MAALINTA CARAFA
Maanta oo ah maalintii 9aad ee bisha
Dil-Xijja (carafo)
ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay
u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, tanoo ka mid ah
tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan
ansax noqonaynin xajka, sida uu Xabiibka Suubbanaha Muxammad (scw) uu u
yiriba: ”Xajku waa Carafa”, taasoo loola jeedo istaagga buurta
Carafa.
Ducada maalinta Carafa
Maalin la duceysto waxaa ugu fadli badan
ducada maalinta sagaalaad ee Carafa, sidaa darteed ayeey Xujeeyda
afkooda ka go’eynin maanta oo kale xuska Alle, iyadoo ka shidaal
qaadanaya Rasuulka (scw) hadalkiisii uu yiri ”Ducada waxaa ugu fadli
badan ducada maalinta Carafa, wax la yiraahdana waxaa ugu sii fadli
badan waxaan anniga iyo Nebiyadii iga horeeyay ay yiraahdeen oo ah Laa
Ilaaha Illallaahu Waxdahu Laa Shariika Laha, La-hul-mulk-wa-la-hul-xamd,
Wa huwa Calaa Kulli Shey’in qadiir”. Guud ahaan muslimiinta (aan
xujeeyda ahayn) waxaa loo jideeyay inay soomaan maanta oo kale, maxaa
yeelay wuxuu Nebigeena (scw) ku boorriyay guud ahaan muslimiin inay
badiyaan acmaasha wanaagsan maalmahan aynu jirno, soonkuna wuxuu ka mid
yahay acmaasha wanaagsan inta la qabto. Nebiga (scw) wuxuu soomi jiray
maalinta sagaalaad (maantoo kale) ee bisha Dil-Xijja. Sida laga weriyay
mid ka mid ah xaasaska Rasuulka hadal ay tiri wuxuu Nebiga (scw) soomi
jiray maalinta sagaalaad ee Dil-Xijja iyo maalinta Caashuuraa iyo saddex
maalmood bil kasta.
Maalinta mash-huudka
Maalinta Carafa waa maalinta loogu magac
daray “maalintii mash-huudka”, waa maalinta qofkii si Alle dartii ah
u sooma uu Ilaahay u dhaafayo denbigiisa labo sanno, waa fadli aad u
weyn oo nooga yimid xagga Eebbe(sw) ee naxariista badnaa, mudanna in
laga faa’iideysto. Qof kasta oo muslim ah waxaa dushiisa saaran inuu
weyneeyo nimcooyinka ay wataan maalmahan.
Buurta Carafa, 15 km ayey u jirtaa Makkah
|
Salaadda Namira
Xujeeyda waxay maanta salaadda duhur iyo
casarkuba ku tukanayaan Namira, iyadoo la wada jamcinayo oo la soo
gaabiyay, loomana dhaxeysiinayo dhexdooda wax sunno ah. Markay qoraxda
dhacdana waxay aadayaan Musdalifa, halkaasoo uu Xaajigu salaad
jamac-la-dib-dhigay ah ugu tukanayo salaaddii maqribka iyo cishaha.
Xaajiga waxaa u bannaan inuu seexdo Musdalifa ilaa laga gaaro waaberiga,
dabadeedna wuxuu aadayaa Mina, isagoo badinaya xuska Alle iyo deni
dhaaf-dalbidda laga dalbayo Eebbe (sw), wuxuuna soo guranayaa quruurixii/dhagxaantii
(aan weynayn) ee uu ku gani lagaa buurta “jamratul-caqaba” subaxa
maalinta gooraca ee Mina.
Waxaa la ogsoon yahay in tobanka maalmood
aynu ku jirno ay yihiin sideedaba maalmo uu Eebbe (sw) weyneeyay, iyadoo
uu ka faddilay maalmaha kale. Waxaana taas inoo caddeynaya xaddiis uu
soo saaray Imam Bukhaari, uuna ka weriyay Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah
ha ka raalli noqdee, isagoo ka sii weriyay Rasuulka (scw) oo leh “ma
jiraan maalmo camalka wanaagsan loogu jeceyl badan yahay xagga Eebbe
maalmahan tobanka ah, saxaabadii ayaa yiri xittaa ma waxay ka fadli
badan yihiin maalinta jihaadka jidka Alle, wuxuu Rasuulka yiri xittaa
jihaadka jidka Alle, aan ka ahayn nin la baxay naftiisa, hantidiisa
dabadeedna aan waxna kala soo noqonin”.
Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha
caddeynaya fadliga tobanka maalmood ee hore bisha Dil-Xijja, iyadoo uu
Eebbe (sw) ku dhaartay tobankaas maalmood. Dhaarta shey lagu dhaartana
waxay tilmaamaysaa weyninka iyo faa’iidada uu waxaas lagu dhaartay
leeyahay. Wuxuu Eebbe (sw) yiri “waxaan ku dhaartay fajarka iyo
habeenada tobanka ah”. Waxay yiraahdeen Cabdullaahi Binu Cabbaas, Ibnu
Zubeyr, Mujaahid iyo qaar ka mid ah salafkuba: tobankaasi waa tobanka
hore ee Dil-Xijja. Caalimka weyn ee Mufasirka loo yaqaano Ibnu
Kathiir-na wuxuu yiri “sidaas ayaa sax ah”.
Takbiirta maalinta Ciidda
Waxaa Sunno ah in la badiyo maalinta ciidda iyo guud ahaan tobanka hore
ee Dil-Xijja oraahda takbiirta (allahu akbar), ku mahadinta Eebbe (alxamdulillah)
iyo nasihidda Eebbe (subxaanallah), waa in kor loogu dhawaaqaa
masaajidyada, guryaha, waddooyinka iyo goob kasta ay ka suurtoobi karto
oraahda xuska Alle, si loo muujiyo cibaadada, loona weyneeyo Eebbe (sw).
Raggu si kor ah ayeey ugu dhawaaqayaan, halka dumarka ay hoos ahaan u
oranayaan. Qaabab kala duwan ayaa loo yiri takbiirta, hase ahaatee sida
laga weriyay Cabdullaahi Binu Cabbaas waa: Allahu akbar, Allahu akbar
Laa Ilaaha Illallaahu, Wallaahu akbar Wa Ilillaahil-xamd.
kulanka jumcada iyo salaadda
ciidda
Berito oo ah maalin jumco ah ayaa ku
beegan maalintii ciiddul-adxa, sidaa darteed waxaa qofkii tukaday salaadda
ciidda ka dhacaysa inuu tukado salaaddii jumcada. Zeyd Binu Arqam wuxuu
yiri: " waxaa tukaday Rasuulka (scw) salaaddii Ciidda, dabadeedna
wuxuu dadkii u ruqseeyay inay tukadaan salaaddii jumcada oo wuxuu yiri :
qofkii doona inuu tukado ha tukado". Inkastoo ay jirto taasi, haddana
waxaa imaamka la gudboon inuu isagu oogo salaadda jumcada, si qofkii doona
inuu tukado u tukado.
Ugu danbeyntii waxaan guud ahaan
muslimiinta, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u soo
gudbinayaa inay ku ciidaan ciid wanaagsan, Ilaahay ha inaga aqbalo
acmaasha wanaagsan, aamiin
WQ. Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark
.... MINA
iyo SIDA LOOGU TUKADO,
2 Million oo
Xujey ah: Akhri warbixintii Xajka
Febraayo 21, 2002
»» 1424:
Maalmaha
Muhiimka ah ee Jadwalka islaamka ee Sannadkan...
»» 24ka
SAACADOOD: MA'AQAAN
WAXAAN KU SAMEEYO
Siiradii
Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro114
Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran Ahmiyadda
Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat Hab
nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada Sakada
Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat Cuntada
xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi CIBAADADA
XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
|