SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Wararkii June 27, 2006

. Sheekh Shariif oo ka qaybgalay Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici
. Is bedelkii ka dhacay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay Puntland iyo Soomaaliland..
. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay soo dhaweynayaa cid kasta oo dooneysa...
. Culumaa’u-diin ka yimid Puntland oo soo gaaray Muqdisho si ay...
. C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Dowladda Sweden...
. Golaha Guurtida Hawiye oo Maxaakiimta ka dalbaday in ay..
. Wafdi ka socda SCG oo gaaray Muqdisho...
. Ururka dalalka Islaamka oo ergo u diraya dalka Soomaaliya.
. Baabuur badan oo cadowga meelo kala duwan lagaga gubay.


Sheekh Shariif oo ka qaybgalay Xafladdii Gabagabada Sanad-Dugsiyeedkii 2005-2006 ee dugsiga Imaam Shaafici...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho | E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Ardayda iyo waalidiinta ka soo qayb galay xaflada oo uu lahadlayo Sh. Shariif

Waxaa Dugsiga Imaamu Shaafici ka dhacday xaflad lagu soo gabegabeynayay sanad dugsiyeedka 2005-2006, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Walaadiinta iyo marti sharaf kale oo uu ku jiray Guddoomiyaha golaha fulinta ee Maxaakiimta.


Guddoomiyaha dallada FPENS oo k ahadlaya xafladda

Xafladdaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa horeyntii waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay Guddoomiyadda Dalladda FPENS, Axmed Sheekh C/llaahi waxa uuna sheegay in Dugsigaani uu ahaa dugsigii ugu horeeyay ee gaar loo leeyahay ee la furay waqtigii ay jirtay dowladdii hore, waxa uu sheegay in Imtixaanka u fariisteen 4168 arday, waxaana gudbay 3882 arday, oo u dhiganta 92.3%, waxa uuna sheegay in ay Dugsiga Sare ka qalinjabiyeen dufcaddii sideedaad. Waxaa kaloo uu sheegay in 500 oo arday ay siiyeen abaalmarino kala duwan oo qiimahoodu sarreeyay.


sheekh_shariif_oo_xaflada_ka_soo_qeyb_galay

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mu’asasadda Imaamu Shaafici ku ammaanay sida ay ugu dadaaleyso in Ubadka Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho tayeysan, waxaa kaloo uu sheegay in ay laba-laabi doonaan ammaanka magaalada Muqdisho.



maamulaha schoolka ahna guddoomiyaha fpens

Ardaydii kaalimaha hore galay, haddii aan soo qaadano ee

Dugsiga Sare.

  • 1. Axmed Max’ed C/qaadir Nuur.
  • 2. Cayduruus Xassan Cabdule.
  • 3. C/raxmaan Max’ed Sheekh Muxumad.

Dusiga Dhexe.

  • 1. Cali Max’ed Yuusuf.
  • 2. Axmed Macallin Cusmaan Yuusuf.
  • 3. Maymuun Xuseen Max’ed Xasan.

Is bedelkii ka dhacay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay Puntland iyo Soomaaliland..

Is bedelkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ha noqoto dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, is bedelkaas oo dadku si aad ah ugu diirsaday, ayaa dhanka kale marka la fiiriyo waxa uu is bedelkaasi saameyn ku yeeshay sida Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Haddii aan soo qaadano Maamul Gobaleedka Puntland marka la fiiriyo dhinaca dadweynaha si weyn ayay u soo dhaweeyeen is bedelkaasi, waxayna damceen in ay ku soo dhaweeyaan banaanbaxo, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday maamulka ka arrimiyaha maamul Gobaleedkaasi, waxaana dhacday in qaar ka mid ah dadkii abaabulayay banaanbaxyadaasi xabsiyada loo taxaabo, kuwo kalana waxaa loo jeediyay digniino aad u kulul, hase yeeshee culuma’udiinka Maamul Gobaleedka Puntland ayaa iyagu arrimahoodii qarsan oo waxay sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweynayeen is bedelkii ka dhacay Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in is bedelkaasi loo baahan yahay in la soo gaarsiiyo qaar ka mida gobalada dalka, sidoo kale Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland ayaa isagu waxaa laga dareemay taageero uu u hayo is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaynta taasi keentay in laga qaado xilkii.

Haddii aan u leexano dhinaca Soomaaliland, inta badan dadweynaha si weyn ayay u soo dhaweeyeen is bedelkaasi, waxaana dhacday in Masaajidda qaarkood ay Culumadu ku dhawaaqayeen “waa in si deg deg ah loo taageeraa waxa ka dhacay Magaalada Muqdisho”, waayo ayay yiraadeen “is bedelkaasi waa mid si weyn loogu baahnaa in uu ka dhaco koonfurta Soomaaliya, maadaama mudo 16 sano ah ay dhibaato ku jireen”, hase yeeshee maamulka Daahir Riyaale wareegto uu soo saaray waxa uu ku diiday in aan wax taageero loo muujiyo is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay soo dhaweynayaa cid kasta oo dooneysa...

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in ay ka taliso maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyay bal in ay xiriir la sameyn doonaan Dowladda Itoobiya ayaa Sheekh Xasan waxa uu ku jawaabay “Itoobiya haddii ay la timaado wanaag, waan soo dhaweyneynaa, laakiin haddii ay ka shaqeyso dibindaabyada shacabka Soomaaliyeed, waanu iska dhicineynaa, xitaa aanu tabar yaraano”.


Aabe Soomaaliyeed ee lugu eedeyey in gabadhiisa guday ayaa afar sanno oo ah xarig ah lugu xukumay... AKHRI...

Sheekh Xasan Daahir waxa uu sheegay in uusan ku jirin Liiska Argagixisada ah ee Mareykanku raadinayo balse waxa uu qiray in hanti uu leeyahay ay xayirtay Dowladda Mareykanka, waxa uuna sheegay in taas uu kala mid yahay dadkii ay Dowladda Mareykanku lacagahoodii ka xayirtay.

Sheekh Xasan waxa uu soo dhaweeyay heshiiskii ka dhacay Magaalada Khartuum ee dhex maray Dowladda Federaalka iyo Midowga maxaakiimta Islaamiga, uuna sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay si dhab ah u fuliyaan heshiiskaai.

Culumaa’u-diin ka yimid Puntland oo soo gaaray Muqdisho si ay...

Waxaa magaalada Muqdisho dhawaan soo gaaray Culuma’udiin ka socda maamul Gobaleedka Puntland, waxayna Culuma’udiinkaan marti u yihiin Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sababaha ay u yimaadeen ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay u ogaan lahaayeen is bedelka cusub ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sida uu ku bilowday kacdoonka shacabka ee lagu riday Qabqablayaashii dagaalka.

Culuma’udiinkaan ayaa waxaa wehliya Waxgarad iyo Dhallinyaro oo iyana doonaya in ay eegaan is bedelka cusub iyo waaga cusub ee u baryay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in ay kulamo la yeeshaan mas’uuliyiinta sarsare ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed.

Maamul Gobaleedka Puntland ayaa isagu dhawaan waxa uu soo saaray wareegto ah in aan wax taageero ah la siin karin is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf oo warqad qoraal ah u diray Dowladda Sweden...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa warqad qoraal ah u diray Dowladda Sweden waxa ayna warqaddaasi ku saabsaneyd sida ay Dowladda Federaalka uga xun tahay dilkii loo gaystay Weriye Martin oo dhashay wadanka Sweden oo dhawaan lagu dilay fagaaraha Tarabuunka, isagoo halkaasi ka duubayay banaanbax aad u balaarnaa oo looga soo horjeeday in dalka la keeno ciidamo shisheeye.

“Aad baan uga xunnahay dilkaasi, waxaana ballanqaa-deynaa in aanu baarintaan ku sameyno” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo gacan ka gaysaneysa baaritaanka dilka weriyahaasi.

Inta badan weriyaasha lagu dilay dalka kuwo dilkoodu ku saleysnaa arrimo siyaasadeed. dilkaan midkii ka horeeyay waxa uu ahaa dil loo gaystay gabar weriye ahayd oo u shaqeyneysay Idaacadda British Brodcasting Corporation waxaana dilkeeda lagu soo beegay xiligii ay Dowladdu kala qaybsaneyd.

Golaha Guurtida Hawiye oo Maxaakiimta ka dalbaday in ay..


Muqdisho: Xafladdii dugsiga Shaafici
...

War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Golaha Guurtida Hawiye ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay heshiiskii Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku wada gaareen Dowladda Federalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, wuxuuna Golaha ka codsaday labada dhinac in ay si deg deg ah u fuliyaan go’aanadii ka soo baxay heshiiskaasi.

Golaha waxa uu cambaa-reynayaa dilkii loo gaystay weriyihii u dhashay wadanka Sweden ee dhawaan lagu dilay Fagaaraha Tarabuunka, waqtigaas oo uu halkaasi ka dhacayay banaanbax looga soo horjeedo ciidamo shisheeye oo dalka la keeno, waxa uuna Goluhu ka codsaday Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah in ay si dhaqsi leh gacanta ugu soo dhigaan kuwii gaystay falkaasi ayna hor keenaan, sidoo kale goluhu waxa uu aad uga xumaaday xayiraaddii lagu soo rogay Shabakadda Warbaahinta shabeele ee gobalka Bay, waxa uuna goluhu sheegay inay ayaan daro tahay in Dowladdu is hor taagto Xoriyad qawlka, waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa Afhayeenka golaha Guurtida beelaha Hawiye, C/llaahi Cabdule Weheliye.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Wafdi ka socda SCG oo gaaray Muqdisho.

Wafdi ka socda ururka Somali Concern Group (SCG) oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ururka SCG Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) iyo Mudane Mohamoud Ahmed Nur (Tarzan) oo xubin ka ah guddiga fulinta ururka SCG ayaa tegay magaalada Muqdishu, si ay wada haddalo ula soo yeeshaan dhamaan qeybaha bulshada ee ka jira Muqdisho, si kacdoonka shacabka uu u noqon lahaa mid miro dhala. Eng Yarisow iyo Tarzan ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha Muqdisho Mudane Cadde Gaabow.

Guddoomiyaha SCG Eng. Yarisow ayaa sheegay in tagidooda ay muhiim u tahay shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka degan Muqdisho, uuna sheegay inay u tagayaan inay fikir ka geestaan sidii kacdoonka caqabadaha ka hor imaan kara xal waara loogu heli lahaa. Isagoo sheegay in kacdoonka shacabka oo ay hoggaaminayaan Maxkamadaha loo baahan yahay in la taageero oo laga wada shaqeeyo sidii kacdoonka u noqon lahaa mid kalsooni buuxda ku abuura dhamaan bulashada ku dhaqan Muqdisho iyo Soomaalida inteeda kale. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Eng Yarisow waxa uu sheegay in shaqsiyaadka ama qaar ka mid ah bulshada ee dareensan in kacdoonka khaladaad ku jira in looga baahan yahay inay welwelkooda ku mujiyaan si saraaxad leh oo la wada hadlo, lana iska daayo wararka ku tiri ku teenka ah ee aan salka iyo raadka toona laheyn.

SCG ayaa u soo jeesatay sidii waddanka qilaafaadka jira loo yareyn lahaa oo danta guud loogu soo wada jeesan lahaa. Xoghayaha ururka SCG Mudane Abdullahi Telfoon ayaa isagan laba usbuuc ka hor tegay Muqdisho, iyadoo uu Xasan Xundubeey uu isaga in mudo ahba uu ku sugnaa Muqdisho.

Caqabadaha hor yaalla kacdoonka cusub ayaan yareyn, ha yeeshee loo baahan yahay in shaqsi walba oo Soomaali ah uu kaalinta uga aadan ka cayaaro, si wadajir wax loogu wada qabsado.

Somali Cocnern Group
somali@somaliconcern.org


Magaaladda Helsinki ee dalka Finland, waxaa lagu qabtay habeenimadii Xalay25 Juun, 2006 ...

Helesinki (26.06.06) Xaflad weyn oo xuskii maalintii madax bannaanida Somalia Gaar ahaan Gobolada Waqooyi oo ay ka soo wereegtay 46 sanadood oo Caln Soomaliyeed Ciida Laga Taago oo Xora.

Ugu horayntii Waxaa shirka lagu Furay Aayadaha Quraanka kariimka Kadibna waxaa lagalay Ahmiyada Munaasabadani lee dahay oo ah maalintii ugu horaysay oo Gumaystihii Dalku uu qaybo kamida ka baxay taa soo ay aad u xasuustaa dadkii uu xanuun ka Gumaysigu soo taabtay iyo inta wax aqrisa ee og taariikhdu waxa ay qiimo uleedahay qoomiyad jirta oo caalmka ku nool runtiina waxaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyay Masuuliyiin aad u fara badan oo goobta joogay iyo dhalin yaro fara badan Odayaal iyo Haweenka iyadoo halkaasi ay runtii joogeen dhamaanba Bulshada Kala duwan ee Soomaalida wadankan Finland Kunool Iyadoo aanu ognahay Qaxooti hadana kusugan wadan aynaan lahayn hadana waa ilaahay mahadi hadana aynu manta xusayno markii ugu horaysay ee uu Gumaystuhu inaga kacay taas waa wax Alle loogu mahadnaqo sababtoo ah Xornimada iyo waxa ay tahay runtii siwayn ayaynu udhadhaminay maadaama aynu joogno qurbaha aynu hada kusuganahay waa oraahdii ay ku celcelinayeen odayaashii soomaaliyeed ee ka qaybgalay Xaflada iyo waliba hooyooyinkii ku buraanburayay macaanka xornimada iyo duco ay u ducaynayeen in ilaahay uu dhibaatda ka saaro Soomaaliya iyo isbedelada soo kordhay in ilaahay ka dhigo kuwii ilaahay wax san ka dhigo Kadibna waxaa hadalka qaatay oo ka sheekeyay Munaasabadan iyo Qiimaha ay lee dahay Gudoomiyaha Soomaaliy Liito C/risaaq Xasan Maxamed Runtiina ku dheeraaday Xornimada sidii loogu soo halgamay iyo Taariikhdii ay soo martay iwax aanu ka sheekayn karno ma aha lakin waxaad moodaa mirihii laga guran lahaa in lagu ciyaaray balse soomalidu ay maskaxdooda ka shaqaysiiyaan qaas ahaan kuweena wax bartay ee dalkii wax ka badali kara waxna ku kordhin kara waana wax loo baahan yahay oo umad walba waxaa wax ka badala kuwooda wax ubartay mid maadiy iyo Cilmi diin Labadaba Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Rug cadaa siyaasdeed oo aanan magacyadooda ku soo koobi Karin iyo waliba abwaano halkaasi ku soo bandhigay gabayo qiira leh oo dadkii dad a ahaa ee ka soo qaybgalay xaflada waayo waayo xasuusisay Runtii waxa ay ahayd xaflad aad u qiimo badan Waxa ay ku dhamaatay jawiy aad u quruxbadan.

Galabtana waxaa dhici doona Cayaar Kubada cagta ah oo afar kooxood ku hardamiy doonaan oo lagu gudoonsiin doono kooxdii ku guulaysata koob loogu magacdaray Munaasabada 26Juun waxaana soo qaban qaabiyay Ururka SUOMEN Somali Urheliluliito Daawasho wanaagsan iyo Galabta 16.00 Hadii Ilaah Yiraahdo.

mseraar dahir | musseseraar77@hotmail.com


Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 Jun 2006
 
Baabuur badan oo cadowga meelo kala duwan lagaga gubay.
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
 Ururka dalalka Islaamka oo ergo u diraya dalka Soomaaliya.
 
Qorshihii ciidan keenista ee dawlada Soomaaliya oo dib u dhacay.
 
 
======================
 
Wariyaha RX uga soo warrama Ogaadenya ayaa noo soo sheegay baabuur dhawr ah oo ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga gubay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 01/06/06 Bukudhabo oo degmada Awaare ka tirsan waxaa ciidammada cadowga lagaga gubay baabuur Uuraal ah, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
10/06/06 Garawo, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa sidoo kale ciidammada cadowga lagaga gubay hal baabuur, iyadoo ay halkaas ku bas-beeleen baabuurkii iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
18/06/06 waxaa ciidammada cadowga baabuur Uuraal ah lagaga gubay meesha lagu magacaabo Qarsoodi, oo ka tirsana degmada Shilaabo. Baabuurkaas iyo wixii saarnaaba waxba kama bixin.
 
Dagaallo cadowga lagu naafeeyay.
 
05/06/06 Wayla-Cadde, oo gobolka Nogob ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
06/06/06 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Qarbo, oo u dhaxaysa Gari-go’an iyo Garbo, waxaa ciidammada caga-jiidka ah ee Itoobiya lagaga dilay 6 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga ayaa sidii caadada u ahayd waxay ku gaydhadeen dadwaynihii deegaankaasi degganaa, waxayna dab qabadsiiyeen oo guud ahaanba gubeen tuulada Qarbo.
 
12/06/06 dagaal ka dhacay meel Garbo dusheeda ah waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
22/06/06 Cali Fan-cad, oo Sagag ka tirsan waxaa dagaal iskaga hor-yimid cutub ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo cadowgu soo dirsaday, waxaana halkaas malleeshiyadii Dabaqoodhiga ahayd lagaga dilay 2, mid kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale laga furtay qoryihii ay wateen oo dhan
 
23/06/06 dagaal magaalada Garbo ku dhex-maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga Itoobiya, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. 
 
Ururka dalalka Islaamka oo ergo u diraya dalka Soomaaliya.
 
Ururka dalalka islaamka, oo dhawaan shir heer wasiiro ah ku yeeshay waddanka Azerbijan, go’aan ku gaadhay in dalka Soomaaliya loo diro ergo xaaladda soo qiimaysa. Ururka Dalalka Islaamka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la taageero dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, si ay wax uga qabato arrimaha nabadgelyada iyo dib u-heshiisiinta.
 
Ururka Dalalka Islaamka ayaa sidoo kale go’aansaday inuu dalka Soomaaliya ka furto xafiis isku duba-rida arrimaha mucaawanooyinka loo fidiyo dalka Soomaaliya, iyadoo dalalka ururkan xubnaha ka ah laga codsaday inay diyaariyaan miisaaniyadii uu xafiiskaasi ku hawlgali lahaa.
 
Kulan-hoosaad uu ururka dalalka islaamku ka yeeshay arrimaha Soomaaliya waxaa ka qayb galay xubno sarsare oo ka socda dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo ururka ka codsaday inuu dawlada gacan ku siiyo sidii ay nabadda iyo kala danbaynta u soo celin lahayd.
 
Qorshihii ciidan keenista ee dawlada Soomaaliya oo dib u dhacay.
 
Qorshihii ay dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ku doonaysay inay Soomaaliya ku keento ciidamo shisheeye ah oo ay ku jiraan kuwa dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa dib u dhacay, sidaas waxaa laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed oon daboolka laga qaadin.
 
Qorshahan ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay dhammaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ku taliyeen in laga dhur-sugo wadahadallada u dhexeeya dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxaakimta islaamiga iyo sida uu u hirgalo heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac isla gaadheen toddobaadkii hore.
 
Dib u-dhigista qorshaha ciidamo keenista ayaa la sheegayaa in lagala hadlay dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika.
 
Arrintan ayaa la sheegayaa inuu saamayn wayn ku leeyahay socdaalkii ay dhawaan gobolka ku tegtay kaaliyaha xogahaya arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika, taasoo la sheegayo inay dalalka gobolka kala hadashay sida ayna munaasabka u ahayn in hadda ciidammo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya, balse ay lagama maarmaan tahay in laga warsugo sida ay noqoto wadashaqaynta dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxaakimta islaamiga.
 
Dawlada Maraykanka iyo Qaramada Midoobey waxay labaduba taageereen heshiis toddobaadkii hore magaalada Khartuum ku dhexdmaray dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxaakimta islaamiga, kaasoo ay qabanqaabadiisa lahayd Jaamacadda Carabtu.
 
 27 Jun 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 27, 2006

Koonfur Afrika ma aqoonsana dalka la baxay Somaliland....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD