Sucuudiga oo Ku Dhawaaqay in Ciidul Adxaa
ay Ku Beegan tahay Khamiista 20ka Janaayo
- Maalinta la istaagayo Buurta carafa:
Arbaco , Janaayo 19
- Maalinta Ciidul Xijjah: Khamiis,
janaayo 20, 2005
Boqortooyada Sucuudiga ayaa Jimcadii la soo
dhaafay ku dhawaaqday in maalinta Ciidul Adxaa ay ku beegan tahay Khamiista
Soo socota oo Taariikhdu tahay Janaayo 20keeda.
Laba Million oo Muslimiin ah ayaa maalinta
Arbacada (Jan 19) waxay istaagi doonaan
Buurta Carafo.
Maalinta Carafo ee la taagan yahay buurtaas korkeeda waa maalin muhiimad aad
u saraysa ku leh cibaadada gudashada Xajka. Muslimiinta ku sugan daafaha
adduunkuna waxay wada ciidi doonaan maalinta Khamiista (jan 20) , haddii
Allah idmo.
Hambalyada Ciidul-Adxaa....Guji...
Ogeysiis ku socda reer Minnesota hoos ka
akhri:::
SHIR
DEG DEG EE LA XIRIIRA ISBEDELKA MAALINTA CIIDDA EE AY YEESHEEN
MASAAJADAHA MINNNESOTA
Shalay oy ahayd maalin Sabti ah, taariikhduna aheyd 5ta bisha Dil Haj
ee sanadka 1425 ee ku beegneyd January 15,2005, ayaa waxaa shir deg deg
yeeshay Masaajidaha gobolka Minnesota oo ku heshiiyey inay ku midoobaan
maalinta ciidda inay noqota maalinta Khamiista ee Dil Hij ay tahay 10, 1425
ee ku began January 20,2005 in kastoo ay horay masaajidaha u sheegeen in
ciidda ay noqon doonto Jimce. Masaajidaha gobolka Minnesota ayaa waxaa
warar cusub ka soo gaaray waddanka sacuudig, gaar ahaan hay’adda sare ee
qadaha ee waddanka Sacuudiga oo iclaamiyey inay maalinta carafada ay ku
beegan tahay Arbacada, January 19,2005 oo Dil Haj ay tahay 9,1425 sidaa
darteeda ciidana ay noqon doonto maalinta khamiista ee January tahay
20,2005. Shirkaasi Waxaa laysku raacay in go’aankaasi loo diro
idaacadaha la gaari karo iyagoo ay ku saxiixan yihiin misaajidaha hoos ku
qoran:
1. Masjid Al-rahman, ee magaalada Bloominton, MN
2. Masjid Shaafici, ee magaalada Minneapolis, MN
3. Masjid Darul-Hijra, ee magaalada Minneapolis, MN
4. Masjid Ummutu Muhammad, Minneapolis, MN
5. Masjid A-Hudda, Minneapolis, MN
6. Masjid Towfiiq, Minneapolis, MN
7. Masjid Al-Taqwa, St. Paul, MN
8. Masjid Iimaan, Columbia Heighs, MN
9. Masjid Amaan, InverGrove Heights
Toddoba (7) Goobood oo salaadaha ciidaha lagu tukan doono:
1-Minneapolis Convention Center-Minneapolis- Tel. (612)310—3833
2-Ceder-Brain Coyle Center ee Minneapolis,Tel. (612)227-3933.
3-Darul Hijra Center ee Minneapolis, Tel.(612)332-9250, (612)227-3933
4-MAS-Ummutu Muhammad Center, Minneapolis, (612)388-1441
5-Goobta ee Ciyaarah ee Hamline University, St.Paul (651)292-9675
6-Goobt Shekope, Bloomington, Tel.(612)964-5757.
7-MAS Islamic Center, InverGrove, (651)457-7170.
Diyaariyey Sh. Xasan Jaamici, Imamka Masjid Al-taqwa ee St.Paul.
HASSAN Ali Mohamud
xasanjaamici@yahoo.com
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|