SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Wararkii: Oct 18, 2006

  • Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"
  • Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay Baydhabo ku soo dhaweyn doonaan waftiga maxkamadaha...
  • C/llaahi Yuusuf oo fariin soo gaarsiiyey Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle..
  • Beesha Sade oo sheegtey Gen Cali Madoobe uusan wax lug ah ku lahayn..
  • Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale oo isu jira wax ka yar...
  • Munaasabad lagu xusayey Maalinta Saboolnimada adduunka oo lagu qabtey Muqdisho
  • Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Degmada Xarardheere...
  • Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Raisul Wasaraha Ethiopia oo shir yeeshay. 
  • Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed oo ka soo direen W/Ameerika..
  • Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka u daruuray inuu..
  • Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeedhay dawlada Soomaaliya.

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafkii u dhaxeeyay Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, wuxuuna khilaafka u dhaxeeya labadan Mas’uul uu bilowdey ka gadaal markii Ra’iisul Wasaare Geeddi uu sheegay in guddigii wada hadalka ee uu hor kacayay Shariif Xasan uusan Metelin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb galaya wada hadalka khartuun ee u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamiga iyo Xukuumadda isagoo Ra’iisul wasaaraha uu sheegay inuu dhawaan uu magacaabi doono guudi wada hadaladaa uga qayb gala, markii hadalkan uu ka soo yeerey Prof. Geeddi waxaa guddigii uu hor kacay Shariif Xasan ay iska casileen Xilkii kaddib markii Ra’iisul wasaaraha ay ku eedeeyeen inuu caqabad ku yahay dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed, Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisulwasaare Geeddi uusan daacad ka ahayn dib u heshiisiinta ay waddo Jaamicadda Carabta, waxaa laga yaabaa in khilaafkani uu keeno in gebi ahaanba ay bur buraan wada hadaladii u dhaxeeyay Dawladda Federaalka ah iyo Maxkamadaha Islaamiga .

Dhawaan ayaa Magaalada Nayroobi waxaa kulan ku yeeshay mas’uuliyiin ka kala socotey Xukuumadda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin in inta uusan bilaaban Shirka lagu ballan sanyahay soddonka bishan inay wufuud is dhaafsadaan Dawladda Federaalka iyo Maxaakiimta, waxaana la filayaa in dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ay gaaraan Magaalada Baydhabo oo fariirisin u ah xukuumadda si ay halkaa uga sii anba qaadaan wada hadalada u dhaxeeya Golaha Maxaakiimta iyo Xukuumadda, haddaba su’aasha is weeydiinta mudan waxa ay tahay Wafdiga Golaha Maxaakiimtu ma tegi doonaan Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo aan iyagu ku qanacsanayn heshiiska laga dhex wado dawladda federaala iyo Maxaakliimta Islaamiga ah ka dib markii Jaamcadda Carabta ay ku eedeeyeen inaysan dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya

Siyaasiyiin ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay Baydhabo ku soo dhaweyn doonaan

Siyaasiin ka tiran beelaha digil iyo mirifle kuna jira Labada Gole ee xukuumadda ayaa waxa ay sheegeen in Magaalada Baydhba ay ku soo dhaweyn doonaan wafdiga ka socda Maxkamadaha Islaamiga ee dhawaan lagu wado inay tegi doonaan Magaalada Baydhabo.

“Degaankeena cid kasta oo Soomaali ah ayaa imaan karta, Maxaakiimtuna Soomaalidaas ayay ka mid yihiin” ayay yiraahdeen siyaasiinta beelaha digil iyo mirifle oo sheegay in ay doonayaan in laga mira dhaliyo heshiiska u dhaxeeya Dawladda Frderaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga.

Dhawaan ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka ayaa waxa ay soo gaareen Magaaladan Muqdisho kuwaasoo kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, ha yeeshee Mas;uul u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay inaysan cidna uga heybeysan doonin tegista Magaalada Baydhabo si ay uga dhabeeyaan qodobadii ay ku heshiiyeen dawladda federaalka iyo goblaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

C/llaahi Yuusuf oo fariin soo gaarsiiyey Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle..

Waxaa cirka isku shareeray xiisaddii u dhexeysay Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Gen. Cali Madoobe oo isagu lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay falkii lagu weeraray maleeshiyadii fariisin u ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo.

Kulankan ay isugu yimaadeen Siyaasiyin, Waxgarad iyo Malaaqyo ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle ayaa mar kale lagu celiyay in Gen. Cali Madoobe uu si dhaqsi leh isaga baxo magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa Dowladda looga codsaday in ay si dhaqsi leh xilka uga qaado taliyahaasi, hase yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu fariin soo gaarsiiyey Siyaasiinta Beelaha Digil iyo Mirifle, fariintaas oo ah in amarka lagu soo rogay Gen. Cali Madoobe loo sugo inta uu ka imaanayo.

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynuhu uu soo gaaro magaalada Baydhabo, isagoo haatan sugan Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-Ababa.

Beesha Sade oo sheegtey Gen Cali Madoobe uusan wax lug ah ku lahayn..

Waxgarad siyaasiin, aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Sade ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay xiisadda u dhaxaysa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle kaddib markii Gen.Cali Madoobe lagu amray inuu 24ta saacadood uga baxo Magaalada Baydhaba.

Xubnahaasi waxay sheegeen inaysan marnaba u dul qaadan doonin hanjabaadda iyo caga jugleynta lagu hayo Gen.Madoobe iyagoo sheegay in wixii ka dhacay garoonka diyaarada Baydhabana loo raacan karo oo keliya Madaxda sare ee Dawladda”Dawladda waxaa ku ceeb ah in hal shakhsi uu yiraahdo haka baxo taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Magaalada” ayay yiraahdeen wax garadkaasi oo sheegay in dawladda looga baahan yahay inay xal deg deg ah ka gaarto Taliyaha Ciidanka Boliiska Gen. Cali Madoobe lyo siyaasiinta Beelaha Digil iyo Mirifle.

Generaalka ayaa lagu haystaa inuu amarkeeda bixiyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen shan ruux oo ka mid ah Maliishiyaad halkaa ku sugnaa iyadoo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi arrintan dhowr mar ay galeen balse ku guul daraystay, warku waxa uu intaa ku darayaa in mar la wareystay Generaalku inuu sheegay inuusan Amar Shakhsi uga bixi doonin Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Barre Hiiraale oo isu jira wax ka yar...

Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwa Co; Barre Hiiraale ay isku jiraan wax ka yer 30 kiiloo mitir.

Ciidamada Barre Hiiraale oo iyagu shalay ka gudbay Degaanka Saakoow ayaa waxaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo magaalada Bu’aale, didoo kale Ciidamada Maxaakiimta ayaa ka soo kala dhaqaaqay laba Degaan oo kala ah Degaanka Jilib iyo Degaanka Bu’aale, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dhex maro dagaal culus oo la isku adeegsado noocyada hubka.

Barre Aaadan Shire Barre Hiiraale ayaa mar la wareeystay horey u sheegay inay ka go’an tahay in Maliishiyadiisa ay dib ugu laabanayaan Magaalada Kismaayo oo dhawaan ay ka soo saareen Maxaakiimta Islkaamiga.

Barre Hiiraale wuxuu taakuleyn Hub iyo Saanadba ka heley Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawllada Itoobiya, hasa yeeshee Barre wuu dafirey inuu wax taakuleyn ah ka helay dhinacyadaasi, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay inay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona aan lahayn isagoo intaa ku daray in taakuleynta ugu ballaaran inay ka heleen bulshada ku nool gobolka Gedo.

Munaasabad lagu xusayey Maalinta Saboolnimada adduunka oo lagu qabtey Muqdisho

Munaasibad lagu maamuusayay 17ka Oktobar oo ah maalinta la dagaalanka Saboolnimada Global –Call to Action Againisty Poverty ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Saxafi Two ee magaaladan Muqdisho.

Munaasibadaas ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Biyo la’aanta, shaqa la’aanta, Koronto la’aanta iyo wixii la mid ah. Eng. Cabdikariin Xasan Daahir oo saxaafadda la hadlayay ayaa u sheegay in Munaasibad tanoo kale ahi ay ka dhacayaan magaalooyinka Kismayo, Boosaaso, Hargaysa, Baydhaba iyo magaalooyin kale oo Caalamka ah.

Eng. Cabdikariin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Munaasibada Maalintaas loogu tala galay Barnaamijyo ay ka mid yihiin Dibad bax Maanta ka dhacaya Tiribuunka kaasoo lagu muujinayo munaasibadda Maalinta la dagaalanka Saboolnimada.

Banaanbax rabshado wata oo ka dhacay Degmada Xarardheere...

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xarardheere oo ka tirsan Gobalka Mudug waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadweynaha ku nool deegaankaasi.

Dadka banaanbaxayey ayaa waxay ka hor yimaadeen canshuur ay ku soo rogeen Maxaakiimta Islaamiga ah deegaankaasi, waxa uuna banaanbaxaani uu markii dambe isku bedelay gacan ka hadal, isagoo halkaasi uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay xabsiga dhigeen dhowr qofood oo looga shakisanaa abaabulka banana-baxaasi, sidoo kale Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay deegaankaasi ku soo rogeen bandow bilaabanaya fiidnimada hore isagoo ku ek marka la tukanayo Salaada Subax

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Wasiirka Ganacsiga DFKMG ah Shaati Guduud oo Nairobi yimid.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somali Talk Nairobi
botaan1@hotmail.com

Magaalada Nairobi ee caasimda kenya ayaa waxaa shalay soo gaaray Wasiirka Maaliyadda ee DFKMG ah ee Soomaaliya ee magaalda baydhabo fadisa  Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) .

ilo wareed Somalitalk u waramay ayaa waxay sheegeen in Wasiirku kulamo la qaaday Madax ka tirsan World Bank bangika Aduunka ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada kenya.

Wasiirka ayaa waxaa uu kala hadlay arimo dhaqaale oo dawlada somalia ee baydhabo fadhia ay doonayso iyadoo dhawaan Xukuumada somalia lixda bilood ee soo socda miisaaniyadeedii la qorsheeyay balse inta badan aan gacanta lagu hayn miisaaniyadaasi.

Sidoo kale Ilo wareeed ayaa waay sheegayaan in wasiirka maaliyada Sahati Guduud oo dhawaan tagi doono magaalada Rome ee caasimda dalka Talyaaniga isgoo dawlada somalia ee KMG ah dhaqaale u raadinayo.

waxay ahayd mar aan sidaasi u sii dheereen sanadkaan gudhiisa markii dawlada somalia ay dawladaha Midawga yurub oo ay talyaanigu ku jirto ay u balan qaaday taageero maliyadeed balse aysan wax wayn wali ka fulin iyadoo sidoo kale midawga yurub 84 milyan $ u balan qaaday dawlada somaliya sandkaan bartmahisii . 

waa markii ugu horaysay oo wasiirkaan oo arintaasi u dhaqaaqu tan iyo markii la soo dhisay dawlada cusub ee gedi iyaoo horay jagadaas uu u hayn jiray saalim caliyow ibrow.
 
Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo Raisul Wasaraha Ethiopia oo shir yeeshay. 

Magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethiopia ayaa waxaa labadii maalmood ee aan soo dhaafnay ku sugnaa madax waynaha DFKMG ah Mudane C/laahi yuusuf Axmed isagoo kulan dheer la qaatay Rasiul wasaaraha Dalka Meles Senawi kulankaasi ayaa waxaa uu ka dhacay  xaafiiska Raisul wasaaraha.

Kulanka dhex maray labada masuul ayaa waxaa uu ahaa mid ay kaga hadlayeen arinta somaliya iyo waliba maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed oo ay dawlada Ethiopia si wayn uga cabsi qabto in ay wax yeelayso dawlada somaliya ee ay xirirka dhaw lee yihiin iyadoo dawlada Ethiopia iyo madax waynaha somaliaba ay u arkaan maxaakinta in ay yihiin cadawgooda marka la fiiriyo danaha ay ka lee yihiin Somalia ee gaarka ah.

C/laahi Yuusuf Axmed iyo Melez Senawi ayaa waxay ku heshiiyeen in lasii xoojiyo  xiriirka u dhexeeya labda dhinac ee dawlada Somalia ee tabarta yar iyo waliba dawlada Ethiopia oo ku naalooto awood

Melez Raiisul Wasaaraha Dawlada Ethipia ayaa u sheegay madax waynaha somaliya C/laahi Yuusuf Axmed in Maxkamadaha Islaamiga ah ee in aay khatar ku yihiin dawladaha ku dhaqan geeska Afrika  iyo waliba dawlada Ethiopia iyo tan Somalia sida uu hadalka u dhigay isagoo beesha calamka ugu baaqay in ay taageeto dawlada Somalia sidii ay dalka somalia u hanan lahayd isagoo intaasi ku daray in dawladiisu ay ka go’antahay taageerida dawlada Somalia ee ay dariska iyo xaabka yihiin  .

C/aali Yuusuf Axmed madax waynaha Somalia oo isna hadal u jeediyay raisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in dawlada Somalia ay dalbanayso in la taageero sidi ay dalka somalia u hanan lahayd isagoo amaan u jeediyay dalada Ethiopia.

Maxaakinta  ee Somalia ka taliya inta bada ayaa dhawaan ku baaqaday in ay jihad ka dhan ah dawlada Ethipia ciidamdeeda ay ku  qaadaan kuwa Somalia ciideeda jooga .

Ciidamada Wasiirka Gaashaaniga DFKMG ah oo aaga Bu’aaale dhaqdhaqaaq ka wada . 

Wararka naga soo gaarayo gobolada jubooyinka ayaa waxay sheegayaan In agagaarka  degmada Bu'aale ee xarunta Gobalka Jubbada Dhexe laga dareemayay dhaq dhaqaaq cidan oo ay waday Col.Bare Hiiraale Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG iyo Ciidamo uu horkacayo oo ku sii siqaya dhanka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose oo ay gacnata ku dhigeen maxakinta islaamiga ah ee somaliyed dhamaadkii bishii hore ee aan soo dhaafnay .

Maleeshiyaadka uu horkacayo wasiirka Gaashaandhiga Dawlada somaliya horayna u ahan jiray Gudoomiyaha Isbahayisigii Duuxada jubba Bare Aadan Shire Barre Hiraale ayaa ka soo baqoolay magaalada Saakow oo ay ku sugnaayeen maalmaaan halkaasi oo ay ka wadeen abaabul dagal iyagoo markii hore ka soo tagay gobolka Gedo magaalada Baardheere waxaana wararkii ugu danbeeyay ee aan helay ayay sheegyaan in ay gareen Magaalada Bu'aale.

Ciidamada Maxaakinta islaamiga ah e somaliyeed ayaa iyagu ku jira heegan iyo waliba digtoonan adag ka dib markii ay gaareen wararka sheegaya in bare hiiraale oo soo laba kacleeyay iyadoo cabsi wayn laga qabo in deegaanada ay iminka soo gaareen maleeshiyadka Bare iyo Ciidamda Maxaakintu ay isku hardiyaan.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com
Faa faahin SomaliTalk


Markii labaad oo ay haween Soomaaliyeed ay Deeq lacageed oo ka soo direen W/Ameerika oo la gaarsiiyey qoysas u badan agoon iyo kuwo dhibaateysan...

 

Deeq ka koobneyd Lacag gaareysa $1800 oo haween Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka ay  soo direen ayaa maanta loo gaarsiiyey qoysaska caruur Soomaaliyeed oo ku agoontoobay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaaalada Muqdisho iyo kuwa dhibaateysan munaasabad ka dhacday xarunta Markaska dacwada Ummul-Qura oo ku yaala degmada Hodan ee magaaladan Muqdisho.

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo haweenka soo diray deeqdaasi ay u soo mariyeen  dadkaasi agoonta ah iyo kuwa dhibaateysan  ayaa sheegay in haweenkan ku nool dalka Maraykanka ay lacagtan ugu talo galeen sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen munaasabada ciida Soonfureed farxadna ula ciidi lahaayeen qaar ka tirsan walaalahood agoonta ah ee ku dhibaateysan magaaladan Muqdisho iyo dadka kale ee tabaaleysan, isagoo xusay in lacagtan oo dhameyd illaa $1800 oo Dolar lagu sarifay boqolkii dolar 13,70,000, taasoo  cadadeeda guudna ka dhigtay 24,600,000 (Labaatan iyo afar Milyan iyo lix boqol oo kun Sh.So) ah.

 

 

“Deeqdan waxaa idin soo diray haween walaalihiin ah oo ku dhaqan W/Ameerika, kuwaasoo ka damqaday dhibaatada xiliggan heysata dadka Soomaliyeed gaar ahaan agoonta, waxaan u rajaynaynaa haweenka Muslimaadka ah ee ee deeqdan soo diray inuu ILAAHEY Siiyo bedel qeyr qaba, baaqigoodana u barakeeyo” ayuu yiri Abwaan Bacadle. 

 

Lacagtan ayaa ilaa shan milyan oo ka mid ah waxaa  qoo qeybiyey qoysas dhibaateysan oo marti ah oo goobta soo xaadiray, waxaana lacagtaasi inta ka hartay loo qeybiyey qoysas agoon ah oo iyagu dhibaato gaar ah qaba marka laga reebo Shan milyan iyo Afar boqol oo Sh.So ah oo lagu wareejiyey maamulaha Markaska dacwada Ummu-Xafsa Aamina C/raxmaan si ay gaarsiiso  isla qoysaska agoonta ee dhibaatada gaarka ah ay ka muuqato oo iyagu diiwaan gashanaa, hase ahaatee goobtaasi aan soo xaadirin.

 

Aamina C/kariim oo ka mid ah mas’uuliyiinta markaska dacwada ee Ummu-Xafsa ayaa u mahad celisay haweenkii muslimaadka ahaa ee deeqdaasi soo gaarsiiyey qoysaska caruurta Soomaaliyeed ee aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaaladii ka dhacay magaaladan Muqdisho, iyadoo xustay in deeqdan ay ku soo beegantay xili ay si weyn ugu baahnaayeen qoysaskaasi oo isla markaana ay soo dhowdahay munaasabadii ciida Soonfureed, waxayna ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibeda intaba iney u naxariistan agoonta Soomaaliyeed oo ay sheegtay iney ILAAHEY agtiisa maalinta Qiyaame ajir iyo xasanaad fara badan oo aan la soo koobi karin uga helayaan.  

Ma’ahan markii ugu horeysay ee haweenkan Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka  deeqo lacageed soo gaarsiiyaan agoonta iyo dadka tabaaleysan ee ku ku jira xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaala qeybaha kala gedisan ee magaladan Muqdisho, waxayna dhowaanahanba soo gaarsiinayeen deeqo kala duwan dadka ku dhaqan goobahaasi oo iyagu si aad ah ugu baahnaa duruufo lixaad lehna ay uga muuqdeen, iyadoo haweenkan Soomaaliyeedna deeqaha la gaarsiinayo dadkaasi u soo marinayey abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

002521576666

002521653623


Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka u daruuray inuu ka baxo magaalada baydhabo...

Wararka naga soo gaadhaya  Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo xarun u ah dfkmg ah  ayaa shaaca  ka qaadaya in Gen. Cali Madoobe oo ah taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed uu qaadacay inuu is kaga baxo magaalada Baydhabo isagoo ah masuul kamida dfkmg ah isla markaana ah taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed. 

 Sidoo kale Warar uu horay u shaaciyey  Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo kamida masuuliyiinta kazoo jeeda ururka RRA ayaa sheegayey  in Gen. Cali Madoobe uu uga baxayo magaalada Baydhabo mudo ku siman 24-saacadood , arrinkaas oo noqday mid wax go'aana weli aan laga gaadhin. 

 Raiisal wasaare Geedi iyo xubno kale oo dowlada kamida ayaa weli u xusul duuban soo afjarida arrimaha u dhaxeeya Gen. Cali Madoobe iyo Aadan Saransoor oo labaduba ku sugan magaalada Naydhabo.  

Ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha kale ee la shiray Aadan Saransoor ayaa dhanka kale la kulmay Gen. Cali Madoobe, oo aysan weli ka soo bixin war rasmiya oo soo afjaraya khilaafkaas. 

Maalinta Beriya ayaa DFKMG ah ayaa laga rajaynayaa inay  go'aan cad ka soo saarto arrimaaas sii xoogaystay ee u dhaxeeya Aadan Sararsoor iyo Gen. Cali Madoobe. Generaalka ayaa  waqtigan aad ugu dhiiran inuu yahay Gen. Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uusana magaalada Baydhabo cid gaara uusan marti ugu ahayn,  aysana jirin wax eeda oo uu ka galay Beesha Digil iyo Mirifle.  

Si kastaba ha haatee Arrintaan ayaa waxay ku soo beegantay xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya dibadda kaga maqan yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo ay dowladdu fariisin ka dhigatay horraantii sannadkaan. 

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com
002521-580916


Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 October 2006
Ogaadeenya: Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
Dadwayne rayad ah oo meelo kala duwan lagu xidhxidhay.
Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeedhay dawlada Soomaaliya.
Qaramada Midoobey oo canbaaraysay dowladda Eritereya.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Rifayaasha Halganka).
 
======================
 
 
Ogaadeenya: Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhaawacyo waawayn loogu gaystay ciidammada gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
25/09/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Cali-Sancad, oo ka tirsan gobolka Nogob, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
09/10/06 dagaal ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya iskaga horyimaadeen Maraacaato, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 09/10/06 dagaal ka dhacay Wabi-yar, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
08/10/06 dagaal ka dhacay duleedka magaalada Caado, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dagaalkan waxaa lala beegsaday ciidammadii gumaysiga ee uu isu dhiibay Aaden Yuusuf Taani wax yar ka dib markii uu isu dhiibay. Ciidammo JWXO ah oo la socda Aaden Yuusuf Taani, si ay nabadgelyadiisa u ilaaliyaan ayaa wax yar ka dib intii ayna ciidammada cadowgu soo gaadhin ku baraarugay shirqool la rabay in gacanta loogu galiyo cadowga, ka dibna waxay awood kaga baxeen goobtii ay ku signaayeen oo ahayd reer meeshaas degganaa. Markii ay nabadgelyadooda sugeen ayay dib u soo weerareen ciidammadii gumaysiga ee ninkaasi isu dhiibay. Kaligii ayuu cadowga isu dhiibay, mana jiro hal askari oo JWXO ah oo cadowga ula galay, sidaas darteed waxba kama jiraan wararka sheegaya inuu la galay askar JWXO ah.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 13/10/06 ayaa ninkaas la geeyay magaalada Wardheer, iyadoo dadwaynihii si qasab ah loogu shiriyay. Wuxuu kulankaas ka sheegay in JWXO burburtay oo kala tegtay, qabiil walibana dhinciisa u tashaday, sidaas darteed looga baahan yahay qabiilka uu ku abtirsado inuu isaguna tashado oo ka takhalluso JWXO, hase yeeshee nasiib wanaag dadwaynihii ayaa ka kala dareeray isagoo wali hadalkii wada.
 
Dhinaca kale wuxuu wariyaha RX noo soo sheegay in ciidammada gumaysigu ay wali wadaan baxsashadii ay ka baxsanayeen xeryahooda ku yaalla sugan magaalooyinka kala duwan ee Ogaadeenya.
Markii ay taariikhdu ahayd 05/10/06 waxaa ciidmmada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Gurdumi ka goostay shan askari.
Sidoo kale ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Awaare waxaa markii ay taariikhdu ahayd 25/09/06 ka goostay 15 askari oo hubkoodii u dhan yahay.
 
Dadwayne rayad ah oo meelo kala duwan lagu xidhxidhay.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 15/09/06 waxaa magaalaa Shilaabo lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1-    Kaafi Cali Shaakir
2-    Xuseen Ashkir Salwiye
3-    Faarax Xasan
4-    Mahdi Cali Xirsi
5-    Macalin C/raxmaan
6-    Yuusuf Cali Saafi
7-    Deeq Maxamed Cali
8-    Aweer Xuseen Gaas
9-    Bashiir Axmed Barkhadle
10-                  Mukhtaar Caydiid
11-                  Rashiid Caydiid
12-                  Deeq Maxamed Colaad
13-                  Kaafi Baddal Cali
14-                  Rashiid Maxamed Awal
15-                  Cabdi Axmed Shaakir iyo
16-                  Khadar Axmed Barkhadle
 
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen meesha lagu magacaabo Laba-Hidda dadwayne rayad ah oo tiradoodu gaadhayso 37 qof. Waxaan magacyadooda helnay dadka kala ah;
1-    Saynab Bile Xaaji Maxamed oo ah haweenay uur leh, isla markaana ay xabsiga kula jiraan labo carruur ah oo ay dhashay
2-    Faadumo Sh Nuuriye
3-    Saynab Xasan Libaax iyo labo carruur ah oo ay dhashay
4-    Cariish Cabdi Macalin iyo laba carruur ah oo ay dhashay
5-    Safiya Baddal Cumar
6-    Istaahil Ibraahim Dhoof
7-    Faadumo Yuusuf Cumar
8-    Dahabo Cismaan
9-    Cibaado Axmed oo ah haweenay dhoga la�
 
 
Sallaxaad waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Daahir Barre Cali
2-    Maxamed Muxumed Barre
3-    Cabdi Daahir Macalin
4-    C/llaahi Cabdi Dhogor
5-    Axmed Dhabayac Muqaddin iyo
6-    Nimco Ibraahim oo laga dhacay 10 Kiish oo Sonkor ah iyo 5 Kiish oo Bariis ah.
 
Dul-hawd, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Shugri Macalin Ibraahim
2-    Cali Maxamed Erag
3-    Rashiid Gamaadiid
4-    Banbar Mataan
5-    Maxamed Xasan Aaden
6-    Sh Axmed Sh Carab
7-    Sh Nuur Sh C/llaahi
8-    Cabdi-Wali Maxamuud iyo
9-    Cabdi-Miyir Ibraahim   
 
Jaamacadda Carabta oo beenisay hadal ka soo yeedhay dawlada Soomaaliya.
 
Jaamacadda Carabta ayaa beenisay hadal ka soo yeedhay dowladda ku meelgadhka ah ee Ssoomaaliya, kaasoo ahaa in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra�iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ay si rasmi ah ugu gudbiyeen Jaamacadda Carabta farriin ay kaga cudurdaaranayaan la kulanka waftiga ay Jaamacadda Carabtu u dirayso magaalada Baydhabo o xarun u ah dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaliya.
 
Afhayeen u hadlay dowladda ku meelgaadhka ah ayaa wargayska Sharqul Awsat u sheegay in labadan masuul ay si rasmi ah u gaadhsiiyeen madaxda Jaamacadda Carabta inaanay la kulmi doonin wafti ay Jaamacadda Carabtu u dirtay la kulanka madaxda dowladda ugu sarraysa.
 
Afhayeenkan dowladda ku meelgaadhka ah u hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay xubno isugu jira danjirayaal iyo wasiirro, kuwaasoo qaabili doona waftiga Jaamacadda Carabta oo uu horkacayo Samiir Xusni oo Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
 
Hadalkaas waxaa beeniyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, kuwaasoo xaqiijiyay in ayna jirin wax jawaab ah oo dowladda Soomaaliya ka bixisay socdaalka waftiga.
 
Masuuliyiintan u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay wali madaxda dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ka sugayso jawaab rasmi ah oo la xidhiidha martiqaad ay Jaamacadda Carabtu u codsatay in waftigaas loo fidiyo.
 
Jaamacadda Carabta ayaa ku jirta olole ay ugu googol xadhayso kulanka lagu talajiro inuu magaalada Khartuum ku dhex maro dowladda ku meelgaadhka ah iyo maxkamadaha Soomaaliya.
 
Qaramada Midoobey oo canbaaraysay dowladda Eritereya.
 
Qaramada Midoobey ayaa dowladda Eritereya ugu baaqday inay ciidamadeeda kala baxdo dhulka millatariga ka caaggan ee ku dheeraran xadka ay gumaystada Itoobiya la wadaagto. Masuuliyiinta Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dowladda Eritereya ay maalintii isniinta ahayd dhulka millatariga ka caaggan galisay ciidammo gaadhaya 1500 oo askari oo wata 14 taangi.
 
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dhulka millatariga ka caaggan ee ku dheeraran xadka Eritereya la wadaagto xukuumadda Itoobiya uu ka mid yahay heshiiskii xabbad joojinta ee sannadkii 2000 lagu soo afjaray dagaalkii labada dhinaca dhex maray. Qaramada Midoobey ayaa aaminsan in tallaabada ay Eritereya dhulkaas ciidammada ku galisay ay tahay mid meel kaga dhacaysa heshiiskii xabbad joojinta, isla markaana wiiqaysa qorshihii nabadgelyada.
 
Ciidammada Eritereya ayaa isniintii galay dhulkan oon loo oggolayn inay soo galaan ciidammo ka socda labada dhinac ee Eritereya iyo Itoobiya, waxaana la shegayaa inay la waregeen mid ka mid ah xarumo ay ciidammada Qaramada Midoobey ku lahaayeen dhulkaas millatariga loo diiday.
 
17 October 2006.
Axmed Gaal-Eri   
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9540 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Geeddi: “Wadaad Xume Hore ayuu u tilmaamay Siyaad Barre, maantana...
»Culima’udiinka Bay iyo Bakool oo u hanjabay DFKMG
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Zenawi u soo jeediyay in..
»Waaxda Warfaafinta Maxaakiimta iyo Bahda Saxaafadda oo
»Ra’isul Wasaare Geeddi oo la filayo in uu Diinsoor kula kulmo
»Sheekh Muudey oo ka warbixiyey la wareegida Idaacaddii..
»Hay’adda Danwadaag oo Deeq gaarsiiyey Dad soo barakacay
»Shariif Xasan oo iska casilay wada xaajoodka inuu u ahaado
»Bare Hiiraale oo ciidamo wata oo degaanka Saakow gaaray.
»Sheekh Cabdi Xasan: "Midowga Maxaakiimta waxaan ka...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 16

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD