SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 SOOMAALI U DHAMAANEYSA CUDURKA AYDISKA

Yusuf Shabac  II

yusufshaba@yahoo.com

June 5, 2006


Laga soo bilaabo dharaartii aan lugta ku tagney dhabadii naxdinta badnayd ee loo yaqaaney Habaar-waalid, oo aan usoo gudubney Kenya iyo Itoobiya, waxa ay qaarkeen ku milmeen bulshadii aanumarkaa dhax nimi oo waxaba ay la wadaageen waxkastamarka lagu daro gogosha. Mana aynaan ogaan illaa lagasoo gaarey markii aanu mari lahayn caafimaadkii imtixaanka dhoofista.

Wiilasha iyo gabdhaha ka turjumagoobaha daryeelka caafimaadka Minnesota waxa ay soowarinayaan arimo iyo tiro aad looga naxo, in jiraan wiilal iyo gabdho ogsoon in ay cudurkaan qabaan haseyeeshee aanan marna ka dhax baxayn bulshadeena. Sidaay doontuba cudurku ha ku yimaadee, laakin waxa murugo leh in ay jiraan dad qarsada xanuunkooda, ama uqarsanaya cudurkaa sidii wax laga xishoodo oo kale. Dhanka kale waxa yaab leh, wiil furay gabadh uu qabay muddo soddon saac oo kaliya ka dib markii ay kacodsatay in uu warqad kala yimaado takhtarkiisa.

GABAY KU SAABSAN CUDURKA AIDS-KA | Rdaljir.


Dhegeyso Qisadii Hodon (cod)
[Waxaa duubay SomTV]


Digniin Laga  Bixiyey Cudurka AIDS-ka oo Ku Faafaya Soomaaliya::


aidsJAWHAR::: Waraysi: Gabar Soomaaliyeed oo Qabtey AIDS


MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...
aids
File photo::  Eeg halkan


Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Prof. Yusuf Hersi Ahmed

Hadaba cudurka Aids-ka aan inooga waramo, oo aan kusharxo luuqad uu qof kasta fahmi karo. Aids waa xuruufo lasoo koobey oo uu xaraf walba matalayo erey, A-acquired I-Immune D-Deficiency S-syndrome, waa bakteeriyo lagu kala qaado galmoodka iyo isdhaafsi-dhiig oo kaliya.. Ilaah baa og sidii uu ku bilowday,laakin waxaa xusid mudan in uu ilaah noo sheegay 1430sano ka hor, oo waxa inoo sheegay fariinsidiihii khayrkabadnaa nebi Maxamed CSW, “Haddii aad iska dhaafiweysaan galmoodka aan sharciga ahayn, waxa uu ilaah idinku salidi doonaa cuduro aan horey loo aqoon”.

Gaalada wax baarta waxa ay yiraahdeen cudurkaan waxa markii ugu horeysay lagu arkey ama laga soo sheegay Maraykanka bishii July sanadkii 1981kii. Laakin waxa lawada aaminsan yahay in uu asalkiisii uu ka soo bilowdey Saxaraha Afrika. Cudurkaan Aids-ka waxaa helay ama baarid ku ogaadey laba takhtar oo kala ah Dr. Robert Gallo oo u shaqaynayey National Cancer Institute iyo caafimaad baare u dhashay wadanka Faransiiska oo magaciisa la oran jirey Luc Montagnier oo isla markaana shaqaale ka ahaa Pasteur Institute.

Cudurkaan wuxuu wiiqaa unugyada awooda badan ee difaaca jirka oo uu ilaah inagu beeray si aan isagadifaacno cudurada iyo jirooyinka sida joogtada loolakulmo xili kasta. Cudurkaan waa dile aan weli loo helin dawooyinka dhayi lahaa. Cudurkaan waxa uu katirsan yahay cudurada loo yaqaano (Fursad-goob) ama opportunistic waxaa caan ah oo cuduradaas ka mid ah PCP Pneumocystis Carinii Pneumonia waa cudurka kaankarada ee naafeya sambabada, waxaa kaloo ka mid ah cuduradaan; yeast, cytomegalovirus, herpes virus iyo parasites sida Toxoplasma iyo cryptosporidia.

Aids wuxuu dhaawacaa maskaxda, marka uu jirka dhibaayana waxaa lagu gartaa Kaposi’s Sarcoma. Marka hore waxaa qofka asiiba viruska oo loo yaqaano HIV afar illaa toban sano ka dibna waxa uu isu rogaa AIDS, waxaa laga yaabaa in uusan qofkii qabay uusan waxba iska garan, in ay qandho qabato mar-mar, ama waxa ay u badan tahayin uu jiro la naafoobo.

Inkasta oo cudurkaan markiisii ugu horeysay laga helay laba nin (qowmu-luud ah) ku nooleyd magaalada Loos Angelus ee Maraykanka, laakin hay’ada caafimaadka aduunka waxaay mabda’ ahaan isku raaceen in uu cudurkaan faafiyo dhiicaanka ay is dhaafsadaan cunug iyo hooyo jiran ama nin iyo naag isu galmoonaya. Waxa kale oo qayb lixaad leh ka qaatey fidinta cudurkaan cirbadaha ay isdhaafsadaan kuwa isticmaala daroogada dhiigga iyo tanneefta la raaciyo.

Maadaama aan nahay ummad Muslimiin ah, waxa aan ogsoonahay haddii uu ilaah inoo diido wax, waxa uu inoo ogolaada wax kale oo ka fiican wixii uu inoodiidey, maadaama lay noo sheegay in aan ka duwanaano xoolaha oo aan yeelano xidid iyo xiriir waxa lama huraan ah in aan iska guursano haddii aan awoodno. Maadaama aan nahay ummad xishoota, tani waxa ay suuro gelisay in uu cudurku ina dhex yimaado naguna faafo,kol haddii aynaan ilaah ka cabsanayn sowma fiicnaan lahayn in aan nafteena bad-baadino iyo nafta kuwa najecel. Wiilasha iyo gabdhaha is guursanaya wax ba kuma jabna in layska wareysto xaaladaha caafimaad iyo weliba in takhtarka la wada tago oo laysa soo baaro, qofkii diidaana wax baa u qarsoon, ilaahey wuxuu yiri, “walaa-tulquu-aydiikum-ila-tahalukah”“walaa-taqtuluu-anfusakum-inahu-kaana-bikum-raxiimah”

Yusuf Shabac  II

yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2006

GABAY KU SAABSAN CUDURKA AIDS-KA | Rdaljir.


DUQII DOONA DUCANA UGU DARA: Inta uusan la wareegin xukunka waxa ay Soomaaliya Dimoqoraadiyadeedu noqotay... GUJI..


Magaalada Balcad oo Gacanta u Gashay Midowga Maxaakiimta...
»Sh. Ibraahim Max'd oo codsaday in lagu Celiyo dalkiisii
»Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaarey Baydhabo....
»Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Jarmalka
»Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal ka dhacay Som
»8-Gaari oo Tiknikaa oo uu leeyahay Yalaxow oo isu dhiibey
»Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga Argagxisada oo gaarey Bay
»Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta
»Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey CeelBarde
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista
»Xubno ka tirsan wafdigii DF oo booqday Jaamacadda Bariga
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 4


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD