SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi   

XAJKA

ISKU DIYAARINTA “XAJKA”
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 18, 2003
QAYBTA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

QAYBTII 3aad:

 Ku xiriirsan qaybtii 2aad

Hawlaha Xajku waxay bilaabmayaan Maalinta Tarwiyada ee siddeedda bisha Dil Xijjah.

Haddaba intaan qofku Ixraamkii Xajka xiran waxaa wanaagsan in uu is nadiifiyo, nadaafad guud. Yacni, ciddiyaha iska jaro, timaha kilkilaha iyo kuwa gumaarka ka hooseeyaba iska xiiro, raggu shaarubbada jaraan, qofku jirkiisa nadiifiyo oo qubaysto, isna carfiyo. Dumarku waa in aanay isticmaalin barafuun iyo waxyaalaha kale ee ay isku qurxiyaan. Qubayska mooyaane nadaafaddaas guud ee aan soo sheegnay xataa barafuunka, laguuma oggola markaad Ixraamka xirato kaddib. Sidaa awgeed ayaa waxaa habboon in qofku nadaafaddaas guud is nadiifiyo intaanu Ixraamka xiran.

Dhaaranka (labbiska) Xajka ee raggu waa labo go’ oo cad-cad iyo dacas ama sandal aan anqawga (oday-kaboohista) gaarin. Dumarku waxay xiranayaan dhar jirkooda oo dhan asturaya laakiin aan qarinayn wajiga iyo calaacalaha, midabkuu doono darkaasi ha lahaadee. Waxaa shardi ah inaan dharku ku dhagganeyn khafiifna ahayn oo labadan goorba jirkoodii muuqan lahaa. Marka ay haweentu la joogto rag geyaankeed ah wajigeeda ha ka dedato, mararka kalese yaanay wajiga qarin.

IXRAAMASHADA XAJKA

Waxaa jira saddex nooc ee Xajka (Tamattuc, Qiraan, iyo Ifraad). Qofkii soo niyeystay Qiraa hadde Ixraamkii uu soo xirtay ee Xajka iyo Cumrada ayuu weli ku jiraa oo markii uu Cumradii gutey weli waxaa u xiran Ixraamkii uu soo xirtay intaanu Makka soo gelin ee uu ka soo xirtay Miqaatyadii shanta ahaa midkood. Qofkii soo niyeystay Ifraadna (Xaj aan Cumro wehelin) maalintaan siddeedaad ayaa hawlihii Xajku u bilaabmayaan wuxuuna ka soo ixraamtay shantii Miqaat midkood. Qofkii soo niyeystey Tamattuc, qofkaasi markii uu Cimraystay waa tii uu Ixraamkii furay oo uu iska raaxaysanayey. Maalinta siddeedda bisha Dil Xijjah (Yawmut Tarwiyah) ayaa qofkaasi meesha uu maalintaas joogo ee deggan yahay wuxuu ka soo xiranayaa Ixraamkii Xajka. Suune ma aha Nabigana SCW lagama werin in Masaajidka la aado oo laga soo ixraamto. Saxaabada Nabiguna arrinkaas ma samayn. Haddii marka Salaad farad ah waqtigeed la joogo, qofku ha tukado si uu u Ixraamto Salaadda dabadeed. Haddiise aan salaad farad ah waqtigeed la joogin qofku ha tukado laba Rakco oo uu weyso sunnadeed u niyeysanayo ee aanu u niyeysaneyn sunne Ixraam. Markii uu qofku salaaddaas ka soo faaruqo ayuu niyadii Xajka la imaanayaa oo inta Talbiyada akhriyo Ixraamanayaa, waana sidaan:

{Labbeyka Allaahumma Labbeyk, Labbeyka laa Shariika Laka Labbeyk, Inal Xamda, Wa Nicmata, Laka Wal Mulka, Laa Shariika Laka} {Labbeyka Allaahumma Xajjan}

Ninku dhihidda Talbiyada kor ayuu u qaadayaa, haweentuse hoos ayey u oranaysaa. Talbiyada qofku ha badiyo hana wado.

DHAWRISTA IXRAAMKA

Arrimahaan ha sameyn markaad Ixraamato kaddib:

  • · Timahaha xiirin hana jarin
  • · Ciddiyaha ha jarin
  • · Barafuun iyo catar ha marsan
  • · Ha ugaarsan hana dilin xayawaanka
  • · Ninka iyo Haweentiisu iskuma tegi karaan
  • · Shukaansi guur (xod-xodasho) ha samayn
  • · Meher (guur) ha sameyn
  • · Raggu yaanay madaxa daboolin (koofi iwm)
  • · Waad isticmaali kartaa oo laguu oggol yahay dallad iyo ookiyaale.
 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

Xasuus: Dharka ixraamka ayaad xiranaysaa intaadan ixraamka xiran. Laakiin, ma ixraamaneysid adigoon dharkii ixraamka qabin (inaadan dharka Ixraamka heli Karin mooyaane).

Waxaa subaxdaas siddeedaad la soo aadayaa Muna/Mina halkaas oo lagu negaanayo maalinta inta ka hartay iyo habeenkaas. Halkaas ayaana lagu tukanayaa Duhur, Casar, Maqrib, Cishaa, iyo Subxi sidaan yaana loo tukanayaa.

Halkan ka Akhri  Qabta 4aad.... GUJI...

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.