SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 15, 2003

QAYBTA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

 Habab dhawr ah midkood ayaad samayn kartaa: In aad iska soo diyaarisid dalkaaga ama degaankaaga oo soo gashatid dharkii Ixraamka. Adiga oo dharkii Ixraamka qaba, ayaa markaad soo gaartid ama intaadan gudbin Miqaatyadii Ixraamka laga xiranayey Ixraamanaysaa. Haddii aad laakiin dooneysid in aad Madiina ku hor martid, hadhow Madiina ka soo Ixraamo. (booqashada Madiina ka mid ma aha Xajka). Si kastaba xaalku ha ahaadee, haddii Salaad farad ah waqtigeed la joogo, qofku ha tukado si uu Salaadda dabadeed u ixraamto. Haddiise aan salaad farad ah waqtigeed la joogin, ha tukado laba Racko (waqtiyada aan karaahiyada ahayn) oo uu u niyeysanayo sunne weyso, ee aanu u niyeysaneyn sunne Ixraam. Marka uu qofku Salaaddaas ka soo faaruqo wuxuu niyeysanayaa geliddii Cumrada (qofka Xajkiisu Tamattuca yahay), wuxuuna oranayaa Talbiyada iyo xirashadii Cumrada, waana sidaan:

{LABBEYKA ALLAAHUMMA LABBEYK, LABBEYKA LAA SHARIIKA LAKA LABBEYK, INNAL XAMDA, WA NICMATA, LAKA WAL MULKA LAA SHARIIKA LAKA} {LABBEYKA ALLAAHUMMA CUMRATAN}

Qofka Xajkiisu Qiraan yahay Cumrada iyo Xajka isku mar ayuu xiranayaa oo Talbiyada kadib wuxuu oranayaa (Labbeyka Allaahumma Cumratan wa Xajjan). Qofka Xaj kaliya xiranayana wuxuu Talbiyada kadib ku xiranayaa (Labbeyka Allaahumma Xajjan).

Ninku dhihiddaas kor ayuu u qaadayaa, haweentuse hoos ayey u oranaysaa. Talbiyada qofku ha badiyo hana wado ilaa uu dawaafka Kacbada ka bilaabo. Markii uu qofku dawaafka bilaabo ha joojiyo Talbiyada akhrinteed.

MACNAHA TALBIYADA

Labbeeyka Allaahumma Labbeyka (waa i kan Allahayo, waa i kan), Labbeyka Laa Shariika Laka Labbeyk (waa I kan cidina kulama wadaagto cibaadada waa I kan), Innal Xamda (mahaddii), Wa Nicmata (Nicmadii), Laka Wal Mulka (adiga ayey kuu sugnaadeen iyo mulkiyadduba), Laa Shariika Laka (Cidna cibaadadaasi kaalama dhaxayso).

Xasuus: Magaalada Jeddah ka mid ma aha meelihii laga Ixraamanayey. Sidaa awgeed haddii aad Jeddah gaartid adiga oo aan Ixraamnayn, waa in aad aaddaa oo ka soo Ixraamataa Miqaatka kuugu dhaw ee laga Ixraamto.

DHAWRISTA IXRAAMKA

Markaad Ixraamatid kaddib arrimahaan ha sameyn:
· Timaha ha xiirin hana jarin
· Ciddiyaha ha jarin
· Barafuun iyo catar ha marsan
· Ha ugaarsan hana dilin xayawaanka
· Ninka iyo Haweentiisu iskuma tegi karaan
· Shukaansi guur (Xod-xodasho) ha sameyn
· Ha mehersan
· Raggu yaanay madaxa daboolin (koofi iwm)

Dharka Ixraamka waad xiran kartaa  intaadan Ixraamka xiran. Laakiin, ha Ixraaman adigoon dharkii Ixraamka qabin (inaadan dharka heli Karin mooyaane). Degaankaaga ayaad iska soo diyaarin kartaa oo dharkii Ixraamka soo xiran kartaa oo markaad soo gaartid Miqaatkii Ixraamashada xiran kartaa Ixraamka. Dallad iyo ookiyaale (muraayadaha indhaha) waad isticmaali kartaa.

Akhri Qaybta 2aad .... GUJI

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

»» XAJJ: Shuruudaha Xajka [Abdulfatah Mohammed]
»» Gudashada Cibaadada Xajka [Ibraahim Saalax]
»» 24 SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO    

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

 

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/haj
 

 

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.