SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com


Hooyo Soomaaliyeed oo loo xiray gudniin ay ku sameysay gabdhaheeda 
 
Iyadoo maalmo keliya ay kasoo wareegtay xukun maxkamadeed oo muddo afar sanno ah lugu xukumay aabe soomaaliyeed oo degan magaalada Gothenburg ee wadankan Sweden ayaa waxaan xarunta booliska  ee gobolka lugu hayaa dacwadeedana loo gudbin doonaa maxkamad hooyo soomaaliyeed oo iyadana lugu eedeeyey iney gudniin sharci darro ah ku fulisay gabdhaheeda sanadku markuu ahaa 2000.
 
Hooyadan ayaa sidoo kale lugu eedeyey iney dabakac ku sameysay gabadheeda kuwaasoo ay si aad ula socon jirtay xaaladooda markey ka soo rawaxaan iskuulka,iyadoo weliba la sheegay iney gubi jirtay gacmahooda sabab kastaaba ha ku gubtee. Dhamaan carruurta ay dhashay hooyadan ayaa dowlada la wareegtay marka laga reebo gabadha weyn oo qaangaar ah islamarkaasina dacwadan ka dhanka ah hooyadeed ku soo oogtay.

"Haweeneydani waxey beeneysay dhamaan eedeymaha loo heysta ee la xirriira gudniinka,cadeymaha aan haatana heynana ma doonayo inaan dhex galo" ayuu yiri Håkan Larsson oo ah xeer ilaaliyaha dacwadan gacanta ku haya,dhinac kalena sheegay iney jiraan tilmaamo muujinaya dowrka ay ku hooyadani ku yeelatay dembiga loo heysto. Toddobaadka dambe ayaana lugu wadaa in amuurtan loo gudbiyo maxkamada Gothenburg. Hadey taasina dhacdo waxey noqoneysaa shaqsigii labaad ee soomaali ah oo dacwad gudniin la xirriira loo horkeeno maxkamada.

Maalintii isniintii ayey aheyd markii aabe soomaaliyeed oo in muddo ah dacwadiisa soo jiitameysay maxkamada magaalada Gothenburg ee caasimada labaad ee wadanka Sweden ku xukuntay afar sanno xarig ah iyadoo xukunka rasmiga ah ee amuurtani tahay tobbon sanno oo xarig ah.

 
Ikraam Cali-kaar
SomaliTalk- Gothenburg

June 26, 2006

Aabe Soomaaliyeed ee lugu eedeyey in gabadhiisa guday ayaa afar sanno oo ah xarig ah lugu xukumay

 
Aabe Soomaaliyeed oo in dhawaaleba ay dacwadiisa ka socotay magaalada Gothenburg ee caasimada labaad wadanka Sweden ayaa maanta maxkamadii dhageysaneysay dacwadiisa waxey ku xukuntay afar sanno oo xarig ah. Kadib markii maxkamadu sheegtay in gudniin bareer ah uu ku sameeyey gabadhiisa. Sidoo kale uu labo kamid ah carruurtiisa u kaxeeyey Soomaaliya iyadoo aan ogolaansho buuxda ka heysan hooyadii carruurtaasi dhashay oo mas'uuliyada tarbiyadeed kala dhaxeysay.
 
Xeer Illaaliyaha Maxkamada haweeneyda la yiraahdo Margareta Henerikson ayaa iyadoo iyadu u sheegtay saxaafadda iney ka fakareyso iney racfaan ka qaadato iyo inkale xukunka maxkamada oo ay ula muuqato midaan lugu qancin.

Maxkamada ayaa iyadu aaminsan in wareysigii muuqaalka ahaa ee booliska ka qaadeen gabadhan 13 jir-ka ah ay tahay mid xaqiiqo ah oo baaritaan xagga jinsiga ay ku sameeyeena ay tahay mid rasmi ah oo tilmaameysa in gabadhaasi gudniin sharci darro ah lugu sameeyey, waa sida hadlka loo dhigay'e.

Aabahan oo afar sanno xarig ah lugu xukumay ayaa horey waxa uu iskaga fogeeyey dhamaan eedeymahaasi, waxaana uu sheegay in gabadhiisa ay xarriir la laheyd nin da'ahaan kaweyn kaasoo uu ku sheegay in gabadhiisa ka caqli badiyey. Gabadhiisa oo 13 jir ayaa sanadkii hore waxey kasoo baxsatay dalka Soomaaliya oo ah halkii ay kula nooleyd afar sanno aabaheed, waxaana ay isku dhiibtay safaarada Sweden ee Addis Ababa oo iyagu suuragaliyey iney gabadhaasi dib ugu soo laabato dalka Sweden.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda wadankan Sweden inta la ogyahay qof ajanabi ah gaar ahaan qowmiyada Soomaalida maxkamad loo soo taago gudniin islamarkaasina xukun lugu fuliyo. Haweeneyda xeer ilaaliyaha ayaa iyadu tilmaamtay iney tahay guul u soo hoyatay dalkan oo howl adag wax ka qabtay. Waxaana uu xaal marrin lagac aad u fara badan siinayaa xaaskiisi hore iyo gabadhiisi oo si xun ula dhaqmay, sida warka loo dhigay.

Mareykanka oo qorsheynaya in ciidamadiisa kala soo baxo dalka Ciraaq 
 
Ciidamada tirada badan ee ameerikana ka jooga dalka Ciraaq ayaa haatan la qorsheynayaa in la dhimo tiradooda, dowlada dalkaasi ayaa maanta warkaasi shaaca ka qaaday.Waxaana loo xilsaaray jeneraalka ciidamada hogaaminaye ee la yiraahdo George Casey.
 
Wargeyska maalin laha ah New York Times ayaa isagana sheegay iney jirto qorsho lugu dhimayo ciidamadaasi. Bush-ka dalkaasina waxa uu horey u sheegay in jeneraal Casey uu howshaasi u xilsaaran yahay taasoo uu aaminsan yahay in guulo uu ka keenayo. Waxaana uu muujiyey in dowladu awoodo iney difaacdo danaheeda iyo weerarada uga iman karro kooxaha ay argagaxisada ku sheegeen.
Demoqraadiyiintana waxey doonayaan in jeneraal Casey xasuusiyaan in waqti cayiman u qabto soo celinta ciidamada ka jooga dalkaasi Ciraaq.
 
Madaxweyne Bush waxa uu horey u sheegay in soo celinta ciidamadooda ay ka dhigeyso in kooxaha argagaxisada ah u arkaan iney awoodooda wiiqmay oo aaney iska babacdhigi karrin weeraradooda, islamarkaasina niyad jab ku abuuraya dadka reer Ciraaq ee kalsoonida u muujiyey howlagalka ay Ciraaq ku qabsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.
 

June 24, 2006

Maxaabiis u dhashay Sacuudiga oo Guantanamo laga sii daayey 

 
Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday in afar iyo toban maxbuus oo ku jiray xabsiga Guantanamo bey ee jaziirada Kuba in xabsiga laga sii daayey loona duuliyey dalkii ay u dhasheen ee Sacuudi Careebiya.
Mid kamid ah maxaabiistaas ayaa la sheegay inaanu u muuqan karrin hada kadib ama aanu aheyn nin laga cabsi qabo inuu waxyeelo geysto. Halka kuwa kalena la sheegay in uun wax ka suurtoobaan, balse dowlada Sacuudiga amnigooda la wareegtay.
Qiyaastii maxaabiis gaareysa 310 ayaa xabsiga laga sii daayey halka 450 kale ay weli jiifaan xabsigaasi. Qaar oo badan oo iyaga kamid ah ayaa lugu soo qab qabtay dagaalkii lugu qaaday Afgaanistaan ee ka dhanka ah wax loogu yeeray la dagaalanka argagaxisada, iyagoo aan la horkeenin cadaaladana ay sanado badan xirnaayeen.
 
 
     Sacuudiga Careebiya oo dad badan xirxirtay
 
Dowlada dalka Sacuudi Careebiya ayaa shaaca ka qaaday iney gacanta ku dhigtay koox dabley ah oo looga shaki qabay iney ka tirsan yihiin urrurka Alqaacida. Raggan la qab qabtay oo tiradooda lugu sheegay afartaneeyo ayaa dhamaan gobolada dalkaasi laga qabtay.
Shalay ayaa waxaa tacshiirado ay is weydaarsaday booliska iyo kooxahan dableyda ah halkaasoo la sheegay iney ku dhinteen shan kamid ah raggaasi la doonayey iyo askari boolis ah.
Inkastoo lugu sheegay dadka maanta gacanta lugu soo dhigay kuwo argagaxiso ah hadana waxey ahaayen dadka laga tirada badan yahay ee shiicada ah waxaana ay dowladu aamisan tahay iney tahay hanaanka keliya ay kacdoon iyo rabshado dalkaasi uga abuuri karaan iyagoo taageera ururka  Bin Laadin hogaamiye ee Al qaacida.

June 24, 2006

Jens Assur: "Soomaaliya waxey kamid tahay meelaha lugu ugaarsado warfidiyeenada"

 
Markii maanta warka ku saabsan geerida weriye reer Sweden ah kana tirsanaa wargeyska Aftonbladet iyo hey'ado kale oo warbaahinadeed shaaca laga qaaday in lugu dilay dalka Soomaaliya guud ahaan saxaafada Sweden iyadoon u kala harrin waxey si naxdin lehi ku jirto wax uga qoreen geeridiisa iyo halka uu ku geeriyooday oo ah meel ay caalamku ku tilmaameen dhul fowdo iyo nidaam la'aan.Saas oo ay tahayna weriye ka faaloonaya isbadaladii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in xooga nabadgalayadii ay intii hore kasoo hagaagtay balse ay qadartu qorneyd.

Ninka la yiraahdo Jens Assur oo isagu ah weriye qibrad u leh dhulka xasaradaha iyo dagaaladu ka dhacaan islamarkaasina siiya weriyeyaasha iyo sawirqaadayaasha koorsooyin ku saabsan goobaha halista ah ee ay ka howl galaan ayaa waxa uu ku tilmaamay Soomaaliya "Goobaha ugu halista badan weriyeyaasha shisheeye" ee howlo looga dirro.

 
Ikraam ahaan weriye Martin Adler waxaan dhowr jeer ku xirriirnay qadka taleefanka waxuuna ahaa weriye inta badan jecel inuu kasoo dirro wararka dunida muslinka waqtiyadii ugu dambeysana waxa uu fiiro gaar ah u lahaa Soomaaliya oo la sheegay in joogaan kooxaha ameerikaanku ceyr ceysadaan ee argagaxisada lugu sheegay.
Waxaan xasuusta bishii dicember ee sanadii 2001-di dhamaadkii waxa isagoo ka tirsan wargeyska Afonbladet warbixino ka soo diray Soomaaliya oo kaga hadlayey xiritaankii Albarakaat iyo saameynta ay dadweynaha Soomaaliyeed ku yeelatay.


markii xabbada lagu ridey filim qaadaha | Sawirka Reuters

Waxaan xasuusta in sanadkii 2002-da isagoo jooga London uu taleefankeyga gacanta soo wacay xilligaasoo qudheyda ku sugnaa Idaacada radio Sweden laanteeda afka soomaaliga oo markaasi aan ka tirsanaa, waxaa uu qadar daqiiqado ah igala sheekeystay arrimaha Soomaaliya waxana ii sheegay inuu jecel yahay inuu ku laabto magaalada Muqdisho iyo Marka oo horey u tagay. Waxaa isagoo dhaqanka soomaalida aad ugu boggay i yiri "Ikraam Soomaaliya waa dal wanaagsan laakin aan nabadi ka jirin"

 
Wasiirka arrimaha dibada Sweden ee dhawaan laga magacaabay ayaa isagoo ka xun geerida weriyahaasi sheegay iney aheyd mid uur ku taalo ah wuxuuna tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday,isagoo sidoo kalena ugu baaqay dhamaan dhinacyada hubka wada iney dhigaan una soo jeestaan nabadda . Sidoo kale hey'ada suxufiyiinta Sweden ee Swedhish journalists Union (SJF) ayaa iyagoo ka xun ku tilmaamtay mid aan la aqbali karrin in macno la'aan qudha looga gooyo ruux howshiisa gudanaya.

Martin Adler waxa uu geeriyooday isagoo u shaqeynayey magac ahaan wargeyska Aftonbaladet sida ay laftooda xaqiijiyeen balse uu warbaahino kala duwan kasoo shaqeeyey.

 
 Sacuudiga oo lugu dilay kooxo la sheegay iney ka tirsanaayeen Alqaacida
 
Tabbo dabley hubeysan iyo askari boolis ah ayaa maanta lugu dilay magaalada Riyad ee xarrunta u ah dalkaasi Sacuudi Careebiya.
Wasaarada arrimaha gudaha oo amuurtan shaaca ka qaaday ayaa sheegtay raggaasi dableyda ah iney ka tirsanaayeen urrurka Alqaacida.
Mas'uuliyin ka tirsan amniga dalkaasi ayaa sheegay in kooxahani ay qaarkood qorsheynayeen howlgalo culus markii ay tacshiiraduhu isweydaarsadeen.Dowladuna waxey beenisay in qaraxyada ay kooxahani damacsanaayeen ay ka heleen Internet-ka  balse ay horey ula socdeen dhaq dhaqaaqyadooda waa sida ay sheegteene.
Afartii sanno ee ugu dambeeyey boqortooyada Sacuudiga waxa uu ahaa dal ay qaraxyo kala duwan ka fuliyeen kooxo gacan saar la leh Alqaacida kuwasoo la sheegay in ujeedadoodu aheyd sidii ay u ridi lahaayeen dowlada dalkaasi ee saaxiibka la aheyd Mareykanka, waxeyna bartilmaadmeedyo ka dhigeen reer galbeedka iyo shirkadaha shisheeyaha ee dalkaasi ka howlgala.
 
 
            Jeneraal Denish ah oo lugu weeraray Afgaanistaan
 
 
Jeneraal ka tirsan ciidamada Denmark ee ku sugan dalka Afgaanistaan ayaa maanta waxa uu ka badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa.
Jeneraalkan oo la yiraahdo magaciisa Jesper Helsų.
Wargeysyada dalkaasi oo maanta soo xiganayey wakaalada wararka u faafisa Ritzau ayaa sheegay in jeneraalkan oo la socday koloneeyo ciidan denish ah oo marayey meel 20 kilo miter u jirta magaalada la yiraahdo
Feyzabad, halkasoo ah goob ay ku badan yihiin ama ka howlgalaan ciidamada denish-ka ee halkaasi jooga.
 
Waxaa la sheegay markii falkan isku dayga dileed ah lala beegsanayey uu jeneraalkaasi ku sii jeeday tuulo la sheegay in ciidamadiisa ka wadeen mashruuc biyo nadiifin ah oo deegaanadaasi la siiyo.
 

 

June 20, 2006

Denmark: Qaxootiga oo halis u ah iney is dilaan

 
 
Qaxootiga soo galootiga ah ee dalkaasi Denmark ayaa halis ugu jira iney isdilaan ama qudha ay iska gooyaan, hey'ada laanta qeyrta cas ee dalkaasi oo amuurtan shaaca ka qaaday ayaa walaac ka muujisay xaalada cusub ee lasoo gudboonatay qaxootigaasi.
 
Baaritaani ay sameysay hey'adu ayey sheegtay in 14,6% ay haatan tirada dadka looga cabsi qabo falkaasi ay korordhay tiradaasoo ay kala labo jibaarantay halkii ay sanadkii hore joogtay.
Ninka la yiraahde Abbe Munk- Andersson oo isagu baaritaanka sameeyey ayaa sheegay in falkasi ugu wacan tahay codsigooda magangalyo doon oo qaadatay muddo dheer in la tixgeliyo.
Denmark waxey caan ku tahay siyaasada shisheeye naceybka waxaana dalkaasi ka jira xisbi kamid ah asxaabta dalkaasi oo u qalab qaatay siddii dalkaasi qaxootiga ku nool kala bar oo bar dalalkoodi dib loogu celin lahaa. Ugu dambeyntiina waxaa xusid mudan in xisbigaasi oo la yiraahdo Danks Folk parti uu dowr muuqdo ku yeeshay xiisadii diimeed ee dalkaasi ka dhalatay kadib markii wargeys xag jir ah uu aflagaado darran u geystay Suubanaheena Muxamed ah NNKH.
 
 
                    Charles Teylor oo Hage la geeyey
 
 
Hogaamiyihii hore ee dalka Leybeeriya ayaa maanta loo duuliyey magaalada Den Haag ee dalkaasi Holland, halkaasoo la filayo in maxkamad ka dhan ah lugu soo saaro.
Teylor oo ah 58 jir ayaa lugu eedeynayaa in dembiyo dagaal ka geystay dalkaasi Sierra Leon xilli ay dagaalo sokeeye ka socdeen jabhaddii uu watayna ay xasuuq badan ka geysteen.
 
Teylor oo lugu eedeynayo in dembiyo dagaal galay ayaa haddii dembiga loo heysto ku cadaato waxa uu qarka u saaran yahay xabsi daa'in uu ku joogi doona dalka Ingiriiska.
Bishii maarso ee sanadkan ayaa isagoo doonaya inuu ka baxsado Neyjeeriya la qabtay waxaana uu dalkaasi markii hore ku joogay nabadgalyo siyaasadeed.
 
 
Japaan oo ciidamadeeda ka baxeysa dalka Ciraaq
 
Dowlada Japaan ayaa maanta shaaca ka qaaday iney ciidamadeeda kala baxeyso dalkaasi Ciraaq, ra'iisal wasaaraha dalkaasi Junichiro Koizumi ayaa amuurtan ka dhawaajiyey kadib markii madaxa wasaarada gaashinga Nukaga oo isagu codsaday in ciidamadaasi dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
Japaan waxey sidaasi ku soo afjareysaa howlaheedii melateri ee ugu weynaa tan iyo dagaalkii labaad ee dunida ee ay sameyso. Askar lugu qiyaasay 600 askari ayaa dalkaasi joogay, waxaana dowladdu balan qaaday iney qeyb ka geysaneyso dib u dhiska dalkaasi
 

JUne 18, 2006

Ciidamada Turkiga oo dilay saddex nin oo ka tirsan jabhada PKK

 
 
Ciidamada dalka Turkiga ayaa sheegay iney dileen saddex nin oo ay ku sheegen iney ka tirsan yihiin jabhada PKK ee kurdida dagaalkana kula jirta xilli ay weerar xagga xirka u ah geysteen dhulka buuraleyda ah ee la yiraahdo Tunceli kuna taala xagga bari ee dalkaasi.
 
Maanta gelinkii hore qaraxyo ka dhacay dhulka tareenado marro taasoo ay gebi ahaanba baabi'isay sideed tareen oo kamid ah kuwa gobolada loo raaco. Bilihii ugu dambeeyey waxaa dalkaasi isa soo tarayey weerarada ka dhanka ciidamda iyo dadka rayid-ka ah, meelaha ay qaraxyadaasi  ka dhacaana waxey inta badan u badan yihiin dhulka kuridda tagto ee bariga iyo koonfur bari ee dalkaasi.
 
 
   Qaramada Midoobey oo ka digtay dagaalo ka qarxa Soomaaliya
 
 
Tan iyo markii midowga Maxaakimta Islaamiga ah ay dagaalkoodii kaga adkaadeen dagaal oogeyaalkii dalka Soomaaliya waxaa aad isu soo tarayey hubka faraha badan ee dalka ku soo qul qulay. Dowlada KMG ah ayaa lafteeda la sheegay iney soo iibsatay hub farro badan iyadoo dhowr jeer horey uga codsatay caalamka in laga qaado xayiraada hubka ee saaran.
 
Masuul u hadlay qaramada Midoobey waxa u usheegay ayaa sheegay tan iyo markii maxkamaduhu la wareegeen meelo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya ay korodhay hubka dalka soo geliyey.
Dhinaca kalena waxaa bilowday xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo dalka jaarka la ah ee Itoobiya, kadib markii shalay la sheegay iney gudaha jamhuuriyada xorta ah ee Soomaaliya ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo haatanba ay dowlada beenisay. Itoobiya lafteeda ayaa hanjabaad aan geed ku gabasho laheyn u soo gudbisay maxkamadaha islaamiga ah iyadoona uga digtay iney talaabo adag ka qaadi doonto hadey soo galaan xadkeeda waa sida ay sheegtaye.
Beesha caalamka ayaa haatan indhaha wuxuu ku hayaa isbadalka ka dhacay dalka Soomaaliya ee mar qura badalay jahawareerkii siyaasadeed ee 16 lugu jiray, arrintanina waxey timid markii uu abuurmay urrur la baxay laga dagaalanka argagaxisada iyo soo celinta nabada kaaso ay fooda is dareen maxkamada islaamiga ah  ugu dambeyntiina keentay in maxkamaduhu la wareegaan gobolada koonfureed intooda badan.
 

June 17,2006

Nin Soomaali ah oo loo heysto gudniin  gabadhiisa

 
 
Baryahanba waxaa magaalada Gothenburg ee caasimada labaad ee dalkan Sweden ka socday dhageysiga dacwad ka dhan ah aabe soomaali ah oo la sheegay inuu gabadhiisa oo da' yar ah gudniin ku sameeyey.
Dacwadan oo soo jiitameysay tan iyo horaantii sanadkan ayaa maxkamad ku taala magaalada Gothenburg shalay oo jicmo aheyd lasoo taagay maalintii sadexaad abaahaasi soomaaliyeed.
Qodabada ay kamid yihiin inuu gudniin fircooni ku sameeyey gabadhiisa xilli ay isaga la joogtay dalka Soomaaliya sidoo kale inuu gabadhiisa dili jiray iyo inuu muddo dheer dalka gudihiisa ku hayey ayaa lugu heystaa aabahan soomaaliyeed balse uu gaashaanka u daruuray eedeymahaasi.
"Gabadheyda waxaan ka dareemay isbadalo badan sida ineysan iskoolka aadi jirin, tv-ga oo ay u daawan jirtay, markii aan weydiiyeyna waxaa ay ii sheegtay ineysan aheyn gabar yar ee ay tahay gabar" ayuu yiri aabahan oo iska difaacayey dacwada kadhanka ah ee la xirriira gudniinka iyo jir dilka uu ku sameeyey ee gabadhiisa sheegtay.
Cajal fiidiyow ah oo maxkamada gudaheeda laga shiday si eedeysanahaasi u dhageysto waxa gabadhiisa sheegeyso, ayaa muuqaalkii cajaladaasi waxey aheyd wareysi ay xarunta booliska magaalada Gothenburg kula yeesheen gabadha aabaheed dacweysay, ayaa sheegtay in aabaheed uu guday iyadoosan raali ka aheyn ruux dumar ah oo ay ku sheegtay iney tahay eedadeedna ay kala qeyb qaadatay. Waxey sidoo kale sheegtay in lugu guday sakiin iyadoon lugu dirin cirbadda kabowyada ah.
Aabaha oo arintan wax kama jiraan iyo sheekooyin lasoo alifay ku tilmaamay ayaa gebi ahaanba beeniyey in gabadhiisa guday, safarkii ay Soomaaliya ku tageen isaga iyo gabadhiisana ay aheyd heshiis dhexmaray isaga iyo xaaskiisi hore.
Waxa uu sheegay in gabadhiisa oo aan gaarin da'dii qaangaarka jeclaatay nin la sheegay inuu yahay weriye ka tirsan idaacada "Xamar Radio" ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku tilmaamay kan gabadhiisa maskaxda ka dhaqay sidoo kalena u diiday mar uu kasoo doontaysa.
Maxkamada weli kama eysan gaarin wax go'aan ah oo la xirrirta amuurtan, maalinta isniinta ayaa lugu wadaa in markale dhageysiga dacwadan dib la iskugu soo laabto iyadoo la filayo in la wareysan doono haweeney ka tirsan safaarada Sweden ee Addis Ababa oo iyadu gacan ka geysatay siddii gabadhaas dib loogu soo celin lahaa Sweden iyo shaqsiyaad kale oo iyagana marqaatiyaal ah.
 
Saxaafada Sweden oo  isbadalada ka dhacay dalka Soomaaliya ka hadashay 
 
Tan iyo intii uu bilowday dagaalkii dad badan galaaftay ee ku dhex maray magaalada Muqdisho hogaamiye kooxooyadii laga awood roonaaday iyo midowga maxaakimta islaamiga ah, waxaa saxaafada caalamka ay si weyn ula socotay dagaaladaasi waxey salka ku hayaan iyo cida ku lug leh intaba.
Saxaafada Sweden oo kamid ah kuwa aan baryahan dagaaladaasi ka seexan ayaa iyagu wargeysada kala duwan iyo telefeyshinada si weyn looga hadlayey.
 
Wargeysyada oo ah kuwa ugu afka dheer dalkan ayaa iyagu xulanayey had iyo goor cinwaano kala duwan, faalooyina ka bixinayey.Talefeyshinka wadankan ayaa intii ay socotay dagaalkii magaalada Muqdisho loogaga saaray dagaal oogeyaalkii soo qaatay qoraal lugu soo bandhigay bogga qoraalada ee teletext-ka loo yaqaano, waxaana uu cinwaan uga dhigay."Dagaal oogeyaalka oo caasimada Soomaaliya laga saaray"
Wargeyska maalin laha ah ee Dagens Nyheter (Daily News) ayaa isagana waxa uu bogga arrimaha gudaha kaga hadlay dagaalada Muqdisho ka dhacay iyo sida Mareykanka loogu eedeyey. Talefeyshinka ayaa caawa waxa uu isna soo qoray xiisada ka dhex aloolsan Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii maanta wakaaladaha wararka ee AP iyo Rueters ay sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen gudaha dalka Soomaaliya iyagoo kasoo xigtay midowga maxaakimta Islaamiga ah.
Sweden oo keliya kama hadlin isbadalada cajiibka ah ee Soomaaliya balse dunida carabta iyo wakaaladaha caalamiga ah ayaa si weyn wax uga qoray ishana ku haya,waxaana ay dhowrayaan talaabada xigta ee maxkamaduhu qaadi doonaan kadib markii ay ka guuleysteen dagaal oogeyaalkii firxadka kaga baxay magaalada Muqdisho ee qaarkood la sheegay iney saaran yihiin markab kuwa dagaalka ah oo Mareykanku leeyahay kaasoo taagan xeebaha.  
 
Masar oo maxkamad soo taagtay afar iyo toban qof oo ay ku tuhuntay qaraxyadii dalkeeda ka dhacay sanadkii hore
 
 
Afar iyo toban ruux ayaa maanta la horkeenay maxkamad ku taala magaalada Khaahira ee xarunta wadanka masaarida kuwaasoo loo heysto iney si abaabulan uga qeyb qaateen labo qarax oo gil gilay magaalada bishii abril ee sanadkii ina dhaafay.
 
Nin Mareykan ah, labo faransiis ah iyo ninkii weerarka ismiidaaminta ah fuliyey ayaa la sheegay iney ku dhinteen qaraxyadaasi. Raggan eedeysanaayaasha ahi waxey beeniyeen iney ku lug lahaayeen sahminta goobaha bartilmaameedka ah, sameynta waxyaabaha qarxa iyo iney abuureen urur si sharci darro ah oo dadka kacdoon geliya.
Eedeysanayaashan ayaa qaar kamid ah waxey sheegeen intey xabsiga ku jireen in si xun loola dhaqmay oo ay booliska handadaad iyo jir dil ku sameeyeen si ay u sheegaan waxeysan ku lug laheyn, sidoo kale waxey sheegeen in loo diiday in eheladooda soo booqdaan iyagoo xabsiyada ku jiray muddo ka badan sanad.
 
Kooxdan la horkeenay maanta maxkamada ayaa labo kamid ahi ahaayeen dumar markii dambane lugu sii daayey damaanad iyo saddex wiil oo la sheegay iney da'doodu ka hooseyso 18 sanno. Qareenka u doodaya kooxdan ayaa sheegay in wasaarada arrimaha gudaha adeegsatay hanaan qaldan oo ay ku dooneyso in dadkaasi dembiyo aysan laheyn u yeesho iyadoo ku guul darreysatay iney soo hesho dadkii dhabta ahaa ee weeraradaasi geystay. Dhageysiga maxkamadana waxey dib u bilaaban doonta iyadoo sii socta bisha Oktoobar ee sanadkan.
 

June 16, 2006

Mareykanka kooxo taalibaan ah ku dilay Afgaanistaan

 
Sida ay ku waramayaan ciidamada kala duwan ee Mareykanku hormuudka ka yahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada ee dalkaasi lugu weeraray ayaa maanta oo jimcaha waxey ku dileen kooxo lugu sheegay taalibaan deegaanada la yiraahdo Uruzgan oo xagga koonfureed ee ku taala.
Afhayeen u hadlay ciidamada jinsiyadaha kala duwan ee dalkaasi joogay ayaa sheegay iney sugeen inta kooxahaasi taalibaaniyinta ah cadadooda noqoneysa 50 nin oo uu runsanaa iney shirayaan, dabadeedna ay duqeyn xoogan u geysteen. Sidoo kale labo kamid ah ciidamadaasi shisheeya ayaa iyagana weerarkaasi ku dhintay.

"Waxey doonayeen iney fuliyaan howlo argagaxiso, waxeyna kamid yihiin kooxaha taalibaan oo iyagu sameeya waxyaabaha qarxa, qaraxyo horey u dhaceyna ay masuul ka yihiin" ayuu yiri  Paul Fitzpatrick oo ah afhayeenka ciidamadaasi oo u waramayey wakaalada wararka ee AFP.
Dhinaca kale shan kamid ah kooxaha taalibaan ayaa lugu dilay deegaano ku yaala waqooyiga dalkaasi, halka askari mareykan ahi uu isagana ku dhintay.
Mudooyinkan ayaa waxaa u soo batay weerarada iyo rabshada ka dhaca dalkaasi ee u dhaxeeya ciidamada xooga ku qabsaday iyo taalibaankii dalkaasi laga eryey.Mareykankuna waxa uu sheegay inuu howlgal melateri oo weyn kuu fuliyey deegaano ku yaala dalkaasi. 
 
               Israa'iil oo gantaanlo ku duqeysay Gaza
 
 
Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iil ayaa duqeyn u geystay gaari la sheegay inuu marayey marinka Qaza. Gantaal lugu soo tuuray gaarigaasi ayaa waxaa ku dhintay hal qof sadex kalena ay ku dhaawacmaneen. Haweeney u hadashay Israa'iil ayaa sheegtay xubno ka tirsan Islaamik Jihaad ay gantaal ku rakibnaa gaarigaasi ka soo tuureen. Toddobaadkii hore ayey aheyd markii Israa'iil ay dishay 16 qof oo falastiiniyiin ah kuwaasoo ay ku sheegtay iney ku soo tuureen gantaalo, sidoo kale falastiniyiinta ayaa iyagana ku tuuray gantaalo.
 
 
 Charles Taylor oo Maxkamada dembiyada dagaalka la horkeenayo 
Hogaamiyihii hore ee Leybeeriya Charles Taylor ayaa lugu wadaa in la geeyo maxkamada caalamiga ah ee dembiyada dagaalka, gollaha loo dhan yahay ee Q Midoobay ayaa maanta sidaasi go'aan ku gaaray.
Balse wasiirka arrimaha dibada Nederland Ben Bot oo waramayey wargeyska De Telegraaf ayaa sheegay in maalmaha soo socda aan la keeni doonin  Mr Taylor.
Taylor waxa uu ahaa hogaamiyihi loogu hadal heynta badnaa ee lugu sheegay inuu yahay dagaal ooge xasuuq badan ka geystay dalkaasi Sierra Leone. Koffi Annan ayaa ka codsaday dowlada Britan in dalkeeda lugu xirro haddii dembiga lugu heysto lugu soo cadeeyo taasoo ay London aqbashay.

 

 

Wararkii Maanta. 15.6.2006

 
 
Dowlada Ciraaq: "Alqaacida waxey qorsheyneysay howlo ka dhan ah Mareykanka iyo Iiraan"
 
 
Inkastoo shaki ku jirin marxalada adag ee dalkaasi marayo tahay mid timid duulaankii gardarada ahaa ee dalkaasi lugu qabsaday, saas oo ay tahayna in badan rabshadaha ka dhaca dalkaasi marka laga reebo kuwa u dhaxeeya shiicada iyo sunnida, waxaa dusha laga saaray urrurka Alqaacida ee Bin Laadin hogaansho.
Dowlada dalkaasi ayaa maanta shaaca ka qaaday in kooxaha sheegta Alqaacida Ciraaq ay qeyb weyn ka yihiin weerarada aan kala go'a laheyn ee maalin walba dalkaasi ka dhaca.
Arrintani ayey dowladu ku sheegtay qoraalo cadeynaya in Alqaacida dooneysay in weeraro laga fuliyo dalalka galbeedka si dabadeed dusha looga saaro Iiraan oo aysan isku wanaagsaneyn Mareykanka waa sida ay dowladu hadalka u dhigtaye.
Abii Mascab Alsarqaawi ayaa toddobaadkii hore waxaa lugu dilay dalkaasi Ciraaq kadib markii weerar xagga cirka ah ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka goobihii uu ku dhuumayey. Geeridiisa ayaa waxey tahay mid si weyn ugu diirsadeen xulufada Mareykanka.
 
Aabe soomaaliyeed oo lugu heystay inuu gabadhiisa guday ayaa maxkamadeyntiisa ka bilaabatay magaalada Gothenburg, Sweden
 
 
Ma ahan wax sahlan in laga faaloodo sida ay wax u dhaceen, balse sheekadani waxey soo caan baxday markii sanadkan bilihiisa ugu horeeyey uu aabe soomaaliyeed gabadhiisa soo dacweysay iyadoo ku eedeysay inuu u kaxeeyey dalka Soomaaliya halkaasina ku soo guday.
Dhageysiga maxkamada oo bilaabatay maalintii talaaddii aheyd, ayaa markale waxaa dib loo iskugu iman doonaa maalinta berito ah.
Aabahan soomaaliyeed oo iska difaacayey eedeymahan ayaa sheegay in gabadhiisa nin 40 jir oo weriye ah jeclaatay qeybna uu ka ahaa qorshihi ay kaga soo fakatay dalka Soomaaliya dabadeedna uu ka dhaa dhacsiiyey in gudniin lugu sameeyey. Haweeneyda la yiraahdo Margareta Herikson oo iyadu ah xeer ilaaliye ayaa sheegtay iney runsan tahay hadalka ay sheegtay gabadha aabeed dacweysay.
 
"Ninka aan wakiilkiisa ahay waxa uu sheegay inuu sidiisaba kasoo horjeedo gudniinka islamarkaasina uusan ku fekerin inuu guddo gabadhiisa" ayey tiri Ev Henrikson oo ah qareenka u doodayey aabahan soomaaliyeed ee lugu heysto inuu guday gabadhiisa.
Waa markii ugu horeeyey oo dacwad ka dhan ah gudniin lugu soo oogo qof ajanabi ah kana soo jeedo dalka Soomaaliya. Sanadku markuu ahaa 1982 ayaa dalkan Sweden waxaa laga hirgeliyey shaci gebi ahaanba mamnuucaya gudniinka ruuxii lugu arkana uu mudan doono xabsi muddo dheer ah.
 
 
              Turkiga oo qarax ka dhacay ay dad ku dhaawacmeen
 
Sadex qof ayaa ugu yaraan lugu soo waramayaa inuu dhaawac kasoo gaaray qarax saaka aroortii ka dhacay goob laga raaco basaska magaalada Stanbul ee dalkaasi Turkiga kadib markii meel aan sidaasi uga fogeyn oo qashinka lugu rido lugu soo qariyey bamkaasi gil gilayey halkii gaadiidka laga raacayey.
Kooxaha kurdiyiinta ku kacsan dowlada dalkaasi ayaa sheegatay qaraxaasi maanta lala beegsaday goobaha gaadiidka laga raaco. Bilihii ugu dambeeyeyna waxaa magaaladaasi ka dhacay qaraxyo kala duwan oo ay sheegteen kooxahan kurdiyiinta ah.
 
            Serbiya oo aqoonsatay gooni iskutaaga Monteneegro
 
Dowlada Belgaraad ayaa maanta aqoonsatay gooni isku taagii ay ku dhaawacday Monteneegro oo horey uga mid  aheyd jamhuuriyadii kala ja jabay ee Yogoslaafiya la oran jiray.
Hadalkan oo qoraal lugu sheegay ayaa dowladu shaaca ka qaaday dhamaan shuruudihii la xirriiray gooni isku taaga Monteneegro ay buuxisay, sidaasana go'aan dowlada ku gaartay iney aqoonsato.
Shantii bishan aynu jirno ayaa baarlaamka Serbiya waxa uu cod u qaaday in la siinayo aqoonsi iyo inkale. Sidoo kale Monteneegro ayaa iyaduna codbixin la xirriira madaxbaanineeda dadweynaha kaga qaaday codbixin halkaasoo inta badan dadku ay u codeeyeen madax banaani.
Midowga Yurubna waxaa uu Monteneegro ka caawinayaa sida ay dhinacyo badan oo sharciyada la xirriira uga taakuleyn laheyd. Monteneegro ayaa iyadu dooneysa kamid ahaansha wadamada ku bahoobay Midowga Yurub oo haatan ay kamid noqdeen jamhuuriyado horey uga mid ahaan jiray dalweynihii Midowga Soofiyeeti la oran jiray.
 
 
Wararkii shalay: 14.6.2006
 
 
 
                  Raashiya iyo Joorjiya oo aan is afgaran
 
Joorjiya waxey kamid aheyd dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti, haatanse waa dal ka madax banaan,saas oo ay tahayna Vladamir-ka Raashiya iyo dhigiisa kale ee Joorjiya ayaan iyagu isku afgran arrimaha la xirrira bariga ossiyatin-ka iyo Abchaziya.
Wadahal labada hogaamiye ku dhex maray S:t petersburg ayaa kulankaasi kadib waxey sheegeen iney arrimo badan oo lugu doonayey xal u helida deegaanadaasi balse aaney soo gudbin wax isku afgarasho ah kulankooda kadib.
 
Deegaanada bariga ossiyatin-ka iyo Abchaziya ayaa waxey horey uga tirsanaayeen jamhuuriyadda Joorjiya tan iyo sanadkii 1990, xilligaasoo ay bilaabatay burburkii Midowga Soofiyeeti. Balse xiisadda amuurtan ayaa markale dib u soo cusboonatay markii xukunka uu qabsaday madaxweynaha haatan xukunka haya ee Michail Saakasjvili sanadkii 2003-da.
 
 
 
                Indoonisiya oo sii deysay nin ku lug lahaa qaraxii  Bali
 
 
 
Indoonisiya ayaa xabsiga kasii deysay mid kamid ah kuwii lugu eedeynaayey iney ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay jaziirada Bali ee dalkaasi Indooniisiya.
Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Abu Bakar Baasyir islamarkaasina ah hogaamiye xagga diinta oo 26 bilood horey loogu xukumay ayaa ka sheegay haatan inuu dugsigii quraanka ku soo laabtay.
Qaramada Midoobey ayaa waxey Abuubakar u aqoonsan tahay nin ka tirsan kooxaha lugu tilmaamo argagaxisada wuxuuna ururka uu ka tirsan yahay ee Jamaacat Islaamiyah loo arkaa urur xirriir la leh Alqaacida. Tanina waxey ku keeni kartaa in xayiraad xagga socdaalka ah lugu soo roggo.
 
 
Aragtida dadweynaha: "Mareykanku halis bey ku yihiin dunida"
 
 
Siyaasada Mareykanka ee dagaalka Ciraaq ayaa halis ku ah nabadgalayada dunida, marka la bar bardhigo naaxinta macnta yuraaniyamka ee Iraan. Sidaasi waxaa aaminsan dad gaaraya 17.000 ah dadyowga muslinka ah ee ku nool dalalka Yurub iyo dunida Muslinkaba. Sidoo kale dadkan ayaa iyagana waxashnimo ku tilmaamay tacdiyada loo geysto maxaabiista.
Warbixintan sanadlaha ah ayaa waxaa soo saaray urrurka la magac baxay Pew Research Group oo intaas ku daray warbixintooda in hoos u dhacday taageeradii Bush loo hayey ee la xirriirta dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
Toban kamid ah afar iyo tobankii qof ee su'aalaahaasi la weydiiyey ee degan meel ka baxsan Mareykanka ayaa sheegay in dagaalkii Ciraaq ay dunida ka dhigtay mid halis galeysa. Sidoo kale waxey warbixintan sheegtay dalalka Turkiga iyo Isbeyn in taageeraddii looga hayey dowlada Washington ay hoos u dhacday.
Guusha Xamaas ee dooroshooyinkii Baarlamaaniga ahaa ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa u arkaan mid qatar ku ah danahooda kasokow falastiin lafteeda, taas mid ka duwan ayaa iyadana laga aamisan yahay dunida Islaamka, dalka Pakistaan ayaa 87% waxey runsan yihiin in Xamaas ay ku haboon tahay qabashada hogaanka falastiin.
 
Barnaamijka nukliyeerka Iiraan ee muranka dhaliyey ayaa dunida muslinka looga arkaa mid wanaagsan, halka dalka Jarmalka, Faransiiska iyo Isbeyn mid halis ah, codbixintan ayaa aheyd mid la qaaday saddex sanno kahor waqtigaasoo dadkaasi fikirka maanta ay qabaan mid ka duwan qabay.
Tacdiyadii ka dhanka ahaa maxaabiistii ku jirtay Abuu Gureyb iyo Guantanamo bey ee jaziirada Kuba ayaa 90% dadka Yurubiyaanka ah sheegeen iney tahay wax laga xumaado falalkaasi naxariista darran.
 

June 13, 2006

Bush oo booqasho kedis ah ku tagay Ciraaq

 
 
Booqasho aan horey loo sii shaacin kedisna aheyd ayaa madaxweyne Bush-ka Mareykanka waxaa uu ku tagay dalka Ciraaq maanta. Waxaana uu la kulmay ra'isal wasaare Maaliki oo ay kawada hadleen amuuraha dalkaasi ka taagan.
"Waxaan halkan u jooga in marka Mareykanku balan qaado aanu oofino balantaasi" ayuu yiri Bush oo dhinaca kalena sheegay in Maaliki ugu dambeyntii soo dhiso dowlad loo dhan yahay oo dalkaasi ka hisgasha.
Inkastoo booqashadani aheyd mid qarsoodi ah, hadana maaha markii ugu horeysay ee Bush booqasho ku tago dalkaasi tan iyo intii ciidamadiisa ay rideen dowladii dalkaasi ka jirtay ee Saddaam Xuseen hogaaminaayey.
 
 
                       Ilaalada Abuu Maazin oo lahubeyno
 
Ra'iisal wasaaraha Yahuuda ehud Olmert ayaa daaha ka rogay inuu ogolaansho siiyey hub loo gudbinayey ilaalada madaxweyne Abuu Maazin ee falastiiniyiinta. Hadalkan ayuu sheegay Olmert xilli uu ka hadlayey baarlamaanka dalka Ingiriiska, ujeedaduna tahay in la adkeeyo awooda ay ciidamada Maxamuud Cabbaas ilaalada ka haya, maadama Xamaas ay iyadu u muuqato mid xag jir ah.

Inta badan Israa'iil waxey ilaalo ka heysaa dhamaan xudduudaha soo gala deeganada ay degto falastiiniyiintu, qalabkan ay adeegsan doonaana ilaalada gaarka ka haya Maxamuud Cabbaas ayaa la sheegay inuu ka yimid dalka Jordon.
 
 
 
          Dad gaaraya afartan qof oo shil ugu dhintay dalka Hindiya
 
Ugu yaraan afartan qof oo saarnaa gaari weyn oo xamuulka lugu qaado ah kuna sii jeeday xaflad aroos ah ayaa ku qalibmay deegaanada Uttaranchal xilli gaarigaasi ku jeeday halka ay ka dhaceysay xalafadasi.Labaatan kalena waxaa lugu soo waramayaa iney dhaawacmeen. Sida ay ilaha isbitaalka sheegayaan labo kamid ah labaatankaasi qof ayaa iyagu u dhintay dhaawacii soo gaaray. Booliskuna waxey ku sheegeen iney aheyd musiibo rabaani ah.Dalkaasi Hindiya ayaa iyagu shilalka kala duwan ee gaadiidka sida, tareenada, gawaarida iwm ay yihiin kuwo aad ugu badan, inta badana waxaa loo nisbeeya dadka dalkaasi oo ah kuwo aad u tiri badan iyo jidadka ay maraan gawaaridaasi.

 

Jun 12, 20006 

Baarlamaanka Falastiin oo dab la qabadsiiyey
 
 
Baarlamaanka falastiiniyiintu ku leeyihiin Raamalah ayaa waxaa dab qabadsiiyey kooxo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Fatah, iyagoo misna afduub u geystay mudane ka tirsan baarlamaanka. Wakaalada wararka AFP oo dhac dhacdadan soo werisay ayaa sheegtay in boqolaal ka tirsan booliska ay u dhaceen gudaha xafiiska ra'iisal wasaaraha, waxaana ay sidoo kale waxyeelo u geysteen daaqadaha xafiiska iyagoo halkaasina ku bur buriyey kombiyuutaradii la sheegay iney halkaasi yaaleen.
 
Lama sheegin iney jiraan cid wax ku noqotay weerarkii lugu soo qaaday dhismaha baarlamanka, balse dowlada Madaxweyne Cabbaas ayaa walaac ka muujiyey qalalaasaha u dhaxeeya labada garab ee kala taageersan Fatah iyo Hamas.
Bishii maarso ee sanadkan ayey Xamaas ku guuleysatay codbixintii baarlamaaniga aheyd ee loo qaaday taasoo cod aqlabiyad leh guusha ku raacday, inkastoo guushaasi aan caalamka laga soo dhaweyn taagaaeero dhaqaalo oo la siiyana looga dhiga sharuud ah aqoonsiga dowlad Israa'iil leedahay taasoo Xamaas ay gaashaanka u daruurtay.
 
 
               Zarqaawi oo nin kale lugu badalay 
 
 
Maalmo qura ayaa kasoo wareegtay markii dalkaasi Ciraaq lugu dilay ninkii hogaanka u hayey urrurka Al qaacida ee ka dagaalami jiray dhulka Jaziiratul carab la yiraahdo ama Bilaadul raafideyn.Shabakada Alqaacida ayaa iyadu hogaamiye cusub u magacowday oo badala Zarqaawiga la dilay. Ninkan ayaa lugu magacaaba Abuu hamza, waxaana qoraal ay AFP kasoo xigatay bogga rasmiga ah ee ay internet-ka ku leeyihiin qoraal amuurtaasi la xirriirta iyagoo qoraalkoodaasi Illaahey uga baryayey inuu la garab gallo howshii uu bilaabay Zarqaawi.
 
 
         Ghana oo ciyaartii Talyaaniga looga eexday
 
 
Dabcan is bar bardhigimayo labada kooxood, shakina kuma jirro in Talyaaniga maanta wacdarro kamuujiyey garoonka lugu ciyaarayey, kana ciyaar iyo farsamo wanaagsanaa nimankii maqaarada madooba ee aad moodo markey Yurub yimaadan iney lugtoodu kubadda qaban weyso. Goolkii labaad ee  lugu hubsaday shabaagta Ghana waxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee la dhaliyo kadib markii laga faa'iiday difaaca kooxda Ghana oo doonayey in kubad cag lugu darbeeyey uu siiyo goolhayihiisi sidaasina loo dabamariyey kubada shabaqa.
 
Labadan oo kooxood oo kawada tirisan Group E kana qeyb galaya tartanka kubada cagta adduunka ee haatan si habsami leh uga socda dalka Jarmalka ayaa maanta guul darrada kooxdan Afrikaanka ah soo wajahday kasokow waxaad moodaa in garsoorihii ciyaartaasi dhex dhexaadinayey uu ka eexday Ghana oo iyadu dhankasta ku liidatay kadib markii labo rigoore oo muuqda u diiday. Taasina la oron karro waxey qeyb ka tahay guul darrada soo wajday kooxdan.  Ghana waxey kamid tahay wadanka saddexaad ee Afrikaan ah oo aan ilaa iyo hada guul ka keenin tartankan tan iyo markii uu bilowday maalintii jimcaha. Every Cost iyo Angola ayaa iyagoo quus ah  garoomada laga soo saaray dhamaan ciyaarihi ay ciyaareen, waxaa haatan la dhowrayaa Tunis oo lafteeda aan meel sidaasi gaareyn lana ciyaari doonto maalinta arbacada boqortooyada Sacuudiga. Wadamada Afrika ee iyago kooxahooda nasiibka u yeeshay iney ka ciyaaraan wadama Yurub ayaan iyagu habayaraatee ka faa'iidin qibrahada iyo farsamada ciyaaraha ee kasoo heleen.
Balse ciyaartii maanta maaheyn mid garsoorihii waday uu si cadaalad ah ku waday, waxaana la eegaya sida ay Fifa ay amuurtan u maareyso. Ghanase waxey laabta ku heysaa maah maah soomaaliyeed oo aheyd "ciyaari waa gelinka dambe" balse malaha saan saan ay wareega koowaad kaga gudbi karrto. Inkastoo guud ahaan ciyaaraha sanadkan2006-da aanu xamaasad u laheyn siduu u lahaan jiray sanadihii ina dhaafay.

Jun 11, 2006

Bush oo baaraya sababtey ku dhinteen maxaabiistii Guantanamo ee is dal dalay 

Inkastoo ay dhacdadani markale soo cusbooneysiisay cadaadiskii caalamiga ahaa ee lugu doonayey in la xirro xabsiga Guantanamo bay, hadana  Madaxweyne bush-ka

dalkaasi waxa uu sheegay inuu baarayo sababtii ay isku dileen saddex maxbuus oo kamid ah kuwii halkaas ku jiray.Wuxuuna balan qaaday in meydkooda si "bini'aadnimo  dhaqan iyo ixtiraam" ku jiro loo maamuusi doono.
Bush waxa uu horey u sheegay inuu jeclaan lahaa in la xirro xabsigaasi, hadana waxa uu hoosta ka xariiqay sii deyntooda tahay mid dhaawac ku ah dalkiisa.

Sadexda maxbuus ee ku dhintay xabsigaasi oo dhalashadoodu tahay Sacuudiyaan iyo Yamen ayaa qaraanka u doodaya Sacuudiyiintaasi waxa uu sheegay in Mareykanku masuul ka yahay natiijadii cadaadiska ay saaren maxaabiista aan la horkeenin sharciga. 

Hey'adaha Amnisty iyo kuwa kale ee  u dooda xuquuqda aadanaha ayaa markale ku celiyey in xabsigaasi la xirro. Neil Durkin oo ka tirsan Amnisty ayaa BBC-da u sheegay ineysan amuurtaasi aheyn wax lala yaabo balse tahay mid uu ka naxay.
Tony Bliar-ka Britian waxa uu isna dhinaciisa oo cadaadis ay ka soo wajhday dhac dhacdani sheegay iney tahay "Dhacdo murugo leh"
 

Madaxweyne Axmedinejaad-ka Iiraan oo lugu banaanbaxay

Dadweyne boqolaal gaaraya ayaa maanta waxey ku banana baxeen gobolka Nurberg ee dalkaasi Jarmalka, halkaasoo ay maanta ka dhaceysay ciyaartii xiisaha badneyd ee dhexmartay Iiraan iyo Meksiko.

Dadkan banaanbaxay ayaa waxey kamid yihiin macbad Yuuhudu leedahay oo halkaasi ku yaala iyo muraacidka Iiraan, waxaana banaanbaxoodu ku jiheysnaa hadaladii dhawan kasoo yeeray Axmedinejaad ee ka dhanka ah Yahuuda Hitler gumaadka u geystay.
Madaxweyne ku xigeenka Iiraan Aliabadi ayaa maanta waxa uu ku sugnaa Nurberg waqooyigeeda gaar ahaan Bayer halkaasoo uu u joogay taagerida xulka dalkiisa oo maanta guul darro weyn kala kulmay kadib markii 3-1 loogaga adkaaday labada kooxoodna waxey kuwada jireen Group D.

Oslo oo laga furay masjidka ugu weyn ee muslimiinta dalkaasi yeeshaan 

Magaalo madaxda wadankasi Norway ee Oslo ayaa maanta xariga la jay masjidka ugu weyn ee abid yeeshaan muslimiinta dalkaasi, sidoo kalena noqonaya masaajidada ugu waaweyn ee ku yaala dalalka ku yaala waqooyiga Yurub ee loo yaqaano Iskaandaneefiyanka.

Misjikan ee maanta la furay ayaa la sheegay iney ku tukan karaan ugu badnaan 2.500 oo qof, waxaana dhismihiisa la bilaabay sanadku markuu ahaa 1994-kii, inkastoo dib u dhac dhaqaale ay soo wajhaday dhameystirka dhismihiisa hadana ugu dambeyntii Muslimiinta dalkaasi ku dhaqan waxey yeesheen masjid ay si weyn u sugayeen. 

"Waa maalin taariikhi ah,kaskow masjid ahaantiisa wuxuu ahaan doonaa xarun loo soo doonto cilmiga" ayuu yiri Imran Shahid oo isagu ah xoghayaha guud ee masjidkaasi.

Bishii Maaro ee sanadkan ayaa masjidka dhismihiisa waxaa hakad geliyey buuqa ka dhacay gudaha masjidka kadib markii toddobo qof la sheegay iney dhaawac ugu geysteen saddex kamid ah dadkii ku tukanayey beytu- Laahigaasi. 

June 10, 2006

Iiraan oo dooneysa in dunida Islaamka yeesho hubka Nukliyeerka 

Madaxa barnaamijka nukliyeerka dalka Iiraan Ali Larijani ayaa daboolka ka qaaday iney haboon tahay in dalalka Islaamka raacaan wadada ay dowladiisa qaaday oo yeeshaan barnaamijkaasi. "Awooda tamarka waa mid mid calaamatasu'aal ah mustaqbalka u ah muhiim  dalalka Islaamka" ayuu yiri Larijani mar uu maanta gaaray magaalada Khaahira ee caasimada dalka Masar.

Maanta gelinka dambena waxa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibada masaariada oo ay kawadahaleen arrimaha ay kamid yihiin xiisada nukliyeerka Iiraan iyo  hindisaha ay Midowga Yurub u soo jeediyeen si ay u hakiso naaxitan macda Yuraaniyamka.

Dowlada Washington waxey Tehraan ku eedeyneysaa in naaxinta macdanta iney u adeegsaneyso sameynta hubka wax gumaada, halka Iiraan ay iyadana ku doodeyso iney xaq u leedahay ka faa'iideysiga quwada nukliyeerka ee la xirriira tamarta aan hubeysneyn.        

         Xaalka barriga dhaxe oo sii xumaanaya 

Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil ayaa carabka ku dhiftay in weeraradooda ka dhanka ah falastiiniyinta uu ku wajahan yahay madaxda Xamaas.

"Annagu dhaq dhaqaaq kasta oo naga soo horjeeda waan kasoo horjeedna, cidii halis ku ah amniga Israa'iil ka yeelimeyno magac iyo mas'uul" Hadalkan oo ah mid laga dareemayo dhiilo colaadeed ayaa waxey cirka u shareereysa xiisadii labadan beri kasoo cusboonaatay gobolka. 
Israa'iil ayaa shalay waxey meel xeeb ah ku dishay toddobo  falastiiniyiin ah, sidoo kale ayaa iyagana kooxaha wax iska caabinta ah ee falastiiniyiinta shaaca ka qaadeen iney ka baxeen heshiishkii xabad joojinta ahaa, waxaana ay sheegeen iney weeraradeedu ku jaheyn doonaan goobaha ay yuhuudu degan yihiin.
 

Sadex kamid ah maxabiista Guantanmo oo is dal dalay 

Sida uu ku waramay Harry Harris oo madax ka ah xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada Kuba ayaa waxaa xabsigaasi isku dhex del delay saddex kamid ah maxaabiistii halkaasi lugu hayey.Waxa uu isagoo qadka taleefanka ku hadlayey sheegay ineysan kuwo naftooda iyo iyagaba qiimo u laheyn islamarkaasina aan looga hadli karrin siddii ineysan dambi geysan balse ay yihiin kuwo dagaal. 

Bush-ka Mareykanka ayaa la sheegay inuu aad uga xumaaday warkaasi, hadal kasoo baxay Mareykanka ayaa sidaasi lugu sheegay. Labo kamid ah maxaabiistaasi ayaa u dhashay dalka Sacuudiga halka mida saddexaadna uu isagu u dhashay wadanka Yamen.
Horey ayaa xabsigaasi urrurada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ay ka soo yeertay qeylo dhaan ku wajahan sida loola dhaqmo maxaabista halkaasi ku jira ee tiradoodu dhan tahay 500 maxbuus. In badan oo iyaga kamid ah ayaa horey isku dayey iney is dilaan, marba hadaan la horkeeni wax cadaalad ah ama aan dembiga lugu heysto lugu soo cadeyn. Sidoo kale waxey maxaabiistaasi qaar kamid ah ka soomeen cuntada taasoo iyadana keentay cuntada lugu siiyo silingo. Warkan ku saabsan is dilka maxaabistan ay is dileen ayaa iyadu cadaadis saareysa dowlada Washington oo lugu eedeeyo iney ku tumatay xuquuqda aadanaha islamarkaasina jebisay baaqii caalamiga ahaa ee Genčva.

June 9, 2006

Israa'iil oo dishay xubin sare oo ka tirsan Xamaas 

Mid kamid ah xubnaha sarsare ee Xamaas islamarkaasina ah madaxa amniga ayaa habeenkii xalay ahaa Israa'iil ku dishay marinka qaza. Ninkan oo magaciisa la oran jiray Jamal Abusamhadan, ayaa warar laga helay cisbaatalada sheegeen in  isaga iyo afar kale oo Falastiiniyiin ah ay geeriyoodeen xilli ay sameynayey waxey Israa'iil ku sheegtay tababar melatari. 

Abu samhadan waxa uu kamid ahaa kooxo ay Israa'iil si weyn u dooneysay, isagoo kamid ahaa kooxaha ilaalada ka ah Madaxweynaha. 

        Zawahiri oo fariin kale soo diray 

Waxey fariintani timid maalin kadib markii ciidamada ameerikaanka ee xooga ku heysta dalkaasi Ciraaq ay dileen ninka ay sida weyn u doon doonayeen ee Abii mascab Alsarqaawi.

Ayman Alzawahiri oo ah ninka labaad ee ugu sareeya ururka Al qaacida ayaa fariin muuqaal ah uu soo diray laga siidaayey talefeyshinka Aljazeera.

Waxa uu falastiiniyiinta ka codsaday ineysan aqbalin aqoosiga dowlad yahuuda ah oo ay doorashada ka qeyb qaadan.

Sidoo kale waxa uu dowlada Suudaana ka codsaday ineysan dalkeeda u ogolaanin ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay, waxaana uu hadalka u dhigay iney tahay qorshe Mareykanku wato oo dalkaasi lugu kala jarayo.

Inkastoo uusan la hadlin geerida hogaamiyaha Alqaacida ee ciraaq hadana waxa uu bogaadiyey howsha uu halkaasi kawaday. 

Jun 8, 2006

Abii Mascab Al-zarqaawi oo lugu dilay Ciraaq

     "Dalalka reer galbeedka ah oo geeridiisa laga soo dhaweeyey"
 
Inkastoo warkani u yahay urrurka Alqaacida jug xoog leh oo soo gaartay,sidaasina lugu oran karro waxaa waqtigan dhow soo koobmay howlahii ay Alqaacida kawaday dhulka "Bilaadul Raafideynka" ama Jaziiratul carab la yiraahdo.Hadana xaaladu weli waa faanoole farri kama qodna, Alqaadina dhab ahaan looma tir tirtirn balse tani waxaa lugu tilmaamaya iney tahay mid wax ka badaleysa xasilooni darrada dalkaasi Ciraaq ka jirtay ee ninkani lugu aaneynayey.
 
Hadaba maanta goor sii horeysay ayaa ra'iisal wasaaraha dalkaasi Nuuri Maaliki ka dhawaajiyey in Abuu Zarqaawi lugu dilay weerar xagga cirka ah oo ay geysteen ciidamada Mareykanka. Hadalkan ayuu markuu sheegayey Maaliki waxaa dhinacyadiisa taagnaa, danjiraha Mareykanku u soo dirsadeen Ciraaq Zalmay Khaalid.
Guud ahaan dalalka reer Galbeed ayaa geeridiisa siweyn looga soo dhaweeyey Tony Blir-ka Britian waxa ku tilmaamay "Ilbiriqsi muhiim u ah Ciraaqiyiinta", Bush ayaa isagana waxa uu ku tilmaamay jug xoog leh oo soo gaartay Alqaacida.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Koofi Cannaan ayaa  xusay iney tahaymid lugu diirsaday, balse waxa uu sheegay ineysan geeridiisa soo afjareyn rabshadaha dalkaasi ka jira.
Arrimaha dibada Faransiiskana waxaa ay rajo ka muujisay in Ciraaq wadcigeeda uu degi doono.Sidoo kale wasaarada arrimaha dibada ee Japaan war laga soo saaray ayaa lugu sheegay in lugu diirsaday geeridaasi,casharna ay u noqon doonto kooxaha wax qarxiya, wuxuu sidoo kale warkaasi sheegay rajo laga qabo in xaalada dalkaasi soo hagaagto.
Haweeneyda ra'iisal wasaaraha uga ah dalka Jarmalka Angel Mirakel ayaa ana dhinaceeda ku tilmaameysa Zarqaawi nin aan la hodin karrin oo libaaxsana kun nin ayaa sheegtay in warkaasi ahaa mid lugu diirsaday.
Dhinaca kale xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Rumsfeild waxa uu ku sheegtay dilkaasi mid u ah guul dagaalka lugula jirro waxa ay dowladiisa u taqaano argagaxisada. Sidoo kale Xamiid Karazaay-ga Afgaanistaan ayaa soo dhaweeyey waxaanu ku sheegay jug xoog leh oo soo gaartay Alqaacida.
Isku soo wada duubo saadaal wanaagsan dadka odorosa siyaasada bariga dhaxe iyo Ciraaq kama bixin, waxaana ay aaminsan yihiin xaalada dalkaasi ay kasii darri doonto lagana yaabo ayey leeyihiin in weeraro kale ay ku dhiirato Alqaacida taasoo jawaab u ah dilka xubintii ugu fir fircooneyd ee Alqaacida.
 
 
          Shiinaha oo hargabka shimbiraha laga sheegay
 
Iyadoo cudurkani yahay mid xowli ku socda ilaa haatana siddi loo xakameyn lahaa ay ku howlan yihiin hey'adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan caafimaadka ayaa hadana waxaa dalkaasi Shiinaha wakaalada wararka u faafisa Xinhua sheegtay in deegno ka tirsan gobolada waqooyi ee dalkaasi laga helay cudurka dilaaga ah ee dureyga shimbiraha.
Xero xoolaha lugu hayo oo halkasi ku taala ayaa mid kamid ah digaagadaha ku dhacay cudurkaasi,lama oga in digaadaha kalena  ay laftoodu qaadeen cudurka.
Wasaarada caafimaadka ayaa iyadu sheegtay iney halkaasi u direyso qubro soo baarida baaxada ay la egtahay cudurka gaabahaasi laga helay iyo sidoo kale ay dadka laftoodu ku dhacay.
Shiinaha waxey kal hore sheegtay in cudurkaasi uu meelo badan oo dalkeeda kamid ah laga helay, waxaana la runsan yahay in 12 ruux ay u dhinteen halka 6 kalena la sheegay iney ka bogsoodeen.
Cudurkan dilaaga ah ayaa waxa uu inta badan ku dhaca shimbiraha kuwa badaha,kuwa guryaha lugu hayo iyo sidoo kale cidkasta oo xirriir la yeelata xaywaanadaasi, markii ugu horeysana waxaa bisad ku nool dalkaasi Jarmalka laga helay cudurkaasi dilaaga ah oo caalamka meelo badan ku dhacay wel wel iyo cabsi badana ku abuuray dadyowga ku nool.
 
      Dad Swetzerland loogu xiray falal argagaxiso
 
Toddo qof oo la tuhmayo ayaa dalkaasi Swetzerland xabsiga loo taxaabay kadib markii la sheegay iney maleegayeen qarax ay u geysan lahaayeen diyaarad Israa'iil leedahay.
Xeer ilaaliyaha dowlada ayaa maanta shaaca ka qaaday in dadka howshan fulin lahaa ay asal ahaan kasoo jeedaan qaarada Afrika, balse waxa uusan si rasmi ah u sheegin goorta iyo halka ay weeraradaasi argagaxiso kaga fulin layaaheen gudaha Swetzerland.
Ilaa iyo hada ma jirto cadeyn buuxda oo la xirriirta amuurtan, balse waxey dowladu sheegtay in nimankani ay xirriir la layaaheen kooxo kale oo si weyn looga doon doonayey dalalka Faransiska iyo Isbeyn.
 

June 7, 2006

CIA-da oo gacan ka heshay wadamo dhowr ah oo Yurub ku yaal

Gudiga ilaalsha xuquuqda aadanaha wadamada Yurub ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in afar iyo toban wadan oo kamid ah dalalka Yurub ay gacan siiyeey laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
Gudiga ayaa warbixintooda waxa ay ku sheegeen in wadama Romeeniya iyo Polan ay ku yaalaan ama ku ooli jireen xarrumo si qarsoodi ah oo dadka lugu tuhmayo aragagaxisanimada laga dhoofin jiray balse labada wadan ayaa iyaga gaashanka ku dhiftay eedeymahaasi.

Mareykanka waxa uu haatan qirtay iney jiraan maxaabiis ay soo daabuleen, laakin waxey beeniyeen iney jir ku sameeyeen ama ay geeyeen meel ay kala kulmi karaan wax jir dil ah.
Warbixintan ayaa waxaa soo saaray senator u dhashay wadankan Swetzerland, kaasoo timid baaritaan qaatay kadib labbo toddobaad oo arrintan loo kuuragalaiyey. Baaritaanadan ayaa sidoo kale waxey soo shaac baxeen bishii novemeber ee sanadkii hore, markaasoo aheyd waqti si weyn loo hadal hayey xarumahasi qarsoodiga ah ee CIA-da la sheegay iney ku leedahay wadamo ku yaala qaarada yurub.


Ciraaqiin afduub loogu heystay oo la helay iyagoo nool

Dad tiradooda lugu sheegay konton ruux oo horey afduub ay kooxo wax afduubta oo reer Ciraaq ah ugu heysteen ayaa qaarkood iyagoo nool maanta la helay.
Sadex iyo toban kamid ah dadkaasi la afduubay ayaa laga helay meel banaan ah ama la soo dhigay, qaar kamid ah ayaa dhaawac ka muuqday lugahooda. Dadkan ayaa intooda badan waxaa laga soo kala afduubtay goobo kala duwan oo dalkaasi kamid ah, waxaana ay ahaayeen howl wadeeno u shaqeynayey dowlada dalkaasi.
Booliska ayaa shaaca ka qaaday kooxaha falkan fuliyey maalintii isniinta iney xirnaayeen dareyska ciidama taasoo sahashay afduubka loo geystay.Dhinaca kale dowlada ra'iisal wasaare Maaliki ayaa haatan bilowday isbadalo ay ku dooneyso in xasili darrada ka jirta dalkaasi ay wax ka qabato waxaana maanta xabsiyada dalkaasi laga sii daayey maxaabiis badan oo reer Ciraaq ah, sidoo kale dowlada ayaa dooneysa iney sunniyiinta iyo shaacada dalkaasi uu dhex marro wadahal ay wax kaga qabanayaan rabashada ay labada dhinac ka abuureen dalkaasi.

June 2, 2006

Iiraan oo qiimeyneysa wadaxaajoodka Mareykanka


Wasiirka arrimaha dibada Iiraan Manouchehr Mottaki ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay soo dhaweyneyso wadahadal dhexmara Mareykanka, balse waxa uu xaqiijiyey ineysan howlahoodii naaxinta Yuraaniyamka hakineyn.
Hadalkan ayaa yimid markii maalintii arbacadii ay dowlada Mareykanka sheegtay in ku biireyso wadamada Midowga Yurub ku jira ee wadahalka la leh Iiraan, haddii ay Iiraan ay hakadgeliso howlaha nukliyeerkeeda.

Dadka iyagu u kuuragala siyaasada Mareykanka ayaa aaminsan in Mareykanku uu haatan sameeyey isbadal uu ku doonayo in arrimaha la xirriira Nukliyeerka Iiraan uu dowr muuqda ku yeesho.
Maantana waxaa gelinkii dambe magaalada Vienna ee wadanka Ostari ku shiray wadama la sheegay iney ugu awooda badan yihiin dunida kuwaasoo ka arrinsanayey qoreshe ay islameel dhigaan oo ugu yaraan keeni kara in Iiraan ka harto u hanqaltaadiga sameynta Nukliyeerka.
Wadamo u Mareykan ku jiro ayaa dowlada Tehraan ku eedeyey iney dooneyso iney sameysato hubka sida daran wax u gumaada, halka Iiraan ay amuurtaasi ku tilmaantay dacaayad raqiis ah howlahaasina udooneyso mid nabadeed.

Shanta wadan ee codka Fiitada ku leh gollaha amaanka iyo Jarmalka ayaa maanta shirkii ay ku yeesheen magaalada Vienna ee xarunta Ostari ka soo saray baaq ay ku sheegen iney u hayaan Iiraan qorsheyaal wax tar u leh iyo wax u eg hanjabaad haddii ay joojiso naaxinta macdanta.

Dhamaadkii shirkaasi ee wasiirada arimaha dibada ayaa xoghayaha amuuraha dibada Britain Margaret Beckett sheegtay iney wasiradu isku afgarteen qorshe ay u soo bandhigeen dowlada Iiraan.

Lama oga qorshaha dhabta ah ee soo jiidashada leh ama cabsi gelin karra Iiraan ee keeni kara ugu yaraan iney ka tanasusho sameynta macdanta Yuraaniyamka. Balse Iiraan oo dib ueegid ku sameyneysa qorshaas ayaa la filayaa iney kasoo soo saarto warmurtiyeed iyadoo horey baaqyadii loo soo jeediyey iska indho tirtay.


Senagal oo joojisay wadashaqeyntii ay la laheyd Isbeyn


Dowlada Senagaal ayaa joogisay iskaashi ay laheyd dalka Isbeyn oo la xirriira ka hortaga qaxootiga faraha badan ee kasoo talaabaya xadka Afrika kuwasoo u qaar kamid ah xaduudaha dalkaasi lugu qabtay.
Hadalkan ayaa soo baxay markii lugu eedeyey ciidamada ku gaaf wareega xaduuda ay Afrika la leedahay ey si xun ula dhaqmeen qaxootiga soo galootiga ah ee wadankaasi mudooyinkan dambe kuu qul qulayey.
Afhayeen u hadlay dowlada dalkaasi oomagaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Isbeyn 600 oo qaxootiga wadankaasi dalkooda dib loogu soo celin lahaa ay dowladiisu diiday kadib markii kooxdii ugu horeysay ee qaxootigaasi oo dib dalkooda loogu soo celiyey ay sheegen in iyadoo jeebeysan diyaarad laga soo dejiyey.
Diblomaasiyiin Isbanish oo ku sugan xarunta Dakar ayaa xaqiijiyey in qaxootigaas qaarkood si qarsoodi ah loo qaaday, balse waxa uu ka gaabsaday tacadiyada la sheegay iney u geysteen qaxootiga sinigaaliyiinta ah.

June 1, 2006

Mareykanka oo sheegay in Iraan la xaajooneyso

 
 
Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday iney wadaxaajood toos ah la galeyso dalka Iiraan,iyadoo sidoo kalena diyaar ah iney ka qeyb qaadato kulanka wadamo badan oo Yurub ah ay ka yeelanayaan barnaamijka Nukliyeerkeeda.
Xoghayaha amuuraha dibada Condoleezza Rice ayaa sheegay in dowladeeda
diyaar u tahay in la helo hogaan mideysan islamarkaasina diblomaasiyada u ah fursad lugu soo afjari karro muranka jira.
"Saaxiibadeena Yurub ayaan isku afgaranay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay Iraan ka heli karto barnaamijka haddii ay raacdo wadada saxda ah"
 
Waa markii ugu horeysay ee ay dowlada Mareykanka amuurta ku saabsan Nukliyeerka Iiraan u muujiso dabacsanaan islamarkaasina ay ku soo biirto wadahadalka u dhaxeeya wadamada Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka oo isagu hakadgalay markii Iraan ay bilowday iney xoojiso naaxinta macdanta Yuraaniyam-ka.
 
Markeynka iyo Iiraana wax xirriir diblomaasiyadeed ah oo toos ah ma aanu dhexmerin tan iyo sanadkii 1979-kii.
 
         Geeridii Amiira Diana oo markale la baarayo
 
 
Geeridii ku timid amiiradii geeriyootay ee reer Walles Diana ayaa markale la sameynayaa baaritaan la xirriira sababtii ay ku dhimatay. Baaritaanka la xirriirta amuurtan ayaa loo dhiibay John Stevens oo isagu horey u ahaan jiray madaxa booliska London (Metropolitanpolis).
"Waxaan heynaa marqaatiyaa, waxaan heynaa cadeyn cusub" ayuu yiri Stevens oo la hadlayey saxaafada Britain isagoo ka qeybgalayey bandhig carwo oo buugagta lugu soo bandhigayey magaalo ku taal koonfurta dalkaasi. Sanadku markuu ahaa 1999-kii ayaa maxkamad ku taala dalka Faransiiska sheegay in shilkii baabuur ee Paris ka dhacay kuna dhimay amiira Diana uu ahaa mid shil ah.
Mohammed al-Fayed oo isagu ah wiilkiisa saaxiib la ahaa Diana shilkaasi baabuurna ay kuwada dhinteen ayaa soo dhaweeyey hadalkii Stevens uu sheegay maanta kaasoo u ku sheegay iney hayo cadeyn la xiriira dilkii Diana.´Natiijada baaritaanka John Stevens ee haatan loo dhiibay ayaa lugu wadaa inuu soo afjarmo dhamaadka sanadkan.
Amira Diana iyo saaxiibkeed Fayid Al Dodi ayaa shil baabuur ku dhintay bishii july sanadkii 1997-kii magaalada Paris ee dalka Faransiis-ka.

 

 ... WARARKII ADDUUNKA EE MAY,2006... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006