SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

IGAD oo ku Baaqday in Soomaaliya laga soo saaro Dhammaan Ciidamada Shisheeye

Sida ay qortay shabakada wararka u faafisa dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Xinhua, dalalka ku jira ururka IGAD waxa ay ku baaqeen in dalka Soomaaliya laga soo saaro gebi ahaanba ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, ayadoo laga cabsi qabo in iska hor imaad halkaas ka dhaca uu keeni karo dagaal ku baaha dhammaan gobolka afrikada Bari.

"IGAD waxay ku baaqaysaa in dalka Soomaaliya laga soo saaro gebi ahaanba ciidamada shisheeye, isla mar ahaantaasna la qadariyo midnimada dalka Soomaaliya, waxana IGAD ugu yeereysaa dalalka oo dhami in ay qadariyaan cunaqabataynta Hubka ee ay Qaramada Midoobey hore u saartay dalka Soomaaliya, si markaas jawiga looga dhigo mid ku haboon wadahadal iyo heshiis" sidaas waxaa yiri wareegto ka soo baxday IGAD oo ay Isniintii heshay shabakada Xinhua. [Eeg halkan].

Dhanka kale, lataliyaha Melez Zenawi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay Itoobiya dagaal kula jirto Soomaaliya: Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya, isagoo aan kala saarin. Waxaana dadka siyaasada odorosa ay muujiyeen in hadalkaasi uu cadaynayo qorshaha dheer ee Xabashida oo ah in ay qaar Soomaalida ah ku adeeganayaan laakiin dagaalkoodu uu yahay mid dhan ka ah dhammaan dadka iyo dalka Soomaalida. [Dhegeyso: Ethiopia Says It Is at War With Somalia].


Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 December 2006 
  •  Dagaallo Ciidamada Wayaanaha lagu naafeeyey
  •  Siminaaro loo qabtay qaybo ciidammada xoreynta Ogadenya ka mid ah
  •  Xidhay iyo dhibaatooyin uu gumaysigu u gaystay dad rayad ah
  •  Raaf ciidan oo gumaysigu ka billaabayo dalka Ogaadeenya
  •  Maxkamadaha iyo IGAD oo  heshiis kala saxiixday
  •  Gudoomiyaha JWXO oo la kulmay ururka ardayda Ogadenya
  •  Barnaamijkii Riwaayada Radiyaha.
======================                      
Dagaallo Ciidamada Wayaanaha lagu naafeeyey
 
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo shegay dagaallo kala duwan oo dhex maray ciidamma xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo si wayn loogu jabiyay ciidammada nacabka ah ee gumysiga. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
05/11/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Mareeraale, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidamada cadowga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/11/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya waxay waddada u galeen ciidammo cadowgu leeyahay oo marayay meel u dhaxaysa La-helow iyo Jaleelo, waxayna halkaas kaga dileen 6 askari, 8 kalana way kaga dhaawaceen.
 
19/11/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa howgallo isku xilli ah ka fuliyay magaalooyinka Gorey, Banbaas, Qollaji iyo Dhagaxle, waxaana hawlgalladaas ciidammada cadowga loogu gaystay dhibaatooyin waawayn, hase yeeshee waxaan faahfaahintiisa ilaa iyo hadda haynaa hawlgalkii laga fuliyay Goray, oo cadowga lagaga gubay labo baabuur oo kuwa ciidanka ah, iyadoo ay ku dhinteen dhammaanba wixii labadaas baabuur saarnaa. Ciidammada cadowga waxaa markaas u soo gurmaday ciidammo kale, kuwaasoo iyagana laga dilay 8 askari oo uu ku jiro sargaalkii watay oo Gaashaanle ahaa.
 
20/11/06 dagaal ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya iskaga horyimaadeen Galaalshe, waxaa maxaysatada Itoobiya lagaga dilay 8 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
24/11/06 weerar ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay Jeexdin, waxay kaga dileen 4 askari, 3 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Isla 24/11/06 dagaal ka dhacay Daaloojiyow, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 14 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
27/11/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen xerada Kifladoorka ee ciidammada gumaysigu ku leeyihiin magaalada Dhagaxbuur, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare ba'an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
29/11/06 waxay sidoo kale ciidammada xoreyntu weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan Barmiilka, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyhaya 9 askari, 10 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Siminaaro loo qabtay qaybo CXO ka mid ah
 
Intii u dhaxaysay 30/10 - 09/11/06 waxaa siminaar loo qabtay taliska Qaybta Duufaan ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya, kaasoo ay ka qayb qaateen hawl-wadeenno badan oo ka tirsan taliska Qaybta Duufaan.
 
Siminaarkani wuxuu ku saabsanaa qaabka fulinta qorshayaasha Jabhadda, dar-dar galinta hawlaha halganka iyo horumarinta qaababka loo adeegsado fulinta hawlaha Jabhadeed ee Qaybtu u xilsaaran tahay. Siminaarkani wuxuu ku dhammaaday, wuxuuna u fulay qaabkii loogu talagalay.
 
Sidoo kale waxaa Qaybta Danab ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya u soo dhammaaday tababar ciidan oo muddo u socday. Tababarkani wuxuu billowday 16/11/06, wuxuuna dhammaaday 26/11/06, iyadoo ay ka qayb qaateen cutubyo ka tirsan Qaybta Danab e ciidammada xoreynta Ogaadeenya, wuxuuna tababarkani ku dhammaaday guul, iyadoo si fiican looga gaadhay ujeedadii laga lahaa.
 
Xidhay iyo dhibaatooyin uu gumaysigu u gaystay dad rayad ah
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya oo lagu yaqaano inay dadwaynaha rayadka ah ku gadoodaan marka waxyeello ka soo gaadho goobaha dagaalka, ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
 
Wax yar ka dib dagaalkii Jeexdin ka dhacay 24/11/06, waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku gadoodeen dadwaynihii rayadka ahaa ee deegaankaas ku dhaqnaa, waxayna deegaanka Gudhis ku gubeen 26 Aqal.
 
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ka dheceen dadwayne rayad ah ah oo ku dhaqan deegaanka Gudhis lacag gaadhaysa 15,000 oo Bir (shan iyo toban kun), markii ay taariikhdu ahayd 15/11/06.
 
18/11/06 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Awaaren ku xidhxidheen dadka kala ah;
  • 1-     Naasir Cabdi Cali

  • 2-     Deeq C/llaahi Ciid

  • 3-     Nin lagu naanayso Miino oo magaiciisa aanaan haynin

  • 4-     Maxamed Cabdi Quulle

  • 5-     C/llaahi Cali Mursal iyo

  • 6-     Shiine Xuseen Dhakad

Badhtamihii bishii Nofember waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Wardheer dadka kala ah;
  • 1-     Soofe Cabdi Cawl

  • 2-     C/naasir Aw Axmed Farsamo

  • 3-     Axmed Sh Yuusuf Muuse

  • 4-     Xirsi Axmed Siraad iyo

  • 5-     Maxamed Gaboobe Daahir

21/11/06 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur dadka kala ah;
  • 1-     Layla Macalin Dhabarlow

  • 2-     Ifraax Xaaji Cali Xayawaan

  • 3-     Fawsiya Cali Raage

  • 4-     Suleekha Sh Muuse

  • 5-     Nuura Maxamed Xaamud

  • 6-     Aagaan Siyaad

  • 7-     Sawda oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin

  • 8-     Xuseen Cabdi Faarax

  • 9-     Maxamed Cabdi Gaboobe iyo

  • 10     Soobe oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin

Raaf ciidan oo gumaysigu ka billaabayo dalka Ogaadeenya
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee xaqdarrada ku jooga dalka Ogaadeenya ayaa beryahan denbe billaabay qorshayaal is-garab socda oo lagu uruurinayo ciidamo, iyo kuwa lagu abaabulayo dad u ololeeya siyaasada gumaysi ee dalka Ogaadeenya ka jirta.
 
Ciidammada gumaysigu waxay hirgelinayaan qorshe ay ku uruursanayaan dad la qoro waxay ay ugu yeedheen ciidamada fadaraalka Itoobiya. Ciidamada gumaysigu waxay degmo kasta oo dalka Ogaadeenya ka mid ah ka doonayaan inay keento 100 nin oo ka mid noqda ciidammada Itoobiya, waxayna fulinta qorshahaas ka billaabeen qaar ka mid ah degmooyinka dalka, sida degmada Sagag.
 
Hase yeeshee dadwaynaha ayaa qorshahaas si cad uga horyimid, iyadoo saraakiisha ciidammada gumaysiga ee arrintan ku hawllan si qayaxan loogu sheegay inayna diyaar u ahayn inay askar qortaan, iyadoo la xusuusiyay in dhalinyaradii hadda ka hor gobollada Ogaadeenya laga ururiyay wixii dagaalkii Eritrea iyo Itoobiya ka soo badbaaday ay hadda ku dar-xumaysan yihiin magaalooyinka Ogaadeenya, iyadoo ayna jirin wax daryeel ah oo loo fidiyo iyo xuquuq la siiyo midna, sidaas darteed waxay ciidammada gumaysigu degmooyinka qaarkood ka billaabeen raaf ay dhalinyaro ciidan laga dhigo ku ururinayaan.
 
Qorshaha raafka waxaa garab socda qorshe kale oo isagana dadwaynaha lagu khaldayo, iyadoo saraakiisha ciidammada gumaysigu ay degmo walba ka dalbeen inay diyaariso 100 qof oo qaybaha bulshada oo dhan ka kooban, kuwaasoo la siiyo waxa ay ugu yeedheen sminaar wacyi galin ah. Dadkan ayaa lagu abaabulayaa inay ka hortagaan qorshayaasha Maxkamadaha Soomaaliya, oo ay dadwaynaha ugu sheegayaan inay yihiin kooxo xagjira oo diin kale wata, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.
 
Si katsaba ha ahatae qorshan qafaalka ee hada ka bilowdeey Ogadeniya ayaa wuxuu yahay mid  bishii Nov 13 2006 lagu soo go'aamiyey, kadib mar shir loogu yeedhay Magaalada Adis Ababa, saraakiisha Gumeysiga Wayaanaha ee Ogadeniya ka dagaalanta.

Kulankaas ayaa lagu soo go'aamiyey 3 qodob oo kala aah:
 
  1. In saraakiisha ciidamada dib loo shaandheeyo oo qaar la khaarajiyo, qaarna laga eryo ciidanka, kuwana la dalacsiiyo.
  2. In Olale balaadhan oo dagaal lagu qaado ONLF iyo Somaliya
  3. In Degmo kasta oo wadanka Ogadeniya ka tirsan laga keeno oo laga soo qoro 100 askari, haddii si khiyaar ah loo keeni waayona la soo qafaalo oo xoog lagu soo qoro.
Qodobkan u danbeeya ee qafaalka ayaa hada Ciidamada Wayaanuhu guda galeen fulintiisa.

Maxkamadaha iyo IGAD oo ku heshiiyay in aan Ciidamo shisheeye la keenin Soomaali

Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed iyo wadamada ku bahoobey Urur Goboleedka IGAD oo shir ku lahaa magaalada Jabuuti ayaa ku heshiiyeen in aan Dalka Soomaaliya la keenin Ciidamo shisheeye.

Bayaan uu soo saarey Urur Goboleedka IGAD kadib markii ay la kulmeen Maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay "In dalka Soomaaliya laga saaro dhamaan Ciidamada Shisheeye, iyada oo la tixgelinayo qaranimada Soomaliya, isla markaana la adkeeyo cunaqabateyntii xaga hubka ee Soomaaliya sareyd"
Dhinaca kale, uqaabilsanaha arimaha dibada Midowga Maxaakimta Islaamka Soomaaliya Prof Ibraahim Xasan Cadow ayaa sheegay in ay qoraal u gudbiyeen Q/Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, iyo Urur Goboleedka IGAD taas oo ay ku cadeynayaan in hadii Ciidamo la keeno dalka Soomaaliya uu Gobolka ka dhici doono Dagaal lagu hoobto.
Mr Cadow ayaa shaaciyay in IGAD ay isla gaareen qodobo muhiim ah oo lagu xoojinayo in IGAD ay Ciidamo keenin Soomaaliya iyo in aan Xayiraada hubka laga qaadin dalka Soomaaliya.

Waftitga dawlada Itoobiya uga qayb galay shrika IGAD ee Jabuuti ka dhacey ayaa sheegay in Wasiirka Arimaha Dibada ee Itooobiya iyo Madaxa Waftiga Maxaakiimta Islaamka Sh Shariif Sh Axmed in ay kulmeen, iyaga oo sheegay in ay Maxaakiimta Islaamka u shegeen waxa ay ka qabaan, inkasta oo aysan faah-faahin ka bixin. Bale Prof Cadow oo ah madaxa qaybta arimaha Dibada ee Maxaakiimta ayaa sheegay "in aysan la kulmin Wasiirka Arimhada Dibada ee Itoobiya, wuxuuna sheegay waxaan Itoobiya ka dalbaney in ay Ciidamadeeda kala baxdo Dalka Soomaliya, markaas kadib ayana wada xaajoon karaa"
Si kastaba ha ahaatee qorshaha Qaramada Midoobey ee Maraynku horseedka ka yahay ayaa ku baaqaya in Ciidamda Jimciyada Qumaha ka dhaxaysa ee la doonayo in Soomaaliya la geeyo aysan ku jiri doonin wadamada Safka hore ee IGAD, taas oo Itoobiya si sharci ah uga saareysa ku jirida Gudaha Soomaliya.
05 December 2006.
Axmed Xidig
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00  waqtiga Afrikada Bari
Sheekii Qoray Kitaabka Al-Raxiiq Al-makhtuum oo Geeriyoodey
 

Waxaa dalka India Jimcadii 1-12-2006 ku geeriyoodey Sheekh Safiyu raxmaan mubaarak fuuri oo Allaha u naxariistii janno ka waraabiyee ahaa caalimkii qorey kitaabka caanka noqdey ee ka hadla Siirada Nabi Muxamed (CSW),  laguna magacaabo Al-raxiiq Al-makhtuum. Kitaabkan oo ay dad badan aamisanyihiin inuu yahay kitaab ka mida kuwa ugu qiimaha badan qoraaladii laga sameyey ilaa hadda Siiradda Nabiga (CSW) iyo tariikhdii ku xeernayd nolashii suubanaheena iyo waliba halgankii dheeraa ee u galay faafinta Diinta.

 
Sheekh Mubaarak Fuuri waxaa uu ku dhashay tuuladda Xuseen Abaad ee ku taal dalka India sanadkii 1942kii, wuxuuna waxku bartay kuliyadda Al salafiya oo uu ku takhasusay culuumta Fiqiga iyo Xadiiska rasuulka, taasoo uu markii danbana dadka uu aad bari jirey intii aanu unu u guurin dalka boqortooyada Sascuudi Carabiya oo uu noqday macalin culuumta Islaamka ka dhiga  Jamacadda ( The Islamic University) ee ku taal magalada Madiina Al munawara intii u dhaxaysay (1988-1998kii). Waxa kale oo uu sheekhu cilmi baare dhanaca diinta Islaamka ka ahaa makatabadda Daar al salaam ee ku taal magalada Riyaad.
 
Inkasta oo uu sheekhu aad ugu soo caan baxay kitaabkiisa Al-raxiiq al-makhtuum hadana waxa uu qorey kitaabo aad u badan oo wax tar wayn u yeeshay ardeyda barata culuumta Islaamka iyo dhamaan muslimiinta, waxaan ka xuusi karnaa qoraaladaas dhaxal galka ah, sharax calaa saxiix al muslim, talkhiis tafsiir ibnu kathiir, sharx buluuq al maraam, rowdtu al anwaar fii siiratu al nabiyu al mukhtaar iyo kuwo kale oo badan.
 
Sida la ogsoonyahay kitaabka Siirada ha ee Al-raxiiq almakhtuum wuxuu ka mid yahay kutubta aadka ay Soomaalidu u xiisayso aadna culima badana ay duruus ka bixiyeen, kuwaasoo ilaa iminka laga helayo meelo badan cajaladihii laga duubay oo dafaha dunida iyo meelkasta oo Soomaalidu ku nooshay laga helo.waxaana ka mid ah culimada kitaabkaas aadka u akhriyi jirey hadana u akhriya Sheekh Daahir, Sheekh Aadan Siiro iyo kua kale.  
 
Cabdi Yuusuf
Qaahira
horrisom@yahoo.com

Hooyo soomaaliyeed oo u baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da

Hooyo Saynab Yuusuf Xirsi waa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo 3-Sano ku xanuunsan Magaalada Muqdisho. Mar aan ku booqday Guri ay degan tahay ayaa waxaan aad uga naxay sida ay u liidato Hooyo Saynab, waxaa dhowr jeer gacan siiyey Dadka dariska ah balse ma ‘aheyn gacansiintaas mid kaafin kartay Hooyo Saynab oo markan la kulmayey ay ag fadhiyeen labo Caruur ah ay dhashay waxaa labadaas Caruur ah haatan quudiya Dadka dariska ah.waxaa haya haweeneydaan Gabar ay deris yihiin oo lagu magacaabo Canab Maxamed .

“ kaalma yar oo ku soo gaarta ma’ahan mid ku kaafin karta, waxaas oo dhan waxaa igala wanaagsanaan lahaa anigoo hela Caafimaad buuxa” ayey tiri Hooyo Saynab oo markii hore ahayd Haweeney u xamaalin jirtay Caruurteeda waxay intaas sii raacisay” waxaan maanta goystay inaan isku dhiibo Bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba si ay Gacan Baniaadanimo ii siiyaan.

Hooyo Saynab waxay la taaheysaa Cudurka TB-da Caluusha waxayna waysay Cid gacan ku siisa kana daawaysa Cudurkaasi oo ah mid si sahal ah lagu daawayn karo, Hooyo Sayanab oo jir ahaan u dhamaatay ayey waxay ku hadlaysay Cod aad u daciif ah oo ka soo gu’ayay Caluusha aad baan uga naxay anigaaba ku sigtay in ay illin iga timaado “ waxaan ku iri Hooyo Inshaa’Allah waad caafimaadi doontaa waxaan kuu ogahay in Dadka Soomaailyeed ay yihiin Dadka isu naxariista isuna gargaara, inta ay Madaxa luxday ayey Tiri” iga gaarsii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay Il naxariis ah igu eegeen, Hooyo Saynab Cid ahel u ah kuma sugna Magaalada Muqdisho waxay ii sheegtay in Dadkeeda ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa.

Hooyo Saynab waxay u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan Cudurkaasi oo si fudud loogu Daweyn karo Dalka haddii loo helo dhaqaale.

Ciddii doonaysaa inay caawinto Haweeynaydaan inay kala soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-5532494

Maxaakiimta Islaamiga oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], oo... Akhri...

Soomaalida Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo xeryaha qaxootiga Akhri...

Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....


Heshiis Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah Akhri.... Dec 4

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD