SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Maanta iyo wararka Caalamka

Oct 31, 2006

Gabar Soomaali ah oo kufsi loogu geystay dalka Norway 

 
Sida ay shaaciyeen qaar kamid ah saxaafada dalkaasi Norway ayaa shaaca ka qaaday in gabar yar oo da'deeda aheyd toddobo jir kufsi loogu geystay iskool ay dhigan jirtay oo ku yaalay magaalada Bergan. Falkan kufsiga ah oo loo maleynayo inuu geysto macalin afka soomaaliga ardeyga u dhiga ayaa haatan fara ku godan tahay walow sida ay sheegayaan wararka halkaasi laga helayo uu ninkaasi macalinka ahi dafiray.
Aabaha gabadhan dhalay oo wiil 27 jir lugu sheegay ayaa haatan booliska xabsiga dhigeen isagoo ay ku eedeeyeen inuu doonayey inuu ciqaabo macalin ku sheega falkaasi u geystay gabadha yar, waxaana boolisku ay qabteen aabahaasi isagoo mindi wata si uu qudha uga jarro.
 
Hooyada dhashay  gabadhaasi yar ee dhibanaha ahi ayaa isbadalka ku yimid gabadheedi kashakiday waxaana shakigaasi keentay in la geeyo cisbitaalka si loo baaro taasioo natiijadii ka dhalatay ay noqotay in gabadhaasi si xun loo isticmaalay. Ninka falkan geystay oo ay haatani dacwadi ku socoto ayaa sheegay in falkaasi yahay mid wax loogu dhimayo sumcadiisa dhaqanka soomaalidana uusan aheyn in carruurta la kufsado. Aabahan oo aad uga niyad jabsan dhibaatada gabadhiisa yar soo gaartay ayaa ku adkeysanaya in gabadhiisa ninkaasi fara xumeeyey isaguna uu doonayey in ninkaasi xubintiisa taran ka jaro kadibna uu cad cad u goo'gooyo.
Isku soo duubo arrintani haddii ay dhab noqoto waxey tani noqoneysaa qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo dalka dibadiisa dacwad loogu soo oogo kufsi u geystay carruur aad u da'yar, walow kufsiga uu waqtiyadan dambe ee xilliga dowlad la'aanta ay Soomaaliya ku jirto noqotay mid caadi oo gabdhaha da'da yar loogu geysto.
 
Isha warka : i Begen.no 
 
           Kuuriyada waqooyi uu diyaar u ah iney ku soo biirto miiska wadahadalka 
 
"Dowlada Kuuriyada waqooyi waxey diyaar u tahay iney ku soo biirto lix geesoodka miiska wadahadalka ah ee loogaga hadlayo
barnaamijkeeda Nukliyeerka muddo gaaban gudaheed" Sidaasi waxaa shaaca ka qaaday wakaalada wararka u faafisa dalka Shiinaha ee la yiraahdo "New China (Shiinaha cusub). Inkastoo shiinaha ahaa dal dowr weyn ka ciyaaray siddii xal loogu heli lahaa mushkilada kuuriyada waqooyi e hubkeeda wax gumaada hadana wadahadalka amuurtan wuxuu hakad ku yimid markii Kuuriyada waqooyi ay ka baxday wadahadalka iyadoo taasi jawaab uga dhigeysa qaraar ka dhan dalkeeda oo Mareykanku u gudbiyeen gollaha loo dhan yahay.
 
Dowlada Mareykanka waxey shaacisay iney hadal toos ah la galeyso Kuuriya W haddii ay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka, taasoo iyadana ah mid ay dooneysay Kuuriyada waqooyi. Wasaarada arrimaha dibada shiinaha boggeeda rasmiga ah ee internet-ka ayaa lugu sheegay in warka wakaaladu faafisay yahay mid huban oo dowlada Waqooyiga Kuuriya ku soo biireyso kulanka lix geesoodka ah ee loogaga munaaqishoonayo barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Sidoo kale qoraalka lugu soo daabacay bogaasi ayaa lugu sheegay  wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Mareykanka Christopher Hill oo isagu u qaabilsan arrimaha Kuuriyada Waqooyi uu kulan deg deg ah kula yeeshay magaalada Pakin ergo kaso socoto dowlada dalkaasi oo uu hogaaminayey Kim Kye-Gwan, kulankan oo ay goob jooge ka ahaayeen mas'uuliyiin ka socoto dowlada Shiinaha.
 
Christopher Hill waxaa toddobaadkii hore sheegay in Kuuriyada waqooyi ay riyadeeda dhab noqon karto haddii ay dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodka, balse hadal taas ka duwan waxaa sheegay madaxweyne Bush oo meesha ka saaray in dowladiisa aysan haatan u muuqan hadal tooos ah marka laga reebo in kulankaasi noqon karro mid hordhac ah. Kulanka lix geesoodka ah ayaa lugu wadaa inoo qabsoomo bishan november ee aynu ku jirno mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Kuuriyada waqooyi ama wax sharuud ah oo ku xireyso ka qeybgalka kulankaasi.
 
              Qarax ismiidaamin ah oo loogu geystay xaflad aroos ah dalka Ciraaq 
 
Inkastoo wadcadiga murugada ah ee dalka Ciraaq lasoo gudboonaday tan iyo markii ciidamo ku sheegtii Mareykanka hogaaminayey dalkaasi ku qabsadeen sanadkii 2003-da ay tahay mid laga naxo loona caal waayey ayaa  hadana xaalka dalkaasi faraha kasoo  baxaya maalinba maalinta ka dambeyso iyadoo dhiiga dadka muslinka ahina la baneystay. Saas oo ay tahayna waxaa  intaas u dheer falalka kale ee lugu sheegayo inuu ahaa mid argagaxisada lugu leynayo oo ay ku kacaan ciidamada Mareykanka ee dalkaasi.
Hadaba xaflad aroos aheyd oo habeenimadi xalay aheyd ka dhacday magaalada Bakhdaad ayaa nin naftiisa hure ahi waxa uu baabuur ka soo buuxshay uu la beegsaday goobtaasi  kadib halkaasi  ku qaraxday, waxaana qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 11 ruux oo afar kamid ahi ay carruur ahaayeen. Mid kamid carruurta dhimatay ayaa la sheegay iney u dhimatay dhaawac culus oo korkeedii qaraxaasi gubay jeer ay timaheedii dhuxulo isku badaleen.
Telefeyshinka CNN-tana waxaa uu dhinaciisa baahiyey in dalkaasi ugu yaraan lix qarax ay ka dhaceen shalay oo talaado aheyd ayna ku dhinteen dad labataneeyo gaaraya walow wakaalada wararka Rueters -na ay sidoo kale sheegtay in 15 ruux dalkaasi meelo kamid ah lugu dilay.
Weerarka bahalnimada leh ee lugu dilay dadkaasi xaflada arooska qabay ayaa iyagu ah shiicada dalkaasi, mana jirto sababa qaraxaasi keentay in lala beegsado qoys u da dabaal dagayey farxad aroos. Balse tani waxey qeyb ka tahay weerarada joogtada ah eelala beegsanayo dadka rayidka ah. Tan iyo intii Saddaam Xuseen la ridayna waxaa shiiacada dalkaasi iyo sunniyiintaba ay isla beegsanayeen falal dil ah oo salka ku haya mid madhabadeed.  

Oct 30, 2006

Pakistaan oo duqeysay dugsi Quraanka lugu barto

Diyaaradaha dagaalka Pakistaan ayaa duqeyn darran oo ay ku baa bi'iyeen dugsi Quraanka lugu barto oo ku yaalo deegaaada
Khar ee ka tirsan gobolka Bajaur u geystay shalay aroortii. Weerarkan ay Pakistaan ku duqeysay dugsigaasi ayaa durba dareen carro leh oo laga dareemay xuduuda ay la wadaagto Afgaanistaan laga soo sheegay. Dowlada Pakistaan waxey sheegtaan iney aheyd goob ay laheyd Taalibaan oo lugu tabarayey kooxaha wax qarxiya, balse hogaamiyeyaasha diinta ayaa sheegay in halkaaasi ahaa dugsi Quraanka lugu barto dadkii ku dhintayna ay ahaayeen ardey dad'doodu yar tahay.

Weeraradan haatan deegaankaasi lala beegsaday ayaa socday muddo labo cisho ah sida wararka halkaasi laga helayo ay sheegayaan, taasina waxey timid markii dadka deegaanka ay shaaciyeen taageerada buuxda ay u hayaan hogaaamiyaha Alqacida ee Usamaa Bin Laadin iyo Taalibaan gaar ahaan Mulaa Cumar.
Pakistaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la'aanta ah ula saftay Mareykanka iyo dagaalka ka dhanka ah waxey ku sheegen argagaxisada taasina waxey keentay in Pakistaan ay weyso taageerada shacabkeeda. Xukuumada Musharaf-na waxaa lugu eedeynayaa iney ka dhan tahay Diinta Islaamka iyadoo dad badan oo culimo iyo rayid ahi ay u gudbisay Mareykanka gaar ahaan dadkii ka dagaalamayey Afgaanistaan.

Berlusconi oo maxkamad loo soo taagay musuq maasuqnimo


Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa maxkamad ku taala gobolka Milano loo soo taagayo musuq maasuqnimo uu sameeyey sidaasi waxaa qoraal ahaan ku sheegay garsooraha maxkamada gobolkaasi. Wakaalada wararka ee AFP oo amuurtan wax ka qortay ayaa sheegtay in lugu qaadayo dacwada lambarka sagaalaad oo ah ninka ugu taajirsan dalkaasi.
Sidoo kale waxaa dembiga ku jira qareen u dhashay dalka Ingiriiska oo isagana loo heysto inuu qaatay lacag lugu beeninayey lacagaha uu lunsaday Berlusconi iyomusuqmaasuqnimada loo heysto.
Ninkan oo magaciisa la yiraahdo David Mills ayaa xeer ilaaliyaha maxkamadu waxa uu sheegay inuu hayo cadeyn la xirriirta in shirkadii Berlusconi in sanadkii 1997-dii ay ninkaasi siisay lacago.

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi ayaa isagu ahaa nin waxyaabaha lugu eedeynayo ay u dheereyd dikatatoornimo iyo caburin uu ku hayey saxaafada dalkaasi waxaana la aamisan yahay in telefeyshinada dalkaasi ay ahaayeen qaarkood kuwo isagu leeyahay. Dhinaca kalena wuxuu ahaa nin xirriir la leh Bush reer Mareynkan si aan geed ku gabasho laheyna waxa uu taageeray dagaalka uu ku qaaday dalka Ciraaq taasoo ugu dambeyntii keentay in dalkiisa ay dadku si weyn uga soo horjeestaan siyaasada qalifsan ee ku soco.

Oct 29, 2006

Diyaarad siday rakaab oo ku dul burburtay dalka Neyjeeriya iyo boqolaal qof oo ku geeriyooday 

 
Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo laga leeyahay dalka Neyjeeriya ayaa ku burburtay meel ka baxsan magaalada caasimada ah ee Abuja. Shirkada laheyd diyaaradaasi oo magaceeda la yiraahdo ADC ayaa sheegtay in rakaabkii diyaaradasi saarna ay tiradoodu gaareysay 114 ruux, waxaana la runsan yahay in lix qof oo keliya ay ka bad baaday shilkaasi diyaaradeed. Diyaaradan ayaa wararku sheegeen iney qaraxday wax yar kadib markii ay cagaha dhulka ka qaaday islamarkiina uu dab badan qabsaday. Wadaad caan ka ah dalkaasi oo muslin ahaa magaciisana la oran jiray Maxammadu Micado islamarkaasina ahaa Suldaanka deegaanka Sakoto ayaa ku geeriyooday shilkaasi diyaradeed shalay ka dhacay dalkaasi.
 
ma jirto ilaa haatan cid sheegi karta sababta keentay in diyaaradaasi shil ku yimaado. Shirkada laheyd diyaaradaasi oo magaceeda la yiraahdo ADC oo ah shirkad dalka duulimaadyada maxaliga caan ku ah ayaan kamid noqon diyaaradaha lugu soo rogay iney adkeeyaan amniga rakiaabka, balse dalkaasi ayaa waxaa uu yahay dal ay inta badan diyaaradaha dalka gudihiisa ka shaqeeya ay ku yimaadaan shilal badan. Sanadkii ina dhaafay ugu yaraan 200 oo ruux ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo dalkaasi ka dhacay, dowladana waxaa lugu eedeynayaa iney arrimahan aysan iska saarin mas'uuliyad adag.
 
                               Fidel Castro oo telefeyshinka dadka kala hadlay 
 
Madaxweynaha Kuba Fidel Castro ayaa markii ugu horeysay muddo lix toddobaad ah ka hadlay telefeyshinka dalkaasi isagoo ku sugan cisbitaalkii uu jiifay. Isagoo dadka dalkaasi la hadlaya ayuu sheegay in wararka la shaaciyey ee ah inuu xaalad geeri ah ku sugan yahay ay tahay warar aan laheyn sal iyo raad toona.

"Cadowgeyga waxeyba soo de dejiyeen geerideeyda hada bal hadey awood leeyihiin ha isoo nooleeyeen" ayuu yiri isagoo beeninaya xaaladiisa caafimaad ee laga deyriyey.

Dhinaca kale isagoo weli ka hadlaya xaaladiisa caafimaad ayuu sheegay inuu wax kala og yahay go'aanada siyaasadeed ee dalkana uu isagu bixiyo xirriirna uu la leeyahay asxaabtiisa iyo xulafada wararkana uu si weyn ula soco.
Muuqaalka Castro ayaa waxaa laga daawanayey meel muraayad ah  dhagtana waxa uu ku heystay taleefan uu dadka kala hadlayey iyo wargeys dhabta u saarnneyd oo uu akhrinayey. Sawirkanina waxaa uu soo baxay xilli caalamka si weyn u hadal hayey liidashada xaaladiisa caafimaad taasoo keentay in luguba sheego inuu saaran yahay sariirtii geerida.Ugu dambeyntiina isagoo dadka dalkaasi u sheegay iney gutaan waajibaadkooda saaran ayuu ku hadlay dhowr erey oo afka isbaanish-ka ah "Patria o muerte, venceremos!"(Dhulka hooyo geeri ama guul)
 
                     Raashiya oo si weyn ugu faafayo cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka
 
 
 
Qeyb kamid ah dadka Raashiya ee ku dhaco cudurka dilaaga ah AIDS-ka ayaa la sheegay inuu si xad dhaaf ahi dadka dalkaasi ugu  soo badanayo, tirakoob la sameeyey  bishii janaayo ilaa dhamaadka sanadkan ayaa mas'uuliyiin u hadlay dalkaasi waxey sheegeen in 5% ay korortay tirada dadka qaaday cudurkaasi.
Dad gaaraya 24.390  ayaa la diiwaan geliyey inuu haleelay cudurkaasi, taasina waxaa lugu macneeyey in cudurkaasi uu ku dhacay dad gaaraya 353.000 tan iyo sanadkii 1987-dii. Sidoo kale tirada dadka u dhimaya cudurkaasi ilamarkaasina uu haleelayo sanad walba ayaa la sheegay iney gaarayaan 1379 oo 140 kamid ahi ay yihiin carruur.
Gobolka la yiraahdo S:t Petersburg  oo keliya ayaa dadka cudurkaasi loo diiwaan geliyey gaarayaan 30.000, halka magaalada caasimada ah ee Moskona laga sheegay iney gaarayaan 54.000. Dalalka Raashiya iyo Hindiya waxey yihiin labada dalka ee cudurkaasi si weyn u saameeyey xaaladaha dalalakaasi ee bulshada oo aad u liidato ayaa loo aaneynayaa. Inkastoo qaarada Afrika aan laftiisa cudurkaasi ka marneyn in badan oo kamid ahina uu farro ba'an ku hayo ayaa hadana dadka Soomaalida ah waxaa la gudbuun iney ka foojignaadan sababaha keeni kara cudurkaasi oo ay ugu horeyso macsida,inkastoo dalalka Itoobiya iyo Kenya ay yihiin meelaha uu cudurkaasi kasoo galay Soomaaliyada aan laheyn dowlad koontoroosha.

Wararkii: Oct 28, 2006

Tchad oo dowlada Suudaan ku eedeyneysa iney dad rayid ah duqeysay

 
Dowlada Tchad ayaa ku eedeysay xukuumada Khartoom iney duqeysay afar tuulo oo ku yaala xuduuda dalkeeda ee xiga dhanka Darfur halkasoo ay dad rayid ah ku dishay.
 
" Diyaaradaha dagaalka ee Sudaan waxey bartilmaameed ka dhigteen oo ay weerareen tuulooyinka Bahai, Tine, Karyari  iyo Bamina, islamarkaasina waxey leysay muwaadiiniin reer Tchad ah kana abuurtay deeganaadaasi cabsi iyo wel wel" ayuu yiri wasiirka warfaafinta dalkaasi Kourmadji Moussa oo warsaxaafadeed hadalkaasi lugu sheegay ay soo daabacday wakaalada wararka AFP.
 
Inkastoo Suudaan aysan hadalkaasi wax war ah kasoo saarin hadana labada dal mudooyinkan waxaa qoloba qolada kale ku eedeyneysay iney hubeyneyso falaagooyinka ku sugan xuduudaha labada dal gaar ahaan deeganada Darfur oo ah goobay ka dhacday musiibo ba'aadnimo.
 
Suudaan lafteeda waxaa lugu eedeeya iney xadgudubyo ka geysatay gudaha dalkaasi iyadoo ku raad joogto kooxo falaago ah oo dalkeeda dhibaatooyin ka geysay, sidoo kale Tchad ayaa lafteeda lugu eedeynayaa iney taageerto kooxahaasi. Si kastaaba ahaatee hadalada eedeynta ah ee ay is dhaafsanayaan labada dal marka laga reebo xaalka gobolka Darfur waa mid cakirin iyadoo xukuumada Suudaana ay diiday in eregeygii Qaramada Midoobey ee arrimaha Darfur dalkeeda dib ugu soo laabto kadib markey ku sheegtay inuu yahay nin hurinaya colaad.
 
 
Qoraalo ka dhan ah Baadariga ugu sareeya madhabta katoliga oo wargeyska Arab Times ee Kuwait lagu soo daabacay
 
Wargeyska maalin laha ee Arab Times kana soo baxa dalka Kuwait ayaa sheegay qoraal wargeyskaasi soo gaaray oo ay daabaceen inuu ahaa mid ka dhan ah baadariga ugu sarey madhabta Katoliga ee diinta Masiixiga Benedictus XVI.
Wargeyska oo ka hadlayey sidey qoraalkaasi ku haleen ayaa sheegay in nuqulo kamid ah qoraalkaasi oo ka koobaan sideed bog la soo gaarsiiyey kuwaasoo dhamaantood ahaa kuwo dadka Muslimiinta ah lugu boorinayey iney ka dhii dhiyaan hadalada ka dhanka ah Islaamka iyo dadkiisi.
Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in qoraaladaasi si lamid ah maalintii salaada jimcaha kadib loogu qeybiyey muslimiinta dalkaasi Imaaraadka.
 
Qoraalka ku soo baxay wargeyskaasi ayaa siweyn u camabaareeyey hadalkii baadarigaasi ee isagu lafitiisa xishay. qeybo kamid ah qoraalkaasi ayaa qoraaga oo aan aheyn mid sidaas loo yaqaan waxa uu leeyahay "cudurdaar ku sheegii Jyllands Posten muslimiinta waa aqbaleen balse markuu soo baxay hadalkii baadariga waxaa uu markale damqiyey boogtaa muslimiinta ee dhaawaca aheyd.
Qoraalka ayaa misna waxaa aad looga faalooday xagaa bax ay qabeen koox dhalinyarro ah oo katirsan xisbiga xag jirka ah ee Dansk Folke partie kasoo goob ay ku caweynayeen soo bandhigeen sawiro si xun u aflagaadeynaya diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed ,taasoo misna telefeyshinka Denmark uu soo saaray siweyna uga careysiisay musliimta dunida.  Isku soo duubo wargeysku marna kama hadlin qoraalkaasi iyo sidey ku soo daabaceen ka wargeys ahaan, balse haba ahaado mid ra'yi ahee waxaa la' oran karaa wuxuu ahaa mid si weyn loogu diirsaday.       
 
Wararkii 27.10.2006
 
 
            Ciidamada Nato oo dad ku laayey Afgaanistaan 
 
Ciidamada Nato ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in ugu yaraan 12 ruux oo rayid ahi ku dhinteen weerarada xagga cirka ah ee ay u geysteen dhamaadkii toddobaadkan sida uu ku waramayo af ahayeen u hadlay ciidamadaasi.
Hogaanka sare ee Nato ee waxey shaaca ka qaadeen in duqeyntaasi ay ku dilay 48 ruux kuwaasoo ay ku sheegeen iney ahaayeen kooxaha Talibaan ee dagaalka halganka ah kula jira, balse hogaamiyeyaasha deegaanadaasi ayaa sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad ryid ah ee aaney aheyn waxey ku sheegeen Taalibaaniyiinta. Weriyeyaasha ku sugan ayaa sheegay in cisbitaalka Kandahar ay ku arkeen dumar iyo carruur badan oo ku dhaawacmay weeraradaasi. Nato iyo ciidamadey hogaamiso waxey dhacdooyinkan dusha ka saareen Taalibaan oo ku sheegen iney ku dhuumaaleysteen dadka rayidka ah.  
 
Xaaskii ra'iisalwasaaraha Denmark oo cambaareysay  siyaasada ku wajahan carruurta soo galootiga ah ee dalkaasi.
 
Inkastoo aanu arrintu aheyn sida la moodayo ee la xirrirta dhaliisha haweeneyda u dhaxda ra'iisal wasaaraha mayalka adag ee dalka Denmark ay u soo jeedishay dowlada seygeeda hogaamiyo lana xidhiidha siyaasada qalifsan ee ka dhanka ah carruurta magangalyo doonka ah ee lugu hayo xeryaha qaxootiga , ayaa hadana wareysi laga qaaday haweeneydaaasi oo buug lugu qoray ayaa sheegtay iney aad u dhaliishan tahay siyaasada ka dhanka ah ajaanibta wadankaasi gaar ahaan carruurta lugu hayo xeryaha qaxootiga. Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Anne- Mette Fogh ayaa sheegtay in carruurta lugu qasbo shaqooyinka islamarkaasina aysan iyadu ogeyn waxey amuurtaasi ka qaban karto.
 
 
Ra'iisal wasaaruhu wuxuu sheegay cambaareyntaasi in dowladu ay eegeyso gaar ahaan wasaarada ku shaqo leh arrimaha qaxootiga islamarkaasina la hagaajin doono xaalka carruurtaasi.
                          Ruushka oo dad qamri ay cabeen ugu geeriyooday
 
Ugu yaraan boqol ruux ayaa lugu soo waramayaa iney dalka Ruush-ka ugu geeriyoodeen Qamri ay la sheegay inuu sumeysnaa. Goobaha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dalkaasi oo dhan in ka badan 2500 oo qamri sumeysani cabeen. Tirada ugu badan ee qamrigaasi ku wax yeeloobay ayaa laga soo sheegaya gobolka Belgorod afartan iyo afar ruux oo kamid ah dadkasina ay u geeryoodeen.
Galeedka gobolka Seybiiriyana waxaa lugu soo waramayaa in 19 ruux ay iyagana u dhinteen qamrigaasi dhacay ee ay cabeen, dowladana waxey sheegtay iney ku raad jooto kooxo si qarsoodi ah oo qamrigaasi u soo geliyey dalkaasi ay ka dambeeyaan.
 
 
Wararkii 26.10.2006
 
Ciidamada Jarmalka ee ku sugan Afgaanistaan oo fadeexooyin laga soo sheegay 
 
Dabcan la yaab malaha haddii ciidamo ku sheegtani lasoo sawiray iyagoo si ula kac ah ugu dheel dheelaya qolfoof bani'aadan ah oo reer Afgaanistaan oo ay dhici karto iney goor horeba dileen, balse waxaa la yaab leh sida ay had iyo goor falalka noocani oo kale ee xadgudubka loogu geysaynayo dad iyagaba u baahan gargaar bani'aadnimo ay u soo laab laabtaan cid ka hadashaana aysan jirin oo markiiba indhaha dadka laga qariyo si aysan xiisad siyaasadeed u furin.
Hadaba telefeyshinka RTL ayaa soo bandhigay askar Jarmal ah oo ku ciyaaraya qolfoof reer Afgaanistaan ah kuwaasoo ah kuwo xad gudub ku ah xaquuqda marxuumka iyo aadanaha.
 
Sawiradan ayaa durba lugu macneeyey ineysan aheyn qalad mar uun ka dhacay ciidanka jarmalka ee jooga afgaanistaan kuwaasoo iyagana laga soo qaaday sawiro ceynkaas oo kale ah. Balse tani waa mid muujineysa in xadgudbyo bareer ahi dhaceen, dadkuna dib u xasuusineysa falalkii foosha xumaa ee ay kal hore ku kaceen ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ee ku sugan Ciraaq. Mid kamid ah askartii falkaas geysatay ayaa dacwad lugu soo oogay sida ay sheegayaan wararka halkaasi laga helayo.
 
Maalintii arbacada ayey aheyd markii sawiro ka yaabiyey caalamka uu soo bandhigay wargeyska Bild la yiraahdo kana soo baxay dalka Jarmlka kaasoo bandhigay sawiro muujinaya askar jarmal ah oo ku ciyaaraya qof dhintay lafahiis.
 
 
Wargeyskii xag jirka ahaa ee Jyllands Posten oo lugu waayey "wixii lugu eedeeyey"
 
Wargeyskii xag jirka ahaa ee u bareeray aflagaada ka dhanka ah Nabi Muxamed NNKH iyo diinta islaamka ee Jyllands Posten ayaa maxkamad ku taala dalkaasi sheegtay in waxyaabihii lugu soo eedeeyey lugu waayey, kadib markii maxkamadu sheegtay in aaney sal iyo raad toona laheyn wixii lugu soo dacweeyey ee ah iney sameeyeen waxyaabo ka dhan ah muslmiinta.
Toddobo urrurada Islaamka ee dalkaasi ayaa dacwad waxey ku soo oogeen tafatiraha mayalka adag ee wargeyskaasi  Carsten Juste  iyo ninka isagana u qaabilsan xagga dhaqan ku sheega ee ka dambeeyey in sawiradaasi la daaabaco  ee la yiraahdo Flemming Rose. Maxkamada ku taala gobolka Århus oo difaaceysa wargeyskaasi ayaa sheegtay in waxyaabaha lugu eedeynayo aaney aheyn kuwo jira.
 
Sidoo kale xeer ilaaliyaha guud ee dalkasi ayaa isagana gaashaanka u daruuray in wargeyskaasi lugu soo oogo dacwad ah iney ku kaceen fal midabtakoornimo ah. Wargeyskan xag jirka ah ee Jyllands Posten ayaa sanadkii ina dhaafay bishii september waxa uu soo bandhigay sawiro kartoono ah oo ku sheegay Nabi Muxamed NNKH, taasoo ka dhalatay cadho aad u balaaran oo dunida Muslimka ay ka dhiidhiyeen islamarkaasina keentay in dalkaasi xirriirkii ganacsiga loo jarro walow dowlada dalkaasi aaney ka cudur daaran amuurtaasi.
Isla bishii september ee sanadkan ayaa isna baadariga ugu sareeya madhabta katoliga ee diinta maxiisiga waxa uu meel fagaaro ah ka qariyey qoraal xag jir masiixi ahi diyaariyaayey kasooo baadaragigan laftiisa xushay, ereyadaasi oo tilmaamayey in Nabi Muxamed NNKH uu dunida ku soo biiriyey dhib iyo shar waa sida ay aamisanaayeen inta la fikirka ah xagjirkaasi iyo kan akhriyey intaba.
Isku soo duuboo hadalada ka dhanka ah Islaamka iyo dadkiisa ayaa iyagu noqday kuwo joogto ah oo kamid noqday nolol maalmeedka mana jirto maalin aan ugu yaraan dadka islaamka ahi lugu sheegin waxeyan aheyn sida argagxiso iwm.

Oct 25, 2006

Bush oo ka walaacsan  xaalada amaan darro ee kasii dareysa dalka Ciraaq

Madaxweynaha Mareykanka Bush waxaa si uur ku taalo leh walaac uga muujiyey xaalka amaan darro ee dalkaasi kasii daraya maalinba maalinta ka dambeysa, dadka uu ku duulay xanuun kuma hayee waxa uu la xanuunsanayaa ciidamadiisa halkaasi ugu dhimaneysa macno la'aanta. Bush waagii baryaba warka loo keeno ma ahan mid uu ku farxo. Bishan aynu ku jirno ee oktoobar waxaa la dilay ciidamo gaaraya 100 oo ameerikaan ah, taasoo ah geeridii ugu badneyd ee muddo sanad ahi soo wajahda. Balse Bush oo ka walaacsan arrinta Ciraaq ayaa ka hadlay waxaana uu sheegay in dulqaadkii uu xadka kasii baxayo, saas oo ay tahayna loo baahan yahay buu yiri in laga guuleysto waxa uu ku sheegay Argagaxisada. Misna waxa uu carabka ku adkaayey in dalkiisa ay haatan dagaalo aad u faro badan horyaalo islamarkaasina ah kii ugu balaarna ee abad yeeshaan.  
 
Bush oo maanta hadalkaasi ka sheegay shir jaraa'id ayaa laga dha dhasan karaa sida uu ugu xun yahay isbadal Ciraaq ku soo kordhay iyo beentii dadka ameerikaanka ah ee loo sheegi jiray oo dhamaatay. "Hadaan ogahay joogitaanka ciidamadaasi ee halkaasi inaaney halis ku aheyn amaankeena beritaba waan kasoo kaxeyn lahaa" ayuu yiri Bush oo ay heysato labo daran mid dooro.
Arrinta sida cadceeda oo kale u ifisay ayaa ah qeylo dhaanta kaso yeereysa ciidamada kasoo laabtay Ciraaq kuwaasoo sheegay in Ciraaq tahay meel aan amnigeedu wanagasaneyn islamarkaasina aheyd qalad in la gallo. Bush maalin walba waxa uu la kulmaa ehelada askarta Mareykanka ee qaarkood lugu dilay Ciraaq kuwaasoo ka codsada in wiilashooda dib u soo celiyo.
Balse isagoo ku adkeesayana sheegashada guusha aan la ogeyn goorta la gaarayo ayuu sheegay inuu dalkaasi u dirayo ciidamo kale oo dheeraad ah haddii loo baahdo islamarkaasina la kaashan doono jeneraalada dalkaasi joogo si u fuliyo waxa ay doonayaan.
 
Ugu dambeyntii Bush waxa uu markale ku celiyey in dalkaasi ay ciidamadiisa sii joogayaan waqti dheer, taasoo ah mid meesha ka saareysa hadal oo horey u yiri lana xirriirta goorta ay kasoo baxayaan dalka Ciraaq.

Iiraan oo kordhineysa naaxinta macdanta Yuraaniyamka  

 
Dowlada Iiraan ayaa shaaca ka qaaday sida laga soo xigtay wakaaladeeda u faafisa wararka iney muddo gaaban gudaheda ay bilaabeyso. Howlaha naaxinta macdantan oo muddo hakad ku jirtay ayey wakaladu sgeegtay iney ilo xog ogaal ahi ay u sheegeen in qalabkii naaxin lahaa lugu rakibay meelo kamid ah gobolada dalkaasi. Inkastoo dowlada dalkaasi iyo dalalka reer Yurub wadahalado u socday la xirriira sidii ay Iiraan uga tanasuli laheyd naaxinta macdanteeda, ayaa hadana maalintii talaadadii  aheyd wadamada Yurub waxey u gudbiyeen shanta wadan ee awooda ku leh Qaramada Midoobey qaraar ka dhan ah dalkaasi oo ugu yaraan keeni kara wado lugu joojiyo barnaamijka Nukliyeerka oo ah mid ay arkaan inuu yahay sunta wax gumaada.

Oct 24, 2006

Ruushka iyo Mareykanka oo saxaafada caburiya 

 
Marka laga hadlayo la dagaalanka waxa loogu yeeray "Argagaxisada" saxaafadaha dalalka sheegta iney horeymareen waxaa muuqata in saxaafadu tahay mid aashuun hoostiis ka 'adimeysa. Mareykanka waxaa weeye dal in badan saxaafadiisa lugu tiriyo mid xor ah, saas oo ay taheyna marka mowduuca argagaxisada laga hadlayo wejiga dhabta ah ee saxaafadasi ayaa la arkaa. Halka Ruush-ka laftiisa yahay mid saxaafada cunaha ku dhaga.
 
Hey'ada suxufiyiinta aan xuduudka laheyn qeybteeda loo yaqaan press freedom  Index warbixin ay soo saartay maanta ayey ku sheegtay in Mareykanka iyo Ruush-ka ay saxufiyiinta howshan u heelan ay kala kulmaan hanjabaado, cabsi iyo kufsi. Inkastoo aysan hey'adu sii faah faahin amuurtaasi sidey ku dhacdo, hadana dalalka ay kamid yihiin Filand iyo Island ayey ku sheegtay dalal saaxiib la ah saxaafada siweyna u tixgeliya.
Ma ahan oo keliya Mareykanka iyo Ruush-ka ee haatanba la shaaciyey iney weriyeyaasha u geystaan jirdil ee waxaa jira dalal kale oo iyagana lugu eedeeyo iney suxufiyiinta waxyeeleeyaan waxaa kamid ah dalalkaasi  kamid yihiin, Kuba, Shiinaha, Ereteriya iyo Itoobiya.

Dhawaan ayey aheyd markii gabadha weriyaha ah ee la yiraahdo Anna Politkovskaja oo iyadu aheyd saxaffiyad toosh ku ifisay falalka waxshinimada leh ee ay geysanayaan ciidamada Ruushanka ee xooga ku qabsaday jamhuuriyada Jejniya, waxaana gabadhani la dilay xilli ay kasoo baxeysay guri ay ka daganeyd magaalada Mosko ee caasimada u ah dalkaasi.  
 
Sawir qaade Mareykan ah oo lugu afduubtay Gaza....
 
Sida ay sheegtay wakaalada wararka AP ayaa shaaca ka qaaday weriye u qaada wakaaladaasi sawirada in lugu afduubtay deegaanka Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta. Wakaalada oo ka warameysa qaabka loo afduubtay sawirqaadaheeda ayaa sheegtay in xilli uu kasoo baxayey gurigiisa ay rag hubeysan ku qasbeen inuu raaco. Sidoo kale wakaaladu waxey sheegtay iney isku dayday iney xirriro la sameyso dadka afduubtay ninkaasi balse suuragal uma noqon iney hesho warbixin la xirriirta halka jaan iyo cirib loo dhigay. Mana jirto ayey tiri wakaaladu ururo sheegtay iney afduubkaasi ka dambeeyeen.

Mudooyinkan ugu dambeeyey Gaza waxey u muuqaneysay mid ku soo badanaya afduubka loo heysto dadka ajanabiga ah kuwaasoo siyaalo kala duwan uga shaqeeeya deegaanaadaasi.  
 
Talyaaniga oo u xusay sanadguuradii 500-aad ee soosaaritii Baasta Makarooni 
 
Dabcan hadaanu nahay Soomaali waxaan kamid aheyn dalalka Talyaaniga gumeystay ama qeybtii ugu weyneyd ee dhulkii la oran jiray Somaliweyn ka gumeysan jiray gumeystahaasi. Balse marka laga hadlayo cunista cuntooyinka kala duwan durba waxaa kugu soo dhacaya BASTA  oo ah nooc kamid ah cuntooyinka ugu caansan dunida, saas oo ay tahayna cunista baastada noocyadeeda kala duwan kuma xirna gumeysi iyo gumeysi la'aan,balse   dunida oo ay  si deg deg ugu faaftay  adeegsiga BAASTA ayaaba la aamisan yahay in la helayo dalal tartan  kula jirta Talyaaniga sameynta BAASTA-da.
Shirkada Baasta Makrooni oo xarunteeda ku taala gobolka Naboli ayaa xaflad si weyn loo agaasimay ku qabatay xarunteeda, waxaana halkaasi lugu soo bandhigay taariikhdii iyo marxaladihii ay soo martay sameysta Baasta oo in ka badan nusqarni  isticmaalkeeda dunida jiray. Shirkadan Baasta lafteeda ayaa xubnaheeda ugu sareeya waxaa laga soo weriyey iney tartan xoogan kula jiraan dalalka ku dheereeya soo saarka bariiska gaar ahaan Hindiya iyo Shiinaha oo ah dalalka loogu isticmaal badan yahay. Baasta waxyaabaha ay ka kooban tahay ayaa ah bur, biyo, milax , ukun iyo kiimiko isku haya. Laakinse waxaa jira qalab kale oo Talyaaniga laftiisa laga soo gaaray taasoo ah in dadku ay ku sameysan karaan guryahooda iyagoo u adeegsanaya waxyaabahaas aan ku soo sheegnay.
Isku soo duubo waxyaabaha Talyaaniga laga soo gaaray ama ay caan ku noqdeen ayaa ah BAASTA-da iyo Pizza oo ah labo cunto oo ka sameysan bur la cajiimay.
Oct 23, 2006

Bush oo si deg deg ah iskugu yeeray saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo siyaasiin ka tirsan maamulkiisa

 
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shir deg deg ah shalay  iskugu qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo siyaasiin sar sare oo ka tirsan maamulkisa. Ujeeda shirkan ayaa la sheegay in doorashada Kongoreeska Mareykanka ee 2 toddobaad lugu wado iney dhacdo ay ku gacan sareeyaan xisbiga Dimoqraadiga codbixin laga qaaday dadka shacabka ah.
Ra'yi arruurin lugu sameeyey isbadala siyaadeed ee dalkaasi ayaa Xisbiga Dimoqraadiga ku hogaaminayaa inta u dhaxeysa 10 ilaa 16%, taasina waa tan keentay in Bush uu si deg deg ah iskugu yeero hogaanka ugu sareeya ciidamadiisa iyo siyaasiinta taageersan hanaanka uu wax ku maamulo.
 
 
Dadka reer Mareykanka ayaa intooda badan la weydiiyey sidey u arkaan siyaasada Bush ee ku wajahan Ciraaq, taasina waa mida keentay iney dadku muujiyaan kalsooni karro. Mareykanka ayaa ciidamo gaaraya 2.800 oo askari looga dilay tan iyo intii duulaanka gardarada ah ku qaadeen bishii maarso sanadkii 2003-da, cadadka askartaasi ee lugu dilay Ciraaq ayaa dadka reer Mareykan ugu xumaadeen in macno la'aan lugu dillo dadkooda sababaha keentay iney dhaliilaan Bush ayaa keentay.  
 
      Madaxweynaha Bulgaariya oo sheegtay inuu ku guuleystay dooroshooyinka dalkaasi ka dhacay 
 
Madaxweynaha haatan talada ka haya dalkaasi Bulgaariya Giorgij Parvanov ayaa habeenadii xalay aheyd sheegtay inuu ku guuleystay dooroshooyinka dalkaasi ka dhacay, islamarkaasina ku hogaaminayo 60%. Balse gudiga u qaabilsan tirakoobka codadka ayaa sheegaya in natiijada rasmiga ahi shaaca laga qaadi doono muddo toddobaad kadib.
 
Giorgij Parvanov ayaa durba sheegtay inuu dooroshooyinkaasi ku guuleystay intey socotay tirada wareega koowaad ee dooroshadaasi. Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in natiijada uu sheegtay ku tilmaamay mid aan wel wel laga muujin karin.
 
Madaxweynaha dalkaasi ayaa  waxaa dooroshooyinkan kula loolamaya ninka hogaaminaya xisbiga garabka bidix ee faquuqa qaba, ninka la yiraahdo Volen Siderov oo isagu helay cod dhan 22%. Giorgij Parvanov oo ah madaxweynaha dalkaasi ee haatan xilka haya waa nin ka tirsan xisbiga sooshaalka waana ninka la rusan yahay inuu ku daro dalkiisa isbaheysiga Nato, haatana wuxuu dalbay kamid ahaanshaha dalalka Midowga Yurub oo codsigaasi xubin noqosho la rajeynayo in la gudo galo sanadka soo socda.
 
Dalka Bulgaariya waxey kamid aheyd imbiriyaaliyadii Turkiga dadka dalkaasina 10% waa turki halka 5%-na waa dadka la yiraahdo  romaaniyiin.

Oct 22, 2006

Dad muslimiinta ah oo ka shaqeynayey gedida diyaaraha dalka Faransiiska oo shaqadooda laga eryey

 
 Afar muslimiinta reer Faransa ah ayaa racfaan ka qaatay go'aan  shaqadooda looga eryey. Afrtan qof oo asal ahaan muslimiin ah ayaa ka shaqeyeynayey qeybaha shandadaha garoonka diyaaradaha Charles de Gaulle ee magaalada Paris, kadib markii ay sheegeen in dowlada dalkaasi ay kula dhaqantay labo arrimood waa tan koowaad e iney yihiin muslimiin iyo in midabtakoor lugu sameeyey.
Sidoo kale kaararkoodii aqoonsi ee ayraboortigaasi oo laga codsaday iney dib u soo celiyaan ayey ku macneeyeen raggaasi iney tahay mid salka ku heysa Islaamka oo lugu xirriiriyey argagaxisanimo.
 
Afhayeen u hadlay dowladana waxa uu sheegay in go'aankaasi aanu aheyn mid la xirriira diin iyo midabtakoor balse ay tahay ka hor tag lugu sameynayo iney  dhacaan waxa uu ku sheegay "fal argagaxiso".Afhayeen u hadlay raggaasi ayaa sheegay ineysan wakiiladiisa aheyn kuwa sidaasi loola dhaqmay ee ay jiraan muslimiin badan oo iyagana ka shaqeynayey Eyraboortada lugu yiri soo celiya kaararkii aqoonsiga shaqo ee gedida diyaaradaha.  
 
                    Xaalada amaan darro ee dalka Ciraaq oo faraha kasii baxeysa 
 
Ugu yaraan 24 qof ayaa maanta lugu soo waramayaa in lugu dilay tuulada Almaxmuudiya oo xagga koonfureed kaga beegan magaalada caasimada ah ee Bakhdaad. Dadka maanta bambaano halkaasi lugu qarxiyey ku dhintayayaa u badnaa qoysas u diyaar garoobayey munaasabada ciida fadliga badan ee Ciidul Fudri . Dhinaca kalena wasiirka amniga u qaabilsan dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkii meleteri ee deegaanka Al Amara la soo afjray taasoo ah macnaheeda in kooxaha wax iska caabinta Ciraaqiyiinta ah ee halkaasi ka dagaalamayey laga awood roonaaday.
 
Qaraxan maanta dad badan lugu laayey ayaa ku soo aaday wax ka yar 24 saac xilli culimada Islaamka dalkaasi ay taageereen baaqii Makkaha ee looga codsanayey shiicada iyo sunniyiinta dalkaasi iney joojiyaan weerarada ay la beegsanayaan dadka rayidka ah iyo goobaha muqadasaadka diiniga ah. Sidoo kale weerarkani waxa uu meesha ka saaraya hadaladii beenta la soo dhoob dhoobay ee Bush-ka reer Mareykan ku sheegi jiray in Ciraaq ku socoto waxa uu ku sheegay "wadada dimoqraadiyada", inkastoo Bush wareysi uu siiyey talefeyshinka Fox News uu sheegay in xaalka Ciraaq kasii daray hadana wuxuu gaashaanka u daruuray  codsi ah inuu wax ka badalo istiraajiyada dalkaasi ka leeyahay.

Oct 21, 2006

Putin: "Igu salaan madaxweynaha! mana moodeyn inuu kufsanayo 10 gabdhood, waana ka maseersanahay" 

 
Madaxweynaha dalka Raashiya Vladamir Putin ayaa si kedis ah kaga naxsaday hadal lugu sheegay kaftan ra'iisal wasaaraha Isr'iil Ehut Elmert oo haatan booqasho ku jooga dalkaasi. Inkastoo hadalkaasi nin u hadlay madaxweynaha Israa'iil uu British Broadcasting Corporation u sheegay in warkaasi si qaldan loo tarjumay, hadana weriye ruush ah ayaa sheegay in Putin aanu hadalkiis kaftan dhablaha ahi ku ekaan uu ku yiri"Waa nin awood badan sidee ayuu 10 dumar ahi xoog ugu helay waaban ka maseeray", Hadalkaasi uu ku hadlay Putin-ka Ruusha-ka ayaa dadkii ku sugnaa kuwada qosleen taasoo keentay in durba si deg deg ah loo xirro mikroofanka codka gudbinayey.
 
Dhinaca kale ra'iisal wasaare Olmert oo laftiisa hadal kaftan diblomaasiyadeed adeegsanayey ayaa isagoo isku dayaya inuu dadkii goobtaasi joogay dejiyo yiri "Aniga hadaan adiinka ahaan lahaa kama maseereen" taasoo macnaheedu tahay in hadalkaasi lagaga naxsaday ka weecinayey dareenkii dadkii ka qeybgalayey shirkii jaraa'id ee ay halkaasi kuwada qabteen. Saxaafada Israa'iil-na waxey hadalka Putin u qortay mid ka jilicsan sida loo tarjumay taasoo ah in Putin ku yiri Olmert " Maan moodeyn in toban dumar ahi uu kala dabari karro".
 
Madaxweynaha Israa'iil ayaa isagu lugu eedeyey inuu kufsi u geystay tobboneeyo dumar ah oo dacwad ku soo oogay, inkastoo uusan habayaraatee ka hadlin madaxweynaha hadana saxaafada caalamka ayaa amuurtan hadal heysay maalmihii ugu dambeeyey, waana tan keentay in madaxweynaha Ruush-ka Vladamir Putin oo si kaftan dhable ah ugu yiraahdo ra'iisal wasaaraha Yahuuda Ehut Olmert oo dalkaasi booqasho ku joogto kadib markii uu ka codsaday inuu ku salaamo lana yaaban yahay sida uu awoodaas ugu helay toban gabdhood islamarkaasina ka maseersan yahay nasiibka uu yeeshay dumarkaasi tirada badan ee aanu isagu helin.
 
Maahan markii ugu horeysay ee Raashiya iyadoo shir caalami ahi ay madaxda galbeedka iskugu yimaadeen. Bishii juun ee sanadkan ayey aheyd markii madaxda kooxaha la baxay G8 ay shir iskugu magaalada S:t Petersburg ee dalkaasi Ruush-ka uu Bush-ka reer Mareykan si dan u weeraray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Koofi Cannaan kadib markii u ku sheegay nin marwalba xabad joojin ka hadla arrimo kale oo aan loo baahneyn soo geliya meesha. Sidoo kale waxaa iyadana la maqalayey xilli mikroofanka furan yahay muran u dhaxeeyey xoghayaha amuuraha dibada Condoleezza Rice iyo dhigeed Ruush-ka Sergej Lavrov, kuwaasoo ka hadlayey arrimaha cakarin ee Ciraaq. Sergej ayaa ku yiri Rice "Xaalada amaan ee Ciraaq waa iney ka soo fiicnanta waana dhamaatay sheekada!, taasoo ay si carro lehi ugu jawaabtay Rice iyadoo tiri "muhiim maahan dhaleeyceynta caalamka". Labadan masuu' ayaa hadaladaasi is dhaafsadeen xilli ay haweeneydaasi booqasho ku tagtay dalkaasi.  
 
              Suudaan oo dalkeeda kasoo saartay ergeygii Qaramada Midoobey ee arrimaha Darfur 
 
Dowlada Suudaann ayaa dalkeeda kasoo saartay ergeyga qaaska ah ee Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Darfur Jan Pronk , kadib markii ay sheegtay hadal ay ku macneysay in dalkeeda uu soo dagaal tagay.
Suudaan waxey kaloo ku heysataa erygeygaasi  in qoraal lugu daabacay shabakada internet-ka uu ku dhaleeceeyey howlgaladeeda meleteri ee ka dhan ah falaagada ka dagaalanta Darfur. Iyo in boqolaal maleeshiyo ahi ay ka baxsadeen Darfur, sidoo kale ayey Suudaan ku eedeyneysaa ninkaasi in jeneraalada joogay jiida hore ee ku dhaa dhacsiiyey iney diidaadan amarada dowlada ee ka dhanka ah Darfur. Dhamaan eedeymahaasi ayaan ereyga Qaramada Midoobey ka hadlin marka laga reebo in gollaha uu hadal kasoo saari doono.
 
           Bush oo diiday inuu wax ka badalo Istiraajiyada ku aadan Ciraaq 
 
Inkastoo maamulka Bush sheegay inuu sameynayo isbadal muuqdo oo wax kaga badalayo xaalada amaan daro ee isku shareertay dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada Bakhdaad oo dhimashada iyo dadka maalin walba macno la'aanta lugu dilayo ay noqdeen nolol maalmeedka dadka reer Ciraaq ayaa hadaba Bush-ka reer Mareykan diiday inuu wax ka badalo istiraajiyada siyaasadeed ee ku aadan dalkaasi.
"Waan ogahay waxa madaxweynaha ka fekerayo  anah waan ogahay waxa aan ka fekerayo arrintuna maahan inaan baadi goobeyno wado furan oo laga baxo, balse waa "GUUL" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Dick Cheney  oo u waramayey wargeyska Time isagoo dhinacna ka indha caalamka ka weecinaya xaqiiqda aan qarsoomi karin ee ay siyaasada dowladiisa keentay dagaalkii ay ku qaadeen dalkaasi.
Bishii juun ee sanadkan ayaa ciidamo gaaraya 40.000 oo ciidamo isku dhafan dalkaasi la geeyey si ay wax ugu qabtaan xaalada naxdinta leh ee dalkaasi ku sugan yahay. Balse sida uu sheegayo jeneraal meyjoor William Caldwell  xaalada dalkaasi waxey faraha ka baxday markii ay curatay bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoo 22% ay cirka ku shareerantay, mana muuqato xal diblomaasiyadeed oo waqtigan dhow loo helayo hadaaney ciidamada dalkasi xooga ku qabsaday ka bixin maamulkuna lugu wareejin dadka dalkaasi.

Oct 19, 2006

Panama oo dad gaaraya 26 qof ugu geeriyoodeen daawooyinka dureyga oo ay cuneen 

 
Wararka laga helayo dalka Panama ee qaarada Laatin Ameerika ayaa sheegaya in dad gaaraya 26 qof ay ugu geeriyoodeen kadib markii ay cuneen daawooyin la sheegay in loo cuno hargabka, qaar kale oo tobonayeeyo gaaraya ayaa iyagana halis u ah iney geeriyoodaan.
Amuurtan ayaa timid markii daawada Epidemi la yiraahdo loo maleeyey kuwo loo cuno hargabka ay dadku cuneen, sidoo kale daawadaasi ayaa iyadana ku jirtay maadooyin qalabka gawaarida loo adeegsado lugu isticmaalo.In ka badan 100.000 oo dhalooyin 20.000 oo kamid ahina ay maadadaasi ku jirto dibada iyo goobaha daawooyinka lugu iibiyo taallo. Daawadan kiimikada ahi ayaa la is weydiinaya sida loogu daray daawooyin hargabka loo adeegsado.  
 
                                                     Alqaacida oo diirada saareysa Ingiriiska  
 
Sida ay maanta qortay jariirada afka dheer ee The Guardian ayaa shaaca ka qaaday in dalkaasi Ingiriiska oo safka hore kaga jiro goobaha urrurka Alqaacida ee la sheegay iney bartilmaameed u tahay. Jariidada oo soo xiganeyso saraakiil aaney carabaabin magacyadooda ayaa qortay in Alqaacida ay markale dib u habeyn xoogan isku sameysay iyadoo xarruna ay ka dhigatay dalka Pakistaan. Wargeyska oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in urrurku uu haatna intii hore ka wanaagsan yahay islamarkaasina uu helay taageero ka xoog badan ka hor weeraradii 11 september sanadkii 2001-da.
Mid kamid ah ilaahaasi xog ogaaleed oo wargeyska u waramayey ayaa sheegay in markastey helaan dad doonaya in wax qaribaan ay soo baxayaan kuwo kale oo doonaya iney badalaan booskooda.
Hadalka jariirada ee ay qortay ayaa ku soo aaday xilli dowlada Mareykanka qirtay dhibaatada amaan darro ee dalkaasi Ciraaq tahay mid sii kordheysa iyadoo qaraxyada ay naftood hurayaal ay geysanayaan ay tahay mid joogto ah.
 
              CIA-da oo duulimaadyadeed si xaf dhaaf ah ugu adeegsan jirtay Denmark 
 
Iyadoo awalba Denmark ay aheyd dal si aad ugu dhow dowlada Mareykanka ayaa hadana wararka laga helayo dalkaasi sheegayaan in sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay dalkaasi dhowr hawadeeda u adeegsatay duulimaadyadeeda ay ku daabuli jirtay shaqsiyaadka ay ku sheegtay argagaxisada.
Dowlada dalkaasi oo amuurtan horey u sheegtay iney la socotay qaar kamid ah duulimaadyadasi ayaa hadana waxaa soo baxay warar kale oo uu shaaciyey wasiirka gaadiidka dalkaasi.
 
Wasiirkan oo magaciisa la yiraado Flemming Hansen  ayaa sheegay in 37 duulimaad iyo boqolaal kale oo dalkaasi la dulmarsiiyeey ay jiraan. Hadalka wasiirkana waxaa ay ku soo aaday waqti ay dowlada dalkaasi qarisay warbixintan iyadoo tanina ugu wacan tahay cadaadis uga imanaya xisbiyada mucaaridka.
Dalkaasina dhinaca kale wax uu yahay dal muujiya cadownimada uu Islaamka u hayo iyadoo wargeys xag jir ahi uu sanadkii hore aflagaado darran u geystay Nabi Muxamed NNKH,sidoo kalena waxaa ciidamo ay ka joogaan dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan kuwaasoo ah dalalka uu duulaanka awood sheegashada ahi ku qaaday isagoo ku gambanayey waxa uu ugu yeeray argagaxisada.

Oct 18, 2006

Gollaha wasiirada Sweden oo fadeexooyin laga soo sheegay  

 
Muddo gooban iyadoo ay jirto guud ahaan dowlada Sweden ka dhalatay kadib dooroshoyinkii guud ee dalkan looga dareeray 17 bishii hore ayaa hadana waxaa jiro fadeexooyin laga soo sheegay qaar kamid ah wasiirada dhawaan la magacaabay kuwaasoo dembiyo ay galeen durba saxaafadu soo shaacbixisay.
Waxaa kamid ah wasiirada sida weyn saxaafada u hadal heysay ugu dambeyntiina keentay iney ka degto xillkii ay ka heysay dowlada ra'iisal wasaare Reinfeldt, haweeneyda loo magcaabay Hidaha iyo dhaqanka Cecilia Stegö Chilò oo lugu eedeyey iney bixin weysay muddo 16 sanno lacagta tv-licens( lacag aad bixineyso tv si aad u daawato,haddii kale aad tahay ganaax).Wasiirada kale ee iyadana fadeexa weyni la soo deristay waa wasiirada lafteeda loo magacaabay ganacsiga Maria Borelius,taasoo sideed cisho kadib ay xilkeedi wereejisay kadib markey ku soo baxeen fadeexooyin la xirriira iney si qarsoodi ah oo suuq madow ah ku shaqaaleysay qof carruurta u haya, iyo ineysan lafteeda dhiibin lacagta tv-ga daawashadiisa laga bixiyo ee tv-licens-ga. Markii la weydiiyey sababta ay sida suuqa madow leh ugu shaqaaleysis haweneyda carruurta u heysay ayey ku dooday ineysan heysan dhaqaalo buuran oo ay ku bixiso lacag cadaan ah (mid canshuur laga baxsho). Mid kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ayaa shaaciyey in haweeneydaasi iyada iyo ninkeeda ay sanadkii helaan in ka badan 1.6 milyan oo lacagta wadankan ah, sidoo kale wargeysku waxa uu shaaca ka qaaday in guri filo ah oo aad qaali ay bixiso canshuurtiisa iyo in dalka faransiiska ay sidoo kale fillo ah qaali ah ka degan tahay. Dhamaan dhaqaalahasi oo kuwi shaqsi ahaaneed ayaan marna cashuuur laga bixin, taasina waa mida keentay in si weyn loo dabagalo ugu dambeyntiina ay xillka warejiso sideed cisho kadib, saxaafadana waxey qortay in iyada iyo qoyskeeda ay dalka Ingiriiska u baxsadeen, sidoo kale ka hor intii aan loo magacaabin wasiirnimada waxey saxaafadu werisay iney u sheegtay ra'iisal wasaare Reinfeldt in 18 sanno ka hor ay si waalan qamriga u cabtay kadibna dhiigeeda uu ka buuxo ay gaari kaxeysay.
 
Wasiirada shalay iscashishay ayaa sheegtay iney u tahay tusaale muddada 10 cisho ah ee ay lafteeda wasiirada aheyd iyo sidey qeyral masuul u noqotay, balse waxey dusha eeda ka saartay qolyaha dacweeyey ee (Radio tjänten)loo yaqaano. Sidaasi kuma dhmaan fadeexooyinka soo baxaya maalin walba ee wasiirada dhawaan la magacaabay waxaase jira wasiirka dhawaan loo magacabaay arrimaha qaxootiga in isagana ay dacwado noocani oo kale ku furan tahay. Wasiirkan oo magaciisa lugu sheegay Billström ayaa la sheegay inuu isku qoray jirro maalmahana aan lugu arag xafiiska, saxaafadana maqnaanshihiisa waxey ku macneysay inuu ka dhuumanayo su'aalaha xirriira lacag tv- ee aanu bixin. Dhinaca kalena wasiirka maaliyada Anders Borg ee shalay uun soo bandhigay qorshaha dhaqaale ee wasaaradiisa ugu talagashay afarta sanno ee socota ayaa laftiisa dhamaadkii shagaashameeyadii waxaa lasoo weriyey in si qarsoodi ah ku shaqaaleeyey. Arrimahan ayaa aheyd maalmahan hadal heyntii ugu badneyd ee dalkan ka jirta tan iyo markii dhawaan la magacaabay gollaha wasiirada cusub ee dowlada ra'iisal wasaare Fredrik Rienfeldt.
 
 
Wasiirada arrimaha Dibada Mareykanka iyo xulafadiisa Aasiya oo ka shiraya arrimaha Kuuriyada Waqooyi
 
Iyadoo ay aad isku soo tareyso cadaadiska caalamiga ah ee saaran Kuuriyada waqooyi ee la xidhiidha tijaabada ay dhawaan ku sameysay mid kamid ah gantaalaha cambaarsan Nukliyeerka, ayaa hadana waxaa lugu wada in maalinta khamiista ay kulan yeeshaan wasiirada arrimaha dibada, Mareykanka,Japaan iyo Kuuriyada koonfureed iyo saaxiibada kale ee goblka ku leeyahay waxaana ay ka arrinsan doonaan qaraarka uu gollaha Amaanka kasoo saaray iyo sidii cunuqabateyn loo saari lahaa dalkaasi.Mas'uul ka tirsan dalka Japaan oo ay hadalkiisa soo xigatay wakaalada wararka dalkaasi u faafisa ayaa sheegay in arrinta haatan ka taagan gobolka ay tahay sida ay dalkooda u difaaci lahaayeen. Dowlada Mareykanka waxey sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay arrintaasi ka shaleyn doonto. Shiinaha waa dalka keliya ee ku yaala gobolka xirriir dhowna la leh dalkaasi, waxeyna isku dayeysa siddii mushkikadaasi xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa.
 
Dhinaca kalena waxaa isa soo taraya hadal heynta la xidhiidha tijaabo kale oo ay Kuuriyada W damacsan tahay, waxaana ay ku hajabtay iney wadeyso tijaabadeeda haddii gollaha ku adkeysto qaraarka ay ka qaadeen talaabadii hore. Dunidana waxa haatan heysata cabsi iyo wel wel sida xaalku noqon doono.  
 
                Hogaamiyihii hore ee Bariga Teymoor oo dambiyo uu galay loo heysto
 
 
Ra'iisal wasaarihii hore ee Bariga Teymoor ayaa la sheegay in loo heysto qalalaaso ka dhacay dalkaasi bilowgii sanadkan. Qaramada Midoobey oo shaaca ka qaaday amuurtan ayaa sheegtay in Mari Alkatiri oo dalkaasi ra'iisal wasaare ka noqtay tan iyo markii ay la soo labteen xorriyadoodi sanadihii la baaro ku lug lahaanshahiisa qalalaasahaasi.Baaritaan ay sameysay
Qaramada Midoobey ee amuurtan u qaabilsan soo saartay ayaa tibaaxday in inkastoo Mr Mari Alkatiri oo ku guuleystay in hubkii meleteriga aan dadka rayidka ah u gelin gacanta hadana lugu eedeynayo 6000 oo qof oo la sheegay kuwaasoo gadooday kadib markii midabtakoor lugula dhaqmay arrintaasina dhabarka loo saaray Alkatiri oo markii dambe xilkii ka dagay.
 
 
Wararkii 17.10.2006
 
 
 
                   Indoonisiya oo weli laga soo sheegayo hargabka shimbiraha
 
 
 
Xukuumada Jakarta ee dalka Indoonisiya ayaa maalintii isniintii shaaca ka qaaday in cudurka dilaaga ah ee Dureuga shimbiraha loo yaqaano ku dilay labo qof oo u dhashay dalkaasi.Wiil yar oo 11 jir ah iyo haweeney ayaa siyaalo kala duwan uga dhintay cudurkaasi,iyadoo wiilkaasi la sheegay inuu ku geeriyooda cisbitaal ku yaala dalkaasi halka haweeneydani la sheegay iney ku dhimatay agagaarka jaziirada Java ee dalxiiska loo tago.
Indoonisiya waxey kamid tahay dalalka ugu qanisan xagga shimbiraha bad iyo duur joogta ah, dowlada dalkaasina waxey shaacisay ineysan dooneyn in leyso shimbiraha cudurkaasi u dhagonugul qarashii ay amuurtaasi ku fulin laheydna aysan heyn sidaasi daraadeedna ay ku adag tahay iney fuliso amuurtaasi.
Wakaalada wararka Reuters-na waxey werisay in dalkaasi cudurda ugu badan ee dadka u dhintaan ay kamid yihiin TB-da, Malaariyada iwm.
 
 
 
Washington: Ciraaq oo Imaarado u qeybsatana waxey kordhineysa Xiisadii  halkaasi ka jirtay
 
 
 
Madaxweynaha dalka Mareykanka Bush ayaa dhiniciisa waxa uu ka digay cawaaqib xummada ka iman karta haddii Ciraaq loo kala qeybiyo sadex oo qeybood oo kala ah Kurdiyiinta, Sunnida iyo Shiicada si ay markaasi gobol walba uu iskiis isku maamulo.Wareysi uu siiyey telefeyshinka Fox News oo ah talefeyshin xag jir ah islamarkaasina taageersan siyaasada Bush ayuu sheegay iney dhibaato noqoneyso haddii Sunniyiinta mintidka ah iyo Shiicada laftooda mintidka ah ay dowlad ismaamul ahi helaan, sidoo kale ayuu Kurdiyiintana ku sheegay iney laftooda dhibaato kala kulmayaan Turkiga iyo Suuriya. Hadalka Bush ayaa ku soo aaday xilli la hadal hayo in Ciraaq ay noqoto sadex qeybood oo gooni isku taaga, taasoo sida la sheegayana ay tahay caqabada ugu weyn ee gobolka la kulmi doono haddey arrintaasi dhacdo

Oct 13, 2006

Ban Ki- Moon oo loo doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey

 
Dalalka xubnaha ka ah gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa caawa u doortay in xoghayaha guud ee gollahaasi noqdo wasiirki hore ee arrimaha dibada dalkaasi Kuuriyada koonfureed Ban ki Moon, waxaana uu noqday ninkii ugu horeeyey ee Eeshiyaan ah tan iyo sanadkii 1971-dii  waqtigaasioo ninkii la oran jiray  U Thant oo u dhashay dalka Burma  noqday xoghayihii guud ee Qaramada Midoobey sanadihii 1961 ilaa 1971-dii . Gollaha oo 192 wadan ay ku bahoobeen ayaa codbixin u qaaday cida badaleysa Koffi Anan oo dabayaaqada sanadkan ka dagaya jagadaasi, codbixintana iyadoo ay aheyd mid laga wada qeybqaatay ayaa hadana waxaan muuqan cida kula loolameysay marka laga reebo iney ahaayeen lix musharax oo horey codsigooda u soo gudbiyey.
 
Ban Ki- Moon waa siyaasi qibrad buuxda u leh howlaha diblomaasiyeed ee caalamiga ah sanadkii 1978-dii - 1980 waxa uu dalkiisa u ahaa xoghayahe ergada Kuuriyada koonfureed ee goolaha Amaanka, wuxuu sidoo kalena madaxa arrimaha dibada ee Qaramada Midoobey. Sanadkii 2001-dana wuxuu ahaa wasiirkii arrimaha dibada Kuuriyada koonfureed.  Dhinaca kalena wuxuu ka qeyb qaatay ama kulankii lix geesoodka ahaa ee ay yeesheen dalalka Mareykanka, labada kuuriyada waqooyi iyo koonfur, Shiinaha, Ruush-ka iyo Japaan oo loogaga hadlayey barnaamijka nukliyeerka waqooyiga Kuuriya oo haatan cakarin.
 
Maalintii isniinti oo aheyd markii la shaaciyey ahaanshihiisa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayey misna ku soo aaday xilli ay kuuriyada koonfureed tijaabsay mid kamid h gantaalaha xambaarsan nukliyeerka, mar uu arrintaasi ka hadlaayeyna waxa uu sheegay in farxadii uu dareemayey ay tijaabada kuuriya kala dhantaashay, waxaana cadeeyey in mushkilada amuurtan xal diblomaasiyeed lugu raadinayo.
Koofi Cannaan oo u dhashay wadanka Afrika ayaa isna waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee madow ah ee jagadaasi qabta waxaana uu xilkaasi haye muddo 10 sanno ah sanadkii 1996-dii oo loo doortay, kadib markii ninkii ugu horeeyey ee Butrus Qaali la oran jiray ku fadeexoobay arrimaha  Soomaaliya uu ka baxay meesha.

Nin sheegtay in qorshahooda ahaa sidey New York u qarxin lahaayeen 
 
Nin u dhashay dalkaasi ingiriiska islaamkana qadatay islamarkaasina maxkamad la soo taagay ayaa qirtay inuu ka tirsanaa kooxo maleegayey qaraxyo lala damacsanaa dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New York oo. Ninkan oo magaciisa lugu sheegay Dhiren Barot ayaa sheegay sidoo kale iney adeegsan layaaheen qalabka la yiraahdo Radio active iyo "bamka wasaqeysan".
Ninkani waxa kalee oo uu sheegay  in goobaha ugu caansan ilaha dhaqaale ee dalkaasi sida Bank CiTi, Prudential iyo Bankiga caalamiga ah iyo goobo kale oo farro badan kuna yaala New York iyo New Jersey ay qaraxyo waa weyn ka fulin lahaayeenm kuwaasoo ku sheegay iney dhimasho iyo dhaawac culus ay geysan lahaayeen haddii aanu isagu gacanta lugu dhigin muddo labo sanno kahor. Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyagu ollele balaadhan kula jira waxey ugu yeedheen argagaxisada, arrimahana waxey sababtay in waxyaabo badan oo ka dhan xorriyada ba'aanimada iyo xuquuqda aadanaha meel looga dhaco, iyadoo muslimiinta oo dhan lugu wada tilmaamay iney yihiin argagaxiso.  
 
     Nin u dhashay Bangladeesh oo la gudoonsiiyey abaalmarinta dhaqaalaha ee Nobile price 
 
Gudiga u qaabilsan abaalmarrinta loo yaqaano Nobile price ee dalka Norway ayaa maanta oo jimco ah shaaqa ka qaaday in abaalmarrintaasi la gudoonsiinayo Muhammad Yunus iyo Gremeen Bank,kadib markii guddiga ay sheegeen iney dowr weyn oo muuqda ku yeeshay isku xirka dhaqaalaha iyo bulshada taasina ay qiimo weyn u tahay nabada adduunyada.
 
Maxamed Yuunis ayaa abaalmarintan ku muteystay kadib markii uu aasasay Banki yar oo dadka saboolka ah ee dalkaasi ay ka amaahan karrna qidmo yar oo ay ku sameysan karaan meherad ganacsi si faqriga heysta uga baxaan. Dumar oo u dhashay dalkaasi ayey nolosha u iftiintay markii Maxamed Yoonis iyo bankigiisa Gremeen ay siiyeen lacago deyn ah. "Weligood lacag deyn ah banki caadi oo dowladeed meysan awoodin haweenkaasi iney deynsadaan, isagoo adeegsanaya aalada loo yaqaan Microcredit oo ah nidaam Yoonis sameyey ayey si nabdoon ku heli jireen qidmadooda deynta ah"ayuu yiri gudoomiyaha gudiga abaalmarintaasi Danbolt Mjøs.
 
Da daalka uu sameeyey Maxamed Yoonis waxey keentay in haween badan oo aan hanti laheyn ay ka deynsadaan lacagaha, kadibna ay isku sheeg sheegan iyagoo kor ugu qaadayey meheradooda islamarkaasina kana doodi jiray arrimaha bulshada ee markaasi xagga dhaqaalaha dhibaato ka heysatay. Nidaamka uu ku shaqeeyey Gremeen bank waxaa uu durba ku fiday dalal badan oo ku yaala qaarada Asiya iyo Afika,kuwaasoo diiniyan aan lacaggta dulsaarka ah y tahay Xaraan taasina dad badan ay soo dhaweeyeen. Mar uu ka hadlayey aragtiisa ku aadan abaalmarinta la gudoonsiiyey waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay korna u qaaday hamigiisa waxana uu balan qaaday in abaalmarinta deeqeed ee la siiyey  ugu deeqi doono dadka faqriga ah kuna kabi doono howlahii hore u hayey. Waxaana uu noqday ninkii ugu horeeyey ee nimadaanka uu sameeyey ku taakuleeyey dadka faqriga ah isagoo mashaariicdaasina ay ka jiraan Mareykanka , Kanada iyo meelo kamid ah qaaradan Yurub sida ay sheegeen gudiga abaalmarinta ee Nobile kommitèe-ga oo bankigiisa kasoo xiganayey.  
 
Suuriya oo dowlada Norway ka xaalmarineysa  dhaawacyadii loo geystay dhismihii safaaradeed ee Dimishiq 
 
Dowlada Suuriya oo horey sheegtay iney uga soo fekereysa sidey ku aqbali laheyd codsigii la xirriiray iney bixiso qarasha ku baxaya dib u dhisha safaarada Norway ee ku laheyd dalkeeda  ee dabka la qabadsiiyey sanadkan horaantiisa.Wargeyska kasoo baxa dalkaasi Norway ee la yiraahdo Aftenposten oo amuurtan wax ka qoray ayaa shaaciyey in Suuriya ay haatan codsigaasi ogaalatay kadib markey muddo dheer kasoo fakareysay, waxaana wargeysku sheegay in Suuriya ay bineyso lacag dhan 9 milyan oo lacagta norwijiyaanka ah si loogu dayactirro dhismaha safaaradeeda. Bishii feberaayo ee sanadkan ayaa dadweyne ka careysan ihaanadii ay wargeysyo badan oo reer galbeed ah iskugu garbiyeen loona geystay Nabi Muxamed NNKH, ayaa dhismihii safaarada Norway  dab qabadsiiyey iyagoo waxyeelo culus o geystay.  
 
 
Wararkii 12.10.2006
 
             Ciidamada Ameerikanka ee Ciraaq oo sii joogaya muddo dheer
 
Sida uu ku waramayo Jeneraal Schoomaker in ciidamada ameerikanka ah ee ku sugan dalka Ciraaq isbadal ku iman doonin joogitaankooda tan iyo sanadka 2010. Waxaa kale oo hoosta ka xariiqay in shan iyo toban cutub oo tiradooda dhan tahay 141.000 askari ay sii joogayaan dalkaasi ilaa afar sanno oo kale sababo la xirriira xaalada amaan oo halkaasi kasoo dartay mudooyinkan dambe. Dhinaca kale jeneraalka hogaamiya ciidamada dalkaasi ku usgan George Casey ayaa isaga horey u sheegay in la cutub oo kamid ah ciidamadaasi howlgalkooda lasoo koobi doono, halka qaar kalena ay runsan yihiin in guutooyinka ay intaasi ka badnaato lana soo celiyo tan iyo sanadka dambe. Rumsfeild-ka Mareykanka waxaa uu dhinaciisa xusay in ciidamada Mareykanka ee jooga Ciraaq ay howlgalo kala duwan ka qeyb qaadan doonaan tan iyo inta si rasmi ah loo shaacinayo waqtiga ay dalkaasi kasoo baxayaan. Maantana taliyha ciidamada Ingiriiska ee Ciraaq Sirr Richard Dannatt wuxuu sheegay iney haboon tahay ciidamadiisa ay dalkaasi kasoo tagaan, tanina waxey keentay guux siyaasadeed oo London laga soo sheegay, sidoo kale waxaa uu cambaarayey waxqabadka liita ee ciidamadaasi.
 
Mareykanka oo doonaya in qaraar deg deg ah Gollaha loo dhan yahay ka qaato Kuuriyada Waqooyi 
 
Dowlada Mareykanka ayaa codsaneysa in go'aan deg deg ah ka qaato hubka nukliyeerka Kuuriyada waqooyi ey dhawaan tijaabasay, iyadoo dhinaca kalena ay jirto diidmo xaga shiinaha oo arrintan la xirrirto. Qoraal loo gudbiyey gollaha loo dhan yahay oo ay wakaalada wararka Rueters nuqul kamid ah heshay ayaa lugu wadaa in maalinta berito oo jimcaha gollahu ka doodo soona bandhigo. Mareykanku waxuu doonayaa cuno qabateyn xaga hubka lugu soo rogo, sidoo kalena wuxuu doonaya in dadka shaqsiyaadka ah ee xagga nukliyeerka u qaabilsan caalamkana meelo ka joogo laga gooyo xirriirka ay leeyihiin iyo in cuno qabateyn dhaqaalo lugu soo rogo. Kuuriyada Waqooyi waxey digniin u jeedisay Japaan haddii ay aqbasho xayiraad lugu soo rogo cawaaqib xumada ka iman karta.

Oct 11, 2006

Diyaarad yar oo ku dul qaraxday dhismayaal ku yaala magaalada New York 

 
Inkastoo uu ahaa shil diyaaradeed oo aan la ogeyn sababteey ugu dul dhacday  mid kamid ah dhismayaasha dhaa dheer ku yaala magaalada New York,hadana war kasoo baxay Aqalka cad ayaan lugu sheegin in qaraxaasi ahaa mid argagaxiso.
Diyaaradan ku dul burburtay dhismo kamid ah kuwa dhaa dheer ee ku yaalay agagaarka Manthan ayaa lugu so waramayaa iney ku dhinteen labo iyadoo dabaqyo badan uu qabsaday dabkii ka dhacay qaraxa diyaaradaasi ku dulburburtay.
Dhinaca kale ciyaaryahanka isagu ciyaara  baseboll kana tirsanaa kooxda NY Yankees , Cory Lidle ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday shilkaasi, waxaana telefeyshinka wararka CNN-ta sheegtay inuu isagu ahaa duuliyaha diyaaradaasi. Telefeyshinka waxaa kale oo u sheegay in Cory oo uu heystay aqoonsiga duuliyenimo muddo sagaal bilood ah islamarkaasina aanu qibrad u laheyn qaabka diyaarada loo duuliyo. Qabiirada arrimaha duulimaadka shaqada ku leh ayaa cambaareyn waxey u soo jeediyeen ciddii ogolaanshaha siisay ninkaasi inuu ku dul wado hawada New York diyaarad isagoo aan qibrad buuxa u laheyn.
Aminga ayaa aad loo adkeeyey balse diyaarada dalkaasi u socdaala ayaa si caadi ah u socda mana jirto warar shilkan diyaaradeed dhacay ee ku tilmaami kara mid argagaxiso walow tuhun hoose ay jiri karto.
 
        Safaarada Denmark oo banaanbaxayaal careysani waxyeelo u geysteen 
 
Safaarada ay dalkaasi Denmark ku leedahay magaalada Tehraan ee caasimada Iiraan ayaa dhalinyarro careysani waxey dhagxaan iyo waxyaalo dabka dhaliya ku tureen dhismaha safaaradaasi. Arrintan ayaa timid markii dibad baxayaashaasi ku dhawaaqayeen in gebi ahaanba la xirro safaaradaasi, taasina ay ka dambeyso muuqaal fiidiyow ah oo telefeyshinka Denmark kasii daayey dhalinyarro reer Denmark oo xagjirayaal ah kana tirsan xisbiga faquuqa qaba ee la yiraahdo Danska Folk parti, kuwaasoo xagaa bax ay qabeen si daran u afagaadeeyey Nabi Muxamed NNKH iyo diinta Islaamka. Sidoo kale safaarada Denmark ee dalka Indoonisiya ayaa dhacdooyin taas lamid ahi soo wajahaday walow aan qasaaro laga soo sheegin, hadana dowlada Denmark ayaa iyadu muujisay dbacsanaan waxaana ay sheegtay inaaney ku fikri aheyn dhalinta xisbigaasi ee diinta iyo Nabiga aflagaadeeyey si weyna u cambaareysay.
 
Tan iyo wixii ka dambeeyey aflagadaadii badheedhka aheyd ee wargeyska xag jirka ahi ee Jyllands Posten ku aflagaadeyey Nabi Muxamed NNKH ahaa waxaa aas isku soo tarataya naceybka dadka dalkaasi u hayaan Islaamka waxaana tira koob dhawaan laga qaaday muujisay sida ay Diinta Islaamka ugu arkaan diin dambeysa oo dadkeedu yihiin wada argagaxiso.

Oct 10, 2006

Kumanaan dad ah oo ka qeyb qaadatay aaskii saxafiyadii Ruushanka aheyd ee la dilay 

 
Kumanaan dadka reer Mosko ayaa iyadoo ay da'dayeen roobab waqtigoodi lugu jiray ka qeyb qaatay aaskaii saxafiyaddii afka dheereyd ee maalinimadii sabtida lugu dilay gurigeeda. Dadkan oo si weyn uga murugeysnaa geerida saxafiyadasi ayaa qaarkood ku dhawaaqayey hadalo lid ku ah dowlada Putin oo haatan farta ku godan tahay dad badani ay aamisan yihiin sidaasi.
Danjireyaasha Mareykanka, Sweden, Norway,suxufiyiin caalami ah iyo hey'adaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa ku sugnaa goobtii lugu aasayey oo dadku qaadiweysay. Hase Putin-ka Rashiya ka qeybgalka aaskan oo uusan siinin wax ahmiyad ah
waxuu ku sugnaa dalkaa Jarmalka halkaaso uu booqasho ku joogo.
 
Vladamir Putin goor dambe oo habeenimadii isniinta soo galeysay ayuu cambaareeyey falkii lugu dilay Anna Politkovskaja waxaana uu sheegay in la soo qaban doono gacan ku dhiiglaha uu sheegay in falkaasi geystay. Sidoo kalena madaxda ugu sareysa dowlada laftooda kama muuqan aaskii gabadhaasi loo dhigay, taasina waxey sii kordhineysaa shakigii laga qabay ku lug lahaanshaha dowlada ay ku leedahay.
Dadweynaha Raashiya ee dilka gabadhani ku noqotay argagax ayaa kuwii ka qeybgalayey aaskaasi waxey ku dhawaaqayeen ereyo ay kamid yihiin 2Xaqiiqdii oo la duugay"  Madaxweynihii hore ee dalweynihii la oran jiray "Midowga Soofiyeeti" Michail Gorbatjov ayaa dhiniciisa waxaa uu ka dhawaajiyey in dilka gabadhaasi  tahay dil siyaasadeed.
Gabadhani waxaa la dilay maalintii sabtidii xilli ay kasoo baxeysay wiish (left) iyadoo alaab ay dibada kasoo iibsatay kasoo degsaneysay gaarigeedi oo hortaagnaa guri kirro ah oo Mosko ka daganeyd. Waxey sidoo kale aheyd weriye ka tirsan wargeys la oran jiray Novaja Gazeta oo Michail Gorbatjov laftiisa milkiiyaasha wargeyskaasi kamid ahaa. Gabadhina waxaa ay aheyd qoftii si bareera uga soo warantay xagdubyada ciidamada ka amarqaata Putin-ka Raashiya ay ka wadaaan dalka Jeejniya la yiraahdo, waxaana ay cambaareysay marar badan iyadoo aan codkeeda la gaban falalka waxshnimada ah ee ka dhaca dhulkaasi, aaqirkiina waxey ku weysay nafteedii iyadoo mudooyinkan dambane ay ku jirtay xaalad dhuumaleysi ah kadib markii marar badan loogu hanjabay in la dili doono.  
 
Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay in tijaabo kale sameyneyso
 
Maamulka Bush waxaa ay rajo ka qabaan in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanasusho barnaamijkeeda Nukliyeerka wadahadalii amuurtan ku saabsana ay dib ugu soo laabato, balse haddii taasi dhici weyso ayaa caalamku isweydiinaya waxa iman kara, iyadoo aysan meesha kamarneyn carada xooga leh ee arrintani dhalisay tan iyo markii Kuuriyada Waqooti tijaabisay gantaalo hambaarsan sunta halista ah.

Madaxda dalkaasina waxey ciidankooda geliyeen heerkii ugu sareeyey,kadib markey sheegen in dalkoodu noqoday dal aan marnaba hanashada Nukliyeerka raali looga aheyn. Dowlada dalkaasina waxey goor sii horeysay sheegtay iney ku guuleysteen tijaabadoodi Nukliyeerka.  Wargeyska Washington Post oo xilli ogaal ah kasoo xiganaya ayaa qoray in dowlada Kuuriyada waqooyi ay taleefan ku wargelisay Shiinaha xajmiga uu xambaarsan yahay gantaalaha ay tijaabineysay. Shiinaha waa dalka ugu dhow Kuuriyada waqooyi ee gobolkaaasi ku yaala mana aaminsan in golaha loo dhan yahay uu soo sarayo go'aan ka dhan ah, fal celin meleteri oo dalkaasi lala beegsadana waxey ku tilmaantay mid aan hada lugu fekereyn. Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midobey waxa uu sheegay in dowladiisa aysan kamarneyn iney adeegsato jawaab meleteri balse taasi waxey haatan ka doorbideysa iney xal diblomaasiyadeed ku xaliso mushkliyada Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi ee haatan muranka weyn abuuray.

 
            Denmark oo dagaal bareer ah kula jirta Diinta Islaamka 
 
Dowlada Denmark ayaa u yeertay danjireyaasha dalalka Islaamka ee dalkeeda qaarkood joogaan waxey isku deyday dowldu iney ka dhaa dhiciso dhacdadii ugu dambeysay ee Telefeyshinka dalkaasi laga soo saaray ay tahay mideysan shaqo ku laheyn. Urrur ay leeyihiin xisbiga xag jirka ah ee la yiraahdo (Folke Partiet) ayaa xaflad ay u dabaal dagayeen xagaa bax dacaayad badheedh ah iyo aflagaado aan geed ku gabasho laheyn u geystay Suubanaheeni Muxamed NNKH iyo diinta Islaamka, iyagoo sawiro fool xun ay ku mitaaleen. Arrintan oo talefeyshin ku sheega dalkaasi kanaalkiisa 2aad edeb darradaas lawada ayaa dhiniciisa baahiyey, tanina waxey keentay in Muslimiinta ay markale siweyn uga caroodaan. Raaligareyn ay bixiyaan urrur dhalinyareedka xisbigaasi ayaan aheyn mid la sugo balse waxaa wax lala yaabo ah haweeneyda xag jirada ah ee Illaahey ku ibtiliiyey dulmiga iyo Islaam naceybka iney sheegtay in raali gareyn la bixiyo ay tahay wax lugu qoslo.
Hadaba dowlada dalkaasi ha isku qariso boor ama yeysan isku qarin waa arrin ay ka samin yihiin ihaanada lala bartay Muslimiinta taagta daran ee caalamka, waxaase haboon in muslimiintu ka dhiidhiyaan sharaf dhaca iyo gardarada badheedhka ah ee diintooda iyo ciqoodadooda lugu hayo.

Sept 6, 2006

Haweeneydii ugu horeysay ee Afrikaan ah oo wasiir ka noqota dalka Sweden 

 
Iyadoo doorashooyinkii guud ee dalkan ka dhacay bishii september17-keedi aan marna la fileyn in asxaabta isbaheysatay ee uu hormuudku yahay xibiga Medoret-ka la yiraahdo ay ku guuleysanayaan tobon sanno kadib ayaa hadana waxaa markii ugu horeysay taariikda dalkan Sweden wasiir ka noqotay qofkii ugu horeeyey oo modow ah. Haweeneydan oo la yiraahdo Nyamko Sabuni kana soo jeedo dalkii la oran jiray Zaire ee haatan loo yaqaano Kongo- Kinshasa, ayaa iyadu ka tirsan xisbiga Leyberaalka ah (Folk Partiet) waxaana dalkan timid sanadkii markuu ahaa 1981-dii, iyadoo 12 jir ah sida la sheegay iyadoo ku timid magangalyo siyaasadeed. Waxey kamid aheyd xubnihi ugu fir fircoonaa ee aasaasa urrur loogu magacdaray Afroswedhish, markaa kadibna waxey xubin ka noqotay baarlamaanka dalkan Sweden sanadkii 2002-da xilli ay doorashooyinka baarlamaaniga ay ka dhaceen. Haweeneydani waxaa intii ay socdeen ollolihii dooroshooyinkii dhawaan qabsoomay lugu xasuustaa qoraal si weyn baarlaamka Sweden aad ugu guuxeen, kadib markii ay sheegtay in la sharciyeeyo nidaam dalkan ka hirgala oo u fasaxay  gabdhaha yar yarka ah ee ajanbaiga ah ee dhigta dugsiyada hoose dhaxe  lugu qasbo in baaritaan xagga jiinikolojiga ah lugu sameeyo si loo ogaado in gudniin lugu sameeyey (Arinkan oo soomaalida si weyn u quseeya). Sidoo kale waxey sheegtay in gabdhah da'doodu  ka yar tahay 15  iskoolada laga mamnuuco iney u soo qaataan xijaabka, sidoo kalena aan dowlada wax dhaqaale ah siisin iskoolada gaarka loo leeyahay ee diimaha laga barto.
 
Haatan haweeneydani oo arrimahaasi ay kamid ahaayeen ollaha ay u sameyneysay xisbiga ay ka tirsan tahay waxaa ay noqotay wasiir ka tirsan dowlada cusub ee hogaaminayo ninka dhawaan ku guuleystay doorashooyinka dalkan ka dhacay ee Fredirik Rainfeld, waxaana loo magacaabay wasiirka isdhexgalka iyo siniinta, iyadoo sidaasina ku noqotay qofkii ugu horeeyey ee taariikhda dalkan Sweden wasiir ka noqda.  
 
                   Rice oo Ciraaq booqasho ku joogta 
 
Xoghayaha arrimaha dibada Condoleezza Rice oo shalay dalkaasi Ciraaq boosho kedis ah ku timid ayaa haatan gaartay dhulka waqooyi ee Kurdiyiintu badan yihiin.
Waxaana ay halkaasi kula kulantay madaxweynaha maamulka Kurdiyiinta Massoud Barzani oo ay kawada hadleen sidii amniga guud ee dalkaasi loo adkeyn lahaa. Arrimaha kale ee ay halkaasi u tagtay Rice ayaa wararku sheegeen iney kamid tahay saliida ceegaagta dhulkaKurdida sidii dalka intiisa loogu qeybin lahaa, taasoo aan dhinaca Kurdida war rasmi ah aysan kaga hadlin kulankasi oo la xirriira shidaalka goboladooda ku badan. Mudooyinkan dambana waxaa kurdida reer Ciraaq doonayeen iney gooni isku taagan iyagoo shidaalka dhulkooda ka buuxana uu yahay mid ay u arkaan iney kaga maarmaan Ciraaq inteeda kale.
Rice Maanta ayey ka duushay Ciraaq, iyadoo soo afjartay booqashadii ay barriga dhexe ku joogtay.

Sept 5, 2006

Shiinaha iyo Japaan oo ka shirya nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi

 
Ra'iisal wasaaraha cusub ee dalka Japaan Shinzo Abe ayaa maalinta axada waxaa uu socodaal ku tagayaa Shiinaha iyadoo halkaasi lugu wado inuu ka dhaco kulan ay labada dowladood kaga arrinsanayaan hanjabaadaha Kuuriyada waqooyi ee la xidhiidha tijaabinta hubkeeda Nukliyeerka oo beesha caalamka siweyni uga guuxday.
Kulanka ay labada dowladood iskugu imanayaan ayaa ah kii ugu horeeyey ee muddo lixbilood ah yeeshaan tan iyo intii xukunka uu ka dagay ra'iisal wasaarihii hore ee Japaan, waxaana amuuraha ay ka hadli doonaan la sheegay iney ugu weyn tahay hadal heynta tijaabada nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi. Ra'iisal wasaarahan cusub ee Japaan ayaa durba u muuqda mid wax ka badalaya aragtidii fogeyd ee Shiinaha ka heysatay dalkiisa gaar ahaan xukuumadii hore.
Shiinaha laftiisa ayaa xirriir wanaagsan kala dhaxeyn iyadoo u arkeysay nin dad ay ku eedeysay dagaal oogenimo ay soo booqdaan dhulkeeda meelo meelo dagaalo horey uga dhaceen.
 
Waqooyiyga Kuuriya ayaa talaadadii war laga siidaayey wakalaada dalkaasi wararka u faafisa waxey sheegtay iney tijaabineyso nukliyeerka taasina waxey keentay in Mareykanka iyo dowladaha ay isku aragtida ka yihiin ay cambaari kasoo yeerto, waxaana Washington ay ku hanjabtay iney arrintaasi dhalin karto cawaaqib xun.

                    
Nato oo la wareegtay gacan ku heynta Afgaanistaan
 
ciidamada Nato ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa la sheegay iney gacan ku heynteeda ay la wareegeen iyagoo awal halkaasi joogay qaar ka tirsan gobolka dalkaasi oo ay caasimada kamid tahay. Tallaabadan ayaa lugu sheegay iney ciidanka Nato ka dhigeyso mid ka wanaagsan sida haatan ay tahay. Amuurtan ayaa sidoo kale lugu sheegay in nato u dooneyso iney dalkaasi dib u dhis ka bilowdo. Madaxweyne Xamiid Krazy ayaa xafladii Nato lugu wareejinayey gacan ku heynta dalkaasi ka qeyb galay iyadoo ciidamada Mareykanka ee gaaraya 10.000 oo askari ay hoos iman doonaan Jeneraal u dhashay dalka Ingiriiska oo la yiraahdo David Richards, guud ahaana ciidamada Nato iyo kuwa Mareykanka marka la isku darro waxey tiradooda guud noqoneysaa 31. 000 askari. Muddooyinkan dambane xaalada guud ee dalkaasi ayaa amnigeedi faraha ka baxday tan iyo markii Mareykanka duulaan ka dhan ah waxa uu ku sheegay argagaxisada ku qabsaday bilooyin kadib weeraradii 11 september sanadkii 2001-da, waxaana kooxaha wax iska caabinta ee Taalibaaniyiinta sameeyeen weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsanayo ciidamada dalkaasi jooga. 
Sept 3, 3006

Sweden oo hooyo Soomaaliyed sadex sanno oo xarig loogu xukumay gudniin ay ku sameysay gabadheeda

 
Waxaa markii ugu horeysay taariikhda wadankan Sweden inta ogyahay yahay ay maxkamad ku taala degmada Mölndal ee gobolka Gothenburg Sweden ay xabsi dhan sadex sano ku xukuntay haweeney Soomaali ah, kadib markii maxkamadu sheegtay iney gudniin ku sameysay gabadheeda oo aan arrintaasi raali ka aheyn. Hooyadan oo dhamaan eedeymaha loo heysato dafirtay ayey maxkamadu sheegtay in dhageysigii gabadha ay hooyadaasi dhashay dacwadana ku soo oogtay ay tahay mid dhameystiran oo la rusan karro. Gabadha ayaa dhinaceeda sheegtay in iyada iyo walaalaheed kale loo kaxeeyey dalka Soomaaliya sanadkii 2001-dii,  kadib gudniin lugu sameeyey. Gabadhan dacwada ku soo oogtay hooyadeed oo ka warameysa sida ay wax u dhaceen ayaa maxkamada u sheegtay in "Guri lugu xiray" halkaasoo ay joogeen labo haween ah iyo nin gudniinka ku sameeyey. Hooyadii gabashaasi dhashay ay tiri "waa in la nadiifiyaa" taasoo malaha ay ula jeeday in lugu sameeyo gudniin fircooni ah.
 
Ma ahan oo keliya eedeymaha  gudniinka la xirriira eeloo heysto hooyadan balse waxaa jirro qodobo kale oo ay kamid yihiin in muddo afar sanno ay gabadheeda ku heysay kontorool xagga jinsiga ah bal in gabadhaasi wax galmo ah lala yeeshay sida ay maxkamadu sheegtay, sidoo kalena ay dhowr jeer u gacan qaaday gabadheeda hooyadaasi.  Xeer ilaaliyaha dacwadan gacanta ku hayey ayaa sheegay in baaritaano caafimaad oo lugu sameeyey gabadhaasi ay dhamaantood cadeeyeen in gudniin fircooni ah lugu sameeyey. qareenka u doodaya hooyadan eedeysanaha ah ayaa sheegay iney racfaan ka qaadan doonaan xukunka sadexda sanno ah ee maxkamadu fulisay.
 
Dalka Sweden ayaa muddooyinkaan dambe waxaa ay qaaday talaabo adag oo ay xabsiyada u seexineyso qoysas badan oo soomaali ah kuwaasoo la sheegay iney gudniin ku sameeyeen carruurahooda xilli ay booqasho ku tageen dalkii hooyo. Xukunku lugu fuliyey hooyadan ayaa noqoneysa shaqsigii labaad ee soomaali ah oo maxkamadi xabsi ku xukunto. Dhawaan ayey aheyd markii isla magaalada Gothenburg maxkamad ku taala aabe soomaaliyeed oo isagana lugu eedeeyey in gabadhiisa gudniin ku sameeyey islamarkaasina lugu xukumay afar sanno oo xarig ah. Sidoo kale labo cisho ka hor ayey aheyd markii misna gabar yar oo 11 jir ah iyadoo fasalkeeda dhex fadhisa ay booliska gobolka Uppsala ee waqooyiga Sweden qasab ku kaxeeyeen iyagoo geeyey qeybtaha haweenka lugu baaro ee jiinokoliga loo yaqaano, kadib markii kalkaaliso isbitaal ay sheegtay iney ka shakiday in gabadhaasi gudniin lugu sameeyey,taasoo arrintani ay markii dambe beenowday haatana ay muran weyni dhex taagan tahay qoyskii dhalay gabadhaasi iyo hey'adihi bixiyey amarka gabadhaasi qasabka lugu baaray ee xafiiska ceydha iyo booliska oo falkaasi fuliyey.
 
Talaabadan baryahan ka dhanka ah qoysaska Soomaaliyeed  ee Sweden ayaa waxaa wel wel ka muujiyey bulashada Soomaalida waxaana ay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen amuurtan, qaarkood ayaa qaba in tani tahay mid la iskaga horkeenayo carruurta iyo waalidiintooda halka qaar kalana ay aaminsan yihiin talaabo wanagasan oo lugu curub tirayo gudniinka fircooniga ah ee aaney diinta Islaamku sheegin in gabadha lugu sameeyo.
 
                             Kuuriyada Waqooyi oo jibaaneysa gantaalaha Nukliyeerka  
 
Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay iney qorsheyneyso sidey u tijaabin laheyd gantaalaha xambaarasan Nukliyeerka xambaarsan, warkan oo ay sheegtay wakalaada wararka u faafisa dalkaasi KCNA,wakaaladu waxey sidoo kale sheegtay in talaabadan lugu tijaabinayo Nukliyeerka ay tahay mid sarro u qaadeysa id difaacida dalkaasi. Dowlada Kuuriya waxaa ay sheegtay in tijaabooyinkan ay noqdeen kuwo dalkaasi u horseeday colaad meletari. Tijaabooyinka nukliyeerka ee Kuuriyada waqooyi ayaa beesha caalamka si weyn u cambaareeyeen islamarkaasina cadaadis weyn uga yimid, iyadoo bishii julaay ee sanadkan Qaramada Midoobey ay dhaleeceysay gantaalo ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi.
 
Tijaabada gantaalahan dowlada Kuuriyada Waqooyi ma sheegin goorta ay dooneyso iney tijaabiso balse warfidiyeenada caalamiga ah ee arrintan u dhuun duleela ayaa sheegaya in haddii ay ku guuleysato tijaabadaasi ay soo afjareyso wadaxaajoodkii caalamiga ahaa ee u dhaxeeyey Kuuriya iyo beesha caalamka ee la xirriira hakinta barnaamijkeeda Nukliyeerka. Wasiirka arrimaha dibada Japaana waxa uu sheegay in talaabadan ay halis ku tahay nabadgalayada dunida waxaana uu hoosta ka xaqiiray inaan loo dulqaadan doonin waxa maamulka Pyongyang uu ku sheegay iney ku dhaqaaqday. Kuuriyada waqooyi waxey kamid tahay dalal dhowr ah oo Mareykanku ku sheegay iney yihiin garabyada sharta.
 
            Telefeyshinka Norway oo soo saaray sawiradii  karoonka ee ka dhanka ahaa Nabi Muxamed 
 
Telefeyshinka channel 2-ga dalka Norway ayaa shalay waxa uu soo saaray sawiradii foosha xumaa ee lugu ihaaneynayey Suubanaheena Nabi Muxamed NNKH, kuwaasoo barnaamij taariikh ah  oo ay cinwaan uga dhigeen "Lugu qasbay inuu aamusnaado" kana hadlayey dhibaatadii sawiradaasi geysteen islamarkaaina ay ka soo xigteen wargeyskii xagjirka Jylladns Posten ee daabacay sawiradaasi.  Nin u hadlay barnaamijkaas dokomintaar-ka ah ayaa sheegay iney tani tahay midey ugu halgamayaan waxa uu ku sheegay "xorriyada qowlka ama xorriyada saxaafada" Wasaarada arrimaha dibada ayaa digniin u jeedisay telefeyshinka waxaana u sheegtay in sawiradaasi ay markale caqabado keeni karaan. Wasaaraduna waxaa la sheegay iney siyaalo kala duwan ay ku qancisay danjireyaasha dalalka Islaamka ee dalkeeda jooga. Ururka ay ku midoobeen saxaafada dalkaasi ayaa taageeradooda siiyey talefeyshinka iyo barnaamijka waxaana ay qoraal ay soo saareen ku sheegeen in  barnaamijkaasi uu cabiro xorriyada ay leedahay saxaafadu, iyadoo sidoo kalena qoraalkaas lugu sheegay iney ixitraam u hayaan islaamka aaney macnaheedu taasi aheyn in la sameeyey wax iyaga loogaga soo horjeedo. Dhinaca kale hogaamiyaha urrada islaamka ee Norway Maxamed Xamdaan ayaa tilmaamay in xorriyada saxaafadu tahay mas'uuliyad aad u weyn islamarkaasina aan si qaldan loo adeegsan "hadaad leysin baabuur leedahay macnaheedu maahan inaad ku kaxeyn karto goobaha mamnuuca ah" ayuu yiri sheekh Xamdaan oo ka hadlayey waxa ay reer galbeedku sheegeen xorriyada hadalka iyo sidey u adeegsadeen.
Ugu dambeyntiina dad badan oo reer Norway ayaa isweydiinaya waxa haatan looga gol leeyahay in la soo cubooneysiiyo muuqaalo dhaawacay malaayin muslimiin ah oo dunida ku nool iyadoo sida muuqatana la isku garsiinayo waxa lugu sheegay xorriyada warfaafinta.  
 
                        Afduub loo geystay diyaarad laga leeyahay Turkiga 
 
Diyaarad kuwa rakaabka qaada islamarkaasina siday rakaab dhan 107 ruux ayaa la sheegay in lugu afduubay hawada dalka Gariiga. Farriin laga soo diray diyaaradaas gudahaeeda ayaa lugu  sheegay in afduub loo geystay. War uu sii daayey telefeyshinka Turkigana ee NTVayaa shaaca ka qaaday afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah lagana leeyahay Gariirga ay kasoo bixiyeen hawada dalkeeda  diyaaradaasi iyadoo markii dambana lugu dejiyey Brindisi ee dalka Talyaaniga sida warkan goordambe wasaarada gaashaandhiga laga soo xigtay. Telefeyshinku waxa uu sheegay in labo ruux oo u dhashay dalka Turkiga ay ka dambeeyeen afduubkaasi waxaana  ay ogolaadeen iney isku dhiibaan dowlada dalkaasi.  Ilo xog ogaal ah oo wakaalada wararka Reuters soo xigatay ayaa sheegay in talaabadan lugu afduubtay diyaaradaasi ay tahay mudaharaad loogaga soo jeedo booqashada la sheegayo inuu ku iman doono baadariga ugu sareeya madhabta Kataliga Pope-ka Benedict.
 
Wararkii 2.10.2006
 
 
                Ciidamada Nato oo dad gaaraya 53 qof bishii september ku dilay Afgaanistaan
 
Howlgaladii meleteri ee ciidamada Nato iyo kuwa Mareykanka hormuudka ka yahay ee ku sugan dalkaasi Afgaanistaan ayaa warbixin laga soo xigtay gudiga  komishinka oo arrintaasi diyaariyayey. Warbixinta ayaa sidoo kale lugu sheegay in bishii sepember ee raadkeeda sii qoyan yahay ay ciidamada dalkaasi jooga gobolka Kandahaar ku dileen dad rayid ah xilli ay weeraro meleteri oo culus ay deegaanadaasi ka fuliyeen. Sidoo kale ayey warbixintu qoray in ciidamada isku dhafan ee ISAF la yiraahdo ay dileen dad gaaraya kun qof halka dad badan oo ay ka qaxeen guryahooda. Saraakiisha dagaal ee Mareykanku hormoodka ka yahay ayaan iyagu wax hadal ah kasoo saarin warbixinta laga diyaariyey gobolkaasi. Balse mudooyinkan dambe ayaa dalkaasi xaaladii amni ay faraha ka baxday kadib markii kooxaha Taalibaan ay qaraxyo is daba joog ahi ka fuliyeen kuwaasoo ay la beegsanayeen ciidamada Mareykanka hogaamiye ee ku sugan dalkaasi.  
 
                    Kongoreeska Mareykanka oo fadeexo xagga jinsiga ah laga soo sheegayo
 
Iyadoo muddo bil ah ay ka hartay  dooroshooyinka kongoreeska dalkaasi, ayaa hadana waxaa taasi daba socda dhinaca kale fadeexo xagga jinsiga ah oo hareysay xisbiga Jamhuuriga. Maalintii Jimcihii ayaa ninka la yiraahdo Mark Foley ka baxay booskiisi gollaha kongoreeska kadib markii lahelay fariin qoraal oo xagga jinsiga ah uu u diray wiilal yar yar. Arrintan oo hada ay baaritaankeeda socota ayaa waxey jug xoogan ku tahay xisbiga Bush ka tirsan yahay ee jamhuuriga waxaana la eegaya fariinta xagga e-mail-ka ah ee ninkan u diray carruurta nooca ay aheyd, wiilashaasoo la sheegay iney ahaayeen kuwo da'dooda ka yar tahay 18 sanno. Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku eedeynaya xisbiga jamhuuriyiinta iyo maamulka Bush iney su'aalaha xagga muraal ahaaneed ay sahashaadaan. Afhayeen u hadlay FBI-dana waxa uu sheegay iney arrintani tahay mid gebi ahaanba jebineysa sharciga dalkaasi u yaala.

.... WARARKII ADDUUNKA EE SEPTEMBER 2006...

... WARARKII ADDUUNKA EE AUGUST 2006...

....WARARKII ADDUUNAK EE JULY 2006... GUJI...

.....WARARKII ADDUUNKA EE JUNE 2006.... GUJI....

 ... WARARKII ADDUUNKA EE MAY,2006... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD