SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi   

XAJKA

HABKA CUMRADA LOO GUTO
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 16, 2003
QAYBTA:
1aad | 2aad | 3aad | 4aad

QAYBTII 2aad:

 Ku xiriirsan qaybtii 1aad

 Asalamu aleykum,
Qoraalo muhiim ah oo kusaabsan Xajka oo ku qoran Af Ingiriisi...
 
GUJI HALKAN (Word Document) 

Markii uu qofku gaaro Makka, ha aado Xaramka oo ha dawaafo. Markii aad Masaajidka ka gashid albaabka As-Salaam Kacbada xaggeeda aad adiga oo abbaaraya Xajral Aswadka (Dhagaxa Madow). Xajral Aswadku ma aha Kacbada weyn ee marada Madoobi ku dedan tahay. Xajral Aswadku waa dhagax ku jira Kacbada. Haddaba afarta gees ee Kacbada geesta uu Xajral Aswadku ku jiro soo aad si aad Xajral Aswadka uga bilowdid dawaafka. Diillin (xariiq) madow ayaa Kacbada geeskeedaas ka baxda oo dhulka lagu sameeyey si loogu aqoonsado meesha dawaafka laga bilaabayo. Xarriiqdaasi waa ku taal saddexda dabaq ee laga dawaafo. Saddexda dabaq ee manta laga dawaafo waa: Dhulka, Dabaqa dhexe, iyo Dabaqa sare (saqafka). Gacanta midig  ayaad ku taabaneysaa Xajral Aswadka oo dhunkaneysaa (adiga oo aan cidna dhibeyn) markaas ayaa waxaad oraneysaa: {Bismillaahi Wal-Laahu Akbar}

Haddii zaxmad awgeed ama sabab kaleba aaney suurta gal ahayn taabashada iyo shumminta Xajral Aswadku, gacanta midig ayaad ku ishaareysaa adiga oo xaggiisa soo eegaya.

Xasuus: Waxaa mar walba kaa reebban ?Garabootan? iyo ?Gees dhabaale? waa in aadan cid dhibin, ka xanaajin, kala tuurin, riixin. Mar walba Xujeyda u naxariiso, ajar baa kuugu sugane.

Kaddib dawaafkii (Kacbada lagu wareegayey) ayaad bilaabeysaa oo dhanka midig ayaad u dhaqaaqin. Yacni marka aad wareegaysid waa in Kacbadu kaa xigtaa dhankaaga bidix. Macnuhu waxaa weeye wareeggaagu yaanu ahaan dhanka saacaddu u wareegto ee dhanka liddiga ku ah ha ahaado.

Markaad soo gaartid ?Ruknu Yamaami? oo ah geeska ugu dambeeya afarta gees ama tiir ee Kacbada, gacantaada midig ku taabo haddii ay suurta gal tahay. Ruknu Yamaaniga la dhunkan mayo laakiin haddii aanay suurta gal ahayn taabashadu xaggiisa ayaa la soo eegayaa oo gacanta lagu soo ishaarin.

Ruknu Yamaani iyo Xajral Aswadka dhexdoodana waxaad akhriyeysaa ducadaan: {Rabbanaa aatinaa fiddunyaa xasanah, wa fil aakhirati xasanah, wa qinaa cadaaban-naar}. Macnaha ducaduna waa sidaan: (Rabbiyow na siih adduunyada wanaag iyo khayr, aakhirana khayr iyo xasanaad, cadaabkana naga kori oo . naga dheeree). Ka eeg ducada Suurada Al-Baqarah, aayada #201.

Marka qofku soo gaaro Xajral Aswadka oo ah Ruknigii uu dawaafka ka bilaabay ayaa waxaa u dhammaaday hal wareeg. Markaas ha yiraahdo: ?Allaahu Akbar? isaga oo wareegii labaad bilaabaya. Lix wareeg oo kale ayaa laga rabaa habkaas aan soo sheegnay ayeyna ku soconayaan. Inta uu qofku dawaafayo, Alle ha xuso oo ha ku tasbiixsado oo ha ku dikriyo. Dikriga iyo Tasbiixdu waa inay sunnada Nabiga waafaqsan yihiin. Ogow wuxu markey diin yihiin sidaad doonto uma sameyn kartid ee waa in aan Nabigeenna SCW ku dayannaa. Marka Alle ku xus wax soo arooray sida Subxaan Allaah, Alxamdu Lillaah, Allaahu Akbar, iwm. Sidoo kale Qur?aan akhirso, ducayso oo Alle khayr ka bari, dambi dhaaf ka bari adiga oo aan cid kale la baryeyn. Ogowna Shirkiga in Alle cid aan ahayn la baryo waa dambi Alle laga galo kan ugu weyn Allena uma dhaafo qofkii Shirki ku dhinta isaga oo aan ka toobad keenin. Marka haddii dambigaasi hore kaaga dhacay Alle weydiiso inuu kaa cafiyo hadda kaddibna iska ilaali noocyada kala duwan ee Shirkigu ku yimaado. ?Nin aan kuu furi doonin yaanu kuu rarin?. Marka inta aad dawaafka ku jirtid afkaaga furo oo Alle xus oo ku xamdi, oo weynee, oo isku dullee, oo bari, oo u toobad keen. Saddexda-wereeg ee toddobadaas wareeg ugu horreeya raggu socodka way dedejinayaan.

Marka qofku Kacbada toddoba goor ku soo wareego wuxuu laba Rakco ku tukanayaa Maqaam Ibraahiim gadaalkiis (intuu doono ha ka fogaado e) isaga oo dhanka Kacbada usoo tukanaya. Khasab ma aha in qofka tukanayaa uu Maqaam Ibraahiim aad ugu dhow yahay.

Intuu doono ayuu u jirsan karaa. Waxaase la rabaa (haddii ay suurta gal tahay) in Kacbada iyo qofka uu Maqaamku u dhexeeyo. Haddii aanay suurta gal ahayna dhib ma jiro ee qofku Masjidka meeshuu doono ha kaga tukado. Rakcada hore ku tuko Faatixada iyo Qul yaa ayuhal Kaafiruun, rakcada labaadna ku tuko Faatixada iyo Qul huwal-Laahu Axad. Sunnuhu waa in la khafiifiyo labadaas Rakco iyada oo aan Khushuuca laga tageyn si booska loogu banneeyo dadka kale. Kaddib biyaha Zam-Zamka cab.

Dabadeed Sacyi ayaad samayneysaa. Sacyiga waa toddoba jeer in lagu socdo (dawaafo) Safa iyo Marwa dhexdooda. Safaa iyo Marwa waa laba buurood oo yar yar oo Masjidka ku dhex yaal. Dawaafkaas socodka ah waxaa laga bilaabayaa Safaa waxaana lagu dhamaynayaa Marwa. Safaa oo laga tago oo Marwa la gaaro waa hal dawaaf (hal wareeg). Marwa oo laga soo noqdo oo Safaa lagu soo noqdana waxaad la timid wareeg labaad. Wareegga ugu dambeeya ee toddobaadna wuxuu ku dhammaanayaa Marwa. Sunnadu waxaa weeye in marka ugu horraysa ee aad soo gaartid Safaa ee aad sacyiga bilaabaysid kaliya akhridid aayadda ku jirta suurada Al-Baqarah, aayada #158.

Kaddib buurta Safaa ayaad fuulaysaa kolkaas ayaad Kacbada (Qiblada) xaggeeda soo eegaysaa adiga oo gacmahaaga kor u qaadaya. Alle ayaad ku Xamdiyeysaa oo baryaysaa wixii aad dooneysid inaad ka baridid. Kaddib Alle ayaad kali yeeleysaa oo weyneyneysaa waxaadna oranaysaa wixii Nabiga SCW uu yiri:

{Laa Ilaah Illal-Laahu Waxdahu Laa Shariika Lah, Lahul Mulku Wa Lahul Xamdu, Wa Huwa Calaa Kulli Shey?in Qadiir; Laa Ilaaha Illal-Laahu Waxdahu, Anjaza Wacdahu, Wa Nascara Cabdahu, Wa Hazamal Axzaaba Waxdahu?.

Markaa kaddib ayaad haddana ducaysanaysaa wixii aad duco garanaysid. Dabadeed dikriga sare ayaad akhriyi, haddana waad ducaysan, kaddibna dikrigii ayaad akhriyi; (saddex goor ayaad sidaa ugu celcelin oo ducada iyo dikriga isugu bebbedelin).

Kaddib ka soo deg buurta (Safaa) adiga oo Marwa soo aadaya. Sunnadu waxaa weeye in labada calan ee cagaarka ah dhexdooda ay raggu dheereeyaan (ay socodka boobsiiyaan). Arrinkaasina waa haddii ay suurta gal tahay oo kaliya. Yacni haddii qofku labada calan ee cagaaran dhexdooda socodka boobsiin karo isaga oo aan cid dhibin ama asaguba naftiisa dhibin. Markuu gudbo calanka labaad ee cagaaran qofku ha socdo socod caadi ah. Dumarku waa in ay caadi u socdaan mar walba oo aanay socodka boobsiin. Marka aad gaartid Marwa, fuul dusheeda oo Qiblada soo eeg oo gacmaha kor u qaad adiga oo samaynaya wixii aad samaysay markii aad Safaa dul saarnayd. Yacni, ducadii iyo weyneyntii Alle ee la isku bedbeddelayey saddexda jeer. Markii u horreysey ee aan soo sheegnay mooyaane ma soo aroorin in mar dambe Nabigu akhriyey Aayaddii ?Inna Safaa..?. Sidoo kale duco mucayin ah (duco gaar ah oo la tilmaamay) oo la akhriyayo ma soo aroorin oo Nabiga kama sugnaan ee ku ducayso wixii aad taqaan oo duco ah iyo luqaddii aad ku garaneysid.

Xusuus: Marka aad dawaafaysid ama Sacyiga samayneysid ha la sheekaysan dadka aad wada socotaan ee Alle xus oo ha illaawin sababta aad Makka u timid!

Halkaas waxaa kuugu dhan hal lug ama wareeg oo toddobadii lugood ee Sacyiga ka mid ah, sidaas ayaadna ku wadaysaa ilaa aad ka dhammaysid. Kaddib raggu madaxa ayey xiirayaan ama gaabinayaan. Labada kii aad doonto ayaa kuu bannaan oo aad samayn kartaa laakiin xiirashada ayaa fadli badan Nabiguna waa xiirtay. Allena wuxuu hadalkiisa hor mariyey xiirashada markii uu yiri: {oo timaha xiiri ama gaabin} ee Al-Fatx #27.

Sidoo kale Rasuulku waa u duceeyey kuwa xiirta. Xaddiis Saxiix ah oo Bukhaari ku qoran:

Cabdullaahi Ibn Cumar (Alle isaga iyo aabbihiba ha ka raalli noqdee), wuxuu weriyey in Nabigu SCW yiri: ?Allow u naxariiso kuwa xiirta; waxay Asxaabtii yiraahdeen: Rasuulkii Allow kuwa gaabiyana? Wuxuu yiri: Allow u naxariiso kuwa xiirta; waxay yiraahdeen: Rasuulkii Allow kuwa gaabiyana? Wuxuu yiri: iyo kuwa gaabiya?.

Xaddiis kale oo Bukhaari ku qoran Abii Hureyrah Alle ha ka raalli noqdee, wuxuu weriyey in Nabigu saddex goor Alle dambi-dhaaf u weydiiyey kuwa xiirta markii afraadna uu kuwa jarta (gaabiya) u duceeyey. Marka timuhu way soo bixi doonaan ee Nabiga ku dayo! Dumarku waxay timaha madaxooda ka goynayaan far xubinteed in le?eg.

Raggu madaxa waa wada xiirayaan ama wada jarayaan ee qayb madaxa ka mid ah timo ka goyn mayaan. Lama oran madaxa qaar xiira ee waxaa la yiri madaxa xiira. Sidaas awgeed macnaha gaabintuna ma aha madaxa qaarkiis gaabiye. Cumradiina halkaas ayey kuugu dhammaatay haddii Hajkaagu Tamattuc ahaa waxaadna ku raaxaysan kartaa oo kuu furan wixii Ixraamku kaa xayiray oo idil. Haddii Xajkaagu ahaa Qiraa waxaad Ixraamka furaysaa maalinta 10ka Dil Xijjah.

  AKHRI Qaybta 3aad

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.