SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 9, 2006

  • Midawga Yurub oo Casho-sharaf u Sameeyey Xiriiriyayaasha Wadahalada Somalida iyo xildhibaanada ku sugan Nairobi
  • Senator Norm Coleman oo la kulmay xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mude Maxamed Jamac Faracad ( MJ)
  • Maxaakinta islaamiga ah oo ee somaliyeed oo xiray xadka Ethiopia qayb ka mid ah.
  • Puntland oo 1370 Tahriibayaal Ethiopian ah oo dib loogu ceshay dalkooda.
  • Hoteelada Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey in ay diwaan geliyaan ..
  • Golaha Maxkamadaha oo dacwo ka dhan ah Dowlada Ethiopia u gudbiyay Safiirka Talyaaniga ee Somalia.

Ugaas Maxamed Weli:: Barre Hiiraale Kismaayo ma maamuli jirin ee Xamar baa laga maamulayey
Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood., sidaas waxa uu yiri mar waraysi lala yeeshay, Waxan auu Barre Hiiraale ugu baaqay in uu qaato Nabada, markaasna loo ballan qaaday jagadii uu ka doono in laga siinayo Maxkamadaha, waxaana taas shardi u ah in uusan daadin dhiiga "mareexaan", waa sida uu hadalka u dhigay'e"...
Dhegeyso Halkan..

Midawga Yurub oo Casho-sharaf u Sameeyey Xiriiriyayaasha Wadahalada Somalida iyo xildhibaanada ku sugan Nairobi

Wafdigii Horudhaca ee wadahadalada Midawga Maxaakiimta iyo Dawlada KMG ayaa Midawga yurub Casho- sharaf ugu sameeyey Magaalada Nairobi.

Casho sharaftan waxaa isu yimid 2-xubnood oo Maxaakiimta ah, 20-tameeyo Xidhibaano ku sugan Nairobi iyo 2-xubnood ee dawlada,waxa kaloo ka soo qayb galey Urur goboleedka IGAD,Jaamicada Carabta,Safiirada Masar,Yamen,Kenya,Talyaaniga.

Ujeedada casho sharafta ayaa aheyd in ay kulmaan ,meel ay kuwa casheeyaan gudiyada ama xiriiriyayaasha  wada hadalada Maxaakiimta iyo Dawlada. 

Wafdigan horudhaca oo diyaarinaya Ajandaha wadahadalada Maxaakiimta iyo Dawlada lagu wado 30-bishan in uu ka dhaco Magaalada Narobia, dhinaca Maxaakiimta waxaa ka socda DR.Dahir Maxmuud Geele iyo Axmed Abdulahi ,dhinaca Dawlada waxaa ka socda Xildhibaan Abdirahman Ibraahim Ibbi iyo Xildhiban Mustafa sh. Dhuxulow ,

Cashada ka dib waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdirahmaan Ibbi oo sheegay in ay dalbadeen inay wada-casheeyaan wafdiga maxaakiimta iyo dhamaan xidhibaanada ku sugan Magaalada Nairobi , sidoo kale waxaa isna ka hadlay Dr.Dahir Maxamuud Geele oo sheegay in kulamadan guddiyada yihiin mid loogu sii gogolxaarayo Ajandaha wadahadalada,loona sii diyaariyo qodobada wadahadalada Maxaakiimta iyo Dawlada ,iyadoo la horumariyo kulamadii Magaalada KHartuun ee waddanka suudaan.

Cashadaasi markii ay dhamaatey ayaa waxa gooni isugu harey Guddiga xiriiriyayasha wadahadalada iyo Korjootada wadahalada Maxaakiimta iyo Dawlada.

Kulamada Maxaakiinta iyo dawlada ayaa muujinaya rajada laga qabo in ay ku heshiiyaan qodobkii awood Qaybsiga iyo qodobadii kale oo horey la isku mari waayey Magaalada Khartuum

Beesha Caalamka ayaa Muujiyey dadaalka lagu horumarinayo wadahadaladan ,dibna loogu dhigayo in Ciidamada IGAD la geeyo Soomaaliya iyo in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateyta hubka.

Abdikarim Aden Hussein.
Somalitalk,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Senator Norm Coleman oo la kulmay xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mude Maxamed Jamac Faracad ( MJ)

 

Mudane MJ oo booqasho ku yimid gobolka Minnesota ayaa la kulmay Senator Norm Coleman oo ah Senator laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan gudiga arrimaha dibadda ee aqalka senate-ka maalintii arbacada ee ay bisha October ahayd 4.  Mudane MJ iyo Senator Coleman waxaa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Somaliya iyo Somalida Minnesota. Isla markaana Mudane MJ ayaa warbixin siiyey senatorka xaaladda soomaaliya maanta marayso iyo balanta dhamaadka Odtobar loo balansan yahay wadahadal iyo heshiis  

 

Senator Coleman ayaa ku celiyey inuu sii wadi doono balantii  uu u qaaday Soomaalida Minnesota oo ahayd inuu cod u noqonayo arrimaha Soomaaliya dhinaca Washington DC.

Senator Coleman ayaa mudane MJ kula dardaarmay in la sii wado wadahadalada iyo isu soo dhoweynta qaybaha siyaasadda isku hayo ee Soomaaliya.  Isla markaana ku baaqay in dantu ku jirto heshiis.

 

Senator Coleman ayaa hore ula kulmay sanadkii la soo dhaafay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Mudane Shariif Xasan  iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayey iyo madax badan oo Soomaaliyeed.  sidoo kale waxaa uu telefoon kula hadlay madaxweynaha dawladda Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Yusuf  asagoo labadaba kula dardaarmay inay heshiiyaan.

 

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Maxamed Jaamac Faracad  oo ku magac dheer MJ ayaa dalka maraykanka u yimid shiweynaha Qaramada Midoobay ee New York 2006 asagoo ka mid ahaa wefdigii Soomaaliyeed ee uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Buubaa.  Mudane MJ intii uu joogay Minnesota waxaa uu la kulmay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota waxaana uu dalka maraykanka ka ambabaxayaa Axadda asagoo ku laaban doona Soomaaliya. Xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa mudane MJ kula dardaarmay in dawladdu xoogga saarto wada hadal iyo heshiisiinta.
 

Isha: Xafiiska Coleman.


Maxaakinta islaamiga ah oo ee somaliyeed oo xiray xadka Ethiopia qayb ka mid ah.
 
Sida ay shaacisay Tv-ga aljazeera waxaa ay ciimada maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed xireen qaybo ka mid ah xadka u dhaxeeya somaliya iyo Ethiopia.
 
Wariyaha Al-jazeera u jooga somalia Fahad Yaasiin Xaaji ayaa waxaa uu soo sheegay in maxaaakintu xireen xadka u dhexeeya gobolka hiiraan ee somalia iyo waliba Ethiopia ka dib markii dhawaan ciidamada Ethiopia ay weerar doola tus ah ku qaadeen gobolka xadka ah balse  aysan waxba ku noqon cidna iyadoo weerarku ka dhacay 45 KM deegaan u jira xadka Ethiopia oo ku yaal bartmaha somalia.
 
Maxaakinta islaamiga ah ayaa ku edeeyay Adis ababa dawladeeda in ay doonayso dagaal balaaran in ay ku qaado somalia iyadoo gaalmaynayaan hogaamiyaashii dagaalka ee laga saray magaalada muqdisho iyo waliba masuuliyiin ka tirsan dawlada somaliya iyadoo ay sidaasi jirto ayaa ciidamada maxaakintu buux dhaafiyeen xadku
 
Dawlada Ethiopia wasaaradeeda arimaha dibada masuul u hadlay ayaa beeniyay arintaasi waxaana uu sheegay in ay ka danbeeyaan arimahaasi faafintooda dad doonaya in ay dhibaato gaystaan isago wakaalada wararka ee Ap ee faransiiska ka sheegay in ay wadaan kooxaha mayalka adag falal cadawtimo leh oo ka dhan ah dawlada somalia.
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi Kenya

Puntland:Puntland oo 1370 Tahriibayaal Ethiopian ah oo dib loogu ceshay dalkooda.

waxaa Axadii si rasmi ah dib loogu celiyay 1370 Tahriibayaal Ethiopian ah kuwaasoo lagu qabtay meelo kala duwan oo ka tirsan Gobalka Bari maalintii shalay ahayd  dadkan intooda badan ayaa laga soo qabqabtay xaaadaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso oo ay doonayeen in ay ka tahriibaan markii horeba.

Sida uu maanta shaaciyay taliye kuxigeenka ciidanka Boliska Puntland  c/laahi siciid Gacamey ayaa yiri waxaanu u qabnay 8 gaari oo ah nooca loo yaqaano candhemaydle si ay u geeyaan gudaha dalka Ethiopia oo ay markii hore ka yimaadeen mana ogolaanayno in ay dadkani ku soo qul qulaan gudaha puntland si ay uga sii tahriibaan. 

Dadkan ayaa kamid ahaa Tahriibayaashii lagu qabtay ayagoo isku dayay in ay u baxaan dhinaca Yemen.

Dadkan oo u badan Qoomiyada Oromada ayaa la sheegay in ay ka soo carareen dalkooda sababo la xiriirta dhanka amaanka, iyo gaajo  sababtay shaqo la'aan islamarkaana ay doorbideen in intii ay dalkooda gaajo ugu dhiamn lahaayeen in ay ku dhintaan badda iyaga oo shaqo raadis ah sida ay ku doodeen qaarka mid ah tahriibayaashaan la soo qabtay shalay.

Dowlada Puntland ayaa dhawaan bilowday in ay qabato kumanaanka dadka ah oo bil walba u yimaada Puntland in ay ka tahriibaan.

Booliiska Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgalada ka dhan ah Tahriibta dar dar geliyey, ayadoo la hayo dhawr doomood iyo waliba gadiid ay lahaayeen dadka ka ganacsada Tahriibta.

Sidoo kale dad Soomaali ah oo la sheegay in ay arrimaha Tahriibta abaabuli jireen ayey Booliisku gacanta ku hayaan kuwaasi oo Maxkameyntooda dhawaan la filayo.

In la xakameeyo Tahriibta mar walba ka soo qul qulaysa Ethiopia  ayaa ah arin xoogbadan kana xoog badan in ay puntland xakamayso, Puntland ayaa mararbadan ku dooday in ay xakamaynayso tahriibta balse taasi ma dhicin maanta ka hor in hawlgalkan oo kale la qaado kaasoo u muuqda in uu soo afjarayo balse lagayaabee in ay markale soo cusboonaadaan waadadkii ugu badnaa ee puntland ay hal mar oo qura qabato islamarkaana dib looceliyo in kastoo ay baryahaan puntland dib ucelinaysay somali ka soo jeeda koonfurta somaalia kuwaasoo dib loogu celiyay koonfurta mudug.

Sikastaba dadkan ayaa saaka si rasmi ah dib loogu daad gureeyay dalkooda waxaana la la beegsanaya gudha Ethiopia  xukuumada Ethiopia ayaa iyadu ka caga jiidaysa wax ka qabashada  dadka ka soo cararaya dalkeeda.

Puntland uma hayso dhaqaale badan oo ay ku xakamayso Tahriibayasha waxayna mararbadan ka codsatay wadamo badan iyo Hayado badan in ay ka caawiyaan sidii wax looga qaban lahaa balse ma jiran cid dhag jalaq u siisa, xukuumada Yeman oo ay inta badan dadkani beegsadaan ayaa iyadu horay dhawrjeer u balan qaaday sidii ay puntland wax ugala qaban lahayd balse wax cad ilaa iyo hada Yeman lagamahayo.

Dadkan ayaa beegsada Yeman waxayna ka sii aadaan Sucuudiga qaar badan oo ka mid ah dadkaan kuma manafacaadan safarka dhibta badan ee ay u galeen in ay helaan shaqo waxaan isla markiba laga qabtaa xuduuda sucuudigu uu la leeyahay Yeman waxaan markiiba dibloogu sooceliyaa ethiopia halka somalidana laga sootuuro Muqdisho, somalida intabadan la soo celiyo ayaa ku dooda in aysan mardanbe dib u galayn safar Tahriib ah balse hadana  somali badan ayaa mararnbadan isku midaamisa iyaga oo ka dharagsan safarka dhibka badan ee ay leedahay Tahriibtu. 

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Hoteelada Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey in ay diwaan geliyaan ..
 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay kulan isugu yimaadeen ciidamada Nabad sugida Dowladda Federaalka ah iyo milkiilayaasha Hoteelada ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday ammaanka Magaalada Baydhabo iyo sidii ay Milkiilayaasha Hoteelada ay ciidanka nabad sugida ula socodsiin lahaayeen dadka cusub ee soo degaya Hoteeladooda, waxaana la isku afgartay in hotel kasta uu diwaan geliyo dadka seexanaya habeenkaasi uuna ka qoro magiciisa, halka uu ka yimid, waxa uu doonayo, beeshiisa iyo cidda uu u yimid magaalada Baydhabo. Arrintaasi ayaa milkiilayaasha hoteelada si weyn u soo dhaweeyeen, iyadoo la isku afgartay in bil kasta ciidanka nabad sugida ay kormeer ku tagaan hoteelada Magaalada Bayadhabo si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dadka soo gala magaalada Baydhabo, arrintaan ayaa waxay ka dambeysay kaddib markii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed lala beegsaday qarax la doonayey in lagu qaarijiyo.

 

Faahfaahin dheraad ah oo ku saabsan ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Soomaaliya.

C/raxmaan Janaqow “Dalkeena waxa uu ku jiraa halis haddii aan laga hortagin..

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Maxaakiimta Sheekh C/raxmaan Faarax Janaqow ayaa ku dhawaaqay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ay soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya, ciidamadaana ayuu Guddoomiye ku xigeenku sheegay inay wataan hub ad u xoogan isagoo sheegay inay shalay ka gudbeen deegaanka Diinsoor, iyagoo la sheegay in ay ku sii jeedaan degmooyin ka tirsan Gobalka J/dhexe, waxaana ciidamadaani hor kacaya sida lagu waramay Isbahaysigii dooxadda Jubba ee dhawaan laga qabsaday Magaalada Kismaayo. “Waxaan ugu baaqayaa dhamaan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan difaaca dalka” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow oo intaa raaciyey wax walba la hari meyno oo aan ku difaaceeno Diinteena iyo dalkeena. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay ujeedadoodu tahay inay qabsadaan Magaalada Dekedda leh ee Kismaayo, iyadoo wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayana ay sheegayaan in ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Kismaayo heegan buuxa la geliyey, waxaa kalloo uu sheegay C/raxmaan Janaqow in Ciidamada Itoobiya ay waqtiyadan dambe dalka soo galayeen marna ka baxayeen, isagoo sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay soo galeen Soomaaliya. Wadamada IGAD ayaa iyagu ku kala qaybsan in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah, waxaana ololaha derista ciidamada ku hawlan wadamada Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha, halka Jabuuti, Ereteriya iyo Suudaan ay si aad ah uga soo horjeedaan in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah. Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka ayaa waxay ku sheegeen in Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku xadgudbeen heshiiskii Khartuum kaddib markii ay duulaamo ku qabsadeen Magaalada Kismaayo.

Ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan Maxaakiimta oo u dhaqaaqey dhinaca..

Markii Maxaakiimta la soo wargeliyey in ciidamo Itoobiyaan ay soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa deg deg loogu yeeray ciidamadii keydka u ahaa Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo shalay ilaa iyo xalay ku sii qulqulayey deegaano ka tirsan gobalada Jubbooyinka.

Ciidankaan oo wata tikniko aad u fara badan ayaa qaar ka mid ah waxaa la sheegay in ay u dhaqaaqeen dhinaca Magaalada baydhabo, iyadoo mas’uuliyiinta Maxaakiimtu ay sheegeen in aysan marnaba dalkooda u ogolaan doonin ciidamo Itoobiyaan ah oo ay sheegeen in ay gacan siinayaan qab-qablayaasha dagaalka ee looga adkaaday dagaalkii Muqdisho.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyana ku jiray xerooyinka Carbiska iyo Laanta Buuro ayaa iyana la sheegay inay isla xalay dhaqaaqeen, lamana garanayo halka ay ciidamadaasi ku wajahan yihiin, waxaa maalmahan soo if- baxayey abaabulo dagaal oo ay sameenayaan Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta taas oo carqalad ku ah heshiiskii Khartuum iyo waliba dadaalada nabadeed ee ay wadaan beesha Caalamka.

 

Ciidamadii Maxaakiimta ee ku sugnaa Gobalka oo la gaarsiiyey..

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan deegaankaasi heegan buuxa la geliyay, kaddib markii lagu soo wargeliyey in Ciidamo Itoobiyaan ah ay u soo dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Kalabeyrka.

Ciidamadii Maxaakiimta ee ku sugnaa Kalaberyka ayaa iyana la gaarsiiyey Tikniko iyo hub aad u culus, iyadoo todobaadkii hore ciidamada Itoobiya ee ku sugan Feer-Feer ay madaafiic ku soo rideen ciidamadii Maxaakiimta ee ku sugnaa deegaanka kalabeyrka, hase yeeshee madaafiicdaasi cidina waxba kuma noqon.

Shacabka Soomaaliyeed dhamaantiis ayaa iyagu si aad ah uga soo horjeeda in Soomaaliya la keeno ciidamo Shisheeye iyagoo sheegay inay naf iyo maalba u huri doonaan Diinta iyo Dalkooda.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya kuma eka gobalka Hiiraan, waxaana ciidamo Itoobiyaan ah la sheegay inay soo galeen Gobalka Bay iyagoo isla shalay lagu arkay deegaano ka tirsan Degmada Diinsoor, ilaa iyo haddana lama garanayo halka ayu dhaqaaqeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Golaha Maxkamadaha oo dacwo ka dhan ah Dowlada Ethiopia u gudbiyay Safiirka Talyaaniga ee Somalia.

 

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta cabasho ka dhan ah faragalinta ay Dowlada Ethiopia ku hayso Arimaha Soomaaliya u gudbiyay Safiirka Dowlada talyaaniga ugu Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mario Rafelli kadib kulan uu kula qaatay Xarunta Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Magaalada Muqdisho.

 

Kulankaani ay maanta wada qaaten Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka Dowlada Talyaaniga ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mario Refeli ayaa waxaa uu ahaa mid lagu lafa gurayay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday dalka soomaaliya iyo waliba sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadalada nabada ee u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

 

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ,Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulankaasi kadib la hadlayay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in kulankoodii Maanta ay kaga wada hadleen Xaalada Amaanka ee Dalka iyo waliba sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadalka nabada ee u dhaxeeya dowlada federaalka soomaaliya iyo golaha maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed isla mar ahaantaana looga qeyb gali lahaa kulanka 30-ka bishan lagu balan san yahay in uu ka furmo magaalada Khartoum ee caasimada wadanka Suudan.

 

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in Safiirka Talyaaniga ee Arimaha Soomaaliya Mario Refeli ay Golaha Maxaakiimta Islaamiga u gudbiyeen ashtako ka dhan ah Dowlada Ethiopia oo si xoog leh ciidamadeeda ugu soo daadguraynayso Gudaha Wadanka Soomaaliya, isagoona sheegay in ay iskula afgarteen in xiligaani aan soomaaliya u baahnayn ciidamo shesheeye isla markaana uu balan qaaday safiirka in Dowladaha Caalamka uu ugu baaqi doono in Dowlada Ethiopia lagu cadaadiyo sidii ay ciidamadeeda ugala soo bixi lahayd gudaha Wadanka Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga , Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu Magaalada Dubai shalay kula soo qaatay Mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo tilamamay in ay kulan gaaban yeesheen isaga iyo gudoomiyaha baarlamanka isla mar ahaantaana ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa kulanka wada hadalka khartuum uga socanaya dowlada iyo maxaakiimta isagoona sidoo kale sheegay in dalkaasi ay sidoo kale isku arkeen madaxweynaha maamul goboleedka Puntland janaraal Cadde muuse balse aysan u suura galin in ay kulan toos ah wada qaataan.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale ka hadlay maamulkii dhawaan loo sameeyay Gobolka Jubbada Hoose iyo waliba banaanbaxyada ka socanaya magaalada Kismaayo oo looga soo horjeedo Maamulkaasi isagoo tilmaamay in maamulka loo sameeyay Gobolka jubbada Hoose in uu ku yimid rabitaanka Shacabka ,isagoo ugu baaqay dadka reer Kismaayo in ay muujiyaan daganaansho isla mar ahaantaana ay xili walba ay diyaar u yihiin sidii loo qancin lahaa shacabka soomaaliyeed oo ay mas'uuliyada u hayaan.

 

Si kastaba ha ahaatee Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga , Sheekh Shariif ayaa warar dacaayad ah ku tilmaamay haldakii shalay ka soo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa in dadka ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayaan Maxaakiimta Islaamiga  ay la soo gudboonaatay cabudhin iyo dhibaatooyin kale. isagoo sheegay in Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed aysan cidina ku xadgudbin isla markaana uu warkaasu yahay mid uu ku  tilmaamay dacaayad iyo been abuur aan sal iyo raad lahayn.

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)

Yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Maktabada ixsaan oo soo bandhigtey  Bandhin kutubeed kii labaad ee magaalada muqdisho

Bandhig kutubeedkii labaad oo ay soo bandhigto maktabada al ixsaan ayaa si rasmi ah daaha looga rogey kaas oo socon doono mudo 15 maamood ah iyada oo ay ka qeyb galeen mas.uuliyiin ka kala soctey qeybaha kala duwan ee bulshada .sida  siyaasiyiin aqoon yhano iyo qeybaha waxbarashada ee heerka sare ee dalka

Bandhig kutubeedkaan labaad oo lagu soo bandhiga xarunta al ixsaan ay ku leedaha muqdisho ayaa waxaa halkaas lagu soo bandhigay kutubo badan oo isugu jira t.ancliinta ,sare mida hoose .cilmiga bulshada  axaadiis quraanka kariimka ah fiqi .riyaalu salixiin tafsiir .barashada caafimaadka taariikhda .farbarashada iyo kuwo kale oo kala gedisan waxaana intii aan dhexmarayey ay indhaheygu qabteen kuwo ay  ka mid ahaayeen , 

Dal dadwaayey oo uu qoray maxamed daahir afrax ,sababihii burburka somaliya ee uu qorey cabduqadir oromo ,

Googjoog 1 , dagalkii cabdulaahi yuusuf iyo al itiaad oo uu qorey M.X.G ( abdi bashrri ) ,

Maalin dagaalka muuminka naftii bugtaay bogso oo uu qorey fysal maxamed cabdulaahi ,

Somaliya galbiskii geerida oo uu qorey jeneraal axmed jilacow cadow ,

Practice and progress ,

Iftiin English & Somalia ,100 weys to make your business A success ,

Barmuda triangle sadxgesoodka barmuuda ,faundation & primary teaching ,365 steps to self confidence , cilmi nafsi ,hadimooyinka qaadka ,oo uu qorey maxamed cabdiwaduud ,mega modern book English grammar mooryaan jiri, dayday waa mirihii qabyaalda oo uu qorey maxamed sh: muxudiin ,web stares student dictionary ,pocket oxford English dictionary , murti iyo maamaahyo afaray ah , edebta ikhtilaafka ee islaamka waxaa qorey Dr dada jabir fayaad turjunkii Mustafa cabdulahi cali , 

Mayareyn kutubta taalay xarunta    cidlo maaha qofkii kitaab heysto intaa ka dib dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa o warbixin ka bixiyey bandhiga buugaagta al ixsaan gudoomiyaha hay.ada al ixsaan ibraahin salax dayaafalaah oo ugu horeynti u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha bandhig kitabeedka labaadka ee muqdisho , 

gudoomiyaha hay.ada al ixsaan ibraahin salax dayaafalaah “sida aad ogthiin walaalayaal Bandhiganu waa bandhigii labaad ee lagu qabto dalka noociisa oo kale bandhigii hore waxaan qabanay isla sandkaa gudihiisa bishii marso   20dii wuxuu socday 15 maalmood wuxuuna dhamaaday 5 tii abril 2006dii runti wuxuu yeeshay aqbaal fiican dalabaad badan ayaa inoo yimid macaamiisha maktabada al ixsaan bandhigii hore waxaa wada qabte jaamcada muqdisho iyo maktabada al ixsaan sidaasi daraadeed dalab badan o a yimid dadweynaha owgii ayaan waxaan goosanay in aan bishaan barakeysan ee ramadaan maadaama ay tahay bil ilahay barakeeyey in aan ka qeyb qaadano nafaxaadkaa ay leedahay bishaan waxaan isku dayeynaa in cilmiga iyo kitaabada ilahey ay faafaan oo marki hadafkeenu ahaa aasaaskeenii hore maktabadaan in aan cilmiga dhiirino in aan ka qeyb qaadano baahitaanka iyo faafinta cilmigu manta uu ku sii dhexfidayo bulshada somaliyeed haday ahaan laheed dadka waaweyn iyo cilmaha soo korayo  dhalinyarada iyo ruux kasta oo danaynayo in uu sare u qaado waxbarashadiisa mushatamacu manta waxuu dareemayaa jahligu dhibaatada uu leeyahay iyo meesha uu na gaarsiiyey dhibka ina garana meesha kaliye ee looga bixikaro waxbarashada oo la aado lana xoojiyo qofwalbo oo isku dayo in aqoontiisa uu kor u qado jahilga uu ka baxo si naftiisana u u anfaco mushtamacane uu u anfaco taas bedelkeedana uu u dhibin naftiisa iyo bulshada u ku dhex nool yahay , 

waa bandhigii aad naga sugeyseen waa dadlabkiinii waliba waxaan idiin sameynay qiimo dhimid % 30 sanadkii horena wuxuu ahaa % 25  waa fursad qaali ah iyo qiimo dhimid dadka qancin doonto wuxuuna soconayaa inta hada bisha ramadaan ka dhiman ,qof walbo haka soo gaaro haday ahaan laheyd dhalinyarada ,wax barata walidiinta ,rag iyo haweenba waa fursadii maktabada al ixsaan in ay soo bandhigto bandhig islami ah iyo cilmiga guud ahaanba , 

marka bandhigaanu waa kii labaad ilaahna  waxaan ka baryeynaa in sida aan u bilownay si la mid ah in uu si wanagaasan noogu dhameeyo  saacadaas laga bilaabane bandhigu waa furan yahay , 

waxaa isne dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee dalada FPENS bashiir macali yuusuf oo isne ka sheekeeyey qiimaha ay leedaha maktbada al ixsaan oo uu sheegay in ay dhiiri galiso ilbaxnimada kala duwan ee aduunka in uu barto caadooyinka aduunka iyo fursado kale oo uu ku sheegay in qofka mutcalinka ah marka uu buugaan aqristo aad ayuu uga faaiidayaa ilaa ay xaaaldiisu iska bedeshao ardayga ayaa gaar ahaan laga rabaa arday buu yiri in uu galo oo xiriir la sameeyo maktabadaha sida midaan al ixsaan oo kale in ay galaan isla markaana wax ku aqristaan si ay u balariyaan una kobciyaan aqoontooda ,maktabada al ixsaan waxey qeyb ka qadanaysaa in ay soo saarto gabar ama wiil ka faaiidastey kuma koobno aqoontu inta ay ka qaataan dugsiyada oo keliye ee waa in la tagaa maktabadaha laga heli karo kutubo farabadan  

gudoomiye kuxigeenkii labaad ee dowladii TNG dii carte lagu so dhisay axmed abroone amiin ayaa la mid ahaa siyaasiyiintii halkaa fikirkooda ka dhiibtey oo isne sheegay in waxaa hoorteena ka muuqdo oo kitaabo ah ayna soo diyaarisay maktabada al ixsaan ay tahay arin runti lagu farxo waxaana uu hanbalyo ujeediyey dhamaan dunida muslinka ah bisha barakeysan awgeed  qorayaasha iyo aqristayaalsha dalka dibadiisa iyo kuwa gudaha joogo ayuu sidoo kale hanbalyo u diray baadidoodii oo ay oonka u qabeen oo lagu soo bandhigay maktabada al ixsaan darted culuumta kala duwan sida culuumo quraan ,culuumo qira.aad ,culuumo tafsiir ,culuumtii sunada nabigeena NNKH maraajiicdii axaadiista waaweyn iyo sunoyinkii wixii lagu sharxi lahaa oo dhan halaan ayey yaalaan

kitaabku marka ad cidlo joogto waa wehelkaagii waana kuu naxseexeeyaa al kitaabu kheyru jaliil wax meel lala fadhiisto kitaabku isaga ayaa ugu kheyr badan caqliga ayu dhisayaa edebta ayuu toosinayaa xigmada qofka beni aadamka ah ayuu wax ku biirinayaa marka kitaabka in lala noolaado ayey na bareysaa bandhiga noocaan oo kale ah wuxuuna ugu baaqay dadka ka shaqeeya dhaamn in la mideeyo oo ay xoogooda meel iskugu geeyaan kana qeyb qaataan baraaruga weyn ee ay wado maktabada al ixsaan ee magaalada muqdisho ,ayuu yiri isaga oo in taa ka dibna hadalkiisii ku soo gabagabeeyey  in ay tani tahay fursad dahabi ah ,

intaa ka dib waxaa hadalkii qaatey Prof: axmed xasan alqudubi oo ku hadlaayey magaca aqoonyahanada ahne qoraa wax ka qora awamiirta islaamka waxna ka dhiga jaamacada muqdisho wuxuuna faahfaahin ka bixiyey maktabada al ixsaan howsha ay qabteen wuxuuna carabka ku xajiyey in sidaan oo kale bogolada la geeyo bandhigyada sidaan oo kale ah wuxuuna ku booriyey dadka in fursad loo siiyo sidii ay cilmiga u baran lahaayeen . 

qofkii aduunyo doonayo cilmi ha barto kii akhiro doonayane cilmi ha barto iyaga oo wwada jira waana sida qofka muuminka ah laga rabo in uu isku qaato cilmi aaqiro iyo mid aduunba cilmi baa lagu helayaa aduun iyo aqiro jahli wax lagu helayo ma jiraan wuxuuna cadeeyey in jahligu aad mugdi u yahay sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in la fidiyo bandhigyada noocaan  oo kale ah sida ay u bilaabato ha loo wado ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeyey hadalkiisii  

arintu si kastaba ha ahaatee waxaa dadkii madasha iskuugu yimid ay ku wda qanceen sida looga heli karo in badan oo noocyadii kutubo ee loo baahnaa ah weliba qiimo jaban oo dadka fursd u siinayo in ay sahal ku helayaan inbadan oo ka mid ah kutubka laga isticmaalo aduunka dacalasdiisa kala duwan  

bandhigaan ayaa furnaadoono mudo 15 casho ah oo ka bilaabata manta oo ah 15 ka ramadaan ilaa dhamaadka ranmadaanka   

Muse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2006

Maxkamadaha oo ku Baaqay iska difaacida Maamulka Tigreega
»Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay kismaanyo
»Maxkamadaha oo ka hadlay raashinka dhacay...
»Duqa degmada dongorayo iyo kuxigeenkiisa oo la doortay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 8

Saxaafada Denmark oo sii wada Sanad ka dib Aflagaadada Rasuulka (SCW)  

Nin Soomaali Bantu ah oo Maraykanka ku Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay
Waxana uu dhaawacay hooyadood, arrintaas oo ka dhacday Magaalada Louisville, Kentucky..
Akhri Warbixinta...

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD