SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 CUMRADA & XAJKA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

XAJKA

QAYBTII 7aad EE XAJKA:
WD. Cusmaan Bilaad | osmanbilad@hotmail.com | Jan 31, 2003

QAYBTA:
1aad | 2aad | 3aad | 4aad5aad6aad7aad

 Asalamu aleykum, 

FADLIGA 10KA HORE EE BISHA CARAFO

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Waxaa fadli idiin ku filan 10kaan maalmood ee bisha Carafo in uu Allaah ku dhaartay oo Allaah yiri: ?Eebe wuxuu ku dhaartey waabariga. Iyo Habeennada tobanka ah ( Carafo).?

Ibnu Abaas, Ibnu Zubeyr, Mujaahid, Ibnu Kathiir iyo Culumo kale waxey ku fasireen in ay tahay 10ka hore ee bisha Carafo.

Rasuulka SCW waxaa kasugnaadey in uu yiri: "Maalmo Allaah camalka wanaagsan uu kajecelyahay majirto maalmahaan (yacni 10ka bari ee hore ee carafo). Ma xataa jihaadka wadada Allaah rasuulka allaw? (ayaa la weydiiyey)  wuxuu yiri: "xataa jihaadka aan ka aheyn qof bixiyey naftiisa iyo maalkiisa oo aan wax lasoo noqonin.?"

Waxaa rasuulka lawaydiiyay fadliga ay leedahay maalinta Carafo soonkeeda? Wuxuu yiri: "Waxaa lagu dhaafaa sanadkii hore iyo sanadka soo socda danbiyaashii aad gashey."

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Miyaada dooney in laguu dhaafo danbiyadii aad gashey sanadkii la soo dhaafey iyo kan soo socda? Hadaba waad dooneysaaye ee ka faa?ideyso fursadaan dahabka ah, oo soon iyo cibaado badan la imow.

SIDEE UGA FAA'IDEYSAN KARNAA 10KAN MAALMOOD?

Walaashey iyo walaalkey muslimka ahwo! Maadaama aan soo ogaaney 10kaa maalmood fadligoda, waxaa isweydiin leh sideen uga faa?ideysan karnaa? Walaal sida aan ugu fiican oo aan uga faa?ideysan karno waa:

1. In aad Allaah u toobad keentid kana faa?ideysatid maalmahaas fadligooda aanba caadiga aheyn.

2. In aad shanta salaadood oo faradka kugu ah aad waqtigooda ilaalisid, oo aad masaajida iyo jameecada muslimiinta la soo tukatid.

3. In aad soo xajisid haddaa  awood u leedahey, oo uu Ilaahey xoogaa dhaqaalo ah ku siiyey, adigoona ka bakheyleyn.

4. In aad soontid 9ka maalmood oo dhan hadaad awoodid. Hadaadan awoodina in aad soontid maalinta Carafo.

Walaal waa nicmad uu Ilaahey nasiiyay ee aan kafaa?ideysano.

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Bal ka warama hal maalin oo aad soontid haddii laguugu dhaafayo labo sano danbigaa gashey? Hubaashii qofkii dayaca maalintaa, oo aan ka faa?ideysan, oo aan soomin, oo aan cibaado dheeraad ah la imaanin, hubaashii kaasi waa wax ma garad aan caqli laheyn, ee ka faa?ideyso maalintaa oo soon si aad u heshid ajarkaa iyo danbi dhaafkaas.

Xusuus: Bisha Carafo waxey bilaabaneysaa taariikhda miilaadigaa markey tahey @ 02/02/03.

Ugu danbeytiina walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka ee idiin soo gudbiyey nasteexadaan wuxuu Ilaahey ka baryayaa inuu naga dhigo kuwii ka faa?ideysta fursadaan qaaliga ah.

 Wabilaahi towfiiq, wasalaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatu.


WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*  | osmanbilad@hotmail.com

»» 1424: Maalmaha Muhiimka ah ee Jadwalka islaamka ee Sannadka... 

»» 24ka SAACADOOD: MA'AQAAN WAXAAN KU SAMEEYO    

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo

Siiradii Rasuulka Maxamed scw
www.somalitalk.com/siiro

114 Quraanka Kariimka
www.somalitalk.com/quran

Ahmiyadda Cibaadada Salaadda
www.somalitalk.com/salaat

Hab nololeedkii saxaabadii Rasuulka
www.somalitalk.com/saxaabada

Sakada Maalka laga bixiyo
www.somalitalk.com/zakaat
 

Cuntada xalaasha ah iyo tan Xaaraanta ah
www.somalitalk.com/halal
 

Is-Xisaabi
www.somalitalk.com/islam/isxisaabi

CIBAADADA XAJKA
www.somalitalk.com/hajj
 

 

 MAALMO MUHIIM AH
Maalmo Muhiim ah ee Jadwalka Islaamka ee sannadka 1423/1424. GUJI... 

pic21a.jpg (21300 bytes)

 VIDEO MUUJINAYA XAJKA

Shuruudaha Xajka - daawo
 SALAAMAHA
Eidmubarak.com
khalidmosque.com
HAJ INFORMATION CENTER
. Haj Information/Guide
. Once-in-a-lifetime
. Pilgrimage to Makkah
. Hajj and Eid-ul-Adha
. The Call of Ibrahim
GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Wq. Ibraahim Saalax

SHURUUDAHA XAJKA
Abdulfatah Mohammed Abdulle


XIRASHADA CUMRADA {IXRAAMASHADA}
Cusmaan Bilaad 
...
HABKA CUMRADA LOO GUTO
..ISKU DIYAARINTA “XAJKA”


Fadliga Maalinta Cashuura....
Xasan Dhooye [abu xafso]  

MAALINTA CARAFA
WQ. Ibraahim Saalax 

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxa uu kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, gaar ahaan wuxuu ku saabsanyahay  sedex xikmadood oo waa wayn... GUJI.... Wq [sh. Xasan Jaamici]


SHEEKADII KIISHKA
Waa qayb aad u xiisabadan...  GUJI...

Copyright © 2003 SomaliTalk.com. All rights reserved.