SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 WAR-DEGDEG AH:

Maxkamadda Islaamiga oo la wareegtey magaalada Balcad iyo Malaysiyadii Qanyare oo ka Baxay Xaruntoodii Dayniile

June 4, 2006: Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa tibaaxay in magaaladaasi laga saaray maleysiyadii isahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada", magaaladaasina ay hadda gacanta u gashay maxkamadda Islaamiga ah.

Magaalada Balcad waxa ay 30 km dhanka Woqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho. Waxaana magaaladaas saakay ka dhacay dagaal aad kulul, kaas oo sababay in malyesiyadii Muuse Suudi Yalaxow laga saaro halkaasi, waxana la sheegay in maleysiyadii magaalada laga saaray ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Jowhar.

Ilaa hadda waxaa maxkamada Islaamiga gacanta u galay Ceel-Cirfiid, Cali-Yaale, Garas Bintow iyo Hiilweyne, iyo magaalada Balcad oo isku xirta Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Warar kale ayaa Sheegaya in maleysiyadii Maxamed Qanyare ay habeenimadii Sabtida ka baxeen meeshii xarunta u ahayd ee Dayniile iyagoo markii hore u dhaqaaqay dhanka Balcad si ay gacan u siyaan maleysiyada Suudi Yalaxow oo markaas ku sugnaa Balcad.

Magaalada Jowhar waxa ay balcad u jirtaa 65 km. Eeg Fogaanta ay isu jiraan magaalooyinka Soomaaliya...

Wararkii kale ee maanta hoos ka akhri:

WARARKII June 4, 2006

  • Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo 
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..
  • 8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse Suudi leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..
  • Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka oo gaarey ..
  • Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta xilalka ..
  • Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey Deegaanka Ceel Barde..
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista ..

  • Liibiya: Madaxweynaha  Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugna sii gudbey Baydhabo

  • Xubno ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid   oo booqday Jaamacadda Barig Afirka. 

Shiikh Ibraahim Maxamed oo codsaday in dalkiisii  lagu Celiyo

Sh. Ibraahim Sh. Max'ed

USA: Kadib markii Shiikh Ibraahim Maxamed lakeenay Maxkamad maalintii Khamiista 6/1/06 ayuu codsaday in dalkisii loo celiyo kaddib markuu xiraa lixbilood iyo lix iyo toban bari isoo wax danbi ah oo lagu xukumayna aysan jirin, sidoo kalena Maxkamdii ay ka diiday in lacag damaanad ah laga dhigo oo uu dacwadiisa isagoo xirnayn sii wato.

Shiikh Ibraahim hadaladiisii ayaa waxaa kamid ahaa “Maadaama aanan garanayn wax danbi ah oo aan u xiranahay, lacagtii damaanada ahaydna aad diidee n waxaan ka door bidayaa in wadankaygii Soomaaliya la ii celiyo intaan xabsi kujirilahaa”.

Kadib markii Maxkamadii ka xaqiijisay Shiikh Ibraahim hadalkaas, Qareenkiisiina ay isla ogolaadeen, ayey waxay Maxkamadii xukuntay in loo celiyo Soomaaliya.

Sharciyan qofka la xukumo in laceleyo waxay qaadataa 14 ilaa 90 maalmood. 

Shiikh Ibraahim waxaa la xiray Sanadkii 2005 waxaana lagu xiray Seattle Washington, oo uu ka ahaa Imaam iyo Siikhba, ………… sii akhri 


Xubno ka tirsan wafdigii federalka ee Boosaaso yimid   oo booqday Jaamacadda Barig Afirka. 

 

Waxaa Galabmimadii Talaadada  May 30, 2006 Jaamacadda Barig Afrika soo booqday Mudane Xildhibaan Ismaaciil Max’ed Xasan (Timir) oo ah Xildhibaan ka mid ah Dawladda Federalka ku meelgaarka ahna Guddoomiyaha Guddiga  Dastuurka .

Xildhibaanka  waxaa Jaamacadda Bariga Afrika ku soo dhaweeyey Maamulka Jaamacadda oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Jaamacadda Dr:C/qaadir Max’ed C/laahi  iyo Maamulaha Arrimaha Maamulka Sheekh yuusuf C/Casiis iyo hormuudyada kala duwan ee jaamacadda.

 

Xildhibaanka  iyo Maamulka Jaamacaddu waxay ka wada hadleen wada shaqaynta Dawladda ku meelgaarka iyo jaamacadda Bariga Afrika  iyo kor u qaadidda tayada waxbarasho ee ummadda soomaaliyeed.

Xildhibaanka  wuxuu aad ugu bogaadiyey kuna ammaanay maamulka JBA dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha JBA iyo dadaalka dhinaca aqoonta ah oo aad u sarreeya marka loo eego todobadii sano oo ay  JBA jirtay.

 

Guddoomiyaha Barlammaanka Dawladda Federalka oo Qaabilay Guddoomiyaha JBA.

 

Isla maqribnimadii Talaadada May30,2006 Waxaa wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha JBA Dr:C/qaadir Max’ed C/Laahi ay ku booqdaan Guddoomiyaha Baarlammaanka ee Dawladda Federalka Ku meelgaarka ahna sii hayaha Xilka madaxwaynaha  Mudane Shriif Xasan Sheekh Aadan Hotelka International Village ee magaalada  Boosaaso.

 

Maamulka JBA iyo Guddoomiyaha waxay kawada hadleen kor u qaadidda xiriirka iyo wada shaqaynta JBA iyo Dawladda Federalka.

Guddoomiyuhu wuxuu maamulka JBA ugu hambalyeeyey hawsha ballaaran oo ay u hayaan ummadda soomaaliyeed.Guddomiyuhu wuxuu sheegay in cilmigu yahay nuur jahliguna yahay  mugdi,

Guddoomiyuhu waxaa u suuroobi wayday  in uu  soo booqdo jaamacadda laakiin waxa uu sheegay in uu ku tala jiro in uu yimaado waqti fursaddu intaan ka fiican tahay .

 

 

Adan Ismaacil

Public Relations

Email: eauj@hotmail.com

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal shalay ka dhacay deegaanka..

Dagaal faraha laysaga gubtay oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa weli waxa uu ka socdaa deegaanka Cali-Yaalo oo ka tirsan Degmada Balcad, waxa uuna dagaalkaani u dhexeeyaa ciidamada Midowga Maxaakiima Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada".

Dagaalkaan oo ka bilowday deegaanka Ceel-Cirfiid ayaa waxa uu ku fiday Tuulooyin ku dhow dhow degamada Balcad, iyado ciidamada Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah la sheegay in ay la wareegeen saddex Gaari oo Tikniko ah oo ay lahaayeen Isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeeray argagixisada, hase yeeshee waxaa ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray labada dhinac, balse warar ayaa waxay sheegayaan in ay ku dhingeen ilaa iyo 12 qofood oo la sheegay in ay u badbaanaayeen kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee dagaalamayay.

Labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeyso ayaa waxaa la sheegayaa in ay soo gaarayaan gurmadyo uga imaanaya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dagaalkaan ayaa waxa uu bilowday kaddib markii doraad deegaanka Muuri uu ka dhacay dagaal dhex-maray Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada iyo maleeshiyooyin daacad u ahaa Guddoomiyaha Siyaasadda Xamar iyo Xamar-Daye Macallin Xaashi Max’ed, waxaana ciidamadii Macallin Xaashi laga dilay ilaa iyo toban ruux, waxaana laga qabsaday labo gaari tikniko ah, iyadoo ciidamadiisii iyo isagiiba ay u soo galeen Midowga maxaakiimta Islaamiga ah oo fariisin ku lahaa Darmoolay. wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in ciidamada Midowa Maxaakiimta ay xalay ku baryeen xerada Hiilweyne, iyagoo kaabiga u saaran degmada Balcad, waxaana hor kacaya Macallin Xaashi oo taageerayaal badan ku yeeshay deegaanka Balcad kaddib markii doraad laga dilay dhowr qofood.

8-Gaari oo Tiknikaa oo uu Muuse Suudi leeyahay oo isu dhiibey Maamulka ..

Iyadoo dagaal qaraar uu ka socdo deegaanka Cali-Yaalo dagaalkaas oo u dhexeeya Midowga Maxaakiimta Islaami-ga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa haddana maleeshiyo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow watayna 8-gaari oo Tikniko ah ay isku dhiibeen maamulka Degmada Afgooye.

Ciidankaas oo maray wadada isku xirta Afgooye iyo Balcad oo marta duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sababaha ay ciidankaasi isku dhiibeen lagu sheegay kaddib markii ay ka carareen dagaalkii ka dhacay deegaanka Cali-Yaalo.

Mas’uuliyiinta Degmada Afgooye oo uu hor kacayo guddoomiyaha deegaankaasi Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) sidoo kale Guddoomiyaha gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-Cadde ayaa waxa uu sheegay in ciidankaani ay yihiin kuwo aan dagaalamin oo gartay in ay yihiin baadil loo adeegsanayo, isagoo sheegay in ciidankaasi ay joogaan gurigoodii Hooyo, balse waxa uu sheegay in ciidankii tagay degmada Baydhabo ay yihiin kuwo dagaalamay, haddii aysan Dowladdu wax ka ogeyn dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waxay dib u soo celin lahayd ciidankaasi.


Shirka Badhan oo Baaq u diray DGPL iyo Shirkadda Range Resources

Shirkii beryahan ka socdey magaalada Badhan ayaa soo gabagaboobey Sabti June 3, 2006, waxaana shirkaas ka soo baxay baaq loo diray madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Range Resurces, waxaana baaqaas lagu xusay in beesha baaqaas soo saartay aysan ogolaan doonin macdan qodasho aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah. Waxa kale oo lagu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo dadkii loo xiray arrimaha Majayahan. Baaqa oo dhan... AKhri


Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka oo gaarey ..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo gaaray maleeshiyo iyo Tikniko oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, gaar ahaan kuwa Bootaan Ciise Caalin.

Maleeshiyadaasi oo watay todobo gaari oo Tikniko ah iyo boqol Maleeshiyo ah, waxaana magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru Dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga Farxaan Max’ed, waxa uuna sheegay mar la wareystay in maleeshiyadani ay tahay kuwo ka yimid magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lagu biiri doono ciidamada Qaranka.

Maleeshiyadan ayaa waxay ahaayeen kuwii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay Suuq Xoolaha ee dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta xilalka ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in muran xoogan iyo is qabqabsi uu ka jiro raggii lagu bedeli lahaa Wasiirada hubeysan ee iyagu dagaalka ka wada magaalada Muqdisho oo lagu wado in dhawaan Dowladda Federaalka ay xilka ka qaado, waxa uuna murankaani u dhexeeyaa siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan. Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa la keenay dhowr warqadood oo oo ay soo qoreen Odoyaasha dhaqanka beelaha ay ka soo jeedaan Wasiiradaasi kuwaasoo mid walba lala doonayo in uu qabto xilka laga qaadayo wasiirada Hubeysan, hase yeeshee waxay arrintaani ku xiran tahay hadba sida uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi u doorto xubnahaasi, waxaana haatan socda la tashiyo looga arrinsanayo arrintaasi, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ay arrintaani la tashiyo ka sameeyeen, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ku dhawaaqo isku shaadheynta golihiisa Wasiirada, sidoo kale Golaha Baarlamaanka ayaa isna maalmaha soo socda ka tashan doona waxa laga yeelayo xilka Xildhibaannimo ee ay hayaan Wasiiradaasi. Ra’isul Wasaaraha oo isagu labo jeer digniin u diray wasiirada hubeysna oo looga dalbanayo inay si deg deg ah ku soo galaan Magaalada Baydhabo ayaa amarkaasi aysan dheg jalaq u siin, marka laga reebo wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Barre Hiiraale oo isagu todobaadkii hore gaaray Magaalada Baydhabo.

Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey Deegaanka Ceel Barde..

Urur Haween oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Ganacsato iyo Beeralayda Haweenka Degmada Berdaale oo ay ujeedadiisu tahay sare u qaadida Nadaafadda ee Degaanka, Waxbarashada Haweenka, Quudinta Caruurta, Ka Hortagga Gudniinka Fircooniga iyo wacyigelinta Bulshada halista cudur-sidaha (Virus-ka) dhaliya HIV AIDS ayaa degmada Berdaale ka fuliyey hawl shaqo nadaafadeed oo uu bishiiba mar ka qabto deegaankaasi waxaana soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee ku dhaqan degmada.

Ururkaan oo ay Aas-aaseen 7/4/005-ta Haweenka Magaalada Bardaale ayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa uu ka qabto deegaanka waxaa ka mid ah, Nadaafada deegaanka ilaa markii la aas aasay iyo wacyigelinta Bulshada cudur sidaha HIV-AIDS- Gudoomiyaha ururkaan Shamso C/llaahi Macallin Maxamed waxay sheegtay inaysan jirin wax kaalmo oo ay ka heleen Hay’adaha gargaarka iyo kuwa kale ee Caalamiga ahba, mana jiraan Ururo kale oo ay la xiriireen oo ka jira Gobolka Baay.

Ururkaan Haween ee ka jira Degmada Berdaale oo lagu magacaabo Midnimo wuxuu ka mid yahay ururadii wadaniga ahaa ee ka hawlgalayey degmada intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxay keloo sheegtay in ay ku howlan yihiin sidii ay kaalin muhiim ah uga qaadan lahaayeen arimaha nabad-gelyada Degmada Berdaale iyo isu soo dhawaanshaha fikirka dhinaca Ururada Bulshada. Waxay keloo baaq u soo jeesiday Gudoomiyaha Ururka Haweenka Midnimo Shamso C/llaahi in Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala Gobolka Bay in ay gacan ka geystaan wax u qabashada Ururada Bulshada iyo sare u qaadida aqoonta Haweenka

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanla weyn iyo Khaliif Huudow oo Cambaareeyey ..

Hay'addaha kala ah Wanlaweyn human Rights iyo khaliif Huudow Human Rights oo saldhigoodu yahay Gobalka Shabeelaha Hoose, kana wada tirsan Daladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee (Sohriden) waxay si wadajir ah u cambaareeynayaan falkii xariga ahaa ee loo geystay Mudane Cabdi Faarax oo ahaa madixii hay'adda INXA ee Boosaaso, , kuna xiran saldhiga Degmadda Boosaaso ee Gobalka Bari.

Xarigaas oo ah mid lid ku ah Xoriyadda Qofka, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha iyo dhaqanka Soomaaliyeedba. sidaa darteed ayay ugu baaqeen cidda mas'uulka ka ah xarigiisa iney si deg-deg ah oo shuruud la'aan ah u sii daayaan, uguna soo celiyaan xoriyadiisa shaqsiyadeed.

Waxaa Kaloo Labadda Hay'adood ee Wanlaweyn iyo Khaliif Huudow ugu baaqayaan xoogaga ku dagaalamaaya Magaaladda Muqdishu ee Gobalka Banaadir iney dhowraan Maatidda iyo dadka Biri-ma-geytida ah ee ay ku dhax dagaalamaayaan, kuwaaso la kulma barakicin iyo dhibaato dagaalo oo joogto ah, ineey dhowraan dadka ay ku dhax-dagaalamayaan goobaha ay degan yahiin, iyo xaruumaha adeega bulshadda, ayna u isticmalin xaruumo ciidan, ayna jojiyaan dagaalada soo noq-noqonaya ayna ku dhameeystaan wixii khilaaf ah wada hadal Geedka Hoostiisa ah, si islaamnimo a, iyo Soomaalinimo ah si loo gaaro nabad buuxda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista ..

Iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu ku howlan yahay sidii uu xilka uga qaadi lahaa wasiirada hubeysan ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa qoorta iskula jira Ra’isul Wasaare Geeddi iyo Golaha Baarlamaanka oo iyagu codsanaya in Ra’isul Wasaare Geeddi uu dedejiyo xil ka qaadista raggaasi.

Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa waxaa la sheegay in xil ka qaadista Wasiirada hubeysan uu la sugayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalaya shirka wadamada Saxaraha ka hooseeya ee ka socda wadanka Liibiya. Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga uu Madaxweynuhu soo gaari doono Magaalada Baydhabo.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:  amiinkhasaaro@hotmail.com 

Liibiya: Madaxweynaha  Soomaaliya oo u duulay dalka kenya, ugana sii gudbey Baydhabo

 Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayey ayaa Sabtidii ka duulay gegida caalamiga ah ee dalka libya. Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin dalka waxa uu kulan khaas ah la yeeshay dhigiisa libya, kulankan oo ay kala qeyb galeen madaxweynaha &wafdigiisa kulankan oo ahaa mid qaatay sacado.

Waxaa markii loo kicitimay dhanka gegida diyuuradaha dib uga baaqsadey safarkii maxamed ibrahin xabsade iyo aadan saransoor c/rashiid yuusuf seed ayaga oo u baaqdey howlo shaqo oo aan laga maarmin waa sida ay hadalka u dhigeene, wafdiga intiisi kalese waxay raacen hal dayuurad oo ay ku gari doonaan dalka kenya.

Wafdiga uu horkacayo madaxweyne yuusuf ayaa halkan markodii hore u yimid shirkii dowladaha saaxil wasaxaaraa ee todobaad oo ka dhacayey xarunta ururka ee dalka libya shirkaas oo dowlada soomaliya u lahaa ahmiyad weyn ayaan wili la shaacin go,aanadii ka soo baxay gaar ahaan go,aanadii ay gaareeen gudiyadii loo saaray dalka soomaliya in ay ka soo shaqeeyaan, wafdigan ka haray wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaan la ogeyn ayagana goorta ay baxayaa in kastoo ay u jogaan howlo ay ka wada hadleen labada madaxweyne ama labada dowladood .

Waftiga madaxwehynaha ayaa Xalay (Axad) soo gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana ay maanta uga sii ambabaxeen Soomaaliya. Waxana ay waftigu maanta ka soo degeen magaalada Baydhabo.

DHanka kale madaxweynaha DGPL ayaa maanta arrimo la xiriira caafimaadka ugu ambabaxay dalka Jarmalka.

saciid antenno
saciidanteno@yahoo.com
tripoli libya
somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 4, 2006

Warar GooGoos ah: June 3
»Golaha Baarlamaanka oo ka doodaya sidii xilka looga qaadi..
»Isbahaysiga "Argagixisada" oo gooyay mid ka mida...
»Max’ed Dheere oo si dhaqsi leh ugu ambabaxay..
»Banaanbax looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay..
»Xildhibaan C/dheeg “Xad gudubyadii ay geysteen Ciidamada
»Warsaxaafadeed: Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya
»Washington: Kulan lagu soo bandhigayay isbahaysiga AFD
Wararka oo dhan ka akhri... Guji... Jun 3


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD