SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXKAMADUHU WAXAY WALI JOOGAAN TUULADA QAAWANE 

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Dec 12, 2006


Waxaan maqlay in reer miyi ahaa oo degannaa degaanka Hawd loo yaqaan oo aan waligiis tuulo iman, magaalo iska daayee, in uu maaliin ciid ah yimid tuulada la yiraahdo ”Qaawane”. Ninku wuxuu aad ula yaabay faraha dadka meesha joogay. Waligiisna dad intaas la ek oo hal meel isugu yimid muusan arag.

 Markay in muddo ah ka soo wareegtay maaliintii ciidda ahayd ee uu Qaawane tagay, laakiin aysan maskaxdiisu wali ka bixin dadkii fara badnaantiisii, ayuu amin casar ah la soo istaagay koox rag ah oo idaacadda BBC-da meel ku dhagaysanaysay. Wararkii idaacadda waxaa ka mid ahaa;

 “In waddanka Shiinuhu uu noqday waddadanka ugu dadka badan adduunka oo ay tirade dadkiisu gaartay kun milyan”.

 Ninkii aad buu ula yaabay waxa ay British Broadcasting Corporation sheegayso wuxuuna u arkay inaysan British Broadcasting Corporation adduunkaba war ka hayn, oo ay meelo yaryar uun ka soo warranto. Deedna intuu goobtii ka dhaqaaqay ayuu yiri;- 

 “Wagar! Kun malyan aad?!. War Qaawane oo maalin ciid ah laysugu soo baxay baydaan arkin, ee kun milyan kamaydaan sheekayseen, mana aydaan buunbuuniseen” 

 Haddaba waxay sheekan qosolka iyo xikmaddaba leh igu soo dhacday markii aan ka daawaday Universal TV mudaaharaadkii ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, kaas oo looga soo horjeeday qaraankuu cuno-qabatayn ka qaadkii hubka Soomaaliya ee ay gaareen QM.

 Waxaana raggii madaxda ahaa ee mudaaharaadkaas ka qayb qaatay ka mid ahaa Sheekh Yuusuf “Indha-cadde” oo ah madaxa amaanka maxaakiimta. Sheekh Indha-cadde wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo qaraarka QM iyo inay diyaar u yihiin inay difaacaan diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda. Taas wuu ku saxsanaa. Xaqa buuna u leeyahay inuu diintiisa iyo dadkiisa iyo dalkiisab difaaco. Lakaiin waxaan u yaabay markii aan maqlay Sheekh Indha-cadde oo leh;- 

 “Maraykanka halkanaa lagu xabaalayaa. Meydkoodaana dhulka lagu jiidayaa. Anigaan ka mid ahaa dadkii meydkooda dhulka ku jiiday” 

 Cajiib iyo amakaag. Waxaa wax lala yabao ah inuu Sheekh Yuusuf si caddan ah u qirto danbi aad u weyn. Taasoon diinta Islaamka ku bannanayn in ruux meyd ah dhulka lagu jiido ama la suurad xumeeye. 

 Laakiin waxaa iska cad:-

  • Inuusan Sheekh Yuusuf ka fikirin cawaaqib xumada ay u yeelan karto guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo hareeraheeda ku nool.
  • Inuusan ka fikirin inay Maraykanku awood u leeyihiin inya meesha uu taaganyahay hal gantaal oo baabi’iya ku soo ridi karaan, labo Calina aysan iska weydiinayn.
  • Inuusan ka fikirin ummadda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa Maraykanka ku nool inay dhibaato u keensan karto.
  • Inuusan ka fikirin ummadda Soomaaliyeed waddamada reer galbeedka ah jooga ee kaalmada iyo taageerada har iyo habeyn ula taagan maxaakiimta iyo kacdoonka shacabka ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Intaas aan soo sheegayba kamuusan fikirin markii uu khudbaddaas godobta iyo qirashad danbiga xanbaarsan jeedinayay. Wuxuu arkay uun sida ay hareerihiisa u taaganyihiin ragga iyo dumarka ay isku heybta yihiin. Kuwaas oo kala badnaaday kun milyan. Wuxuuna la mid yahay ninkii tuulada Qaawane yimid uun. 

 

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
 Chairman of  The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
 Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD