SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Senator Norm Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa . 
  • Indhaha iyo warbaahinta caalamka oo ku soo jeedsan doona Minnesota 2008

Senator Norm Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa . 


Shaafi

Senator :
Norm Coleman

Gudoomiyaha ururka Somali Action Alliance mudane Shaafi Xaashi Cabdi ayaa cabasho qoraal ah u soo gudbiyey Senator Coleman. Cabashadaas oo ku saabsan dilka lagu hayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool South Africa iyo sida aanay dawladda SA xil isaga saarin joojinta dilalakan oo waqti dheer socda.  Mudane Shaafi waxaa uu Senator Coleman u sheegay in Soomaalida Minnesota ay aad uga welwelsan yihiin dilalka lagu hayo Soomaalida  South Africa u qaxday.  Waxaan nahay dad isku mid ah oo qaarkeen waxaanba la dhalanay kuwa lagu dilayo South Africa .  Farqiga noo dhaxeeyaa waa sida aan u kala nasiib badan nahay.  Annaga waxaan joognaa Minnesota oo ah meel nabad ah ayagana waxay joogaan South Africa oo sida eyga loogu laayo . 

Senator Coleman  oo la xiriirey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka xafiiska South Africa u qaabilsan kuwaas oo safaaradda maraykanka ee South Africa la sii xiriirey ayaa durba waxaa soo gaarey qoraal laga soo xigtay booliska South Africa oo sheegaya in warkan la buun buuniyey ee Soomaalida la dilay aysan ka badnayn 10 sababta loo dilayna aanay ahayn waa Soomaali (nacayb) ee ay tahay tartan ganacsi hal suuq, colaada Soomaalida loo qaadayna ay ku salaysnayd in ay sicir ka hoose kan dadka kale wax ku gadaan  iyo in aanay degaankaba u hoyan.   

Mudane Shaafi ayaa diiday oo ganka ku dhuftay is difaaca uu ku sheegay inuu yahay been aan la aqbali Karin iyo waxba kama jiraan. Shaafi waxaa uu yiri xataa haddii 10 keliya la dilay waa tiro badan taasna qiil ma noqonayso iyo cudurdaar ayadoo aan ognahay in bisha August keliya la dilay Soomaali gaaraysa 29 qaarkoodna maydkooda xubno lagala baxay

Mudane Shaafi waxaa uu Senatorka ka codsaday in dawladda maraykanka  cadaadis ku badiso dawladda South Africa ilaa ay waajibkeeda si fiican u gudato  kaasoo ah sugidda amaanka Soomaalida ku nool dalkooda.  Senator Coleman waa ka aqbalay inuusan waxba ka hagran intii karaankiisa ah asagoo xusay in ilaalinta qaxootiga uu yahay qawaaniin caalamka isku raacay oo dawladda maraykankana ay safka hore uga jirto sugidda ammaanka qaxootiga caalamka. 

Mudane Shaafi  iyo ururka uu madaxa ka yahay ee Somali Action Alliance waxay qaban rabaan shiweyne la magac baxay la kulan murashaxiinta (Governor/ US Senator) kuwaas oo tartan adag ku jira 2006.  Mudane Shaafi waxaa uu ugu baaqayaa Soomaalida  inay ka soo qayb galaan shirkaas oo la qaban doono Bisha October 21keeda saacadu markay tahay 1:30 pm.  Goobta lagu qaban doono shirweynahaasi waa jaamacadda Augusberg ee Minneapolis .  Ka soo qaybgal oo kala baro murashaxiinta kii wax ku taraya iyo kii aanan waxba ku tari doonin . 


Jaaliyadda Ogaden ee Minnesota oo la kulmay xafiiska Coleman

Sidoo kale Senator Coleman waxaa uu ku mashquulsan yahay  codsi uga yimid jaaliyadda Ogaden ee Minnesota oo ku saabsan nin curyaan ah oo ka mid ah Soomaalida Minnesota degan oo ay dawladda Ethiopia xirtay xilli uu booqanayey qoyskiisa oo degan Jigjiga. 

Indhaha iyo warbaahinta caalamka oo ku soo jeedsan doona Minnesota 2008  

Saacado yar ka dib markii la shaaciyey go’aanka xisbiga Jamhuuriga ee ah in xisbigu shiweynihiisa ( GOP convention) uu ku qabsan doono twin cities waxaa buuxsamay boos celiska hoteelada hadda jira iyo kuwa dhismaha ku soconaya hadda oo aan weli diyaar ahayn.  Labada duq magaalo iyo dhamaan masuuliyiinta gobolka waxaa ay bilaabeen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen culayska ay leeyihhin 5 taas maalmood. 

Xisbiga Jamhuuriga waxaa uu maalmahaas Minnesota u imaanayaa inuu dhigo fantasiya iyo dabaal deg iyo inay Minnesota ka iclaamiyaan qofka xisbiga jamhuuriga ugu tartami lamaa madaxwenenimada maraykanka iyo ku xigeenkiisa,  Waxaa kale oo ay filayaan in Minnesota iyo gobolada ku dhow dhow xafladdu saamayn ku yeelato oo ay  jeclaysiiso xisbigooda. 

Wufuuda xisbiga jamhuuriga ee 2008 waxaa lagu qiyaasayaa 30,000 waxaase la socon doono banaanaxayaal iyo weriyeyaal  badan oo caalamka ka kala iman doona.  Waxaa la xoojin doonaa amaanka magaalada waxaana lagu talo gelayaa hawl aad u culus. 

Minnesota waxay filaysaa inay ka faaiido lacag dhan 150 million ilaa 180 million iyo magac sababtoo ah xafladdan kama yara cayaaraha olympikada oo Minnesota lagu qabtay.  Mudo bil ah ayaa la filayaa in shaqooyin badan abuurmaan ,  Waxaan shaki ku jirin in shikadaha waaweyn iyo hoteelada, maqaayadaha, basaskam, dayuuradaha, iyo tagsiilayaashuba ka faaiidi doonaan, 

Senator Coleman ayaa aad uga shaqeeyey keenista shirweynaha xisbiga Jamhuuriga Minnesota asagoo ka shukaamis badnaa madaxda New York iyo Florida oo ayagana tartan ba’an kula jirey Minnesota .  Coleman waxaa uu weliba ka shaqeeyey in shirka lagu qabto guri uu asaga u dhisay St. Paul waqtigii uu duqa magaalada ka ahaa magaaladaas oo lagu magacaabo Excel Energy.   

Senator Coleman ayaa xaqiijiyey inuusan ku jirin hami madaxweyne nimo isla markaana diidi doono haddii la weydiisto inuu noqdo murashax madaxweyne ku xigeen ee uu ku qanacsan yahay inuu u adeego reer Minnesota .  Dadka siyaasadda indho indheeyese waxay leeyihiin taasi waa jawaab siyaasi oo siyaasiyiinta waa isbed bedelaan markay arkaan fursad bislaatay.

ENGLISH VERSION::: READ HERE


mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 2, 2006

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD