada.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay meelo kamida koonfurta soomaaliya oo loogaga soo horjeedo ciidamada afrikaanka ee ay golaha amaanku ansixiyeen.

Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay meelo badan oo kamida koonfurta soomaaliya islamarkaana lagaga soo hor jeedo Go,aanka kasoo baxay golaha amaanka ee ay ku Qaadeen xayiraada hubka ee saarnayd soomaaliya iyo keenista ciidamo afrikaan ah waxaana banaanbaxani ka kala dhacay studyow konis oo ah magaalada muqdisho iyo magaalada kismaanyo ee xarunta jubada hoose.

Sidoo kale Banaan baxayaasha ayaa waxaa Muuqanayey cadho xoogan oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ciidamada afrikaanka ah ee dalka la keenayo Banaan baxayaasha ayaa isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta ee Banadir Stadium oo ay isugu soo baxeen Shacabka kudhaqan Gobolka Banaadir oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobay .

Banaanbaxan oo ay kasoo Qayb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa Halkaas khudbado, kasoo jeediyey masuuliyiinta golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed sida ; Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mas'uuliyiin kale oo ay kamid yihiin Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey iyo Mas'uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale kusugan Banaanaxa halka uu ka dhacayo oo markii ugu horeysay kasoo qeybgashay Barbaarta gaashaaman oo iyagu sita waramo iyo gaashaankii , waxayna ku dhawaaqayaan iminka ereyo ay kamid tahay NIN DIINTA DIIDAY HA U DANEYNIN DALKAAGANA HADIBINDAABYEYNIN iyo ereyo kale.

Si kastaba ha ahaatee Banaanbaxayadan kala duwan oo isku ujeedada ah ayaa waxaa ay ka kala dheceen magaalada muqdisho ,kismaanyo iyo magaalada beledweyne islamarkaana dhamaantood lagaga soo horjeeday Go,aanka kasoo baxay QM ee ay xayiraada hubka kaga qaadeen soomaaliya iyo ciidamada afrikaanka ah ee lagu soo wado dalka soomaaliya waxaana halkaas lagu gubay calanka marykanka iyo kan itoobiya.

Dagaal culus oo ka Dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamada golaha maxaakiimta islaamka iyo ciidamada dfkmg ah iyo kuwa itoobiyaanka islamarkaana laysu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan dagalkan oo ah mid aad culus ayaa wararka naga soo gaadhaya ay sheegayaan in uu ku faafay deegaanada ku xeeran degamadaasi islamarkaana aan weli la xaqiijin karin cida ku gacan saraysa xiriirka isgaarsiinta oo go,an awgeed .

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanadasi ayaa intaas ku daraya inay jiraan hub lakala gubay iyo weliba mid lakala Qabsaday islamarkaana aan weli la shaacin ilaa iyo hada cida ku gacan saraysa .

Ma jiraan ilaa iyo hada wax u hadalay labada dhinac oo kasoo baxay dagaalkan waloow ay jiraan warar hoosaadyo sheegaya in dagaalkaasi uu ku faafay deegaankaas ,magaalada diinsoor ayaa hilaadii 120km u jirta magaalada fadhiisinka u ah DFKMG ah ee baydhabo islamarkaana wararka kasoo baxaya baydhabo ay sheegayan in gurmad badani uu ka baxay magaaladaasi .

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa ka saamayn ballaaran dagaaladii hore islamarkaana lagu sheegayaa inaan weli la sheegi karin Qasaaraha dhabta ah ee ka jira halkaasi

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

KITAABKA XAJKA::: Akhri ama soo rogo kitaabka xajka iyo cumrada oo ka kooban 84 bog... | pdf (Waxaad u baahan tahay pdf reader..)
Xajka iyo Axkaamtiisa
Ma uso cotaa Xajka? marabtaa adoo diyaarsan oo bartay sida loo guto Xajka inaad tagto?, halkan ka dhagayso Muxaadaradan cusub ee kaa kaafin doonta Axkaamta Xajka iyo Cumrada insha alaah oo uu inoo soo diyaariyey Shiikh Cismaan Xaaji Maxamed
Dhegeyso
XAJJKA1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad6aad7aad  | Video Xajjka

DGPL: Culimada haddii laga maqlo kelmeda Jihaad waxay mutasanayaan xabsi....

SomaliTalk.com | Waxaa lagu war galiyay Culimada ka akhrisa khudbada Salaada Jimcaha masaajidada ku yaal Puntland in aysan khudbadooda aysan kaga hadli karin Jihaad ka dhana Ciidamada Ethobian-ka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya, wargalintaa ayaa laga hor akhriyay kulan la'isugu yeeray Culimada Xarumta Gobolka Bari. Wareegtadaa ayaa waxaa soo Diyaariyay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta DGPL, waxaase Arintaa diiday Culimada oo sheegay in ay Caqiidada aysan ahayn mid laga farayo Xarumaha Dowlada.

Culimadaa ayaa jimcihii lasoo Dhaafay masaajidad ka sheegay in ay shacabku waajib ku tahay in ay jihaadaan hadii ay ciidamada Shisheeye aysan ka bixin dhulka Soomaalida, Maamulka ayaa amren in la soo qabto Culimadaa ayadoo markii ay maqleen Culimada ay isku Gadaameen Dhallinyaro hubaysan oo eheladoodaa, Mid kamida Culimada oo lagu magacaabo Nadiir oo lagu xiray Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ay ka soo dayeen Gudiga culimada iyo Ehaladiisii. Waxaa taas ka horeysey xarigii Sh. Daahir oo isagana xabsiga lag asoo daayey kaddib markii uu xirnaa laba maalmood.


Maamulka Soomaliland oo lagu eedeeyey inay u Adeegaan Xukuumada Ethiopia

Mid ka mid ah saraakiisha dhinaca ciidamada ee maamulka Somaliland oo u waramayay mid kamida Warbaahinta muqdisho ayaa shaaca ka Qaaday in dowladda Ethiopiya ciidamadoodu ay maamulka Somaliland ay ku amraan si ay u fuliyaan danahooda gaarka ah.

Col,C/rashiid Cali Cabdulle oo sheegay in uu yahay taliyihii ciidamada Booliska ee Tog wajaale ee maamulka Somaliland, ayaa dowladda Ethiopia ku eedeeyay in ay xadgudub xoogan ku hayaan dhulka Somaliland islamarkaana sheegay inay maamulka ka jira somaaliland uu gacanta ugu jiro Melez zanawi oo ah Raysal wasaaraha itoobiya .

Sarkaalkaan ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay dhowr jeer ku amreen in uu soo xidh xidho dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ku soo oogeen dambiyo been abuur ah oo lamida waa argagixiso ama waa nin muslim ah oo ay ka muqato caalamadaha sunahihii nabigeena (SCW).

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa soo Bandhigay waraaqo cadeynaya oo tilmaamayana awaamiirta saraakiisha Ethiopia ay ku amrayeen dadka Somaliyeed ee ku sugan gobolada Waqooyi ee Somaliland, isagoo sheegay in arinkaan dartiis dhowr jeer ay u xidheen maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee sarkaalkan col,C/rashiid Cali Cabdille ayaa shaaca ka qaaday inuu muqdisho u yimid sidii uga Qayb Qaadan lahaa isbedelka siyaasadeed oo soo ifbaxay ee wadanka ,diinta islaamka iyo karaamadii shacabka loogu soo celin lahaa umada soomaaliyeed islamarkaana uu sheegay inuu doonayo inuu ugu hor maro difaaca diinta iyo dalka soomaaliya looga difaacyo cadowga itoobiya ,Maaha markii ugu horaysay ee maamulka somaaliland ay sidan oo kale uga soo baxsadaan saraakiil ,Horaantii todobaadkaan ayay aheyd markii labo sarkaal oo ka mid ah ciidamada Jiidda hore ee Adhi Cadeeye ay ku soo biireen maxkamadaha islaamka soomaaliyeed.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

  • Siyaasada Itoobiya: Su?aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u aqoonsanno dal madax bannaan. In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga.. Akhri...

Walaal Soomaaliyeed oo ku Cadilan Queta ? Equador (Latin America )

Kadib Xiriir uu nala soo sameeyay walaal Ciise Bashiir, ayaa waxa uu noogu sheegay, in uu yahay Soomaaliga kaliya ee ku nool waddanka Equador, uusana haysan cid u gargaarta. Ciise waxa kale uu noo sheegay in aysan jirin wax qaraabadiisa ah ee uu garanayo, oo jooga dibadda.

Ciise marki hore wuxuu seexan jiran Masaajid ku yaala Queta, laakiin maamulki hore oo la badalay darted waa laga joojiyay inuu seexdo masaajidka. Waqtigan xaadirka ah wuxuu la seexdaa dhalinayaro Muslimiin ah oo si ku meel gaar ah meel u seexiya.

Haddaba dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee isugu jira Rag iyo Dumarba, waxaanu si naxariis leh uga codsaneynaa, inay walaalkaa dhiban dhibka la qeybsadaan, oo ay ugu deeqaan wax alla wixi ay u qaban karaan, haddey noqon laheyd talo, haddey noqon laheyd kaalmo lacag.

Kala xiriir:
Tel: - 00593 99400854
E-Mail issabashiir28@hotmail.com 

Fadlan ama toos ula xiriir ama annaga nala soo xirii midi kuu fudud. Lacagaha waxaa loogu diri karaa Bangiga Wetern Union. Ogow $5 ama wax ka yarba oo ururtay waxbey u noqoneysaa , ee fadlan wax uun ku sadaqeyso. Walaal ogow qofki qof muslin ah kurbo ka qaada, isagan Allaah ayaa maalinta aakhiro Kurbada ka qaada. U gar gaara walaalkaa dhiban, ee keliga ku ah waddankaas.

Qore: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com


Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....


Heshiis Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah Akhri.... Dec 4

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD