SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabay: Qaadan kari waayay

Gabaygan la magac bacay Qaadan kari waayay waxaa curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi waxa uuna gabaygu soo baxay 5/12/2006 ta waxaa uuna gabaygan ka Hadlayaa marxaladihii dhibta badnaa ee ummadda soomaaliyeen soomartay iyo waliba Wadada qaloocan ee hadda lagu socdo haddiiba dagaal la hurinayo.

Waxaa kale oo Abwaanku uga hadlayaa gabaygan Cawaaqib xumada Qabyaalada iyo Sida ummaddeenu u jeceshahay.

Waxaa kale oo Gabaygu ka hadlayaa dhaqanka is qarxiska oo kusoo siyaaday ummadda soomaaliyeed ayada oo dadka Soomaaliyeed aysan caado u lahayn in ay is qarxiso . 

Waxaa gabaygu ku bilaabmayaa sedan…. 

Qaadan kari waayay 

  1. Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay
  2. Sidii ruux qunbulad cunay miyaan qaraw lasoo toosay
  3. Qalbigaygu wuxuu diidayoon qoonsadaa jiraye
  4. Soomaaliyoo qaadannoo qorigi aan tuurin
  5. Oo wali qabiil aan ka harin Nabadna aan qaadan
  6. Oo sida qaruun aan is dhalin kala qaloonaysa
  7. Oo qaybba meel-lagu xirtoo aan is qabanaynin
  8. Oo qiima-laawiyo nimaan gayin ku qooqaayo
  9. Oo qaarad kale laga hagoo qodobo loo yeersho
  10. Oo quuqle iyo qaaqle iyo qayl u talinaayo
  11. Oo ay qorsheeyeen dagaal laysku qiro beelo
  12. Oo shacabka aan laga qorayn qayladiyo dooda
  13. Nabaddiina laga quustayoon lays qadarinaynin
  14. Qaxarkiyo dhibaatada jirtoo aan la qarinaynin
  15. Qun markaan u eegaa qalbigu sii qarxanayaaye
  16. Dhulkeenii qasaaraha ka jira qaadan kari waayay. 
     
  17. Nin raggaa qushuuciyo wadani qiimaloo wacane
  18. Midkii qurux dagaal moodayow malahan qayraade
  19. Qaxarkii lasoo maray haddaan qodobo soo qaato
  20. Qarankeeni aafoobay iyo qaaraddii gubatay
  21. Qunbulado rasaasiyo wixii balo ka qiiqaysay
  22. Wixii shacab la qoor gooyayoo qoon la halakeeyay
  23. Qabuur laguma gurinine wixii mayd qolfo`ah yaalay
  24. Qofkii laanta qaadkaahi ay qiimo kor u dhaaftay
  25. Guryihii qurxoonaan jiroo hoobiyuhu qaaday
  26. Jidkii la isku qaadahayayoo qaraxu aafeeyay
  27. Warshadihi lakala qaybsadoo nalaka qoon daystay
  28. Qabqabliyo waxay nagu dhigeen qarash kuwii siiyay
  29. Qun markaan u eegaa qalbigu sii qarxanayaaye
  30. Dhulkeenii qasaaraha ka dhacay qaadan kari waayay. 
     
  31. Qoorgooyo joogtaahi waa qodob inoo yaale
  32. Dad ayaan qadayn maalintaan dhiigba qubanayne
  33. Waa qaali Nabadduye maxaa ina qilaaf siiyay?
  34. Waxdhanbaan qaracan wada ahayn qoriga awgiise
  35. Waxdhanbaa ninkii qaaliyaba qoorta loo jaraye
  36. Waxdhanbaan qasaare iyo hoog qaxar u taagneyne
  37. Waxdhanbaan qax iyo silic marniyo nolol qaraarkeede
  38. Waxdhanbaan qaraabo iyo ehel la isku qiimayne
  39. Waxdhanbaa qurxoontii haween qaydka loo jaraye
  40. Intaasoo qasaraaa markii qaadir ina dhaafshay
  41. Qabqablihina uu naga qabtoon wada qaboobaanay
  42. Qiiqkale inaan hurino oo qaylo kor u duusho
  43. Oo aan qorshaynaa dagaal qaadan kari waayay. 
     
  44. Qalabkoo an boobniyo galaay qoomamaa xigine
  45. Warhoy Nabad inaan qaadanaa maanta qayr badane
  46. Qowlkayga igu raaca oo qoriga aan tuurno
  47. Isqadariya waad noqon-kartaan qaran walaallaaye
  48. Soomaali qowlka iyo diin waysku wada qayre
  49. Haddaan qolana gaalada galayn cunaya qaansiirka
  50. Waxa qaarba meel laagu xiray qaadan kari waayay. 
     
  51. Qurux male qabyaaladi ninkii qiimalaa garane
  52. Anakuna qareen baan u nahay qaali iyo wile
  53. Qalbigaa illaah nooga dhigay sida quraankiiye
  54. Qofkastana qabiil iyo hanbaa qoorta loo suraye
  55. Nimaan qalad lahaynbaa harkii qaan rag loo diline
  56. Dhaqankaas an qiimaha lahayn qaadan kari waayay. 
     
  57. Qaraxyadi ka dhacay baydhaboo qoonka badan laayay
  58. Wixii soo qorsheeyiyo wixii qaas ahaan fuliyay
  59. Qasdigay lahaayeen haddaan yaraha qiimeeyay
  60. Waa wixii ciraaq iyo qaribay qoonka falastiine
  61. Niman yohow qaracanbaan ahoo qaadan kari waayay. 
     
  62. Nimanyohow qaxootiga noqdoo xabash u qoor dhiibtay
  63. Iyo kuwa jahaad qaada loo qori xalmoodaaya
  64. Haddii aad qadarin naga rabtaan qaata taladayda
  65. Oo shacabka qiimeeya oo qaxarka aan dayno.
  66. Qurgooyada ka hara wada jirkaad qayrku halaysaane.. 
     

                       Dhamaad

Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi Nairobi Kenya
Email:m_dhagaafe@hotmail.com ama m_dhagaafe@yahoo.com

Faafin: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD