SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Quursiga Qiil ayuu Leeyahay

Zahra Abdi Hersi

 umubakar@hotmail.com

Holland

 

Dhowr jeer ayaa la is weydiiyay arrinta murtida noqotay  ee ah quursigu qiil ma leeyahay?, inkastoo ay dhaafi weyday oo ay noqotay in su’ aashaas iyada ah mid iyada uun lagu dul wareegto oo la soo dhaafi waayo, ayaa waxaa ah in aanu marka hore is weydiino su’aal kale oo laga yaabo in ay fure ama jawaab u noqon karto su’aashaas na mashquulisay ee waqtiga naga lumisay quusrigu qiil ma leeyahay?

 

Haddii la doonayo in la samaysto waddo loo maro magaalo ama meel noloshaadu ku xiran tahay, sow marka hore ma’ahan in la gooyo geedaha ku yaala waddada aad doonayso in aad samaysto?

 

Inta aynan ka jawaabin su’ aashaas fudeedka badan aanu marka hore isla akhrino qisadan yar, qisada magaceeda waxaa la yiraahda:Calaacal

 

Muddo aad u dheer oo boqolaal sano laga joogo ayaa waxaa la sheegay in ay qoysas ama dad ku ag noolaayeen ama ag degganaa geed aad u weyn, geedkaas wuxuu hoosta ama halkiisa hoose ka ahaa geed caadi ah, haseyeeshe wuxuu dusha ku lahaa ayaa la yiri laamo wata caleemo waaweyn iyo qodxo, geedka waxaa gadaashiisa ama xaggiisa dambe ku yaalay beer weyn iyo ceel biyo macaan ah, dadkaas waxay noloshoodu ku xirnayd sida la sheegay biyaha ceelka iyo miraha beerta ka soo go’a markii ay doonayaan in ay beerta wax ka soo goostaan amaba ay xoolahooda ka soo waraabinayaan ceelka ama biyo ka soo dhaansanayaan waxay la kulmi jireen dhibaato iyo tacab fara badan noloshoodana maalinba maalinta ka dambaysa wey sii adkaanaysay geedka dhibka uu ku haayo darteed, xitaa waxaa la sheegay in aysan mar mar nolol ku soo noqon jirin, qaar ka mid ah qoysaska markii ay dhinaca beerta iyo ceelka u dhaqaaqaan, geedkuna maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii dheeraanaya isla markaana sii fidaayay, halkaasna waxaa sii kordhaayay dhimashada gaajada dadkaas.

 

Sannooyin badan markii ay silicaas ku noolaayeen, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in nin qoyska ka mid ahaa hadlay oo yiri, noloshan dhibka badan ee aan ku noolnahay waxaa u sabab ah geedkan, markaas ayaa qoysaska intiisa kale inta ay ka daba qaylisay yiraahdeen:haa waa runtaa waa geedkan midka aanu ka noolaan la’ nahay, mid kale ayaa soo booday oo yiri geedka aanu ka jarno qodxaha waayo qodxaha ayaa ugu xanuun badan oo na mudaan markii aanu u soo dhowaano, mid kale ayaa yiri Alla ninku caqli daranaa war qodxaha waxaa ka weyn caleenta oo haddii caleenta la jaro qodaxdu iyadaa iska daadan, mid kale ayaa yiri ka warrama haddii aanu laanta dhanba jarno, halkaasba ha lagu waayo qodax iyo caleenba, waxaa laga waayay mid yiraahda ama talo keena oo yiraahda geedka aanu iskugu wada tagno oo iska jarno si aanu u noolaano oo beerta iyo biyahaba u calfano ayaa waxay ciilkoodii iyo carrdadoodii ku ekeeyeen ama ku koobeen calaacal iyo in ay marna geedka eedeeyaan marna iyaga is eedeeyaan ama iska soo hor baxaan, waxaa la sheegay dadkaasi in ay ilaa iyo maanta noloshaas ku nool yihiin…….Dhammaad!

 

Sheekada waxa ay ka hadlaysaa xaalka dhabta ah ee ay Soomaalidu ku sugun tahay. Calaacal waa Soomaalida iyo Soomaaliya waxaana la la’ yahay mid ilaa iyo maanta keena taladii xididdada loogu siibi lahaa geedkaas, geedku waa qabiilka iyo jahli.diiday in Soomaaliya qoraxi ka soo baxo

 

Aan u soo noqono jawaabtii su’ aasheena ahayd,haddii la doonaayo in la samaysto waddo loo maro magaalo ama meel noloshaadu ku xiran tahay sow marka hore ma’ahan in la gooyo geedaha ku yaala waddada aad doonayso in aad samaysato?, jawaabtu waa haa, waayo caqligal ma’ahan in aan iraahdo markasta oo aan magaalada ama meeshaas noloshadydu ku xiran tahay dan ka leeyahay dhirta ayaan sii jiirayaa oo dhibaato weyn u marayaa sidii aan ku gaari lahaa meeshaas, hadiise si hawl yar la helaayo, maxaa dhibka keenaya?

 

Quursigu qiil ayuu leeyahay, qiilkiisuna waa jaahilnimada ku habsatay bulshadii Soomaaliyeed, anagaa sabab u ah baaba’ kasta oo bulshadeenii ku timid, mid dhaqaalo iyo mid magac Soomaali ahaan, haddii ay Soomaali diinta islaamka ee ay sheeganayso dhab ka tahay geedkaas jahiliga ka samaysan xididda ha u siibaan.

 

Inkastoo ay Soomaali oo dhan maanta dhibbane tahay oo gacmahooda isku halaageen haddane dhibka loo geestay haddii aad tahay amaba aan anigu ahay dadka la quursado ma ahan wax sahlan, waa dhibaato baabi’ iyay jiilkii shalay, jiilka maanta iyo kii berritoba, waxaa lagu qasbay in ay u noolaadaan sidii wax aan jirin, kuwa aan xuquuq lahayn iyo kuwa ceeb looga dhigo in Alle abuuray oo bani’ aadam ka dhigay, qofkan Soomaaliyeed ee sidaas looga tir tiraayo buugga nolosha iyo dadnimada, akhristow waa adiga iyo aniga, qof kasta oo muslim ah oo Soomaali ah haddii la xaqiro adiga ayaa lagu xaqiray, wax adiga la yiraahdo ma jirto ee waa anaga, Soomaali waa anaga waayo waa hal qoys, adiga waxaa ah ajanabiga iyo shisheeyaha, waxaana waajib ah in aad isku si u xanuunsataan isku sina ugu halgantaan sidii aan uga soo bixi lahaydeen mugdigan jahliga nagu hayo, haddii aad is leedahay dhibkiisa iyo xanuunka uu ku nool yahay midka la quursanaayo kuma soo gaarayso ee maxaa iga galay waxaan ahay reer hebel ama kii wax xaqiraayay taasi waxay lid ku tahay ama ka soo horbaxaysaa bani’ aadamnimada iyo diinta aad sheeganayso.

 

Carqalo waxa ku noqotay ama hor-tagan dabargoynta quursiga isla markaana qiil u yeeshay quursiga in dadka la quursado (cidine cid ma guursan karto) ay oggolaadeen in la quursado, inkastoo ay biyo iyo dad kaa badanba ay ku qaadi karaan, oo xaqdarro la isugu hiiliyay haddana qofka oo caqli leh qasab ku ah in uusan marnaba oggolaan in jiritaankiisa la diido, waliba waaba ka sii daran tahay dad wada dhashay oo diin iyo aragtiba wadaaga, qof kasta waa ku qasab in uu difaaco dadnimadiisa, xitaa ilamaha ay hooyada dhashay ayaan oggolayn in ay hooyadiisu ka jeclaato walaalkiis, dhaqanba ha u noqotee hooyooyinka Soomaaliyeed qaarkood, qof kasta oo miyir qaba lehna garasho waa in uu aaminaa Alle, beenta iyo dacaayadaha aanu ku soo barbaarnay haddii aanu nahay Soomaali aanu u tafo xaydano sidii aanu maskaxdeena iyo dhegaheena uga mayri lahayn, naguma jiro mid mid ka fiican ama ka qaalisan ilaa midka noogu cabsi badan xagga Eebbe mooyaane, xitaa labo wada dhalatay ha noqdaane.

 

Zahra Abdi Hersi

 umubakar@hotmail.com

Holland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD