SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO


Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya iyo Safiirka Safaaradda Koonfur Afrika ee Liibya oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah...

  • Koonfur Afrika ma aqoonsana dalka la baxay Somaliland....
  • K/Afrika oo dalkooda ku casumaya Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya...

Danjire Ilkadahab

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Liibya mudane Maxamed Xuseen Maxamed ilkadahab iyo safiirka dalka south Africa u fadhiya liibiya mr. Azwindi Jeremiah dingaan Ndou ayaa kulan ku yeeshay safaarada soomaaliya ee Liibiya.

Kulanka labada denjire ka dib ayaa waxaa iiga waramay danjire ilkadahab asagoo jooga xafiiskiisa waxii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka south Africa.

Ilkadahab, waxuu hadalkiisa ku bilabay: Waxaan ka wada hadalnay oo uu wax iga weydiiyey isbedelka cusub ee ka dhacay dalka Soomaaliya ee ah xoogaga cusub ee maxaakimta islaamka iyo xiriirka u dhaxeeyo dowlada iyo maxaakimta islaamiga ah, waxaana u sheegay in ay jirto wada hadalo lagu doonayo in ay u furmaan maxakiimta iyo dowlada cusub ee Soomaaliya oo ay weliba dowlada ku baaqdey in ay wada hadlaan.

Dhanka kale waxaan ka la hadlay, ayuu yidhi ilkadahab, in ay dowladda south Africa aqoonsatay Soomaliland iyo in kale. Waxuu sheegay danjiraha south Africa in aysan jirin wax aqoonsi dowladnimo ah ee ay aqoonsatay South Africa dowlada is magacaawdey ee Somaliland, balse buu yidhi ay jirto in ay halkaasi tageen ganacsato reer south Africa ah, waad garan kartaa nin ama shaqsi marka uu yahay ganacsade waxii u fududeyn kara ganacsigiisa ayuu ku hadlayaa ganacsadena kama wakiil ahan dowlada south Africa, dowlada south Africana waxay taagersan tahay midnimada Soomaaliya iyo weliba ilaalinta xuduudaheeda, waxuu kaloo uu sheegay in ay ayidsan tahay dowlada federalka kmg ah ee Soomaliya.

Geeddi | Cabdullaahi | Mbeki

Ma iloowsanin dadaalkii iyo abaalkii ay noo sameysay dowladii Soomaaliya xilligii aan ku jirnay halgankii gobonimodoonka ee dalka south Africa, waxaan wax ku baran jirnay gudaha dalka soomaliya, abaalkaasna ma ilowsanin, waxaana maanta la garab taaganahay dowlada Soomaaliya ee aan tabareysan hiil iyo hoo, waayo waxaan gacansiina dowlado Africa ah oo ay ka mid yihiin sudan iyo Burundi, dowlada soomaliyana wax alle iyo wixii ay nooga baahato ayaan la garab taaganahay.

Waxa kale oo uu gudoonsiiyey mr. Ndou warqad dhanbaal ah oo uu ka siday madaxweynaha south Africa mudane Thabo Mbeki oo uu u soo diray madaxweynaha Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed, asaga oo guddoonsiiyey safiirka soomaaliya warqadaas kana gudoomay mr:Ndou.

Waxuu kale oo uu sheegay in dalkooda ay ku casuumayaan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya si ay halkaas uu uga tusqaado xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo south Africa.

Ugu danbeyntii waxuu yidhi waxaan u rajeynayaa dowlada Soomaliya in ay noqoto mid taabo gasho oo guuleysato. Mudane IlkaDahab ayaa asagana uga hanbalyeeyey sida walaalnimda leh ee ay dowlada south Africa isu garabtaageyso dowlada Soomaaliya ee aan tabareysan.

Qore:Saciid Axmed Antenno

Tripoli-Liibya

saciidanteno@yahoo.com

218-926449131  

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 15, 2006


Wararka Liibiya:

Safiirka Soomaaliya ee Saaxil Wasaxaraa Dr Ilka-Dahab oo ka warbixiyey shirkii ka dhacay Morocco


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD