SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
DIGNIIN CULUS

Soomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Waxaa qoray: Sumba Snr & wakaaladaha
Dec 6, 2006, 03:04

Nayroobi,- Waxaa jirta in cudurka HIV AIDs uu ku yar yahay dalka Soomaaliya waxaan lagu qiyaasaa in ay qabto boqolkiiba hal (1%), hase yeeshee, sida laga soo xigtey Dr. Fernando Morales oo ah nin ka shaqeeyo xafiiska Quruumaha Midoobey (QM) ee u qaabilsan carruurta, waxaa jirta dadka faraha badan ee Soomaalida iyo waddamada dariska la ah ee xudduudaha isaga kala gooshayo in ay keentey in tirada dadka uu cudurku ku dhacayo ay korodho. Gobalka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo xudduud la leh dalka Itoobiya ayaa ah gobalka ay halista cudurkani u badnaan karto.

Leo Kenny, oo ah Isuduwaha UNAIDS ee Soomalia ayaa jariidadda "Plus News" u sheegey in badnaashaha tirada dadka qabta cudurkani ay tahay mid aad u sarreysa marka laga qiyaas qaato bulshooyinka muslimka ah. Cudurkuna wuxuu madaxa la galay heer uu u sii dhawaadey in lagu tilmaami karo in uu gaarey heer uu si ba’an u faafi karo. Dalka Soomaaliya waxay haatan mareysaa marka la eegu heerka cudurkan heerkii ay Koonfurta Afrika joogtey 10 sano ka hor.  
 
Marka la eegayo cudurkan dalka Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa seddex gobal oo mid walbo gooni yahay: Jamhuuriyadda isku magacawdey Somaliland ee gobalka Waqooyi Galbeed, Gobalka isna isku magacaabey Puntland ee Waqooyi Bari, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Daraasad la sameeyey 2004-tii oo ay sameysey Ha’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxay sheegtey in dadka cudurka qaba ee Somaliland ay gaarayaan 1.4% ama boqolkii qofba hal qof iyo badh kudhowaad, iyadoo Barbara ay tahay meesha ugu daran Soomaaliya oo dhan ee uu cudurkuna gaarey 2.5% marka la barbar dhigo 0.6% oo ay qabaan dadka ku nool koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. 

Hirut SemuHalbowlayaasha ganacsiga ee Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha kuwa xambaara kheyraadka aadka loogu baahan yahay-kaas oo inta badan ka taga dalka intuu soo geli lahaa-ee waxay kale oo uu si korodh badan u fududeeyaan fididda cudurka AIDS-ka Itoobiya. AKHRI QORMADII MAGAALADA NASAREED

AIDS-KA - Su'aal uu kajwaabey Dr. Ibrahim
Dr. waan kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad uga soo jawaabto su,aalaha. su,aal? Mudo haatan laga joogo afar sano ayaan u galmooday haweenay jirkeeda ka ganacsata anigoon isticmaalin protection ama condom,ka bacdi aad ayaan uga werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed ayuu qofku isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.
ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo danbe oo xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan. aad baan u mahadsantahay  Jawaab....

Sida uu  ugu badan yahay cudurkaan dalka Itoobiya waxaa daliil u ah isagoo gaaray ila 3.5 % ama boqolkii qofba in ay qabto wax ka badan seddex qof . Taas oo ay sii dheer tahay in meelaha xudduudaha uu cudurku u boodayo in uu gaaro ilaa 10% ama boqolkiiba toban in ay cudurka qabto. Sidaasna waxaa yiri Mudane Morales.

Soomaaliya wax dowlad ah oo sharci ah ma laheyn ilaa iyo 15-kii sano ee la soo dhaafey waana dal qaba dhibaato weyn oo dhinaca cuntada ah waayo cunto sugan oo ku filan dadku ma heli karaan. Boqollaal kun oo Soomaali ah ayaa ka shaqeeya kuna nool xudduudaha ay Soomaaliya la wadaagto dalka itoobiya iyo Kenya. Taas ayaana dhalisa in ay inta badan ka soo hayaamaan dalkooda hooyo si ay dhaqaale iyo bulshaahaanba u tacbadaan iyadoo taasna ay sii dheer tahay in kummanaan kalena ay qaxooti ku yihiin waddamada dariska ah.

Warbixin ay sanadkii 2006 daabacday UNAIDS oo ku saabsaneyd xudduudaha iyo isu socodkooda ee gobalkan Geeska Africa ayaa waxaa lagu sheegey in la ogaadey in ay caadi iska tahay in rag badan  oo dumarkii ay qabeen ka soo fogaadey sida darawallada iyo geddisleyda in ay la galmoodaan naagaha jirkooda ka ganacsada iyagoo weliba galmoonaya iyagoon ka gaashaaman cudurrada. Dad kale oo soo barakacay iyo dumar badan oo baahi ay haysaba waxay u dagan yihiin cudurkaan waayo waxaa ay u badan tahay in ay naf ka raadiyaan wax u keeni kara ama sare u sii qaadi kara in ay qaadaan cudurkan.

Dadkan doolka ah waxaa ku jira kuwo badan oo leh hab bulsho oo aad u kala duwan, kala dhaqan duwan oo kala af ah. Taas oo keeneysa in dad badan oo kuwaas ka mid ah ay caqabadi ay hortaallo ah sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen adeegyada caafimaad ee loogu talagaley HIV/AIDS. Dhibaatada Soomaaliya waxaa sii laban laabey iyadoonba la heli Karin Galcaar iyo iyadoon aysanba jirin adeeg caafimaad oo dadka ku filan. Sidaasna waxaa yiri Kenny oo ka socda UNAIDS. 

Waddamada gobalku hadda uun bey ku baraarugeen oo gareysteen muhimadda ay leedahay in la wajaho arrimaha la xariira socdaalka xudduudaha la isaga kala goosho iyagoo haatan u aqoonsadey in socdaalkaasi uu yahay qodob ka mid ah qoddobada sahla in uu cudurku faafo. Kulan bishii Nofeember lagu qabtey Somaliland, xubno matalayey guddiyada cudurka AIDS ee Jabbuuti, Eriteriya, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa waxaa laga sheegey halkaas in iskaashi dhexmara dowladaha geeska Afrika in uu fure u yahay sidii looga guul keeni lahaa dagaalka uu gobalku kula jiro cudurkan dilaaga ah ee sida baahsan u faafaya.

"Waxaanu leenahay taariikh fog oo ah isku socdka dadka una kala gooshaya xudduudaha, waxaana aynu ognahay in dadka socodka badan in ay ku yartahay in ay isticmaalaan tabo ay isaga ilaalinayaan HIV iyo iyadoo ay aad u liitaan adeegyada lagu daaweeyo cudurka.” Sidaas waxaa yiri Muse Kassim, oo ah Agaasimaha Guud ee Guddiga AIDS-ka Somaliland. "Cudarkani waa mushkilad taalla gobalka dhammaantiisa mana aha wax lagu xallin karo kali kali ay dowladuhu ugu jawaabaan.”


Dumarku waxay ahaan kara kuwo aad ugu nugul HIV. Sidaas waxaa qortay PlusNews oo sawirkana soo daabacday

HARGEYSA: Qoraal kale oo ay qortay PLUSNEWS ee QM bishii May 1, 2006 ayaa sheegay in Aamina Xasan oo deggan oo ah 26-jir uu ninkeedii geeriyoodey, ahna hooyo laba carruur ah haysata, ay ka mid tahay 110 dumar ah oo Cusbitaal ku yaal Hargeysa kaga faa'iideysta barnaamij daawada ARV oo bilaash ah lagu siiyo, daawadaas ARV oo la siiyo dadka qaba cudurka AIDS-ka.

Aamina waxay tiri: Waxaan bilaabay in aad qaato daawada ARVs muddo laga joogo shan bilood. Waxaan hadda dareemayaa in aan sidii hore ka xoog weynahay, waxaana miisaankayga ku siyaadey 6 kiilo. Waxaana qorshaynayaa in aan daawadaas u isticmaalo sida ay dhakhaatiirtu yiraahdeen.

Aamina waxa ay sheegtay in ninkeedii uu afar bilood ka hor u geeriyoodey xanuun la xiriira AIDS-ka, markii ay iyaduna dareentay in ay xanuunsan tahay ayey iska soo eegtay in ay cudurka qabto, waxaana la ogadey in ay HIV qabto bishii December (2005). Nasiibwanaag labadeeda gabdhood, oo ah 2-sano-jir iyo 4-sano-jir, ma qabaan cudurka AIDS.

"Waxaan qiyaaseynaa in HIV uu markii ugu horeysey Somaliland soo gaarey toban sano ka hor, waxana uu si xawli ah u kordhay afartii sano ee la soo dhaafay, laakiin ilaa hadda mujtamaca badankiiso muhiimad weyn ma siiyaan cawaaqibka uu leeyahay" sidaas waxaa yiri Dr. Deq Saeed oo ka tirsan UNAIDS.

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa  wfarah@rogers.com

Isha: http://www.kenyanewsnetwork.com/artman/publish/article_1814.shtml
Iyo: http://www.plusnews.org/aidsreport.asp?reportid=5913
MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006

Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya -
ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

.Frazer waxay dalka Mareykanka u sameynaysaa Cadaw | Wali Farax

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD