SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...


Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo baajiyay Xalay Riwaayad  iyo bandhig faneed ay soo qaban qaabiyen fanaaniin oo ka dhici lahaa goob Kaniisad ah....

(SomaliTalk.com | Oct 24, 2006): Habeenimadii xalay ahayd ayaa culumada masaajidka abuubar ee xaafada islii ama 6ka ay joojiyen bandhig faneed ay ka soo qayb gali lahayen boqolaal Soomaalida ku nool xaafadda islii oo lagu waday inay ka dhacdo xarun Kaniisad ah qaybta shirarka .

Culumadii xalay halkaasi joogtay ee gacanta wayn ka gaystay baajinta riwaayadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sheikh Maxamuud Shibile, Sheikh C/xamiid Xaashi, Sheikh Bali Sheikh Mowliid iyo culumo badan .

Culumdaan ayaa waxay isticmaalayeen sameecadu waawayn oo ay la taagnaayeen iridda hore ee halka ay ka dhici laahady bandigga ama riwaayada taas oo nasiib wanaag ay baajiyeen ka dib markii ay halkaasi ka jeediyeen maxaadarooyin.

Sheikh Maxamuud Shibile ayaa halkaasi ka jeediyay maxaadaro ama waano ay ku istaageen dhalin yaradii doonaysay in ay gasho isagoo yiri '' war yaa doonaya in nacalad iyo naxariista eebe ka fogaadaan lacagna ay dhiiban dhan 500 KSh '' iyadoo dhamaan dadkii ay iska joojiyeen galista halkaasi .

Sidoo kale Culumadii goobta timid ayaa dhammaan halkaasi ka jeediyay hadalo ay inta badan dhalin yaradii soo qaban qaabisay iyo kuwii doonayay in ay daawadan ka hakisay galista xaruntaasi .

Fanaaniita halkaasi ka jeedin lahaa Heesaha ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Cali Bacalwaan, Khadiijo Fooday, Xaynoosh Sanqoole, Ooyaaye , iyo kuwa badan oo ka tirsan dhalin yaro la magac baxday waayaha cusub oo fanaaniin ah .


File foto: Masjidka 6-street ee Nairobi, waa masjidka ugu weyn ee xaafadda Islii ee Soomaalidu ugu badantahay

Jawiga ayaa ahaa mid isku badalay mid diimeed ka dib markii la hakiyay riwaayadasi iyadoo halkaasi dadkii doonayay in ay daawadaan riwaaada iyo heesaha ay isku soo weeciyeen dhagaysiga wacdiga marka laga reebo intii iyadu ka xishoday in ay istaagan goobtaasi ka dib markii ay ka soo baxeen kaniisata xarunteeda.

Waa markii ugu horaysay oo culump Soomaaliyeed ay meel ka baxsan dalka Soomaaliya ka sameeyaan arintaan mid la mid ah iyadoo ay u wada riyaaqeen jaaliyada Soomaaliyeed ee xaafada islii oo inta badan la moodayo marka aad joojid inaad dhex joogtid magaalo Soomaaliyed waxaana soo dhaweyay dadka somaliyeed ee jecel diinta islaamka ku dhaqankeeda, balse dhalin yaro halkaasi aan kula kulmay ayaa sheegay in aysan arintaasi raali ku ahayn iyagoo ii sheegay in wadaada ay somalia uga yimaadeen kenya ay kaga soo horaayan kuwa kale taas oo ay ku tilmaameen sida ay hadalka u dhigeen mid ay ka xun yihiin.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Somatali Talk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2006


ciidQaabkii looga Ciiday Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis/St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...


Yaa Gacanta ku haya Magaalada Buur-Hakaba
Wararka ka imanaya Buur-hakaba ayaa tibaaxay in ciidamadii DFKMG ay halkaasi ka baxeen, waxaana...
Guji... Oct 23

Barre Hiiraale oo Maxkamaduhu  ka qabsadeen 16 Gaari oo kuwa dagaalka ah
Wararka ugu dambeeyey ee ka imanaya Bu'aale ayaa tibaaxay in ciidamada maxaakimta Islaamiga ay.... Guji....
 


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...

 

»Xaafadda Islii, Nairobi oo lagu dilay laba Soomaali ah

Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Buur-Hakaba..
»
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata..
»Dadweyne fara badan oo shalay iyo xalay ka..
»Dowladda Federaalka ah oo ka hadashay..
»Garowe: Tababar ku saabsan isticmaalka daawada HIV/AIDS
»Ciidamada Daraawiishda DGPL oo heegan lagaliyay.
»Jamciyadda Samafalka ee Ramadaan oo afur karin...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 22


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD