SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON


Maxaakiimta Islaamiga oo Afhayeenka RPP Ka Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe

LONDON UK: Dec 4, 2006: Waxaa waqooyiga London hool ka kuyaal ee lagu magacabo Imaan shir jaraa'id ku qabtay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party [RPP] ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer]. Afhayeenku wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin mowqifka fog ee xisbigiisu kataagan yahay ciidamada itoobiyanka ee kusugan deeganada Puntland iyo gabi ahaanba ciidda Soomaaliyeed, iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa oo looga saari laha gayiga Soomaaliya.

Ula jeedada ugu wayn ee uu afhayeen C/Naasir u qabtay shirkan ayaa ahayd wargalin uu dadka reer Puntland ku wargalinayay in xisbigiisa Ramaas uu guul wayn soo hooyay maanta isagoo guusha ku sheegay in maxaakiimta Islaamka ay dhowaan siin doonan xisbiga Ramaas dhaqaale lagu dhiso garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, isagoo arrintaas afhayeenku ka hadlayana wuxuu yiri:

"Walaalayal maanta aniga iyo idin kaba waxaay nootahay farxad wayn, maxaa yeelay hadaynu reer Puntland nahay caasumadeenu waa Garoowe waxaadna ogtihiin oo ka warqbataan in aysan waxba dheerayn tuuloyinka iyo miyigaba, waxaaynu kaloo ka warqabnaa in maamulka Puntland uusan wixii casumadaha loo qaban jiray iskadaaye garoon diyaaradeed uu u quuriwayay, markaan aragnay in maamulka Puntland caasumada uusan wax usoo wadin aniga C/Naasir ahna dad badan oo reer Lascaanod ah oo reer Galkacayo ah oo reer Qardhood ah ay igu yiraahden Garoowe baa garoon ku fiican maxaayelay waxay ku taal bartamaha wadanka oo dhinac walba way u dhowdahay, ayaan waxaan go'aan saday in aan darbi walba u qaraaco sidii garoon lagu heli lahaa, Ilaahay mahadii waxaan arintan kala hadlay maxaakiimta Islaamka wayna soo dhaweeyeen codsigayga, wuxuuna iga balan qaaday gudoomiyaha shuurudu Xasan Daahir Aways in uu xisbigayaga Ramaas dhowaan usoo gacan galin doono dhaqaalihii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

C/Naasir [jeer] waxa uu SomaliTalk.com u sheegay in xisbiga Ramaas uu qiimayn ku soo samayn doono kharashka kubixi doona Garoonka diyaarahada Garoowe, qiimayntaasna ay gudbin doonaan Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliyeed oo ballan qaaday in ay bixin doonaan kharashka ku bixi doona dhismaha garoonkaas.

Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2006


Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya..

Ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer], afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party (RPP) ee Yurub

Nov 29, 2006: Waxaa shir jaraa'id magaalada London ku qabtay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party (RPP) ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], shirkan ayuu afhayeenku kaga hadlay arimaha kasoo cusboonaday baryahan deegamada Puntland iyo gabi ahaan Soomaaliya oo dhan, waxyabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa:

"Waa inuusan maamulka Puntland ka noqon go'aankii ahaa qaadashada shareecada Islaamka, waa inuu madax weyne Cadde Muuse kala diraa dowlada hadda dhisan soona dhisaa dowlad taya leh kana dhex muuqdan xisbiyada siyaasiga ah iyo culama'awdiinka iyo aqoon yahanada wadani nimadu ku jirto, waxaan kaloo madaxweynaha u soo jeedin inuu san iska indha tirin dabaysha iyo isbadalka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan kusoo cusboonaday, yaraysana doonista shacabka Puntland waxa ay rabaan iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, haddii u madax weynuhu iska indha tiro arimahaas oo dhan wixii ka yimada oo dhib ah isaga iyo maamulkiisa dhabarka u ridan."

Wuxuu kaloo afhayeen C/naasir si kulul u canbareeyay joogista ciidamada Itoobiyanka ee kusugan magalada Galkacayo wuxuna afhayeenku sheegay in ay cabashooyin badan ay uga yimaadeen culumo kusugan Galkacayo oo ay handadad u gaysteen ciidamada Tigreegu, wuxuuna si kulul u yiri :waa in maamulka Puntland kasaara deegamada Puntland ciidamada Itoobiya hadii ay kasaari waayaana waanu ku jahaadaynaa anagoo adeeg sanayna tageerayasha xisbiga Ramaas iyo shacabka reer Puntland ee diin tooda jecel sharaftoodana dhawranaya."

Maruu afhayeenku ka hadlayay mowqifka ay ka taagan yihiin Maxaakiimta Islaamka wuxuu sheegay in ay xiriir leeyihin maxaakiimta iyo xisbiga Ramaas kana midaysan yihiin in Soomaaliya lagu dhaqo shereecada Islaamka iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga Soomaaliya sida Itoobiya iyo wixii la mid ah, wuxuuna inta kudaray in maxaakiimtu aysan cadow ku ahayn shacabka Puntland ee ay wanaag uun la rabaan, arintasna C/Naasir ahaan ay dhawr jeer kawada hadleen Gudoomiyaha golaha shuurada SHiikh Xasan Daahir Aways.

C/Naasir Guure Faarax [jeer] waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD