SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  AFRIKA
Maanta waa:

Jendai Frazer waxay Dalka Mareykanka u sameynaysaa cadaw iyadoo ku kaceysa khaladaad badan

Waxaa qortey: Carolyn Davis
Email: cdavis@phillynews.com . Tel: 215-854-4214.
Philadelphia Inquirer Editorial Board

Shaqada ay hayso Frazer waa howl aad u muhiim ah oo haddii ay si wacan u qaban weydo howshaas ama ay wanaajin weydo waxaa markaa Aqalka cad la gudboon in ay shaqadaas ka baddalaan.

| Dec 4, 2006

Halka ay carruurta iyo qoysaska ku nool Yugaandha iyo gobalka Darfur ee Suuudaan ay ka sugayaan nabad iyo halka shacabka ku nool Soomaaliya ay ka baqayaan in dagaal ba’ani ka dhaco waddankooda, ayaa Jendai Fazer waxay sameyneysaa khaladaad iyo cadow badan oo ay u barbaariso dalkeeda.

Sida ay saraakiil badan oo ah kuwa dowladda Marekeyka iyo hay’ado kale oo biribaati oo ah kuwo ku xeel dheer arrimaha Afrika ayaa sheegeen natiijada dhaqdhaqaaqa Jendayi inay noqoneyso un fursado ay dowladda Marekanka uga dhigto kuwo ay ku faan faanto oo ay tiraahdo waxaan caawineynaa in aan dhammeyno halaagyadii bini’aadnimo ee ugu ba’anaa adduunka.

"Waan u baahannahay in ay sidan si dhaanto aynu sameyno waaba awoodnaaye in waxan wax ka wanaagsan aynu sameyno,” sidaas waxaa yiri Chris Smith oo ah xildhibaan ah Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka oo ah ninka isagu guddoomiya guddi-hoosaadka golaha Kongareeska Mareykanka ee u qaabilsan Afrika iyo xuquuqul insaanka.

Waxaa jirta sabab wanaagsan oo ay tahay in la maqlo erayada Smith. Afrika waa qaarad u soo yeelaneysa dalka Mareykanka muhimmad istaraatijiyo. Waa qaarad leh dhaqaale dihin oo aan weli la maalin. Waddamada fowdadu ka jirto ee Afrikana waxay hoy u noqon karaan argagixisada. Marka in la caawiyo shacabka uu dagaalku dhexda gashadey waa wax boorka ka jafi kara muuqaalka Mareykanka ee ciidoobey.

Seddex halaag ayaa si gaar ah u baahan in lala beegsado diblumaasiyad waadix ah oo hufan.

Xaaladda ugu daran waa gowraca aan loo meel dayin ee ka jira Darfur. Markey wax badan xildhibaannada kongareesku ku qaylinayeen Madaxweyne Bush markii danbe bishii Sebteember go’aansadey in uu magacaabo Andrew Natsios oo uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee ay tahay in uu ka shaqeeyo Darfur iyo arrimaheeda. Andre wuxuu ahaan jirey odayga madaxa ka ah Ha’adda dalka Mareykanka u qaabilsan caawimada caalamiga ah.

Magacaabistaas wuxuu Bush ku muujiyey sida ay dhab uga tahay in uu wax ka qabanayo arrinta Darfur. Farriinna uga dhigey Madaxweynaha Suudaan oo ah ninka ka danbeeya xasuuqa ka jira Darfur in arrintu muhimad gaar ah u leedahay Xafiiska Madaxweynaha.

Smith wuxuu yiri magacaabidda Ergey aqoon iyo karti u leh arrimaha Darfur waxay u tahay dadka sida Bashiir oo kale ah mid soo jeedineysa oo ka dhigeysa in ay u soo jeestaan arrimaha taagan oo ay wax ka qabtaan.

Frazer uma ekeyn in ay arrintaas fahamsantahay. Meelo badan oo aan warar ka heley ayaa ii sheegey in Frazer ay isku daydey, laakiin ay ku guul dareysatey in ay hor istaagto magacaabista ergeyga. Smith wuxuu yiri bilo ayaan arrinta kula murmayey Frazer. Dadka ku xeyn daaban Frazer ayaa u sheegey Smith in ay Frazer ku fikirtey in ay kaligeed xallin karto qaska Darfur.

Xildhibaanka jamhuuriga ee Frank Wolf wuxuu aad uga xumaadey is hortaagga magaacaabista ergeyga ee ay Frazer ku kacdey. “qof allaale qofkii aan ka qaban wixii ay suurtagal aheyd in laga qabto arrinta Darfur, ayaaba waxay noqoneysaa wax la isku soo eedeyn karo” sidaas waxaa yiri Wolf.

Mar la wareystey Frazer maalintii Jimcaha aheyd, wey diiddey in ay ka jawaabto su’aalo laga weydiiyey in ay diiddan tahay magacaabidda Ergeyga iyo in kale. Waxayse tiri wadashaqeyn wacan ayey la leedahay Mr. Natsios.

Waxay kale oo ku adkeysatey in Madaxweyne Bush iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Condoleezza Rice ay iyagu yihiin hoggaamiyayaasha siyaasadda arrimaha dibadda. Taasi waa run oo waa yihiin. Laakiin waxay ku go’aan oo go’aannada ku qaataan hadba kal-kaaliyaalkoodu sar sare waxa ay u soo diyaariyaan.

Haddiiba ay sax yihiin warbixinnada la daabacay, waxaa markaa jirta in qof ka mid ah maamulka uu qaatey go’aan xun oo ah in la taageero dagaal oogayaasha Soomaalida, iyadoo ay jirto Cunaqabateynta hubka ee Qaraamada Midoobey ay ku soo rogtey Soomaaliya. Waayo? Maxay sidaa u yeeleen, in dagaal oogayaashu la dagaallamayaan koox muslimiinta asal raaca ah oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida.

Hayaay! Waa waxay Soomaali u baahneyd- in hub badan lagu sii dal dalo.!! Waxaa taa sii dheer, istiraatigiyadii oo shaqeyn weydey. Waxay noqotey in Kooxdii Islaam doonka aheyd ay qabsato caasimaddii; waddamadii dariskuna ay u hiilliyaan maleeshiyooyin kala duwan.

Xaaladdu way ka sii dari kartaa. Frazer waxay rabtaa in Golaha Ammaanku abuuro dol doleel loo yeelo Cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya si ay markaasi u suurtowdo in Soomaaliya loo diro Ciidamo Afrikaan ah oo hub la gala. Himilada ciidankaasi waxay noqoneysaa in ay tababaraan boolis iyo in ay difaacaan dowladda ku meel gaarka ah, dowladdaas oo ah mid ay ka buuxaan oo ku cabbeysan yihiin wixii dagaal ooge Soomaaliya daafaheeda ka kala yimid.

Dowladda Mareykanku waxaa laga yaabaa in ay ku fikireyso in ay jabiso Asal raaca Soomaaliya ay tahay qayb ka mid ah dagaalka lagula jiro argagixisada. Laakiin, intii xal siyaasadeed la raadin lahaa haddii dagaal deegaaan ku kooban la sii huriyo waxay taas keeni kartaa in uu dhaco dagaal gobal oo markaa mandiqada ka dhigo mid aan xasillooneyn oo ka sii darta. Waxaa kale oo dhici karta in Al-qaacida uu boos uga bannaanaado meeshaas oo ay markaas dukaan ka furato gobalka.

Waxaa kale oo jirta dagaalkaas ka socda waqooyiga Yugaandha kaas oo galaaftey carruur badan muddo ku siman labaatankii sano ee la soo dhaafey. Maamullo badan oo Mareykanka soo marey dhabarka ayey u jeediyeen mushkiladdan.

Wadahadallo aan caga badan ku taagneyn oo u dhexeeya madaxweynaha Yugaandha Yoweri Museveni iyo ninka la yiraa Joseph Kony oo isagu hoggaamiya ciidanka iska caabinta ee Ilaahey ayaa ah kuwii ugu fursadda wanaagsanna ee nabad lagu heli karo ee ebid dhaco.

Waxaa marka jiho iyo jaah aan la heyn oo la garan la’ayahay sababta uu Aqalka Cad ee Mareykanku u caawin waayey Yugaandha si ay u soo qabato Kony ama ay cadaadis u saari weydey Museveni oo la xulufo ah Mareykanka si markaa loo helo nabad.

Sabab ka mid ah sababaha ayaa ah habacsanaanta, wareersan iyo taageerada kala dhiman ee Frazer ku garab gashey wadaxaajoodka labadaas nin u dhexeeya.  Mid ka mid ah xildhibaannada jamhuuriga ayaa ugu yeera Frazer “Museveni-jecel” waayo waxay koolkoolisaa ninkaas Yugandhiiska ah- in kastoo uu qayb ku leeyahay eedda dagaalkaas iyo sanadaha badan oo uu socdeyba.

Dadka kale ee iyagu indha indheeya arrimaha Aqalka Mareykanka looga taliyo ayaa iyagu yiri dhibaatada Frazer waxaa asal u ah garashadeeda oo gaaban, iyagoo mara ku dhag ah dhinaca maamulka, iyo iyadoonba dooneyn in ay ka garowdo in loo baahan yahay in ay qof kale ku aaminto arrimaha Afrika. “Hal qof howshaan ma qaban karo. Taasi waa wax aan macquul aheyn.” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka iyagu wax indha indheeya.

Frazer waa caqli badan tahay, waa firfircoon tahay iyo iyadoo la yiri waxay aad isugu fiican yihiin Condoleezza Rice iyo Bush-ba. Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyadu waxayba macallin u aheyd Frazer markii ay PhD-ga ka qaadaneysey Jaamacadda Stanford. Frazer waxay kale oo ka soo shaqeysey Guddiga Nabadgalyada Qaranka ee ay madaxda ka aheyd Condoleezza Rice. Xiriirkaasi waa wax aad u wanaagsan oo wax tar leh- waase haddii Frazer ay lahaan laheyd xirfad diblomaasiyadeed oo ay ku isticmaasho xiriirkaas dhow ee ay la leedahay Rice iyo Bush.

Ha i fahmi waayina; Darfur, Somaliya and waqooyiga Yugaandha waaba xujooyin cabsi badan gelin kara diblomaasiyiinta ugu xarfada badan dalka Mareykanka. Laakiin sidey Frazer wax u waddo ayaa howsha sii adkeyneysa.

Aad ayey u wanaagsanaan laheyd haddii Frazer ay canaantan u qaadato in ay isku sii hufto oo ku sii hagaajiso howsheeda. Laakiin taasi ma muuqato, maaddaama ay isla markiiba iska xoortey oo tiri waxani waxay u eg yihiin olole la’igu magac xumeynayo. Waa laga yaabaa in ay tahay ardeygii ay Rice ku kalsooneyd. Laakiin howsha ay hayso iyo muhimmadda aadka ah ee howshaasi leedahay awgeed, haddii Frazer ay is hufi Karin ama isku dayi weydo in ay is hufto, Aqalka Cad waa in uu Frazer baddalaa oo keenaa diblomaasi kale oo howsha gudan kara.

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa  wfarah@rogers.com

ISHA: Philadelphia Inquirer | http://www.philly.com/mld/inquirer/

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2006

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD