SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com


Wararka Caalamka ee Maanta:::

Dagaal xagga dhulka ah oo dhexmaray Israa'iil iyo Xisbulaah

 
(JUly 31): Inkastoo Israa'iil ay sheegtay iney weeraradii xagga cirka ahaa ee ay ku heysay Lubnaan hakad gelisay muddo 48 saacadood ah hadana xeeladaha dagaal ee ay adeegsanayeen ayaa weli halkeedi ah, iyadoo ciidamada lugta Israa'iil iyo kuwa Xisbullaah uu dhexmaray dagaal xagga dhulka ah ayaa maanta ciidamada israa'iiiyiinta waxaa laga dhaawacay 3 askari, balse diyaaradaha dagaalka dalkaasi oo taageero meleteri siinaya kuwa lugta ayaa dhanka koonfureed weeraro ku qaaday, iyadoo weliba la og yahay in Israa'iil ay ogolaatay in weerarada xaga xirka ay hakad geliso. Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in sadexdaasi askari maanta ku dhaawacmeen dagaalka dhulka ay ee ay iskaga horyimaadeen dagaalyahanada Xisbullaah.
 
Xisbullah dhinaceeda waxey sheegtay iney dhaawac u geysatay askartaasi islamarkaasina ay bur burisay taangiyada dagaalka. Dadweýnaha ku go'doonsanaa aagaasi ayaa haatan bilaabay iney ka barakacaan iyagoo naftooda la cararaya. Israa'iil waxey wacad ku martay iney bur burin doonto Xisbulaah iyo wixii taabacsan, wasiirka gaashaandhiga oo maanta ka hadlayey baarlamaanka ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray kooxaha xag jirka ah ay joojinta dagaalkaasi siineyso fursad ay ku soo galaan Lubnaan xaaladana ay dib ugu laabato halkey joogtay.
 
Dowlada Lubnaan waxaa ay shalay gaashaanka ku dhiftay booqashadii ay Condoleezza Rice ku iman laheyd dalkaasi, kadib markii ra'iisal wasaaraha dalkaasi uu sheegay inuu qaabili karro markey ka dhaa dhacsiiso Israa'iil iney weeraadasi joojiso. Rice waxaa lugu eedeynayaa iney ka cago jiiday sidey Israa'iil ay ugu dhaa dhacsiin laheyd joojinta dagaalkaas. Ma ahan arrinta iyada oo keliya ee balse
Washington ayaa iyadu tahay cida sida tooska ah looga saarayo mushkilada barriga iyo taageerada dhanakasta ah oo uu siiyey Israa'iil. 
Qaramada Midoobeydana waxey isku raaceen ugu yaraan gumaadkii ka dhacay Qana ee dalkaasi Lubnaan iney cambaareeyaan oo ay ku sheegaan "argagax iyo xanuun". Maalintii axadii aheyd ayey Israa'iil diyaaradaheeda dagaalka waxey si ula kac ah gantaal ugu tuurtay dhismo dheer oo ay dad rayid ah kaga gambanayeen weerarada halkaasoo ay ku dileen 54 oo qof 37 kamid ah dadkaasi ayaa ahaa carruur aan waxba galabsan. Beesha caalamka arrintani waxey ku noqtay argagax iyo yaab durba in badan oo iyaga kamid ah ayaa bilaabay iney falkaasi cambaareeyaan.

Goor dambe oo xalay oo talaado aheyd waxa uu Ehut Olmert sheegay ineysan joojineeyn dagaalka ee aysan fiirsaneyn waxyaabaha Xisbullaah kawadaan dhulka xudduuda ah.
 
 
             Hindiya iyo Pakistaan oo wadahalo nabadeed u bilowday 
 
 
Iyadoo muddo sadex toddobaad ah kasoo wareegtay markii qaraxyo loo geystay goobaha gaadiidka tareenka ahi marro ee magaalada Mumbay ayaa labada dowladeed ee Hindiya iyo Pakistaan waxey dib u bilaabeen iney ka hadlaan arrimo horey ugu dhaxeeyey oo ay ku jirto weeraradii Mumbay.
Booliska Hindiya ayaa farta ku fiiqay kooxo ay ku sheegeen iney yihiin mintidiin ka tirsan Pakistaan ay falkaasi ka dambeeyeen sidoo kale nin suxufi ah ayaa isagana maanta loo xiray ku lug lahaansho la sheegay inuu weeraradaasi wax ka fuliyey, saxafigani waxa uu dhashay dalka Hindiya.
"Falalka dhacay wax saameyn ah kuma yeelan doonto wadahadalada nabadeed ee labada dowladood u dhaxeeya" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Hindiya Shyam Saran, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa iney waxkasta oo ay uga hortigi karaan waxa uu ku sheegay argagaxisada ay sameynayaan .Arrimaha dibada Pakistaana waxaa  dhinaceeda ay maanta gaashaanka ku dhiftay eedeymaha uga yimid Hindiya ee la xirriira in kooxo Pakistaaniyiin ahi ay fuliyeen weeraradii mombey.
Bishii julaay hortaanteedii ayey aheyd markii weeraro lala beegsaday tareenada gaadiid ahaanta loo adeegsado ee magaalada Mombay mara kuwaasoo galaaftay nafta 180 ruux. Dowlada New Delhi waxey mas'uuliyada weerarkaasi dusha ka saartay kooxaha mintidka ah ee Pakistaan waxaana ay joojisay wadahaladii tan iyo bishii janaayo ee sanadii 2004-ta socday. Maantana waxaa lugu wadaa in labada dal ay markale miiskii wadahalada dib ugu soo laabtaan.
 
 
       Madaxweynaha Hindiya oo aan daawan filim in ka badan 50 sanno
 
 
Waa laga yaaba in arintani tahay mid macquul ah balse sida uu isagu laftiisa sheegay ayaa ah mid la runsan karro. "Ima rusaneysaan hadaan warkaasi idiin sheego laakin waa xaqiiqo" ayuu yiri madaxweynaha dalkaasi oo u waramayey idaacad dalkaasi ku taalo oo ay warkani kasoo xigtay wakaalada wararka Reuters.Madaxweynaha waxa uu sheegay inuu ahaa mid aad u mashquulsan oo ku mashquulsana cilmi baaris seynis ahaaneed. Madaxweynahan oo 75 jir ah ayaa dalalka filimada sameeya waxey sheegeen in cimriga uu jro marka la bar bardhigo inta filin ee la sameeyey ay tahay 800 ilaa 1000 filin sanad walba. Balse waa arrin cajiib ah oo dadka maanta jooga looga sheekeeya aysan runsaneyn.

July 29, 2006

Rice oo markale dib ugu laabatay barriga dhaxe

 
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice ayaa xalay goor dambe dib ugu laabatay markale barriga dhaxe iyadoo socdaalkeedii ugu horeeyey ay ku tagtay dalkaasi Israa'iil si ay ugu dhaa dhacsiiso xukuumada dalkaasi  go'aanada qarramada midoobey ay ku dooneyso in dagaalka ay Yahuudu ku qaaday Lubnaan si deg deg ah loo joojiyo si gargaarka bani'aadnimada ee dadka dagaalkaasi waxyeelo kasoo gaartay loo gaarsiiyo. Kahor inta aaney la kulmin ra'iisal wasaaraha dalkaasi ayey sheegay Condoleezza Rice iney ku rajo weynahay sharuudaha lugu joojinayo dagaalkaasi ay hirsho maalinta talaada walow aysan hubin in ogolaansho loo helayo.
 
Qorshayaasha ay markan xambaarsan tahay haweeneydan ayaa waxaa kamid ah in Israa'iil ogolaato in halkaasi la geeyo ciidamo nabad ilaalineed oo Qaramada Midoobey ka socda, sidoo kale in Xisbullaah ay sii deyso askarta ay afduubtay iyo in dalkaasi Lubaan dib loo dhiso.
 
Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dagaalka Lubnaan oo caalamka ka dhacay iyo culumada Islaamka oo ku baaqay inaan la qaadan Fatwada Sacuudiga
 
Iyadoo mushkilada barriga dhaxe ee awalba loo caal waayey ayaa hadana waxaa rajadii nabad goblka ka islaado geed dheer saaray weerarada cadowtanimada leh ee ay Israa'iil ku qaaday dalkaasi Lubnaan, markii labo askari oo kuweeda ah af duub loo geystay.
 
Dunida Carabta iyo caalamka intiisa kale ayaa dadyowga ku nooli waxey aad u dhaliileen siyaasada Bush ee barriga dhaxe, waxaana shalay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dagaalkaasi ka dhacay meelo kamid ah caalamka. Magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska ayaa waxaa banaanbaxyo ay ka dhigeen dad gaaraya 2000 oo qof kuwaaso codsanayey in dagaalka barriga dhexe si deg deg ah loo joojiyo, sidoo kale magaalada Bern ee Swetzerland ayaa iygana waxaa wadooyinka magaaladaasi iskugu soo baxay in ka badan 3000 dibad baxayaal ah kuwaasoo iyagana codsanayey in Israa'iil ay joojiso dagaalka ay ku heyso maatada dalkaasi. Australia ayaa dadweyne careysani waxey qarbudaad u geysteen ra'iisal wasaaraha dalkaasi xilli uu ku sugnaa hotel uu doonayey inuu ka baxo, kadib markii hadalkii xoghayaha Xisbulaah uu ku sheegay urrurada argagaxisada islamarkaasina aan habooneyn in la dhageysto, booliska iyo dadkii banaanbaxayey ayaa isku dhacay.
 
Dhinaca kale culimada Islaamka ayaa si weyn gaashaanka ugu dhiftay hindiso la sheegay in culimada Sacuudiga ay soo bandhigay kuwaasoo la xirriira sida ugu haboon ee lugu joojin karro dagaalka u dhaxeeya Xisbullaah iyo Israa'iil. Culimada Sacuudiga ayaa aaminsan in dagaalka Xisbullah uu yahay mid ay ku dooneyso iney fuliso maslaxada dalkaasi Iiraan waa sida ay warka u dhigeen taasoo culimada ugu caalinsan xagga diinta Islaamka ay arrintan ugu guuxeen. Baaq ay culimada Sacuudiga soo saareen ayey ku sheegen inaan la taageerin dagaalka Xisbulaah ay ay Yahuuda kula jirto. Sheekha la yiraahdo Suleymaan Cuudah oo ka tirsan culimada Sacuudiga oo ka soo horjeeda baaqa ay soo saareen culimada kale ee dalkaasi ayaa sheegay in Israa'iil tahay cadowga guud ee ummadda Islaamka leedahay waxana uu codsaday in muslimiintu khilaafaadkooda daaqiliga ah ay xaliyaan meelna uga soo wada jeestaan Israa'iil oo ku sheegay iney burburiso waxkasta oo nolosha ku saabsan iyadoo gumaaday maatada liidata sida dumarka, carruurta iyo waayeelada. 
 
              Kongo-Kinshasa oo dooroshooyin u dareereysa Maanta
 
Inkasto dalkaasi lamid yahay dalal dhowr ah oo Afrikaan ahi dagaalo sokeeye aafeeyeen hadana maanta oo axad ah waxaa lugu wadaa in dalkaasi ay ka dhacaan dooroshooyin ay asxaab badani ku loolamayaan. Hogaamiyeyaasha caalamkana waxey dadka dalkaasi ugu baaqeen in si nabad iyo domoqraadiyad ah uga qeyb qaataan oo wixii rabashado u keeni karra ka dheeraadaan.
Cansi aad u badan ayaa jirta oo la xirriirta in rabashado horey halkaasi uga dhacay ay qal qal geliyaan codbixinta loo dareerayo. Tododbaadyadii ugu dambeysay ayaa magaalada caasimada ah ee Kinshasa waxaa hareeyey rabshado galaaftay lix qofood kuwaasoo salka ku haya arrimo siyaasadeed.
Ragga musharaxinta ah ee u tartamaya jagada madaxtanimada dalkaasi ayey gaarayaan 33 musharax halka baarlamaanka dadka doonaya iney galaan ee ay gaarayaan kumanaan. Madaxweynaha haatan xukunka haya Kabila ayaa isaga la aaminsan yahay inuu noqoto mid marwalba dadku jecel yihiin ee ay jeclaan lahaayeen inuu sii hayo jagadii aabihii ka dhintay

July 28, 2006

Bush iyo Blair: "Waxaanu dooneynaa nabada barriga dhaxe" 

 
Hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Bush iyo Blair ayaa shaaca ka qaaday iney doonayaan nabad ka islaaxda barriga dhaxe. Hadalkan ayey sheegeen shir jaraa'id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalo madaxda Mareykanka ee Washington halkaasoo Tony Blair-ka Britan uu booqasho ku tagay.
Labada hogaamiye ayaa kulankooda waxey kaga munaaqishoodeen arrimaha xasaasiga ah ee haatan ka taagan barriga dhaxe.Waxaana ay sheegen in haatan colaada halkaasi ka jirta lugu damin karro in si deg deg ah halkaasi ciidamo loogu dirro. Ujeedadooduna tahay in nabad waarta la helo.
Marka la eego arrmaha kale ee gobolka labada hogaamiye waxey sheegeen iney doonayaan in xalku noqto amaba yahay in la helo Falastin iyo Israa'iil oo labo dowladood oo jaar ah nabadna kuwada joogo.
Bush waxa uu weeraray dalalka Suuriya iyo Iiraan oo ku sheegay in dowr muuqda ku leeyihiin xiisadaha halkaasi ka aloolsan,Iiraana ayuu ugu baaqay iney ka tanasusho sameynta hubka wax gumaado. Blair oo dhinaciisa arirntaasi Bush ku taageeraya ayaa sheegay in labada dowladood ay heystaa fursado ay ku kala dooran karraan in nabada ay beesha caalamku dooneyso ama qatar kasta oo iman karta ay wajahaan. Inkastoo labadan hogaamiye ay ka hadleen arrimaha gobolka oo hadaladooda u eg kuwo diblomaasiyadeed ayaan hadana muuqaneyn xal laga gaaro dhibaatada haatan loo caal waayey.
 
       Mareykanka oo laga codsaday inuu xirro xabsiyada qarsoodiga ah 
 
Hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha ee taabacsan Qaramada Midoobey ayaa dowlada Washington ka codsatay iney xirto dhamaan xabsiyada qarsoodiga ah ee caalamka dalacadiisa ku yaal, sidoo kalena waxey hey'adu codsatay iney u tagto maxaabiista goobahasi lugu hayo kuwaasoo mar uun la qabtay iyadoo hub heysta. Hey'adu waxey qoraal ay soo sheegtay ku sheegtay iney ku kalsoon tahay warbixinada ay heshay kuwaasoo tibaaxaya iney jiraan xabsiyo qarsoodi ah oo sanooyin badan lugu hayo dadka la tuhmayo. Iyadoo qoraalkeeda ay amuurtan
kaga hadleyso ay he'adu sii wadato ayey sheegtay iney muhiim tahay dadka la tuhmayo in lugu hayo goob ay ka heli karaan nabadgalyo iyo raaxo sida uu dhigayaan shuruucda caalamiga ah.
 
Mareykanka tan iyo markii dalkiisa la qarxiyey goobaha saldhiga u ah ilaha dhaqaale iyo meleteriba waxaa uu sameystay nidaam awood gaar ah siyey taasoo ah in meelkasta iyo cidkastaaba uu kula dirriri karro waxey ugu yeereen argagaxisada ee dalkaasi weerarada ka geysatay. Wixii waqtigaasi ka dambveeyeyna waxaa aad u soo kor dhayey cabashada ka imaneysa kooxaha u dooda xuquuqda aadnaha kuwaasoo sheegaya in Mareykanku ay maxaabiis aan la horkeenin cadaalada ay ku sheegeen argagaxiso ku hayaan xabsiyo islamarkaasina ay u geysteen jir dil iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Balse dowlada Washington waxey marwalba dafirtaa eedeymahaas.
 
 
              Dalka Faransiiska oo kuleyl xad dhaaf ahi dad ugu dhinteen
 
 
Ugu yaraan lixdan iyo afar qof ayaa la runsan yahay in kuleyl xad dhaaf ah oo qaadaran Yurub ka jira ay ugu dhinteen dalkaasi Faransiiska labadii toddobaad ee ugu dambeysay.Sidoo kale dalka Talyaaniga ayaa isagana laga soo waramayaa in beeroleyda dalkaasi ay waayeen lacago malaayiin gaaraya kuwasoo ay sabab ugu noqdeen qoroxda iyo qaleylka dhulka dalkaasi meelo kamid ah ka jira.
 
Afartan iyo afar qof oo kamid ah dadkaasi ku dhintay dalka Faransiiska ayaa iyagu ah dadka waayeelada ee da'dood ka sareyso 75 jir. Tirada dadkaasi geeriyooda ee kuleyka awgiis u dhintay ayaa la sheegaya iney sii kordheyso iyadoo kuleylka dalkaasi gaaray 40 digree.
Kuleylka xadkiisa dhaafay ee haatan laga sheegayo dalkaasi Faransiiska ayaa waxaa noociisa oo kale soo maray sanadii 2003-da markaasii dalkaasi dad gaaray 15.000 ugu dhinteen iyadoo xitaa kuleylka sanadkan ljira uu yahay mid galaaftay dadyow badan naftood.
Dhinaca kale dalalka Jarmalka Isbeyn iyo Talyaaniga ayaa iyagana cabasho taas lamid ah laga soo sheegaya  heer kulka xaraaradana waxaa uu gaaray dalalkaasi 37 digree. Beeraleyda dalkaasi Talyaanigana waxey sheegeen iney qasaareen lacago malaayiin gaarayo markii roobabkii sanadkan la sugayey uu galbaday.

Wararkii July 27, 2006

Israa'iil oo sheegatay iney sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah Lubnaan

 
Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Israa'iil Ehut Olmert ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa dagaalka ay kula jirto kooxaha Xisbullaah ee dalkaasi Lubnaan. Isagoo taageero xagga gudaha ka heysta dadka Yahuuda ah ayaa sheegay in weeraradooda ay inta badan ahaan doonto kuwa xagga cirka ah. Dhinaca kale madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin ayaa sheegay in askarigii yahuudiga ahaa afduubka looga heysatay la siidaayey.
 
Ayman Zawahiri oo ah ninka labaad ee urrurka Alqaacida ayaa isaga oo soo diray farriin muuqaal ah ayaa wacad ku maray iney indhaha ka laaban doonin waxa haatan ka socda barriga dhaxe gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya Lubnaan iyo Israa'iil. "Sideen u aamusi karnaa iyadoo bambaanooyinka ay sida roobki  korkooda ugu da'eyso dadkeena" ayuu yiri Ayman Zawahiri oo sheegay in Alqaacida ay dhaawacyo aan laga kabsan karro u geysan doonto Yahuuda. Israa'iil waxey qiratay in dagaalkii shalay ka dhacay Bint jubeyl loogaga dilay 9 askari kadib markii dagaal culus uu halkaasi ku dhexmaray.
Beesha caalamka oo arrintan da daal dheer u gashay siddii ay u joojin laheyd dagaalkaas ayaa shirkii caalamiga ahaa ee Roma lugu qabtay ku dhamaatay jawi aan u muuqan mid la isku afgartay iyadoo xubinihii ka qeybgalay kulankaasi ay isku raaceen in loo diro halkaasi ciidamo nabad ilaalineed. 
 
Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice oo tagtay Maleysiya
 
Shirweyne ay ka qeybgalayeen baddi madaxda dalalka eeshiyaanka ah ayaa maanta ka furmay magaalo madaxda Maleeysiya ee Kuala Lumpur, shirkani oo ah mid xagga amniga loogaga hadlayey ayaa waxaa ka qeybshay haweeneyda xoghayaha uga ah arrimaha dibada Mareykanka Condeleezza Rice iyo lix iyo labaatan wadan oo dalalka eeshiyaanka ah. Rice waxey rajo ka qabtay muddada shirkaasi socdo inaan dowladeeda loo jeedin cambaareyn ka dhan taageerada aan qarsoodiga aheyn ee ay u heyso Israa'iil iyo dagaalka ay kula jirto Xisbullaah. Kulankan ayaa looga munaaqishooda arrimaha xagga amniga, gaar ahaan xiisada barriga dhaxe iyo waqooyiga Kuuriya iyo nukliyeerka Iiraan.
Shirkaas intuu socday waxaa si kedis ah ku yimid wasiirka arrimaha dibada  Iiraan Manouchehr Mottaki oo wadahal gooni ah arrimaha barriga dhaxe kala yeeshay dhigiisa Maleeysia, balse  meysan jirin wax kulan ah oo la yeeshay Condoleezza Rice  xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka. Arrinta ugu weyn ee Rice kulankaasi uga qeybshay ayaa waxaa ajandihiisa ku jiray sidii waqooyiga Kuuriya loogu cadaadin lahaa in wadahaladii lix geesoodka ahaa ay markale ka qeybsho. Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada waqooyiga Kuuriyana waxa uu sheegay in dowladiisa aysan ka qeybgaleyn kulankaasi Rice ku baaqday.
 
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay 10-ka wadan ee xubnaha ka ah ASEAN-ka, Australia, Shiinaha , Japaan, Ruush-ka iyo dalal kale oo dhowr ah dhamaan wadamadii ka qeybgalay kulankaasi oo 26 dal ah ay qaarkood cambaareeyeen weeraradii lugu dilay ergadii Qaramada Midoobey ee koonfurta Lubnaan.

Wararkii Adduunka ee July 26, 2006

Shirkii Roma ee loogaga hadlayey arrimaha Lubnaan oo fashilmay

Inkastoo shirkaasi dalalkii ka qeybgalay ee ugu yaraan isku dayey iney xal u raadiyaan dagaalka u dhaxeeya Israa'iil iyo dagaalyahanada Xisbullaah hadana waxa uu ahaa mid cambaareyntiisa u muuqatay iney diiradda saareen hal dhinac oo kaliya, saas oo ay tahayna xoghayaha arrimaha dibada  Mareykanka Condoleezza Rice waxaa ay sheegtay iney ka qeybgalayaashii kulankaasi ay isku afgarteen in ciidamo nabad ilaalineed loo dirro halkaas.
Waxey sidoo kale codsadeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, balse Mareykanku uma muuqan mid haya qorshe dagaalkaasi lugu hakin karro, halka dalalka iyaga ka qeyb galayey ay codsadeen in xabad joojin deg deg ah la samaayo. Shirkan oo ay ka qeybgaleen wadamada Jordan, Masar Sacuudiga, Qaramada Midoobey Mareykanka Faransiiska, Isbeyn iyo Ruush-ka.
Dhinaca kale Condoleezza Rice waxey sheegtay in haatan la joogo waqtii ay Suuriya iyo Iiraan ay wax ka badalilahaayeen siyaasadooda ku wajahan barriga dhaxe, gaar ahaan Suuriya oo ay ku sheegtay iney mas'uul ka tahay waxa haatan ka socda gobolka, halka Iiraana ay dhinaca kale mas'uul ka tahay waxyaabaha jira. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo kulankan ka qeybgalayey ayaa dhinaciisa in loo baahan yahay in dagaalkaasi la joojiyo iyadoo la fiirinayo buu yiri
xaalada halkaasi ka jirta ee u baahan gar gaarka deg dega ah.
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil ayaa ku adkeysanaya in la helo ciidamo nabad ilaalineed oo la dhex dhigo labada xuduud si aysan Xisbulah halkaasi markale weeraro uga soo qaadin,balse waxa uu aad daneynayaa in ciidamadaasi noqdaan kuwo ka socda gaashaanbuurta Nato.
 
Weli iyadoo dagaalka u dhaxeeya Xisbullaah iyo Israa'iil sii socda ayaa hadana Xisbullaah waxey sheegteen iney dileen 9 askari oo yahuud ah, kadib markii maanta dagaal qaraari uu dhexmaray halka la yiraahdo Bint Jubeyl, inkastoo Israa'iil aysan amuurtaasi ka hadlin. Shalay diyaaradaha dagaalka Israa'iiliyiinta waxey gantaal ku tuureen kaolneeyo gawaarida Qaramada Midoobey ah halkaasoo ay ku dileen ergeda Qaramada Midoobey.
 
 
Danjiraha Israa'iil ee Norway oo dacwad ku soo oogay mid kamid ah wargeysyada dalkaasi

Danjiraha dowlada Israa'iil u fadhiya magaalada Oslo ee wadanka Norway Miryam Shomrat ayaa dacwad ka dhan ah wargeyska maalinlaha ah ee kaso baxa dalkaasi ee Dagbladet u gudbisay dowlada dalkaasi, kadib markii wargeyskaasi uu bishan julaay 10-keedii sawiray sawir gacmeed lugu ihaaneynayo waa sida ay sheegtaye ra'iisal wasaaraha yahuuda Ehur Olmert.

Sawirka sida weyn uga careysiiyey haweneyda danjiraha ah ayaa waxa uu yahay sawir kartoon ah oo laga sameeyey Ehut Olmert oo taagan guri dabaq ah bundaqna gacanta ku heysta sarta dheer uu saaran yahayna hoosteeda yaalo nin falastiini oo meyd ah.

Sawri gacmeedkan ayaa la sheegay inuu yahay mid laga aragti qaatay filin loogu magac darray Schindler's List, filinkaasi oo la sameeyey sanadku markii ahaa 1993-kii, nin ku jira filinkaasi ku jira ayaa waxa uu matalayey nin jecel neceb yahooda jecelna inuu dadka ka  toogto dabaqa sare ee gurigiisa. Sawirkani ayaa sidoo kale waxa uu yahay mid muujinaya sida Yahuuda loola dhaqmi jiray waqtigii uu Hitler oo ay haatan kula dhaqmayaan dadka laga awooda badan yahay ee reer Falastiin.

"Sawirkani waa mid aan la aqbali karrin oo ka tusaalo qaatay sida foosha xun ee ay kula dhaqmeen naziyiintii Hitler dadkii Yahuuda ahaa"ayey tiri Miryam Shomrat oo warqeeda cabashada ah u dirtay hey'ada dalkaasi u qaabilsan cabirka ra'yiga ee saxaafada lugu soo daabaco.

 Tafaftiraha wargeyska Dagbladet oo arrinta dacwada wargeyskiisa lugu soo oogay ka hadlay ayaa sheegay iney tahay arrin ay dhabarka u ridanayaan, "Waan dareemi karaa iney dadka dareenkooda kicin karto, dacwadana waxaan u qaadanayaa arrin culus, cabsina nuguma heyso iney dhibaato ku keento wargeyska" ayuu yiri Lars  Helle oo ah tafaftiraha wargeyskaasi oo arrintani ku tilmaamay mid wax u dhimi karta cabirka xorriyada saxaafada.

                              Maradona oo isbitaal loola cararay

Ciyaaryahankii reer Arjantiin ee mar magac weyn ku yeeshay saaxada ciyaareed ee kubada cagta Diego Maradona ayaa isbitaal loola caray iyadoo la sheegay in xaalad caafimaad darro soo wajahday. Muddo dhowr saacadood ah oo uu isbitaalka jiifay ayaa wararku sheegen in baaritaan guud lugu sameynayey xaaladiisa oo aan la ogeyn waxa keenay in la dhigo cisbitalka.

Alfredo cahe oo ah dhaqtarkiisa qaaska ah ayaa u sheegay saxaafada in habeenimadii xalay aheyd isbaalka la geeyey si loo "baaritaan guud" balse waxa uu ka gaabaday iney tahay arrin halis gelin karta noloshiisa iyo inkale. Mana ahan markii ugu horeysay ee Maradona la seexiyo isbitaal, horey ayaa bishii maarso ee sanadkii hore waxaa lugu sameeyey qaliin kadib markii miisaankiisa jireed uu xadkiisa dhaafay sidoo kalena waxa uu la il darnaa wadno xanuun soo wajahay xilliguu maandooriyaha ku waalnaa.


Wararkii Adduunka ee July 25, 2006

Saxaafada Sweden iyo hadal heyta soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya 

 
Sweden oo keliya maahan dalka ay saxaafadiisa sida weyn u hadal heysto faro galin qaawan dowlada Itoobiya ciidamadeeda ugu soo dirtay dalka Soomaaliya, ee caalamka oo dhan ayaa haatan isha ku haya walow aysan waxba ka qaban, hadana tan iyo markii dagaaku dhexmaray dagaal oogeyaalka iyo maxkamadaha, dagaalkana looga adkaaday, waxaa aad u soo badanayey wararka la xirriira dagaalkaasi iyo isbadalka siyaasadeed ee ay Soomaaliya gashay.
wargeysyada waa weeyn ee ay kamid yihiin DN (Daily News) Gp (Gotenburg Post) SVD (Svenska Dagbladet) telefeyshinka dalka iyo warbaahinta oo idaacada Qaranka ku jirto ayaa si weyn isha ugu eegayey isbadalkaasi. Waxaana dhamaantood ay ka faaloon jirin sababta marka ay magaalada Muqdisho dagaal uga dhaceen.
 
Hadaba wargeyska Gothenburg Post ayaa qoraal dheer oo maanta ka diyaariyey Soomaaliya waxa uu ka hadlay ciidamada Itoobiyanka ee la sheegay iney Soomaaliya meelo kamid ah soo galeen, ayaan qoray hadalo ay kamid yihiin "Itoobiya oo qaseysay arrimaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku garab taagan". Arrintan ayuu wargeysku ku sheegay in dowlada Masiixiga ah ee Itoobiya aaneyn dooneyn in Soomaaliya dowlad ka dhalata. Wuxuu sidoo kale guud mar ku sameeyey taariikhdii Itoobiya iyo dowrkii ay ka qaadatay hurinta colaadaha Soomaaliya muddadii burburka.
Inkastoo dhinacyo badan oo arrinta Soomaaaliya quseysa ka hadlay hadana wargeyska waxa uu i shaaray in muskhilada Soomaaliya loo caalwaayey ay qeybta ugu muhiimsan ku leedahay dowlada ku sheegta Tigreeda ee baryahan codkeedii ka dheereysay sheegtayna iney talaabo ka qaadeyso waxa ay ku sheegtay kooxaha asal raaca ah.

Maxkamadaha oo aan la fileyn iney noqoneyso quwad aan xisaabta ku jirin waqtigan xaadirka ah isbadal weyn oo taariikhi ahna ku sameeyey siyaasada Soomaaliya ayuu wargeysku ku sheegay in magaalada Muqdisho ay maanta yeelatay hal maamul rajadii nabada laga qabayna ay dib u soo laabatay balse Itoobiya iyo dowlada maqaar saarka ah ee Tigreega ay yihiin kuwo maanta markale u horseedi kara dagaal lugu hoobto oo ka dhaca geeska Afrika. Si kastaaba arrintu ahaatee wargeysyada iyo saxaafada wadankan waxey lamid yihiin warbaahinta caalamka ee isha ku heysa waxa Itoobiya ka wado gudaha Soomaaliya waxeyna inta badan saxaafadu qortay in Itoobiya ay noqon doonto mid horseeda dagaal ka dhaca geeska Afrika Mareykanka oo jecel meelkasta oo argagaxiso lugu sheegana tago uu arrintaasi ku taageersan yahay, iyadoo weliba la og yahay in Mareykanku uu si toos ah u diiday in maxkamadaha ay hantiyaan awooda dalka sida uu wargeyska laftiisa amuuurtaasi maanta wax uga qoray. 

 
           Sacuudiga oo ka digay in dagaalka barriga dhexe weji kale yeesho
 
Boqorka dalka Sacuudi Careebiya ayaa maanta ka digay in dagaalka Israa'iil ay heyso Lubnaan uu ku fido dalalka kale ee ku yaala barriga dhaxe.
Inkastoo Sacuudiga ay horey dusha ka saartay dagaalka barriga dhaxe in Xisbulah ay masuul ka tahay hadana waxuu hadalkani yimid xilli ay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice ay barriga dhaxe timid, iyadoo dalkiisa ay cagta soo marisay kuna dabamartay Falastiin, mareykanuna uu gacan ka geysto joojinta dagaalkaasi.
 
Dowlada Sacuudiga ayaa dooneysa iney gacan weyn ku yeelato kaalmada dhaqaale ee Lubnaan loo fidinayo, waxaana ay u qorsheysay adduun gaaraya hal bilyan oo ay dhinaca dhaqaalaha kaga kabeyso, halka haaf bilyan ay ku taageereyso burburka dalkaas ku dhacay iyo 250 milyan oo ay iyadana ugu talagashay falastiinyiinta ku tabaaleysan marinka Gaza. Sacuudiga waxa uu haatan walaac kamuuujiyey weerarada sii socda ee aan loogu aabo yeelin dadka dalkaasi, waxaana ay ka digtay in gobolka saameyn ku yeesho iyadoo dadka carbeed ay si weyni ugu careysan yihiin aamusnaanta madaxda carabta ee iyagu intooda badan saaxiib la ah Mareykanka balse aad u dhaliilaya siyaasadiisa ku aadan barriga dhaxe.

Wararkii Adduunka ee July 24, 2006

Rice oo booqasho kedis ah ku tagtay Lubnaan

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice ayaa maanta booqasho kedis ah waxaa ay ku tagtay dalkaasi Lubnaan, halkaasoo ay u tagtay sidii xal loogu gaari lahaa xiisada dagaal ee u dhaxeeysa dagaalyahanada Xisbullaah iyo Israa'iil. Kulan ay la qaadatay Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Fu'ad Sinaro ayey uga tacsiyeysay burburka meelo kamid ah caasimada ku dhacay. Markaa kadib waxey la kulantay afhayeenka baarlamaanka Nabil Barre oo isagu ah nin si weyn ugu dhow Xisbulaah iyo reer galbeedka. Inkastoo rajo ka muujisay in dagaalkaasi hado hadana waxey sheegtay ineysan amuurtu noqon doonin siddii ay aheyd ka hor 12 bishan julay markaasoo ciidamada Israa'iliyiinta ay qaadeen duulaankoodii ay ku duqeynayeen meelo kamid ah dalkaasi.
 
Dhinaca kale Tony Blair-ka dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegay inuu rajo weyn qabo in maalmaha soo socda qorsho lugu joojinayo dagaalka barriga dhexe la gaaro, hadalkan ayuu sheegay maanta mar uu saxaafada dalkaasi shir jaraa'ii u qabtay la hadlayey. Inkastoo sharaxaad uusan ka bixin qorshahasi waxa uu noqon karro hadana waxa uu sheegay iney tahay mid labada dhinacba ay soo dhaweynayaan.
Beesha caalamkana waxey haatan rajo weyni ay ka qabtaa shirweynaha caalamiga ah ee Roma lugu qabanayo ay kasoo baxaan natiijado wax ku ool ah. Rice waxey goor sii dambeysay ay tagtay magaaalada Jurasalam ee Israa'iil halkaasoo ay la kulantay madaxda sare ee dowlada.
Dhinaca kale iyadoo weli ay socdaan dagaalada u dhaxeeya Xisbulaah iyo Israa'iil ayaa hadana af hayeen u hadlay Xisbulaah waxa uu sheegay iney soo rideen diyaarad helikobtar ah, shan kamid ah ciiadamaddii saarnaana ay dhinteen. Israa'iil oo dhinaceeda sheegtay in diyaaradaasi qaraxday ayaa hadana tibaaxday in dagaalkaasi labo askari kaga dhinteen, kadb markii dagaal aad u qaraari oo xagga dhulka ah ku dhexmaray iska caabin xoogana ay kala kulmeen gudaha dalkaasi Lubnaan.
 
               Xiisadaha colaadeed ee ka jira Srilanka oo 20 sanno jirsaday 
 
Mushkilada dabo dheeratay ee marar badan dhiig ku daatay ayaa waxey ka bilaabatay dalkaasi Srilanka muddo haatan laga joog qiyaasti 20 sanno. In ka badan 60.000 oo dad rayid ahani waa la runsan yahay iney ku dhinteen dhibaatadaasi ka dhalatay gooni isku taaga ay doonayeen jabada lugu magacaabo LTTE ee tamiiliyiintu leeyihiin.
Bishii abriil waxaa meesha ka baxay heshiisiyo iyo wadahal u socday dowlada dalkaasi iyo Mucaaridkeeda,in ka badan 800 oo qofna waa u dhimatay iska horimaadyo dhexmaray labada dhinac tan iyo sanadkii hore, dowlada iyo mucaaridkana qoloba qolada kale ayey eedeyneysay.
Dhinaca waqooyi ee dalkaasi qeybo kamid ah waxaa ka taliya jabhada Tamiliyiinta, halka dhinaca koonfureed ee ay jabahaddu iyo dowlada kawadataliyaan.
Jabahda dalkaasi waxey yhiin kuwa laga tirada badan yahay 19.4 ayey cadad ahaan ka yihiin halka inta kale ay u badan yihiin dadka singaliyiinta ah.Luqado kala duwan ayeyna ku kala hadlaan, Tamiiliyiinta waxaa la sheegay iney ku hadlaan afka hindiga, diinta budhism-kuna waa diinta ugu weyn ee  dalkaasi. Waxaa jira qaar kaloo tamiils-ka ah oo muslimiin ah hase ahaatee waxey ku jaha wareereen dhibaatada u dhaxeysa labada dhinac.
Srilanka waxey qeybteeda kasoo gaartay musiibadii rabaaniga aheyd ee badda hoosta garriirtay ee ku dhiftay jasiiradaha ku yaala dalkaasi Indooniya ee sababtay in badweynta Hindiya kacdo sanadki hore markaasoo dad gaaraya 30.000 ay uga dhinteen, dadka dalkaasi oo inta badan ay aafeeyeen dirirta u dhaxeysa mucaaridka iyo dowlada ayaa hadan iygoo awalba u dhawaa xeebaha ay marwaliba danta ku kaliftaa iney hadba meel u guur guuraan.

Wararkii Adduunka ee July 23, 2006

Saddaam Xuseen oo cisbitaal loola cararay

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalkaasi Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa cisbitaal loola carray kadib markii ay xaalad caafimaad darro soo wajahday. Sida uu sheegayo ninka la yiraahdo Jacfar Al muusaawi, oo ah xeer ilaaliye, Saddaam Xuseen waxa uu cuntada kasoomay muddo 17 cisho dilkii loo geystay qareenkii difaacayey ee la oran jiray Khamiis Alcubeydi oo bishan julaay horaanteedi lugu dilay magaalada Bakhdaad ee xarunta dalkaasi.

Sida ay werisay wakaalada wararka AP Saddaam Xuseen waxaa saaka aroortii lugu qaaday ambalaas xaaladiisa oo aad u liidatay, waxaana wararku sheegayaan in faloobooyin ku rakiban yihiin si tamarta jirkiisa loogu celiyo. Saddaam Xuseen oo tan iyo markii gacanta lugu dhigay ay xaaladiisa maskaxiyad ahaaneed wanaagsaneyn ayaa dhowr jeer la horkeenay maxkamad, waxaana inta badan uu muuqday nin dhigaya riwaayad isagoo dadka qoslisiin jiray. Haatanse xaaladiisa oo aad u liitada ayaa qareenkiisa waxa uu sheegay in wareysi uu la yeeshay u sheegay inuu doonayo inuu dhinto.

   Suuriya oo ku hanjabtay iney galeyso dagaalka haddii la qabsado Lubnaan

Iyadoo mushkilada ka soo cuboonaaday barriga dhexe gaar ahaan dagaalka ay Israa'iil ku qaaday meelo kamid ah dalkaasi Lubnaan xal loo raadinayo ayaa hadana waxaa muuqataa in rajo sidaas ah aan laga qabi karin in xal diblomaasiyadeed la gaaro, kadib markii dowlada Suuriya ay ku hanjabtay iney dagaalka ay galeyso haddii Israa'iil ay qabato Lubnaan islamarkaasina ay u dhawaadaan xadka ay la leedahay dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta dalkaasi Muxsin Bilal ayaa sheegay in dowladiisa aysan indhaha ka laabaneyn amuurtan haddii ay dhaafto xadkeeda."Maxaan sameyneynaa hadaba, ma gacmaan ka laabanaa oo aan fiirsanaa? Haddii Israa'iil ay ciidamadeeda lugta galaan dalkaasi, 20 km ayey u jiraan Dimish, markaasina ma fiirsanaa intaan gacmaha isa saarano? Jawaabtu waa maya" ayuu yiri Muxsin Bilaal oo u waramayey wargeyska ABC ee ka soo baxa dalkaasi Isbeyn.

Washington waxey Suuriya ku eedeyneysaa iney taageerto ururka Xisbullah, balse wasiirku waxa uu sheegay iney arrintaasi tahay midaan jirin ee ay siiyaan oo keliya waxa uu ku sheegay "taageero muraal" Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Amir Peretz ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhaweyneyso haddii la keenayo ciidamo nabad ilaalin ah, waxaana uu intaas hadalkiisa ku daray in ciidamadaasi ahaadaan kuwo ka socdo gaashaanbuurta Nato. Hadalkan ayuu sheegay maruu la kulmay wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Frank-Walter Steinmeyer, mase uu sheegin waqti xadidan iyo goorta ay dowladiisa diyaarka u tahay,wargeyska la yiraahdo Haaretz ayaa amuurtaasi waxa uu ku qoray bogga uu ku leeyihiin internet-ka. Afhayeen u hadlay Nato-na waxa uu sheegay ineysan jirin wax munaaqishood ah oo arrintaasi ku saabsan ee dhexmaray Israa'iil iyo Nato.


Wararkii Adduunka ee July 22, 2006

Ra'iisal wasaaraha Lubnaan oo sheegay in dalkooda ay difaacayaan

 
Ra'iisal wasaaraha Lubnaan Sinyoora ayaa sheegay in haddii Israa'iil isku daydo iney qabsato dalkiisa ay ciidankooda faraha ka laaban doonan doonin. Dagaalyahanada Xisbullaah ayaa iyagana dhinacooda waxey wadaan gantaalihii ay ku tuurayeen waqooyiga Israa'iil, halkaasoo la sheegay in afartan gantaal ay ku tuurtsy.
Israa'iil sidoo kale ayey in ka badan 70 jeer oo weerar xagga cirka ah ku qaaday Lubnaan, waxaana ay duqeysay tv-ga iyo wasaarada isgaarsiinta. Sidoo kalena ciidamadeeda lugta ayaa galay magaalooyin ku yaala koonfurta ku yaala. Mid kamid ah magaalooyinkaas ayaa la sheegay iney tahay goob muhiim u ah Xisbullaah.
 
Dhinaca kale magaalooyinka London, Paris iyo Stockholm ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo loogaga soo horjeedo duulaanka Israa'iil ee ay ku qaaday qeybo kamid ah dalkaasi Lubaan, dadweynahan oo kumanaan gaarayey ayaa waxaa ka muuqday carro xoogan waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Israa'iil.
Wakaalada wararka Rueters ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadkii hore dowlada Mareykanka hub teknolojiyadiisa ay aad u sareyso ay u dirtay Israa'iil, warkan ayaa yimid ka gadaal markii toddobaad kasoo wareegtay duulaanka Israa'iil ee ay ku qaaday Lubnaan. Amuurtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeyska The New York Timesm inkastoo labada dhinac ay beeniyeen hadana Mareykanka waxaa laga soo xigtay inuu dowlada Teleavi ka codsaday in dagaalka ay ku heyso Lubnaan ay toddobaad kale ugu darto, taasoo macnaheedu tahay iney wiiqaan awooda Xisbullaah.
 
     Shan kamid ah maxaabiista Guantanamo oo wax dembi lugu waayey
 
 
Shan kamid maxaabiista xabsiga Guantanamo bey ee jaiirada Kuba ayaa la sheegay in wax dembi ah oo la xirriira eedeymaha loo heysto lugu waayey, kadib markii maxkamada ugu sareysa dalkaasi  Kuwait maanta shaaca ka qaaday. Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi oo  amuurtan soo xiganeysa ayaa sheegtay in raggan oo u dhalasho ahaan kasoo jeeda Kuwit ay bishii november ee sanadkii horay dib ugu soo loogu soo celiyey dalkooda.
Mareykanka ayaa ku eedeeyey raggaasi iney ka dhinac dagaalameen urrurka Alqaacida ee Mareykunku sheegay argagaxiso, taasoo maxkamada Kuwait ay haatan sheegtay in Mareykanku cadeymo la xirriira tuhunkaasi aysan heyn.  Xabsiga Guantanamo ayaa la weli ku jira lix kale oo isla dalkaasi u dhashay isku cel celisna maxaabiista guud ahaan xabsigaasi ku jirta ayey cadadoodu gaareysa 500 oo maxbuus kuwaasoo halkaasi ku jiray tan iyo sanadkii 2001-da, markaasoo Mareykanka iyo xulafadiisa dagaal ku qaadeen Afgaanistaan oo ay xukunka kaga tuureen maamulkii Taalibaan ee halkaasi ka talin jiray.
 
Kuwait waxey kamid tahay wadadama carbeed ee mareykan xulafada muhiimka la ah, dalkaasina waxaa Mareykanka ka jooga ciidan gaaraya 25.000 askari.

Wararkii Adduunka ee July 20, 2006

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Sweden oo qoraal ay qortay dood dhaliyey

  Faadumo Nuur:"arrintan sidey u muuqato waa mid ay kasoo qaadatay Ayaan Xirsi"
 
Haweeneyda lugu magacaabo Nyamko Sabuni ayaa qoraal ay soo saartay oo ay ugu talagashay dooroshooyinka dalkan ka dhacaya bisha septeber ee fooda innugu soo heysa ayaa dhalisay dood aad u weyn kadib markii qoraaladeeda ku sheegay in Xijaabka gabdhaha muslimiinta ah laga mamnuuca kuwa ay da'doodu ka yartahay 15 sanno. Sidoo kale waxey sheegtay in iskoolada gaarka loo leeyahay ee lugu barto diimaha la joojiyo taasoo ay ku sheegtay iney wax u dhimeyso gabdhaha yar yarka ee doonaya iney ka qeyb qaataan xiisadaha muusiga lubarto markey iskoolka joogaan, sidoo kalena aysan la dheeli karrin kubada cagta wiilasha. Xirashada xijaabka dumarka ayey ku sheegtay iney aad u qaadashadiisa u jirtay tan iyo  wixii ka dambeeyey sideetameeyadii, kuwaasoo ay xiran jireen bey tiri dumarka ka yimid wadama Soomaaliya, Lubnaan iyo Bosniya.
 
Haweeneydan oo si xag jirnimo ah u hadashay ayaa sheegtay in haweeney kale oo magaceeda la yiraahdo Ane Sofie Roald daraasad ku sameysay arrimahan oo dhowr dumar ah oo muslimiin ah kala sheekeysatay ayaa iyadoo kasoo xiganeysa su'aalaha haweenkaasi la weydiiyey ee ah maxey tahay sababta aad u xirataan xijaabka, ayaa jawaabahooda oo aad u kala duwanaa noqotay in "Quraanka farayo in la xirto, inuu ka celiyo falalka anshaxa xun ee ragga uga yimaada iyo inuusan xijaabka muujin quruxda dumarka ee ay muhiim tahay in dabeecada lugu raaco" Misna ay hadalkeeda siiraacisay in xijaabka madaxa la saarto yahay Model ay ku faanaan.

Haweeydani oo weli waxyaabaha qaar ku doodeysa ayaa sheegtay in haddii marada madaxa la saarto ay tahay mid dumarka muslimaadka ah u ah wanaag ay kaga gaashaantay dhibaatooyinka ragga sababta misna waalidiinta ay gabar toddobo jir ah ugu qasbayaan marro aysan rabin iney xirato.Waxey kaloo sheegtay iney tahay arrintani dhaqan gaboobay,oo u baahan in la badallo.

 
Qoraalka xildhibaanadan oo ah mid dood ka dhaliyey qeybaha kala duwan ee dalkan Sweden ayaa xisbiga Leyberaalka ah (Folk Partiet) ee ka tirsan tahay xubnaha ku jira ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan, waxaana ay sheegeen iney tahay mid iyada u gaar ah oo aan ka tarjumeynin aragtida siyaasadeed xisbiga.
 
Arrinta yaabka leh ee dad badani ka sii careysiisay ayaa ah iney soo jeedisay in la soo rogo arrin khasab ka dhigeysa in baaritaan caafimaad xagga hoose lugu sameeyo gabdhaha yar yarka ah si loo ogaado in gudniin lugu sameeyey intey wadankan joogeen.  Dhinaca kale waxaa arrintani ka hadlay afhayeenka golaha muslimiinta Sweden SMR) Mehmet Kablen ayaa si adag u cambaareeyey hadalka haweeyneyda wuxuuna sheegay in la taageero gabadha raba iney xirtaan xijaabka iyo kuwaan rabin intaba, wuxuuna sidoo kale sheegay iney tahay mid farta lugu fiiqayo kuwo gaar ah.

Dadka ku dhaqan dalkan Sweden ee daraasada ku sameeya siyaasada asxaabta siyaadeen ee dalkaan. Faadumo Maxamed Nuur oo ah siyaasiyad ka tirsan xisbigaasi laftiisa ayaa sheegtay in dalkaani ka jirro wax la yiraahdo "xorriyadaha diimaha" taasoo dastuurka dalkan dhigayo ee ah in qof walba uu xor u yahay diintii rabo inuu galo.

 
"hadalo noocaas ah maahan mid u ah fikradaha Folk Partiet ku fadhiyo, xisbiga keliya maahee ee dalkani kajirto wax la yiraahdo xorriyada diimaha, taasoo qof walba uu xor u yahay diintuu rabo Folk partiet-na ee ay ku dhisan tahay ay tahay xorriyada.
Mida kale ee aniga si aad ah ii dhibtay hadaan si gabar soomaali ahaan u hadlo waa mida guditaanka ee ay leedahay gabdhaha yar yarka markey gaaraan 12 sanno ama ay bilaabaan dugsiga dhaxe lugu qasbaa caafimaad baaris xagga Jiino kolijga, taasina maahan fikarad Leberaalka oo bulshada lugu isticmaali karro, markaa waxaan u arkaa iney gabadhani kasoo caado ama tusaalo qaadatay gabadhii la oran jiray Ayaan Xirsi ee ku nooleyd dalka Holland, gabadhaasoo diinteena iyo dhaqankeena wax badan ka qortay. Waxaana qaba in gabadhani tahay mid meel uga dhacday fikradihii xisbiga Leyberaalka aheyn, iyadoo sheegtay iney tahay midey  arrimahan ugu talagashay dooroshooyinka dalkan ka dhacaya, mana hubo iney sidaasi ku soo baxi karrto hadey sidaasi ku socoto" ayey tiri Faadumo Maxamed Nuur oo ah siyaasiyad soomaaliyeed oo xisbiga Leyberaalka ka tirsan siweyna uga carrootay hadalka xag jirnimada leh ee ay haweeneydani ka hadashay. 
 
Israa'iil oo duqeynteeda la beegsaneysa goobaha dadka rayidka ah 
 
Iyadoo dagaalka tooska ah ee markiisa hore ahaa in lugu soo furto labo askari oo la sheegay in Xisbulaah afduubtay galay maalintiisii 8aad ayaa hadana weerarada dhankasta ah ee lugu qaaday dalkaasi Lubaan ay noqday mid lala beegsanayo goobaha dadka rayidka ah ee dagan yihiin iyo xarrumaha dowlada, goobaha caafimaadka, jaamacadaha iyo wadooyinka gawaarida maraan.
Israa'iil haatan waxey sheegtay in dagaalkeeda ku hakan karro oo keliya in gebi ahaanba hubka laga dhigo kooxaha Xisbulaah ee ay dagaalka kula jirto. Xusbulaahina lafteeda ayaa horey u sheegtay in dagaal furan kula jirto.
Wadamada reer galbeedka ayaa bilaabay iney kasoo daad gureystaan dadkooda ka joogay Lubaan. Afartan askari oo kamid ah ciidamada badda ee gacanka carabta ku suganaa ayaa gaaray halkaasi si ay uga soo daad gureystaan dadkooda iyo ajanabiga kale ee ku sugan.
Xoghayaha arrimaha dibada Midowga Yurub Javier Salona ayaa gaaray barriga dhaxe si halkaasi maamulka Tele Aviv iyo Beyruut ugala hadlo siddii xiisadaasi loo joojin lahaa.
Israa'iil ayaa markale waxey galeen ciidamadeeda dhulka dalkaasi Lubaan xadka ay la wadaagto waxaana ay halkaasi kala kulmeen iska caabin xoogan oo lugu dhaawacay shan askari oo kamid ah ciidamadeeda sidoo kale Xisbullah ayaa beeniyey in mid kamid ah madaxdeeda dagaalkaasi ku dhaawacmay. Gollaha Amaanka Qaramada ayaa lugu eedeynayaa ka gaabsatay wax ka qabashada dagaalkaasi.  In ka badan 300 oo qof ayaa la runsan yahay iney ku dhinteen dagaalkaasi Nusmalyan dad ahina ay ku sugan yihiin xaalad guri la'aan ah.
 
Lama oga halka dagaalkaani salka dhigi doono, balse dowlada Mareykanka ayaa laga soo xigtay iney Israa'iil ku boorisay iney toddobaad kale sii wado dagaalkeeda sida ay qoreen wargeysyada New York Times iyo The Guardian iyagoo soo xigtay ilo siyaasadeed oo maamulka Bush u dhow si bey yiraahdeen wargeysyadu ay u wiiqanto awoodo Xisbullaah oo lugu eedeynayo iney taageero ka hesho dowlada Theraan. Maamulka Bush ayaa uga digay Suuriya iney dib ugu laabato Lubaan oo muddo bilooyin laga joogo ka soo daad gureysatay ciidamadeedii joogay dalkaasi muddo 30 sanno ah, kadib markii uu xumaaday xirriirka labada dal dilkii ra'iiwasal wasaarihii hore ee Rafiiqal Xariiri.
 

Wararkii Adduunka ee July 18, 2006

Dad gaaraya 368 qof oo ku dhintay mowjadahii badda ee Indoonisiya ku dhiftay

 
Jasirada Java ee dalka Indooniisiya ayaa markale waxaa ku dhiftay duufaan ka dhacday badda hoosteeda taasoo keentay iney biyaha soo butaacaan, sidoo kalena dad gaaraya iyagana 510 ruux ayaa ku dhaawacmay halka 5400 ay ka barakaceen dabeylaha badda soo tuftay.Wasiirka caafimaadka dalkaasina waxa uu sheegay in la la'yahay 235 qof kuwaasoo aan nolol iyo geeri la ogeyn waxey ku sugan yihiin. Dadka degan deegaanada ay ku dhiftay musibadaasi badda ayaa la sheegay ineysan arag wax digniin ah oo sheegaya in baddu gariireysa qubrada u qaabilsan ka horta musiibada waxey sheegeen in qalab noocaas ah oo haatan shaqeeya jirin balse lugu howlan yahay taasoo lugu wado inuu soo baxo sanadka 2009-ka.

Indooniisiya waa wadan inta badan ka dhaca dhul gariiro, maadama jasiiradaha boqolaalka gaaraya ee dalkaasi leeyahay ee loogu yeero (Eldens ring ) meelo ay dhexmarto badweynta Stilla.Sidoo kalena ay ka dhacaan qaraxa buuraha ee Vulkaanaha loo yaqaano. Tan yo bishii meey ee sanadkan waxaa ku dhintay dhulgariir dalkaasi ku dhiftay dad lugu qiyaasay 5700. Dhul gariirkii badda ee ku dhiftay dalkaasi maalintii shalay aheyd waxaa baaxadiisa lugu qiyaasay 7,2 oo ah halbeeg lugu qiyaaso dhul gariirada, awoodiisana waxaa laga dareemay magaalada caasimada ah ee Jakarta. 

Israa'iil oo diiday iney joojiso duqeynta ay ku heyso Lubnaan 

 
Qiyaastii muddo toddobaad ah ayuu madaxa la sii galaya dagaalka ay Israa'l si bareer ah ugu qaaday dalka Lubaan oo ay sheegtay iney ku raad joogto kooxihii afduubka u geystay labo askari oo kamid ah kuweeda joogay xuduuda ay la wadaagto Lubaan. Tan iyo wixii waqtigaasi ka dambeeyey waxaa u sii kordhayey baaqyada caalamka ee ku wajahadan dagaalkaasi. Maana (shalay) oo talaado ahna waxaa barriga dhexe gaaray ereyga qaramada Midoobey u qaabilsan barriga dhaxeRųd-Larsen ,isagoo jooga iminka Jarusalaam kana yimid magaalada Beyroot, isagoo xambaarsan hindso la is oran karro waa furaha xiisada haatan taagan balse ereyga laftiisa aanu daboolka ka qaadin hindisahaasi balse waxa uu sheegay iney tahay mid qorshaheedu dheer yahay. Inkastoo dalal dhowr ah oo caalamka kamid ah ay ku baaqeen in Israa'iil joojiso weerarada ay ku heyso Lubaan hadana waxey u muuqataa ineysan xiiso ku heyn baaqyada u imanaya.
 
Ilo wargal ah oo ka imanaya ciidamada Israa'iiliyiinta ayaa sheegaya iney ugu yaraan toddobaad kale oo weerar ah u baahan yihiin si ay u cirib tiraan awooda Xisbullaah oo ay haatan ku sheegeen in 40- 50% la tir tiray awoodaasi. Ra'yi aruurin lugu sameeyey aragtida dadka Yahuuda ah ayaa lugu sheegay iney taageero weyn u hayaan dagaalka haatan ay dowladooda kula jirto dhaq dhaqaaq Xisbulaah ee Lubnaan. Lama oga haatan inta uu qaadanayo dagaalkaan aan la saadaalin karrin goorta uu dhamaanayo balse waa mid dadka qaar u arkaan in Israa'iil ay muujineyso awoodeeda meleteri ee ku leedahay gobolka dagaalkii lugu riday Ciraaq ka dib markii halkaasi ka baxday awoodii ay ka filan kartay iney uga imanaayan waxyeello culus. Hate ahaatee iyadoo Israa'iil ay u muuqato iney kaashaneyso awooda Washington ayey hadana isha ku heysa hanjabadaaha Tehran. Intuu socday shirkii dalalka la baxay G8 waxaa hadalo u eg aflagaado ku hadlay Bush isagoo aan hubsan in Mikroofanka kursiguu fadhiyey u dhow yaalay furan yahay iyo inkale sheegay in la gaaray waqtigii Suuriya ay dhih laheyd Xisbullah joojiya dagaalka. Bush markan maanu adeegsan hadal diblomaasi waxeyna si hoose hadalka iskugu dhigayeen Blair-ka Ingiriiska oo ay kawada hadleen arrimaha barriga dhaxe,waxaana muuqata in Bush oo doonayo in Suuriya dusha u saarayo waxa haatan ka socda barriga dhaxe.

Wararkii July 17, 2006

Dagaalka bariga dhaxe oo xal loo raadinayo

Inkastoo Israa'iil ay ugu baaqday mawaadiniinteeda dagan dhanka xuduuda ay la leedahay Lubaan markii halkaasi ay ku dhinteen 8 qof,hadana beesha caalamka waxey da daal dheer ugu jirtaa siddii dagaalkaasi u hakan lahaa, saas oo ay tahayna Israa'iil wey aqoonsan tahay awooda iska caabinta ah ee Xisbullaah kula jirto.Weerro cusub oo ay Israa' li qaadeen koonfurta Lubaan ayaa uu yaraan ku dhintay 45 qof sideed qof oo kamid ahi dadkaasi ay ahaayeen kuwo u dhashay dalka Kanada sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibada Peter MacKey. Ra'iisal wasaaraha Israa'ilna waxa uu sheegay ineysan jirin cid is hortaagi karta howlgalka ay haatan wadaan dhinacoodana haddii ay doonaan ay degenaanta ku soo celin karaan goobaahasi.

Wasiirka gaashaandhiguna waxa uu sheegay in dadka ku dhow dhow goobaha ay Xisbulah ku badan yihiin aysan moodin iney heystaan nabadgalyo ee xaaladu haatan siddii hore aheyn. Markab kuwa dagaalka ah ayaa isagana gantaal uu waday Tv-ga Almanaar ku dhacay guryo kale oo ku yaala magaalada Beyroot halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qofood.
 
Dhinaca kale banaanbaxyo loogaga soo horjeedo weerarada Yahuuda ee Lubnaan ayaa dalalka carabta qaarkood ka dhaceen, kuwaasoo dhamaantood muujinayey carada xoogan ee ay u qabaan maamulka Tale Aviv. Condoleezza Rice haweeneyda xoghayaha arrimaha dibada uga ah Mareykanka waxey sheegtay iney dowladiisa wel wel ka qabto dadka bey tiri ku dhimanaya gobolka. Jack Chirack-ga faransiiska waxa uu ku baaqay in labada dhinac ay joojiyaan dagaalka, kooxaha hubeysan ee Xusbulahna ay dhigaan hubka. Macada goorta dagaalkani is taagi doono balse saadaasha laga bixinayo ayaan aheyn mid wanagasan.

Turkiga oo ku hanjabtay inuu talaabo adag ka qaadeyso PKK 

 
 
Dowlada  Turkiga ayaa shaaca ka qaaday iney talaabo adag ka qaadeyso kooxaha gooni u goosadka ah ee dagaalka kula jira ee Xisbiga shaqaalaha Kurdistaan PKK, kadib markii kooxahaasi ay dileen sideed askari oo ka tirsan ciidamadeeda. Ra'iisal wasaaraha dalkaasi Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay dhawaan gaareyso go'aano adag oo talaabo culus loogaga qaadayo PKK. 
"Kooxaha argagaxisada ah waxey deegeenada koonfureed ku dileen dad, dhankeenana waxaan muujinay dulqaad iyo si dimoqraadiyad ah xal looga gaaro xiisada taagan, laakinse haatan xadkii ayey dhaaftay sheekada mana jiro dulqaad dambe" ayuu yiri Erdogan oo aan si waadix ah uga hadlin talaabada ay dowladiisa damacsan tahay iney ka qaado kooxahaasi.
 
Tan iyo intey dhalatay xiisada colaadeed uu dhaxeeyey dowlada Turkiga iyo PKK sanadkii 1884-tii waxaa la runsan yahay iney xiisadaasi ku dhinteen dad gaaraya 30.000 oo rayid ah, dowladana waxey dhanka ay badan yihiin kooxahaasi u dirtay ciidan gaaraya 4000,si ay uga hortagaan weerarada uga imanaya dableyda PKK-da.

July 16, 2006

Soomaalida Sweden oo qaarkood Xabsiyada loo seexiyey gudniin awgiis

 
Dabcan maahan markii labaad ee shaqsi soomaali ah xabsiga loo seexiyo ama dacwad lugu soo oogo gudniin sharci darro ah uu ay kula kaceen carruur ay dhaleen, balse tani waa tii sadexaad oo muddo yar gudaheed dacwad loogu soo oogo  qof soomaali ku dhaqan magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden markii haweeney da'deeda lugu sheegay 35 jir loo xiray xaalad gudniin la xirriirta. Haweeneydan ayaa loo heystaa in sanadkii ina dhaafay bishii janaayo ay carruurteeda qaarkood geysay Soomaaliya halkaasina ku soo guday.Dhageysiga dacwadan oo ah mid saxaafada aysan goob joog ka aheyn ayaa lugu sheegay iney carqalad galineyso baaritaan lugu sameyn lahaa qaabka ay u dhacday gudniinkaasi la sheegay iney ku sameysay carruurteeda.

Dacwadan ayaan la ogeyn in loo gudbin doono maxkamada  iyo inkale balse haddii ay ku cadaato dembiga loo heysto noqoneysaa shaqsigii labaad ee Soomaali ah oo la horkeeno maxkamad.
Dhamadki bishii juun ee sanadkan ayaa aabe soomaaliyeed waxaa lugu xukumay afar sanno oo xarig ah kadib markii lugu helay dembi ah gudniin uu ku sameeyey gabadhiisa. Sidoo kale toddobaad kadib xukunka maxkamadeed ee aabahaasi  lugu fuliyey waxaa boolisku gacanta ku soo dhigeen haweeney soomaali ah oo iyadana lugu eedeeyey iney gudniin ku sameysay carruurteeda, waxaana la sheegay iney dacweysay gabadh qaangaar ah oo ay dhashay, carruurtedi kalena ay dowlada la wareegtay.  Sidoo kale toddobaadkan dhamaadkiisa  dacwad taas lamid ah lugu heystaa baaritaana ku socdaa haweeneydani  soomaaliyada ah.
Tan iyo intii la xukumay aabahan Soomaaliyeed waxaa soo if baxay carruur badan oo Soomaali ah kuwaasoo dowad waalidiintooda ku soogay dacwad la xirriirta gudniin ay ku sameeyeen. Dowladana waxey aamisan tahay in carruur kale ay wadada ku soo jiraan qoys badana la horkeeni doona sharciga maadama ay jebiyeen qawaaniinta dalkan ee gudniinka macmuucaya.
Sanadku markuu ahaa 1982-dii ayaa dalkan waxaa ka hirgalay sharci diidaya in carruurta dalkan jooga gudniin lugu sameeyo ciddii falkan ku kacdana ay mudan doonto ciqaab iyo xabsi gaaraya 10 sanno. Xukunka aabahan Soomaaliga ah ee lugu fuliyey ayaa noqday tii ugu horeysay taariikhda inta la ogyahay dalkan ka hirgala.
 
Dhinaca kale toddobaadyadii ugu dambeeyeysay ee dalkan ayaa saxaafada waxey hadal heysay haweeney sheegatay magaca Soomaali oo laga helay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka, kadib markii la qabtay iyadoo jirkeeda ka ganacsaneysa. Haweeneydan ayaa u dhalatay dalka Tanzaniya, waxaana ay Sweden timid sanadkii 2002-da, markaasoo ay la socotay koox ciyaarta kubada cagta xilli ay ka qeyb galayeen tartan ciyaareedka kubada cagta oo magaalada Gothenburg lugu qabto sanad walba xilliga kuleylaha, waxaana la sheegay in markii tartankaasi dhamaaday ay fakatay sanad kadibna ay isku dhiibtay magaca Soomaali sidaasina ku heshay degenaasho iyo aqoonsi. Haatan markii la qabtay haweeneydan waxaa soo baxday warbixinteedii la xirriritay in la waayey gabadhaasi oo da'deeda aheyd 17 jir markey Sweden timid. 
Booliska ayaa lafilayaa iney sheegaan goorta dib loogu celinayo dalkeeda, balse waxaa loo heystaa iney boqolaal rag ahi ay naftooda haligtay iyadoo og in cudurkaasi dilaaga ah xambaarsan ay la seexatay.
Tan iyo Soomaaliya qaranimadeedii burburtay dalalka magangalyada laga soo doontay ee reer galbeedka waxaa aad u batay dadka aan dhalan ee soomaalinmada sheegtay kuwaasoo dembiyo ku ceeb ah dhaqanka iyo diinta Soomaalida sameeyey, balse ma jirto cid dabagal ku sameysa oo bari ka yeesha sumcad xumadda soo gaartay Soomaalinimada.
 
Israa'iil iyo Xisbullaah oo dagaal buuxa galay
"Iyo Jaamacada carabta oo ku fashilantay wax ka qabashada dagaalkaasi"


Bayruut, Lubnaan oo gubaneysa...

 
Israa'iil ayaa maalintii afaraad waxey weeraro cirka iyo dhulka ah ku qaaday dalka Lubaan.Geerida iyo dadka ku dhaawacmay duqeyntaasi ayaa aad u sii badanayo iyadoo sidoo kalena reer galbeedka shisheeyaha ah ee halkaasi ku xayiran la sheegayo iney adag tahay sidey uga soo bixi layaan dalkaasi oo haatan intiisa badan isku badalay goob dagaal.
Ururka Xisbulaah ayaa iyagana waxey adkeeyeen weerarada ka dhanka ah ee sawaariiqada iyo gantaalada ay iskaga difaacayaan Israa'iil. Lbada garab ee arrintani quseeysay ayaa qolobaa waxey dhinaceeda ka sheegtay in dagaal buuxa ay ku jirto.
Ugu yaraan 34 qof oo rayid ah  ayaa ku dhintay weeraradii isdaba jooga ahaa ee Israa'iil diyaaradaheeda ka fuliyeen gudaha Lubaan shan iyo toban kamid ahi dadkaas ayaa wararku sheegeen iney yihiin carruur. Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dadkaasi ayaa mid kale oo hareer socday waxaa ku dhacay gantaal ay soo tuurtay diyaarad Helekobtar ah, kadib markii dadkaasi ay ku naftooda kula baxsanayeen. Wakaalada wararka AFP ayaa soo weriysay in dad meyd ah oo gubtay korkooda ay yaaleen isbitaal ku yaala magaalada Tyr.
 
Weeraradan Israa'iil ay ku qaaday Lubaan ayaa galaaftay boqolaal Lubaaniin ah dhaawacna u geystay, sidoo kale burbiryey hantidooda iyo guryahooda.
Ra'iisal wasaare Sinyoore ayaa ka codsaday Qaramada Midoobey in dagaalka dalkiisa lugu qaaday ay si deg deg u joojiso.  Israa'il ayaa haatan waxey wacad ku martay ineysan joojiney weerarada ka dhanka ah Lubaan tan iyo inta ay nolol iyo geeri ku hubsaneyso hogaamiyaha Xisbullaah Sayid Xasan Nasrulah.
 
Dhinaca kale xoghayaha  Jaamacada Carabta Camir Muusa ayaa u sheegay suxufiyiin carbeed oo laftooda ay carro ka muuqatay in dowrkii Jaamacada Carabta ay ku fashilan arrimaha haatan ka soo cusboonaaday barriga dhaxe. Waxaa u sheegay in Israa'iil lafteeda ay hareer martay wadahaladii u dhaxeeyey iyada iyo carabta. Waxa isagoo ka hadlaya arrimaha murugsan sheegay inuu fahansan yahay carada xoogan ee shaarica carbeed ka jira. Isku soo wada duuboo arrimaha haatan sii wiiqay nabadii barriga dhaxe ee awal ullo booc leh ku tukubayey waxaa cid walba oo u dhuun duleesha gobolkaasi iney haatan is weydiinayaan sida xaalka noqon doono maadama Israa'iil ay ku gacan seyrtay in wadahal lugu dhameeyo.

July 14, 2006

Xaalka barriga dhaxe oo cirka isku shareeray iyo Israa'ii oo weeraradii fidisay

 
                 Sayid Nasrullah:"Waa dagaal furan" 
 
Waxaad mooda maah maahdii Soomaalida ee aheyd "Annoo aabahey qaati Bilaah ka tagaan ayuu aabihiis oo indho la'i ii keenay" iney tahay mida maanta barriga dhaxe ka taagan iyadoo mushkikilada barriga dhaxe awal  loo caal waayey in maanta ay mid kale ku soo darsanto taasina waxey cirka ku shareerantay markii Israa'iil weeraraddii ay labadii toddobaad u geysaneysay Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta u weecisay dhanka Lubnaan, kadib markii ay sheegtay in dagaal yahaniinta urrurka Xisbullah ee ku sugan xadka ay afduubteen askarkeeda, islamarkaasina ay jawaab uga dhigtay weeraro aan loo aabo yeelin iyadoo koonfurta dalkaasi oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Beyruut diyaarado ku duqeysay. Sidoo kale iyadoo adeegsaneysa maraakiibta dagaalka ayey dhinaca madaafiic kasoo tuurtay kuwaaso ay la beegsaneyso meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahaniinta Xisbullaah. Ugu yaraana in ka badan 60 ayaa la runsan yahay iney weeradaasi ku dhinteen. Sidoo kale ayaa diyaaradaha Israa'iil waxey duqeeyeen xarunta Xisbilah iyadoo sheegtay in hadafkoodu yahay Sayid Nasrulah.

 
Xisbulaah ayaa lafteeda sawaariiq iyo gantaalo ay gameysay waxey la beegsatay goobaha ay dagan yihiin dadka Yahuuda ah ee waqooyiga.
Diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa duqeyey maanta garoonka diyaaraha Beyruut duqeeyey, waxaana ra'iisal wasaaraha Yahuuda sheegay in dagaalkaasi lugu joojin karro ay tahay iyadoo Hubka laga dhigo Xisbulah. Boqortooyada Sacuudiga ayaa dagaalka tooska ee lugu qaaday Lubaan dush-ka ka saartay Xisbulah.Sidoo kale Jordan iyo Masar ayaa fikradaas taa lamid ah qaba.Balse hadal uu soo saaray gudoomiyaha Xisbulah Sayid Nasrulah ayaa sheegay in ururkiisa dagaal furan oo toos ah la galay Israa'ii carabtana uu ka codsaday iney lafahdooda wax u qabsadaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalkaasi ayaa sheegaya in gantaalo ay soo tuureen dagaalyahaniinta Xisbilah ay la beegsadeen Markab dagaal oo ay Israa'ii leedahay  taasoo keentay in markabkii oo ololaya loo kaxeeyo dhankaasi iyo Israa'iil. Beesha caalamka ayaa haatan waxey walaac kamuujisay dagaalkan u dhaxeeya dowlada taagta daran ee Lubaan iyo Israa'iil oo howlagaladeedii meleteri u weecisay dhanka Lubaan iyadoo ku eedeysay in halkaasi laga soo abaabulo weerarko ka dhan ah.

Iiraan ayaa iyadana wacad ku martay in haddii Suuriya dagaal lugu qaado aaney indhaha ka qabsaneyn ee la safan doonto. Bush-ka Mareykanka waxa uu sheegay in Israa'iil ay xaq u leedahay iney iska difaacdo weerarada waxa uu ku sheegay argagaxisada xilli uu ka qeybgalayey maanta shirkii dalalka horeymaray ee xagga wax soo saarka ee G8 loo yaqaano kuwaasoo haatan shir uga furmay dalka Ruush-ka magaalo ku taalo. 
 
           Afartaneeyo ku dhaawacantay xabsi ku yaala Mareykanka 
 
In ka badan afartaneeyo ruux ayaa la runsan yahay iney ku dhaawacmeen xabsi ku dhexyaala gobolka Kalifornia ee dalka Mareykanka dagaal dhexmaray maxaabiista halkaasi ku jirta oo midab faquuq isku dagaashay.

Dagaalkan ayuu dhexmaray kooxo laatin ameerikaan iyo kuwo kale oo madow ah dhamaantoodna xabsiga kuwada jira. In ka badan 1.200 oo maxbuus ayaa la runsan yahay in qalaalaasahan ka dhexcay labadan qowmiyadood ay ka qeyb qaateen. Lix iyo toban kamid ah maxaabiistaas ayaa loola cararay isbitaalka halka afartaneeyo kalena la sheegay iney dhaawacmeen.

Shaqaalaha iyo ilaalada xabsigaasi ayaa iyagu suuragal u noqotay iney qololkooda ku xareeyaan maxaabista si ay u hantiyaan kontoroolkii guud ee xabsiga oo dhumay intii uu socday qalalaasaha u dhaxeeya maxaabiistaasi kala jinsiyadaha ah.

Bishii Febraayo ee sanaadkan ayaa sidoo kale waxaa xabsi la iskugu keenay in ka maxaabiis ku dhow labo kun kuwaasoo u badnaa modow, balse halkaasi uu ka dhacay rabasho kadib markii wiil yar oo madow ah lugu dhex dilay xabsiga. Xabsiyada ku yaala dalka Mareykanka ayaa inta badan cabshooyin xagga midabka ah laga soo sheegaa iyadoo ilaalada askarta ah ee xabsiyadana la sheegay iney si ka baxsan bani'aadnimada kula dhaqmaan maxaabiista.
 

July 13, 2006

Zinedine Zidane oo ka hadlay sababtii uu madaxa ugu dhiftay kabtankii kooxda Talyaaniga 

 
Dabcan cid walbaa wey fahmeysay sababtii keentay carradii qaaday Sidane ee kaliftay inuu hirdayo kabtankii kooxda Talyaaniga, hadana caalamka iyo bulsho weynta ciyaaraha xiiseysa waxey doonayeen jawaab waadix ah oo la xirriira falkii dhacay ee dhexmartay labadaasi ciyaaryahan. Hadana iyadoo  Xiddiga kubada cagta xulka Faransiiska Zinedine Zidane oo markii ugu horeysay ka hadlay sababtii ugu dhiftay  madaxa Materazzi i Gazzetta ayaa sheegay iney ugu wacneyd isagoo hooyadiis iyo walaashiis caayey.
 
Inkastoo aanu toos u sheegin wixii Materazzi ku yiri ayuu hadana Zinedine wuxuu cadeeyey ineysan aheyn wax loo dulqaadan karrin hadalkii aflagadaada ahaa ee kasoo yeeray kabtankii kooxda Talyaaniga. Wareysi uu siiyey telefeyshinka CANALPLUS-ka faransiiska ayuu uga cudurdaaray carruurtii daawaneysay maalintaasi ineysan ku farxin falkii u ku kacay, balse uusan ka shaleyn wixii u geystay Materazzi. Weryihii barnaamijkaasi daadihinayey oo la yiraahdo
Michel Denisot ayaa dhinaca kale wax ka weydiiyey bal iney jiri karaan qilaaf horey u dhexmaray taasoo sabab u ah falkaasi ayuu sheegay inuusan weligood isqaban ee ayheyd waxa keenay inuu aad u caroodo.
 
Dhinaca kale wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Talyaaniga kaasoo sheegay in dalka Faransiiska yahay dal ay ka buuxaan, Madow, Islaamiyiin iyo Komunist.Sikastaaba ha ahaatee, waxaad moodaa saxaafada Talyaaniga iney caad ku qarineyso falkii aan qarsoodiga ee keenay in Zinedine Zidane si ula kac ah ugu dhiftay kabtankii kooxda Talyaaniga oo isagu bilaabay aflagada. 
 
           Israa'iil oo burburisay Wasaaraddii Arrimaha Dibada Falastiin ee Qaza 
 
Ciidamada Israa'iiliyiinta ayaa weli weeraradoodi ka dhanka ah Falastiiniyiinta waxa uu galay toddobaadkii labaad,iyadoo caawana xilliga bariga dhaxe ay duqeyn u geystay dhismihii wasaarada arrimaha dibada ee ku taala marinka Qaza.
Majirto wax war ah oo ku saabsan in duqeyntaasi ay dad ku dhaawacmeen, hase ahaatee isbitaalada ayaa la sheegay in toboneeyo dad dhaawac ah la geeyey sida ay warkani faafisay wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysay dad ku sugan cisbitaalada. Maantana ina la ogyahay waxaa weeraradaasi ku dhintay dad gaaraya 24 qof oo rayid ah kadib markii diyaaradaha yahuuda ay duqeyn darran u geysteen Qaza. Israa'iil ayaa balan qaaday iney soo furan doonto askari maxbuus ahaan looga qabsaday 28 bishii hore tan iyo wixii ka dambeeyey waqtigaasina Israa'iil weeraro aan loo aabo yeelin ayey u geysaneysay Qaza.
 
Dhinaca kale Israa'iil ayaa maanta diyaaradaheeda duqeeyey koonfurta Lubaan, iyadoo sidoo kalena adeegsaneysa ciidamadeeda lugta u dhaqaaqeen dhanka koonfurta. Weeraran oo 9 sagaal askari looga dilayey ayey dowladi sheegtay inuu yahay dagaal toos ah oo lugu soo qaaday Israa'iil islamarkaasina ay noqon doonto jawaabta ay bixiso mid xanuun badan, kadib markii labo askari oo ku sugan xudduuda ay la leedahay Israa'il Lubaan lugu afduubtay.
Urrurka Xisbulaah oo afduubtay askarigaasi ayaa sheegay iney askarigaasi doonayaan iney ku badashaan maxaabiista kale ee lugu hayo xisbiyada Yahuuda.  Israa'iil iyo Mareykanka waxey xaaladan cusub mas'uuliyaddeeda dusha ka saareen Suuriya iyo Iiraan, halka Suuriya lafteeda ay ku eedeysay in Mareykanka qas ka wado gobolka.
 
 
 
                     Jean-Marie Le Pen oo dacwad lugu soo oogay
 
Hogaamiyaha xag jirka ah ee islamarkaasina hogaamiya urrurka naceybka dadka shisheeyaha ah lugu ibtileeyey Jean Marie Le Pen ayaa maxkamad la soo taagaya kadib markii uu taageeray duulanadii ay ciidamadii Naasiga ahaa ee Hitler ee dagaalkii labaad ee dunida.Wakaalada wararka Reuters oo ilo xog ogaal ihi  oo ka tirsan garsoorka dalkaasi ayaa  warkan faafisay. Hey'ada u qaabilsan ka hortaga midab tarkoorka ama cunsiyarada ayaa iyadana sheegtay iney tahay dambi in la tageero dad geeystay xasuus islamarkaasina aan la dafiri karrin xasuuqii ay geysteen hitlerkii Naasiga ahaa ee Jarmalka ee Yahuudii Yurub sida badan u gumaaday.
 
Le Pen  oo xag jir aan hadal wanaagsaneyn ayaa sanadkii 2002-da waxa uu isku soo sharxay doorashada madaxtanimada dalkaasi Faransiiska, sidoo kale waxa uu cadeyey inuu markale isku soo sharaxayo dooroshooyinka sanadka dambe dhici doona.

July 12, 2006

Haweeneydii iskugu dhiibtay dalka Sweden magaca Soomaali ee laga helay AIDS-ka oo noqotay Tanzaaniyaan 

 
Dabcan sidey aniga lafteyda yaab igu noqotay ayey soomaalida kale ee akhrisatay warbixintii aan ka qoray naagtaasi la yaab ugu noqotay kadib markii goor aroor ah uu suxufi walaalkeey ah oo aan isla shaqeyno idaacada ii sheegay, iyadoo naagtaasi awal la hadal hayey maalin uun ka hor.
Haweeneydan oo dalkan timid sanadkii 2002-da ayaa la sheegay iney kamid aheyd koox ciyaarta kubada cagta oo ka socotay dalka Tansaaniyakana oo qeyb galeysay tartanka sanadle ah ee la yiraahdo Gothia Cup oo sanad walba lugu qabto magaalada Gothenburg ee Sweden, islamarkaasina ay ciyaaraan dhalinyarada da'da yar ee hablo iyo wiilal. Gabadhan oo ka baxsatay kooxdeedii ay la socotay ayaa la sheegay in da'dii ugu qorneyd waqtigii ay dhuumatay sanadii 2002-da ay aheyd 17 jir, wixii waqtigaasi ka dambeeyeyna waxaa ay jirkeeda ku iiban jirtay si qarsoodi ah iyadoo istaagi jirtay wadada la yiraahdo Roselund.

Sven Alhbin oo ah ku xigeenka madaxa dembibaarayaasha gobolka Västra Götaland ayaa xaqiijiyey in gabadhan 22 jir-ka ah ay tahay gabadha ka baxsaday kooxdii Tansaaniyaanka aheyd ee booliska lugu wargeliyey. Waxaa uu sheegay in sanadkii 2003-da ay qaxooti ahaan isku dhiibtay dalkan Sweden iyadoo sheegatay magac been ah iyo dal aysan u dhalan oo ah Soomaaliya.
Haatan boolisku waxey wadaan baaritaan la xirriira amuurtan iyadoo haatan gabadhaasi lugu hayo xabsi islamarkaasina aan la ogeyn in dalka lga dhoofin doono iyo in kale.
 
 
Qaraxyo gilgilayey magaalada Bombey ee Hindiya
 
 
Inta la ogyahay qaraxyo kii ugu waaweynaa ayaa maanta ka dhacay magaalada ganacsiga dalkaasi Hindiya ee Bombey, kadib markii toddobo qarax oo kala duwan lala beegsaday tareenada dadka raacaan. Ugu yaraan 137 ruux ayaa la runsan yahay in qaraxyadaasi ay ku dhinteen 250 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
 
Galabta maqribkii xilliga bartamaha Yurub ayaa qaraxii ugu horeeyey waxaa uu ka dhacay maxadada tareenku istaago ee la yiraahdo Bhayander. In door ah kadibna waxaa qaraxyo kale ay dhaceen iyagana goob kale duwan sida Khar, Mahim, Matunga, Jogeshwari iyo Borivili.
Dadweyne goob joogeyaal ah oo u waramayey wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa sheegay iney u aheyd riyo qaraxii ka dhacay halkaasi oo dadka meydooda lakala gurayo qaarkoodna ay argagax ku dhacday. Booliskuna waxey ka gaabsadeen iney ka hadlaan qaraxii lala beegsaday tareemadaasi oo dadka qaarkii ay ku tilmaameen kuwo aan haba yaraatee faalo laga bixin karrin, halka qaar kalena ay sheegeen iney moodeen in mid kamid ah tareenadaasi ay biriqi ku dhacday. Gebi ahaanba waxaa la xiray dhamaan tareenadii iskaga kala gooshi jiray Bombeey iyo dalka Intiisa iyadoo laga cabsi qabo in bambaanooyin kale ay qarxaan. Dowladuna waxey baaritaan ugu jirtaa cidii ka dambeysay qaraxaasi mana jirto cid madax banaan oo sheegata iney ka dambeysay.
Hindiya iyo Pakistaan waayadan dambena xirriirkooda diblomaasiyadeed waa uu ka soo hagaagay intii hore, kadib markii Pakistan ay gacan adag ku qabatay kooxaha Kashmiiriyiinta ah ee dagaalka kula jira dowlada Hindiya. Musharaf-ka Pakistaan waxa uu cambaareeyey qaraxaasi, halka Washington maamulkeedana ay adeegsatay ereyo adag oo ay ku cambaareyneyso weeraradii ka dhacay maanta xudunta u ah ganacsiga dalkaasi ee Bombay.
 

July 10, 2006

Ma dhabaa in Zinedine Zidane lugu yiri "waxaad tahay argagaxiso"? 

 
Dabcan reer Faransa iyo ciyaaryahan Sidane laftiisa uma aheyn faraxad guul darradii ay kala kulmeen ciyaartii kama dambeysta aheyd ee tartankii koobkii kubada cagta adduunyada sanada 2006-da ee aya la ciyaareen xulka Talyaaniga oo rigooreyaal kaga adkaaday kadib markii ay isku mariwaayeen labada kooxood barbar dhac 1-1. Balse cidwalbaa waxa ay isweydiineysa waxa keenay in Sidane la siiyo kaar cas kadib markii uu madaxa xabadka uga dhiftay difaaca Talyaaniga Marco Materazzi, taasina keentay in garsoorihii ciyaarta uu siiyo kaar cas.
 
Wargeyska The Guardian ayaa amuurtan wax ka qoray inkastoo hadalkaasi aan lugu kalsoonaan karrin hadana waxa uu wargeysku sheegay iney tahay mida keentay ciyaaryahnkaasi reer Faransa uu si carro ku jirto madaxa ugu dhiftay ninkii aflagaada u geystay.
Balse wargeysyada dalka Faransiiska ayaa taas mid ka duwan qoray, waxaana ay sheegeen in uu si xun u caayey Sidane hooyadiis. Tanina waa mala awaalka ay saxaafaddu caan ku tahay iney ka hordhacdo arrimo aan dhicin, hadana waxaa lugu wadaa inuu dhawaan uu hadal kasoo saaro sababta keentay in madaxa uu ciyaaryahankii talyaaniga madaxa ku dhifto.
Wargeyska The Guardian waxa uu sheegay in difaaca reer Italy uu ku yiri "Waxaad tahay argagaxiso" iyadoo weliba la aamisan yahay in Sidane uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Aljederiya qoyskiisana la sheegay iney yihiin qoys ku adag diinta Islaamka.
 
Dhinaca kale wasiirka Isboortiga dalka Faransiiska Jean-Francois Lamour oo aan laftiisa fahmin waxa keenay carada xaddhaafka ah ee Sidane ayaa sheegay in talaabada uu ku dhaqaaqay aaney aheyn mid la aqbali karro isagoo u waramayey wakaalada wararka ee AP.
"Sidane waxaan ku arkay qolka dharka lugu badasho waana gacan salaamay, balse uu aad u niyad jabnaa mana aan weydiin wax su'aal ah" yiri Madaxa xulka qaranka Faransiiska Jean-Pierre Escalettes oo isagana ka hadlayey ka hadlayey amuurtan dhacdhadii xalay ee Sidane la xirriirtay.
Difaaca xulka Qaranka Talyaaniga oo isagana dhinaciisa ka hadlayey wixii dhexmaray isaga iyo Sidane ayaa sheegay inuusan ugu yeerin argagaxiso ee ay tahay wax xaqiiqda ka fog.
Isku soo wada duuboo guul darradii xalay ay reer Faransa la hoydeen waxey dadka inta badan u nisbeynayaan iney ugu wacneyd qaladii Sidane ee isaga laga saaray ciyaarta xilligii ay socotay waqtigii dheeraadka ahaa ee lugu daray. Mana jirto warar rasmi ah oo la xirriirta carada dhalisay in xabadka lugu dhifto difaacii Talyaaniga, balse maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa marka uu ka hadlo arrintan Sidane laftiisa oo gudiga Fifa ay u garteen ciyaaryahankii ugu fiicnaa  koobka kubada cagta adduunyada ee 2006-da ee shalay ku soo gabo gaboobay Garoonka Olombikada ee Barlin.
 
 
               Olmert oo difaacay dagaalka ay ku qaadeen Qaza 
 
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Ehud Olmert ayaa difaacay weerarka ay ciidamadiisa ku qaadeen goobaha ay degan yihiin Falastiiniyiinta, iyadoo ay dowladiisana iska indho tirtay cadaadiska uga imanaya beesha caalamka. Shirjaraa'id oo u qabtay maanta ayuu gaashaanka u darruutay iney jiri karaan wadahal lala yeesho Xamaas oo suuragl ka dhigaya in lasii daayo afduubka loo heysto askariga yaguudiga ah ee ay afduubteen kooxo falastiiniyiin ah, balse ka dhawaajiyey iney sii soconayaan howlaha meleteri ee ka soocda Marinka Qaza.
 
Khaalid Mashcal oo ah hogaamiyaha ugu sareeya ururka Xamaas ayaa dhiniciisa waxa uu balan qaaday inaanu askarigaasi yahuudiga ah ee gacantooda ku jira la dili doonin,balse buu yiri lugu soo qabtay weerar lugu qaaday ciidamada Israa'iiliyiinta ee aanu ka dhanka aheyn dadka rayidka ah.
Ciidamada Israa'iiliyiinta waxey diyaarahadooda weeraro ay ku qaadeen saakay aroortii meelo kamid ah Qaza ay ku dileen falastiini labo kalena ay dhaawaceen, waxaana ay sheegeen iney jiraan kooxo falastiiniyiin ah oo xagooda gantaalo u soo gamaya.

July 9, 2006

In ka badan 137 qof oo shil diyaaradeed ku dhintay
 
In ka badan 137 qof ayaa lugu soo waramayhaa iney ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gedida diyaaradaha Irkutsk ee dhulka Seybeeriya.
Diyaaradan burburtay oo noocoodu yahay Airbus A 310 ayaa waxaa saarnaa rakaab gaaraya tiradooda 204, markii ay saaka qaraxday.
 
Maanta gelinkii dambe xilliga Yurub ayaa wararku sheegayaan in tirada dadka ku geeriyooday qaraxaasi diyaaradeed gaarayaan 122, halka 58 qof oo kalena la geeyey cisbitaalada iyadoo 12 kalena oo dhaawacoodu fududaa guryahooda loo diray.
Diyaaradan ayaa shilkeeda waxaa sabab u ahaa diyaarad kale oo la sheegay iney ku carartay ama ay ku soo dagtay wadadii ay ku soo degi laheyd diyaarada Airbus, dabadeedna ay ka baxday xadkii xariiqtimaha oo halkaasi kacisay dab sababay in diyaaradii kale ee soo dageysay ay jiirto.
Wasiir u hadlayna dowlada dalkaasina waxa uu sheegay iney ugu wacneyd roobab xalay ka da'day dalkaasi oo sababay in runway-gii diyaaradu ku soo dageysay biyo ka buuxsamaan. Inkastoo uu jiro tuhun lala xirriirinayo shilkaasi weerarar argagaxiso hadana santuuqa madow ee codka oo duuba oo laga helay diyaaradaasi ayaa baaritaan lugu sameynayaa.
 
 
Rumsfeild oo dib u dhigay booqasho uu ku tegi lahaa Israa'iil
 
Xogayaha gaashaandhiga Mareykanka Donald Rumsfeild ayaa socdaal uu ku tegi lahaa Israa'iil baajiyey xaalada halkaasi ka jirta oo kacsan awgeed, sidoo kale xirriirka labada dal oo aan mudooyinkan dambe sidii hore aheyn kadib markii la sheegay in Israa'iil ay hub ka iibisay Shiinaha. Rumsfeild oo aan weli booqasho ku tegin Israa'iil tan iyo inta loo magacaabay jagada uu hayo ayaa doonayey inuu wadahal la yeesho ra'iisal wasaaraha dalkaasi iyo wasiirkiisa arrimaha dibada.
 
Ilo laga soo xigtay meleteriga Israa'iil ayaa shaaca ka qaaday in Rumsfeild uu doonayo xiisada halkaasi ka taagan iska sofogeeyo si tuhunka dowladiisa ay dalalka carabta ka qabeen ee la xiriira taageerada ay siiso Israa'iiliyiinta.
Israa'iil waxey gaashaanka ku dhifatay xabadjoojin ay la gasho Xamaas, waxaana ay sheegtay ineysan howlaha Meleteri ee ay kawado deegaamada Falastiiniyiinta gaar ahaan Marinka Qaza tan iyo inta kooxaha afduubtay mid kamid ah askarteeda ay sii deynayaan islamarkaasina ay hubka dhigayaan kooxaha hubeysan ee falastiiniyiinta.
"Tani waa dagaal aan laheyn jadwal, wadciga jirana waxaan ku xalineynaa degenaan iyo samir" Olmert oo kulankiisa toddobaad laha ah la yeeshay golihiisa wasiiradda.
Tan iyo intii halkaasi ka bilowdeen howlaha meleteri ee Yahuuda waxaa halkaasi ku dhintay 40 meeyo falastiniyiin ah, badi dadka reer Falastiina waxey taageero u hayaan afduubka loo heystay askariga Yahuudiga ah, beesha caalamkana waxey ku guul darreysatay iney xiisada halkasi ka jirta wax ka qabato iyadoo Israa'iil ay weli weerareeda ka dhanka ah dadka rayidka ah ay sii wado. Maantana Koofi Cannaan waxa kuu baaqay in Israa'iil ay ogolaato in goobaha ay ka taagan tahay musiibada la gaarsiiyo cunto iyo dawo, sidoo kalena la sameeyo wakaaladii korontada ee ay burburisay si ay u shasho gurmadka dadka dhaawan ee isbitaalada jiifa.

July 8, 2006

Sweden: Haweeney lugu sheegay iney Soomaali tahay oo dad qabadsiisay cudurka AIDS-ka

 
GABAY KU SAABSAN CUDURKA AIDS-KA | Rdaljir.


Dhegeyso Qisadii Hodon (cod)
[Waxaa duubay SomTV]



London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji

Digniin Laga  Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::


aidsJAWHAR::: Waraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS


MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...
aids
File photo::  Eeg halkan


Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Prof. Yusuf Hersi Ahmed

Waa Maxay CD4:
CD4 waa unugyada jirka qofka ugu qaabilsan iska difaacida cudurada. Dhakhaatiirtu waxay qofka ka qadi karaan dhiig si ay u ogaadaan tirada unugyada CD4. Qofka caafimaadka qabaa tirada CD4-ka ee kujiraa waa ugu yaraan 800 / halkii cubic millimeter oo dhiiig ahba (hal cubic millimeter waa tiro aad u yar oo qiyaastii u dhiganta hal dhibic.). Halkaas waxaad ka garan kartaa in tirada badan ee CD4 my la macne tahay in qofkaas difaaca jirkisu wanaagsan yahay, haddii tiradaasi yaraatona uu qofku halis geli doono.

Maxaa HIV ka Khuseeya CD4:
HIV-gu waxa uu weeraraa unigyada difaaca ee CD4, waxaana la arkaa in qofka qaba HIV ay hoos u dhici doonaan unugyadaasi, marka ay unugyadaasi yaraadaana waxaa qofku halis u noqonayaa cudurada halista ah. Marka CD4 ay ka hoos maraan wax ka yar 200 markaas waxaa qofku halis ugu jiraa cudur aad u daran.

Waxaa tiradaas CD4 lagu ogaankara qofka oo dhiig laga qaado, waxaana jira habab gaar ah oo la adeeegsado si loo ogaado sida uu HIV-gu u cunayo unugyadii difaaca, nidaamyadaas la adeegsado waxaa kamid ah: habka loo yaqaan PCR (polymerase chain reaction) ama bDNA (branched DNA) waxaana hababkaas la isku yiraahdaa: "viral load tests ama  T-cell count".

War kasoo baxay booliska magaalada Gothenburg ee wadankan Sweden ayaa shaaca ka qaaday in gabar da'yar oo la sheegay iney magaca Soomaali isku dhiibtay ayaa la sheegay iney dad gaaraya boqolaal nin ah oo macaamiil u ahaa ay qabadsiisay cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka.
 
Gabadhan ayaa maalinimadii khamiista booliska gacanta ku dhigeen, kadib baaritaan dheer oo lugu sameeyey ayaa lugu ogaaday iney qabto cudurkaasi.  Gabadhan oo da'ahaan la sheegay iney jirto 22 jir, ayaa waxey ka ganacsan jirtay jirkeeda iyadoo boqolaal niman ah oo macaamiil uhaa looga shaki qabo cudurkaasi. Waxey ku hadashaa afka Sawaaxiliga, waxaana la aaminsan yahay iney tahay Somali Kenyan.

Booliska oo wareysi la yeeshay gabadhan ayaa sheegay iney raggii u iman jiray ay intooda badan ay diidi jireen iney adeegsadaan wax  la yiraahdo ka hortag ah (ama Galcaar).

 
"Raggii aan la kulmi jiray intooda badan weydiidi jireen iney xirtaan Galcaarka, balse waxaa qaarkood (dhehijirey) maxaad ka ogtihiin inta nin ee la seexday, markaas kadib ayey xireen jireen  canjirka (candom-ka) "ayey tiri gabadhaasi oo la weydiiyey iney weydiin jirtay raggii macaamiilka u ahaa iney xirtaan Galcaar.
 
Dhinaca kale booliska ayaa muujiyey shaki ah in haweeneydan oo 22 jir ah laga soo waday dalka Soomaaliya  (Sheegatay iney soomaali tahay) si ay jirkeeda uga ganacsato.  Gabadhani waxey wadankan joogta muddo shan sanno ah mana jirto wax qaraabo ah oo u joogo dalkan sida uu sheegayo Sven Alhbin oo ah kusimaha dembi baarista booliska.
 
Goobta ay haweeneydani ka ganacsan jirtay jirkeeda oo la yiraahdo Rosenlund kuna taala agagaarka meel dekeda ah ee magaalada Gothenburg ayaa boolisku sheegeen iney tahay goob dumar badan oo da'yar ay jirkooda iibiya, haweeney kale oo magaceeda lugu sheegay Sara ayaa iyadana u sheegtay saxaafada in halkaasi ay muddo 10 sanno ah jirkeeda ku iibin jiray islamarkaasina aysan la kulmin wax cuduro ah oo xagga hoose la xirriira, waxaana ay wel wel ka muujisay in kuwa macaamilka u ahaa ay dhici karto iney la kulmeen gabadhaasi lugu sheegay Soomaalida. Haatan boolisku waxey hayaan baaritaan la xirriirta cida wadankan keentay ee la rumaysan yahay iney u keeneen in jirkeeda ka ganacsato.
 
Waa markii ugu horeysay ee ruux dumar lugu sheegay Soomaali cudurkan laga helo lana soo qabto iyadoo jirkeeda ka ganacsaneyso dalkan, balse afkey ku hadasho lagu sheegay Sawaaxili. Sanadkii 2002-dii ayey aheyd markii isna wiil Jabuutiyaan ah oo soomaali sheegtay afartaneeyo dumar dalkan u dhashay cudurkan qabasadiisay (Ninkaas oo 25-jir ahaa ayaa xabsi la dhigay), waxaana uu haatan ku xiran yahay meel lugu hayo dadka cuduradaasi qabi. Balse amuurtani waa u sharaf dhac u tahay soomaalida oo ah Islaam.

SOOMAALI U DHAMAANEYSA CUDURKA AYDISKA


Midowga Yurub oo soo dhaweeyey dooroshooyinka Meksiko 

 
Dooroshooyinkii toddobaadki hore ka qabsoomay dalkaasi Meksiko dooda weyna ay ka taagneyd qaabkey u dhaceen ayaa haataan kormeereyaasha reer Yurub ee halkaasi joogay sheegeen in dooroshooyinkaasi ay si habsami leh u dhaceen.
 
Musharaxa xisbiga Bidix ninka la yiraahdo Andrés Manuel Lopez Obrador waxaa uu sheegay inuu calaamatul su'aal saarayo natiijadii doorashadaasi, waxaana uu doonayey banaanbax uu arrintaasi uga soo horjeedo ay isaga iyo taageerayaashiisu ka dhagaan magaalada caasimada ah Mexico City.
 
Lopez Obrador waxaa uu codsaday in markale dib loogu laabto tirinta codbixinta dorashada oo u arko ineysan u dhicin si cadaalad ah.  Felipe Calderon oo ah musharaxa xisbiga dowlada ayaa dooroshooyinkaasi la sheegay iney ku guuleystay kadib markii gudiga u qaabilsan dooroshooyinkaasi ay sidaasi shaaca ka qaadeen. Bisha september ee fooda inugu soo heysa ayaa ciddii codbixinta ku guuleysatay si rasmi ah shaaca looga qaadi doona.
 
 
Nin looga shaki qabo inuu ka tirsan yahay Al-qaacida oo Jarmalka lugu xiray
 
Nin la sheegay in looga shaki qabo ku xirnaanshihiisa urrurka Alqaacida ayaa dalkaasi Jarmalka lugu xiray. Ninkan oo da'diisa tahay 36 jir, kana soo jeedo dalka Marako ayaa lugu eedeynayaa taageeray kuwo qaraxyada ka geystay dalka Ciraaq , sidoo kale ayaa lugu eedeynayaa inuu ahaa gacanta dhexe ama xirriir la lahaa kooxo loo heysto argagaxisanimo kuwaasoo xabsiyada Hamburg ku jira.
Tabaro loo qaato waxyaabaha qarxa ayaa iyadana kamid ah eedeymaha loo heysto ninkan, waxaana farta loogu fiiqay inuu yahay furihii weeraradii argagaxiso ee ka dhacay dalka Mareykanka sanadki 2001-da bishii september. Jarmalka haatan waxaa la soo rogay sharciyo adag oo suuragelinaya iney xabsiyada ay jiifaan muddo aad u dheer kuwa shisheeyaha ah ee lugu tilmaamay argagaxisada.
 
                               Saddex ameerikaan ah oo Ciraaq lugu dilay 
 
Sadex kamid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaasi Ciraaq ayaa lugu dilay maanta halkaasi kadib, markii ay baadigoob ugu jireen kooxo wax qarxiya kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Alanbar.
Wakaalada wararka ee AFP oo amuurtan soo weriysay ayaa sheegay in ciidamada Ciraaqiyiinta ay soo furteen tobon qof kuwaasoo deegaano xaga waqooyi ka xiga magaalada Bakhdaad ee caasimada ah loogu heystay iyo gobolka Baaquba.
Ciidamada Mareykanka oo kaashanayo ciidamada Ciraaqiyiinta ayaa galay masjid  ay leeyihiin Shiicada halkaasoo ay iska horimaadyo ka dhaceen, goob joogayaal halkaasi joogayna waxey sheegeen in xaajadu u ekeyd iney baadigoobayeen ciidamo daacad ah u ah wadaadka Sadar ee Shiicada ah.
 
 
Wararkii shalay:7.7.2006
 
 
Hooyadii Soomaaliyeed ee loo heystay iney guday gabadhadii oo dacwadeedii socoto
 
Hooyo Soomaaliyeed oo degan magaalada Gothenburg ee wadankan Sweden dhawaana loo xiray dembi la xirriira gudniin ay gabadheedii ku sameysay ayaa weli waxaa socda dacwada la xirriirtay amuurtaasi.Haweeneydan oo maalintii jimcihii la doonayey in kiiskeeda dib loo furo ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha loo heysto, balse dacwadeeda oo tan iyo muddo toban cisho soo jiidameysay ayaan suuragal noqon in dembiga loo heysto lugu cadeeyo.
Xeer ilaaliyahana waxa uu codsaday in labo toddobaad baaritaanka arritan loogu darro, waxaana haweeneydan looga xayuubay xorriyadeedii ay laheyd tan iyo inta laga soo cadeynayo dembiga loo heysto.
Kasokow dacwada ku saabasan gudniinka ee loo heysto ayaa waxaa jira eedeymo kale oo la xirriira iney jirdil ku sameyn jirtay gabdhaheeda iyo waxa loogu yeeray "aragtida galmada" oo aysan xorr ka dhigin.Bishan 21-keeda ayaa markale dacwada hooyadan loo heysto la dhageysan doonaa markaasoo ay dhici karro in loo gudbiyo maxkamad. Haddii dembiga loo heysto ay cadaado waxey noqoneysaa shaqsigii labaad ee Soomaali ah oo xabsiga loo jiifiyo arrin ku lug leh gudniin lugu sameeyey gabdho yar yar.
Hooyadan ayaa la sheegay iney dacwada ku soo oogtay gabadheeda oo 18 jir ah, islamarkaasina ay u gudbisay dacwadaasi xafiisha ceydha kuwaasoo markii dambe booliska u gudbiyey, sidoo kale ayaa hooyadani waxaa laga qaatay carruurtii yaryarka ahaa ee ay dhashay.
Bishii juunyo 26-keedii ayaa sidoo kale Aabe Soomaaliyeed oo isagana degan magaalada Gothenburg waxaa lugu xukumay afar sanno oo xarig ah kadib markii lugu helay dembiga loo heysto ee ah in gabadhiisa oo gudniin fircooni ah ku sameeyey.
 
  
                                    Tariq Casiis oo cuntadii kasoomay
 
 
Taarikh Casiis oo xukuumadii Saddaam Xuseen ee lafgambiyey ra'isal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibada kasoo noqday ayaa cuntadii kasoomay kadib markuu sheegay in ciidamada ameerikaanku u diideen inuu la kulmo qareenkiisa.
Casiis waxa uu doonayaa in dacwadiisa uu qareenku ugudbiyo maxkamada Yurubiyaanka ee u dooda xuquuqda aadanaha, balse ameerikaanka gaashaanka ayey ku dhifteen eedeymaha Tarikh Casiis.
 
Qoraal uu soo saaray qareen talyaani ah lana yiraahdo Giovanni di Stefano ayaa sheegay in Tarik Casiis u sheegay in ameerikaanka iyo igiriisku ay is hortaagayaan iskuday kasta oo beesha caalamiga ah ku dooneyso in arrintiisa loo gudbiyo maxkamadaha Yurub ee u dooda xuquuqda aadanaha.Taarikh Aziz waxaa uu isku dhiibay ciidamada Mareykanka wax yar kadib markii xukunkii Saddaam Xuseen la riday.

July 4, 2006

Dayaxgacmeedkii Discovery oo hawada loo diray

 
 Dayaxgacmeed Discovery ayaa maanta oo talaado ah loo diray hawada iyadoo ay dushiisana saarnaayeen toddobo cirbixiyeeno. Dayaxan oo si habsami ah uga duulay xarrunta dayaxgacmeedyada John Kenndy ee gobolka Florida, farsamayaqaanadana waxey xooga saareen inaan markale cilad ku iman dayaxgacmeedkaasi. Maantana waxey u aheyd dalka Mareykanka maalintey xorriyada qaateen iyadoo labadii cisho ee tagay la isku dayey in dayaxaasi hawada loo dirro balse cilamada oo xumeyd awgeed dib loo dhigay.
 
Waa dayaxii labaad ee hawada loo dirro hawada tan iyo sanadkii 2003-da markaasoo dayaxgacmeedkii la oran jiray Kolombiya burburay. Sadexdiisa ee ugu dambeysay Nassa waxey qarash badan ku bixisay sidey wax ugu qaban laheyd cilada heysata dayax gacmeedka.
 
Codbixinta dadweynaha: "Blair wuxuu ku guul dareystay la dagaalanka argagaxisada"
 
Ra'iisal wasaaraha dalka Ingiriiska Toney Blair ayaa la sheegay in dhaleeceyn ba'an la kulmay kadib markii la sheegay inuu ku guul darreystay la dagaalanka argagaxisada, sidoo kalena in jaaliyadaha muslimiinta dalkaas aan lugu dhex darrin bulshada briatan.
 
Codbixin maanta lugu soo daabacay wargeyska The times ayaa lugu sheegay in 13% muslimiinta dalkaasi  oo tiradooda gaareyso 1,6 milyan ay aaminsan yihiin sadexdii dhalinyarro ee qaraxyadii London ka dhacay sanadkii hore loogu yeero kuwo mujaahidiin ah. Balse Blair waxa uu sheegay in dowladiisa keliya aaney wax ka qaban karrin amuurtan ee uu baahan yahay taageerada bulshada muslimiinta dalkaasi iyo hogaamiyeyaashooda taasoo u arko in waxa loogu yeeray argagaxisada looga hortagi karro.
 
 
        Kuuriyada Waqooyi oo gantaalo tijaabisay
 
 Waqooyiga Kuuriya ayaa maanta oo talaao ah shan gantaal cirka u gantay kuwaasoo ay tijaabineysay. Mid kamid ah  gantaalahas ayaa la sheegay inuu yahay mid ridadiisu dheertay sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Rueters oo maanta warkan warisay.
 
Warbaahinta Japaan oo amuurtan ka hadashay ayaa sheegtay in gantaalahaasi ay ahaayeen kuwa loo yaqaano SCUT-ka, wakaalada wararka ee iyadana la yiraahdo Kyoda waxey werisay in saakay aroortii hore cirka loo ganay afartii gantaal ee ugu horeysay. Gantaalaha Scut-ka ayaa  ku dhacay  harro ku taal dalka Japaan oo 50 mil u jirto Hokkaido. Mid kamid ah gantaalahaasi  ridada dheer ayaa la sheegay inuu  halaabay.
 

July 3, 2006

Afartan qof oo ku geeriyooday shil tareen oo dhulka hoostiisa mara ee dalka Isbeyn

 
Ugu badnaan dad tiradooda gaareyso afartan qof ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen shil ka dhacay dhulka hoostiisa oo ay tareenada maraan  gobolka Valencia ee dalkaasi Isbeyn.
Labo tareen oo fooda is daray ayaa la sheegay iney sababeen dhismashada rakaabkii saarnaa tareenadaasi.Shilkan tareen ee dhacay ayaa tuhun aad u weyni laga qabay iney salka ku hayaan weeraro argagaxiso oo lala beegsaday, balse dowlada dalkaasi ayaa sheegtay inuu ahaa mid sababtay xawaaraha mid kami ah tareenadaasi oo aad u dheerayey.
Isbeyn inkastoo tan iyo markii xukuumada cusubi ee dalkaasi la wareegtay kalasoo baxday ciidamadeedi dalka Ciraaq joogay hadana waxey ka nabadgashay weeraradii uga iman jiray kooxaha taabacsan Osma Bin Laadin oo iyagu horey qaraxyo uga fuliyey.
 
 
            Bush oo qorsheyaal  u sameeyo Kuba
 
Madaxweyne Bush-ka Mareykanka ayaa la sheegay in kooxo qorosheyaal u sameeya dalkaasi Kuba magacaabay, kuwaasoo howlahooda qaban doona waa sida warka loo dhigaye geerida Fidel Castro oo ay siyaasad ahaan isku wanaagsaneyn.Warkan oo uu wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee Idependent
Wargeyska ayaa qoray in qorsheyaashaasi kamid tahay taageero dhaqaale oo lloo fidiyo dowlada kmg ah ee dalkaasi ka hirgeli doonto marka uu meesha ka baxo Castro.Dowlada Mareykanka oo dhaqaale badan ku bixisa ayaa qorshaheedu yahay sidii dalkaasi loogu soo dabaali lahaa xorriyad iyo demoqraadiyad.
Dowlada Kuba ayaa amuurtan ku tilmaantay dagaal toos ah oo loo qalabtay, waxaana ay sheegtay iney tahay qorsheyaal lugu doonayo in dowlad kale oo Mareykanka taageersan laga hirgeliyo.
Inkastoo Kuba iyo Mareykanku aanu heshiis diblomaasi ka dhaxeyn hadana Kuba waxey dhaqaale ka heshee xabsiga Guantanamo bey oo ah xabsi lugu hayo muslimiin badan kuwaasoo dagaalkii loogu magac daray la dagaalanka argagaxisada ee lugu qaaday dalkaasi Afgaanistaan lugu soo qabtay kuwaasoo aan intooda badan weli lahorkeeni wax maxkamad ah oo ku cadeysa dembiga lugu heysto.

July 2, 3006

Roomaaniya oo dad ugu geeriyooday daadad qaaday

Wararka ka imanaya dalkaasi Roomeeniya magaalo madaxdiisa Sofia ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal dhuux ay ku dhinteen roobab xoog leh oo halkaasi ka tagay afar iyo labaatankii saac ee tagay halka sadex kale la runsan yahay in iyagana la la yahay.
Roobabkan xoogan oo wata dabeylo ayaa lasoo sheegayaa iney yihiin kuwii ugu xooga badnaa ee ku dhifta deegaanada waqooyi ee dalkaasi. In ka badan 2.700 oo guri ayaa daadku qaaday iyadoo ciidamada dalkaasi oo halkaasi gar gaar deg deg ah la gaaray ayaa dadka ugu baaqay iney ka soo baxaan guryahooda si loo baadi goobo dadka la runsan yahay in daadkii ka dhashay roobabkaasi ku dhinteen. Sidoo kale ayaa iyadana laga soo sheegay deeganaadaasi in korontadadii ay ka tagtay.
 
Roomeeniya waxey kamid tahay dalalka bariga Yurub ku yaala ee waqtiyadan dambe daad xoog leh oo ka dhashay roob halkaasi ka da'ay ay qasaaro badan geysteen. Dalka Bulgaari
ya ayaa sidoo kale fatahaad xoog leh ay u geysteen roobka ka da'ay deeganada ku teetsan badda madow. 
 
Peres: "Wasiirada reer falastiin dacwad ayaa lugu soo oogayaa"
 
Wasiiradii dhawaan ay qabsadeen ciidamada Israailyiinta ayaa lugu soo waramayaa in dacwad lugu soo ogayo. Ra'iisal wasaare ku xigeen xukuumada Tale aviv Shamon Peres ayaa sidaasi sheegay isagoo u waramareyey telefeyshinka CNN-ta. "Waxaa loo heystaa iney taageereen weerarada argagaxiso" ayuu yiri Peres oo u waramayey CNN-ta gaar ahaan barnaamijka la yiraahdo Late Edition.
Toddobaadkii hore ayey aheyd markii sideed wasiir oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Xamaas ay ciidamada Israa'iliyiintu qabsadeen, kadib markii jiida Qaza ay ka fuliyeen howlgalo melateri oo waaweeyn kuwaasoo dhamaan burburiyey dhismoyaal dadku leeyihiin sidoo kalena waxyeelo loogu geystay wakaaladdii korontada ee deegaanadaasi iftiimin jirtay.
Ra'iisal wasaaraha dhawaantan xukunka qabtay ayaa isagu sheegay inuu bixiyey amarka deegaanadaasi markale looga fuliyey howlgalka meleteri kaasoo lugu doonayo in lugu soo furto askari yahuudi ah oo halkaasi lugu afduubtay.
 
 
                              Ayraboorka Jordon oo dab qabsaday
 
 
Gegida diyaaradaha dalkaasi Jordan ee Amaan ayaa goor dhow dab qabsaday sida ay halkaasi kasoo werisay wakaalada wararka Rueters.Diyaaradaha soo dega ayaa iyagu loo weeceeyey ayraboor kale oo meleteri.
Ciidamada dabdemiska ayaa ku howlan siddii ay dabkaasi u damin lahaayeen, mana jirto ilaa haatan warcad oo ku saabsan sabatii dhalisay dabkaasi. Balse saacada soo socda ayaa la ogaan doontaa wixii dhaliyey dabkaasi.

July 1, 2006

Ra'iisal wasaaraha Falastiiniyiinta oo salaadii khudbada jimcaha ka hadlay arrimaha barriga dhaxe

 
"Dadkeenu waa kuwo samir badan, Israa'iil waxey awooda iney xir xirto madaxdeena, sidoo kale iney wax gumaadana awood ayey u leedahay, laakin in calankeena dhulka ku dhicimayo" ereyadaasi waxey kamid yihin ereyadii ugu horeeyey ee ra'iisalwaasare Axmed Haniyeh yiraahdo isagoo ka qudbadeynayey salaadii jimcaha  oo kaga hadlayey isbadladii ka dhacay jiidada Qaza ee ay ciidamada Israa'iiliyiintu ku galeen tan iyo markii afduub loo geystay mid kamid ah askerteeda toddbaadkan horaantiisa, taasoo dhalisay in xiisadii halkaasi ka jirtay ay cirka isku shareerto.

Waxa uu sheegay in xaalada barriga dhaxe uu kala xaajoonayo madaxda reer galbeedka iyo dunida carabta, balse talaabada melateri ee Israa'il wado ayuu sheegay iney sii murjineyso xaalada haatan cakiran.

 
Dhinaca kale ergada Washington ee ugu qeybgalaysay Q Midoobay dood loogaga hadlayey barriga dhaxe John Golton ayaa mas'uuliyida wadciga haatan kasoo cusboonaday gobolka dusha ka saaray maamulka Dimishiq ee Suuriya  waxaana uu
ku eedeyey iney taageero dhaqaalo siiso waxa ay dowladiisa u taqaano argagaxisada.Golton waa siyaasi xag jir ah luguna tiriyo inuu saaxiib la yahay Israa'iil waxa uu dowlada Suuriya ka codsaday iney soo dhiibto Khaalid Mishal oo muddo dheer daganaa dalka Suuriya ka hor intii aanan la isku dayin isku day dil oo lala damacsanaa.
 
Ciidamada Ameerikaan oo kufsi iyo dil la sheegay iney ka geysteen Ciraaq 
 
Iyadoo awal horey looga dharagsanaa falalka anshaxa xun ee ciidamada Mareykanka ee xooga ku qabsaday dalkaasi Ciraaq geysteen ayaa hadana waxaa weli isa soo taraya warar la xirriira fadeexooyin hore leh oo la xirriira dilalka, dhaca iyo  kufsiga loo geysanayo maatada liidata ee dalkaasi.
Baaritaan la xiriira amuurtan oo la sameeyey ayaa cadeysa in labo askari oo kamid ah ciidamada Ameerikaan ay bishii maarso 12-keedii haweeney ciraaqiyad ah kufsi iyo dil ugu geysteen magaalada Mahmudiya oo xagga koonfureed ka xigta magaalada caasimada ah ee Bakhdaad.
Ugu yaraan labo askari oo falkaan geystay ayaa la sheegay iney kufsi iyo dil si naxariis darro ah kula kaceeen iyada iyo qoyskeeda, waxaana la sheegay in haweeneydaasi ay meydkeeda gubeen markey kufsiga u geysteen kadib.
 
Falalka noocaan ee loo geysanayo dadka rayidka ah reer Ciraaq ayaa iyagu ah kuwii shanaad ee shaaca laga qaado,balse tani tahay baa la leeyahay fal la xirriira kufsi.
 
               Madaxweynahii hore ee Mexico oo la baadigoobayo
 
 
Madaxweynihii hore ee dalkaasi Meksiko Luis Echeverria ayaa loo heysto dacwad ka dhan ah tacadiyo iyo dil uu geystay toboneeyo oo ardeyda dalkaasi ah xilli ay banaan bax sameynayeen sanadku markuu ahaa 1968-dii. Qaali maxkamadeed oo ku taala dalkaasi oo u waramayey wakaalada wararka AFP ayaa sidoo kale sheegay in gurigiisi ay la wareegtay dowlada dalkaasi.
 
Luis Echeverria wuxuu madaxweyne dalkaasi kasoo ahaa sanadhii 1970-76-dii sidoo kale waxa uu waqtiga la sheegay in amarka lugu dilay ardeydaasi bixiyey ahaa wasiirki arrimaha gudaha.Waqtiga ay rabashadaasi dhaceen ayuu sheegay qaaliga iney keentay in magaalada aan lugu qaban ciyaaraha caalamiga ah ee olombikada oo ay Meksiko martigelin laheyd.
Echeverria waxaa uu ka tirsanaa xisbiga PRI oo in ka badan 70 sanno dalkaasi xukumayey ka hor intii aanu dalkaasi ka qirxin kacaankii Mexsiko ee xukunka loogaga tuuray Luis Echeverria.

.....WARARKII ADDUUNKA EE JUNE 2006.... GUJI....

 ... WARARKII ADDUUNKA EE MAY,2006... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006