SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya..
Ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer], afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party (RPP) ee Yurub

Waxaa shir jaraa'id magaalada London ku qabtay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party (RPP) ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], shirkan ayuu afhayeenku kaga hadlay arimaha kasoo cusboonaday baryahan deegamada Puntland iyo gabi ahaan Soomaaliya oo dhan, waxyabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa:

"Waa inuusan maamulka Puntland ka noqon go'aankii ahaa qaadashada shareecada Islaamka, waa inuu madax weyne Cadde Muuse kala diraa dowlada hadda dhisan soona dhisaa dowlad taya leh kana dhex muuqdan xisbiyada siyaasiga ah iyo culama'awdiinka iyo aqoon yahanada wadani nimadu ku jirto, waxaan kaloo madaxweynaha u soo jeedin inuu san iska indha tirin dabaysha iyo isbadalka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan kusoo cusboonaday, yaraysana doonista shacabka Puntland waxa ay rabaan iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, haddii u madax weynuhu iska indha tiro arimahaas oo dhan wixii ka yimada oo dhib ah isaga iyo maamulkiisa dhabarka u ridan."

Wuxuu kaloo afhayeen C/naasir si kulul u canbareeyay joogista ciidamada Itoobiyanka ee kusugan magalada Galkacayo wuxuna afhayeenku sheegay in ay cabashooyin badan ay uga yimaadeen culumo kusugan Galkacayo oo ay handadad u gaysteen ciidamada Tigreegu, wuxuuna si kulul u yiri :waa in maamulka Puntland kasaara deegamada Puntland ciidamada Itoobiya hadii ay kasaari waayaana waanu ku jahaadaynaa anagoo adeeg sanayna tageerayasha xisbiga Ramaas iyo shacabka reer Puntland ee diin tooda jecel sharaftoodana dhawranaya."

Maruu afhayeenku ka hadlayay mowqifka ay ka taagan yihiin Maxaakiimta Islaamka wuxuu sheegay in ay xiriir leeyihin maxaakiimta iyo xisbiga Ramaas kana midaysan yihiin in Soomaaliya lagu dhaqo shereecada Islaamka iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga Soomaaliya sida Itoobiya iyo wixii la mid ah, wuxuuna inta kudaray in maxaakiimtu aysan cadow ku ahayn shacabka Puntland ee ay wanaag uun la rabaan, arintasna C/Naasir ahaan ay dhawr jeer kawada hadleen Gudoomiyaha golaha shuurada SHiikh Xasan Daahir Aways.

C/Naasir Guure Faarax [jeer] waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD