SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com


May 31, 2006

Sierra Leon oo dalkeeda ka erisay hey'adaha gargaarka

 
 
Dowlada dalka Sierra Leon ayaa maanta shaaca ka qaaday in dalkeeda ay ka errineyso kontan hey'adood oo kuwa gargaarka halkaasi u jooga kadib markii sida ay ku sheegay ay kasoo bixi waayeen nidaamka mashaariicdooda iyo in sharcigii sanadlaha ahaa ay dalkaasi ku joogi lahaayeen ay cusbooneysiisan waayeen.Hey'adaha dalkaasi laga eriyey ayaa waxaa kamid ah hey'ada ka hortaga xasaradaha ee ICG.
 
Afhayeen u hadlay hey'adaha madaxa banaan ee NGO-yada lana yiraado Eric Jumu ayaa wakalaada wararka ee AFP oo sidaasi u xaqiijiyey ayaa sheegay in ICG keliya uusan go'aankaasi quseyn balse kuwa kalena ay lamid yihiin si deg deg ahna ay dalkaasi uga bixi doonaan.
 
 
   Iska horimaad ka dhacay Turkiga oo afar qofi ku dhimatay
 
 
Afar qofood ayaa ugu yaraan lugu soo waramayaa iney dalkaasi Turkiga ku dhinteen,kuwaasoo labo kamid ahi ay yihiin askar Turki halka labad kale ee kurdiyiinta ahi ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada PKK, kadib markii iska horimaad ku dhexmaray deegaanada ku yaala koonfur bar ee dalkaasi.
Mid kamid ah askartaasi ayaa iska hormaadkaasi ku dhintay halka kan kalena ku dhintay miino la sheegay iney dhigeen dhaq dhaqaaqa PKK ee dagaalka hubeysan kula jira dowlada dalkaasi.
Dhinaca kale gudoomiyaha goblkaasi Cismaan Beydamir ayaa  qarka u saaran in xabsi sanad ah lagu xukumo kadib markii uu bixiyey amarkii aambalaas loogu qaaday meydka mid kamid dabeyleyda kurdida.
Qaanuunka dalkaasi ee arrimaha gudaha ayaa dhigaya inaan ambalaasyada aan si sharci darro ah loo adegsan karrin ama aan lugu qaadi karrin dadka loo arko iney qal qalgelinayaan amniga wadankaasi gaar ahaan kooxaha hubeysan ee kurdiyiinta.
Mr Cismaan Beydamir ayaa isagoo iska difaacaya dembiga lugu heysto sheegay ineysan shaqadooda aheyn iney sheegaan qofka dhintay balse sidaasi u yeelay bani'aadnimada awgeed, haddii ay amuur noocan oo kale qabsan laheyna ay ku dhaqaaqeen waxa sharciga markaasi farayo. Cismaan waa ninka ugu sareeya ee ku jira xisbiga DTP ee doonaya xaquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Kurdiyiinta in xaqooda soo celiyo balse waxa uu ku qasban yahay inuu hogaansamo nimadaamka dalkaasi ka jira ee ka dhanka ah kurdiyiinta.
Mudooyinkan dambena waxaa markale soo cusboonaday xasaradaha u dhaxeeya dagaalyanahada PKK iyo ciidamada dalkaasi tan iyo intii xabad joogin aan waqti loo qaban ay kala saxiixdeen.
 
Imaaradka oo diblomaasigeedii lugu heystay Ciraaqeystay la sii daayey.
 
Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in diblomaasigeedii lugu heystay dalkaasi Ciraaq la siidayey. Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ee Waam oo warkan xaqiijisay ayaa iyadoo soo xiganeysa wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Sheekh Abdulah Bin Zayid sheegtay in diblomaasigaasi la sii dayey.
Wasiirka ayaa u mahadceliyey dowlada  Ciraaq iyo siyaasiinta dalkaasi ee gacanta ka geystay siideynta diblomaasigaasi.
 
Koox kamid ah kooxaha wax afuudba ee dalkaasi ayaa bishii hore waxey afduubeen diblomaasigaasi,waxaana ay cadaadis ku saareen dowlada Imaaraadka iney safaaradeeda ay albaabada u laabto,balse dowlada ay dhagaha ka fureysatay.
Dalka Ciraaq ayaa tan iyo sanadkii hore waxaa aad isku soo tarayey afduubka loo geysanayo diblomaasiyiinta u dhashay dalalka Carabta kuwaasoo qaarkood di lugula kacay, iyagoo weliba dowladihii ay matalayeen laga codsaneyey iney joojiyaan howlaha diblomaasiyadeed ay ka wadaan dalkaasi.
 

May 29, 2006

Qaar kamid ah maxaabiista Guantanamo bey oo cuntadii ka soomay 

 
Wararka laga helayo xabsiga Guantanamo bey ee jaziirada Kuba ayaa la sheegay in qaar kamid ah ay cuntadii kasoomeen. Maxaabiistan oo tiradoodu lugu qiyaasay 75 ayaa iyagu diiday cuntadii tanina waxey wel wel ku qabatay hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnisty u horeyso.
 
Mid kamid ah horjoogayaasha xabsigaasi ayaa sheegay in cunto ka soomida maxaabistaasi ay tahay mid lugu kicinayo xiisad. Waxaana uu hoosta ka xaqiiray iney qeyb ka tahay howlaha ay urrurka al Qaacido ku dooneyso iney saxaafada u adeegsato si beesha caalamka ay dowladiisa u saarto cadaadis ka dhan ah.
 
Maxaabisita Guantanamo bey ayaa iyagu tan iyo sanadkii 2001-ka ku jiray halkaasi iyagoon la soo taagin wax cadalaad ah ama maxkamad lugu soo cadeynayo dembiyada lugu heysto ee argagaxisanimada ah. 
 
Tirada ku dhimatay dhulgariirkii Indooniisiya oo gaaray 5000 
 
Tirada dadka ku dhimatay dhul gariirkii shalay subax ku dhiftay jaziirada Java ee dalka Indooniisiya ayaa gaaray 5100, sidoo kalena in ka badan 6000 oo qof ay dhaawac halis ahi ka soo gaareen.

Sidoo kale kumanaan kun dad gaaraya ayaa iyagana habeenkii sadexaad waxa ay ku baryeen ama hoy u noqday dibada iyo meeliha u dhaw halkii dhul garriiku ku dhiftay kuwaasoo sugaya gar gaarka deg deg ah ee haatan loo sii daabulayo.

 
Xaalad aad u xun ayaa halkaasi laga soo sheegaya iyadoo korarantadii baqtisay iyo roobab halkaasi ka da'ay ay hakad ku keeneen gargaarka dadkaasi loo wado, kadib markii ay adkaatay in gegida diyaaradaha aaneyn shaqeyneyn.

Madaxweynaha dalkaasi usilo Bambang Yudhoyono, ayaa gaaray goobihii ay dhul garirku ka dhaceen waxaana habeenkii  ugu horeeyey la sheegay inuu seexday halkaasi isagoo dadkii waxyeelada qabasatay la qeybsanayey muragada.

 

May 28, 2006

Saxaafada Denish-ka oo markale dib u soo celisey sawiradii ka dhanka ahaa Nabi Muxamed NNKH.

 
 
Waxaa la moodayey in saxaafada Denish-ka intooda caqliga leh ay ku quusanayeen xiisadii iyo naceybkii ka dhashay sawiradii foosha xumaa ee ay ku ihaaneynayeen ummad dhan Rasuulkeed Nabagalyo iyo naxariiski korkiisa ahaatee ee Muxamed, hase ahaatee waxaa muuqata in kooxaha saxaafada sheegtay ee wargeysyo ku sheega aanu caqligoodu shaqeyn.
 
Mid kamid ah waxa ay ku sheegaan wargeysyada dalkaasi ee la yiraahdo Politiken ayaa maanta oo axad ah sawiro kartoon ah oo uu daabacay ku sheegay iney asal ahaan ahaayeen ama uu ka soo xigtay wargeyskii xag jirka ahaa Jyllads- Posten. Sawiradaasi uu maanta wargeysku soo bandhigay ayaa sida uu sheegayo ninka tafaftiraha ah xusay iney tahay mid aan ninkii sawiray u adeegsaday qaab saxaafadeed oo aan la fahmi karrin. Waxaana uu qiray inuu wargeyska horey u daabacay sawiro kale oo kartoono ah oo aan dadka dareenkooda kicin.
Sawirdan kartoonada ah ayaa wargeysku leeyahay waxaa sawiray nin farshaxaniiste ameerikaan ah oo la yiraahdo magaciisa Art Spiegelman.
"Ma ahan wax muhiim ah ama la fahmi karro ujeeda sawiradiisa (waa farshaxaniistaha e)" ayuu yiri Töger Seidenfaden oo ah tafatiraha wargeyskaasi Politiken oo dhinaca kalena iska fogaayey ama diiday in sawiradaasi ay yihiin kuwo ay weli ku daan daansanayaan muslimiinta dalkaasi iyo guud ahaan caalamka. Isagoo weli  sii wada hadalkiisa ayuu sheegay ineysan weligood sameynin hadda kadibna aysan sameyn doonin waxa uu ku sheegay iney yihiin ihaano.
Laakinse marka hadalkiisa dib loogu laabto waxaa laga dha dhansan karaa inuu yiri horey ayaan u daabacanay sawiro dhowr ah oo aan dadka dareenkooda badalin, taasoo oo macnaheeda tahay in sawirada la sheegay ay yihiin kuwo maldahan oo muuqaalo kale loo ekeeysiiyey balse yihiin sawiradii ay ku ihaaneynayeen Nabi Muxamed NNKH.
 
           Xiisad coolaadeed oo ka dhex aloolsantay Israa'iil iyo Lubnaan 
 
In Israa'iil ay diyaaradaheeda duqeeyaan qeybo kamid gudaha dhulka Lubnaan ayaa sida wararku sheegayaan salka ku heysa, dhaawac soo gaaray mid kamid ah askarta Yahooda oo ku dhaawacmay gantaal laga soo riday Lubaan, taasina waxey keentay in dhowr saacadood kadib  iyadana waa Israa'iile  ay weerar ku qaado Lubaan.
Israa'iil oo ka hadashay amuurtan ayaa ku sheegtay in dowlada dalkaasi ay mas'uul ka tahay gantaalka laga soo riday dhulkeeda islamarkaasina ay u gudbineyso cabasho ka dhan gollaha Amaanka.
Balse xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegay iney ka aloolsan tahay xadka u dhaxeysa labada dal taasoo cabsi iyo wel wel badan ku abuurtay dadka daneeyaha arrimaha bariga dhaxe.
 
 
  Dhul gariir xoogan oo dad badani ay ugu dhinteen Indoonisiya
 
 
 
Dhulgariirki xooganaa ee shalay aroortii ku dhiftay jaziirada Java ee dalka Indoonisiya ayaa dadkii ku geeriyooday cadadoodii gaartay 46011, halka kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen Xaalada bani'aadnimo ee halkaasna tahay mid aad u liidato. Sidoo kale in ka badan 200.000 ayaa iyagana ku sugan xaalad hoy la'aan ah, dowladuna ay la tacaaleyso gurmad deg deg ah iyadoo weliba sugeyso kaalmo dibada uga timaada caalamka.
 
Baaxada dhul gariirkan oo lugu qiyaasay 6,2 oo ah halbeega lugu cabiro dhulgariirada ayaa waxa uu ka dhacay gagaagarka Yogakarta oo afar meyl u jirta jasiiradaasi, lamana soo sheegin iney arrintani salka ku heyso duufaanta Tsunami loo yaqaano ee kal hore ku dhiftay dalkaasi meelo kamid ah oo iyada looga cabsi qabay.
Isbitaalada jaziiradaasi iyo tuulooyinka ku heereysan sida Yogakarta ayaa iyagana la sheegay iney buux dhaafeen oo dadka dhaawaca ahi ay hor dhooban yihiin cisbitaalada horteeda halkaaso ay ku sugayaan daryeel caafimaad oo aan dadka lala kala gaarin.
 
Indoonsiya waxey kamid tahay dalalka ugu badan ka dhaca masiibada Rabbaaniga ah sida duufaanada iyo dhul gariirada, waxaa caalamku weli xasuustaa masuubadii caan baxday ee Tsunaami oo dadweyne boqolaal kun gaaraya ay ku naf waayeen kadib markii badweynta Hindiya ee hoosteeda garriirtay.
 
               Dhulgariiradii ugu badnaa ee caalamka ka dhaca
 
 
  • Sanadku markuu ahaa 1908-dii waxaa musiibada Tsunami ku dhintay dad lugu qiyaasay 83.000 taasoo ka dhacday deegaanka Messina oo ku taala dalka Talyaaniga.
  • Sanadkii 1920-kii dhul gariir ku dhacay eega Ningxia waxaa ku dhintay dad gaaraya 200.000.
  • Sanadkii 1923 Yokohama ee dalka Jabaana waxaa dhul gariir ka dhacay ku dhintay dad lugu qiyaasay 140.000
  • Sidoo kale sanadkii 1927-dii deegaanka lugu magacaabo Nanshanpronin ee dalka Shiinaha waxaa ku dhintay dad lugu qiyaasay 200.000.
  • Gobolka Tangshan ee shiinaha waxaa isna sanadku markuu ahaa 1976-dii ku dhintay dhul garriir ka dhacay dad gaaraya 242.000.
  • Dhamaadkii sanada 2004-ta waxaa dalalka ku teetsan badweynta Hindiya ku dhintay dad kor u dhaafay 220 000,kadib markii badweynta Hindiya ay soo butaacday dhul garriir haleelay awgeed iyadoo dhul gariirkaasi baaxadiisana ay saameyn ku yeelatay geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.
  • Sanadkii horena waxaa dad gaaray 75-000 ku dhinteen dhul gariir ka dhacay dalka Pakistaan.

Dhamaan dhul gariiradaasi iyo musiibooyinkaasi dabiicga ah waxey intooda badan ka dhaceen dalalka Asiya marka laga reebo dalka Talyaaniga oo waqti fog ay soo martay.

May 26, 2006

Bush iyo Blair oo ka hadlay arrimaha Ciraaq 

 
Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Tony Blair iyo Bush-ka dalka Mareykanka ayaa shir jiraa'id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Washington ee dalka Mareykanka ku sheegay in Dagaalkii Ciraaq uu sababay qaladaad badan.
 
Bush waxa uu ka hadlay fadeexadadii ciidamadiisa kula kaceen maxaabiistii xabsiga Abuu Qureyb ee sanadkii hore, kadib markii sawiro laga soo qaaday ay muujiyeen xadgudub aad u darran.
Bush waxa kale uu sheegay in hadaladiisii ay ahaayeen kuwo aan wanaag loo arag, labadan hogaamiye weli kama hadlin qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay. Marka laga reebo iney u arkayeen in Saddaam Xuseen dagaalkii lugu qaaday ay aheyd mid sax ah.
Bush kama aanu hadlin goorta iyo cadada ugu badan ee ciidamadooda ka joogta Ciraaq dib loo soo celin doono. Mareykanka ayaa ciidamada ka jooga dalkaasi ay gaarayaan 130 000 halka Blair uu doonayo in ciidamadiisa uu ku soo koobo inta u dhaxeysa 7000- ilaa 8000 oo askari.
 
 
             Hayden oo loo magacaabay madaxa CIA-da
 
Gollaha sanadka dalka Mareykanka ayaa isku raacay in Jeneraal Michael Hayden noqdo madaxa hey'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, kadib markii maajooridka gollahu sidaasi go'aansaday.
 
Ka sokow guux badan oo ay dhalisay kaalintii uu howlaha basaasnimada ee hey'ada aminiga dalkaasi wax kawaday wixii ka dambeeyey weeraradii 11 septermber ee 2001-da hadana waxaa codkii loo qaaday waxa uu helay jeneraalkan 78- 15, taasoo ah mid muujineysa sida jagadaasi loogu gartay inuu qabto.
Haydan waxa uu badalay madaxii hore ee CIA-da Porter Goss, kaasoo dhawaan is casilay, kadib markii sida la sheegay uu dowr muuqday ku yeeshay howlaha hey'adaas, arrimaha amniga iyo siyaasada dibada ee USA. 
 
        Marooko oo qab qabatay kooxo Islaamiyiin 
 
Inkastoo ay horey dhowr jeer u xir xireen booliska dalkaasi kooxo islaamiyin ah oo markii dambe la sii daayey ayaa hadana markale waxey boolisku dib u bilaabeen qab qabashada kooxaha ay ku sheegeen mintidka ah kadib markii wargeysyada maxaliga ah ee dalkaasi ay qoreen in
xubnaha Islaamiyiinta ah ee gaaraya 250.000 ay ku dhawaaqeen dagaal jihaad ah ooloogaga dhigayo dal lugu dhaqo nidaamka shareecada Islaamka.
Kooxahan islaamyiinta ah ee qaar kamid ahiba la qab qabtay ayaa horey waxaa looga digay iney rabshado abuuraan, sidoo kale waxaa laga mamnuucay dalkaasi iyo inaan loo aqoonsan doonin urrur siyaasadeed oo dalkaasi ka shaqeeya.
Booliska waxey maanta u dhaceen xafiisyadii ay lahaayeen iyagoona ka qaaday buugaagtii iyo kombiyuutaradii u yiilay.
 

May 25, 2006

Ameerikaanka oo xaqiijiyey codkii Bin Laadin soo diray

 
Dabcan sidii kuwii hore ee Bin Laadin fariinta cod ahaanta u soo diri jiray ay uga muujin jireen maamulka Washington shakiga ayey tanina kamid tahay, balse markan Ameerikaanku waxey qirteen in cajaladasi codka ah ee Bin Laadin soo diray ay tahay mid sax oo aan qalad ku jirin.
 
Usamaa Bin Laadin hogaamiyaha Al Qaacida ayaa cajalad maqal ah oo u soo diray talefeyshinka Aljazeera ku sheegay in ninka  Marookanka ah ee heysta dhalashada faransiiska Sakariya Muusawi uusan shaqo ku laheyn weeraradii ka dhacay dalkaasi Mareykanka ee gardarro lugu xiray, waxaana uu qirtay inuu isagu yahay kan ka dambeeyey amarkii lugu fuliyey. Sidoo kale Bin Laadin waxa uu maxaabista Guantanamo bey ku sheegay ineysan aheyn laftoodu kuwii dhabta ahaa ee qaraxyadaasi ku lug lahaa.
Muusaawi waa ninka keliya ee la aamisan yahay inuu ku lugu lahaa weeraradii Mareykanka oo maxkamad la soo taago luguna xukumo dalkaasi Mareykanka iyadoo lugu xukumay xabsi daa'in.
 
 
WHO oo walaac ka muujisay dureyga shimbiraha ee sii faafaya
 
Hey'ada Qaramada Midoobey ee u qaabilsan caafimaadka adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa waxey walaac ka muujisay xaalada qoys dhan oo ka kooban toddo ruux ay ugu geeriyoodeen jasiirada Sumatra ee dalka Indoonisiya cudurka shimbiraha ku dhaca.
Peter Cordingley oo isagu ah afhayeenka WHO ee deegaanada Aasiya ayaa sheegay in hey'adu ka walaacsan tahay amuurta la xirriirta cudurkaas ee la sheegay inaan lugu wargelin hey'ada hadey halkaasi joogeen digaagado xambaarsan cudurkaasi. Wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay sababta aan loo ogaadan geerida dadkaasi ee cudurkani sababay.
Qaramada Midoobey waxey haatan da daaal dheer ugu jirtaa sidey beesha caalamka uga heli laheyd kaalmo xoogan oo cudurkaasi loogaga hortagayo.
 
Tan iyo intii cudurkani ka dilaacay dalal ku yaala qaarada Aasiya waxaa uu ku dhacay guud ahaan 207 oo qof, waxaana la sheegay iney u geeriyoodeen 115 ruux. Dalka Jabuuti oo Soomaaliya jaar la ah ayaa ah dalkii ugu dambeeyey waqtigan xaadirka ee cudurkaasi laga soo sheego iydoona gabar yar uu ku dhacay la sheegay iney nooshahay.
 
Guul darro soo wajday shir loogaga arinsanayey Iiraan
 
Shanta wadan ee codka diidmada qayaxan ku leh Qarmada Midoobey iyo dalka Jarmalka ayaa shirkoodii magaalada London ee ay kaga arrinsanayeen naaxinta yuraaniyamka Iiraan ku dhamaaday jawi isafgrad la'aan ah. Amuurtan ayaa timid ka gadaal markii ka hor qabsoomida shirkan ay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ay  sheegeen iney u balan qaadayaan Iiraan kaalmo xagga dhaqaalaha iyo nukliyeerka tamarka si ay u timaado tafaahum iyo  wada xaajood lugu doonayo in lugu hakiyo naaxin macdeenteeda, hase ahaatee Axmedinejaadka dalkaasi ayaa gaashaanka u daruuray codsigaasi.
 
Inkastoo dalalkaasi awooda leh ay isku af garan waayeen qaabka loo wajahayo mushkiladan hadana waxaa maalmaha soo socda lugu wadaa in dowlada Ingiriiska ay kasoo saarto go'aan la xirriira waxa laga yeelayo Iiraan iyo hubkeeda  Nukliyeerka.
 

May 24, 2006

Serbiya oo soo dhaweysay gooni isku taaga Montanegro

Ra'iisal wasaaraha Joguslaafiya Premiärminister Vojislav Kostunica ayaa in dowladiisa ay ixtiraameyso natiijadii kasoo baxday codbixintii loo qaaday gooni isku taaga dhulka Montanegro oo horey uga imid aheyd dhulweynihii Yugoslaafiya la oran jiray. Hase ahaate waxa oo carabka ku adkeeyey inuu si rasmi ah uga war dhowrayo natiijada cod bixintan.

Montonegro ayaa qudheeda waxey dooneysa iney si deg deg ah gooni iska taag ka noqoto Serbiya islamarkaasina caalamka ka hesha muctarif caalamiyah, walow meelo badan oo qaaradan Yurub kamid ah laga soo dhaweeyey.

Wasiirka arrimaha dibada Montanegro ayaa isagu wuxuu rajo ka qabaa in Serbiya ay maanta si labada dowladahood u wada xaajoon doonaan, iyadoo kulanka ugu horeeyana lugu wado inuu qabsoomo muddo sadex bilood kadib.

Masar oo dusha ka saartay weeraradii Dahab kooxo Falastiiniyiin ah

Hadal maanta kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi Masar ayaa sheegtay in saddex kamid ah kooxihii ka dambeeyey weeraradii dhawaan deeganada Dahab ee dalkaasi lugu qaaday ay ka heleen tabarro melatari kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Hadalkan kasoo baxay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi ayaan lugu sheegin kooxaha dhabta ah ee Falastiiniyiinta ee loo maleynayo iney weeraradaasi ka lugu lahaayeen. Bale ninka lugu magacaabo Nasir Khamis al-Mallahi ayaa wasaaradu sheegtay inuu sadexdaasi nin ee eedeysanayaasha ah u diray marinka Qaza si ay tabaro u soo qaataan.

Masjid ku yaala Bakhdaad oo bambaano lala beegsaday

Inkastoo dadka howlgalada noocan ah fulinaya ee guriga Ilaahey moodayey goobo lugu ciyaaray ay yihiin dad aanba ogeyn in xisaabi ka dambeyso, ayaa hadana weerarada lala beegsado goobaha diiniga ah ee Illaahey lugu caabudo noqtay mid caadi ah oo la oran karaba dad baa shaqo ka dhigtay ayaa hadana caawa bambaano la soo dhigay goob baaskaalida iyo gawaarida la dhigto ee ku dhow masjidka shiicada ayaa ku qarxay iyadoo halkaasina ay kow iyo toban ruux lugu soo waramayo iney ku dhinteen.

Booliska magaalada Bakhdaad oo si hoose ugu waramayey wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in maanta sidoo kale qaraxyo kala duwan oo magaalada ka dhacay ay lafteedu ku dhinteen toboneeyo ruux.

Tan iyo intii ciidamada Mareykanka hogaaminayo ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi waxa magaalada Bakhdaad ee dalkaasi ka dhaca maalin walba qaraxyo isdaba joog ah oo ay dad badani ay ku dhintaan dowlada dalkaasi loo dhisayna ilaa iyo haatan nabadgalayo xumada jirta waxba kama qaban marka laga reebo iney ku muransan yihiin dastuur sameynta dalkaasi iyo qaabka kooxaha kala duwan ay ugu qeyb gali lahaayeen awood qeybsiga xukuumada.

Olmert iyo Bush oo ku kulmay aqalka cad

Inkastooy aheyd booqasho horey loo sii shaaciyey lana sugayey guushii xisbigiisa Kadima kadib hadana labada hogaamiye ee Bush iyo Olmert waxey si diiran iskugu gacan qaadeen aqalka cad ee dalkaasi Mareykanka looga arrimiyo xilli uu booqashadiisi ugu horeysay ku tagay Washington.

Madaxweyne Bush-ka Mareykanka iyo ra'iisal wasaaraha Israa'iil ayaa kulankoodi kadib shir jiraa'id oo ay qabteen maanta ayey ku sheegeen in hadafkoodu iyo danahoodu isku mid yahay taasoo ah in la helo Falastiin iyo Israa'iil oo jaar ah, balse urrurka Xamaas aanu aheyn dhinac wadahal loogu iman karro.

Bush waxa u sheegay in xirriir adag dowladiisa ay la leedahay Israa'iil islamarkaaasina uu aamisan yahay xorriyada diimeed ee halkaasi ka jirta, sidoo kale ay falastiiniyiinta iyo yuhuuda nabad kuwada joogaan barriga. Wuxuu dhiniisa u xaqiijiyey wasaare Olmert in dowlada Mareykanka ay heegan u tahay difaacida Israa'iil haddii dibada looga soo hajuumo.Sidoo kale nabada bariga dhexe waxa uu ku sheegay iney tahay mida koowaad ee miiska saaran. Labadan hogaamiye ee aqalka cad ku kulmay waxey muujiyeen sidey ugu go'an tahay in bariga dhexe ka islaaxdo nabad iyo deris wanaag, hadana waxey si cad u qeexeen in Xamaas aysan marnaba wahadal la yeelan doonin inta ay ka aqbaleyso sharuuda ah iney israa'il aqoonsato, Xamaasna waxey u muuqata in baaqyadaasi ay dhagaha ka fureysatay.

May 19, 2006

Mareykanka oo doonaya inuu hubeeyo dalalka deriska la ah Iiran

 
 
Dowlada Washington ayaa dooneysa iney hubeyso dalalka deriska leh dalka Iiraan oo ay si weyn ugu muransan yihiin naaxinta macdanta yuraaniyamka.
Jeffrey Kohler oo madax ka ah waaxda sugida aminga ee wasaarada Gaashaandhiga ayaa xaqiijiyey in Washington ay arrimo noocaas ah ay ku fakereyso.
 
Hubeyntan la sheegayo ee dalalka jaarka la ah Iiraan ayaa ah mid lugu hubeynayo gantaaladaha rabootka loo yaqaan iyo maraakiibta dagaalka kuwaasoo haddii ay weeraro xagga saliida ah lugu soo qaado ay difaaci karran. Sidoo kale  Jeffrey waxa uu sheegay in qorashoodu ugu jirro in dalalkaasi ay adeegsadaan aaladaha casirga ee digtal-ka loo yaqaano si ay guud ahaan u kormeeraan biyaha gacanka carabta. Mar la weydiiyey dalalka howlgalkan ku jira ayuu sheegay iney yihiin dhamaan dalalka aan Iiraan aheyn.
Xukuumadda Washington waxey Iiraan u aragta dalalka halista ku ah danaheeda barriga dhaxe, in dhawaalana waxey ugu yeertay dalalka Garabyada sharta ah ee sida weyn ugu soo horjeeda siyaasada dibada ee Mareykanka.
 
        Sarkaal sare oo Taalibaan ka tirsan oo la xiray
 
 
Mid kamid ah hogaamiyeyaasha ugu tunka weynaa maamulkii Talibaan ayaa gacanta lugu soo dhigay. Sarkaal u hadlay dowlada dalkaasi ayaa BBC-da waxa uu sheegay in la qabtay Mulah Dadulah, waxaana la sheegay iney ku xireen gobolka koonfurta ah ee Kandahar.
Ururka taalibaan ayaan iyagu weli  hadlin qabashada ninkaasi balse ciidamada Mareykanka ee hormuudka ah dagaalka lugu qaaday waxa loogu yeeray argagaxisada ayaa muddo afar sanno ah waxey ku raad joogeen ninkaasi iyo xubnaha taalibaan.
 
Mulah Dadulah ayaa la runsan yahay inuu yahay ninka sida weyn ugu dhow Mulah Cumarkii hogaanka u hayey urrurkii taalibaan. Sidoo kale waxey ku eedeynayaan inuu yahay nin inta badan ku lug lahaa rabshado kasoo cusbooday gobolka Helmanld ee dalkaasi.
 
Maxaabiis ku jiray xabsiga Guantamo oo Sacuudiga lugu celiyey
 
Maxaabiis tiradooda gaareyso 15 maxbuus kuna jiray xabsiga Guantamo bey ee jaziirada Kuba ayaa maanta waxey dib ugu laabteen dalkaasi Sacuudiga, sida uu warkani sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi.
 
Amiir Bin Nawaf bin cabul casiis oo amuurtan ka hadlayey ayaa sheegay in maxaabiistan u dhashay Sacuudiga la soo hortaagi doono sharciga dalkaasi haddii ay ku soo cadaato dembi lugu soo eedeyey ee aragaxisanimada ah ee muddada badan ugu xirnaayeen Guantanamo bey.
Sanadkii hore ayaa sideed kamid ah maxaabiistaasi Guantanamo ku jira dib loogu soo celiyey dalkaasi, shan kamid ah kuwaas ayaa iyaga wax dembi ah lugu waayey halka sadexda kale weli ay xiran yihiin.
Maxaabiista Guantanamo oo tiradooda gaareysay 500 oo ruux ayaa 100 oo kamid ah la sheegay iney yihiin Sacuudiyiin.Sidoo kale sagaal iyo tobankii qof ee lugu eedeynayey iney ka dambeeyey weeraradii Mareykanka ka dhacay ayaa 15 kamid la sheegay iney yihiin Sacuudiyiin.
 

May 19, 2006

Mareykanka oo taageero qarsoodi ah siinaya dagaal oogeyaalka Soomaaliya 

 
Muddo dhowr sanno ah ayaa kasoo wareegtay markii ciidamada Mareykanka ay kasoo tageen dalka Soomaaliya sababo la xirriira fadeexo hareysay howlgalkii loogu magac darray "Rajo so celinta" ee Mareyanku hormuudka ka ahaa. Haatanse Mareykanku waxa uu muuqda mid markale arrimaha Soomaaliya danihii uu kalahaa dib ugu soo laabtay.
 
Mareykanka waxaa lugu eedeyaa inuu taageero cidkasta oo u arki iney burburineyso dowladnimo Soomaaliya ka dhalata. Sidaasi waxaa ku eedeynaya xubno ka tirsan dowlada KMG iyo faallo qorayaal Mareykan iyo Afrikaan ah kuwaasoo ay wareysatay jariidada Washington Post.
 
Dagaaladii toddobaadkii hore lugu hoobtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxey ahaayeen kuwo ay ku hardameeyeen gacan ku heynteynteeda dagaal oogeyaalka Soomaaliya iyo maxkamadaha Islaamiga ah ee Mareykanku arko iney yihiin cadowgooda koowaad ee gees Afrika.
Ra'iisalwasaaraha aan dowladiisa awooda badan laheyn ee inta badan ka howlgasha magaalada Beydhabo iyo Nairobi ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in Mareykanka iyo xukuumadiisa ay danahoodu iskumid tahay balse Mareykanku aan kaashaan dowlada ee uu qaaday waddo qalad ah.
 
Dhinaca kale afhayeenka dowlada KMG C/raxmaan Diinaari ayaa isna waxa uu sheegay Mareykanku uu taageero weyn siiyey kooxaha la baxay la dagaalanka argagaxisada, waxaana uu sheegay in taageeradaasi dhaqaale ay sii hurineyso colaad awal jirtay.
 
Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in dowlada KMG ah ay lafteeda tahay dagaal oogeyaal la isku keenay  oo ciyaaray ciyaar labo jibaarantay sidaas aawadeed ee arrinta Soomaaliya tahay "Xaalada cadowga cadowgiisa"
Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay tahay weli wadan xor u ah Al Qaacida oo kuwii ay ku tuhmayeen iney gacanka geysteen weeraradii saafaradihii Mareykanka ee geeska Afrika ay ku sugan yihiin Soomaaliya.
"Mareykanku wuxuu warbixinta ka iibsadaa dagaal oogeyaalka Soomaaliya taasoo aan rajo ka qabno iney ugu yaraan keento warbixino la xirrira siddii lugu heli lahaa kuwii falkaas geystay" ayuu yiri John Prendergast oo isagu ahaa la taliyihii amuuraha Afrika ee maamulkii Clinton. Isku soo wada duuboo arrinta Soomaaliya oo awal aheyd ilaahow irid uu bixi ayaa dagaaladan aan ujeeda laheyn Mareykankana gacan ka geystay ay ummaddii rajo beel ku rideen, waxaana muuqata in Soomaaliya ay haatan gashay marxalad murugo leh iyo mustaqbal aan la saadaalin karrin.
 
 
     Denmark oo hagrabka shimbiraha laga helay
 
 
Dowlada Denmark ayaa waaxdeeda u qaabilsan cuntada shaaca ka qaaday in dalkaasi laga helay markii ugu horeysay cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan hargabka shimbiraha.
Waaxda cunta ayaa sheegtay in hargabkaasi laga helay xerro digaagado joogaan oo uu lahaa nin xoolo dhaqato ah.Dowladu waxey sidoo kale sheegtay in digaagadihii halkaasi joogay lagowracay si aysan halista laga cudurkaasi u faafin, taasoo ay sheegeen iney wax u dhimi karro dhoofinta digaaga oo ah lambarka afaraad kaga jira wax soo saarka ay dalka dibadiisa u dhoofiyaan.
Denmark waxey kamid noqotay dalal badan oo Yurub ku yaala kuwaasoo laga helay cudurka halista ah ee dad badani u dhinteen caalamka.
 
 
      Amnisty oo cambaareysay booliska Brazil
 
Amnesty International ayaa cambaareyn u soo jeedisay booliska goblka Sao Paulo kadib markii ay ku sheegtay iney jebiyeen xadkii u yiilay sharciga taasoo ay ku dileen mid kamid ah kuwii falalkii aragagaxa lahaa la geystay magaaladaasi. Booliska magaaladaasi ayaa xalay waxey dileen 22 qof kuwaasoo ah kuwa la tuhmayey.Tan iyo intii ay rabashadaha dalkaasi ka bilowdeen waxaa la dilay150 ruux oo ay booliska ku jiraan.
 

May 17

Ayaaan Xirisi oo ka baxday Baarlamaanka Holland  

 
Ka sokow ciqaabtii Ilaahey oo meel u taala Ayaan Xirsi Magan waxey ugu dambeyntii  ogolaatay iney ka tagto dalkaasi Holland iyo Baarlamaankaba kadib markii ay soo shaac baxday beentii ay isku dhiibtay oo la xirrirtay da'deeda, guurkeeda iyo halka ay dalkaasi uga soo gashay.
 
Ayaan Xirsi oo maanta (Talaada, May 16, 2006) kowdii iyo barkii duhurnimo xilliga bartamaha Yurub shir jaraa'id oo ay qabatay ku sheegtay iney ka baxday baarlamaanka dalkaasi, ayaa sheegtay iney sabab ugu dhigtay in gurigii ay daganeyd dowlada ka saartay kadib waxey  kusheegtay deriskeeda oo dacweeyey iyo raadkii uu reebay barnaamijkii telefeyshinka dalkaasi sii daayey dhawaan.
 
Ayaan Xirsi ayaa sidoo kale sheegtay iney u guureyso dalka Mareykanka oo dhawaan shaqo ka bilaabeyso,balse wararka ayaa sheegaya iney daba socoto sameynta filamadeedii ka dhanka ahaa Islaamka gaar ahaan filimkan oo ay kaga hadleyso Islaamka iyo waxa uu ka qabo kooxaha la dhaho Qowmo luudka.
 
Ayaan Xirsi ayaa maanta intiii shirka jaraa'id  ku guda jirtay waxaa dhinac fadhiyey wasiirka maaliyda dalkaas islamarkaasina ah Gerrit Zalm gudoomiyaha xisbiga VVD ayaa isagu sheegay dhalashada dalkaasi ee ay qaadatay ee aheyd mid lugu deg degay.

Inkastoo intii shirka jaraa'id ay ku jirtay aan wejigeedii lagadareemin wax farxad ah hadana waxey ka dhawaajisay iney sii wadeyso waxa ay ku sheegtay Halgankeedii ay kaga soo horjeeday Diinta Islaamka.

 
Wasiirka socdaalka dalkaasi Rita Verdonk ayaa Ayaan Xirsi u sheegtay in lagala noqonayo dhalashada dalkaasi oo ay si qalad ah ku qaadatay.

Isku soo wada duuboo Ayaan Xirsi waxey durbaadana Islaam naceybka ah tunto ugu dambeyntii waxaa la gadoomay doontii musiibadii Rabbi ee loogaga jaaseynayo aflagaadadeedii aan geed ku gabashada laheyn ee ay Islaamka u geystay.

May 15, 2006

Ayaan Xirsi oo siyaasad madow soo wajahday

 
 
Muddo badan waxey boorka isku qariso kuna soo caan baxdo haweeneyda siyaasiyada ah ee ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Holland  asal ahaana kasoo jeeda dalka Soomaaliya ayaa haatan soo wajday siyaasad madow kadib markii la sheegay iney ka been sheegtay shaqsiyadeed markey dalkaasi qaxooti ahaanta isku dhiibeysay.
 
Mid kamid ah xubnaha xisbiga VVD ee ay Ayaan Xirsi ka tirsan tahay ayaa ka codsaday iney ka baxdo xisbiga iyo Baarlamaankaba maadama ay beenley ku sifowday.
Ayaan Xirsi Magan ayaa soo caan baxday sanadkii markuu ahaa 2004-tii markii la dilay mid kamid ah kuwii la sameeyey filim ay si darran Islaamka ugu aflagaadeyneysay, taasoo keentay in muslimiin badan ay ka careysiiso wixii ka dambeeyey waqtigaasina waxii ka dambeeyey waxaa loo sameeyey ragg waardiyeeya. Haatanse waxey ku mashquulsan tahay filin kale oo la sheegay iney kaga hadleyso Islaamka iyo waxa uu ka qabo kuwa ku sifoobay "Qowmo Luudnimada" ( Hommosexual).
 
Talefeyshinka dalkaasi ayaa soo saaray barnaamij uu ku wareysanayo shaqsiyaad ehelkeeda ah Ayaan kuwasoo sheegay inaan weligeed lugu qasbin guur aysan raali ka aheyn iyo ineysan soomarin dal kale oo ka tirsan Yurub, balse waxaa la sheegay iney joogi jirtay dalka Jarmalka. Balse Ayaan Xirsi ayaa iyadu ku doodeysa in sheekada is dhiibisteeda la ogaa tan iyo sanadkii 2002-da markaasoo xisbiga ay ka tirsan tahay u soo sharxay xubinimadeeda baarlamaanka. Isku soo wada duuboo haataan Ayaan Xirsi waxa ku furan qiyad aad xasaasi ah oo ugu yaraan halis ku ah halgankii dheeraa ee ay u gashay daacayadeedii raqiiska aheyd ee ka dhanka ah diinta Islaamka.

 
Qaramada Midoobey oo ciidamo nabad ilaalin ah u direysa Darfur
 
Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta oo talaado ah isku raacay in ciidamo nabad ilaalin ah loo dirro gobolka Darfur ee dalka Suudaan. Gollaha ayaa sidoo kale dowlada Sudan cadaadis ku saaray iney aqbasho ciidamo nabad ilaalin ah oo gobolkaasi loo dirro.
Wuxuu Gollaha  go'aansaday in wefdi ka kooban Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay toddobaad gudahood ku tagaan halkaasi ay u kuuragalaan qaabka ugu haboon ee ciidamada nabada ilaalin lugu geyn karro islamarkaasina ay kala wareegi lahaayeen howsha ciiidamada Afrikaanka ah ee Darfur nabad ilaalinta u joogay tan iyo sanadkii 2004-ta.
 
Wasiirka warfaafinta Suudaan Ibrahim Malek ayaa wakalaada wararka ee AFP u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay wadahal ay la yeelayo Qaramada Midoobey ee la xirriira arrimaha gobolka Darfur.
 
Qaramada Midoobey ayaa muddo aad u fog waxey dooneysay iney mas'uuliyada nabad ilaalineed ee gobalkaasi lawareegto balse ay waqti badan kuqaadatay. Dad gaaraya 180 oo qof ayaa tan iyo markii gobolkaasi xasuuqa ba'an ka dhacay ku dhintay in ka badan 2 milyana waxey ku sugan yihiin xaalad barkac ah.

May 14, 2006

Mareykanka oo qorsheynaya in Liibiya ka furto Safaarad

Inkastoo labada dalka waa Mareykan iyo Liibiya uu xirriirkoodu diblomaasiyadeed ahaa midaan wanaagsaneyn hadana labada dal haatan waxaad mooda iney intii hore iskaga soo dhawaadeen. Dowlada Washington waxey haatan ku camal jirtaa in Tripoli caasimada dalkaasi ay ka furato safaarad ,taasoo xirneyd tan iyo sanadkii 1980-kii sidoo kalena  laga tir tiro dalalka Mareykanka argagaxisada ku sheegay.
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice waxey go'aanka amuurtan ku tilmaantay abaal marrin lugu abaal marinayo Liibiya ka tanaasulidii ay ku sameysay barnaamijkeedii Nukliyeerka.
 
Dhinaca kale Mareykanka oo liiska argagaxisada ka tir tiray Liibiya ayaa waxa uu ku badalay dalalka aan sida buuxda ula shaqeyn dagaalkiisi ka dhanka ahaa waxa loogu yeeray aragagaxisada kuwaasoo ay kamid tahay Venezula si ay warkan ku sheegtay talefeyshinka CNN-ta.
 
Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sanado badan waxey ku sheegi jireen in Liibiya ay kamid tahay dalalka taageera, waxaana arrintani ay sii xoogeysatay markii labo nin oo Liibiyiin ah la sheegay iney ka dambeeyeen diyaaradii Pan America oo ku dul bur burtay gobolka Skotland ee dalka Ingiriiska sanadii 1988-dii halkaasii ay ku naf waayeen dad gaaraya 270.
 
Sanadkii 2003-da dowlada Liibiya waxey ku dhawaaqday iney katanasushay barnaamijkeedii Nukliyeerka taasina waxey kaantay in xirriir hordhac u ah isku soo dhawaansho diblomaasiyadeed dhex marro Liibiya iyo dalalka reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.
Wasaarada arrimaha dibada dalkaasi Mareykanka waxey kongoress-ka dalkaasi hordhigeysaa go'aanka Liibiya looga saaray liiska argagaxisada taasoo iyadana ogolaanshaheeda qaadaneysa muddo 45 cisho.

May 13, 2006

Qarax ka dhacay Neyjeeriya oo ay dad badani ku dhinteen 

 
Ugu badnaan dad gaaraya labo boqol oo qof ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen qarax ka dhacay goob shidaal oo ku taala magaalada xagga ganacsiga caanka ku ah ee Legos.
 
Qaraxan oo ka dhacay deegaanka la yiraahdo Ilado oo 45 kilo meter ka xigta xagga bari ee magaalada Legos, ayaa gargaarkii gurmadka ahaa ee halkaasi gaaray sheegeen iney arkeen dad badan oo meyd gubtay ah ay daadsanaayeen hareeraha halka shilkaasi ka dhacay. Weriyaha BBC-da oo isagana gobotaasi gaaray ayaa sheegay inuu arkay doon biyaha ku dhex jirta oo ay ka buuxeen dad gubtay. Xoghayaha laan qeyrta ee Neyjeeriya Abiodun Orebiyi oo u waramayey wakaalada wararka AFP ayaa shaaca ka qaaday in goobtaasi musiibada ah ay ku gubteen dad gaaraya boqolaal qof.

Inkastoo Neyjeeriya ay kamid tahay dalalka xagga saliida ku hormaray hadana dalkaasi sanadooyin badan waxaa ka dhaca qaraxyo la xirrira dhuumaha saliida maraan iyadoo sababaha keena qaraxyadaasi aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogeyn balse ay ku dhinteen in ka badan 4000 qof oo dad ah tan iyo sanadii 1998-dii markaasoo ay si rasmi ah u bilowdeen qaraxyada la xirrira dhuumaha saliida dalkaasi. 

 
       Suuriya oo si "Mabda'iyan" u aqbashay danjiraha Lubnaan
 
Wasiirka arrimaha dibada Walid Muallem oo booqasho haatan ku jooga dalka Kuwait ayaa sheegay in dowladiisa ay si mabda'iyan ah ugu fekareyso iney aqbasho denjiraha Lubnaan u fadhiya wadankiisa, waxaana uu hoosta ka xaqiiray iney arrintani qabsoomeyso marka laga gudbo xaalada haatan lugu jiro ee labada dal u dhaxeysa.
Wadamada Mareykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa jimcihii waxey soo hordhigeen gollaha qaraar ay ku doonayaan in labada dal ay xirriirkoodi diblomaasiyadeed ay dib u soo celiyaan islamarkaasina ay laftooda ay lajaan qaadan hanaanka geedi socodka ee bariga dhaxe ka jira.

Suuriya iyo Lubaan wuxuu xirririkoodu xumaaday markii sanadkii hore la dilay ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Rafiiqal Xariiri oo dilkiisa dusha laga saaray Suuriya, sidoo kale Suuriya waxey soo afjartay joogitaankii ciiidamadeedii muddada 29 sanno ahaa ee dalkaasi ka joogay kadib markii cadaadis badan uga yimid beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka oo aan xirriir wanagasan laftoodu ka dhaxeyn.

 
Al Qaacida oo ku baaqday in weeraro laqaado aflagaadadii Nabi Muxamed kadib
 
Cajalad fiidiyow ah oo lugu soo bandhigay bogga ay internet-ka ku leeyihin  urrurka Al Qaacida ayaa ku baaqay iney ku weeraro dalalkii qeybta weynta ka geystay faafintii sawiradii foosha xumaa ee lugu ihaaneyenayey Nabi Muxamed NNKH.
 
" U dhinta Rasuulkiina oo ciqaaba dalalka yar yar sida Norway, Denmark iyo Faransiiska oo arrinkooda ka dhiga midaan aayo laheyn ceymasho halaag mooye" ayuu yiri Maxamed Xasan oo ah Liibiyaan sanadkii hore ka soo baxsaday xabsiga ku yaala dalka Afgaanistaan. Tan iyo intii  uu aflagaada darran u geystay wargeyska xag jirka ee Jyllands Posten Rasuulka Muxamed ah NNKH  islamarkaasina wargeyso badan oo reer galbeed ah ay ka daba qaateen waxaa aad isku soo tarayey baaqyada iyo hanjaabadaha ay Al Qaacida ee dalalkaasi la xirrirta, waxey sidoo kale aflagaadadaasi abuurtay kacdoon iyo rabshado badan oo loogaga soo horjeedo dalal badan oo reer galbeedka ah. 

Wararkii May 12, 2006  

Jabuuti oo laga helay Hargabka Shimbiraha ee Dilaaga ah...

 
Wakaalada wararka u faafisa dalka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in qofkii ugu horeeyey ee ku dhaca cudurka dilaaga ah ee loo yaqaan Hargabka shimbiraha (H5N1) laga helay dalka Jabuut.
 
Wasiirka caafimaadka dalkaasi  Cabdulaahi Cabdi Mayal ayaa isagana dhinciisa u xaqiijiyey AFP in cudurkaasi uu ku dhacay gabar labo jir ah islamarkaasina ay nooshahay gabadhaasi.
 
Jabuuti waxey noqotay wadankii ugu horeeyey ee ku yaala Afrikada Bari ee cudurkaasi laga soo sheego, inkastoo dalal badan oo Afrikaan ah horey looga helay, hadana cudurkan baaxadiisa waxey khatar u tahay dalka Soomaaliya oo aan muddo 16 sanno aan arag dowlad dhexe iyo maamul mideysan taasoo misna halis ku ah nolosha dadka dulman ee soomaaliyeed ka sokow caafimaad la'anta la ciirayey nabadgalyo xummo tii ugu darneyd ee xilligan aadanahu tirsado. Su'aashuse waxey tahay maadama Soomaaliya ay gashay xaalad mugdi ah iyo mustaqbal madow yaa u maqan cudurkan la hakin weysan yahay ee caalamkaba wel wel ku haya?.

Jabuuti waa dalkii 10aad ee cudurkan laga helo, daafaha dunida waxaa ilaa hadda lagu soo waramay in ay cudurkani uu ku dhacay 207 qof, waxaana u dhintay 115 qof.

Wasaarada Caafimaadka Jabuuti waxa ay dadweynaha kula talisay in ay ka dheeraadaan shimbiraha lagu tuhmo inay jirran yihiin.

Adduunka oo dhan waxa uu ka cabsi qabaa in cudurkani uu noqdo mid faraha ka baxa.


May 11, 2006

Indoonisiya oo taageero siineysa Iiraan

Iyadoo muranka Nukliyeerka ah ee u dhaxeeya reer galbeedka iyo Iran uu halkeeda yahay ayaa hadana madaxweynaha dalka Indoonisiya waxa uu taageero u muujiyey qorshaha ay Iiraan ay sida nabadgalayada leh ku dooneyso iney u adeegsato tamarka Nukliyeerka.

Kulan ay maanta yeesheen labadan hogaamiye ayaa war saxaafadeed ay si wada jir u ah u soo saareen ayuu Madaxweyne Bambang Yudhoyono muujiyey taageerada ay arrintan dowladiisa u aheyso, waxaana uu sheegay wararka sheegaya in Iiraan ay dooneysato iney sameysato hubka wax gumaada ay yihiin warar aan jirin shacabka reer Iiraana ay aad uga wel welsan yihiin cunno qabateynta la doonayo in lugu soo rogo.

Madaxweynaha Iiraan ayaa toddobaadkan horaantiisa waxa uu warqad fariin ah u diray madaxweyne Bush-ka Mareykanka taasoo uu ugu codsanayo in dowladiisa loo aqoonsado dal kamid ah dalalka leh Nukliyeerka, hase ahaatee dowlada Washington ayaa amuurtan gaashaanka ku dhiftay waxaana ay ku tilmaamtay dacaayad raqiis ah.
 
Mid kamid ah Imaamyada Muslimiinta oo Denmark ka tagay
 
Axmed Abuu Laban oo kamid ah imaamyada muslimiinta dalka Denmark kuwooda ugu magaca dheer ayaa ka tagay dalka Denmark kadib markii uu sheegay inuu u muuqdo mid farta loogu fiiqay argagaxiso ahaan.
"Waqtiyadii ugu dambeysay waxaan muuqday mid lugu shaabadeeyey argagaxisada mana aqbalayo arinkaasi" ayuu yiri Abuu Laban oo wareysi siiyey wargeyska xag jirka ah ee Jyllands Posten oo horey aflagaado ka dhan ah Nabi Muxamed  NNKH u geystay.
 
Inkastoo muran iyo guux badani ay ku jirto sababta keentay inuu ka guuro dalka Denmark ayaan ilaa iyo hada muslimiinta dalkaasi laftooda siyaalo kala duwan u arkaan. Qaarkood ayaa sheegay in xaalad deganaansho ah aan lugu tilmaami karin arrinkiisa, mid kamid ah urrurada islaamka sheegta ee dalkaasi ka jira ayaa ku tilmaamay Imaamka mid aan ka faa'iideysan 20-kii sanno ee Denmark uu ku noola.
 
Abuu Laban waxaa lugu eedeynayaa inuu qeyb ka ahaa culmo muslimiin ah oo dalalka bariga dhexe u duulay si ay u kiciyaan dareenka Muslimiinta ee carada weyn ka qaaday aflagaadadii wargeyska xag jirka ah ee Jyllands- Posten.
 
Haweeneyda faquuqa qabta islamarkaasina madaxda ka ah xisbiga caanka ku ah shisheeye naceybka Pia Kjärsgaard ayaa aad u soo dhaweysay wararka sheegaya in Abuu Laban ka baxayo dalkaasi waxaana ay ku baaqday kuwa kale ee lamidka ah iyagana dalka la eryo.

May 9, 2006

Axmedi Nejaad-ka Iiraan oo warqad fariin ah u diray Bush 

Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
 
Madaxweynaha dalka Iiraan Axmedinejaad ayaa fariin qoraal ah u diray madaxweyne Bush-ka dalkaasi Mareykanka. Warqadan fariinta ah oo ku qorneyd afka ingiriisiga ayaa aheyd tii ugu horeysay ee noocooda ah  loo dirro madaxweyne Mareykan ah tan iyo markii xumaaday xirriirka labada wadan muddo haatan laga joogo 26 sanno.
 
Dad ku dhow dhow Axmedinejaad ayaa sheegay in fariintaasi warqada ah ay ku qornaayeen arrimo badan oo ka hadlayey muranka caalamiga ah ee ka dhashay Nukliyeerka Iiraan ayuu ku sheegay warqadiisa ineysan sahlaneyn amuurtan waxaana uu kaga codsaday warqadiisa in Bush Iiraan u aqoonsado dal leh Nukliyeer sidoo kalena Ciidamada ka jooga Ciraaq uu ka daad gureysto.Fariitan oo loo diray madaxweynaha Mareykanka oo loo marsiiyey safaarada Swetzerland ayaa wararkii laga helayey madaxda Mareykanku sheegeen ineysan ogeyn iney jirto iyo inkale balse jawaab fariintaasi ku saabsan oo ay bixiyeen massulinta aqalka cad ayey ku sheegeen ineey aheyd mid jees jees ah.Shiinahuna wuxuu ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii Iiraan lugu soo rogo cunno qabateyn.
 
K/Kuuriya oo ciidamadeeda kasoo baxsaneysa Ciraaq
 
Ciidamada Koonfurta Kuuriya ee ka jooga dalka Ciraaq ayaa maanta oo talaado ah bilaabay iney kasoo daad gureeyaan kun askari oo kamid ah 3200 -kale ee ka jooga Ciraaq .
War laga soo saaray wasaarada Gaashaandhiga ayaa lugu sheegay in daad gureynta ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin qorsho ay dowlada ku dooneyso iney uga soo saarto ciidamadeeda ka hor intaan la gaarin dhamaadka sanadkan.
Kuuriya waxey noqoneysaa wadanka sadexaad ee ciidamada ugu tirada badan ka joogaan dalka Ciraaq, waxaana ay howlo dib u dhis ku joogeen magaalada Arbil oo ku taala waqooyiga Ciraaq, mana jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray tan iyo intii ay dalkaasi ciidamadooda u d
 
Nin ka tirsan shaqaalaha Q M ee ku sugan Leybeeriya oo lugu eedeyey faro xumeyn
 
Nin ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugnaa dalka Leybeeriya ayaa shaqadiisa laga eryey kadib markii lugu eedeeyey inuu faro xumeyn u geystay gabadh yar oo reer Leybeeriya ah.
 
Afhayeen ku sugan magaalada Geneva ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan toddobo qof oo iyagana ka tirsan shaqaalahaasi ay ku kaceen falal fara xumeyn ah kuwaasoo ay baaritaankoodu u socdo.
Hey'da Save children ee Ingiriiska  ayaa  qeylo dhaan ka soo yeertay kuwaasoo ay ku sheegtay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan dalka Leybeeriya ay u geysteen farro xumeyn carruur yar yar oo tan ugu  tahay 8 jir.
 

Wararkii: May 7, 2006

Mareykanka oo Al Qaacida ka ugaarsanaya Soomaaliya

 
Ma ahan wax la yaab leh in Mareykanka maanta Soomaaliya waxa uu doono ka yeelo iyadoo uu adeegsanayo calooshood u shaqeystayaal aan garaneyn ujeedada laga leeyahay. balse waxaa la yaab leh in Mareykanka in karro eedeymaha marwalba loo soo jeedsho aakhirkiina isagoo awood sheeganaya cadeeyo waxa lugu eedeyey, taasoo macnaheedu tahay "Anigaa sameeyey ee maxaad iga qaadi kartaa?" Dabcan awood sheegeyso ruux kaa awood badan markey cagaha dhulka kuugu garaacdo macnaheedu waa waxba kuuma yaalaane dagaal diyaar u noqo.
 
Hadaba tan iyo markii lugu dhawaaqay waxa loogu yeeray "La dgaaalanka Argagaxisada" kooxo wadaado isku sheegay ay fooda is dareen waxaa soo shaac baxayey tuhunkii Mareykanka laga qabay ee ah inuu dagaaladaasi ku lug leeyahay taasoo aakhirkii keentay inuu qirto.
Ilo lugu kalsoon yahay ayaa wakalaadaha wararka waxey kasoo wariyeen in Mareykunku lacago ku bixiyo ciddii dili lahey ragg la sheegay iney ka tirsan yihiin waxa Mareykanku yaqaano "argagaxisada" kuwaasoo la sheegay iney ku sugan meelo kamid ah dalka gudihiisa.Markeynka oo aamisan in raggaasi ay magan u yihiin maxkamada Islaamiga ah ayaa sheegay in Maxkamaduhu laftoodu ay hayaan wadadii Taalibaan. Diblomaasiga ay wakaaladuhu ka soo wariyeen warkan ayaa sheegay in Mareykanku uu adeegsaday dagaal oogeyaalka ku sugan magaalada Muqdisho si gebi ahaanba looga saaro meesha kooxahaasi Islaamiyiinta ah.
 
            Qaramada Midoobey oo ka shirtay barnaamijka Nukliyeerka Iiraan
 
 
Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maalintii shalay ahaa shir ay kaga hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka Iiraan yeeshay waxaana uu shirkaasi ku dhamaaday guul darro kadib markii dalalka xubnaha ka ah ay isku fahmiwaayeen qaabka loogaga hortegi karro naaxinta macdanta Yuraaniyamka Iiraan ee sida weyn muranka caalamka uga dhaliyey.
 
Wadamada Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyagu ku dhegan fikirkoodii hore ee ay ku doonayeen in wax laga badalo qaabka golluhu ku doonayo in laga  soo saaro qaraar ka dhan ah, halka Mareykanka iyo Faransiiska ay doonayaan in arrimaha hor yaala gollaha wax la qabto. Danjiraha Shiinaha Wang Guangya ayaa sheegay in dowladiisa aysan rusaneyn in Iiraan nabadgalayada caalamka aysan ku aheyn halis sidaasi daraadeed aaney jirin sabab loogu soo rogo cuno qabateyn dhaqaale iyo mid meletari.
Tan iyo inta ay si rasmi ah u shaacisay iney adeegsaneyso barnaamijka nukliyeerka ay ku sheegtay mid nabadeed waxaa caalamka hareeyey muran xoog leh oo la xirriirta amuurtaasi si kasta oo da daal xoogan looogu gallo xal u helida mushkiladan waxaa muuqata in muranku sii xoogeysanayo beesha caalamkuna ay ka qabto in qaab melateri loo adeegsado halkii xal diblomaasiyadeed iyo wadahal lugu dhameyn lahaa.
 
            Bush: "Waan jeclaan lahaa in la xirro Guantanamo bay"
 
Madaxweynaha dalka Mareykanka Bush ayaa maanta oo axad ah ka dhawaajiyey inuu jeclaan lahaa inuu xiro xabsiga Guantanamo bey oo ah halka lugu hayo maxaabiis badan oo laga soo daabulay dalka Afgaanistaan.
 
Wareysii uu siiyey telefeyshinka ARD ayuu sheegay inuu jeclaan lahaa in la xirro xabsiga Guantanamo bay si loo horkeeno waxa uu ku sheegay cadaalad maxaabiista lugu soo qab qabtay dagaalkii ka dhanka ahaa argagaxisada ee lugu qaaday Afgaanistaan. Bush oo ka jawaabayey su'aal aheyd " sidee ayaad ku badaleysaan aragtidada ay beesha caalamka ee la xirriirta xaquuqda bani'aadnimo ee maxaabiista Gu'antanamo bay" ayuu sheegay inuu ka dhowrayo jawaab maxkamada Maxkamada Sare ee dalkaasi in maxaabiistaas la horkeenayo maxkamad melateri  iyo in kale.

WARARKII MAY 5, 2006

Madaxweynaha KMG ee Soomaaliya oo wareysi siiyey saxaafada Sweden

"Kani waa madaxweynihii Soomaaliya qeyb kamid ah dalkiisa waxaa u taliya kuwo kale saas oo ay tahay wuxuu aaminsan yahay isagu in sanad iyo ilaa sanad iyo bar ay hagaagi karto si taasi loogu guuleystana waxey u baahan tahay taageero dibada ka timaada oo ay dowlada cusubi hesho" 
Ereyadaasi waxey kamid yihiin qoraal dheer oo u qoray wargeyska la yiraahdo Svenska Dagbladet oo wareysi uu la yeeshay maalintii shalay aheyd daabacay. Waxaana wareysigaasi ahaa qoraalkii ugu horeeyey ee ay saxaafada Sweden kaga hasho socdaalka labada cisho qaatay ee madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya ku joogay wadankan Sweden marka laga reebo booqashadiisa oo ay wasaaradda Arrimaha Dibada Sweden boggeeda internet-ka ay ku soo qortay haweeneyda afhayeenka u ah dowlada Sweden ee la yiraahdo Annika Söder.
 
Madaxweyne C/laahi Yuusuf wareysi uu siiyey wargeyskaasi ayuu ku sheegay iney walaac ka heyso wararka  aan la xaqiijin ee sheegaya in dowlada Mareykanka dhaqaalo siisay hogaamiye kooxoodyada Muqdisho ka jira si ay ula dirrirto kooxaha Islaamiyiinta ah.

 
" Mareykanku waxey runsan yihiin in dagaal oogeyaalkaasi ay soo qaban karaan kooxaha Al- Qaacida ka tirsan ee jooga Soomaaliya,balse waxaa haboon iney annaga nala shaqeeyaan anagaa dowlada jirta ah waana kasoo horjeednaa taageero ka baxsan dowlada"  ayuu yiri mudane C/laahi Yuusuf oo wareysigaasi siinayey wargeyska Svenska Dagbaladet isagoo dhinac kalena ka muujiyey walaac la xirrriirta taageerada dhaqaale ee la sheegayo ee hogaamiyeyaasha wasiirada noqday ee dagaalka dhawaan ku dhexmaray maxkamada Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho taasoo uu ku sheegay iney tahay mid wax u dhimeysa awooda ay dowladiisu ku dooneyso iney xukunka oo dhan dalka ku baaho.
 
Wareysiga oo wargeyska oo aan wax badan ka qorin booqashada Madaxweynaha marka laga reebo in sawir ay uga qaadeen isagoo fadhiyey kursi kamid ah kuraasta hotel Grand oo uu deganaa, ayaa qoray nabad la'aanta Soomaaliya ka jirta ay lamid tahay mid haatan ka jirta Afgaanistaan oo uu sheegay wargeysku in dowladu wel wel ka qabto iney gabaaad ka dhigtaan kooxaha lugu tilmaamay argagaxisada.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha sheegay inuu u baahan yahay cuno qabateynta xagga huba ee lugu soo rogay Soomaaliya laga qaado si dowladiisu ay  awood u yeelato iney xakameyso amaan darrida jirta. Wargeyska Svenska Dagbaladet ma uusan qorin cida ka tirsan mas'uuliyiinta  Sweden oo madaxweynaha la kulmay maadama ay booqashadiisu aheyd mid aan rasmi aheyn.

 
Sweden oo camraaneyn kala kulantay dal kugal ay siiyey xubno ka tirsan Xammaas
 
Dowlada Sweden ayaa cambaareyn xoog leh waxey uga timid dalalka xubnaha ka ah wadamada Shangaay-ga la isku yiraahdo, kadib markii ay dal ku galka dalkeeda siisay wasiirka arrimaha qaxootiga u qaabilsan falastiiniyiinta Atef Im-Adwan oo la sheegay inuu ka qeyb galayo kulan ay yeelanayaan jaaliyada falastiiniyiinta ee Sweden.
 
Wasiirada arrimaha dibada Israa'iil ayaa cambaareyn u diray dhigeeda Sweden ee dhawaan la magacaabay taasoo ay ugu sheegtay in dowladiisa ay dal ku gal siisay urrur ay u aragto inuu yahay argagaxiso. Sidoo kale dowlada Faransiiska oo horey wasiirkaasi ugu diiday dal ku galka dalkeeda ayaa sheegtay iney tahay mid wax u dhimeysa dalalka ee ku jira bahwadaagta Shangaay-ga.

Ra'iisal wasaaraha dalkan Sweden Göran Person ayaa dhiniciisa difaacay fiisaha la siiyey wasiirka qaxootiga Falastiiniyiinta, waxaana uu sheegay in xubnaha qaarkood ee ku jira Xamaas aan lugu sheegi karin argagaxiso balse urrurka uu yahay mid sidaas  ah.

Heshiis laga gaaray colaada gobolka Darfur

 
Dowlada dalka Suudaan iyo xoogaga ka dagaalama gobolka Darfur ee dalkaasi Suudaan ayaa heshiis lugu soo afjarayo coladaada socotay saddex sanno kala saxiixdaygaaray.
Colaadan la soo afjaray ayaa waxaa gacan weyn ka geystay Midowga Afrika iyo cadaadis uga yimid beesha caalamka, inkastoo xubno ka tirsan jabhada SLM ay ka guuxeen heshiiskaas lala saxiixday dowlada Suudaan hadana waxaa rajo laga qabaa iney soo dhameysto muranka u dhaxeeya Suudaan iyo xoogaga Darfur.

Wararkii Isniintii 1.5.2006

 
Iiraan oo lugu eedeynayo iney dad ku leysay gudaha dalkaasi Ciraaq 
 
Hogaamiye ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee KKP ayaa sheegay in ciidamada Iiraaniyiinta ay gudaha dhulka Kurdiyiinta ku dishay ka tirsan jabhadaasi halka qaar kale oo ka tirsan dadka deegaankana ay guryahooda ka carareen kadib weeraradaasi. Weerarka ay soo qaadeen ciidamada Iraaniyiinta ayaa hogaamiyaha oo u wararmayey wakaalada wararka AFP sheegay iney socotay saacado badan habeenimadii isniinta soo galeysay.

Wasaarada gaashingta ee Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in Iraan xadgudub ku sameysay dalkooda iyadoo weerar qaatay 24 saac ay ka geysatay deegaanada kurdidu degto ee waqooyiga Ciraaq. Iiraan habayaratee  eedeymahan kama hadlin. 

 
Mareykanka ay ka dhacayaan banaanbaxyo lugu taageerayo soogalootiga
 
Boqolaal kun oo ka tirsan ajanabiga dalkaasi Mareykanka ayaa lugu wadaa iney maanta dibad baxyo ka dhigaan dhamaan gobolada dalkaasi ka kooban yahay. Dibad baxan ayaa loogu magac darray "Maalintii la'aanta ajaanibta" ayaa hey'adihii soo qaban qaabiyey ku baaqeen in iyadoo muraal taageero ah la siinayo soo galootiga dalkaasi ay dadka ka joogaan shaqada, carruurtana loo dirin iskuulada iyo sidoo kale aan dukaamanka adeeg laga doonan, taasoo muujineysa bey yirahdeen awooda dhaqaale ee dadka soo galootiga wadankaasi ay ku leeyihiin.
Ujeeda kooxahan ku baaqay banaanbaxa ayaa sheegay iney tahay in dowlada dalkaasi ay nidaamkii ay dhawaan soo rogtay wax ka badasho si dhamaan dadka sharci darrada ku soo galay dalkaasi ay u helaan joogitaan sharci ah. Warshado badan oo ka tirsan dalkaasi islamarkaasina shaqaalihiisa siiya lacago aan buurneyn ayaa iyagana sheegay iney xirayaan warshadooda si ay u taageeraan dadka soo galootiga ah.
 
  Shiinaha oo dabacsanaan u muujiyey muranka Nukliyeerka Iiraan 
 
Danjiraha Shiinaha ee u fadhiya Qaramada Midoobey Wang Guangya ayaa sheegay iney tahay arrin qatarteeda wadata haddii golluhu isku dayo inuu cuno qabateyn ku soo rogo dalkaasi Ciraaq oo naaxitan macdanta Yuraanimka muran weyni ka taagan tahay.
 
"Arrintan gebi ahaan waxaa lugu xalin karaa hab dilomaasiyadeed" ayuu yiri Wang Guangya oo u waramayey warfidiyeeno isagoo ku suganaa gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in hey'ada quwada caalamiga ah ee Atoomikada ay si buuxda u kormeeri karrto howlaha Iiraan ee nukliyeerkeeda si aysan u iman buu yiri danjiruhu in heshiiskii hore aan habacsanaan ku iman. Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa u arka in Shiinaha uu dabacsanaan weyn arrintani u muujinayo isagoo weliba lugu eedeynayo in ka cago jiidayo cunoqabateyn lugu soo rogo dalkaasi.
 

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006