SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ENGINEERING

Kulankii Engineerada Soomaaliyeed

SomaliTalk.com Muqdisho, Dec 15, 2006: Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Engeneeerada Soomaaliyeed ee Dalka ku sugan ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacay Hoteelka Nabadda ee Magaaladan Muqdisho, kulankaas oo looga hadlayay Mashruuca Ururinta Xogta aqoonyahanada Muhandisiinta Soomaaliyeed ee dalkaiyo dibada ku sugan.

Kulankan oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Banaadir iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan ILO ayaa ah mid loogu gogol xaarayo dhismaha Ururka ay ku mideysan yihiin Engeneerada Soomaaliyeed ayaa ugu horreynba waxaa halkaa war bixin dheer ka soo jeediyay Hormuudka Kuliyadda Ingeyeeriyada ee Jaamicadda Banaadir Eng. Aweys Cadde Maxamed isagoo sheegay in Mashruucan uu yahay mid lagu diyaarinayo hawlaha dib u dhiska Dalka Soomaaliya oo iminka ka soo kabanaya bur burkii dhowr iyo tobanka sana ahaa ee uu dalkan ku sugnaa.

Aweys Cadde ayaa intaa ku daray in kulankan gogol xaarka ah ee lagu diyaarinayo Aqoonyahanka dalka gudihiisa ku sugan inuu xigi doono kulan kale oo ballaaran oo ay ka soo wada qayb galayaan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Eng. Cadde ayaa intaa raaciyay inay dhici doonto doorasho xor ah oo lagu dooranayo xubnihii guddiga fulinta, oo ay yeelan lahaayeen Engeneerada Soomaaliyeed kuwaasoo sidoo kale dooran doona Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xubnihii meteli lahaa Urur weeynaha ay yeelan doonan Engeneerada Soomaaliyeed.

Xubnihii Shirkaa ka soo qayb galay ayaa waxaa loo qaybiyay waraaqo caddeynaya qaabka ay tahay inay u buuxiyaan ka soo qayb galayaashii kulankaas iyadoo isla markaana ay halkaa ka hadleen mas’uuliyiin kala geddisan oo ku hadlayay magaca Enjineerada Soomaaliyeed.

Waxaa isaguna munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Dhaqaaqa Bulshada Rayidka Cabdulqaadir Ibraahim Gacal “Abkoow” oo Engeyeerada Soomaaliyeed kula balamay in aqoontooda iyo maalkoodaba ay u huraan sidii dalka dib u dhiskiisa ay gacan uga gaysan lahaayeen maadaama ay iyagu cashuurtii dalkan ay wax ku soo barteen si bulshada Soomaaliyeed ay uga baxaan dhibaatadii bur burka lahayd mudada dhowr iyo tobanka Sano isagoo si aad ah ugu mahad celiyay hay’adihii iska kaashaday abaabulidda Mashruucan loogu magac daray Ururinta Xogta Aqoonyahanada Muhandisiinta Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku sugan .





wixii faahfaahin ah kala soo xiriir Jaamacaddda Banaadir qaybteeda kulliyadda Injineeriya

Tel: 002521- 225363/ 002521-658995/ 002525-934724
Fax: 2525- 920287
E-mail: banadir_CET@yahoo.com
E-mail: aweysadde@yahoo.com 

Waxaa isku soo dubaridey
W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD