SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

UK: Xafladda Soo bandhigidda Waxqabadka Hay’adda Danwadaag 

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Leicester iyo agagaarkeedaba, waxaanu la socodsiinaynaa in ay hay’adda danwadaag soo bandhigi doonto waxqabadkeedi inti ay jirtay hay’adda. 

Waxaa lagu dhigayaa xafladaas:-

St’ Matthews Neighborhood,
Leicester

Saacadda/ Taariikhda
Sabti 28/10/06 14:00 ama Labada  

Sidaa iyo kasoo qeybgal wacan 

Faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriir

Cabdixakiim jaamac jooje
0116 – 2516977 ama 0777 0754719
saicentadv@yahoo.com


Yaa Gacanta ku haya Magaalada Buur-Hakaba

Isniin  Oct 23, 2006 (Ciidul-Fidri): Wararka ka imanaya magaalada Buur-hakaba oo Baydhabo u jirta 66km ayaa sheegaya in ciidamadii DFKMG ee dhowaanta halkaas soo galay ay dib uga baxeen banneeyeena aaggaas, isla markaana sida wararku sheegeen waxaa magaaladaas dib u qabsaday ciidamada deegaanka ee taageersan maxkamadaha Islaamiga ah. Waxaana warku intaas ku daray in maleeshiyoonka degaanka oo taageersanaya ciidamada maxaakiimta ay magaalada hadda gacanta ku hayaan.

Maalmahan waxaa aaggaasi ku sii siqayey ciidamada Maxaakiimta kaddib markii ay halkaas qabsadeen ciidamada DFKMG.

Wax war ah oo arrintaas ku saabsan weli kama soo bixin labada dhinac ee DFKMG iyo maxkamadaha.

Wararkii shalay hoos ka akhri....


Wararkii: Oct 22, 2006

  • Wararkii ugu dambeeyey ee Bu'aale...
  • Cutb ka tirsan ciidanka maxaakiimta oo tababar loogu xiray Hiilweyne
  • Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Buur-Hakaba..
  • C/llaahi Yuusuf oo lagu wado in maanta..
  • Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata..
  • Dadweyne fara badan oo shalay iyo xalay ka..
  • Dowladda Federaalka ah oo ka hadashay..
  • Xaafadda Islii, Nairobi, oo lagu dilay laba qof oo Somali ah
  • Garowe: Tababar ku saabsan isticmaalka daawada HIV/AIDS oo lasoo gabagabeeyay.
  • Ciidamada Daraawiishda DGPL oo heegan kii ugu sareeyay lagaliyay.
  • Jamciyadda Samafalka ee Ramadaan iyo afur karin ka hirgelisey 17 goobood
  • Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso.. GUJI... .

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo



Barre Hiiraale oo Maxkamaduha Islaamigu ka qabsadeen 16 Gaari oo kuwa dagaalka ah iyo Gaarigiisii khaaska ahaa. 

Warar aan ka helay dad xog ogaal ah ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka ay xaqiijiyeen in ciidamada maxkamadaha islaamiga ee ku sugan degmada Bu'aale ay qabsadeen 16 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo gaari khaas ah oo uu lahaa Col. Barre Hiiraale oo maalmihii ugu danbeeyay waday abaabul dagaal oo kadhan ah maamulka islaamiga gobollada Jubooyinka.  

Maleeshiyaadka Barre Hiiraale ayaa maalmihii laga soo gudbay waxa ay abaabul dagaal ka wadeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo, waxaana waxa khalkhal weyn galay amniga qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada gobolka Jubbada dhexe. 

Wararkan oo ah kuwa hordhac ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada maxkamadaha islaamiga ay weerar ku qaadeen goob maleeshiyaadka Barre Hiiraale ay ku sugnaayaeen oo ku taallay duleedka magaalada Bu'aale. 

Saraakiisha ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka ee gacanta lagu dhigay la geyn doono magaalada Kisamayo oo loogu soo bandhigi doono saxaafada si ay indhahooda ugu arkaan. 


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....


Lama garanayo halka uu qabtay Barre Hiiraale, ilaa iyo iminka ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka oo lasheegay in jab lixaadka leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii Barre Hiiraale ee duulaanka ku ahaa gobollada Jubooyinka.  

Dhinaca kale warar kale oo haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ahaa abaanduulihii ciidamada Barre Hiiraale iyo maleeshiyaad kale. Warar kale ayaa sheegaya in aan la xaqiijin in la qabtay Fartaag, lamana xaqiijin wax maxaabiis ah oo la kala qabsaday. Dhanka kale waxaa wararku sheegeen in gawaarida laga qabsaday Barre Hiiraale in ay gaarayaan dhawr iyo labaatan. Waxaana warku intaas ku daray in hadda dagaalkii istaagey.

Lama haayo warar madax banana oo arintaa xaqiijinyo wixii ku soo kordha waan idinla socodsiin doonaa. 

Cutub ka tirsan ciidamada maxkamadaha oo tababar loogu gabagabeeyey xerada tababarada ciidanka ee hiilweyne..

Dugsiga tababarka ciidanka ee hiilweyne ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey Xaflad tababr loogu xirayey  ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga.

 Xaflad  lagu soo xiray tababarkaan ayaa  in mudo ah ka socday xerada Hiilwayne waxaana   ka qayb galay  Gudoomiye ku xigeenka labaad  ee Golaha Fulinta Sheekh C/qaadir Cali Cumar  taas oo xalay lagu qabtay Xerada Hiilwayne ayaa waxaana   Ciidamadii ka soo qeyb galay  lagu gudoonsiiay abaal marino kala duwan.,

 Xafladan oo ay soo agtaasintey  Mu,asasada Imaam shaafici  ayuu sheegay  Sh C/qaadir Cusmaan oo ku hadlayay magaca Mu,asasada Imaam Shaafici  in howshaan tababarka ah ay in mudo ah soo wadeen ,isla markaana Ciidamadu haatan ay dhamaysteen Tababarkoodii diyaarna ay u yihiin in ay Dalkooda ,Diintooda  iyo Dadkooda Difaacaan.

 Sh C/qaadir Cusmaan ayaa in taa raaciyay in ciidamada haatan uu tabarka u dhamaaday  ay xiligaanba diyaar u yihiin  in ay ladaalamaan Cadowga soo galay qaybo badan oo Dhulka Somaliya ka mid ah .

 Dhicana kale Taliyaha Ciidanka Hiilwayne G/sare Max,uud Xaaji Cali oo isna hadal kooban ka jeeday xaflada ayaa sheegay in ciidamada tabarka la siiyay ay dhan yihiin 465 Askari isla markaana ay barteen Xirfadaha kal duwan ee Ciidanka .

 G/sare Max,uud Xaaji Cali ayaa in taa raaciayay in ciidamadani ay diyaar uyihiin  in ay diintooda iyo dalkooda ka difaacaan Ciidamada Xabashida ee soo galay Dhulka Somaliya .

 Ugu danbayntii waxaa hadal ka jeediyay Gud/xigeenka labaad Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay  in uu marka hore ku faraxsan yahay in uu ka qayb galo xafladan  oo lagu soo gaba gabaynayo tabarka ciidanka Hiilwayne ee mudada badan u socday .

 Sheekh C/qaadir  ayaa  si faah faahsan uga hadalay marxalada uu haatan dalka marayo,isagoo ciidanka ku booriyay  in ay u istaagaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadowga ku soo fooleh  ee hataanba jooga qaybo badan oo gobalada Somaliya ka mid ah ,waxaa uuna sheegay in difaaca Diinta iyo Dalka ay tahay waajib saran Qof walba oo muwaadin Somaliyed ah laakiin Ciidanka looga baahan yahay in ay isku duub naadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan sidiii ay uga hortagi lahayeen Cadowga Somaliyed. 

Tababarkan  ayaa waxaa uu noqonayaa mid kii ugu horeeyay ee loo soo xiro Ciidanka Maxkamadaha Golaha Maxaakimta Islaamiga ah  ee ku jira Xeryahii Ciidamada Xooga Dalka ,ayadoo la og ayhay in si xowli ah uu ga socdaan  xeryaha kala duwan ee ay ku jiraan Ciidanka Mujaahidiinta  ee Golaha Maxaakimta Islaamiga  lagu wado ayagana in sidaas oo kale loo soo  xiri doono tababarka ciidan,aydoo xeryaha lagu barto aqoonta kala duwan ee ciidanka  iyo waliba sharciyada uu yeelanayo Askari Islaami ah .

Muuse maxamuud Jiisow
Muqdisho Somaliya
Somali39@hotmail.com
002521576666
002521653623


Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Buur-Hakaba..

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Magaalada Buur-Hakaba gacanta ku dhigay ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka, kaddib markii uu dagaal aan sidaasi u weyneyn ku dhex maray Buur-Hakaba ciidamo ka tirsan Deegaanka, waxaana dagaalkaasi ku dhaawacmay labo ruux, iyadoo ciidamadii deegaanka ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo baadiyaha, iyagoo dhawr jeer halkaasi ka soo riday hub iyo rasaas.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Buur-Hakaba ay saldhig ka dhigteen buurta loo yaqaano Banooda oo saaran degmada Buur-Hakaba, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku rakibteen qoryo waaweyn. Ciidamadii Dowladda ayaa u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo Buulo Jameeco oo 15Km u jirta Magaalada Buur-Hakaba.

Ciidamo ka socda Maxaakiimta oo aad u fara badan kuna hubeysan Tikniko culus ayaa shalay oo dhan ku sii qulqulayey Magaalada Buur-Hakaba si halkaasi ugula dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa kale ee la scoda. Ciidankaan oo dhowr jiho isu qaybiyey ayaa waxaa la sheegay in xoogaa ay is tuurtuureen kuwa Itoobiya. Warar ayaa waxay sheegayaan in Gaari Zuu ah oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda halkaasi lagu gubay, waxaana gaarigaasi loo jiiday dhinacaa iyo Buur-Hakaba.

Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Al-Bayaan ayaa waxa uu sheegay in saacadaha soo socda ay gali doonaan Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay diyaar u yihiin in Gobalada Bay iyo Bakool ka saaraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa garabka siinaya, waxayna wararka qaar sheegayaan in shalay Madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed kulan gaar ah la yeleshay saraakiisha ciidamadiisa uuna sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal lagu gali doono Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf oo lagu wado in maanta..

Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta la filayo in uu booqasho ku yimaado Magaalada Buur-Hakaba oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka socda Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah.

C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu khudbad u jeedin doono Dadweynaha Buur-Hakaba oo uu ka dhaadhicin in ay taageeraan Dowladda Federaalka ah, hase yeeshee warar kale oo aan helnay goor dambe ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu ka baaqday Booqashadii Buurhakaba, kaddib markii lagu wargeliyay in ciidamada Maxaakiimta ku soo siqayaan magaaladaasi.

C/llaahi oo xiran labiska ciidamada ayaa la sheegay in uu shalay soo booqday xeryaha ciidamada, waxa uuna u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal balaaran oo la sheegay in dhowr jiho ka bilaaban doono, balse C/llaahi uma caddeyn halka ay dagaaladaasi ka bilaaban doonaan.

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan booqasho deg deg ah ku gaaray dalka Itoobiya ayaa halkaasi kulan gaar ah kula soo yeeshay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya, kaddibna waxa uu soo gaaray Magaalada Nayroobi oo kulan kula yeeshay kooxda Contact Group, markii uu Baydhabo ku noqdeyna waxaa dhacay dagaal lagu qabsaday magaalada Buur-Hakaba, waxayna dadka siyaasadda u kuurgala sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu markaan haysto kalsooni buuxda.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata..

Ciidamo ka socda Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ciidankaas oo watay ilaa iyo 60-Tikniko ayaa waxay ku biireen ciidamo kale oo iyana ku sugnaa deegaanka Carbiska ee Degmada Afgooye, qaar kale ayaa waxaa la sheegay in ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Buur-Hakaba, halka kuwo kalana ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Magaalada Kismaayo oo laga cabsi qabo in halkaasi ay weerar kaga soo qaadaan ciidamo uu wato Barre Hiiraale.

Ciidamada Maxaakiimta oo shalay loo qaybiyey hub culus ayaa waxaa Dhallinyarada u socotay dagaalkaasi ka muuqatay farxad iyo reyreyn, iyadoo Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Bayaan uu daaha ka rogay in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo gacanta ku gali doonto ciidamda Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dadweyne fara badan oo shalay iyo xalay ka..

Doontii laga xiray saddexda Soomaalida ee kujira xabsiga Thailand....

Bosaso: Nin u dhashay dalka Thailand oo lagu Afduubay Magaalada Bosaso.. GUJI... .

Degmada Buur-Hakaba oo noqotay degmo ay gacan ku haynteeda ku loolamayaan Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Isalamiga ah ayaa shalay la wareegay ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka ah.

Dadweynaha ku nool Buur-Hakaba oo filayey in Itoobiyaanka iyo Dowladda Federaalka ay dib ugu laaban doonaan fariisimahoodii ayaa halkaasi fariisin cusub ka sameystay, waxayna taasi keentay in dadweyne fara badan shalay iyo xalay isaga qaxay deeggaankaasi, iyagoo ka cabsi qaba in magaaladaasi ay saacada soo socda uu dagaal ku dhex maro Dowladda Federaalka iyo Ciidamo ka socda Maxaakiimta Islamiga ah, waxayna dadku u kala cararayeen Tuulooyin ku dhow magaalada Buur-Hakaba, halka qaar kalana ay soo aadeen Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Itoobiya lagu waramey in ay iska soo hor mariyeen Ciidamada Dowladda Federaalka ah.

Dowladda Federaalka ah oo ka hadashay..

Wasiirka War-Faafinta ee Dowladda Federaalka Cali Jaamac Jangali ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ciidamada Dowladda Federaalka ah ay u tageen Magaalada Buur-Hakaba, wuxuuna sheegay Jangali in sababaha halkaasi ciidamada loogu diray ay tahay sidii ay u sugu lahaayeen ammaanka iyo xasiloonada deegaankaasi, maadaama Buur-Hakaba ka tirsan tahay gobalka Bay.

Wasiirku waxa uu beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay ku wehliyeen kuwa Dowladda ee gaaray Magaalada Buur-Hakaba waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo la doonayo in lagu kiciyo bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee dad socoto ah oo ka yimid Magaalada Buur-Hakaba ayaa noo caddeeyay in magaaladaasi ay ku sugan yihiin ciidamo Itoobiyaan ah.

Xaafadda Islii, Nairobi, oo lagu dilay laba qof oo Somali ah

Waxaa dil loo geystay maalintii shalay ahayd ee  sabtida (oct 21, 2006) laba qof oo soomaaliyeed oo watay gaari yar oo ah kuwa taksi ahaanta loo istic maalo xaafada islii ee magalada Nairobi. Labada marxuum magacoodu waa... AKHRI HALKAN...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Garowe: Hay’adaha Merlin iyo WHO ayaa tababar 5maalmood socday oo ku saabsan isticmaalka daawada HIV/AIDS soo gabagabeeyay.

A/rizak koronto | Garowe Puntland

Xaflad si wayn loo soo agaasimay ayaa habeenkii xalay ahayd lagu qabtay Bar raysqaboobe oo ku yaala farasmagalaha Caasimada Gaorwe xafladaasi oo lagu soo afjarayay tababar mudo 5 malmood ah u socday koox dhalinyaro ah oo tiradoodu gaarayso 75.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa isticmalka daawada HIV/AIDS, tababrkan ayaa waxaa iska kaashaday haaya Merlin iyo WHO .

75 qof oo isugujiray Lab Consulting & ART oo Hay’adaha WHO iyo Merlin iska kaashadeen ayaa waxaa lagu baray isticmaalka dawada HIV/AIDS ee loo yaqaan marka magaceeda la soo gaabiyo ART.

Shiikh Cali oo ka mid ah saraakiisha WHo ayaa goobtii gabagabada ka sheegay in uu barnaamijkani qaybka yahay who oo doonaysa in si wayn la iskaga kaashado hakinta Cudurka HIV/AIDS taa so ku imaan-karta ayuu yiri iskaashi ballaaran oo dhexmara dhamaan qaybaha bulshada iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ee DGPL C/rixmaan Siciid Dhagawayne oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii xukuumada Pntland uga qayb gashay xafladan si gaarana ay wasaaradiisu ugu shaqada leedahay arimaha caafimaadka ayaa sheegay in tababarkan iyo in maanta la bilaabo isticmaalka dawada HIV/AIDS ay ku timid halgan wayn oo ay iska kaa shadeen Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Hay’adaha Caafimaadka ee ka hawlgala Puntland.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu rajaynayao in dhawaan laga bilaabi doono magaalada Boosaso isbitalkiisa wayn dawayn ku saabsan cudurka HIV/AIDS halkaasoo la rumaysan yahay in marka loo eego deegaanada Puntland ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkaasi lakin wasiirku waxa uu yiri ma rhadii ay hawshaasi bilaamato waxaa markaa dhamaanaysan qarsashada cudurka HIV, waxaana markaa dhamaan gobalada Puntland laga wada bilaabidoonaa isticmaalka daawada mar hadii lagu guulaysto isticmaalka bilowga ah ee ka bilaaban doonta Isbitalka Bosaso ayuu wasiirku yiri.

Sikastaba cudurka HIV AIDS ayaa ah cudur si wayn looga dareemayo sanadihii ugu danbeeysey guud ahaan dalka Soomalia waxaana iminka soo shaacbaxaya wixii ka danbeeyay 2000 dad sheeganaya in ay qabaan cudurka HIV/AIDS.

Sanadao badan ayaa somalidu qarsan jirtay cudurkan balse hada waxaad moodaa in uu yahay mid la mid ah cudurada kale oo qofkii uu haleelo uu cadaysanayo xiliayadii hore ee la qarsan jiray waxaa aad looga baqi jiray in lagu takooro qafka uu ku dhaco cudurka HIV/AIDS taasina ay sababi jirtay in uu cudurkii uu qabay qarsado bulhsadana u qariyo.

Ciidamada Daraawiishda DGPL oo heegan kii ugu sareeyay lagaliyay.

Galkacyo:- Wararka ka imaanaya magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa hoosta ka xariiqaya in lagaliyay heegan kii ugu sareeyay ciidamada Daraawiishta ee DGPL.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa bilooyinkii ugu danbeeyay xoogagoodu ku sugnaa meelo ka mid ah Gobalka Mudug iyaga oo halkaasi ka galay difaac xoogan una diyaar garoobay weerarkasta oo kaga yimaada maxaakiimta ka dib markii la sheegay in ay maxaakiimtu duulaan ku soo yihiin Deegaanada Puntland taasina ay ku kaliftay maxaakiimta in ay u baqdaan Naftoda ayna ka laabteen Puntland iyoaga oo markaa isu balaariyay koonfurta dalka somalia.

Si kastaba heegankan ayaa yimid ka dib markii maanta ay xoogaga Ciidamada DFKMG ee Somalia la wareegeen Gacan ku haynta magaalada Buur-Hakaba oo ka tirsan gobalka Bay halkaasoo ay horay u joogi jireen maleeshiyaad deegaanka ah oo gacan ka helaya kuwa maxaakiimta Muqdisho.

Xaalka Somalia ayaan fiicnayn xiliayadan kadib markii ay si wayn isugu weerareen maxaakimta iyo dawlada oo laga filalayay in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ka taagan.

30ka bishan ayaa lagu balan san yahay wadahadalada dawlada iyo maxaakiimta wajigiisii 3aas kaasoo ka furmaya magaalada Khartuum ee dalka Sudan waxaana hada jira in xukuumadu ay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin in maxaakiimtu ay ku laabtaan fariisimahoodii hore wixii ka horeeyay heshiiskii khartuum lamana garanayo sida ay maxkamduhu u aqbalayaan arintaasi.

Laakiin hadana dawalda ayaaba dhankeeda qaaday weerar ay ku qabsatay deegaano hor leh waxaadna moodaa in ay haatan arintu tahay dhan walba in uu wado dhulbalaarsi iyo deegaano uu ka taliyo.

A/rizak koronto | Garowe Puntland


Jamciyadda Samafalka ee Ramadaan alkheyriya oo sanadkii shanaad dad sooman afur u samaynayso , 17 xarumoodna ka sameysay meelo raashinka lagu kariyo.

Jamciyada Samafalka ee Ramadan ayaa ka sameysay hareeraha iyo gudaha masaajidka sh: cali suufi 17 xarumood oo dadka lau afuriyo isla markaana waxey ugu baaqday shacabka Soomaaliyed meel kasto uu joogaba in uu soo gaarsiiyo Zakaatul Fidriga iyo Xaqul Ciidka si loo gaarsiiyo dadka danyarta ah ee ehalka lahayn ee ku tabaalaysan caasimada Muqdisho.

Waxaa la aasaasay Jimciyada samafalka Ramadaan 5 sanadood ka hor waxaana laga bilaabay 50 qof iayda oo laga cabsi qabay in ay soconweydo arintaan oo lagu ceeboobo ayuu yiri sh: qaasin Sheekh Qaasim Sheekh Maxamed Nuur oo ka warbixinaya Wax qabadka Jamciyadda Ramadaan ee Kheyriga ah. Shaqadaan ayaa waxaa u taagan sidii ay u saacidi lahayd dadka saa'imiinta ah ee danyarta ah,ayadoo hay'adaasi haatan qiyaastii dad kor u dhaafaya 2,000 oo ruux ay ku afuriso 17 xarumood oo isugu jira masaajido iyo maraakis diineed. Gudoomiyaha jimciyada samafalka Ramadan Macalin Qaasim Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in hay'adu ay u taagan tahay sidii ay u saacidi lahayd dadka danyarta ah ee ku dhaqan dalka,isagoo xusay in Alla mahadii shacabka Soomaaliyeed uu gartay in ayaga ay is caawin karaan,isla markaana ay ka maarmaan gacan shisheeye. Guddoomiye ku xigeenka hay'adaasi Sheekh Maxamud Sheekh Ibraahim Suuley ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in Zakaatul Fidriga iyo xaqul ciidka ay soo gaarsiiyaan si walaalahooda danyarta ee aan ehel iyo arxan toona lahayn loogu muujiyo in garabkooda la taagan yahay. Sheekh Maxamud sh: ibraahin suulay ayaa xusay in zakaatul fidriga oo meel qura lagu soo shubo in ay kaafineyso dadka danyarta muddo bilo ah si taasi loo meel mariyo waxa uu codsaday in lagu soo wareejiyo jimciyada si ay u gaarsiiso dadka fuqarada ah ee aan haysan wax caruurtooda ay siiyaan maalmaha ciida.

Dhanka kale sh: maxamuud sh: ibraahin suulay oo sheegay dadka howshaan ka qeyb qaata in ay yihiin dad aan hanti fiican ku laheyn magaalada iyo hertii ciliga ka barata masaajidka ayaa baaq u soo jeediyey cidii doonayso in ay caawiso ama ka qeyb qaadato mashruucaan wax u qabashada dadka taagta daran ee ka socdo muqdisho waxey ku soo shubi kartaa accounyada laga sameeyey shirkadaha xawaaladaha ee kala ah amal waa 0502_06_11102_01 qaran waa 84 iyo global oo ah 20317 ,



Hadaba dadka dibada iyo kuwa gudahaba sidaa ha ula socdaan wuxuuna hadalkiisii ku so gabagabeeyey duco iyo in wax la istaro ,

Intaa ka dib waxaa halkaa si qiiro leh uga balanqaaday 100 shaati milkiilaha leh dawaarka African tailor sh: qaasin sh: dahir oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay in tii lagu guda jirey afurinta dadka aan awoodin in ay ka afuraan guryahooda ,

Muuse maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666
002521653623

Faafin: Oct 22, 2006

21-ka Oktoobar: maalin ka sii dhaqmeysa maskaxda Umadda Soomaaliyeed…
»Madoobe Nuunow “Dowladda maxay uga indho saabaneysaa
»Porf.Caddow: Waxyaabihii uu ku hadlay C/llaahi Yuusuf...
»C/llaahi Yuusuf oo dib ugu laabtay Baydhabo isaga oo..
»Madaxwaynaha DFKMG iyo waftigii Maxaakinta ee Nairobi..
»Dawlada Eritrea oo beenisay hadalkii Dawlada Maraynka ee
»Wasiirka Arimaha Dibadda DFKMG oo shuruud ku xiray shirka
»Itoobiya oo qiratay in ciidammo ka joogaan Soomaaliya...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 21

»Putin: "Igu salaan madaxweynaha! mana moodeyn inuu kufsanayo 10 gabdhood, waana ka maseersanahay"  


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD