SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Bosaso: Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee ramaas Daahir Ciiro oo siyaasiyiin iyo aqoonyahano kula kulmay Bosaso.

Ramaas CiiroGudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party  oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (RPP) Daahir Ciiro oo baryahaan marayay gobalada dalka si uu ugu kuur galo xaalada ka jirta dalka ayaa kula kulmay Magaalada Dekeda ah ee Boosaaso siyaasiyiin iyo waxgarad, aqoonyahanada, ganacsadata Gobalka bari iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha ayaa u tagay Magaalada Boosaaso hawlo la xiriita baahinta xisbiga isaga oo gudoomiyuhu baryahaan uu kukala bixinayay lugo badan qaar ka mid ah gobalada dalka.

Gudoomiyaha ayaa kula kulmay magaalada Boosaaso Maxmed Xaaji Aadan oo mar ahaan jiray wasiir ka tirsan DGPL ahan siyaasi caana oo si wayn looga yaqaano gudaha iyo dibeda dalka Somalia.

Gudoomiye Daahir Ciiro ayaa sidoo kale kula kulmay magaalada Bosaaso inta badan Ganacsatada  waxana ay kawada hadleen sidi loo baahin lahaa Xisbiga islamarkaana taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba loo siin lahaa Xisbiga islamarkaana ay lama huraan tahay in laga wada qayb qaado sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho cod aqlabiyada ay uga hirgalilahayd dalka (one person one vote).

Si kastaba Gudoomiyaha oo hogaaminaya xubno badan oo ka tirsan Xisbiga Ramaas ayaa sii joogi doona magaalada Boosaaso ilaa iyo Khamiista soo socota sida uu shaaciyay afhayeenka Xisbiga Axmed Cabbaas oo ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo gudoomiyuhu waxana uu intaa ku daray  in ay  mari doonaan dhamaan gobalada dalka inta u dhimana ay tagi doonaan sida ugu dhakhsaha badan isagoo sheegay in ay tahay u jeedada ugu wayn ee ay u marayaan gobalada sidii sare loogu qaadi lahaa siyaasada xisbiga.

Ma ahan markii ugu horaysay ee uu gudoomiyaha xisbiga Ramaas iyo xubno ka tirsan xisbigu ay booqasho kukala bixiyaan gobalada dalka   iyaga oo baahinaya ahmiyada ay mushtamaca u leedahay nidaamka xisbiyada badan.

Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahirciiro  ayaa u kuurgala xaalada dalka iyo sidii  loo turxaan bixin lahaa waxyaabaha lakala tabanayo islamarkaana maamulka looga  soow ada jeensan lahaa in uu mar walaba wax ka qabto hadba dhibaatada taagan. 

A/rizak koronto

Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD