SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Arday dhan 300 ruux ayaa haatan waxbarasho aas-aasi iyo mid gabogabo ahba waxa uu uga socdaa dugsiga H/dhexe iyo sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho" Sidaasi waxaa yiri maamulaha Dugsigaas Max'ed Axmed Macallin, ahna guddoomiye ku xigeenka Dalladda SAFE

Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho waxaa la aas-aasay sanadka markuu 2003dii bishii January, waxaana lagu bilaabay arday waxoogaa arday ah, waxaana ka qalin jebiyay tan iyo markii la aas-aasay labo dufcadood oo haatan wax ka barta qaar ka mid ah jaaamacadaha Magaalada Muqdisho, qaar kalena ay ku shaqeystaan xirfado kala duwan oo aas-aas u ah waxbarashadii ay ka qaateen dugsiga Al-bilaad.

Maamulaha Dugsigaas Max'ed Axmed Macallin, ahna guddoomiye ku xigeenka Dalladda SAFE oo maanta u warramayay koox wariyayaal ah oo isugu jira qeybaha kala gedisan ee warbaahinta dalka ayaa waxa uu u sheegay in haatan dugsigu uu yahay dugsiyada fara ku tiriska ah ee tarbiyeeya arday aqoontoodu sarreyso, wuxuuna aas-aas uga dhigay far barashada ama waxa loo yaqaano far qurxinta oo arday shan sano jir ah uu ka mid ah ardayda dugsigaasi wax ka dhigata una dhigma ardayda heerka dhexe sida ay wax u qoraan si la mid ah wax u qoraya.

Maamulaha Dugsiga Al-bilaad Md. Max'ed Axmed Macallin waxa uu sheegay in labo maalmood ka hor uu maamulka Dugsiga soo gabagabeeyay waxbarashada Dufacaddii labaad oo halkaasi lagu guddoonsiiyay shahaadada waxbarashada sare 24 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiga sare, wuxuuna intaas ku daray mar uu ka hadlayay xiriirka ka dhexeeya waalidiinta iyo maamulka dugsiga inuu yahay mid wanaagsan, isla markaana uu dugsigu ku xiran yahay gacanta waalidiinta.


SHIRKADDA ISGAARSIINTA HORMUUD TELECOM SOMALIA OO OGEYSIIS MUHIIM AH U HEYSA MACAAMIISHEEDA

Waxaa la goysiinayaa dhamaan macaamiisha sharafta leh ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom in Numbarada Mobile-ka Hormuud lagana dhigay 7 (Todobo), Numbar iyadoo 5 (Shan) laga hormariyo 6-dii Numbar ee hore lag bilaabo 16/11/2006.

Land Line-ku wuxuu ahaan doonaa sidiisii hore Lix Lambar.

Qofkasta oo kaa soo waca Lixda Numbar ee hore, wuxuu helayaa cod wargalin ah, iyadoo uu kuu soo dhacayo intaasi kadib.

Fadlan ku wargali asxaabtaada Dibadda iyo gudahaba Lambarkaaga cusub.

Wixii faah faahin dheeri ah fadlan kala xiriir

141, 552211, 555221, 558886, 555222, 651960, 812206.


  • Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran taaso geysatay qasaaro naf iyo maalba leh.
  • Masuuliyiinta maxkamadaha oo shir jaraa'id ku qabtay dusha sare ee markabka Vishaam1 oo Muqdisho soo gaaray.
  • DHIBAATO INTEE IN LA EG BEY KEENI KARTAA XAYIRAADA DHANKA HAWADA AH EE AY DOWLADA KENYA KU SOO ROGTEY SOMLIAYA OO DAREENO KALA DUWAN ABUURTEY

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran taaso geysatay Khasaaro naf iyo maalba leh.

 Waabarigii (Nov 12) ayaa magaalada B/weyne waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan xaafadaha magaalada B/weyne. 

 Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo, Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale. 

Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu waxyeelaysay. 

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay biyaha ugu soo galeen.  

Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu qaxayee. 

Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne ka qaxayeen Fatahaada webiga. 

 Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo kale waxay goob maamul u aheed  maamulka maxkamada B/weyne. 

Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.  

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu webigu buuxsamo  ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES). 

C/naasir Sheekh Axmed (Cawaale)
B/weyne Somalia

Masuuliyiinta maxkamadaha oo shir jaraa'id ku qabtay dusha sare ee markabka Vishaam1 oo Muqdisho soo gaaray.

Masuuliyiinta golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed, ganacsato iy gudoomiyaha degmada Xarar-dheere ayaa maanta shir jaraa'id ku dul qabtay markabka Vishaam1 oo dhawaan ay koox burcad badeed ah ka afduubteen xeebta Muqdisho.



Gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonto cid walba oo isku dayda inay ummadda soomalaiyeed dhibaateysa, wuxuuna Sheekh Shariif xusay in kooxda burcad badeedka ah la hor geyn doono maxkamad islaami ah si buu yiri sharciga loo marsiiyo.

Sheekh Shariif wuxuu kaloo soo hadal qaaday heshiiskii dhawaan dhexmaray golaha maxaakiimta somaaliyeed iyo xubnihii baarlamanka Somalia ee uu horkacayay gudoomiyaha baarlamaanka md Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna ku eedeeyay masuuliyiinta dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo inay heshiiskaasi ka caga jiidayaan oo ay qaadaceen taasoo uu sheegay inay tahay mid aan loo baahneyn, wuxuuna ka waramaray mabda'a maxaakiimtu inuu yahay dib u heshiisiin iyo in ummadda soomaaliyeed wanaag iyo nabad loo horseedo, wuxuuna ku tilmaamay cadawga ummadda somaaliyeed inaysan marnaba dooneyn in nabad iyo horumar la gaaro, wuxuuna uga digay kooxaha burcad badeeka ah inay ka waantoobaan hada wixii ka dambeeye inay afduub isku dayeen isagoo fariin arintasi la xiriirta u diray dadkii ka qowleysan jiray afduubyada maraakiibta inay faraha kala baxaan.


Maxaabiistii la soo qabtay ee lagu eedeyey afduubka markabka

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka labaad ee gudiga fulinta ee golaha maxaakiimta soomaaliyed, Sheekh Cumar, madexa amaanka ee golaha maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Indha Cadde, gudoomiyaha degmada Xarar-dheere iyo gudoomiyaha ganacsatada gobolka Banaadir md Cabdikariin Gabeyre, waxayna dhamaantood ka warameen sida loogu baahan yahay in laga hortago falalak wax u dhimayo horumarka shacabka soomaaliyeed

DHIBAATO INTEE IN LA EG BEY KEENI KARTAA XAYIRAADA DHANKA HAWADA AH EE AY DOWLADA KENYA KU SOO ROGTEY SOMLIAYA OO DAREENO KALA DUWAN ABUURTEY

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay saameynta ay xayiraada duulimaadka ee ay dowlada Kenya ku soo rogtay, iyadoo inta badan dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka dhaxeeyey dalalka Somalia iyo Kenya uu hakaday kadib markii maanta ay xayiradaasi bilaabatay.

Wararka laga helayo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ganacsatada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ay walaac weyn ka muujinayan xayiraada dhanka duulimaadyada ee ay dowlada Kenya ku soo rogtay Somalia, iyadoo uu jiray xiriir ganacsi oo xoogan oo u dhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya, taasoo laf dhabar u ah nolosha soomaali fara badan oo ka ganacsato waxyaabo kala kuwan oo ay labada shacab u baahan yihiin, iyadoo ganacsatdu ay haatan wadaan kulamo looga xaajoonayo sidii dowlada Kenya looga dhaadhicin lahaa inay ka laabato go'aanka ay ku joojisay duulimaadyada diyaaradaha ee Somalia.

Shirkadaha duulimaadyada ee ka howlgala Muqdisho iyo ganacsatada qaadka keenta ayaa si weyn uga cabanaya xayiraada ay Kenya saartay duulimaadyada diyaaradaha ee Somalia, iyadoo aysan jirin wax duulimaad ah oo maanta ka yimid dalka Kenya oo ah wadanka ugu weyn ee Somalia la leh xiriirka dhanka duulimaadyada ganacsi, iyadoo maanta uu hakaday duulimaadyadii dhanka qaadka, kaasoo ganacsato fara badan ay shaqeynsan jireen ganacsiga qaadka, isla markaana ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Joojinta duulimaadyada diyaaradaha ee Somalia iyo Kenya ayaa si weyn looga dareemay gobolo fara badan oo Somalia ku yaalo, iyadoo ganacsatada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ay aad uga cabanayaan talaabada la xiriirta joojinta duulimaadyada ee Somalia, iyagoo ugu baaqay dowlada Kenya inay ka fiirsato talaabadaasi.

golaha maxkamadaha islaamiga ee Somalia ayaa horey u joojiyay ganacsiga qaadka kadib markii ay la wareegeen maamulka magaalada Kismaayo, iyadoo wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in magaaladaasi ay maanta gaaf wareegayaan ciidamada maxkamadaha kuwaasoo ku raad jooga bal inay dhaqan galeen go'aankii lagu mabnuucayay hakinta isticmaalka qaadka iyo sigaarka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dowlada Kenya joojiso duulimaadyada Somalia, iyadoo dhowr jeer oo hore hakisay duulimaadyada dalka Somalia, waxayna dadka aqoonta u leh dhinaca dhaqaalaha ay sheegayaan in ganacsatada qaadka ka baayac mushtarta ay ugu yaraan ay kaga bixi jirtay aduun dhan Hal malyan oo Shliinka Kenya ah maalin kasta. waxayna tani dhiirigalin u noqoneysaa in golaha maxkamadaha islaamka ay qaataan go'aan ay ku mabnuucaan ganacsiga qaadka ee gobolada ay ka taliyaan sida ay qabaan dadka ku dhaqan Muqdisho.

Safiirka dowlada Kenya ee Somalia oo Muqdisho yimid sababatu maxey tahay .

Safiirka dowlada Kenya u qaabilsan arimaha dalka Somalia Mr. Maxamed Cabdi Afeey iyo wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed oo uu ku jiro u qeybsanaha xaga arimaha dibada ee maxaakiimta Sheekh Ibraahim Xasan cadoow ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Mqudisho wafdiga uu safiirka horkacayo oo ka kooban xubno xildhibaano Kenyaan ah, iyadoo aysan cadeyn sabab ka dambeeya imaatinka safiirka iyo wafdigiisa ee Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in imaatinka Mr. Maxamed Cabdi Afeey uu la xiriiro sidii uu ulaga hadli lahaa in maxaakiimtu aysan kulamo la yeelan xildhibaano aan wax fasax ah ka heysan dowlada Kenya iyo inuu sharaxaad ka siiyo masuuliyiinta golaha maxaakiimta go'aankii ay Kenya ku joojisay duulimaadyada Somalia.

Labo maalin ka hor ayaa Muqdisho waxaa soo gaaray xubno ka tirsan baarlamanka Kenya, kuwaasoo kulamo la qaatay masuuliyiinta maxkamadaha islaamka soomaaliyeed.

Doodcilmiyeed socondoonta mudo laba cisho ah oo maanta si rasmi ah looga furay xarunta incomdes ee degmada xamar weyne ee magalada muqdisho .

Doodaan oo ay ka qeyb qaadanayaan sodon xubnood oo haweenka umuso dhaqameedyada ah oo ku nool afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada xamar weyne ayaa waxaa dirada lagu saarayaa sidii bulsha weynta somaliyeed loo dareensiin lahaa gudniinka fircooniga ah iyo qodobo kale oo la xiriira howlaha umusa dhaqameedyada ,

Doodaan oo furitaankeedii ay ka qeyb galeen mas.uuliyiin ka kala socday ururada bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan sida agaasimaha dalada haween weynaha cogwo nuurto sheekh maxamed , agaasihama hay.ada incomdes caasha cabdi diini iyo gudoomiyaha coco ( community consern org ) amino adan cabdi ( amino caga baruur ) ,

furitaankii doodaan waxaa ugu horeyn ka hadashay gudoomiyaha hay.ada coco amino caga barur oo ka war bxisay qabanqaabada iyo isku keenista xubnahaan haweenka ah oo iyagu ku taqasusay howlaha umuliso dhaqameedyada iyo doorka ay ku leeyihiin arimaha buulshada waxeyna shaaca ka qaaday in u jeedada laga leeyahay joojinta gudniinka fircooniga ah iyo dhibaatooyinka uu ku raabio haweenka da.da yar sida caada wareenka aqal galka cadada iyo xiliyada guurka iyo fuusha .waxeyna xustey in mudada labada maamool ah oo ay socoto dodaani ay siweyn u sharxi doonaan macalimiin taqasus gaar ah u leh arimaha gudniinka fircooniga ah ,

sidoo kale waxaa doodaasi furitaankeedi ka hadashay agaasimah delada cogwo Dr Nuurto sheekh maxaemd oo ugu horeyntii uga mahad celisay hay.ada coco oo iyadu isku soo dubariday howshaan iyo dadaalka dheeradka ah ee ay sameeyeen sida caafimadka .daryeelka hooyada iyo dhalaanka , talaalka haweenka iyo caruurta iyada oo xustey in hay.adaani ay tahay hay.ada u taagan wax u qabashada dadka danyarta ah marwalbana kudadasha horumarinta haweenka iyo caruurta iyada o ka soo dhex shaqeyn jirtey xiliyadii adkaa oo u dalku ku kira marxalad qalafsan ayna aad u xumeyd dhinaca amaanka taasi waa ilaah mahadii waxayna taasu muujinaysaa inya karti dheeraad ah u yeesheen iyada oo gobkas qori lala taagan yahay howshoda u gutaan waajibaadkooda ay bulshada u haayaan ,

Drs Nuurto oo si gaara ula hadlaysay xubnahaan ka qeyb qadanya dooda ayaa xustey in gudniinka fircooniga ah uu dhibaato joogto ah ku hayo haweenka gaar ahaan gabdhaha soo koraayo waxaana la ogaaday in haweenka somaliyeed dhib ku qabaan ,balse gabdhaha somaliyeed ay yihiin kuwo adkeysi badan marka loo eego raga in ay u adkeystaan waxaa la xaqiijiyey in ay san u adkeysan raga waxyna intaa ku dartey iyada o tiri in haweenka iyaga oo gudan ,tolan,umul ah , jirkeedu jarjaran yahay iyada oo la dilaaciyey oo ilmo soo dhexmareen ayey hadana kaalintooda buuxiyaan waxaana loo baahan yahay inlaga gudbo wixii ay inoo keeneen cado xun ama dhaqan aan suubaneyn ama aqoon dari keenytey in laga gudbo maanta ayey hadalkeeda ku so gabgabeeysay ,

PUNTLAND OO DIYAAR GAROOW ADAG UGU JIRTA KA HORTAGA WEERAR KAGA YIMAADA MAXAAKIIMTA.

Wararka laga helayo maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maamulkaasi uu wado diyaar garoow dagaal oo xoogan oo uu kaga hortago ciidamada golaha maxaakiimta soomaaliyeed oo ku soo dhawaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Imaatinka madexweyne Gen, Cadde Muuse ee Gaalkacyo iyo abaabulka difaac ee ay wadaan maamulka Puntland ayaa dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ku macneeyeen in taasi ay horseedikarto inuu dhaco dagaal u dhaxeeyo maxkamadaha shareecada islaamka iyo mamaulka Puntland oo ciidamo dheeri ah ku soo dal dalayo Gaalkacyo, iyadoo maanta ay degan tahay goobihii shalay ay dirirtu ku dhexmartay maxkamadaha iyo ciidamada Puntland iyo kuwa Col, Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid).

Warar lagu kalsoonaankaro oo laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in maamulka Puntland uu u diyaar garoobayo sidii uu isaga difaaci lahaa weerar kaga yimaado ciidmada golaha maxaakiimta oo Gaalkacyo ku soo durkayo, iyadoo shir jaraa'id uu ku qabtay Gaalkacyo gudoomiyaha magaaladaasi uu qirtay in dagaalkii shalay looga adkaaday ciidamada Puntland iyo kuwa Col, Cabdi Qeybdiid looga qabsaday maxaabiis iyo waliba gaadiid dagaal, laakiin wuxuu masuulkaasi sheegay in aan la isaga hari doonin wixii ka dhacay Bandiiradleey oo talaabo adag laga qaadi doono maxkamadaha, taasoo lagu macneynkaro in Puntland ay gashay marxalad dagaal.

Ma jiraan wax waan waan ah oo u dhaxeeya maxkamadaha shareecada islaamka iyo Puntland oo muuqata, iyadoo labada dhinac ay diyaar garoow ugu jiraan dagaalo kale, kuwaasoo isu jira wax ka yar 20 K.M.

Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD