SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA

Sh. Xasan Jaamici J.D, USA


xasanjaamici@yahoo.com 

Tel.(612)242-3273.

 

Ilaahey wuxuu muslimiinta faray inay gutaan waajibka xajka haddii ay awoodaan dhaqaale ahaan (dhaqaale xalaal ah, waddaduna ay nabad tahay) sida ku cadda suuradda Al-cimraan, Aayadda 96. Maqaalkan si kooban waxaan kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, waxaan ku soo koobayaa sedex xikmadood ee waa wayn:

1-SHIR WEYNE MUUJINAYAA AWOODDA KELIYA EE TALISA:

Xajka waa nooc ka mid ah dhaqan gelinta caqiiddada Islaamka ee Tawxiidka ee ah inuu dunida uu ka taliyo hal Ilaah oo keliya. Dad ka badan hal malyan qof ayaa iyagoo hal meel ka tala qaadanaya ayaa waxay isugu tagayaan meel khaas ah ( Maka) iyagoo raacayo awaamiir xadidan side: nooca dharka la qaadanay, waqti weliba meesha la tagayo iyo waxa laga qabanayo. Dadkaasi waxay dhageysanayaan oo keliya Amarka Ilaahey ee la xiriira xajka ee ku xusan Quraan iyo Sunada. Waa muujin haddii muslimiinta ay awooddaasi isugu jirta caqiido sax ah, cilmi, caqli, dhaqaalo ay mideeyaan inay talada adduunka ay iyagu hoos imaaneyso.

2-MIDNIMO IYO SINAAN RUN AH EE KU SALEYSAN CAQIIDADA ISLAAMKA

Xajka waa meesha kaliya ee si dhab ugu muuqata midnimo iyo sinaan dhab ah ee aan qabyaalada, midab ama dano qaas ah ku saleysneyn. Waxaa isugu imaanayo dad kala midab ah, kala qabiil ah, kala waddan ah, kala luqad ah, laakiin hal ujeedo wada leh oo ah in Ilaahey la raali geliyo oo xukunkiisa la dhaqan geliyo. Dowladda Maraykanka oo ah dowladda adduunka ugu xoog badan dhaqaale iyo military ahaan sida la sheego, Ilaa maantadan iskala sooc iyo gumeysi hoose ayaa jira oo dadkoodu aad bay u kala qeybsan yihiin qeybsanaantaasi oo ku saleysan: midabka, dhaqaalaha, xirfadaha, iwm. Shacabka Somalidana markay diideen inay caqiidada islaamka ku midoobeen iyaguna qabiil iyo qabyaalad ayey kukala qeybsan yihiin oo ay dowlad la dhisan la’ yihiin muddo 10 sano ka badan. Qofka xaajiga goortuu soo laabto wuxuu bilaabayaa dagaal uu ku qaadayo caddaalad darada iyo kala sooca waase haddii uu fahmay micnaha xajka. Laakiin xaajiga Soomaaliga waxaa u dheere inuu ka shaqeeyo nabadeyn iyo dowladnimo oo ku saleysan Islam kana fog eex iyo qabyaalad.

3-CIBAADO BUUXISA BAAHIDA INSAANKA:

Xajka waa cibaadada keliya buuxisa baahida kala duwan ee insaanka: xagga ruuxda iyo qalbiga, xaga caqliga, xaga jirka iyo maalka.

A-RUUXDA IYO QALBIDA: Qofka xajka aadaa wuxuu nadiifinayaa ruuxda iyo qalbiga intuu akhriniyo wardiga xajka iyadoo cibaadooyin kala duwan uu sameynayo.

B-KORIIMADA CAQLIGA: Qofka xaajiga wuxuu dareemaya qiimaha adduunyada isla markaana wuxuu fahmayaa Muslimiinta awooddooda iyo halka ay salka ku heyso. Taasoo qof ku abuurayso inuu dhaq dhaqaaq sameeyo kolka uu soo laabto. Inuu ka shaqeeyo sidii isugu keeni lahaa awoodaha kala duwan ee muslimiinta Ilaahey siiyey ha ahaato cilmi, maal iwm.

C-KORIIMADA JIRKA: Xaajiga wuxuu sameynayaa jirdhis badan oo isugu jira socod, orod, rocleyn iyo taagnaan waqti dheer iwm. Taasi oo tusaale ay u tahay inuu qofka jirkiisa ka shaqeeyo oo u dhiso si adkeysi ugu yeesho howlaha sugaya ee la rabo isbedel wanaagsan inuu abuuro. Halkaas ayuu xaajiga uu ku ahaanaya qof qalbigiisa, caqligiisa iyo jirkiisa nadiif ah kolkaa waxaa dhaboobaya hadalka nabiga NNK oo ah: “qofkii xajiya oo ku yimaado waddo xalaal ah, intuuu xajka joogana aan dambi gelin, xagga dambiga wuxuu la mid noqonayaa sida maalintii ugu horeysay ee hooyadii ay dhashay”.

Ugu dambeynta xajka waxaa laga qaadanayaa qofka muslimka ah inuusan aheyn muslim qabiil ee uu yahay muslim caalami ah ee ay adduunyada wada sugeyso, sidaa darteeda fasaadka akhlaaqda, fekerka, bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha ee adduunka waxaa xalkiisa uu ku jiraa Islaamka waase haddii la fahmo Islamka iyo micnaha XAJKA.

Diyaariyey: Sh. Xasan Jaamici J.D, USA

xasanjaamici@yahoo.com 

 USA: Somalida La Rabo In Ay isdiiwaan Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland, Australia, British iyo... GUJI..  

MINA IYO SIDA LOOGU TUKADO
Mina, carafo & Muzdalifah GUJI

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 


MINA IYO SIDA LOOGU TUKADO

Mina, carafo & Muzdalifah GUJI
 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI... 

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”


Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]  

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 

XAJJ: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...

Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.