SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

QAYBTII 6aad EE XAJKA:
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 24, 2003

QAYBTA:
1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad | 6aad | 7aad

HAWLAHA LA QABANAAYO MAALINTA TOBNAAD

Waxaa kala yihiin.....

1. Dhagax tuurasho
2. Neef gawricid
......oo aan casharkii hore uga soo hadalney. Haddana insha'allah waxaa ka
hadleenaa......


3. Timaha Oo La Xiiro ama La Jaro:

Dabadeed raggu madaxa ayey xiirayaan ama gaabinayaan. Gaabintuna waa timaha oo
idil ee ma aha in madaxa meel ka mid ah xoogaa timo ah laga gooyo. Xiirashada
iyo gaabintuba waa kuu bannaan yihiin Nabiguse waa xiirtay. Dumarku in yar oo
timo ah (far xubinteed in le?eg) ayey timaha madaxooda ka goynayaan. Waa mamnuuc
mana bannaana in Xaramka la wasakheeyo oo aad Masjidka timahaaga ku jartid. Ajar
iyo xasanaad ayaan soo doonanay ee yeynaan dembi kasban. Sidoo kale qofku
nadaafadda ha ku dadaalo dhan walbaba. Qashinka meeshii loogu talo galay ku
hubso. Xaako iyo calyo ha ku tufin Masjidka iyo meelaha agagaarkiisa ah ee
lagutukanayo ee la raadso oo ku hubso meelaha loogu talo galay. Xaddiis la isku
waafaqsan yahay:

Anas Alle ha ka raalli noqdee, wuxuu wariyey in Nabiga yiri: in calyo
(candhuuf) Masjidka lagu tufo waa dambi, waxaana kafaaro-gud u ah in la
xabaalo.?Xabaalidduna waa marka Masjidku ciid (bacaad) yahay ee haddii kale waa
laga nadiifin.

Waano: Maalmaha Muno la joogo (10ka, 11ka, 12ka, 13ka, iyo safarrada la
deggan yahay) Salaad walba waqtigeeda ayaa la tukanayaa laakiin Salaadihii
afarta Rakco ahaa (Duhur, Casar, iyo Cishe) waa la soo gaabinayaa oo labo Rakco
ayaa la tukan. Waana sidii la yeelay maalintii siddeedda ee Xajku bilaabmay.
Sidaa ayaana Nabigu samayn jirey; yaa Nabiga uga fiican ku dayasho? Ku dayo
Nabiga oo gaabi Salaadaha safarka. Laakiin, haddii aad ku xiratid iimaam afartii
Rakco dhamays tiraya sida Xaramka iyo Masaajidda kale, adiguna dhamaystir oo
iimaamka ha khilaafiin.

4. Dawaaful Ifaaphah:

Isla maalinkaas tobanaad (haddii ay suurta gal tahay) qofku ha aado Xaramka oo
Kacbada toddoba jeer ha ku soo dawaafo, isaga oo raacaya habkii dawaafka ee aan
ka soo sheekaynay kaddibna Safaa iyo Marwa ayuu toddoba jeer Sacyigii
samaynayaa. Sacyigaan waxaa laga doonayaa oo kaliya qofka Xajkiisu ahaa Tamattu
(Xaj iyo Cumro kala go?an). Sacyigaan (Safaa iyo Marwa dhexdooda) lagama rabo
qofka Xajkiisu ahaa Ifraad (Xaj kaliya). Waase laga rabaa haddii aysan hore u
samayn markii hore. Yacni, haddii aanay Sacyi samayn markii ugu horreysey ee ay
Xaramka yimaadeen ee Kacbada ku dawaafeen (Dawaaful Qudduum), hadda ayaa laga
rabaa qolooyinka Qiranka iyo kuwa Ifraadkaba. Waxaa la door bidaa oo Sunne ah in
dawaafkaas (pawaaful Ifaaphah) maalinta ciidda ee tobanaad la sameeyo. Laakiin
haddii aanay suurta gal ahayn dib waa loo dhigi karaa ilaa saddexda maalmood ee
ciidda ka dambeeya.

Arrimahaas aan ka soo hadalnay waxay ku habboon yihiin oo Nabigu u sameeyey
sidaas aan soo sheegnay hoosna ku qoran. Laakiin, inaad isweydaariso waa laguu
oggol yahay. Yacni, afartaas arrimood waad isdaba marin kartaa oo kii kuu sahlan
waa hor marin kartaa oo Nabigu scw ma diidin.
1. Dhagax tuurasho
2. Neef gawricid
3. Timo xiirasho ama Gaabin
4. Dawaafka (Dawaafka Ifaaphah)

Marka qofku guto saddexda qodob ee sare ama labo ka mid ah. Ixraamkii xajka wuu
furi karaa oo waxaa u xalaal ah wixii aan ka ahayn labada isqaba oo isku taga.
Marka qofku la yimaado dhagax tuuridda, xiirashada ama Safaa iyo Marwa (ciddii
laga rabey), ayaa labadii isqabteyna isku tegi karaan. Yacni, labo ka mid ah
saddexda, ninka iyo haweentiisu iskuma tagi karaan waxyaalihii kale ee ixraamka
jabinayeyse qofku wuu samayn karaa.

CASHARKA XIGA HALKAN KA AKHRI.... GUJI

»» 1424: Maalmaha Muhiimka ah ee Jadwalka islaamka ee Sannadka... 

»» 24ka SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO    

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*
 | osmanbilad@hotmail.com

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI... 

pic21a.jpg (21300 bytes)

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”


Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]  

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxa uu kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, gaar ahaan wuxuu ku saabsanyahay  sedex xikmadood oo waa wayn... GUJI.... Wq [sh. Xasan Jaamici]


SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...

Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.