SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 13, 2006

  • Dugsiga Al-Nuur ee Indhoolayaasha oo lagu qabtay maalinta Arragga iyo Maalinta Usha Cas...
  • Gabdhaha Soomaaliyeed ee Woqooiga Ameerika oo Deeq Gaarsiiyey Qaxooti Ku Sugan Muqdishi...
  • Dh/mareeb oo lagu qabtey labo nin oo qaraxyo geeystay 
  • Ujeedo: Jawaabcelin shirjaraaid oo uu qabtay  (Ucid).

Dugsiga Al-Nuur ee Indhoolayaasha oo lagu qabtay maalinta Arragga iyo Maalinta Usha Cas...

 

 

Waxaa Dugsiga Al Nuur ee Indhoolayaasha lagu qabtey labo xafladood oo mid ay ahayd maalinta Aragtida Aduunka oo ku beegneyd 12 Ocktobar iyo maalinta Usha Cas ayaa waxaa ka qeyb galay munaasabadaasi qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntiiba halkaasi ka hadlay Ustaad Ibraahiim Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur ee magaalada Muqdisho si aad ah ugu dheeraadey qoraalka farta Brail-ka oo wax lagu baro Indhoolayaasha taasoo laga joogo 200 oo sano “Waa nasiib daro in far soo jirtey labo boqol oo sanno in ay maanta soo gaarto dalkeena”ayuu yiri ustaad Ibraahim oo sheegay in aqoonyahano Soomaaliyeed oo wax ku soo bartey dibadaha ayagoo indhaha la’ ayaa suurta geliyey in ay dalka ka furan Dugsi lagu barto farta Brail-ka “Aniga waxaan ka mid ah dadka wax ku soo bartey dibadaha waxaana maanta go;aansadey inan wax baro dadka indhaha la’ ayuu yiri ustaat Ibraahim oo dadka ka qeyb galay Munasbadaas tusiyey sida loo qoro farta Brail-ka sidoo kale dadka waxaa uu tusay kutub Quraan ah oo ku qoran farta Brail-ka oo uu ka aqrinaayey Aayadaha Quraanka kaasoo si aad ah ula yaabeen dadkii ka soo qeyb galay munaasabada maalinta Araga iyo maalinta Usha cas.

 

Inta ay socotey munaasabada ayaa ardeyda wax ka barata dugsigaasi waxay dadka ku maaweelinaayey Nashiidooyin ka hadlayey faaiidada waxbarashada.

Xafladaasi waxaa kaloo ka hadlay C/laahi sheikh Maxamed Nuur asagoo qorey Buug ka hadlaaya farta Brail-ka iyo heerarka ay soo martey iyo sida wax loogu baro caruurta, C/laahi sheikh waxaa uu sheegay in sababta ku kaliftey buugaasi ay tahay si ugu kaalmeeyo dhinaca waxbarashada wiilkiisa oo wax ka barta dugsiga Al nuur “waxaa igu qasbay inaan barto fartaan si aan cunugeyga wax ugu tuso caruurta kalana wax ku baro” ayuu yiri C/laahi oo u mahadceliyey dadka isku howshay furitaankii Dugsigaas.

 

Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Dugsiga Al Nuur C/ fitaax Maxamed Daahir oo si aad ah ugu dheeraadey heerarka uu soo marey Dugsiga Al--Nuur iyo maalinta araga waxaa uuna sheegay in sababta loo sameeyey maalinta araga ay tahay si dadka indhaha la’ ay u soo bandhigaan waxyaabihii ay barteen iyo sidii kaalmo loogu fidin lahaa waxaa uuna u mahadceliyey dhamaan Hayadihii Ganacsatadii gacanta ku siiyery furitaankii dugsiga waxaa uuna sheegay in la furay 21 dii bisha 7- 2005 waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqey Jaaliyada Soomaliyeed ee Magaalada Birmingham ee cariga Igiriiska, shirkada Hormuud, shirkada Al- Towba, Muasasada Imaamu shaafici, shirkada Jubba Air ways, shirkada Telecom Somaliya, Muslim/ AID UK iyo shaqsiyaad kheyr jecel ee Soomaliyeed waxaa uu sheegay C/fitaax in ujeedooyinka loo aasaasey dugsi uu yahay in la helo jiil indha la’ oo awood u leh inay wax qoraan waxna akhriyaan,waxbarashadana si siman ula wadagaan asaagooda indha leh, in la tababaro dadka indhaha la’a, inuu ku wacyigeliyo Dugsiga bulshada dadka indhaha la’a hadii la diyaariyo loona tababaro inay baahidooda daboolan karaan bulshadoodana wax u tari karaan.

 

XafladaAsi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qalabka wax lagu baro caruurta iyo waliba Usha ay adeegsan karaan marka ay soconaayaan.

Halkudhigyada dugsiga ku dhegnaa waxaa ka mid ahaa ku shugri nimcada araga ee ilaah kugu maneystey uguna Gargaar kuwa nimcadaasi ka maqan tahay, Al Nuur aad SI asaagaaga ula jaanqaadid.

Cinwaanada dugsiga indhhoolayaasha al nuur

Tel 002521-218433

Tel 002521-856308

Tel 002525-929781

Tel 002521- 511979

Fax:- 002521-216370

E-mail:-somliblind@hotmail.com
E-mail Amfarah231@hotmail.com
Web-site www.somaliblind.org

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

 


Gabdhaha Soomaaliyeed ee Woqooiga Ameerika oo Deeq Gaarsiiyey Qaxooti Ku Sugan Muqdisho..

Dadka soo barakacay oo magaalda Mugdisho loogu Qeebiyay Raashiin iyo lacag.. 

Boqolaal ruux oo ah dadka ku jira xerooyinka qaxootiga magaalda mugdisho qaarkood kuna soo barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo abaaro galaaftay duunyo waxay lahaayeen ayaa Khamiistii fursad u helay inay gaarto raashiin isugu jira bariis, saliid, iyo lacago kaash ah oo lagu talo galay inay kaga gudbaan dhibaatada ka haysata cunto la'aanta, ayna ku afuraan. 

Gabdho Soomaliyed ee ku dhaqan Waqooyga Amerika ayaa iska xilsaaray inay gagaar dhaqaale u fidiyaan  dad soo barakacay ee ku jira xeryaha ku yaala gaar ahaan kuwa agoonta iyo kuwa da'da ah gargaarkaas  oo dhan 1500.Us una dhiginta sh.So lacag dhan  20.250  iyadoo gargaarkani ay u soo wakiisheen Abwaan Abshir nuur faarax abshir Bacale oo tel:lr:002521-5959 70- ee mudisho.

 
Abshir Bacadle oo qaybinaya lacagtii deeqda ahayd

Abwaan nuur abshir bacadle oo ay wehliyaan xubno kale ayaa ugu horeen waxaa uu booqday lix kaam isagoo la kaashanayaa horjooogayaasha kamaamkaas dabadeed waxay si gaar ah ugu xusheen caruurta agoonta dadka liita, kuwa curyaanka, iyo kuwa da'da ah . dabadeedna waxaa lixdaasi kaam si habsami leh ugu qeebayay gargaakaasi ay soo gaarsiyeen gaar ahaan gabdhaha ku nool Waqooyga Amerika,  ayna soo wakiisheeb Abwaan Abashir Nuur faarax oo isaga ku sugan magaaldda Mugdisho.

 Dadka Khamiistii fursadaan gaargaaka helay waxay ahaayeen agoon, dad da'da ah , indhoolayaal. Iyo kuwo liita, oo ka soo barakacay guud ahaan Goboladda qaarkood iyo gudah dalkooda ayaa u badnaa dad Oromo ah oo qaxooti ahaan ilaa 1977-dii ayaa si weeyn u soo dhaweeyay deqdaasi wax ku oolka ah oo ay u fidiyeen gabdhaha soomaliyeed oo ku dhaqan dibada gaara ahaan wadanaka mareekanka waxana ugu mahad ciliyeen gacantaan binaadaminada oo ay fidiyeen walaalood waxaayna ilaaheey ugu bariyeen inuu badalkeeda uu ku siiyo meel fudud. 

       

Dadka soo barakacay ee ku jira magaalada mugdisho ayaa haataan waxaa ka muuqda baahi iyo macluul daran oo ay u wehliso nafaqo la'aan mana jirta cid si gaar ah u daryeesha. Ha'yadaha gaargarka dhag jalaqa uma siiyaan baaqyada isdaba joog ah ee loo soo jeediyo sidaa darteeda gaargaakaan oo maanta la gaarsiiayay lixdaasi kaam xili lagu jiro bishii barakeesneed ee ramadan ayaa waxaa xaqiiqo ah in uu culees weeyn oo saarnaa dadkaasi uu ka dabcindoono inkatoo aaan la'oronkarion waxaa la daboolay baahida guud ee ka jirta xeredaasi ,waxayna qaarka mid ah dadkii ay codsi guud u jeediyeen dadka soomaliyeed gaar ahaan Jaaliyaddaha ku dhaqan dalka dibadiisa inay xasuustaan oo ay il gaar ah ay ku soo eegaan .

Dh/mareeb oo lagu qabtey labo nin oo qaraxyo geeystay 

Maxkamadda Islaamiga ah ee Dhuusa Mareeb ee G/ka GalGaduud ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Rag looga shakisan yahay in ey ka danbeeyeen weeraro bambaano oo lagu qaadey maalintii Arbacada goobo ku yaal deegaanka Guriceel ee gobolkaasi. 

Arintaan ayaa waxaa saxafada u sheegey taliyaha ciidanka Maxkamadda Islaamiga ah ee ee Dhuusa Mareeb Xasan Max’ed Guuleed.

Waxaa uu Xasan sheegey in ay wadaan dadaalo iyo howl gallo ay ku ogaanayaan cidda ka danbeysa weeraro Bambaano oo shalay lala beegsadey Ceel biyo laga dhaansado iyo Suuqa xoolaha deegaanka Guriceel ee G/ka Galgaduud. 

Waxaa uu sheegey iney soo qabteen labo ruux islamarkaana ay haatan ku howaln yihiin soo qabqabsahada dad kale oo arimhaasi looga shakiyay iney ka danbeeyaan. 

Xasan ayaa waxaa uu ku eedeeyay in falkaasi ay ka danbeeyeen kuwo wax magarato ah oo doonaaya in ay carqaladeeyaan xasiloonida deegaanka ka Jirta  

Ma jirin cid wax ku noqotey weeraradaaasi laakin waxaa lagu micneeyey mid la doonaayey in lagu qalqal galiyo dadka deegaanka marka loo eego sida ay u dhaceen weerarada n xili dadku ay ka kala maqnaayeen goobaha uu ka dhacay weerarka. 

Waa Markii ugu horeysay falal nuucaasi oo lagu arko deegaanka Guriceel tan iyo markii uu maamulka maxaakiimta islaamiga uu halkaasi ka billowdey.

Muuse Maxammud Jiisow
Musejisow@hotmail.com

Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


Puntland  State of Somalia
 
Ramaas Political Party
RPP/71/06                                                            Date: 12/10/06
 
Ku: Saxaafada madaxa banaan ee Somalia
Ogaysiin : Shacabwaynaha Somaliyeed
 
Ujeedo: Jawaabcelin shirjaraaid oo uu qabtay  (Ucid).
 
Dhamaan ka soo qaybgalayaasha shirkan jaraaid ee aan ugu jawaabayno Hadalka deel qaafka leh ee ka soo yeeray Xisbiga Ucid  waxaan ku salaamaynaa salaanta Islaamka.
 
Salaan kadib waxaan idiin soo gudbinaynaa shir jaraaid oo ah  jawaabcelinta kor ku qoran.
 
Waxaa Nasiibdaro ah in nin wayn oo ah hogaamiye siyaasadeed in uu la soo istaago goob fagaare ah soomaalibaa isu cadaw ah, sida uu yiri Xog hayaha Guud ee Xisbiga Ucid  Cadawgeenu waa Puntland iyo wixii ka shisheeya.
 
Hadaba anaga oo ku hadlayna barnaamijka xisbiga Ramaas  oo ka hadla wada noolaansho iyo daris wanaag iyo kala maarmi waa soomaliyeed waxaan walaalkay u sheegaynaa in uu ka bixiyo hadalkaas deel qaafka ah raali galin maxaa yeelay somali makala maaranto somalidu waa isu abti,waa ilma abti,waa ilma habreed, waa isku diin, waa isku dhaqan, waa isku dhul,waa isku luuqad.
 
Sidaa dareed waxaan dhamaan somalida ugu baaqaynaa meel kasta oo ay joogaan in ay joojiyaan gacan kahadalka iyo hadalada dadka kala fogaynaya ama isku diraya  wixii ka dhexeeyana ay ku dhamaystaan wada hadal lagana fogaado dhiig danbe oo soomaliyeed oo ku daata nin kursi doonaya ha ahaado dawlad federaal ah ama maxakiimta, puntland iyo somalilnad.
 
Gaar ahaan maxaakimta iyo dawlada federalka  waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka waantoobaan dhalin yarada ay hubka isugu dhiibayaan kalana ceshadaan ciidamada ay isu dumayaan mid kastaana uu ku sugnaado barihiisa ama saldhigyadiisa.
 
Dhalinyarada somaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan dhagarta qabqablayaasha oo ah xabada ay iska xejinayaa.
 
Dhamaan somaliyana waxaan ugu baaqaynaa in caqligu shaqeeyo beelaha kala qoqobmay ee somaliyeed beel kasta deegaanka ilaahay uu nasiibka u siiyay ay kaga taliso sidii nabad loogu wada noolaan lahaa iyaga iyo beelaha kale ee somaliyeedba.
 
 
Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Political Party
Daahirciro
 
 Email: Daahirciiro@hotmail.com  mobile:747090

Q.M  oo shaki gelisay isku halaynta maxaakiimta ka dib markii ay shaaca ka qaaday  in ay kala baxeyso si ku meel gaar ah Shaqaalaheeda Hey’adaha Samafalka goobaha ay maamulaan Maxkamadaha Islaaamiga ah. 

Q.M waxay shaacisay inay u la baxeyso shaqaalaheed si ku meel gaar ah goobaha ay maamulaan Maxkamadaha Islaamka kaddib markii la soo gaarsiiyay Hanjabaado loogu sheegay in la dilayo shaqaalahaas. 

Q.M  waxay  kaloo sheegtay in ay arrintaas sabab uga dhigeyso falkii dil ee loo geestay Haweeney Sooro ah oo ka shaqeyneysay Isbitaalka SOS , oo lagu daweeyo   Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed, kaasi oo dabooli jiray illaa xad baahida howlaha caafimaad ee Haweenka iyo caruurta.

Go’aanka hey’adda ay kula baxday shaqaalaheeda ayaa  ah mid ku meel gaar ah ay ku dooneyso inaan waxyeelo loo geesan shaqaalaheeda ka howlgala gudaha wadanka soomaaliya gaar ahaan goobaha ay maxkamauhu ka taaliyaan , Waxaana arrintaan sii huriyay  markii madaxweynaha jamhuuriyada somaliya mudane C/laahi Yuusuf  axmed uu si dirqi ah kaga badbaaday shirqool dil ah oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo isaga.   

Shaqaalaha Q.M. ayaa sheegay in kal hore hanjabaad weyn loogu soo diray fariimo qoraal ah kuwaasoo loogu sheegay iney isaga baxaan deegaanada Puntland iyo arrimaha lagu ugaarsanayo shaqaalaha Q.M.. 

Tani waxay dhacday marar badan in shaqalaaha gargaarka Q.M.  ay ka baxaan gudaha soomaaliya balse ay dib u soo noqdaan goortii ay doonaan  waxeyna u muuqataa mid iska cadi ah .

Muuse Maxammud Jiisow
Musejisow@hotmail.com

Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006

Dowladda Itoobiya oo si weyn ula walwalshay ereygii ka soo yeerey Shiikh Shariif
»Midowga Afrika oo ka walwalsan in dagaalka u dhexeeya..
»Wafdi ka socda Maxaakiimta oo gaaray Kismaanyo..
»Maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay Jamaame..
»Madaxwayne Kuxigeenka DGPL Xasan Dahir (Afqurac) oo..
»Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo deeq lacageed..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 12


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool bariga magaalada London oo deeq lacageed guddoonsiiyay maamulka Guddiga Taakuleynta Agoonta qeybta gabdhaha ee ku jira Soomaaliyeed ee ku jira xarunta umul Mu'miniin Caa'isha ee Degmada Xamarweyne

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan bariga magaalada London ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa US$ 4,100 soo gaarsiiyay xarunta Agoonta qeybta gabdhaha ee degmada Xamarweyne agagaarka wakaaladii xaaga korontada umadda divishanso dhabarka danbe ee dugsigii xaawo taako ee magaalada Muqdisho.

 

Deeqdan lacageed oo ay u soo marsiiyeen Md. Max'ed Sheekh Xasan oo mobile kiisa gacantu uu yahay 0022521511363 isaga oo joogo magaalada muqdisho , oo wakiil u ahaa jaaliyaddaas ayaa waxaa uu ku wareejiyay xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta agoonta Soomaaliyeed qeybta gabdhaha Max'ed Rashiid Sheekh Xasan oo isne mobilekiisa gacantu uu yahay 002521543242 muqdisho Somalia .

 

Guddoonsiinta deeqdan lacageed oo gaareysa $4,100 ayaa waxay ka dhacday xarunta agoonta qeybta gabdhaha ee degmada Xamarweyne, waxaana ay ku soo beegantay bisha Ramadan ee barakada iyo kheyrka badan, iyadoo loogu talo galay inay ku ciidaan gabdhaha agoonta ah ee ku jira xeradaas oo gaaraya 350 caruur ah oo ay da'doodu u dhexeysa 6 ilaa 14 sano jir.

 

Sidoo kale isla maanta waxaa caruurtaasi agoonta la guddoonsiiyay 350 joog oo dhar ah oo ay ugu talo galeen Guddiga Taakuleynta Agoonta inay kula ciidaan caruurta Soomaaliyeed maalinta ciidul fitriga ee foodda nagu soo haysa.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan bariga magaalada London ayaa guntiga dhiisha isaga dhigay, waxayna iska soo uruuriyeen deeqdan lacageed oo gaareysa $4,100, waxayna ugu talo galeen inay ku caawimaan caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah oo iyagu aanan haysan wax dhaqaale ah kaddib markii hay'adihii Alxarameyn ee maamuli jiray albaabada uu u laabay Mareykanka kaddib markii looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-qaacidah ee uu hoggaamiyo Osama bin Laden kaddib markii 11kii September 2001 uu qarax gilgilay daaraha ganacsiga ee New York.

 

Hadal kooban oo ay ka jeediyeen guddoonsiinta deeqdaasi xoghayaha Guud ee Guddiga Taakuleynta Agoonta Max'ed Rashiid Sheekh Axmed iyo wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga London ku nool Md. Max'ed Sheekh Xasan ayuu ka mahad celiyay Md. Rashiid deeqdan wax ku oolka ah oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed soo gaarsiiyeen walaalahood caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah, wuxuuna uga mahad celiyay dadaalka hagar la'aanta ah oo ay muujiyeen jaaliyadda, wuxuuna Ilaahay uga baryay in uu Ilaah ku karaameeyo sadaqadaasi ay baxsadeen, beddelkeedana Ilaahay agtiisa ka helaan.

 

Max'ed Sheekh Xasan wakiilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga London oo isna munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi ka hadlay kaddib markii uu wareejiyay deeqdaas ayaa yiri "Ilaah ayaa mahadda leh in ubad Somaaliyeed oo intan la eg oo Yatiin ah oo soo koraya ay maanta helaan deeqdan oo ay soo uruuriyeen walaalahooda Muslimiinta, isla markaana ay yihiin mustaqbal ifaya, wuxuuna si gaar ah mahad ugu celiyay dadka Soomaaliyeed ee ku tabarrucay deeqdan walaalahooda agoonta ah, waxayna deeqdan ugu talo galeen in munaasabadaha ciidda ay uga farxiyaan agoonta yaryarka ah oo waalidkood uu geeriyooday bishan Ramadan, wuxuuna si gaar ah mahad ugu celiyay dadkii isugu taxlujiyay in intan caruur ay meel isugu geeyaan, oo ay kafaala qaadaan tarbiyeyntooda iyo waxbariddooda, waxaana la dhihi karaa waxay guteen waajibaad ballaaran oo ka saarnaa bulshadooda iyo ummadooda, iyagoo dhisaya mustaqbal cusub iyo jiil soo koraya, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona horumarinta dalka, mustaqbalkana dadka, dalka iyo diinta anfici doona, wuxuuna wakiilka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Bariga Ingiriiska Max'ed sheekh Xasan uu codsi u jeediyay jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka dibaddiisa in wixii ay ku taakuleyn karaan ku taakuleeyaan jiilkan yar-yar ee yatiinka ah iyo dhammaan walaalaha kale oo ay baahida iyo macluusha ku hayso dalka gudihiisa.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com 

Muqdisho Somalia

002521576666

002521653623

Oct 12, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD