SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAMBOOL
Daabaco Boggan | Print
Guddoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahir Ciiro Garoowe
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas, Daahir ciiro
Email: dahirciiro@hotmail.com  | mobile: 747090
Garoowe, Puntland

Warsaxaafadeedka Xisbiga Ramaas hoos ka akhri....


  • Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool ee Magaalada Garoowe oo Marba marka ka dabnaysa la soo baxaya wajiyo cusub....
  • Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL

    Waxaa isku soo duba riday C/rizak koronto, Garoowe..
    SomaliTalk.com | Oct 27, 2006

Garoowe: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool ee Magaalada Garoowe oo Marba marka ka dabnaysa la soo baxaya wajiyo cusub....

Sida lagawada warqabo waxaa muran xoogbadan ka taagan yahay wali arinta sixitaanka imtixaankii sanad dugsiyeedka sandkii 2005-2006 kaasi oo ay hay'adii gacanta ku haysay sixitaanka imtixaankaasi ee UNESCO ay ku tilmaantay mid la qishay 5 maado oo ka mid ah imtixaankaasi.

Wasaarada waxbarashada DGPL ayaa iyadu u raacday hadalka UNESCO oo aan garab istaagin ardayda waxayna noqotay qareen u dooday UNESCO taasoo ardaydii ku kaliftay in ay  sameeyaan mudaharaad rabshado wata arintaasoo dhalisay in si dagdag ah madaxwaynaha DGPL uu gudi u xilsaaro sidii loo xalin lahaa.

Gudigii ayaa soo bandhigay wixi loo igmaday waxayna sheegeen in aan haba yaraatee aysan dhicin wax qish ah, waxayna sheegeen in gabood fal lagula kacay ardayda ayna xaq u leeyihiin in la siiyo natiijadii imtixaankooda, gudigu waxay kaloo sheegeen in aanba la sixin imtixaanka sida uu u badan yahay kadib bay dheheen markaan aragnay waraaqihiii ay ardaydu ku galeen imtixaanka oo badi wada haawanaya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa markale dib loogu noqday sixitaankii imtixaanka waxaana soo baxay natiijo kale oo khaldan taasoo loo maleeyay qawda maqashii waxna ha u qaban.

Waxaa gabi ahaanba  hoos loo dhigay arday kasta natiijadii uu helay waxaana la siiyay derejo (GRADE) ka hooseysa derejadii hore ardaydu u keeneen taasoo ka caraysiisay markale ardayda oo ay sheegeen in aysan ku qanacsanayn ayna tahay wasaaradu mid musuq maasuq dilooday.

Waxay wasaarada iyo haayada UNESCO ay soo bandhigeen natiijo taasoo ay ku sheegeen in ay markii ay dib u sixid ku sameeyeen imtixaankii in ay iyaga ula muuqatay in ay tahay qaabkii ugu haboonaa ee ay u saxeen imtixaanka.

Xaalka ayaa hadda ah mid sii siyaadaya kadib markii ay arday badan ugu baaqeen  in dhamaan gudoonka waxbarashada  gobalka Nugaal iyo xataa wasiirka waxbarashda DGPl lagu sameeyo xilka ka qaadis, waasida ay hadalka u dhigeene.

Arday badan ayaa SomaliTalk.com u xaqiijisay in ay si wayn uga mudaharaadi doonaan  haddii aan xaalka sida uu hada yahay wax badan laga badalin oo aan cadaalad lagu dhaqin xaalka ardayda oo aan dalawadu taakulayn waxna u qaban ilaa iyo hada sidii loo asaasay DGPL walina ay dawlada ka sugayaan waxbarasho tayo sare leh iyo wax qabad dhab ah oo muuqda, iyaga oo ka dhursugaya in waxbadan dawladu ay ardayda u qabato  ayaa hadana iskadaa wax loo qabtee aan xataa sifiican xaqooda loogu doonin, ayey yiraahdeen ardaydu. 

Isku soo wada duuboo waxaa halkan hoose ka arki doontaan sidii ay UNESCO iyo wasaarada waxbarashadu ay markay dib u sixid ku sameeyeen imtixaanka ay  soo bandhigeen natiijadan oo ah sida shaxda hoose ka muuqata mid khaldan waxaana arki doontaan laba GRADE oo kale ah tanhore waa tan ay UNESCO soo gudbisay tan kalena waa tan saxda ah oo aysan wasaaradu soo  gudbin balse marka warqadaha ay UNESCO soo gudbisay dib si fiican loogu eego ku tusinaysan in ay tahay tandanbe tan saxda ah.

Tusaale ahaan

Ardaywalba waxa uu leeyahya RN +magixiisa+ Grade kiisa khaldan+ Gradeka saxda ah.

                  RN ... Magaca...      Garde wasarada/ iyo kan saxda ah

  • 56251 C/casiis bare nuur               C    B
  • 56252 c/casiis maxamed yuusuf      B    A
  • 56253 c/fitax axmed cabaas           B    A
  • 56255 c/qaadir xaamid maxamed     A     A
  • 56256 c/qaadir jaamca cabdi          B     B
  • 56257 cabdi qani ibtaahim xasan     C     B
  • 56258 c/laahi maxamed jaamca       B     A
  • 56259 c/rixmaan bashiir nuur           B    A
  • 56260 c/rixmaan cabdilaahi cilmi      A    A
  • 56261 c/rixmaan siciid bille             A    A
  • 56262 c/rizaak faarax maxamuud     B    A
  • 56263 c/salaan cali warsame          C    C
  • 56264 axmed yaasiin samatar         C     C    
  • 56265 axmed c/aali ax,med            B     A
  • 56266 axmed cali axmed               B     A
  • 56267 axmed ciise maxamed         E      D
  • 56268 axmed maxamed cawad      C      B
  • 56269 axmed maxamed yuusuf     C      C
  • 562 70 axmed siciid ibraahim        B     A
    56271 cali xasan maxamed         C      B
  • 56272 Amiin daahir c/qaadir       D     C
  • 56273 aamina yaasiin axmed      C      B
  • 56274 amiira axmed muuse        B      A
  • 56275 caasha ciise guure          E      D
  • 56276 caasha ciise maxamuud   B       A
  • 56277 ayaan c/rixmaan jaamac  D       C
  • 56278 ayaan cali faarax            D      D
  • 56279 ayaan xuseen jaamac      C     B
  • 56280 bashiir ibraahim jaamac    B      A
  • 56281 boosteeyo jaamac bulshaale  C     B
  • 56282 daahir xaamid maxamed     C      C
  • 56283 daauud axmed maxamed    C      B
  • 56284 Dhako maxamed warsame   C      C
  • 56285 faadumo axmed cabdule    C       C
  • 56286 faadumo khaliif siciid           C     B
  • 56287 faadumo maxamed cabilaahi  E       E
  • 56288 faadumo maxmed siciid         C      C
  • 56289 faadumo maxamed faarax    C       B
  • 56290 faadumo maxamuud maxamed  E     E
  • 56291 faarax maxamuud boos            D     C
  • 56292 fardawasa maxamed aadan     E      E
  • 56293 fardawasa maxamed jaamac    D      D
  • 56296 farxiyo jaamac maxamuud       D      C
  • 56297 fartuun maxamed yuusuf         E      D
  • 56298 fowsiya cabdinuur saalax       E       E
  • 56299 xaawo maxamed siciid          D        D
  • 562300 xaawo maxamed muuse      C       B
  • 562301 xuseen c/laahi guure          C      B
  • 562302 jaamac cabdinuur faarax    C      B
  • 562303 jaamaca maxamed nuur      B       B
  • 562304 jaamac salaad daahir         B      A
  • 562305 kamaal maxamuud aadan     B      A
  • 562306 kamaala xuseen guuleed     D      C
  • 562307 liibaan maxamuud xasan      C      B
  • 562308 liiibaan shiikhdoon               C      B
  • 562309 maxamed cabdi aadan         C       B
  • 562310 maxamed cabdi ciise            E      E
  • 562311 maxamed cabdi maxamed      C     C
  • 562312 maxamed axmed cali             E      E
  • 562313 maxamed axmed faarax          E     E
  • 562315 maxamed axmed maxamed     B      A
  • 562315 maxamed cawil jaamac           B    A
  • 562316 maxamed daauud faarax         E     E
  • 562318 maxamed iidle xasan              B      A
  • 562319 maxamed khaliif siciid             C      B
  • 562320 maxamed maxamuud axmed      C    C
  • 562321 maxamed maxamuud warsame   B    B
  • 562322 maxamed muuse maxamuud      B     B
  • 562324 maxamuud axmed maxamed     B     A
  • 562325 maxamuud muuse maxamed     C     B
  • 562326
  • 562327 nimco c/laahi cali                   E    E
  • 562328 qamar maxamuud axmed         C     C
  • 562329 sacdiyo siciid maxamed          E     E
  • 562330 sacaado cali xirsi                  D     D
  • 562331 saleebaan axmed muuse         C     C
  • 562332 samiira xaamid cali                 B     B
  • 562333 saamiya cabaas cali              C     C
  • 562334 sharmaake cabdi salaan        D      C
  • 562335
  • 562336 shugri siciid maxamed           C      C
  • 562337 sawda cabaas cali                C      C
  • 562338 timiimo cabdi cilmi                C      C
  • 562339 yuusuf cabdilaahi yuusuf      C       B

Waxaa isku soo duba riday A/rizak koronto Garowe Puntland Somalia


Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaarada Waxbarashada DGPL

puntland State of Somalia
Ramaas Politcal Party
RPP/91/06 Date:26/10/06

Ku: Golaha Xukuumada DGPL

Ku: Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somalia

Ogaysin: Shacab Waynaha Puntland

Ujeedo: Dhaliil Ku Aadan Wasaarada Waxbarashada DGPL& talo soojeedin

Ramaas Ciiro
Daahir ciiro

Dhamaan ka soo qaybgalayaasha shir saxaafadeedkan waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka

Salaan ka bacdi sidaad uga barateen Xisbiga Ramaas oo ka hadla dhibaatooyinka wadanka ka dhaca ama ku soo fool leh

markasta ka dhiibta bareerihisa looga hortagi karo ama wax looga qaban karo.

Hadaba sida aad la socotaan walaalayaal wasaarada waxbarashada DGPL waxay ku fashilantay hanaankii wax barasho oo ay masuulka uga ahayd maamulkeena sida ku cad qodabada aan hoos kaga hadlidoono.

1)Sida aad la socotaan sanad dugsiyeedkii 2002-2003 waxaa ka dhacay ardaydii oo lagu sameeyay jawrfal ku saabsan maadadii physicka ayadoo lagu celiyay imtixaankii sababtana ay lahayd haayadii gacanta ku haysay qaadista imtixaanka waxayna samaysay haayadu 43 arday ayaa waxaa isku gacan ku qoray gaalkii la oran jiray Powl si uu ardaydaas u xaqiro arintaasi waxay ku cadaatay markii ardayda imtixaanka lagu celiyay ayaa waxaa loo soo bandhigay waalidka 43 arday qoraalkood oo isku far ah taasoo aan ka suurtoobi karin ardayda maxaayeelay imtixaanka gabi ahaantiisba waxaa saacado lagu siiyay ardaygiiba in uu haysto 2saacdood hal ardayna 2saac gudahood kagama shaqayn karo 43 arday warqadahood ama imtixaankood.

Maamulkii wasaaradii xiligaas hogaaminayay wuxuu ku fashilmay arintaas oo cad in uu wax ka qabto ama kula xisaabtamo haayadaa abuurtay dhibtaas, lakiin Nasiib wanaag ardaydii imtixaankii ay ku noqdeen halkii maado ee Phyciska ahayd waxay la yimaadeen buundoooyinkii u qornaa mid ka badan.

2) Sanad dugsiyeedkii 2004-2005 Waxaa dhibaato kaga timid ardaydii isla haayadii imtixaanka gacanta ku haysay xiligaas oo ahayd haayada UNESCO dhibaatadaas wasaaradu waa hanan kari wayday in ay wax ka qabato dhibaatadas la soo daristay ardayda.

3)Sanadkan 2005-2006 waxaa ardayda la soo daristay arin fajiciso ku noqotay oo aan loo qaateen ahayn markii 5 maado loogu soo qoray NO GRADE oo ay sabab uga dhigayaan ardaydaasi waa qishtay arintaas markii ardaydii iyo macalimiintoodii iyo waalidoodba ay soo gaartay waa laga dhiidhiyay waaana la dabagalay nasiib wanaag waxaa soo baxay in ardaydaasi aysan qishin oo aysan jirin arday arday la buundo ah ama laba arday oo siku far wax ku qoray waxaana soo xaqiijiyay gudi ay u saartay golaha xukuumada DGPL. waxaana soo baxday in aan imtaxaankaasu saxnayn.

Kadib waxaa go'aan lagu gaaray in imtixaanka dib loogu saxo ardayda, kadib markii dib sixitaan loogu sameeyayna waxaa wasaarada waxbarashadu soo gudbisay NATIIJO KHALDAN sida ku cad totalka ay wasaaradu soo samaysay.

4) Waxaa haayada ku baaqday 2005-2006 Ardaydii loo helijiray Schoolarshipka ardayda Puntland oo dhan arintaas oo ay sabab u tahay wasaarada waxbarashada DGPL oo aan xil iska saarin meel marinta sida ku cad heeshiisyadii lala galayay haayaduhu markii ay dalka imaanayeen in ay u fidin doonaan waxbarasho schoolarship ah ardayda gasha 1 iyo2 Dugsiyada Puntland oo dhan arintaas oo gabi ahaanba baaqatay walina aan wasaarada waxba laga hayn.

5) Wasaarada waxbarashada DGPL ay gabi ahaanba joojisay mushahaarkii ay xukuumadu u qoondaysay macalimiinta wax ka dhiga Gambool scondary school wuxuna ku xayiran yahay mushahaarkaasi Banka Garowe waxaana xayiray wasiirka wasaarada.

6) Waxay gabi ahaanba ku fashilantay wasaarada waxbarashada DGPl hanaankii hogaamineed ee wax barasho.

Talo soo jeedin

Xisbiga Ramaas wuxuu golaha xukuumada u soo jeedinayaa dhamaan shaqaalaha ka hawlga wasaarada waxbarashada wasiir ilaa agaasime waaxeed in xilka laga qaado maadaama ay gudan waayeen waajibaadkoodii shaqo oo ay u hayeen mushtamaca Puntland gaar ahaan tii waxbarasho oo gaabis ay ka dhigeen sababteedna ay iyagu leeyihiin hadii aan taladaa la qaadana ay ka sii dari doonto gaari doontana hada meesha ay marayso meel ka sii xun.
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas
Daahir ciiro
Email: dahirciiro@hotmail.com  | mobile: 747090
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2006


Wararkii Hore ee la xiriira Imtixaanka dugsiga sare ee Gambool hoos ka akhri....

Garowe: Imtixaankii sanad dugsiyeedka sanadka oo sixitaankiisi dib loogu  soo celiyay  deegaanada puntland, Gambool-na  guul ka soo hooyay.

Agoosto 21, 2006: Imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sre ee puntland ayaa maalintii shalay ahayd sixitaankiisii dib loogu sooceliyay caasimada puntland ee Garowe.

Dugsiga sare ee gambool secondary school ayaa soo hooyay guul wax ku ool ah   taasi oo farax galisay waalidiinta iyo maamulka  dugsiga sare ee gambool iyo maclimiinta iyo waliba ardayda  kaasi oo  u furtay markale ardayda  gobalka nugaal in ay hogaanka ama majraha u qabtaan hogaanka waxbarashada deegaanada puntland.

85 ayaa u soo fariiisatay imtixaankii sanadakan dugsiga gambool oo kalia waxaana ay dhamaantood ku baaseex imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sare mana jirin hal qof oo dhacay sida  ay cadaysay haayada unesco oo iyadu hada gacanta ku haysa  sixitaanka imtixaanka dugsiyada sare ee puntland.

32 arday oo ka mid ah ardaydaas imtixaanka u fariisatay  ee gambool ayaa keentay grade A  waana tiradii u badnayd oo hal imtixaan loo fariisto dugsiyada sare ee puntland mar kaliya keentay grade A tan iyo markii dib loo furay dugsiyada sare ee puntland.

Tan iyo markii la keenay imtixaanka ayaa arday ku faraxsnayd natiijada imtixaankii la keenay iyaga oo sheegayay in  ay tahay xaqoodii ay shaqaysteen mirihiisana ay dhamayaan.

Iyada oo cadaadis la saaray markii loo fariisnaayay qaadista imtixaanka oo sixun loo ilaalinayay  ayay hadana ka soo baxeen cadaadiskaas saarnaa oo ay hada ku faraxsan yihiin natiijadii ka soo baxday imtixaankoodii ay galeen.

Cadaadiskaas saarnaa ayay ardaydu aad uga cabanayeen iyo tirabadnida imtixaanka iyaga oo loo ilaalinayay markii uuu imtixaanku biaalamay si xun oo adag.

guusha ay hada mira heeda dhadhan sanayaan ayaa ahayd mid adag oo ay soo mareen mudo 4sano oo ay u soo fadhiyeen subaxwalba in ay u kalahaan dugsiga sare ee gambool ardayda gobalka nugaal ee  sanadkan u guulaysatay guul wax ku ool ah.

Sanadkii ugu horeeyay ayaa dugsiga sare ee gambool waxa uu majarha u qabtay in  ardaydii ka qalin  jabisay ay ahaayeen kuwii ugu sareeayay imtixaanada dugsiyada sare ee puntland iyaga oo sanadkaas galay kalimaha 1aad iyo 2aad guud ahaan dugsiyada sare ee puntland oo ay ahaayeen markaasna ardaydii ugu badnayd ee xaga baasitaanka imtixaanada sanadkaas.

Sanadkan ayay mar kale u qabteenmajaraha  in ay ka sooo hooyaan guul wax ku ool ah iyaga 32 ka mit ah ardayda dugsiga sare ee gambool ay ku baasto gradeka loo yaqaano A  mana jirin sanadkan cid dhacday  sanadkan dugsiga sare ee gambool.

Guushaas ay soo hooyeen ayaa waxaa habmalyo iyo bogaadin   warqad ka turjumaysa soo gaarsiiyaya maamulha dugsiga  iyo guud ahaan ardayda dugsiga sare ee gambool  imtixaan qaadihii ee ka socday haayada uneco oo hada jooga magaalada nairobi Mr:Rowl, oo isaga mudooyinkii ugu danbeeyay ku hawlanaa hawlaha waxbarashada puntland gaar ahaan kuwa dugsiyada sare ee puntland oo dhan.

Qore: A/rizak koronto Garowe Puntland Somalia


Garowe: Mudaharaadka dhanah wasiirka waxbarashada Puntland oo ay soo abaabuleen ardayda Gambool oo ka dhacay Garoowe....

Agoosto 26, 2006: Mudaharaadkii ugu waynaa oo ay soo abaabuleen ardayga gobalka Nugaal gaar ahaan kuwa dugsiga sare ee Gambool ayaa maanta kadhacay magaalada Garowe.

Ardaydan ku mudaharaadaysay wasiirka waxbarashada ayaa ka dhan ahaa sidii uu wasiirku isku casili lahaa isla markaana ay ugu baaqeen in uu soo gudbiyo imtixaankoodii  oo lakeenay nadijadii sixitaanka imtixaanka kaasi oo uu wasiirku ku tilmamaay in uu yahay imtixaan laqishay oo aan suurta gal ahayn in arday gobalka nugaal ahi aysan marna keeni karin natiijada la soo gudbiyay taasi oo ka caraysiisay ardayga iyo guud ahana  shacab waynaha puntlandoo ay ku tilmaameen in wasiirku uu ku gor gor tamayo natiijada imtixaanka sida ay ardayduba carabaabeen. 

Si kastaba ha ahaatee mudaharadkaan ay ardaydu dhigeen maanta  waxay socod kumareen wadooyinka waawayn ee magaalda  garowe iyaga oo muujiyaya mudaharaad nabad galyo kii ugu waynaa hadana ugu hufnaa isla markaana ka dhan ah wasir ka mid ah wasiirada puntland.

waa markii 3aad  ee mudo sadex bilod ah gudohood lagu mudaharaado wasiirka waxbarashada Puntland, horay ayay labajeer macalimiinta puntland ugu banaanbaxeen wasiirka iyaga oo ka cabanayay si xun oo uu wasiirku ula dhaqmay.

Ardayda mudahaaradaysay ayaa waxay waayeen hal wasiir ama mas'uul katirsan puntland oo la hadla intii ay ku guda jireen mudaharadkooda maanta taasina waxay ku kaliftay in ay afka isaga shubaan guriga islaan ciise islaan maxamed oo ay hordhigeen cabashadooda.

Islaan ciise islaan macamed ayaa ugu baaqay ardayda in ay isdajiyaan islamarkaana ka balan qaaday in uu u soo dhicinayo xaqooda ka maqan waxana  uu labalamay in malainta isniinta ay ardaydu iska soo xulaan gudi la xaajooda islaanka oo ka dhaadhiciya waxa kamaqan iyo waxa ay doooonayaa si buu yiri islaanku aan u raad raaco muradkiina. 

kala soco mardhaw insha alla asawirada mudaharaadka maanta.

A/rizak koronto
Garoowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 27, 2006


Hyderabad: Gambool xaqiisu waa in aysan galin gorgortan Bayaan ay soo saareen ardayda puntland ee hindia.

Bayaan ka soobaxay ardayda puntland ee waxkabarata dalka Hindia   ayay kaga hadleen xaalada  haysata ardayda dugsiga sare ee gambool kaasi oo natijadii imtixaankoodi laga soo qaaday waxkamajiraan kadib markii ay dhamaandood ku baaseen imtixaankii ay galeen sida ay shaacisay haayada unesco balse ayhadan dabadhigtay arin lagu sheegay in uu dhacay qish kaasi oo sababay burbru natijadii ay sugayeen,

bayaanka ardayda puntland ee dalka hindia ayaa sidatan u qornaa:

Ardayda puntland: Hindia Hyderabad

  • Ku: madaxwaynaha puntland
  • Ku: wasiirka waxbarashada
  • Og: Ardayda puntland ee hindia

Ujeedo:  Gambool xaqiisu waa in aysan galin gorgortan

sida aan lawada socono waxaa lalaalay ama waxbakamajiraan lagasooqaaday natiijadii imtixaanka fasalka afraad dugsiga sare ee Gambool ee magaalada garoowe fasalkaas oo ay kudhaqaaqday Hay adda Unesco taas oo iyadu maamusha Imtixaanada dugsiyada sare ee puntland ,hadda warkaan markii uu soobaxay waxaa uu ahaa mid fajac iyo amma kaag ku abuura gaar ahaan ardadii imtixaanka lagabaabi,iyay iyo guud ahaanba dadka daneeya waxbarashada iyo horumarka dugsiga sare ee garoowe.

haddanaba anagu  oo kuhadlayana magaca ardayda puntland ee waxkabarta magaalada hyderabad ee dalka hIndia waxaan sishuruud la,aan ah uga codsanaynaa hay,adda Unesco inay kanoqdaan go aankaas oo ahaa mid lagu deg degay ayna sooceliyaan natiijadda imtixaanka ee arday waayo maahan wax si dheel dheel ah lagu baa bi,inkaro natiijo imtixaan oo la ogyahay inay tahay meesha ugu saraysa ee adduunka qof higsado ,haddii ay hay adu iskadhagatirto codsigaan waxaan dadwaynahay kunool magaalada garoowe iyo cidkasta oo waxkaqabankarta ama dib usoocelinkarta natiijadda ka codsanaynaa inay qaataan talaabo wax ku ool ah.

 imtiaxaan arday laga baa bi,iyay maahan wax sisahal ah laysku ilowsiinkaro  mana ahan wax dadyar ay go aanka gaarikaraan tan kale oo meesha laga arkaa waxaa weeye caddaalad daro lagu sameeyay iskuul dhan imtixaankiisii oo aysan ahayn dhawr ama xataa kala bar ardayda ee waaa mid lalabeegsaday iskuulka oo dhan iyo dhamaan ardadii imtixaanka gashay oo aan hal qof ka bad baadin ,waxaa kale oo iyana meesha kujirta waxaa loolafiirsaday maadooyinka muhiimka ah sida saddexda sayniska ah  xisaabta iyo social sayniska.

Hadaba guud ahaan madaxda puntland gaar ahaana madaxwaynaha waxaan ka codanaynaa in aysan dhayalsan  natiijada ardayda 4sano u soo fadhiyay in ay mar dhameeyaan dugsiga sare oo ay u hawlgalaan  cidii qaladka lehna la saaraa qaladkooda.

Wasirka waxbarashda puntland isagana waxaan ka cosanaynaa  in uu san galin wax gor gortanah natiijada imtixaanka ardayga gambool iskana daayaa madax adayga oo uusan difaac u noqon haayada unesco oo uu la saftaa dadka uu madaxda u yahay   oo ay ardaydu ka midka yihiin.

arintaan  hadii la soo afjaro oo ardaydu ay si niyad ah u helaan natiijadoodii waxaa ay farax galinaysaa guud ahaan reer puntland.

 ahmed c/rahman adan dalab
Mobile :009989253824
Hyderabad India

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 30, 2006


Garoowe: Go'aankii Gudiga Dib U Eegidda Imtixaanka Fasalada Afraad Ee Dugsiga Sare Ee  Gambool Garowe oo ay soo  bandhigeen.

Guddi loo xilsaaray in ay soo dhameeyaan khilaafkii ka dhasahy Natiijadii Imtixaanak sanad dugsiyeedka sanadkan  ayaa maanta warbixin ay soo saareen ku soo bandhigay qoraal dheer oo mudo qatay warbin dheer oo u qoranyd sidatan.

Ku: Madaxwaynaha DGPL                                       Date: 19/09/2006

Ujeedo:                        Go’aankii Guddiga Dib U Eegidda Imtixaanka fasalada Afraad ee Dugsiga Sare ee Gambool

Tix raac warqada sumadeedu tahay M/WDPS/696/06,  File No: 1, kuna taariikhaysan 070/9/2006, kuna saabsanayd magacaabid guddi.

Hadaba markii  ugu horaysay oo ay gudigu isu yimaadeen oo ahyd 12/09/2006,ayaa wuxuu guddigu samaystay jadwal shaqo oo ahaa sedan.

  • 12/0906 in lagu sameeyo akhris guud oo tifaftiran warbixinta UNESCO ay soo gudbisay.
  • 13/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada taariikhta
  • 14/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada xisaabta
  • 15/09/06, jimce
  • 16/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada fisigiska
  • 17/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada bayolojiga
  • 18/09/06 in dib loo eego imtixaankii maadada kimistariga.

Iyadoo madasha uu guddigu ku shaqaynayey  ay ahayd xafiiska Guddoonka waxbarashada Gobalka nugaal oo amaankiisa la sugay. 

Hadaba mudane madaxwayne waxaanu halkaan kuugu soo gudbinaynaa wixii aanu kala kullanay ka guddi ahaan hawshii naloo xilsaaray.

·         Markii ugu horaysay oo aanu waydiinay furayaashii imtixaanka khaas ahaan maadada taariikhda (key of the marking scheme) qoyaha UNESCO waxay noo sheegeen in aysan hayn furayashii imtixaanka oo ay jiraan Nirobi.

 Taasoo nagu kaliftay in aan qaadano go’aan ah inaan hawsha halkeeda ku joojino isla markaana adiga kula soo socodsiino.

Balse mudada nusaac ah kadib waxay noosheegeen in ay heleen furayashii halka ay yaalaan kadib markii ay la xiriireen xafiiskooda Nirobi taasoo nagalisay dareen shaki ah . 

Dib u eegidii maadada taariikhda

Markaanu eegnay warbixintii ay soo qoreen UNESCO iyo natiijadii imtixaankii ardayda dugsiga Gambool ee ay soo gudbiyeen waxaa nooga soo baxday sedan

·         Waxaa waxba kamajiraan noqotay warbixintii UNESCO oo ahayd in dhamaan ardaydu ay khaldeen su’aasha 6aad ee qaybta 1aad taasoo cadaatay in ardaydu isugu jireen wax khalday iyo kwo ka jawaabay.

·         Qaybta labaad ee imtixaankaas ayaa UNESCO waxay ku eedaysay ardaydu in ay qoreen jawaab isku mid ah taasoo noqotay waxba kamajiraan, waxaana cadaatay in ardaydu ay isticmaaleen jawaabo kala duwan.

·         Mudane madaxwayne markaanu tusaale ahaan u soo qaadano fasalka 4C ee dugsiaga Gambool waxay UNESCO ku eedaysay in ay iska qisheen imtixaanka taasi oo ay u soo qoreen (No Grade) laba arday mooyee intii kale, Markaanu arintaas dib u eegnay baaritaan gun dheerna ku samaynay waxaa cadaatay in fasalkaasi wax qish ah uu san ka muuqan warqadahoodii imtixaanka darajooyinkii ay keeneena u dhaxaysay 26-93% sida ku cad lifaaqa liiska ardayda ee la socda qoraalkan, waxaa kale oo xusid mudan in ardayga leh RL:56258 warqadiisii aanayba ku jirin buqshada imtixaanka isagoo liiska imtixaanka ay ku qorantahay ka qayb galkisii imtixaankaas. 

·         Majiraan wax astaan qish ah oo ay soo sheegeen ilaaliyayaashii iyo kormeerayaashii imtixaanka. 

·         Liiska ardayda imtixaanka u fariistay wuxuu u qornaa habtaxane ah (alphabetical order) iyo nubero si taxane ah isugu xiga (serialized Nubers) laakiin nasiibdaro warqadaha natiijada lagu soo gudbiyay labadaas astaamood oo nidaamka imtixaanaadka lagu yaqaan midna ma aysan lahayn, sidoo kale waxaan ku oolin astaandii UNESCO iyo shaabadii xafiiska imtaanaadka, kaliya waxaa ka muuqatay shaabad ay ka muuqatay xafiiska wasiirka waxbarashada!!!!!

·         Waxaa iyaduna xusid mudan in imtixaanka ay ka muuqatay habsixitaan oo aysan ku dhisnayn taasoo ardayda qaarkood la siiyay darajo ka hoosaysa tii ay xaqa u lahaayeen (Down Grading). 

Maadada xisaabta

·         Markii ugu horaysay ee aanu furany baqshadii ay kujireen waraaqaha imtixaanka ee xisaabta waxaanu ka helnay warqad ah form warbixineed ah uu leeyahay kormeeraha imtixaanku, taasoo ahayd in laga helo imtixaan walba, laakiin nasiib daro waxay ka maqnayd imtixaanada kale oo dhan taasoo noola ekaaday in si ula kac ah looga bixiyay.

·         Meelaha qaarkood waxaan islahayn natiijada imtixaan ee ardaygu keenay iyo waxa loo soodhajiyay.

·         Waxaan xaqiiq ahayn in dhamaan ardaydu ay wada saxeen qaybta (Multiple choice) oo lagu soo eedeeyay in ay kala qisheen islamarkaana ay wada saxeen.

·         UNESCO waxay sheegtay dugsiga Gambool in uu aad uga sareeyo dugsiayada kale ee puntland maadada xisaabta, xaqiiqaduse waxay tahay sida ka muuqata natiijada imtixaanka in qolka 1aad ay ka dhacday sadex meelood oo meel, dhibcaha ay heleen waxay u dhaxeeyeen 20-93% taasoo macnaheedu yahay in aan meeshaas wax astaan qish ah kaba jirin, Qolka 2aad waxaa dhacay sadex meelood oo laba meelood, Qolka 3aad waxaa ka dhacay 4meelood oo sadex, Qolka 4aad waxaa dhacday 10 arday halka ay 9 ardayna ka baaseen. Guud ahaan 45 arday oo ka mid ahaa 82 arday ayaa dhacay arintaasoo burinaysa warbixintii UNESCO ee sheegaysay in maadada xisaabta lagu shubtay. 

Maadada Fisigiska 

  • Eedaynta UNESCO PEER ee ku saabsan maadada fisigigksa taasoo oranaysa ardaydu waxay kala guursadeen imtixaankaas oo dhan iyadoo ay sheegeen inaysan sixinba imtixaankaas, arintaasi waxay noqotay waxba kama jiraan markaanu  u kuurgalnay.

Maadada Bayolojiga

  • Qaybta 1aad waa suurto gal in ardaydu kala qisheen qaybta (Multiple choice) in kastoo aan lahayn wax caddayn ah oo kormeerihii ama ilaaliyayaashii ay soo qoreen iyo warqad ay calaamiadiyeen toona.
  • Qaybta 2aad waxaa beenoowday in ay ardaydu isticmaaleen luuqad iyo erayo isla mid ah buundooyinka ama dhibcaha ardaydu ay keeneen waxay u dhaxaysey 31-79% waxaana caqli gal ahayn in buundada intaas isku jirta la gu sheego kala qishid.

F.G  Laba fasal warqadahooda oo dhan ayaa la isku qasay taasoo ujeedada lagalahaa aanab garan. 

Waxaa kale oo xusid mudan in afarta buqshadood ee warqadaha bayologigu ku jireen dusha looga qoray far waawayn oo cay iyo aflagaado ah sida( Gambool cheters &Gambool cheetahs!!!). 

Maadada kimistariga : 

  • Imtixaan kaas waxaa cadaan ah in waraaqaha qaybtood aan laba sixin qaarkoodna bar la saxay barna lagatagay, waxayna UNESCO ku andacootay in haddii lawada saxo ay keeni lahaayeen darajooyin kabadan 80% sidaas darteedna aaay iskaba daayeen sixitaanoodii.

Talo Bixinta gudiga  

Ø       In si dag dag ah oo  cadaalada  dibloogusaxo 5ta maado ee ay UNESCO ciladeeyeen .

Ø       In loo magacaabo macalimiin aqoon leh masuulna ah dib usixida intixaanaas .

Ø       In UNESCO lagala xisaabtamo qaabka foosha xun ee ay u maamushay imtixaamada dugsiga sare ee Gambool.

Ø       Waxaanu ku talinaynaa in aan ardayda dib loogu celin imtixaanka. 

F.G Imtixaanka luuqada afka soomaaliga, warqada natiijada waxaa ka muuqata inay ardaydu kuwada dheceen dhawrqof mooyee, taasoo aanu is waydiinay cida saxday maadaama aan sanadkan puntland laga qaadin  cidii afka Soomaaliga, Carabiga iyo Diinka sixijirtay. 

Magacyada iyo saxiixa gudiga

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2006


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD