SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UDXIYADA
Daabaco Boggan | Print

  • Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
  • Labo Million oo Xujey ah oo Gudanaya Xajka Sanandkan
  • Caado Soomaaliya kajirta oo Dumisey Ciid-Al-Axdaa

Tarjumadii Bahda SomaliTalk.com | Jan 19, 2005


Fadliga Maalinta Carafa

iyadoo aan kujiro Maalmihii khayrka lahaa ee tobanka ahaa oo goonida loo tlimaamay ayaa waxaan soo gaaray maalin si khaasa looga tilmaamay taasoo ah maalinta tobnaad "yomu carafah", waxaa lagu sheegay maalintaas fadli farabadan dadka gudanaya xajka, sida laguba tilmaamay inuu xajku maalinkaas yahay. Halka dadka aan maalinkaas Carafa taagnayna loo suneeyey soon uga dhigma laba sano oo danbi dhaaf ah, hadaba aan wada jaleecno xadiiskan saxiixa ah.

Waxaa laga Wariyey Abii Qataada ilaahay ha ka raali noqdee inuu yiri "waxaa lawaydiiyey Nabiga (scw) Soomida Maalinta Carafa?" wuxuu yiri Nabigu (scw) "Waxaa lagu dhaafaa (dembiga) Sanadkii tagay iyo ka soosocda" waxaa wariyey Muslim.

Waxaa inoo eg inaanaan dayicin Fursadaan. [Akhri halkan...]


Labo Million oo Xujey ah oo Gudanaya Xajka Sanandkan


Xujeyda waxay habeen ku negaanayaan Mina

In kabadan labo million oo Xujey ah ayaa Talaadadii (Jan 18) bilaabay in ay u dhaqaqaan dhanka Mina, oo ah dooxo u dhow guriga barakaysan ee Makka, si ay u gutan xajka sannadkan 1425.

Waxaan xujeydu subaxnimadii hore ku dhawaaqayeen "Labbeyk Aallahumma Labbeyk" [Waa ikanaa Allahow, anigoo ka jawaabaya u yeeritaankaagii], waxayna xujeydu ka soo dhaqaaqeen Makka ilaa Mina, sida ay weriyeen warbaahinta Suciidigu. Socdaalkaas oo ahaa mid xasilan oo aan wax shil ah oo weyni ka dhicin, hawaduna ay aad u wanaagsan tahay.

Xujaydu waxay kusoo qulqulayaan Mina, ayagoo is daba haya ilaa laba mayl oo ka baxsan Makka, si ay halkaas ugu negaadaan saacadaha habeenka, kahor inta aanan waaberiga Arbacada (jan 19) u dhaqaaaqin buurta carafat.

Waxaa lagu soo waramay tiro kabadan 14,200 busas ah in la dhaqaajiyey si ay halkaas Xujeyda u geeyaan.

Marka xajka la gudanayo waxa ay ragu xiranayaan laba qayb oo cad-cad si loo muujiyo barax la'aanta aan lahayn kala duwanaanshaha jinsiyadaha. Dumarkuna waxay daboolayaan jirkooda oo dhan markal aga reebo wajiga iyo calaalacalaha.

Xujeydu marka ay gaaraan Mina, teendhooyin ayey ku negaanayaan habeenida ayagoo cibaadaysanaya [eeg Mina iyo Sida loogu Tukado], kahor inta aysan Arbacada, Jan 19, u dhaqaqin dhanka buurta Carafat, oo ah meeshii uu Nebi Muxamed (scw) uu khudbadiisii ugu dambaysey ka jeediyeyey 14 qarni ka hor.


Buurta Carafa, 15 km ayey u jirtaa Makkah

In la istaago buurta carafat qorrax dhaca ka hor waa meesha ugu saraysa gudashada xajka, Xujeyda waqtigaas gaari waaya buurta carafat waa in ay xajka soo cilyaan sannad kale oo mustaqbalka ah. [Akhri Maalinta Carafaat]

Maalinta Khamiista ah (Jan 20) xujeydu waxay dhagax ku tuurayaan saddexda tiir ee ah meeshii uu Sheydaanku uga muuqday nebi Ibraahim (c.s).

Ciid-Al-Adxaana waxay bilaabanaysaa maalintaas Khamiista (Jan 20), ayadoo lagu xusayo Udxiyo la gowracayo ido, riyo, lo iyo geel si loo xuso adeecidii uu Nebi Ibraahim Adeecay Allah, ee oo uu rabey in uu Nebigu wiilkiisa ulxiyeeyo Allah dartiid.

Qofka Muslimka ah ee awoodi kara waxaa laga rabaa ugu yaraan hal-mar oo noloshiisa ah uu soo xajiyo.  xajkuna waa tiir ka mid ah shanta arkaanul-Islaamka, waana qayb muhiim ah oo kamid ah tiirarka waaweyn diinta Islaamka, haddii la waayona Islaamku burayo.

Xadiiskan ayaana taas ka qaadaneynaa:

"Waxuu yiri Rasuulkii ilaahay shanbaa lagu dhisay Islaamaka Qirid illaah gar lagu caabudo inuusan jirin ilaahay  mooyee, Nabi Muxamedna Adoonkii ilaahay iyo Rasuulkiisii inuu yahay, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajjka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo". [Sharaxa xadiiska ka eeg www.risaala.com]


Caado Soomaliya Kajirta oo Dumisey Ciid-Al-Axdaa

  • Tarjumadii: Bahda Somalitalk.com
    Isha: IslamOnline | Jan 19, 2005


Caado ahaan Soomaalidu waxay idaha siiyaan ruuxda dadkii dhintay, ayey tiri IslamOnline.

Dhaqanka (ama Caadada) ay bini-aadamku sameeyeen ee kajira Soomaaliya ayaa waxa dumisey (mugdi weyna geliyey) Cibaadada Muslimka ee ah in Allah dartiid idaha loo gowraco maalinta Ciid-Al-Adxaa", sidaas waxaa qoraal ku bilowday shabakada dunida Muslimka aad looga akhristo ee IslamOnline oo ka warbixineysey dhaqanka Soomaalida iyo Ciid-ul-Axda.

Shabakada oo hadalkeedii sii wadata waxay tiri:

Maalmaha ciidadaha, halka afarta cirif ee aaddunka idaha loo qowraco (ama loo Udxiyaysto) Allah dartiid, Soomaalidu waxa ay xoolaha u qalaan arin taas aad uga yar ama uga hooseysa oo ah in ay xoolaha u gowracaan ehelkoodii ay jeclaayeen iyo qaraabadoodii geeriyootey.

"Nasiib darro, in badan oo Soomaali ah Udxiyadu waxay soo gashaa derejada labaad, waxaana taas aad uga horeeya dhaqanka (caadada) da'da weyn ee ciiradu kujirto" Sidaas waxaa yiri Sheikh Nuur Baaruud Gurxan, oo aad looga yaqaan Soomaaliya, waxana uu Talaada Jan 18, 2005 sidaas u sheegay IslamOnline..

Waxa uu Sh. Nuur Baaruud yiri: "In badan oo Soomaali ah ma awoodaan in ay iibiyaan labo ido ah, sidaas darteedna waxay ka tagaan arinta muqadaska ah ayagoo uga tegeya caadada loo yaqaan “Awliyada”.

Shabakada oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tiri: Ciid-Al-Adxaa oo ah ciida ugu weyn Muslimiinta, waxaa sannad walba loo dabaaldegaa si loo xusuusto Nebi Ibraahim oo rabey in uu udxiyeeyo wiilkiisii, amarka Allah oo uu qaadanayey awgeed.

Sida aan Quraanka kariimka kabaranay, Allah waxa uu Nebi Ibraahim ku amraya in uu Gowraco wiilkiisii Ismaaciil; si kasta oo ay u adagtahay in taas la sameeyo, hadaana Nebigu waxa uu adeecay amarka Allah. Markii uu qarka u saarnaa in uu amarkaas fuliyo oo uu wiilkiisii Gowraci rabey, Allah wuxuu booskii wiilka ku bedel neef ido ah.

Qofka Muslimka ah oo awoodi kara waxa uu ulxiyaysanayaa hal neef oo ido ama riyo ah, ama wuxuu lix qof oo kale la qaybsanayaa 1-geel ah ama 1-lo' ah si uu u fuliyo cibaadadaas maalmaha feestada ciida.

Waxaa wanaagsan (mustaxab ah) in hilibka xoolaha la ulxiyeeyey loo qaybiyo qoyska, qaraabada iyo dadka saboolka ah si loo adkeeyo isku xirnaanta bulshada.

Waa maxay Caadada Soomaalida ee "Awliyada"

Shabaka oo hadalkeedii sii wadaata waxa ay tiri:

Caadada loo yaqaan "Awliyaat" oo ay Soomaalidu leeyihiin waa: Maalinta Ciid-Al-Adxaa oo ay Soomaalidu xusaan sannad guuradii qaraabadoodii ama awoowayaashoodii dhintay, ayagoo aaminsan in la barakaynay doono.

Caadadani waxay leedahay laba derejo. Tan koowaad waxay ku xadidan tahay qoyska, taas oo loogu tala galay aabayaashii dhintay. Eheladii uu marxuumku ka tegey ayaa waxay soo kiraynayaan Shiikhyo si ay u akhriyaan jusas kamid ah Quraanka Kariimka.

Habka labaadna waxaa caado ahaan ah in Allah loo baryo ruuxdii awoowaha qabiilka, ama jilibka, iyo wiilashiisii dhintay. Waxaa Allah loo baryaa in uu barakeeyo, oo uu baryadooda ka yeelo mid ka dhigta in ay noqdaan maca Nebi Muxamed (scw) iyo saxaabadiisii.

Waxa kale oo ay Allah u baryaan Iimaam Al-Shaafaci -- oo ah shiikha Fiqigiisa wadanka Soomaaliya badiisa la raacsan yahay -- Sheikh-yada kala ah: Axmad Al-Fasi iyo CabdelQaadir Al-Jilani.

Caadadan waxaa lagu qabtaa meel u dhow qubooraha dadka dhintay, waxaana feestadaas lagu casumaa deriska iyo asxaabta.

Kaddib kuwa quraanka ku xafiday Qalbiga ayaa xogooda isu geeya, waxayan bilaabaan in ay akhiryaan 114 Quraanka. Ayey shabakada IslamOnline kusoo xirtey.

Tarjumadii: Bahda Somalitalk.com
Isha: IslamOnline | Jan 19, 2005

Faafin: Somalitalk.com | Jan 19, 2005


MINNESOTA: GOOBAHA SALAADA CIIDA

Ciidul Axdaa oo Ku Beegan Khamiista Jan 20
» Maalinta Carafo oo ku beegan Janaayo 19keeda
» 2-million oo xujey ah oo Sannadkan xajka yimid
» Ogyesiis reer Minnesota: shir ay yeesheen masaajidu
Dhammaan ka akhir halkan...


Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD