SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

QAYBTII 4aad EE XAJKA:
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 20, 2003

QAYBTA:
1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad

 Ku xiriirsan qaybtii 3aad

MINA IYO SIDA LOOGU TUKADO
Bannaanka Mina, 12 km ayay Koonfur kaxigtaa Makka

Markii Duhur galo ayaa la tukanayaa labo Rakco oo Duhur ah kaliya. Markii Salaadda Casar soo gasho ayaa waxaa la tukanayaa labo Rakco. Markii Maghrib soo galo ayaa saddex Rakco la tukanayaa. Dabadeed waqtiga Cishaha ayaa labo Rakco la tukan. Subxigu marka uu soo galena labo Rakco ayaa la tukanayaa. Yacni, Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukanayaa oo salaadaha la jamcin mayo. Laakiin salaadihii afarta Rakco ahaa labo rakco kaliya ayaa la tukanayaa. Salaadahaasi waa Duhur, Casar, iyo Cishe. Subxiga iyo Maghribka caadigii ayaa la tukan.

MAALINTA SAGAALAAD IYO CARAFO

Buurta Carafa, 15 km ayey u jirtaa Makkah
Eeg Xajkii 2002

Marka qorraxdu soo baxdo maalinta ku xigta ee bishu tahay sagaal ayaa Miina laga tegeyaa oo waxaa la aadayaa Carrafa. Waxaa aad iyo aad u muhiim ah in qofku hubsado inuu xudduuddii Carrafo ku dhex jiro waayo haddii qofku xudduudkii Carrafo aanu ku dhex jirin, hadde qofkaas Xaj uma jiro. Markii Carrafa la tago waa la degayaa ilaa Duhur ka galo. Markii Duhur galo ayaa waxaa la tukanayaa Duhur iyo Casar oo qasri iyo jamacba ah. Yacni, Salaadahaas waa la gaabinayaa oo tiiba labo Rakco ayaa la tukanayaa, waana la jamcinayaa oo waqtiga Duhur iyo Casarba la tukanayaa. Hal Aadaan ayaa la addimayaa labo Iqaamana waa loo yeelin. Macnuhu waa: Duhurka ayaa la addimin dabadeedna labo Rakco oo Duhur ah ayaa la tukan. Markii labadaas Rakco ee Duhurka ah laga faaruqo ayaa la aqimin oo Casar la tukan. Waqtigaas ilaa ay qorraxdu ka dhacdo qofku Alle ayuu weyneynayaa, baryayaa, xusayaa, oo ku xamdiyayaa isaga oo dhanka Qiblada soo eegaya gacmahana kor u taagaya. Arrinkaas ayaa Nabiga ka sugnaaday. Haddaba wixii aad garanaysid oo duco wanaagsan ah ku ducayso. Naftaada u ducayso, muslimiinta, waalidkaa, walaalahaa, qaraabadaa, ehelkaa iyo asxaabtaadaba khayr ugu ducee. Muslimiintana u ducee meel ay joogaanba. Ducada maalinta Carrafo ayaa duco ugu khayr badan. Sidaa awgeed ducayso oo ducee Allena waydiiso wax bannaan suurta galna ah. Alle wax walba waa awoodaa wax walbana agtiisa waa ka suurta gal laakiin ducadu ha ahaato mid bannaan haddana dhiciddeedu suurta gal tahay. Yacni, Ilaahow guursan maayee hay gablamin, Ilaahow camal falan maayee hay cadaabin, iwm, duco ma aha. Nabiguna SCW wuxuu yiri:

Duco waxaa ugu khayr badan ducada maalinta Carrafo, waxaana ugu khayr badan wixii aniga iyo Nabiyadii iga horreeyey ay yiraahdeend”. Oo maxay aheyd? “Laa Ilaah Ilalaahu Waxdahuu Laa Shariika Lahu Lahul Mulku Walahul Xamdu Wahuwa Calaa Kuli Shey’in Qadiir”

Buurta Carrafo in qofku dul fuulo muhiim ma aha. Meel walba oo ka mid ah xudduudda Carrafo ayaa buurta la mid ah. Sidoo kale qofku Qiblada ayuu soo qaabilayaa ee buurta dhankeeda u jeedsan mayo. Qofkii imaatinkii Carrafo soo daahay, sida qof Carrafo soo gaaray iyada oo saacad iyo wax la mid ahi qorrax dhicii ka hareen, waxaa joogis ugu filan inta qorraxdu ka dhacayso oo joogidda Carrafo waxay ku egtahay qorrax dhac. Qorraxdu markii ay dhacdo kaddib Carrafo waa laga tagayaa.

Musdalifah: Wa halka lagusoo laabto carafada kadib, habeen ayaana halkaas lagu negaadaa

Marka ay qorraxdu dhacdo kaddib iyada oo aan Salaaddii Maghrib la tukan ayaa Carrafo laga soo tagayaa waxaana la soo aadayaa Muzdalifah. Marka qofku soo gaaro Muzdalifah ayuu tukanayaa Maghribkii iyo Cishihiiba. Yacni, waa la aadaamin, waana la aqimin, dabadeed saddex Rakco oo Maghrib ah ayaa la tukan markii laga baxo ayaa Cishe loo istaagin oo waa la aqimin dabadeedna labo Rakco oo Cishe ah ayaa la tukan. Habeenkaas Muzdalifah ayaa lagu baryin (la hoyan). Subaxda ku xigta ee bishu tahay toban ayaa waxaa la tukan Salaaddii Subax. Waxaana Subxiga la tukan waqtiga ugu horreeya ee uu soo galo. Marka la tukado ilaa uu waagu ka beryo inta u dhaxaysa (qorraxduse aanay weli soo bixin), dikriga Alle ayaa la wadayaa. Yacni, qofku wuxuu badinayaa wayneynta Alle, mahadintiisa, tasbiixda, qur’an uu akhristo, talbiyadii oo uu akhriyo (Labbeyka Allaahuma Labeyka……), Alle oo uu baryo, iyo wixii kale oo dikri ah. Dikriga ugama jeedo waxa manta dadka qaarki dikriga u yaqaan ee aan ka sugnaan Nabiga iyo Saxaabadiisa toona. Dikri waxaan uga jeedaa wixii shalay dikri ahaa, waxaan shalay diin ahaynna manta diin noqon mayaan. Qofna Muzdalifah kama tagi karo aroor ka hor cudurdaar la’aan. Waxaase habeen-bar kaddib loo cudurdaaray inay bixi karaan dadka tabarta yar (caruur, haween iyo dad da’ ah) iyo dadka iyaga wada. Laakiin habeen badh ka hor cudurdaar ma jiro.

Kaddib intaan qorraxdu soo bixin ayaa subaxdaas tobnaad Muzdalifa laga guurayaa oo waxaa loo guurayaa Mina/Muna. Marka subaxdaas 10ka Dil Xijjah Mina la tago waxaa la aadayaa Jamaraatka iyada oo qofku wato toddoba dhagax (quruurux). Quruuruxu wuxuu le’eg yahay xabbad galley ah ama laf timireed. Quruuruxa waxaad ka qaadan kartaa meeshii aad doonto. Ha isku shiddeyn inaad habeenkaas Muzdalifah dhagax aruuris bilawdid. Subaxdiiba Muna ayaad quruuruxa ka sii aruursan kartaa. Nabiga SCW kama sugnaan inuu habeenkii sii dhagax aruursaday. Sidoo kalena lagama werin Nabiga SCW inuu quruuruxa Muzdalifah ka qaatay. Calaa kulli xaal, toddoba dhagax sii qaado oo soo aad Jamaraatka ugu weyn saddexda Jamaraat. Waana kan ugu xiga dhinaca Makka. Labada kale dhinaca Muna ayey xigaan waana marinka Jamaraatka weyn oo marka Jamaraatka weyn loo socdo ayaa la sii maraa labada kale (kan yar iyo kan dhexe). Quruurux siyaado ah waad sii qaadan kartaa si aad ugu baxsatid haddii mid kaa dhumo ama tuuryadu kaa habawdo. Laakiin agagaarka Jamaraatka ayaadan quruurux ka waayen. Dhagaxda la tuurayo maalinkaas waa toddoba kaliya waxaana lagu tuurayaa Jamaraatka ugu weyn. Si aan tiradu kaaga gedmen (qaldamin) toddoba dhagax kaliya soo dhaweyso kuwa kalena meelayso (meel gasho).

Akhri Qaybta 5aad .... GUJI... 

»» 1424: Maalmaha Muhiimka ah ee Jadwalka islaamka ee Sannadka... 

»» 24ka SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO    

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI... 

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”


Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]  

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 


XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxa uu kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, gaar ahaan wuxuu ku saabsanyahay  sedex xikmadood oo waa wayn... GUJI.... Wq [sh. Xasan Jaamici]


SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...

Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.