SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DR. IBRAHIM

 Su'aalo & Jawaabo

> Riyood
> Stroke
> cabsi AIDS afar sano ka bacdi
> Lawga Xanuun
> dry skin
> hawo
> kaadimacaan
> garbaha iyo naasaha
> madax xanuun
> Af ur
> Dheecaan
> Caanada
> kaadi xanuun


Riyood

S:kalmada IXTILAAB waxaa layidhaah daa wet-dreams ama jabeekii mar kaaa d see xato ayaa riyoom ood isu arki shaa wad,taydu waa todobaad ka in tiisa badan mana arko riyo marmar moo yee ??

J:dadka badankiis ma xasuustaan waxa ay ku riyoodaan. waxay u badan tahay in aad riyooto oodan xasuusan. Arrintaan wax dhibaato ah oo ay caafimaad ahaan leedahay ma maqal. una maleen maayo in ay jirto wax kaa jooginayo riyada. mahadsanid.

Stroke

S: DHIIG KAR: Hooyaday oo waxaa jirta Dhiig kar qabta, laakiin markay daawaduu Doctor ku usoo qoray qaadatay waxaa soo laabmay luguhii, carabkiina wuu culusaaday oo hadalkii ayaa ku adkaaday (could it be a stroke). Marka uu qofku noocaas noqdo maxaa laga qaban karaa? cunto gaar ahse miyuu u baahan yahay? Mahadsanid Dr. Ibrahim:)

J: sida aad u sharaxday, waxay u egtahay Stroke. Laagiin inta badan daawooyinka loo qaato hypertensionka ma keenaan Stroke. Sida aad la socoto sababta aan u daaweeno hypertensionka waa in la celiyaa Stroke. marka waxaa dhici karta in stroke ka yimid dhiij karka (hypertension) oo uusan la socon daawada. Sida badan wax aan aheen physical therapy loogu tala kalay stroke ma ahane wax kale lagama qaban karo. Hase ahaatee waa in la hubsadaa waxii keenay si dib dembe mid labaad loo ciliyo. Daweeen arrintaa wax ka qabta waa jiaan. Cuanada caadiaga ah oo caafimaadka leh ayaa haboon. Cunada wanaagsan waxay ku xiran tahay qofka caafimaadkiisa iyo cudurada uu qabo. Waxaa haboon haddii ay kuu suuroobayso in aad la tashatid dadka ku taqasusay cunada (nutritionist). Mahadsanid.

cabsi AIDS afar sano ka bacdi

S: Dr. waan kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad uga soo jawaabto su,aalaha.

su,aal?

Mudo haatan laga joogo afar sano ayaan u galmooday haweenay jirkeeda ka ganacsata anigoon isticmaalin protection ama condom,ka bacdi aad ayaan uga werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed ayuu qofku isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.

ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo danbe oo xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan.
aad baan u mahadsantahay

J: Cudurka AIDSka calaamado u gaar ah ma laha. Waxa aad isku argayso waxay ku xirantahay sida uu dhibaato u garsiiyey difaaca jirkaaga. dad waxaa jira positive noqday mudo hadda laga joogo 15 sano iyo wax ka badan oo ilaa iyo hadda aan yeelan cudurka AIDSka. Waa jirtaa in markii uu cudurkaani rasmi jirka wax u yeelo in ay kugu dhici karaan cuduro kale oo inta badan la xiraara AIDSka.

Waayihii hore inta aanan daawooyin fiican loo heen cudurka AIDSKa waa jirtaa dadku qaarkiis in ay sugi jiraan inta ay isku arkayaan calaamado sheegaya in cudurkaani jiro. Laakiin hadda taasi talo fiican ma aha, sababta oo ah qofku waa in uusan sugin inta dhibaato soo baxayso. Waxaan dadka iskaga baqaya cudurkaan sidaada oo kale inta badan kula talinaa in la baaro. sababta oo ah haddii la arko in aad qaadatay cudurkaan, waxaa hadda la haayaan daawooyin fara badan oo si fiican dib ugu dhigi kara in uu cudurku AIDS u gudbo.

Taa waxaan ola jeedaa in qofkasta oo baaristu sheegtay in uu qabo viruska loo yaqaan HIV in uusan wali qabin AIDS. AIDS macnaheedu waxaa weeye cudurkii ayaa dhibaato gaarsiiyey difaaca jirka oo keenay in ay dhalato arrimo kale oo uusan jirka iska difaaci karin. hadaba waxaan ku talin lahaa haddii aad iskaga baqeyso cudurkaan oo aadan wali is baarin, is baar. Haddii aad noqoto negative oo aadan la kulmin qof aad ka baqayso in ay cudurkaan qabto ilaa iyo afar sano, waxay u badan tahay in aadan cudurkaan qabin oo aad ka wal washo oo kali ah sidii aadan mar horleh jirgaaka halis u galin laheen. mahadsanid.

Lawga Xanuun

S: dear Dr ibraahiim waxaan dareemaa marka aan u fariisto lugo is gashiga oo ah labada lugood is dhaafsado oo lug kasta mida kale hoos galiyo (oo la yiraahdo fadhiga murabbac afka carabiga )xanuun kaasoo oo ay i xanuunayso lowga ama jilbaha marka maxaan sameeyaa ma lawgaa biyuhu ku yaryihiin mise waa wax kale mase jiraan daawooyin
thanks

J: Lawga biyo kuma yaraadeen waligood. Waa jirtaa dadku markii ay dhuqoobaan in ay gasho wax la yiraahdo Arthritis (ama rumatismo- somalida dhihi jirtay). laakiin wax biyo ama arthritis ah oo inta badan lagu sheego dadka 20 sano jira ma jirto. Waxay u badan tahay in aad u baahan tahay exercise. mahadsanid.

Hawo

S: asalaamu alaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu Walaal waxaan jeclaan lahaa waxa soboba Qalaylka jirka iyo waxaa u dawo ah? What cause Dry skin and what is its Cure?
Jazaakalaahu khayran

J: inta badan waxay ku xiran tahay hawada. Haddii aad ku nooshahay wadama qaboob, xilika Winter waxaa inta badan dhacda in humiditika ay soo u dhacdo. Taa ayaa keenaysa in maqaarku lumiyo qoyaan badan. Laakiin waxay ku xiran tahay oo kale qofka. Inta badan dadka qaba cudurada caadiga ah ee maqaarka ku dhaca, markii uu maqaarka qalalo ayay cuduradu ad u dhibaan. Inta badan dadka ku nool wadamada qaaboob way barteen oo waxay si joogta ah u isticmaalaan lotion. Laakiin dadkeena ka yimid wadama tropics ah oo humiditika had iyo jeer aad u badan tahay, ma naqaan in aan si joogta ah u isticmaalno lotion. Inta badan waxaat arki qof markii uu qubaysto oo kali ah isticmalaya oo aanan qubaysan mar ama labo ka badan asbuucii. Taas waxay keenaysaa dry skin fara badan. mahadsanid.

dry skin

S: Illaahey hakaa ajarsiiyo dhamaan howsha aad dadkaaga u qabato. Kadib markaan akhriyay su'aalaha ey dadku ku soo weydiiyeen ayaan waxaan rabay inaan wax ka ogaado su'aal horay laguu weydiiyay oo ku saabsaneyd AARYO ka imaneysa xubinta taranka ee dumarka. Xaaskeygu wey qabtay arintaa oo kale laakiin hada wey ka joogsadeen. Waxaan rabaa inaan ogaado in sababtu ey tahay sidaan inagu moodnay iyo inkale.

Waxaan ku nool nahay guri dad kale nala dagan yihiin. Xaaskeygu markaa inta badan dhuusada wey isku celisaa xataa hadii aan nahay labadeena oo kaliya. Maalintii dambe ayaan waxaan kula taliyay iney farsamo kale sameyso oo aaney dhuusada isku celin. Wixii intaa ka dambeeyay wey joogsatay aaryadii. Hadaba ma sidaan arinka u fahanay baa mise waxyaabo kale ayaa jira.
Mahadsanid

J: haddii waxba jirin hadda , waxay u badan tahay in aanan dhibaato meesha oolin. haddii sida aad wax iigu sheegtay wax u jiraan, wax aad ka walwasho meesha ma yaaliin.
mahadsanid.

kaadimacaan

S: salaanta muslimka kabacdi, hadii aad qabtid cudurka kaadimacaanka, oo aad ku nooshahay wadamada yurub, oo aad tahay nooca 2aad, ee kaniiniga, ma u fiicantahay qofka in uu sii deganaado wadamada yurub, mise afrika ayaa u fiican? mahadsanid.

J: Kuma xirna meesha aad ku nooshahay sida cudurkaan noqonayo. Waxay ku xiran tahay sida aad u contorooshid sokorta. Taas oo ah adiga oo daawada qaata; adiga oo iska ilaaya cunada sokorta badan; iyo adiga oo si joogta ah u arka dhakhaatiirtaada. Haddii arrinmahaan aad sameysid, meesha aad ku nooshahay dhibaato ma kenayso. mahadsanid.

garbaha iyo naasaha

S: salaan dr aniga oo ah gabar 26 jir ah oo aan guri la hayan ama aan la qabin ayaa waxa i xanuuna naasaha iyo garbaha dhakhtarada yurubna waa ay i garan waa yeen cudurkaasi ye ma i caawin kartaa adida ayaa dhakhtar soomaliyeedee sidaas iyo jawaab

J: Inta badan xanuun ku saabsan naasaha haddii ay la socdaan xanuun ku saabsan garbaha, waxay u badan tahay in dhibaadada ay la xiriirto miisaanka naasaha iyo awooda garbaha. Maadaama aadan ii sheegin in dhibaato jirto, sida dheecaan ka imaanaya naasaha; nabar ku yaal naasaha; wax tala ah oo ka duwan tan aad ka heshay dhakhaatiirta ku aragtay kuma siin karo. mahadsanid.

madax xanuun

S: Marka hore waad salaamantahah. Salaan kadibna, waxaa jirta in isku argkay madax xanuun, gaar ahaan marka aan saacado badan seexdo, sida maalinta Jimcada ah oo aan nasasho leeyahay. Maxaa arrintani u sabab ah? J: dadka badan kood nashada waxba uma dhibto. madax xanuuna ma keento. Haddii aad tahay qof quuriya oo misana aad u culus (miisaan ahaan) , waa dhici kartaa in aad qabto wax la yiraahdo Sleep Apnea. Oo ah in neeftaada ay joogsato markii aad seexato. Taasoo ku yareenaysa oxygenka maskaxda. Waa suuro gal in markaad mudo badan hurudo in ay maskaxdu oxygen weynayso oo madax xanuunku hal kaa yimaad. Laakiin waxaa kale oo jira wax yaabo fara badan oo keeni kara madax xanuun. Waxaa haboon in aad aragto dhakhtarka si loo baaro waxyaabahaa oo dhan iyo sleep-related problems. Mahadsanid.

Af ur

S: DR IBRAHIM. i live in USA i have bad breath for longtime. icontact dentisty i clean my mouth ,floss everyday i also saw my DR checked my sugar it is ok but i had surgery on nose(sunes) and it did not help.DR QUMANKA MAKEENAN BAD BREATH ?MARARKA QARKOOD WAX URAYO AYAANKA SOO SARA QUMANKA HOOSTOODA. CALOOSHANA KAWARAN?WAXAAN DAREMA TIGHT UNDER MY LIFT BREAST OCALOSHA AH
DR IAM THANKING YOU FOR YOUR TIME, KNOWLEGE AND WISDOM

J: dhakhaatiiru si fiican uma fahamsano wax yaabaha keena afka in uu uro. Inta badan waxaa loo maleeyo waa kuwa aad xustay. Waa suuro gal in ur uu ka yimaado dhinaca caloosha, laakiin urkaasi waa nooc ka kadisan kan dadka caadiga inta badan ka cawdaan. Qumanka inta badan ma keenaan ur. Laakiin haddii oo jiri infection qeer caadi ah waa suuro gal. mahadsanid.

Dheecaan

S:su aashaydu waxey tahay waxaa marmarka qaarkood iga yimaada dheecaan kaasoon aheyn shahwo ama kaadi inta badana waxaan isku arkaa marka uu dareeenkeygu kaco , sideen uga hortagi karaa sababtoo ah waxuu igu hayaa dhibato badan oo ah in aan had iyo jeer aan daahiriyo dharka uu iga gaarey.

J: mid laka hortagi karo ma aha. Dheecaankaas waxuu ka mid la yahay sida ay waxkasta u shaqeeyaan. Waa wax jirku ugu tala kalay in ay ka hormaraan shahwada. Dhibaato caafimaad ma laha. mahadsanid.

Dheecaan

S:su aashaydu waxey tahay waxaa marmarka qaarkood iga yimaada dheecaan kaasoon aheyn shahwo ama kaadi inta badana waxaan isku arkaa marka uu dareeenkeygu kaco , sideen uga hortagi karaa sababtoo ah waxuu igu hayaa dhibato badan oo ah in aan had iyo jeer aan daahiriyo dharka uu iga gaarey.

J: mid laka hortagi karo ma aha. Dheecaankaas waxuu ka mid la yahay sida ay waxkasta u shaqeeyaan. Waa wax jirku ugu tala kalay in ay ka hormaraan shahwada. Dhibaato caafimaad ma laha. mahadsanid.

caadada iyo dhiiga khaldama

S: DR marka hore salaamu calaykum marka hore hada ka hor waxaan ku waydiiyey suaal ku saabsan cadad ama dhiiga qaldama marka waan helay jawaab taadii waan fahamay markawaxaan kale oo rabaa in aan ku waydiiyo kaniiniga dhalmada looga hortago waan ku xanuusaday markii aan cunay shan xabo waan iska joojiyey marka ma ee sheegi kartaa daawo kale oo aan qadan karo teeda kale hadii aan qaato kaniiniga hormoona ka badiya ma ii sixi karaa bal inta aan dhaqtarka waydiin bal i soo sheega waxay ku la tahay koolay anigu cilmi uma lahi waan iska qiyaasay aad baad u mahadsan tahay nabadey

J: Waxaan kuula talin lahaa in aad dib ugu noqoto dhakhtarkaagii oo aad u sheegto sida aad wax iigu sheegtay. mahadsanid.

kaadi xanuun

S: Asalamu caleykum? Dear Dr. Ibrahim Salan kadib waxaa igu dhacay cudur layirahdo kaadi xanuun waxaan ola jedaa markay kaadida iqabato ma isku celinkaro waa inaan isla markaa ku ordaa musqusha mararka qaarkood waxaan ku sigtaa iney iga baxsato.
wabilahi tofiq.

J: ma aqaan cudur la yiraahdo kaadi xanuun. Waa jirtaa in dadka qaarkii markii uu ku dhaco infection dhinaca kaadi keenta ay kaadida xanuunto maalintiina ay aadaan 10-15 jeer musqusha. Laakiin cudurkaa wuu ku yar yahay dhalinyarada raga ah. Mida kale dadka waaween ee raga ah waxa ay mar mar qabaan kaadi deg deg (urgency) oo ay keento waxa la xiriira prostateka (oo ah qanjir ku yaal kusga hoostiisa oo weynaada dadka duqoobay). Taa u maleenmaayo in aad qabto adiga oo jira 23 sano. haddii aad mar mar badan (10 ilaa 15 jeer) musqusha aadayso oo kaadida ku xanuujinayso, waxaad u baahan tahay in kaaditaada la baaro. haddii aad ka wado in markii kaadi ku qabato wa in aad mushqusha aadaa, taas kuligeen waan kula qabnaa dhibaatana ma aha. mahadsanid

Qore: Dr. Ibraahim

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD